Friday 22 November 2024
Sannadihii 1950nadii warbaahinta Masar waxay Soomaalida ku boorrin jireen midnimo ka dhan ah gumaysiga — balse kalaqaybsanaanta siyaasadeed wax bay ku darsadeen.
Halgankii gumaysiga lagula dagaallamayay wuxuu sidoo kale geyiga Soomaalida u ahaa tartan loogu jiro cidda teedu soconayso. Kolkii xisbiyadii ay ka mid ahaaeen SYL iyo SNL ay madaxbannaanida u ololaynayeen, waxa soo ifbaxay majallado iyo wargeysyo weerar ku qaaday xukunkii gumaysiga, qadiyaddoodana taageerp u soo dhiciyay. Hasayeeshee, waqtigu wax uu socdaba, xubnihii firfircoonaa ee qoomiyiintu waxay ku tashadeen in ay idaacadaha caalamiga ah u irkadaan si ay aragtiyahooda hore ugu dhigaan, una wiiqaan kuwa ay siyaasad ahaan is hayaan.Codadkaas saamayskoodu weynaa waxa ka mid ahaa idaacadda dawladda Masar, oo laamaha Carabiga iyo Soomaaliga u samaysay mandiqadda. Wartebinahaasi waxay daaddihayaashii Soomaalida siiyeen fursad ay ku qaabeeyaan halganka gobannimaddoonka, sidoo kalana waxay shidaaliyeen loollan qoto dheer oo ka dhex dillaacay dhaqdhaqaaqii waddaniyiinta.
Idaacadda Qaahiri waxay laanta Af Soomaaliga bilawday 1954, labo sannadood uun ka dib afgenbigii riday boqortooyadii Masar ee lagu yagleelay talis militari oo horusocod ah. Markaas oo dhulkii Soomaaliyeed ee ku hoos jiray Maamulkii Wasaayada ay ka qabsoomeen doorashooyinkii golaha degaanka ee ugu horreeyay, barnaamishkan idaacadeed waxa loogu talagalay in uu shaacbax bilaash ah u noqdo xisbiyadii hantiwadaagga aadna loogu hadalhayo sida Masar hiilka ugu hayso waddaniyiinta Soomaaliyeed. In kasta oo barnaamishyadan lagu bilaabay kolkii danbe la iska daayay, haddana madaxda Masaaridu waxay danayn sii siinaysay taageeridda wartebinada isticmaardiidka ah ee wiiqi kara qolyaha ay is hayaan ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Itoobbiyaanka. Idaacadda Qaahira oo shaqaalaha laamahan ka qoran jirtay ardayda badan ee dalkooda waxbarashada u jooga ee ka soo jeeda Geeska Afrika, waxay bilawday in ay barnaamishyo Af Soomaali ah oo marmar ah soo dayso sannaddii 1956, barnaamishyada maalinlaha ahna waxay bilawday 1957.
Laanta Af Soomaaliga waxa si weyn u saameeyay daaddihiyihii kowaad oo ahaa waddanigii mintidka ahaa ee Xaaji Maxamed Xuseen. Sida badiba ay ahaayeen warfidiyeennada Idaacadda Qaahiri, Xaaji Maxamed wuxuu ahaa shakhsiyad siyaasi ah oo muhiimad iskeed ah leh. Sannaddii 1943 wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii Naadigii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYC), sannaddii 1947 ayaana loo doortay guddoomiyaha Ururkii Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYL) oo magacaas cusub markaa qaatay, intii aanu waxbarasho u aadin Jaamacadda al-Azhar. Xaaji Maxamed wuxuu idaacadda Qaahira ka noqday cod awood badan oo isticmaardiid ah, isaga oo deedifayn jiray “in dib loo dhigo madaxbannaanida dalalka Afrika.” Wuxuu Idaacadda Qaahira ku boorriyay in ay taageerto qorshayaasha Leegada ee Midnimada Soomaalida, oo ay haysashada Soomaali Galbeed ku canbaarayso in ay tahay xaqdarro ay samaysay “imbiraaliyadda Xabashidu.” Wartebinadani waxay sidoo kale weerari jireen qoomiyiinta Soomaaliyeed ee dhexdhexaadka ah, iyagoo ku andacoonaya in tanaasul kasta oo lala gaadho quwada gumaysiga ay ka dhalan doonto “Soomaali yar” oo aan aan tabar u haynin in ay masraxa caalamka wax ka noqoto.
