Skip to main content

Friday 20 September 2024

Aragti

Dedaal iyo Diirnax

25 March, 2024
Image
Dedaal
Ardayda oo fasalka fadhida. Sawirka: qoraaga
Share

“Tabantaabaday laba gacmood tamar ku yeeshaane
Tiska waxa la qaadaa markay tiirisaa bidixe
Hadday midigtu keli taagan tahay tahar ma goyseen.” —Ismaaciil Nuur Faruur-Buur

Sida aanay qorraxdu maalin u nasan, dayaxu shaqadiisa u haysto, ayaa uu wakhtiguna u soconayaa isaga oo wanaaggiisa iyo waayihiisaba wata. Noloshu isma taagto si kasta oo aad dayac ama daryeel u qaayibto. Wax kastaana waa lammaane isku lid ah, sidaa aawadeed ayaa aadamuhuna u qaybsamaa dad miyi iyo kuwo magaalo.Labadaas oo mid waliba leeyahay hab-nololeed u gaar ah. Miyigu waa asalka ay Soomaalidu ku aroorto, waxana la ahaa raacato duur-ku-foof ah oo ku tiirsn meesiyada xoolaad ee la dhaqdo. Sidaas daraaddeed, abaartu waxa ay ahayd haddanna tahay aafada ugu wayn ee curyaamisa nolosha baadiyaha. Waana adhaxjab iyo ilgo’ aan lahayn meel looga irkado.

Haddaba, dabayaaqadii sannadkii 2017kii waxa duleedka maagalada Burco soo degay dad ay saamaysay abaartii ballaadhnayd ee “SIMA” waxa ay ahayd abaar sannadihii 2016-17kii haleeshay dhammaan geyiga Soomaalida. Abaartaas oo sida waayo’aragga iyo waayeelku sheegeen aan dadka Soomaalida hore u soo marin. Waxa ay ahayd mid lagu riiqmay, oo duunyo iyo dalagba baabiisay isla jeerkaana dad badani dayaceedii u dhinteen! Waxa ku le’day gabi ahaanba xoolihii dadku dhaqan jireen. Waxana haleelay biyo la’aan iyo baad la’aan. Gu’ iyo dayr isxiga ayaa seejiyay. Waxa uu ahaa jiilaal riiq dheeraaday. Dadka degaannadaas (Miyi) oo abaartaasi saamayn ba’an ku yeelatayna waxa ay ahaayeen kuwo duruufobadan la noolaa, waayaha ku gadaamanina ay qalafsanaayeen. Dhammaan xoolihii ay dhaqan jireen waa ay ka le’deen. Qoysas tirooyin adhiya iyo kadimmo geela lahaa ayaa bilo gudohood caydh faro madaw noqday, waxaana soo food saaray caafimaaddarro, darxumo iyo wax la’aan baahsan. Markii ay u adkaysan waayeen masiibada haleeshay waxa ay u soo guureen oo naf soo bideen magaalad iyaga oo magansanaya dadkooda ku nool. Si habqan/teelteel ah ayaa ay magaalada u soo galeen, iyaga oo halbeeggoodu yahay in ay nolol toodii hore dhaanta helaan, kana samatabaxaan abaarta xoolihii ka galaafatay.

