Skip to main content

Friday 20 September 2024

Waraysi

Saldanadaha iyo Sheekhtooyada Canfarta

10 June, 2024
Image
أراميس حومد صولي
Share

Bulshada Canfartu waxay ku dhaqan yihiin bartamaha Geeska Afrika. Waxay degaan dalalka Itoobbiya, Jabuuti iyo Caratariya. Degaankoodu waa mid istaraatiiji ah oo leh muhiimad degal-siyaasadeed, waa mid u qaabaysan qaab saddex xagal ah, waxana mara 600 kiiloomitir oo ka mid ah jidka halbawle ganacsiyeedka ah ee isku xidha Jabuuti iyo Addiis Ababa.

Canfartu waa bulsho leh sooyaal dhaqan oo guun ah. Waa bulsho reer guuraa ah oo dhaqata adhiga iyo geela. Waa bulsho leh nidaam ismaamul oo hab qabali iyo degaanba ku salaysan. Waxay ka mid yihiiin bulshooyinkii u horreeyay ee ka soo jeeda Geeska Afrika ee diinta islaamka qaata. Saldanadaha iyo sheekhtooyinka bulshadani xidhiidh dheer oo soo jireen ah ayay la lahaayeen oo ilaa hadda la leeyihiin dawladaha islaamka.

Si aan haddaba, wax uga ogaanno taariikhda iyo dhaqanka bulshada Canfarta, Geesku waxa uu waraysi la yeeshay cilmibaadhe Caramiis Xamad Sulli, oo ah taariikhyahan ku takhasusay taariikhda Canfarta. Cilmibaadhuhu waxa uu soo saaray saddex buug, oo kala ah: “Laba shaqsiyadood oo soo maray taariikhda Geeska Afrika – Maxamed Xanfade (1860 – 1902) iyo Cali Miira Xanfade (1944 – 2011)”; “Salaadiinta Canfarta”, iyo buuggiisa saddexaad oo ku guuleystay abaalmarinta Albeert Bernaad 2014; “Canfarta – kacaankii Itoobbiya iyo nidaamkii Dergiga (1974 – 1991)”. Sidoo kale waxa uu wax ku darsaday buugag ay kooxo iska kaashadeen, sida, “Boqor Liij Iyaasu iyo Canfarta”. Waxa uu cilmibaadhe ka ahaa Xarunta Faransiiska ee cilmibaadhisaha Itoobbiya ee Addiis Ababa ku taal. Sidoo kale waa saxafi iyo falanqeeye siyaasadeed, oo ku xeeldheer isbeddellada siyaasadeed ee Itoobbiya iyo Caratariya.

Saynab Xaddaaji: Waxaad nooga warrantaa waxa ay tahay haybta kulmisa bulshada Canfartu; ma hayb qawmiyadeed baa mise waa hayb dhaqan?

Caramiis Xamad Sulli: Bulshada Canfartu kuma andacooto in ay dhammaan isku meel ka soo jeedaan. Waa bulsho asallo kala duwan leh, arrintanina waa mid aan dadku aad uga warqabin. Waxaa jira qabiilooyin kooban oo ilaa quruun hore ku dhaqnaa degaannada hadda Canfartu degto, oo magacan Canfar loo yaqaanay ilaa waagaas. 

Quruun badan ayaa Carab qaxoonti ah oo debadda ka timidi ku biirayeen qawmiyaddan, iyagoo kooxo ah iyo shaqsiyaadba, asalka qawmiyadduna marna isma uu doorinayn. Bulshooyinka kala duwan ee ku biiraya qawmiyadda Canfartu waxay ahayd arrin soo taxneyd ilaa laga soo gaadhayay qarnigii labaatanaad. Canfartu waa bulsho uu mideeyo afka iyo dareenka in ay hal ummad isku yihiin, oo ay wadaagaan sooyaal iyo dhaqan.