Warfidiyeennada kalana tubtii Xaaji Maxamed ayay raaceen oo waxay Itoobbiyaanka ku tilmaami jireen “gumayste madow” iyagoo Soomaalida ku tirtirsiyaya in ay dhabarka u jeediyaan “dabadhilifyada imbiriyaaliyadda.” Hasayeeshee, waxay sidoo kale adeegsan jireen tabo kale oo ay ugu doodaan qadiyadda madaxbannaanida. Warfidiyeennada uu ka mid yahay Axmed Sheekh Muuse wuxuu dhawr jeer ku dacwiyay in la qaato nusuusta Islaamiga ah, isaga oo ku doodaya in ay “jihaadka qayb ka tahay in dadka la baraarujiyo, oo looga digo dhagarta gumaysiga...oo dadkana loogu baaqo in ay is kaashadaan.” Qaar kalana erayada ayay ku dheeli jireen oo maad ka soo saari jireen: tusaale ahaan, wartebin ku saabsanayd Jabbuuti, ayuu daaddihiyihii barnaamishkaasi, Maxamed Shariif Maxamuud, ku hakaday isu’ekaanshaha u dhexeeya madaxweynihii Faransiiska, Degool (De Gaulle) iyo erayga Carbeed ee dajaal oo la micne ah khaayin, isaga oo tibaaxaya in uu la mid yahay Dajaal-cawarka uu Islaamku ka hadlo. Kuwo kale waxay allifeen riwaayado loogu talagalay idaacadda oo masraxeeyay unkumiddii dhaqdhaqaaqii Daraawiishta, isla markaana sawirayay aayaha Soomaaliya xor ka ah xukunka gumaysiga. Mawduuca ay ka hadlayeen waxa ku soo noqnoqonaysay fekradda shacabweyne ka wada hor imanaya xukunka isticmaarka. Shakhsiyad ku jirtay riwaayadahaas oo la hadlaya ninkii Ingiriis ee qabsaday sida uu u dhigayo, “Waad xidhi kartaa oo xabsi u dhaadhicin kartaa cidda aad rabto, laakiin dadkayaga ka ma hor istaagi kartid xaqiijinta waxa ay doonayaan. Wuxuun bay taasi kuu suurageli lahayd haddii aad Soomaali oo dhan xidhxidhid — waaba haddii aad u helaysid xabsi kuu deeqaya e.”
Luuqaddii isticmaardiidku way shaacday, Idaacadda Qaahirina dhegaystayaal badan ayay ka heshay dhulalka Soomaalida. Waxay sidoo kale kasbatay dhegaystayaal qurbajoog ah, daaddihiyayaasha barnaamishyada idaacaddanu waxay akhrin jireen dhanbaallo uga yimi Gaana, Yugaandha, Itoobbiya, Sucuudiga, iyo Ingiriiska. Mawduucyada qoomiyadeed ee idaacadda waxa sidoo kale soo dhaweeyay Soomaalidii degganayd Kiiniya, oo ay ka caawiyeen in ay soo nooleeyaan xisbigii Leegada, taageerana u helaan in gobolka Soomaaliyeed ee Kiiniya dib loogu daro Soomaalida kale kolka ay xorriyadda qaadato. Idaacadda Qaahiri waxay sidoo kale bilawday in ay u gooddiso maamulka gunaystaha Ingiriiska, oo warbaahinta Masaarida ku eedeeyay in ay faafinayaan “warar gardarro ah aadna u suurad beddelaya sida dhacdooyinku yihiin” kuwaas oo “waxyeello siyaasadeed oo laxaad leh” gaadhsiinaya geyigooda oo dhan.
