Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Feker

Sida Kelitalisnimadu Qalalaase u Abuurto

19 September, 2024
Image
jh
Wariye Cabdillaahi Xaaji iyo Siyaad Barre
Share

Isbeddelka ugu weyn ee ku yimid fahanka kalitasnimada, laga soo bilaabo dunidii hore ilaa maanta, waa doorka dadka ku hoos jira kelitalisnimada. Casriyadii hore, kalitalisnimadu waxa ay ahayd mid leh shacbiyad taas oo ay sabab u ahayd jiritaanka dad u arkayey in ay danahooda ku hawlantahay. Kelitalisyadu badanaa waxa ay qaadi jireen tallaabooyin ay ku hagaajinayaan dhaqaalaha iyo heerka bulsheed ee danyarta, halka dabaqadda aristokraadigu (Dabaqada qorta sooyaalka) ay ku ahayd mucaarad, maxaa yeelay waxa ay u arkayeen in ay weerar ku tahay mudnaanta dhaqankooda. 

Boqortooyadii Roomaanku kolkii ay dhidibadda u aastay xukunka aan dabarka lahayn, u jid bixinta dooddu waa ay is rogtay waxaana diiradda la saaray weydiinta ah: hadma ayaa xukunka boqortooyadu uu laf ahaantiisa noqday kelitalis. Dabadeed, bartaas ayey ka soo burqatay macanaha ay leedahay fikradda kelitalisnimadu oo ah: Xaalad awoodda talinaysaa ay ka sayid calaysay ta dadka ay xukunto, waa qeexid xitaa lagu tilmaami karo xukuumadaha kalitalisnimada metala. Erayga “Daaquud” waa eray u taagan tabnaan. Daaquud waa xukumaa awooddiisu tahay tu furan oo ka baxsan qaanuunka. Daaquudka sidaas ah, weligiiba uma baahna in uu fasir ka bixiyo oo uu u sababeeyo muwaadiniinta ficiladiisa, xumaan iyo samaanba. Faylasuufkii reer Ingiriis ee John Look na qarnigii toddoba iyo tobnaad isaga oo ka hadlaya isxukunkii waagaas waxa uu qoray “Kelitalisnimadu waa iyada oo awoodda loo la baxo bannaanka, halka uu ku dhammaado sharcigu ayey ka bilaabmataa kelitalisnimadu”.

Xitaa haddii ayna jirin qeexitaan u gaara daaquudnimada, waxa jiray madax hore kuwaas oo talinayey muddo aad u dheer, iyo xilli gaaban labadaba. Waxa ay qabsadeen dawladda iyaga oo awood u leh in ay falaan wax kasta oo ay doonaan sida magaalooyin in la aasaaso, deegaan raris, abaabul dagaal, abuurista muwaadiniin cusub, dhisidda taallooyin iyo adduun ururin. Madaxdaas oo idil waxa jirtay wax ay ka midaysnaayeen. Waxa ay ahaayeen madaxda kaliya ee si toosa ama qofeed ugu tasarufa awoodda dawladda iyada oo ayna xakamayneyn hay’addo dawladeed. Awooddoodu na ma ahayn tu la xidhiidha xaqa ay u leeyihiin in ay taliyaan waxa se ay ahayd mid la xidhiidha hoggaaminta iyo talo haysashada, daaquudyada badankoodu na u jeedkooda u weyni waa in ay talada dhaxalsiiyaan qoysaskooda, qaarkood na waxa ay ku guulaysteen in ay qotomiyaan xukun soo taxnaa jiilal dhawra. 

Sooyaalka kelitalisnimada (Classicis)                                                      

