Skip to main content

Tuesday 22 October 2024

Dhaqan

Dabshid: Kaltirsi Qorraxeedka Soomaalida

7 October, 2024
Image
mj
Share
 Hordhac:

Maxamed Aaden Muxumed oo ka tirsan Xarunta Dhitaynta, Dhaqanka, iyo Xiddigiska Soomaalida ee Oday-Ka-Sheekee, waxaa uu halkan ku falanqayn doonaa Kal-tirsiga Dabshid, oo ah Kal-tirsi qorraxeed ay Soomaalidu tirsato (Dabshid Somali Indigenous Solar Calendar). Waxaannu daraasadda ku soo qaadi doonnaa; fac-weynaanta kal-tirsi qorraxeedkan iyo dhererka sannadka, halka sannadku ka bilaabmo habeen ahaan ama habeenka ugu horreeya ee uu sannadku galo halka uu dhaco bilaha kale sida kuwa Miilaadiga; Afarta xilli iyo xilliga ugu horreeya; astaamaha lagu garan karo in uu Sannadkii galay oo u bilaw yahay; iyo waxa lagu caddayn karo curashadiisa; habtirsiga sannadka oo ah qaabka loo xisaabiyo kal-tirsiga Dabshid sida habeen-tiriska iyo hog-tiriska. Habbabka tirsiga qaarkood waxa aannu si qoto-dheer ugu soo qaadi doonnaa, tirsiga sannadka iyo sida ay iskugu xidhan yihiin Xiddigaha ka muuqda cirka sida, kuwa Goddadka, Moorada, Meerayaasha, iyo hilimada ay maraan; tusaale ahaan sida, Dirirku u saameeyo bilaha sannadka qaar ka mid ah, isaga oo xilli sugan ku leh bil walba, si joogto ah sannad kasta. Waxa kale oo aannu falanqayntan ku soo qaadan doonnaa Goddadka iyo Moorada ay Afarta xilli ku kala dhashaan sida, xilliga xagaaga oo kawsada sannad walba godka Naaf-Cadde; iyo isku marag-furka cadceedda iyo dayaxu ay iskugu marag furaan dhalashada sannadka; ugu danabyntii waxa kale oo aan iyagu na ka maqnayn falkinta magacyada bilaha sida, Seer-Ma-Weydo, Daydo, Dambasame, iyo Toddob iyo guud ahaan xidhiidhka ka dhexeeya tirsiga sannadka iyo Xiddigaha. 

1.0 Fac-weynaanta kal-tirsi qorraxeedkan iyo dhererka sannadka: 

Fac-weynaanta kal-tirsi qorraxeedkan iyo dhererka sannadka soomaalidu ma aha mid la malayn karo, Sababta oo ah kal-tirsigani waxa uu ku jaan-go’an yahay nolosha dadka soomaalida ah iyo dhaqashada xoolaha nool ee ay dhaqdaan, tusaale ahaan, Iddaha gorodda madaw ee laga helo dhulka soomaalida oo kaliya, oo lagu xidhiidhiyo xilli fog oo ku siman xilligii nabi Ibraahim (CS) iyo nabi Ismaaciil (CS) sida ay rumaysan yihiin dadka soomaalida ah ee aqoonta u leh cilmiga xiddigiska qaarkood oo aannu ka waraysannay, dhaqistoodu waxa ay si qumman ugu fadhidaa kal-tirsi qorraxeedkan ay tirsato soomaalidu. U fiirso sida ay iskugu xidhan yihiin Iddahan fac weyn le ee 3 gorodda madaw le ee ay soomaalidu dhaqato iyo tirsigan qorraxda ee ay isla soomaalidu tirsato:

 1.1 Dabshid, –waa habeenka ugu horreeya tirsiga sannadka soomaalida. Isla habeenkaa Dabshidka, ayaa naylaha laga gudhiyaa iddihii irmaanaa, waxaanay gudhnaadaan ilaa laga gaadhayo habeenka Dambasamaha, ee ku jira bisha dayreed ee Dambasame, habeenkaasi ugu badnaan Dabshidka waxa uu ka danbeeya boqol iyo soddon habeen. 

1.2 Dambasamahu, – waa xilliga lagu sii daayo Summalka iddihii Haysimada ahaa ee sannadka rimayay, Haysimada Summalka lagu sii daayay waxa ay dib u rimmanaadaan 150 habeen, wixii ka danbeeya waxaa dhala iddihii rimmanaa xilli lagu jiro gu’. Waxaa kale oo wax ka qoray xilliga Iddaha lagu daro Summalka Musa H.I. Galaal waxaanu ku qoray buuggiisa Stars, Seasons and Weather In Somali Pastoral Traditions waxaanu yidhi: “Lambs conceived on the night of Dambasame will be born about 150 days later, which should be in the middle of the spring rains.” 