Golihii hore ee deegaanka Burco(2012-21) ayaa waxa ay dadkan soo barakacay dib-u-dejin ugu sameeyeen dhul ku yaalla dhammaadka garoonka diyaaradaha Burco, iyada oo halkaa looga sameeyay kaam (Camp) u gaar ah. Halkaas ayaa ay ku noolaayeen in muddo ah. Buulal iyo guryo yaryar ayaa ay ka dhisteen si ay milicda iyo qabawga uga hoos galaan. Waa dad kala deegaanno ka soo guuray, kala dabci ah dantu se isbadday. Dhammaantood waxa ay ka siman yihiin in aanay helin taageero bani’aadannimo iyo soo dhawayn bulsho. In magaalada meel ka baxsan la dajiyay ayaa iyana ku ahayd urugo iyo abaal dhac. Qoysaska qaarkood waxa ay wateen dad waayeel iyo carruur ah; qaarkood waxa ay ahaayeen agoon, qaar kalena naafo indhood, dhagood, lugood ama gacmood. Kaamka la dejiyay kuma ay qabin wax waqwaqo ah; daryeel caafimaad, mid waxbarasho, biyo iyo baad. Waxa intaas u dheeraa in aan deegaanku ahayn meel dugsoon ama nololi ka suuroobi karto. Waa la dejiyay oo laga duukeeyay! Iyagu waxa ay filayeen si sidan ka roon oo gargaar iyo taageero bani’aadamnnimo u sal tahay. Nasiibdarro se wali may helin, ma na samir la’a oo waa dad Alle yaqaan ah. Xog ururin lagama samaynnin tiradooda rasmiga ah lama aqoon/yaqaan, waxa ay ku nool yihiin iyo sida ay u nool yihiina lama dhugan dhegna looma dhigin! Ciddii ay ka filayeen doorka ugu wayn oo ahayd xukuumaddii masuuliyaddooda qaadday ayaa aan ka soo ag wareegin. Waxa intaa u dheeraa in maalinba hay’adi u timaaddo, oo inta ay isha kamaradda meel walba kaga buuxsadaan ka tagaan; waxbana aan kusoo celin. Kaaf iyo kala dheeri!

Lama xog la’a oo meel la joogoba intaa warbaahin iyo baro bulsho ayaa lagu xidhan yahay e, annaga oo ah dhallinyaro asxaab ah ayaa helnay warka dadkaas. Si aannu wax badan uga soo ogaanno nolosha dhabta ah ee ay ku nool yihiin, waxa aannu booqannay deeggaankooda, waa aannu derisnay oo la falgalnay xaaladdii ay ku sugnaayeen. Waxa noo muuqatay in dadkaasi ay qabaan baahi dhan kasta leh oo aan hortayo la baadhin. Waa dad gob ah oo aan u baran in ay cid wax ka sugaan oo gacantooda oo sarraysa mooyaane aanay hoosayn jirin, iskuna fillaan jiray intii aan waayuhu liicinnin. 

Magaaladan ay maanta duleedka ka joogaan ayaa ay soo quudin jireen, iyaga ayaana mudnaanta koowaad lahaa ka hor intii aan wax waliba lidkiisa isu rogin! La qabsiga nolosha cusub ayaa ku adkaaday maalmihii hore; waa ay se qaayibeen markii dambe. Deegaanka goorta aad istaagtaba waxa aad dareemaysaa in halkan aan dawladi ka war helin, haddiiba ay ka war heshayna ay ismoogaysiisay. Waxa aannu iswayddiinnay ( dhallinyaro ahaan) wayddiimo ay ka warcelintoodu adkayd oo ay ka mid ahayd waxa aannu haba yaraatee u qaban karno dadka halkan lagu illaaway, geesta aad eegtaba inkasta oo ay gurmad degdeg ah u baahan tahay haddana waxa aan laga tegayn ku xisaabtanka awooddayada. Celcelin iyo iswaraysi dhexdayada ah ka dib waxa noo soo baxay in aannu hal qodob oo ka mid ah kumannaanka baahiyood dabooli karno. 

Dhallinyaro ahaan, wax kale uma aannu awoodi karayn oo da’ yar waxbarashada sare ku jirta ayaa aannu ahayn, nasiib wanaag se waxa aannu isla waafaqnay in aannu ubadka wax u barno (waxbarashada aasaasiga ah). Waxana hiraalku ahaa in ay la tartamaan ardayda magaalada ee basasku qaadaan, nusasaacaha qaata, dugsiyada waawayna wax ka dhigta. Intaa ka dib, waxa aannu go’aan ku gaadhnay galidda hawshaa baaxadda leh iyo in dhabarka loo rito badbaadinta dhallaankaas si kasta iyo wax kasta oo ay ku kacayso. Haddii intaas la isla qaatay waxa xiga fulinta. Annaguna waxa aannu haynnay waxa uu ahaa muruq iyo maskax fayow iyo in aannu dedaal bixinno, waxa se baahidu ahayd in la helo cid wax nala qabata oo hawsha nala bilawda, nagana caawisa agabka waxbarashada, dhismaha iyo gaadiidka. In muddo ah hore waa aannu u waynay cid taageero noo fidisa. 