Daaquudnimada iyo kelitalisnimada waxa lagu tilmaamaa mawduucyada ugu xiisaha badan sidoo kale mid ka mid ah afkaarta muhiimka ah ee fikirka reer galbeedka. Kalaasiikiyada bulsheed waxa ka buuxa tixraacyo ballaadhan oo ku sal leh Kelitalisnimada, sababaheeda iyo saameynteeda, tabaheeda, ku dhaqankeeda iyo haddana beddelkeeda, waxay na ka eegaan kelitalisnimada xagasha aragtiyaha taariikheed, diineed, akhlaaqeed, siyaasadeed iyo mala-awaal. Haddii ay jirto aragti siyaasadeed oo aan muran lahaynna waa in daaquudnimadu tahay: fasaadka ugu xun ee xukuumad ku dhaca oo waa ku takri falka talada iyo dhibaateynta dadka hoos jooga. Inkasta oo mawqifkaasi uu yahay mid matalaya oo ay isku raacsanyihiin Kalaasiikiyadu, haddana ma aha mid loo dhanyahay – waxaana ka hor yimid Faylasuufkii reer Ingiriis ee Thomas Hobbes isaga oo ku dooday in aanu jirin kala soocid mawduuciya sida, in aad lafahaantaadu noqoto dhagar qabe iyo in aad boqorrada dhexdooda ugu wanaagsanaato.

Dadka, kuwa dareema in ayna ku niyad sameyn nidaamka boqortooyada waxa ay ugu yeedhaan daaquud, kuwa aan u bogin Istiqraadiyaddana waxa ay yaqaannaan “Oligarch” yacnii xukunka tiro yarta. Sidoo kale kuwa ku dareema murugo hoos joogistida dimoqraadiyadda waxa ay ku magacaabaan qaswadayaal.

Daaquudyada casrigan

Casrigan, kelitalisyadii ahaa qooqaayada iyo faashiyiinta ee talada qabsaday badhtamihii nuskii koowaad ee qarnigii labaatanaad sida Hilterkii Jarmalka iyo Joseef Istaalinkii midawgii Soofiyaadka waxa ay ahaayeen qaar si weyn uga duwan, daaquudyadii ka talinayey Laatiin Ameerika guumaysigii ka dib. Kelitalisyadaasi waxa ay isku taxalujin jireen in ay noqdaan shaqsiyaad leh buruud si ay ugu soo ururaan dadku una taageeraan Aydhiloojiyadooda ah Xisbi siyaasadeed keli aH, sida xisbiyadii Naasiga iyo Shuuciyada. Iyaga oo adeegsanaya cabsi gelin iyo dacaayad lagu cabudhinayo diidmada guud ee dadwaynaha waxa ay ku danaysteen tiknoolayjiyada casriga ah waxa ayna sidaas ku dhiseen dhaqaale iyo awood ciidan oo korodh leh. 

Dagaalkii labaad ee adduunka ka dib, qaar ka mid ah dawladihii itaalka darnaa ee ka jiray waddamada Yurub, beriga Eeshiya iyo Afrika waxa ay gacanta u galeen kelitaliyayaal iyo shuuciyiin leh dabci Soofiyeet. Qaar ka mid ah qooqaayadaas na waxa ay isu dhigeen, Madaxweynayaal iyo Raysal wasaarayaal si degdeg ah loo doortay waxayna dhidibadda u taageen xukun kalitelis ah oo hal xisbi ku qotoma, si ay u cabbudhiyaan mucaaradad kasta. Kuwo kale waxa ay si fudud u adeegsadeen awood bahalnimo ah si ay u dhidbaan xukun militari. Laakiin haddana, kolkii uu dumay midawgii Sofiyeetku laf ahaantiisu sannadkii 1991 badi keli taliyayaashii sheeganayey shuuciyadu waa ay dumeen dhammaadkii qarnigii labaatanaad, waxay na dalalkoodii kaga tageen fawdo.

Baratakoolka Daaquudyada  

Badi, kelitalisyadu waxa ay ku tiirsanyihiin taatiko la qorsheeyey oo aad u kakan si ay u xoojiyaan dhidibadana ugu aasaan taladooda, waxayna sameeyaan wax kasta oo suuragel ka dhigi kara sii joogistooda xukunka. Sida qaalibka ah, daaquudku, ballaadhinta saldhigiisa awoodeed wuxu ku bilaabaa, adeegsiga qaraabo kiilka iyo musuqa, waxaanu isku xeeraa shabakad qoyskiisa iyo saaxiibadii ah oo uu ku qabo kalsooni ah in ay ilaalin karaan danahiisa, xaqiijinta iyo joogtaynta saameyntiisa. Is ballaadhintaa awoodeed badi waxa ay ku qotontaa hab-dhaqan waxayna dhabarka ku haysaa, u qaybinta jagooyinka sarsare iyo mudnaanta dhaqaale kuwa loo tiirinayo in ay si buuxda u sugaan, u daacad noqoshada nidaamka. 

