Skip to main content

Friday 20 September 2024

Aragti

Soomaalida Albiinaha ahi waa ku dhibban yihiin dalkooda

9 April, 2024
Image
Albino
Xuquuqda sawirka: Niciima Siciid Saalax/BBC
Share

Waqti xaadirkan, quudhsiga ka dhanka ah dadka albiinaha ahi aad buu u daran yahay oo wuxuuba gaadhaa heer ubadka xaaladdaa ku sugani aanay waxbarasho helin.

 

Cilmi Bile Maxamed, oo 25 jir ahi, isaga oo ka warramaya sida loogu takooro in uu albino (albinism) qabo, wuxuu yidhi: “Dadku waxay igu sheegaan dadqal ubadka ka cuni doona. Wayba iga argagaxaan.” Cilmi Bile dhib buu ka mutay in uu caasimadda Muqdisho ka helo meel uu dego, tan iyo intii uu ka soo hayaamay degaankiisii miyiga gobolka Hiiraan. Walaalkiina xaaladdan oo kale ayaa haysata.

“Si joogto ah ayaa mujtamacii aannu ka tirsanayn noo bahdilaa oo uu noo jidhdilaa. Waxa na lagaga maadsadaa in midabka maqaarkayaga, indhahayaga, iyo timahayagu uu cawlan yahay,” ayuu yidhi. “Waxaan u qabey in aan nolol taydii hore dhaanta ka heli doono Muqdisho, waan se khaldanaa.” Cilmi in badan buu baadigoobay cid qol ka kiraysa oo uu guri la dego, balse mar kasta waa la dayrinayay. Aakhirkii wuxuu ku danbeeyay in uu $30 bishii ka bixiyo koontiinar la dego oo ku yaalla degmada Xamar Weyne, oo ah qaybta ugu qadiimsan magaalada.

“Dadku waxay u qabaan in aan lacnadahay,” ayuu yidhi. “Irriddayda ayay ku daadiyaan biyo milix leh iyo ukun ceedhin, maxaa yeelay waxay rumaysan yihiin in waxaasi uu belaayaxijaab u noqonayo oo uu aniga iga ilaalinayo.” Cilmi ugu danbaystii wuxuu shaqo nadiifiye ah ka helay maqaaxi maalintii uu ka qaato $1.40 ilaa $4. Wax badan se may sii socon.

Shaqadii waa laga eryay kolkii ay macaamiishu maqaaxidii imanba waayeen iyagoo ka baqanaya in uu albiinada qaadsiin doono, iyada oo ay caddahay in aan la is qaadsiin ee uu yahay xaalad hiddasidaha ku kala gudubta. “Maqaaxiyaha ayaan ku wareegay, cidi se shaqo i ma siinin,” ayuu yidhi. “Kolkii danbe waxaan ku qasbanaaday in aan dariiqyada ka tuugsado oo aan qaato xaashi uu lanbarka telefoonkaygu ku qoran yahay si dadku ay halkaa wax iigu diraan.”

Lacagta yar ee uu dawarsiga ku soo helaa marna ma ay kafayn karayn cuntadiisa iyo kirada bishii, iskaba daa in ay u jarto dhaashiga cadceedda laga marsado iyo ookiyaale ka caawiya in dubkiisa iyo indhihiisa nugul ay ilaaliyaan. Dadka albiinada leh waxa ka maqan maaddada melaniinta oo qaabbilsan midabaynta indhaha, timaha iyo maqaarka, jidhkana ka ilaalisa cadceedda.

Go’aankii uu Cilmi ku goostay in uu Muqdisho ku yimaaddo, wuxuu u midhadhalay markii uu shaqo ka helay xafiiska ururka QM u qaabbilsan socdaalka (IOM), oo u qortay in uu u noqdo qof xogta ka soo ururiya bulshooyinka khatarta ugu jira barakaca. Waxa xil gaar ahi ka saaran yahay in uu gacan ka geysto ladagaallanka khaladfahanka iyo takoorka ku aaddan xaaladda albiinada iyo ciddii qabta ee Soomaaliya.

Ma cadda tirada dadka albiinada qaba ee Soomaaliya ku nool, maaddaama aanay xog sugani jirin. Waddankan waxa naafeeyay khilaafyo iyo xasilloonidarro jiitamaysay soddon sannadood, kolkaa way adag tahay in macluumaad la isku hallayn karo laga dhex helo.

Sannaddan [2023] horraanteedii ayay 80 qoys oo albiinada la nool, kuna sugan Muqdisho, inta isu yimaaddeen ay asaaseen ururka Soomaalida Albiinaha ah (Somali Albino), oo ay filayaan in uu ka qaybqaadan doono koruqaadista wacyigelinta ku aaddan dhibaatada ay maraan, oo takoorka ka dhanka ahna uu wiiqi doono.