1.3 Laxahaa (Iddahaa), gu’ga dhalay waxa ay dib u sii irmaanaadaan ilaa laga gaadhayo habeenka Dabshidka, oo ah habeenkii sannadku dib u curanayey, oo noqonaysa ilaa 85 habeen oo ka danbeeya marka ay iddihii rimmanaa dhalaan; hadda ba haddii aad isku geyso habeennada sannadka adiga oo ka bilaabaya: “habeenka Dabshidka (ka gudhin) ilaa habeenka Dambasamahu (rimmay) waa 130 habeen, Dambasamaha (rimmay-ga) ilaa gu’gu (dhalay) na waa 150 habeen, habeenkaa ay iddihii rimmanaa dhaleen ilaa inta laga gudhinayo habeenka Dabshidka na waa 85 habeen . Marka la soo koobo waa: (130 habeen oo aanay rimmay iyo Irmaantoona ahayn laxdu oo loo geeyay 150 haneen oo kale oo ay Rimman tahay laxdu oo loo sii geeyay 85 habeen oo kale oo ay Irmaan tahay laxdu waxaanu sidaa sannadka qorraxda ee ay soomaalidu tirsataa ku noqonayaa 365 habeen.) 

2.0 Halka sannadku ka bilaabmo: 

Habeen ahaan ama habeenka ugu horreeya ee uu sannadku galo iyo halka uu dhaco bilaha kale sida kuwa Miilaadiga, waxa ay ku beegan tahay: 19ka bisha July. Waa habeenka koobaad (1aad) ee sannadka, waxaana la yidhaa ‘Dab-shid’; Muse1 H. I. Galaal ayaa isna buuggiisa Stars, Seasons, and Weather in Somali Pastoral Traditions ku qoray: “Dab-shid, or the ‘night of fire’ is the night of the Somali traditional New Year.” Waxaana bilata bisha koobaad (1aad), ee sannadka oo la yidhaa ‘Samalaho’ 

3.0 Astaamaha lagu garan karo in uu Sannadkii galay oo u bilaw yahay:

 Astaamaha lagu garan karo in uu Dabshid kii galay oo uu sannadku bilaw yahay iyo waxa lagu caddayn karo curashadiisu aad bay u badan yihiin balse waxa aynu hadda ka soo qaadanaynaa in kooban waxaana ka mid ah:

 3.1 Qorraxdu waxa ay ku jirtaa godka la yidhaa Naaf-cadde, ee Moorada Habar-Naaf (Cancer)

 3.2 Waxaa kale oo astaan u ah curashada sannadka cusub ee Dabshid, Dayaxa ayaa toddoba ku maraya Dirirka –Samalaho 1, (7th Lunar Month, 19th July).

 3.3 Curashada sannadka cusub ama habeenka uu Dab-shid ku galo waxaa kale oo astaan u ah, xiddigga la yidhaahdo ‘Sac-wadaha’ ayaa waaberiga qorraxda ka soo hormarta. 

4.0 Afarta xilli iyo xilliga ugu horreeya: 

Kal-tirsigu waxa uu ka kooban yahay afar xilli, xilli wali ba waxa uu ka sii kooban yahay min 3 bilood ama seddex xilli oo min 91 habeen ah iyo hal xilli oo 92 habeen ah; seddexda xilli ee min 91ka habeen ahi waxa ay kala yihiin Dayrta, Jiilaalka, iyo Gu’ga, halka xilliga Xagaagu ka yahay 92 habeen. Afarta xilli laba waa Gu’ (Doogaad, Bilo Dirir) laba na waa Jiilaal (Diraac, Bilo Dambasame). Labada xilli ee Gu’ga ahi waa Xagaa iyo Gu’ oo min seddex bilood ah, laba da xilli ee Jiilaalka ahi na waa Dayr iyo Jiilaal oo iyagu na min seddex bilood ah. Xilliga ugu horreeya Afarta xilli ee sannadku ka bilaabmaa na waa xilliga xagaaga. 1 Buuggaagta aannu qoraalkan u xigannay ee ka baxsan daraasadaha iyo cilmi baadhista ay samaysay Xarunta Dhitaynta, Dhaqanka iyo Xiddigiska ee Oday-Ka-Sheekee waa hal buug oo uu qoray AHN to, Muse H. I. Galaal oo la yidhaa “Stars, Seasons And Weather In Somali Pastoral Traditions”  