Degel ahaanna bulshada Canfartu saddex dawladood ayay isaga gudbaan, oo waxay degaan Itoobbiya, Jabuuti iyo Caratariya. Degaankooda ballaadhani waxa uu dhacaa inta ka dhex leh xeebta Badda Cas ee Gacanka Cadmeed iyo ilaa gunta buuraleyda kore ee Itoobbiya, waana dhul leh qaab saddexagal ah, waana halka uu ka yimid magaca Saddexagalka Canfarta.

Saynab: Waxaan maqalnaa iyadoo laga warramayo saldanadihii iyo sheekhtooyinkii qawmiyadda Canfarta, haddaba sidee buu u dhisan yahay nidaamka bulsheed iyo siyaasadeed ee qawmiyadda Canfartu? Sidee bayna ugu kala filiqsan yihiin gobollada kala geddisan?

Caramiis: Horta nidaamkani waa mid laba hab oo isdheeli tiraya, isna dhammaystiraya ku dhisan: mid qabali ah iyo mid degaan. Haddaynu ku horrayno nidaamka qabaliga ah, waa mid ku dhisan saddex heer oo kala sarreeya: heerka koowaad oo kan u yarna ahi waa jees, heerka labaad oo ka kooban dhawr jees oo wadaaga abtirsiga asaasaha jeeska ay ka soo tafiirmeen, marar dhif ahna waxa uu noqdaa magaca abtirsigu mid dheddig, gaar ahaan qoysaska baho kala duwan ka kooban.

Ugu danbayna, isutagga dhawr reerood ayaa sameeya qabiil magac guud iyo halkudheg wadaaga, kuwaas oo hal degaan iyo ka badan wada dega, sidoo kalena wadaaga summadda xoolaha lagu calaamadsado.

Degaanka guud kolka ay timaaddana, Canfartu waxay u yaallaan hab qabiillo ah, kuwaas oo heerkooda siyaasiga ahna u qaybsama hab loo yaqaan Sheekhtooyo (Sheikhdoms), waana qabiillo degaan wadaag ah oo ku wada abtirsada oday guud, waxaana hoggaan u noqda hoggaamiyaha qabiilka ay ka farcameen reeraha kale, ama reerka suldaanka gobolka ama saldanadda guud, ee ah hoggaanka hoggaamiyaasha degaanka.

Marka ay timaaddo gobolka guud ee ka kooban dhawr Sheekhtooyo, waxaa loo yaqaan Sheekhtooyada Guud/weyn ama gobolka. Degaanka Canfartuna waxa uu u qaybsamaa shan gobol ama Sheekhtooyooyin guud, kuwaas oo sidoo kalena loo yaqaan Saldanado, waxaana lala xidhiidhiya magacyada dhulalka ay dhacaan, sida; Coosa/ Oosa, Beeruu, iyo Dawii. Astaanta salaadiintoodu waa ul dahabi ah, waxaana loogu yeedhaa “Amooyta”.  Labada saldanadood ee ugu waaweyn saldanadaha Canfartu waa Tajoora iyo Raahiito, salaadiintoodana waxaa loogu yeedhaa “Daardaar”, astaantooduna waa laba durbaan oo isku dheggan. Marka laga tago shantaa saldanadood ee waaweyn waxaa jira saldanado madaxbanaan.

Marka laga tago xidhiidhada toleed, bulshada Canfarta siyaalo kale oo xidhiidho ay u samayso oo isu kaashato ayaa jira. Canfartu ragga waxay u taqaan “Faxma” taas oo ka turjumaysa awoodda iskaashiga, ama awoodda midawga qabiillada.