Ilaa hadda waxa soo gaadhay 86 dhalo oo dhaashiga qorraxda laga marsado ah oo ay soo direen haween Soomaaliyeed oo qurbaha jiraa. Aad baa loogu taliyaa in dadka albiinada la nooli ay isticmaalaan dhaashiga culus ee cadceedda laga marsado, oo ay gashadaan dhar cufan iyo ookiyaale ka ilaaliya fallaadhaha qorraxda.

In aan maaddada melaniinta lahayni waxay ka dhigan tahay in ay halis ugu jiraan in cadceeddu gubto iyo in kansarka maqaarku uu ku dhaco. Waxa kale oo ay xaaladdani horseeddaa dhibaato dhanka aragga ah maaddaama melaniintu ay ka qaybqaadato lakabka unugeed ee khafiifka ah ee ku yaalla gidaarka danbe ee indhaha ee la dhaho ratiinada (retina).

“Soomaalida kale ee naafada ahi waxay samaysteen ururro u dhaqdhaqaaqa sidii ay caawimo uga heli lahaayeen dawladda iyo haayadaha caalamiga ah,” ayuu yidhi guddoomiyaha ururkaas oo ah 40 jir la dhaho Maxamed Abuukar Cabdiqaaddir. “Markaa iminka xuquuq bay leeyihiin; annagu se ma lihin.” Mudane Maxamed wuxuu intaa ku daray, “Aniga waxa hoggaamiyaha ururka la iigu magacaabay in aan ahay halyey is dhiibi waayay.” Wuxuu haystaa lix carruur ah oo, sidiisa, dhammaantood la nool xaaladda albiinada. Wuxuu noloshiisa kala soo baxaa cunto qasacadaysan iyo tu qalallan oo uu ku gado gaadhigacan uu la tago suuqa Xamar Weyne. Had iyo goor wuxuu gashadaa koofiyad uu iskaga ilaaliyo qorraxda daran ee dhacaysa.

“Sababta ay dadku noo neceb yihiin ee ay nooga cabsadaan waa aqoondarro,” ayuu yidhi. “Xumaanta iyo faquuqa aannu la kulannaa ma aha in uu naga joojiyo in aannu xuquuqdayada u halganno oo aannu qoyskayaga wax tarno. Soomaalidu haddii ay wax ka barato albiinada, way iska garawsan doontaa in aannu nahay dad la mid ah.”

Waqti xaadirkan, quudhsiga ka dhanka ah dadka albiinaha ahi aad buu u daran yahay oo wuxuuba gaadhaa heer ubadka xaaladdaa ku sugani aanay waxbarasho helin. “Carruurtaydii waan kala soo baxay dugsiga, maxaa yeelay maalin kasta waa la dhagxiyaa,” ayay tidhi Caasha Geelle oo haysata labo carruur ah oo xaaladdan la nool. “Dhagaxyadii ay dadku ku tuurayeen ayaa waxyeelay jidhkooda nugul, sidaa darteed hadda guriga ayay ii joogaan maalin kasta, mar kasta,” ayay tidhi. “Dabcan waxbarasho ma heli doonaan, oo ma baran doonaan sida ciyaalka kale loola dheelo, laakiin ugu yaraan way ii badbaadayaan.”

Qoyskaasi waxay ku nool yihiin guri yar oo labo qol ah oo $40 bishii ah oo ku yaalla degmada Huriwaa ee Muqdisho. Gidaarradiisa iyo safaqkiisu waxay ka samaysan yihiin dhar calal ah oo duug ah, iyo jiingado daxalaystay, waxaas oo dhamina ku ma filla in ay ka celiyaan cadceedda u soo dusaysa ee waxyeelaysa ubadka maqaarkooda.

“Lacag iska fiican baan ka heli jiray khudrad aan ku gadi jiray suuqa,” ayay Caashi tidhi. “Waxaan ku qasbanaaday in aan ganacsigii faraha ka qaado si aan carruurtayda guriga ula joogo. Iminka waxa dakhli noo ah $4 ilaa $6 oo uu saygaygu ka soo helo bajaaj uu maalin kasta ku shaqatago.” Marwo Caashi waxay sheegtay in aqalkeedu qarka u saaran yahay in uu dumo, maxaa yeelay ninkeeda ayaa ku canaanta in ay dhashay ubad albiino leh. Wuxuu ku eedeeyaa in ay aqalka ayaandarro la soo gashay. “Dadkii aan ugu jeclaa—saygayga iyo qaraabadayda—ayaa dayriya ubadkayga. Walaalkay ila dhashay ayaa xataa naga fogaaday maaddaama uu rumaysan yahay in carruurtu qaadsiin karaan jirradan,” ayay tidhi.

“Hasayeeshee, mar kasta ubadkayga ayaan garabkooda ah oo wixii dhacaba aan difaacayaa. Waan u samri doonaa, oo weligay dhinacooda ma bannayn doono. Iyagu ma ay dooran in ay xaaladdan ku noolaadaan.”

***

Qoraalkan waxa Af Ingiriisi loogu faafiyay BBCBahda Geeska ayaana Af Soomaali u soo turjumay.