Eebbe mahaddii waxa mar dambe hirgalay oo deegaankii laga dhisay hal sandaqad oo loogu talagalay malcaamad iyo cariish masaajid loo asteeyay. Sugitaanka oo nagu dheeraaday awgeed waxa ay nala noqotay in aannu wax ku sii bilawnay sandaqadda, cariishka iyo barxadda hore ee sandaqadda oo ardayda baco iyo qaddiifado loo goglay. Malcaamadda galinka hore ayaa ay ardaydu dhigtaan isla malcaamadda ayaa galinka dambena dugsi u ah oo ay ku soo noqdaan! Sidaas iyada oo ah oddoroska bilawguna halkaa marayo, waxbarashaduna bilaw noogu tahay se wali aannaan saldhigan, ayaa Febraayo 24, 2019 timi deeq Alle keenay. Masaajid, saddex fasal, taangi biyood iyo laba suuli (oo dhammaantood jiingado ah) ayaa uu deegaankii ka hirgaliyay ururka qurbajoogta Togdheer ee dalka Noorway oo lagu magacaabo “Samo Soomaalilaan” ururkani waxa uu deeqda u soo wakiishay Hay’adda Nuur Al Hayaah oo uu hormuud ka yahay Shiikh Cabdalla Baraawe.

War farxad leh in kasta oo uu ahaa haddana annaga wali doonis kale ayaa nagu jirta sababta oo ah lama buuxin baahidii agabka waxbarashada sida, Kuraas, miisas, sabuurado, buugag, qalimaan, iwm. Waa waajib in la helo si waxbarasho u bilaabanto! Isku dhammaansho lama helo oo waa adduunyo e, waxa aannu kaga baxnay ismoogaysiin iyo in aan muhiim laga dhigin. qaddiifado Cawo (Cawo) aan kuraasida ka dhicin ayaa la helay, buugaagtana waalidiinta ayaa la dabbaashay. Wakhtigu waa horraanta sannadka 2019. Maadaama oo aannu helnay cid na yara kaabta oo naga caawisa arrimaha dhismaha, waxa aannu si rasmi ah sannadkaa (2018-19) carruurtii ugu bilawnay waxbarashada aasaasiga ah. Jadwalka wakhti ee waxbarashada dalka waxa aannu markaa kala jaanqaadnay teeramka dambe ee sannad dugsiyeedka 2018-19.

Ardaydu waa dad aan waligood arag meel wax lagu dhiganayo, waajibna ay tahay in salka hoose looga soo bilaabo. Qaarkood waligood isma ay kor qaban buug iyo qalin marka laga reebo midhadh tuulo-joog ahaan jiray. Waa aannu imtixaanay arday walibana fasalkii uu heerkiisu ahaa ayaa uu fadhiistay, waxa ay kala noqdeen fasallada koobaad, labaad iyo intii ugu badnayd oo noqotay fasalka qalin-qabadka (KG). Fahankoodu walaw uu hore noogu adkaaday haddana Eebbe wayne waa uu nagu guuleeyay in aannu bilaw wacan salka u dhigno, waxa noo suurogalay in aannu muddo yar ku soo saarnay ubax wax u bilaaban yihiin. Waxaana sidaas noogu dhammaaday sannad dugsiyeedkii koobaad ee 2018-19. Sida waxbarashada sunnaheedu yahayna waxa la galay fasax. 