Waana qeexitaan ka turjumaya muhiimadihiisa, kuwaas oo ah; sugidda xasilloonida iyo nabad ku wada noolaanshiyaha, iyadoo la dejinaya colaadaha ama laga hortagayo khilaafaadka la filan karo ee xubnaha bulshada ka dhex dhalan kara, iyo iyadoo la ballaadhinayo iskuduubnida bulshada si loogu midoobo cadawga dibedda iyo tabaalaha nolosha. Dhanka wadajirka iyo is gacan qabsiga, bulshada Canfartu waa dad is taageera oo aaminsan in hantida la qaybiyo si aanay cidina u noqon caydh faramadaw.

Saynab: Diintu waa arrin aad muhiim ugu ah bulshooyinka Geeska Afrika. Goorma ayay shacabka Canfartu soo galeen diinta Islaamka, mad’habaha fiqiga ah ee shaacsanaha ka ah dhexdooduna waa kuwee?

Caramiis: Canfartu waa bulsho dhammaantood muslin ah, sababtuna waxay tahay in ay ku nool yihiin xeebaha foolka ku haya Jasiiradda Carabta oo u jira 25 kiiloomitir oo kaliya. Waxaa la aaminsan yahay in ay yihiin dadkii ugu horreeyay ee diinta islaamka qaata, si ay ku soo gaadhayba, hadday tahay safarradii ay ugu kicitami jiree dhulka Carbeed ama socdaaalladii ay Carabtu dhulkooda ku iman jirtay, safarradaas oo la tacalluqay xidhiidhka ganacsi ee labada gobol.

Waxaa sidoo kale jirta in asxaabtii nabiga ee u soo hijrooday dhulka Xabashida, gaar ahaan boqortooyadii Askum ee uu boqorka ka ahaa Najaashi, ay mareen dhulka Canfarta, taas oo caddaynaysa in islaamku soo gaadhay waagii uu bilawga ahaa.

Canfartu waa bulsho taabacsan mad’habaha Shaaficiga iyo Xanafiga. Wax badan oo aan la diraasayn qawmiyaddan awgeed, waxay taariikhyahannada qaar iyagoo xiganaya qoraallo kooban oo si sarko xaadis ah uga hadlaya bulshadan ayaa ku andacooday in ay dhammaan taabacsan yihiin mad’habta Shaaficiga sida Soomaalida oo kale, dooddaasina ma aha mid qumman.

Ka hor intaanay u tacabbirin dhulal qolaad 1960-neeyadii, Canfarta xeebaha degtaa waxay ahaayeen Shaaficiyiin, halka kuwa dega dhulka gudaha ee xeebaha ka durugsani ahaayeen kuwo taabacsan mad’habta Xanafiga. Canfartu waa bulsho diinta Islaamka ugu dhaqanta si qunyar socodnimo ah, Salafiyaduna waxay ku dhex faaftay iyadoo kooban afartankii sanno ee u danbeeyay.

Canafarta Itoobbiya waxaa ku jira bulshooyin badan oo Suufi ah, gaar ahaan bulshooyinka Canfarta ah ee dega dhulka beeraha hodanka ku ah ee Coosa, wabiga Awaash iyo gobollada buuraleyda ah. Degaanka Coosa waxaa ka jira siddeed dariiqo oo suufi xerudhalan ah oo ka barbar jira dariiqada Qaadiriyada, waa sababtuu ugu andacooday qoraaga buugga “Islaamka Itoobiya” in ay dariiqooyin kale soo gaadheen Itoobbiya qarnigii sagaal iyo tobnaad, isagoon ku baraarugsanayn in ay yihiin dariiqooyin xerudhalan ah. Degaanka Canfartu waa meel ay madaahiibta kala duwani si nabdoon isaga barbar jiraan, iyadoo haldoorku taabacsan yihiin mad’habta Shaaficiga ah, halka shacabku yihiin Xanafiyiin.

Saynab: Haddii aynu u gudubno Canfarta Itoobbiya, muxuu ahaa doorka ay ku lahaayeen beddelidda nidaamkii Imbaraadooriyadda iyo yagleelka taliskii milatariga ahaa (1973 – 1991)?