5.0 Goddadka iyo Moorada ay Afarta xilli ku kala dhashaan (The four Seasons, Stations, and their Constellations):

 5.1 God (Station), –godku waa xiddigo isku tagay oo sameeya muuqaal sugan oo leh cabbir sugan oo laga tirsado cirka, Afarta xilli, xilli walba waxaa cirka ka muuqda Goddad, qaar kale na way qarsoon yihiin oo waxa ay la socdaan cadceedda. Tirida Goddadka ay soomaalidu cirka ka tirsataa waa 28 god; goddadka waxaa xilli go’an ku mara Meerayaasha oo dhan sida Dayaxa, Cadceedda, iyo Meerayaasha kale ee Dagaara le, Suxal le, Mariikh le; Dayaxu waxa uu godkii ba ku maraa hal habeen, qorraxdu waxa ay godkii ba ku martaa 13 habeen hal god oo ay 14 habeen ku marto mooyaane. Xilliga Xagaagu waxa uu ku dhashaa godka 7 aad Afaggaal (Station No. 7), Xilliga Dayrtu na waxa uu ku dhashaa godka 14aad Dirir-Galaal (Station No. 14), Xilliga Jiilaalku na waxa uu ku dhashaa godka 21aad Madhan (Station No. 21), halka xilliga Gu’gu ku dhasho godka 28aad Farangaag (Station No. 28). 5.2 Mooro (Constellation), – Mooradu na xiddigo isku tagay oo sameeya muuqaal sugan oo leh cabbir sugan oo laga tirsado cirka, Mooradu godka ma leeka oo way ka weyn tahay, halka goddadka ay ka yihiin 28 god, Mooradu waxa ay ka tahay 12 Mooro, celcelis ahaan halkii Mooro ba waxa uu ka kooban yahay 2.33 god, Afarta xilli, xilli walba waxaa ka muuqda dhawr Mooro oo ka tirsan 12ka Mooro, qaar kale na way qarsoon yihiin oo waxa ay la socdaan cadceedda. Moorada, waxaa xilli go’an ku mara Meerayaashan, oo dhan Cadceed, Dayax, Mariikh, Mushtar, Dagaara, Libdhe, Jilboole, Caddaad, Suxal, Dayaxu waxaa uu 12ka Mooro ku maraa muddo bil ah, halka cadceeddu 12ka Mooro ku marto 12 bilood ama 365 habeen ama hal sanno. 

6.0 Hab-tirsiga sannadka oo ah qaabka loo xisaabiyo kal-tirsiga Dabshid: 

Kal-tirsiga Dabshid, waxaa loo xisaabiyaa laba hab, hab waxaa la yidhaa ‘Habeen-tiris’, habka kale na waxaa la yidhaa ‘Hog-tiris’. Habeen-tiris ku waa hab la tiriyo habeennada toddobaadka iyada oo loo tirinayo qaab hufan oo aan gedmasho lahayn; balse Hog-tiriska oo ah qaabka aynu halkan wax kaga soo qaadi doonno, waa hab-tirisi ku fadhiya aqoonta xiddigiska. Hog-tiriska, cadceedda ayaa siddeed iyo labaatanka god (28 God) god walba ku maraysa tiro go’an oo habeenno ah, 27 god waxa ay ku martaa min 13 habeen, hal god na waxa ay ku martaa 14 habeen sidaa waxaa ku dhan 365 habeen.  

7.0 Tirsiga sannadka iyo sida ay iskugu xidhan yihiin Xiddigaha ka muuqda cirka: 

Xiddigaha ka muuqda cirka sida, kuwa Goddadka (Stations), Moorada (Constellations), Meerayaasha (Planets), iyo Hilimada (Orbits) ay maraan, tusaale ahaan sida, Xiddigga Dirirku (Spica) iyo Xiddigaha Laxahu (Pleiades) u saameeyaan bilaha sannadka iyaga oo xilli sugan ku leh bil walba, si joogto ah sannad kasta. 