Teeramkaa ugu horreeyay guusha ugu wayni waxa ay ahayd in ardaydu faham guud ka heleen sida wax loo wadi doono, xilliga dugsigu furmo, xilliga laga rawaxo, barayaasha kala duwan, maadooyinka kala jaadka ah iyo nidaamka guud ee kala dambaynta iyo ardaynimada. Bareyaashayada waayuhu naguma yara, goorta aannu wax dhignaa waa DUHUR! Xilligu waa ammin kulul oo aannu qofna xamilayn in uu ka shaqeeyo hawl aanu dan dhaqaale ku qabin. Xaafadaha macallimiintu waa ay kala durugsan yihiin, gaadiid goobta noo qaadana ha sheegin! Waxa aannu miciinsannaa bajaaj, kaaga darane maalmaha qaar ayaa aannu waynaa, kol kalena waa ay naga buuxsantaa! Maalmaha qaar waa aannu ka habsannaa markaasaannu fasaxnaa gadiid la’aan aawadeed. Waayo, ardayda duruufuhu waa ay ku adkaayeen qaarkood ayaa iman jiray iyaga oo aan soo qadayn subixiina quraacan! Marka uu baruhu dareemo xaaladdaa, waxa kaliya ee uu qaban karayaa waa in uu fasaxo. Qaarkood meesha ay ka imanayaan ayaa ka fog dugsiga. Qaar kalena waa ay ka baxeen markii ay u adkaysan waayeen xaaladaha qallafsan. Maalmaha qaarkood waa carruur iyo caadadoode waa ay dagaallamaan kolka aannu ka raagno, sidaas daraaddeed marka aannu u tagno waxa aannu wajahnaa ashkato diyaar ah iyo xallinteeda, taas oo mararka qaar wakhti dheeraad ah naga qaadata. Soo gelidda iyo rawaxaadda dugsigu waxa u kala siman yahay kuwa dawliga ah ee magaalada (1:30Pm-5:00Pm). 

Sannad dugsiyeedkii xigay ee 2019-20 markii uu noo curtay manhajka Soomaalilaan ayaa aannu ku bilawnay. Sannadkaa waa aannu isla jaanqaadnay, annaga cusaybnimadii ayaa naga ba’day iyagana baqdintii ay waxbarashada ka qabeen. Si wacan ayaa aannu u wada bilawnay, nasiib wanaag waxa ay ahaayeen ardaydu dad miyi toos ah ka yimi oo maskax furan ereyga aad maalin u sheegtana aan illaawayn. Waxa xusid mudan in aannu sannadkaa ardayda xaflad u qabannay. Xafladda furitaanka iyo abaalmarinta ardayda kaalmaha hore ku guulaystay.

Sannadkii labaad oo xidhiidh ah ayaa bilaabmay, waxa kale oo iyaduna xusid gaar ah mudan in ay sannad dugsiyeedkaa buugaagta layliga ah ee carruurta naga caawisay hay’adda Havoyoco. Iyada oo sannad dugsiyeedkaa teeramkiisii hore dhexda lagaga jiro ayaa uu dillaacay xanuunkii safmarka ahaa ee Covid19. Sidaas daraaddeed, si looga hortago faafitaanka xanuunkaas waxa si degdeg ah loo fasaxay goob kasta oo waxbarasho. Xanuunkan oo ahaa mid si daran u faafaya ayaa hal mar dunida ku fiday.

Markii xanuunkiina dunida ka kala yaraaday lana oggolaaday isu socodka ayaa ay waxbarashadii dib u furantay. Dugsiyagayga waxa fasaxaa noo dheeraa in kaamkii laga raray halkii hore oo loo raray Koonfurta Burco iyo Waddada Hawdka taariikhdu markii ay ahayd bishii Jeenawari 2020. Talo ayaa aannu iskula soo noqonnay waxa aannuna rogrognay mustaqbalka dugsigii aannu bilawnay. Waxa aannu iswaydiinnay, miyaa aynu ka dabatagnaa oo halkaa loo rarayna waa aynnu ugu dhignaa, mise intaa hore Alle ha ku anfaco e, waa aynnu ka hadhnaa? Waxa la isla gartay in aan laga hadhin ee dugsigii la sii wado. Dawladda hoose ayaa noo rartay dugsigii iyo masaajidkiiba, maaddaama oo ay sandaqado ahaayeen dhul laga dhisana iyada ayaa bixisay. 