Caramiis: Canfartu, si la mid ah shucuubta darafyada degta kuma ay lahayn door muuqda kacaankii Itoobbiya, kuwaas oo la kulmay waayo’aragnimo la mid ah shucuubtaas oo ay Soomaaliduna ka mid tahay.

Kacaankani mid bartamaha ka qarxay buu ahaa, gaar ahaan Addiis Ababa iyo magaalooyinka waaweyn ee ka durugsan degaannada shucuubta darafyadu degaan, kuwaas oo aan iyagu qayb ka ahayn kacdoonkan. Kooxaha kacdoonkan ka qayb qaatay waxay ahaayeen ardayda, shaqaalaha, taksiilayaasha iyo dumarka jidhkooda ka ganacsada iyo ciidanka, oo iyagu markii danbena awooddii afduubtay.

Itoobbiya waa dalka kali ah ee Afrikaan ah ee uu kacdoon dhab ahi ka dhacay, kaas oo isbeddel weyn ku sameeyay haykalka bulsheed iyo ka siyaaseedba. Iyadoo sidaa ah, bulshooyinka darafyadu oo ay Canfartu ku jirto, waxay ka qayb qaateen jihaynta kacdoonka, iyagoo rabay in ay ka faa’idaystaan fursadaha soo baxay, ka dib markii laga takhallusay nidaamkii boqortooyada ee la asaasay talis kacaan ah.

Saynab: Sidee bay Canfartu uga faa’ideysatay isbeddelladan ku dhacay qaab dhismeedka bulshada iyo siyaasadda?

Caramiis: Taliskii cusbaa waxa uu u hawlgalay in uu bulshooyinka darafyada ee degaannada istaraatiijiga ah dega la xulafoobo, oo ay hantaan taageeradooda. Waxaana waajib ah in la xuso in kolkii ay garwaaqsadeen Canfartu in dhacdooyinkii dalka markaa ka dhacayay ay keenayaan dhicista taliska, way tashadeen waxayna u hawlgaleen in ay isbeddelkaa sida ugu fiican uga faa’deystaan, oo ay dhallinyarta ku carbiyaan tabaha milatariga si ay saamayn u yeeshaan, iyo in ay samaystaan xidhiidho dibadaha ah si ay u helaan taageero maaliyadeed iyo mid milatari.

Si guud, Canfartu way ka faa’ideysteen isbeddelkaas, oo waxay kor u qaadeen nolosha dhaqan-dhaqaale ee bulshadooda. Waxay ku guuleysteen in ay hal maamul ku midoobaan, oo ay ka baxaan kala daadsanaantii ay shanta gobol ku kala qubnaayeen, waxaana loo aqoonsaday xaqa in ay is xukumi karaan, waxayna heleen taageero iyo dakhli ka badan kii ay hore u heli jireen.

Saynab: iyadoo bulshada Canfartu tahay bulso dhaqan iyo sooyaal siyaasadeed oo qani ah leh, haddana cilmibaadhisaha lagu sameeyaa waa kuwo kooban. Arrintan sidee baad u aragtaa?

Caramiis: Muddo dheer qoraallada Canfarta ku saabsani waxay ahaayeen kuwo kooban, oo si filiqsan ugu daabacan buugta taariikhda iyo daraasaadka qawmiyadaha. Cilmibaadhisaha bulshadan ku saabsani waxay korodhay rubuc-qarnigii u danbeeyay ee qarnigii labaatanaad, gaar ahaan siddeetannadii, xilligaas oo Canfarta laba daraaso oo heer dhakhtarnimo ah laga sameeyay. Cilmibaadhista koowaad waxay qabsoomtay 1982, Qaasim Shahiim Qaasim, ayaa cilmibaadhis ku sameeyay saamaynta uu islaamku ku leeyahay Canfarta/ tan labaad waxaa 1986 diyaariyay Maknuun al-Shaami, waxayna daarneyd dhaqaalaha siyaasadeed ee degaanka Canfarta ee Itoobbiya.