7.1 Bilo Dirir iyo Bilo Dambasame

 Bilaha qorraxda ee Kal-tirsiga DABSHID mar waxa loo qaybiyaa “Gu’ iyo Jiilaal, mar na Doogaad iyo Diraac, mar kale na Bilo Dirir iyo Bilo Dambasame”. Labadan qaybood waa isku 12 bilood, qayb kastaa na waa 6 bilood; hadda ba bilaha qorraxda ee kal-tirsiga DABSHID waxaa qayda oo jaangooya xiddiga la yihaa: “DIRIR” ee laga tiriyo lixda bilood ee “Bilo-Dirir” iyo Xiddigaha Wadarta ah ee la yidhaahdo: “Laxo ama Urur” ee iyagana laga tiriyo lixda bilood ee kale ee la yidhaahdo “Bilo-Dambasame.” Qoraalkan waxa aannu ku faallayn doonnaa oo kaliya marka sannadka loo qaybinnayo: lixda bilood ee Bilo Dirir iyo lixda bilood ee Bilo Dambasame, iyo sida ay xidhiidh ula leeyihiin bilaha qorraxda ee kal-tirsiga Dabshid. Hadda ba is waydiin tu waxa ay tahay, sidee ayay u jaangooyaan oo ay xidhiidh ula lee yihiin Dirirka (Spica) iyo Laxahu (Pleiades) bilaha qorraxda ee kal-tirsiga DABSHID ee ay Soomaalidu tirsato? Waxa ay u jaangooyaan ama u qeydaan sidan:

 7.2 Bilo Dirir (Months of Spica)

 Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa: “Dirir Caddo galay diraaci ma laab na.” Sida aynu kor ku soo sheegnay lixda bilood ee la yidhaahdo Bilo Dirir waxaa ka dhexeeya oo bil kasta qeyd u ah: xiddiga Dirirka oo tiro go’an ku mara dayaxa bil qorraxeed kasta dhexdeeda dhaca. Bilaha qorraxda ee la yidhaahdo Bilo-Dirir waxa ay kala yihiin: 2 Kal-tirsi Qorraxeedka Soomaalida ee DABSHID waxaa aad ka eeg taa jaan-tuska 1aad , p10 3 Lixda Bilood ee Bilo-Dirir iyo Lixda Bilood ee Bilo-Dambasame ka eeg jaan-tuska 2aad , p10 7 

Jiilaal: 

Bisha 9aad , Dirir Daydo, │ 15th/16th │ │19th March/April 17th │ 

Gu’:

Bisha 10aad , Dirir-Seer-ma-weydo, │13th /14th ││18th April/May 17th │ Bisha 11aad , Dirir-Cawl, │11th/12th││18th May/June 17th │ Bisha 12aad , Dirir-Sagaal, │9th/10th││18th June/July18th │

 Xagaa: 

Bisha 1 aad , Dirir-Samalaho, │7th to 8th││19th July/August 18th │ Bisha 2 aad , Karan │5th to 6th││19th August/September18th │ 

Lix-dan bilood ee Bilo- Dirir waxa ay iskugu jiraan seddex xilli oo kala ah Jiilaal oo hal bil ah, Gu’ga oo seddex bilood ah, iyo Xagaaga oo laba bilood ah; bisha jiilaal ka ahi waa Dirir- Daydo, seddexda bilood ee gu’ga ahi na waa Dirir-Seer-ma-weydo, Dirir-Cawl, Dirir-Sagaal, halka labada bilood ee xagaaga ahi na ka yihiin Samalaho (Dirir-Samalaho), iyo Karan. Bisha la yidhaahdo Dirir- Daydo, waa bisha 9aad ee Sannadka waxaanay ku dhammaata soddon habeen, waxaanay ku dhacdaa 19th March/17th April. Sannad kasta bishan dhexdeeda DIRIR ku waxa uu DAYAXA ku maraa 15aad ama 16aad waa na bisha kaliya ee uu intaa Dirirku ku maro Dayaxa sannadka oo dhan. 