Dhinaca kale, Kelitalisku waxa uu ku dadaalaa, ku keliyoobidda adeegsiga awoodda ciidamada sida in uu ku xakameeyo dibad baxyada dadweynaha iyo hub ka dhigista shacabka. Marar badan oo kale na kelitaliyuhu, siiba kuwa ku yimaadda afganbiyada, cududda ciidan waxa ay u adeegsadaan in ay xukunka ku dheeraystaan, kootaysiga awooddaas na keliya kama ilaaliso weerar gudaha ah ee sidoo kale waxa ay xoojisaa muuqaalka hoggaan haya, iyo in uu yahay ilaaliyaha iyo dajiyaha nidaamka.  Dhanka la macaamilka siyaasiyiinta lidka ku ah, kelitalisyadu waxa ay raacaan habab kala gadisan oo u dhexeeya dibad dhigis iyo dhexdhexaadin.

Kelitaliyayaasha qaarkood waxa ay qaadaan jid aad u daran, sida dil iyo afduubid, halka qaar kale doorbidaan jid kale oo wada dhagara, tusaale kuwa ay is hayaan ayey u dhiibaan xilal muuqda, laakiin aan ka baxsaneyn gacantooda, sidaas na waxa ay ku hubiyaan jiritaan la’aanta abaabul dhab ah oo ku lid ah nidaamka. Sidoo kale, Kelitaliyayaashu, waxa ay u muuqdaan qaar fursad ka daya, cunsurada dibaddeed iyo khataraha amni, waxa ay ka dayaan fursad ay ku xoojiyaan taageerada shacabka iyo u qiil dayidoodda facilada cabudhinta ah. Kelitalisku isaga oo abuuraya cadaw mid ah iyo buun buuninta khataraha amni waxa suure ah in uu shacabka ku mideeyo hoggaamintiisa isaga oo ka faa’iidaysanaya khilaafyada dibadda si uu kor ugu qaado muuqashadiisa iyo in uu yahay, hoggaamiye laga ma maarmaana xilliyada xasaradda. 

Kelitalisyadu waxa ay si adag gacanta ugu dhigaan xogta iyo warbaahinta oo waxa ay u rogaan agab u adeega oo buun buuniya nidaamka. Waxa ay xakameeyaan qulqulka xogta xorta ah iyo afafka wax dhaliila, si ay sawir togan uga bixiyaan hoggaamintoodana, waxa ay cabudhiyaan cod kasta oo wax diidan. Iyaga oo horumarinaya ama ka faai’daysanaya aydhaloojiyadaha jira waxa ay bidhaamiyaan sharciyada xukunkooda, iyaga oo raba in ay sare u qaadaan aqbalaadda dadweynaha ee xukunkooda, si ay u ilaaliyaan nidaamka iyo xasiloonida bulshada. 

Kelitalisyadu qaababka ay adeegsadaan si ay u xoojiyaan xukunkooda iyo saameyntooda waa ay kala duwantahay, haddana waxa jira waxyaabo ay wadaagaan oo ay isaga mid ka yihiin: waana in shucuubtooda ay dhaxal siiyaan is qabqabsi joogto ah dawladnimaduna noqoto mid tamar gabta oo halaagsanta. Kelitalisnimadu waxa ay leedahay, joogitaan ku meel gaadh ah iyo xasilooni duleed, waxa se laga dhaxlaa, kala qaybsanaan aad u daran iyo in ay dumaan kaabayaasha dhaqaaluhu, taas oo keenta tamar darri iyo in uu dawladnimada soo gaadho burbur aan dhayal looga soo kaban karin. Siyaasadahan oo is moogaysiya dawladnimo wanaagga iyo xoojinta haya’daha dawladeed ee dimoqraadiga ah waxa ay door weyn ka qaataan fawdada iyo qalaalasaha, waxayna caqabbado waaweyn hor dhigaan jiilasha danbe, dhanka dhisidda mustaqbal degan oo barwaaqo ah. 

 

Waxaa Carabi Post ka soo turjumay Muuse M. Ismaaciil.