Skip to main content

Wednesday 18 September 2024

Masrax

Fan Kale

12 September, 2024
Image
Filinka Loollan
Filinka Loollan
Share

Filinka kooban ee Loollan ayaan daawaday. Run ahaan dulucda uu xanbaarsan yahay way ka mug weyn tahay waqtiga aadka u yar ee uu soconayo. Waa wiil ifka ka raba in uu fanka la falgalo oo wanaagsanaado, noloshana wanaajiyo. Laakiin waxa hadhaynaya, iskuulka ilaa aqalka, aragtiyo lid ku ah oo cabbudhinaya rabitaankiisa. Waa fekerro warxumatashiil ah oo fanka u arka qarribaad iyo falxumo. Aakhirka waxay taasi ku sababaysaa in kabankiisii uu jeclaa ee uu ku dhaadan jiray uu ku aaso qubuuraha fanka oo isla markaa uu wiil kale xabaal-bilaash uga qodayo kamaraddiisa; baroordiiqda fanka ayay isku darsanayaan. Hasayeeshee qaybtan kowaadi waxay inagu celinaysaa in aynu is wayddiinno fanku waxa uu yahay. Ma in la heeso uun baa? Ma in qalab muusig la tumo oo keli ah baa? Mise waa badweyn intaa ka baaxad weyn?

Fanku waa habboonida nolosha—sida ciddii u fiirsataana fahmi karto. 

Erayga “fan” haddii sida ugu kooban loo qeexo waa shaqo qaab qurxoon loo qabtay loona soo bandhigay. Qaamuuska Af Soomaaligu wuxuu fan ku qeexayaa sidan qiimiga leh: “Xirfad bani’aadamku ku soo bandhigo ama ku matalo dareenka uu ka qabo dabeecadda ama dhacdooyinka nolosha.” Waa tabtaas oo hawsha fanaysani midda ka qatan waxay dheer tahay sed lagu kala sooco. Kolka la cilmiyaynayo, waxa loo kala qaadaa toddobo nooc: 1) aslid (painting); 2) qorid (sculpture); 3) suugaan (literature); 4) masrixiyad (theatre); 5) filinsamayn (films); 6) muusig; 7) arkitagjar (architecture). Mooyaha tusaale u soo qaado. Waa la qoraa, dabadeed la aslaa oo la qurxiyaa (aslid). Dhanka kale, guriga naqshaddiisa waa lagu farayaraystaa (arkitagjar). Riwaayad la allifay ayaa masraxa lala tagaa (masrixiyad) oo erayo la tidcay lagu soo bandhigaa (suugaan) laguna ladhaa habdhac iyo jiib iyo jaan daawadata dhufsada (muusig), mararka qaarra filin duuban ayaa nuxurka lagu gudbiyaa (filinsamayn).

Haddii aynu nolosha caadiga ah ka dhex eegno, waxa inoo baxaysa in fanku dhan kasta inaga xigo. Tusaale ahaan, labo qof oo sheekeeya, sababta midkood loo jeclaysto midna “naga aamus” hoosta loogu dhaho—haddaanba la maqashiin—waa hadba heerka sheekatebintoodu u kala fanaysan tahay. Qof baa sheekada xalladeeya, oo jilitaan ku ladha, qaabka uu u gudbinayana macaaneeya oo afkiisa uun sidaa loo dhawraa. Sirtan la socotaa waa fannaannimo. Qofka agnaanka ah iyo kan aftahanka ahna waxa kala duwaa waa fanka la socda ka danbe hadalkiisa.