Muddo ayaa Kaamka dadku si habqan ah u soo degayeen muddadaas dugsigu ma uu furnayn. Sababta oo ah ardayda waxa ay ciidan ka ahayeen hawsha yagleelka iyo geeddiga xaafadaha. Alle mahaddii dugsigu dib ayaa uu u furmay waxbarashadiina halkeedii ayaa ay ka sii socotay, furitaanka dambe ee dugsiga waxa aannu ardayda u qaybinnay agab waxbarasho oo isku dhan buugaagta layliga, shandado, qalimaan, qalin-kaladho, mastarado, iwm. Waxa agabkaas naga caawisay Hay’adda Save The Children.

Si kasta oo wax isu beddeleen iyo la falgalka deegaanka cusub awgii waxbarashadu isma ay taagin! Daruuf kastana waa la jabiyay si qalinku u sarreeyo. Muddadaa ka dib, iyada oo la soo gaadhay sannad dugsiyeedkii (2020-21) waxa xidhiidh rasmi ah dugsiga la soo samaysay Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo hore warkayaga u haysay. Waxa ay noo sheegeen: “In dugsiga ay u diiwaangelin doonaan dawli ahaan, baahiyihiisa ay wax nagala qaban doonaan.” Ballanqaadkaas waxa ka fulay diiwaangelinta dugsiga oo si rasmi ah waxa uu dugsigii uga mid noqday kuwa ay dawladdu maamusho. Marka intaas laga yimaaddo, wasaaradda iyo maamulkeedu ma jirin wax kale oo ay dugsiga ku kaabeen, ilaa haddana xaal waa sidii! Ballan qaadkoodiina waxa uu noqday HAL BACAAD LAGU LISAY. 

Dugsiga hadda iyo horeba waxa ka hawlgala toddoba macallin iyo maamulaha oo dhammaantood ah dhallinyaro mutadawaciin ah, kuwaas oo aan cidna ku garabgelin hawshan. Imtixaanaadka ardaydu waa xidhiidh oo sida dugsiyadda magaalada ayaa uu leeyahay imtixaan bille ah, teeram, iyo imtixaanka wayn ee sannad dugsiyeedka lagu soo afmeero.

Kobacu waa sunnaha nolosha e, dugsigii halka sandaqad iyo cariishka ka soo bilaabmay, hadda ka horna dhan walba xaafaduhu ay ka xigeen, imminka waxa uu ku yaallaa deegaan ka go’an dhammaan xaafadaha uu kaamku ka kooban yahay. Gabi ahaan xaafadaha waxa uu ugu yaallaa meel badhtame ah oo laga soo wada gaadhi karo. Si la mid ah sidaas uu deegaankiisu markii labaad isu beddelay waxa isaguna is beddelay dhismaha, waxa uuna dhismihii yaraa isu beddelay saddex fasal oo daar ah (oo fasal waliba yahay 10*6m) hal fasal oo sandaqad wayn ah, istoodh, barxad wayn/daabuur iyo xafiis. Dhismahan waxa deegaanka ka hirgalisay hay’adda NRC (Norwegian Refugee Council). Dugsigu walaw uu gacan dawladeed tabayo haddana xaaladda guud waa mid sugan, waxbarashaduna si qumman ayaa ay uga socotaa. 

Sannad dugsiyeedkii (2022-23) waxa ay waxbarashadu ardayda ugu bilaabmantay jawi deggan, degaan habboon iyo dareen farxadeed. Markoodii ugu horreeyay ayaa ay kuraasi ku fadhiisteen, xiisadna ku qaateen aqal daar ah oo milicdu ka xarriman tahay iyaguna ay leeyihiin. Dareen hoosaadka ardayda haddii la dhugto waxa dhaayahooda ka muuqata raynraynta iyo damaashaadka ay ku dareemayaan goob waxbarasheedkoodan cusub.

Ugu dambayn, mustaqbalka dugsigu waa mid ifaya oo ka badbaaday saqiirid kasta. Waana damal xididdo dhaadheer oo aan wax kastaa saamayn doonin. Siina noolaan doona, cid kasta oo waxbarashada iyo kobcinteeda danaysana waa uu u furan yahay ka qaybgalkoodu.