Intaa waxa dheer, buugga weyn ee ay wada diyaariyeen Jamaal al-Diin al-Shaami iyo Haashim Jamaal al-Diin, oo cinwaankiisu yahay, ("المنهل فى تاريخ وأخبار العفر )الدناكل"، “Isha taariikhda iyo wararka ee Canfarta (Danaakilada).” Kaas oo la daabacay 1997 oo kuna qornaa afka Carabiga, markii danbena loo turjumay af Amxaari iyo Ingiriisi. Buuggu waa mid soo bandhigay aragti horumarineed oo ku saabsan taariikhda Canfarta, kaas oo daaran muddo shan kun oo sannadood ah. Buuggani waa mid aad muhiim u ah, balse waa mid ceebo badan, hadday noqoto xogaha asaasiga ah ee buuggu xanbaarsan yahay ama fasiraadihiisaba.

Sannaddii 2004, waxaa afka Faransiiska lagu baahiyay qaamuus ku saabsan taariikhda Canfarta, kaas oo ka warramaya taariikhda Canfarta laga soo bilaabo qarnigii 12aad ilaa sannadkii 1982, waana qaamuus mug weyn oo uu qoray Diidiyeer Mooriin (Didier Morin), balse waa mid isaguna ka dhutinaya dhanka qiimaynta taariikhaysan iyo dhanka u kuurgalka iyo xaqiijinta xogaha laga soo xigtay qoraallada masuuliyiinta isticmaarkii Faransiiska, sida Edouard Schedeville oo sarkaal ka ahaa ciidamadii isticmaarka Faransiiska.

Cilmibaadhisaha Canfarta ku saabsani kuma koobna intaa aynu xusnay oo aynu tusaaleyn uun uga dan lahayn. Waxaa xusid mudan Xarunta Faransiiska ee cilmibaadhista Itoobbiyi in ay door hormuudnimo ka qaadatay daraasaadka ku saabsan Canfarta, tan iyo bilawgii qarnigan kow iyo labaatanaad.

Saynab: Buug iyo maqaallo aqooneed oo Canfarta ku saabsan ayaad soo saartay, haddaba maxay yihiin qodobbada u waaweyn ee aad cilmibaadhistaada ku soo qaadatay, sidee bayna cilmibaadhistaadu, adigoo ah cilmibaadhe Canfari ah uga duwan tahay cilmibaadhisaha cilmibaadhayaasha aan Canfarta ahayn?

Caramiis: Cilmibaadhistayda daarran bulshada Canfartu waxay ku han weyn tahay soo bandhigidda aragti qoto dheer oo ku saabsan taariikhda bulshadan, oo qayb ka ah taariikhda guud ee Itoobbiya iyo ta gobolkaba. Buuggaygii kowaadna waxa uu ku saabsanaa taariikh-nololeedda laba Suldaan oo ka mid ah salaadiinta Canfarta, buuggaas oo wax ku biiriyay dib u eegista doorka bulshada Canfarta ee taariikhda Itoobbiya, doorkaas oo aan hore wax la isaga weydiin jirin cilmibaadhisaha soojireenka ah ee Itoobbiya, kuwaas oo diiradda saara bulshooyinka buuraleyda kore ee Kiristanka ah.

Qoraalladayda ilo xogo oo asaasi ah oo aan ku tiirsanaa waxaa ii ahaa qoraallada reer galbeedka iyo taariikh afeedda. Waxaan soo gudbiyay aragti ku saabsan taariikhda siyaasiga ah ee gobolka “Coosa” kaas oo ka mid ah shanta saldanadood ama gobol ee guud ahaan Canfarta loo qaybiyo, kaas oo aan ku caddeeyay doorka haladaygga ah ee ay Canfartu ku lahayd horumarka dhaqaale iyo siyaasadeed ee Itooobbiya, dhammaadkii qarnigii sagaal iyo tobnaad iyo bilawgii qarnigii labaatanaad, taas oo ay ku gaadheen isbahaysi, xafiiltan iyo colaado.