Shaqooyinka maalinlaha ah ee dadku sameeyaan oo dhan ayuu fanku soo galaa. Waayo waa habka ugu sarreeya, ugu habboonida badan, uguna qurxoon, ee hawl loo qabto. Laacibka kubbadda ku xarragooda, agtarka doorkiisa filinka si wacdaro leh uga soo baxa, jilaaga riwaayadda la dhigayo kaalintiisa ka soo dhalaala, majaajilaystaha isaga oo aan is lurin si dhow inoogu maadeeya, timajaraha si qurux badan oo farsamadeedu sarrayso inoogu xiira, tumaalka biro qaab la’ inta uu xirfad sarraysa ula tago ka soo saara agab iyo qalab gaar ah ee sancadiisa lala sureero, inanta yar ee maqasha raacaysa ee si ay isu maaweeliso xoolahana u xasiliso u foodhyaysa qaab qofka soconaya Iyo neefta abaajiyi lahaaba joojinaya, halabuurka midho uu soo xulay qaab nuxurkoodu innagu hadhi karo u soo tidca, laxamiistaha erayadii loo dhiibay inta uu naaxiyad saaray u sameeyay qaab ku habboon muujinta dareennadii ay wadatay,  heesaaga inta uu erayadaa qaado luuq miisaaman oo kudheg leh ku soo gudbiya, muusishanka inta uu aalad muusig soo qabto aan gargaraacine u tuma si inagu qasbaysa in aynaan is dhaqdhaqaajin, mu’allifka inta uu riwaayad qoro doorarka jilaayada iyo xabkadda qisada u dhisa hab xasuusta daawatada ku sii negaada, qoraaga inta uu sheekafaneed allifo ku guulaysta in uu tebinteeda u dhigo qaab aan akhiskeeda laga caajisayn—intaa iyo inta la midka ahiba waa fannaaniin. Waayo, shaqadoodii bay dhadhansi korran oo la macaansado u yeeleen.

Tusaalayaashaa aynu taxnay qaarkood—maansada, heesta, riwaayadda, sheekafaneedda...—ayaa, haddaba, shaqo suugaaneed ah. Markaa, suugaantu waa halabuur loo soo bandhigi karo qaab faneed. Sidaa darteed, suugaan kastaa waa fan, balse fan kastaa suugaan ma aha. Haddii fanku jirrid noqon lahaa, suugaantu waa laan jirriddaa ka tirsan balse aan keligeed ahayn e, laamo kale weheliyaan.

Shaqada faneed waxyaabaha bila ee fannimadeeda ku sii haya waxa igu la muhiinsan:

1. Asalnimo (originality), oo laga wado in sida ay wax u qabanaysaa ay tahay jaadgooni. Marka la leeyahay “Hebel 1 sida Hebel 2 buu kabanka u tumaa,” waxa la muujinayaa in Hebel 2 shaqadiisa faneed asal tahay, halka uu Hebel 1 kaa kale ku daydo. Canjilaadda iyo xatooyaduba waa asalnimadarro.

2. Habbooni (aesthetic), oo laga wado in qofkani hawshan asalka ah ee uu qabanayo uu u gudanayo si soojiidasho iyo sureer leh oo quruxdeedu keenayso in loo riyaaqo.

Sidaa awgeed, fanku waa noloshii oo dhan. Dhanka kale, fanka iyo suugaantu ma laha jiraal madi ah, oo ma aha gasiirad gaadhiwaa ah. Waxay qayb ka yihiin qulqul taariikheed iyo waaqicyo isku dhafan. Waxay isa saameeyaan wejiyada siyaasadeed, diimeed, dhaqameed, akhlaaqadeed, bulsheed, iyo xataa cilmiyeed ee waayaha. Fanka iyo suugaanta aan dhalanteedka ahayni, sida Kaaral Maarkis iyo jaallihii Eenjelisba ay qireen, waxay uhda u fadhiyaan loollan dabaqadeed iyo legdan fekereed. Waxa ay ka soo dhex baxaan taariikh isa soo celinaysa iyo mustaqbal soo weydaaranaya. Qofka iyo kooxda hawlahaa faneed hayaa waxay leeyihiin sooyaal shakhsiyadeed oo ay qayrkood la qabaan. Sooyaalkaas baana si buuxda uga dhex muuqda waxqabadkooda. Waxsoosaarka habboonida ee cidi debadda keentaana ka ma madhna loollankaa tan iyo dura soo jiray. Guud ahaanna, fanka iyo suugaantu waa muraayad laga fiirsado waayaha nololeed ee shacabka. Waayo, waa hab korran oo si daacad ah u turjumi kara arrintaa. Dhanka kalana, lammaanahani waxay shacabweynaha u qabtaan shaqo miisaankeeda leh: anbashada ayay ka jiraan. Waayo waa sawrac. 