Si ay uga jawaabaan, waxa la asaasay laanta Af Soomaaliga ee BBC oo hawada gashay Luulyo 1957. Laantan oo taageero ka helaysay Xafiiska Mustacmaraduhu waxay u jirsantay si ay taageero ugu noqoto idaacadihii gumaystuhu ka furay gudaha Soomaaliya, iyo, isla markaa, “in ay ka hortagto raadka Idaacadda Qaahir ku leedahay.” Xarumaha dacaayadda ee ay ka mid ahayd Waaxda Cilmibaadhista Macluumaadka ayaa sidoo kale bilaabay in ay gumaystaha shaacbixiyaan oo ay arliga oo dhan ku beeraan kuna fidiyaan wargeysyo iyo laamo idaacadeed oo u hiilinaya. Hasayeeshee, hindisayaashaasi waxba ka may tarin wiiqidda sumcaddii Idaacadda Qaahira. Kolkii laanta Af Soomaaliga ee BBC la sameeyay toban maalmood ka dib, ayaa Xaaji Maxamed Xuseen mar kale loo doortay guddoomiyaha SYL, taas oo xididdada u sii aastay saamayskii uu ku dhex lahaa dhaqdhaqaaqa waddaniyiinta Soomaalida.
Kolkii danbe se doorashadii Xaaji Maxamed muran baa ka dhashay. Hoggaamiyayaashii kale ee Leegadu marna may illaawin weerarkii uu ku hayn jiray qoomiyiinta dhexdhexaadka ah, dabadeed kolkii uu Muqdisho ku soo laabtay waxa lagu eedeeyay “in uu ku shuqlanaa dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ku sifaysan barobagaando qadhaadh oo kulkulul,” oo uu boorrinayay “handadaad ka dhan ah xubnaha kongareenka ee xisbigiisa.” Bishii Meey 1958 ayaa laga eryay xisbigii Leegada, dabadeed wuxuu asaasay xisbigii Gareedka (Greater Somali League) shacbiyaddiisiina marna may naaqusin. Isla sannadaas ayuu Ra’iisalwasaarihii daakhiliyadda ee Soomaaliya, Cabdullaahi Ciise, uu si hoose BBC-da ugu ammaanay in ay tahay “idaacadda keli ah ee caalami ah ee awoodda in ay dhegaystayaasha ka soo duufsato Idaacadda Qaahira.”
Laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda Qaahiri wax ay shacbiyad badan yeelataba, si tartiib-tartiib ah ayay hoos u dhacday. Dadka qaar ayaa idaacadda ku dhaleecayay in ay tahay barobagaandada Masar – Xaaji Maxamed wuxuu hubaashii ku dooday in Soomaalidu ay tahay in ay “u jeesato dhanka waddamada Carabta iyo Eeshiya,” daaddihiyayaasha kale ee idaacadda qaarkoodna waxay Masar ku ammaaneen kaalmada deeqsinnimada ah ee ay u hurto “walaalaheeda Afrika.” Xataa wartebinada qaar ayaa ku andacooday in Soomaaliya laga maamuli jiray Masar ka hor intii aanu gumaysiga Yurub imanin, iyagoo ku dacwiyaya in Masar “ay ugu horrayn xil iska saartay horumarka iyo asaasidda dawladnimo suubban” oo ka hanaqaada mandiqadda. Kuwo kalana waxay ku andacoodeen in Idaacadda Qaahiri ay saamayskeedii qunyar-qunyar u lumisay kolkii madaxbannaanidu soo dhawaatay. Bishii Luulyo 1959, ayuu Xafiiska Arrimaha Debadda ee Ingiriisku ku gungaadhay in barnaamishyadaasi ay weli sumcad ka sii haystaan halgamayaasha isticmaardiidka ah, oo beri horaba waafaqsanaa andacoodyadeeda ku aaddan xukunka gumaysiga, misana “aan hadda loo arkayn in ay raad waaraya ku sii yeelanayaan fekerka Soomaalida.”