Halka buuggaygii labaad ee cinwaankiisu ahaa, “Canfarta – kacdoonkii Itoobbiya iyo nidaamkii dergiga” uu ka soo eegay kacdoonka dhanka bulshooyinka darafyada, gaar ahaan Canfarta. Cilmibaadistaydani waxay hormuud ka noqotay cilmibaadhisaha daarran xidhiidhka degaannada awoodda iyo kuwa darafyada ee kacdoonkii Itoobbiya. Buuggaygan ka hor, qoraallada ku saabsan xilligii kacdoonku waxay ku qeexi jireen dhaqdhaqaaqa mucaaradka ah ee Canfarta ee uu horkacayay Suldaanka Coosa, Cali Miira Xanfade, kuwo kacaandiid ah.

Waxaan cilmibaadistayda ku caddeeyay in ay tilmaantaasi majarahabaabsan tahay oo ay waajib tahay in la saxo, taas oo aan ku sababeeyay doorkii uu ka qaatay gorgortankii uu la galay boqorka 1950-meeyadii, iyo sida bulshadiisu u aragto. Waxa uu u dooday xaqa bulshadiisa, waxaana uu ku guuleystay in uu u soo dhiciyo degaankiisa ismaamul iyo madaxbannaani aan rasmi ahayn, boqorkuna waxa uu siiyay laqab sayidnimo, taas oo tusmaynaysa heerkiisa iyo saamayntiisa.

Waxaa lagu bartay suldaanka mucaaradadda siyaasadaha horumarinta dhaqaalaha ee dawladda dhexe, iyo dhul boobkeeda. Waxaan uu hirgaliyay mashaariico isaga u gaar ah oo uu ku horumarinayo degaanka Coosa, isagoo taageero qarsoodi ah ka helaya boqorkii Sucuudiga ee waagaas, boqor Faysal iyo xubno waaweyn oo qayb ka ahaa siyaasadda Itoobbiya, taas oo marag u ahayd saamayntiisa iyo kartiduu u lahaa samaysashada xidhiidho gudaha iyo dibeddaba ah oo taageera.

Saynab: Ma jiraan dhinacyo aan laga warqabin ama aan la fahansanayn oo daarran dhaqanka iyo taariikhda Canfarta, oo aad rabto in aad nala wadaagto?

Caramiis: Haa, waxaan si wanaagsan loo fahansanayn nidaamka “guurka isa siinta” (arranged marriage) ee bulshada Canfarta. Waa nidaam ku dhisan in ninku uu ka guursan karo dumarka qabiilka Aabbihii, halka gabadhuna ay tahay in ay ka guursato qabiilka Hooyadeed. Kaas oo looga dan lahaa in qaraabada la ballaadhiyo, oo lagu dadaallo in nin walbaa xaas helo, taas oo qayb weyn ka qaadatay kobcinta bulshada.

Iyada oo aan loo tixgalin wadciga bulsheed ee qofku ku sugan yahay, xeerkani waxa uu siinayaan ninka iyo gabdhaba fursad ay ku heli karaan xaas. Waxaana cad in guurka caynkan ahi xoojiyay xasilloonida qoyska, oo uu dhaliyay dareen wadajir oo uu ka qayb qaatay dejinta iyo xallinta colaadaha.

Iyadoo xeerku sidaas yahay, haddana waxa jira isbeddello la jaanqaadaya kuwa dhaqaale iyo bulsheed, cagsiga sida la aaminsan yahay jiritaanka nidaamka “isa siintu ama isu dhisidda” ee Canfartu ku dhaqantaa meeshha kama saarayo jiritaanka guurka dookha shaqsiga ah ku dhisan kaas oo loo yaqaan “Soomiina”.