Haddaba, filinkan kooban ee Loollan qaybta hore waxay si weyn buu u soo bandhigayaa quruxda doonista fanka iyo qaabdarrada diidmadiisa. Waa isdiiddada dhex taalla naf hanaqaadsan oo fanka jantay iyo mid hagaastay oo dibusocodnimo u jeellan.

Waa waxqabad bashar oo ma laakiin la’a e, waxaan is leeyahay haddii labo qodob laga sixi lahaa sidan wuu ka sii kormari lahaa.

  1. Cillad guud oo jilidda Soomaalida haysata (siiba filimmada) oo ah in jilaayadu u hadlaan sida mishiinka, dabiicinnimadiina ka tagaan. Qofkuba haghago ayuu yeelanayaa, ama erayada ayuu kala googoynayaa. Waxaad moodaysaa in hadalka uu dhahayo uu ka kicinayo sabuurad hortiisa ah oo far yaryar ku dhigan. Sida caadiga ahna, dadku tabtaa u ma hadlaan, ee waa la dhurmaa, la duddubiyaa, la joogjoogsadaa, la jeesjeestaa, la xarraga-hadlaa, marmarna la mergadaa... Jiliddu waa in ay nolosha maalinlaha ah si uun u salsallawdaa. Dad caadi ah oo haddana cod googoos ah ku hadlaya, sidii oo ay ka fiirsanayaan ama dirqi ku soo xasuusanayaan kelmadaha, loo ma baahna. Dhanka kale, jilaagu ma aha in uu magaciisa caadiga ah ku metelo filinka ama riwaayadda, mana aha sidii aynu qarnigii hore arki jirray in loo bixiyo magacyo isku xaraf ka kacaya oo nuxurka ka durkaya. Ta kowaadi waa dhaliisha weyn ee uu lahaa waxsoosaarkii Sooraan iyo Jawaan, oo labadooda magac ee runta ah ayaa isla markaa ahaa kooda jilliinkana. Filinkan aynu daawannayna waa sidaas oo kale, oo shakhsiyadda kowaad waxay wadataa magaceeda dhabta ah.
  2. Qaybta labaad, oo sannad ka dib ku astaysan, waxaynu filinka ka arkaynaa isbeddello aan hordhac lahayn, biyadhacna wadan. Samriye oo kabankii uu aasay degaan bilic leh ku tumanaya, gacalisadiisuna la joogto uun baynu ku warhelaynaa, iyada oo aan la inoo sheegin ama aan la ina tusin waxa dhacay iyo sida xabkadda sheekadu isu rogtay. Sida oo kale habeenka ku xiga waxa madasha Cisbitaalka Cumar Dhuulle dadweynaha ku raaxaysanaya ka mid ah macallinkii kal hore Samriye niyadjebinayay oo markan sidii oo aanay waxba dhicin xulashada heesaha dhankiisa ka wada! Waa laga fiican yahay in kediska sheekadu uu noqdo fadqalallo, oo waa in haddiiba uu yimaaddo meel la saari karo.

Filinka sida loo duubay ee loo habeeyay waa heer sare. Shinbiraha heesahooda ilaa sacabka dadka ilaa dhoolacaddayntooda, waxa ka muuqda fan. Farriinta uu sidaana waa mid ka baaxad weyn cidhiidhiga waqtiga. 

Haddii aynu erayxayirno filasoofkii Faredrik Niija, “Fanka la’aantii, noloshu denbi bay ahaan lahayd,” ayaynu odhan karraa. Dhallinyarada agaasintay ee jishay (oo aan tuhmayo in waxsoosaarkoodii kowaad uu yahay) waan bogaadinayaa. Tallaabadaa loollankana in ay ka libkeenaan baan u rejaynayaa. Maxaa yeelay, haddii aanay jirin cid fanka iyo hagaagga nolosha ku fooggan, in aynu dunida joognaa khalad bay ahaan lahayd.

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Gacmo (iyo Caqli) Geeljire

Buug

Nolol baa la aasay

Feker

Waxtarka Baryada