Hoosudhacani wuxuu socday xataa ka dib xorriyaddii Soomaalida ee 1960. Idaacadda Qaahira waxa soo foodsaaray tartan hor leh oo kaga yimi Itoobbiya iyo Midawga Soofiyeed, oo labadooduba abuuray laanta Af Soomaaliga ee idaacadahooda oo ay ku rabeen in ay ku raadeeyaan siyaasadda dawladdan dhalatay. War-laliyayaasha cusub ee laga dhisay Hargeysa iyo Muqdisho – oo idaacadda Hargeysana uu maalgeliyay Ingiriisku, ta Xamarna Soofiyeedku – ayaa sidoo kale Soomaaliyadii xorriyadda qaadatay ka saaciday in ay noqdaan idaacado iskood caalami u ah oo u taagan. Sannaddii 1964, Raadyaw Muqdisho waxay baahinaysay heeso xorriyaddoon ah oo ku aaddan Soomaalida Kiiniya, oo dhegaystayaasha ku boorrinayay in “difaacdaan dhulkooda oo hubka u qaataan,” sidoo kalana “walaalaheen laga dulqaado heeryada la saaray.” Sidoo kale waxay idaacaddani bilawday in ay Af Amxaari kula hadasho Itoobbiya, iyadoo soo saari jirtay riwaayado ku saabsan sida xun ee askarta loola dhaqmo iyadoo ku boorrinaysa in ay ka soo goostaan ciidanka qaranka. Waayahaa siyaasadeed ee xasaasiga ah ayay Idaacadda Qaahiri ku go’aansatay in ay xaddiddo kaalinteeda. Laantani waxay sii waddey heesaha xorriyadda, oo Soomaalida ku guubaabinaya in ay hubka u qaataan Itoobbiya “ayna Xabashida ka saaraan dalkooda.” Guud ahaan se waxay diiradda gaar u saartay tababbaridda farsamayaqaanno Soomaali ah, oo madaxda Masaaridu ay rejaynaysay in ay abuuri doonaan faca cusub ee warfidiyeennada Soomaaliyeed.
Maanta, Masar waxay dib u bilawday in ay maalgashato warbaahinta Soomaalida, taas oo qayb ka ah ololaheeda cusub ee diblomaasiyadda shacbiga ah, oo ah dhaxalka hawlihii iyo barnaamishyadii hore oo maanta ula ekaaday in ay muhiimad leedahay. Sannadihii ugu danbeeyay xukunkii gumaystaha, Idaacadda Qaahiri waxay saaxad siisay waddaniyadda mintidka ah ee Soomaalida. Barnaamishyo isugu jira siyaasad, wacdi diineed, iyo riwaayado idaacadeed, ayay daaddihiyayaasha Soomaaliyeed ku weerari jireen xukunka gumaysiga, oo ay ku hanan jireen dhegaystayaal badan oo dunida oo dhan ku kala filiqsan. Hasayeeshee, halgankani mar kasta ma uu dhali jirin isbeddel siyaasadeed. Idaacadda Qaahiri waxay shacbiyad ka dhex yeelatay waddaniyiinta mintidka ah, iyadoo kor u qaadday shakhsiyaad ay ka mid yihiin Xaaji Maxamed Xuseen, laakiin horumar badan ka may samayn in ay qanciso dadyawga aan qanacsanayn. Ugu danbayn, idaacadda waxa dhaawac ka soo gaadhay fekradda laga qaatay ee ah in ay tahay mishiin faafiya barobagaandada Masaarida, waxayna aad ula halgantay in ay la jaanqaaddo xawaaraha uu ku socdo isbeddelka siyaasadeed ee Soomaalidu. Sidaas oo ay tahay, waxay u qalmaan in loo aqoonsado kaalintii aan caadiga ahayn ee ay ku lahayd halgankii gobannimaddoonka ee Soomaalida. Warfidiyeenkii waddaniyiinta ahaa ee ka hawlgeli jiray Idaacadda Qaahiri waxay qaabeeyeen oo cod u noqdeen halganka isticmaardiidka ah, xilli aad uga fog asaasiddii Dawladda Soomaaliyeed.