Bisha 9th , Dirir- Daydo, │ 15th/16th │ │19th March/17th April │

Xogtani waxa ay qayb ka tahay daraasado ku saabsan Cilmiga Xiddigaha iyo Aqoonta kal-tirsiga Soomaalida oo ay daraasadaysay Xarunta Dhitaynta Dhaqanka iyo Xiddigiska Soomaalida Oday-Ka-Sheekee, waxa ay Xaruntu (Oday-Ka-Sheekee) si joogto ah ula socota bil kasta: Dirirka iyo Laxahu inta ay Dayaxa ku maraan. Waxa kale, oo ay xogtani soo xiganaysaa qoraallo iyo cilmi baadhiso, hore oo laga qoray aqoonta xiddigiska, iyo kal-tirsiga soomaalida, oo uu intooda badan uu daraasadeeyay AHN to e, Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal Dirirka waxa uu Dayaxa ku mara Bisha Daydo-Dirir sida caadiga ah15 aad, sida waxaa isna buuggiisa Stars, Seasons, And Weather in Somali Pastoral Traditions ku qoray Musa H. I. 8 Galaal. Waxa uu yidhi: “Normally the beginning of the Gu falls in the season Daydo Dirir which should be the 15th of the lunar month corresponding to the end of March in the Gregorian calendar.” Bisha la yidhaahdo Dirir-Seer-ma-weydo, waa bisha 10aad ee Sannadka waxaanay ku dhammaata soddon habeen, waxaanay ku dhacdaa 18th April/17th May. Sannad kasta bishan dhexdeeda DIRIR ku waxa uu DAYAXA ku maraa 13aad ama 4aad waa na bisha kaliya ee uu intaa Dirirku ku maro Dayaxa sannadka oo dhan. Muse H. I. Galaal oo waxa ka qoray Seer-ma-weydo na waxaa uu ka yidhi “Seermaweydo4 , known as the "king" of the three sub-stations, always begins on either the 13th or 14th of the lunar month corresponding to the end of the month of April each year.

Bisha 10aad , Dirir-Seer-ma-weydo, │13th /14th ││18th April/May 17th │ 

7.3 Bilo Dambasame (Months of Pleiades) 

Sida aynu kor ku soo sheegnay lixda bilood ee la yidhaahdo Bilo-Dambasame waxaa ka dhexeeya oo bil kasta qeyd u ah: Xiddigaha Laxaha ama Ururka (Pleiades) oo tiro go’an ku mara Dayaxa bil qorraxeed kasta dhexdeeda dhaca. Bilaha qorraxda ee la yidhaahdo Bilo-Dambasame waxa ay kala yihiin: 

Xagaa: 

Bisha 3aad , Diraac-good, 15th to 16th ││19th September/October 18th │ 

Dayr: 

Bisha 4th , Dambasame, │13th to 14th ││19th October/November 18th │ Bisha 5th , Xoomir, │11th to 12th ││19th November/December 18th │ Bisha 6th , Xays, │9th to 10th ││19th December/January 17th │

 Jiilaal:

Bisha 7th , Toddob, │7th to 8th ││18th January/February 15th │ Bisha 8th , Adhi-caseeye, │5th to 6th ││16th February/March 18th │ 

Lix-dan bilood ee Bilo-Dambasame waxa ay iskugu jiraan seddex xilli oo kala ah Xagaa oo hal bil ah, Dayr oo seddex bilood ah, iyo Jiilaal oo laba bilood ah; bisha Xagaaga ahi waa Diraac-good, seddexda bilood ee Dayrta ahi na waa Dambasame, Xoomir, Xays, halka labada bilood ee Jiilaal ka ahi na ka yihiin Toddob, Adhi-caseeye, 4 Bisha 10aad , Dirir-Seer-ma-weydo, │13th /14th ││18th April/May 17th │eeg sawirka ku yaal 9 Bisha la yidhaahdo Dambasame, waa bisha 4aad ee Sannadka waxaanay ku dhammaata soddon iyo kow habeen (31), waxaanay ku dhacdaa 19th October/18th November. Sannad kasta bishan dhexdeeda Laxahu (Pleiades-ku) waxa ay DAYAXA ku maraan 15aad ama 16aad waa na bisha kaliya ee uu intaa Laxahu ku maraan Dayaxa sannadka oo dhan. Muse H. I. Galaal oo buuggiisa Stars, Seasons, and Weather in Somali Pastoral Tradition ka hadlaya kaga hadlaya habeenka DAMABASAMAHA ee ku jira bisha Dambasame ee Dayaxu Laxaha ama Ururka (Pleiades) ku marayaan waxaanu yidhi Muse H. I. Galaal “When the Pleiades set just before dawn in winter, a heavy wind known as Duf is said to blow. But Urur is also important as an indicator of the night of Dambasame; when the moon is in this station on the 15th of the lunar month marking the middle of the Dayr season, the night of Dambasame occurs.” 

8.0 Gabagabada: 

Isku Marag-furka Cadceedda iyo Dayaxa Iyo dhalashada Sannadka Dhalashada sannadka qorraxda ee DABSHID, waxaa iskaga marag-kaca Dayaxa iyo Cadceedda iyo goddadka ay ku curanayaan. SAMALAHO waa bisha koobaad ee KAL-TISIGA DABSHID, bisha Samalaho, bisha Dayaxa ee ku dhalata dhexdeedu: waxa ay ku dhalataa godka NAAF-CADDE waxaanay bil Dayax-daasi DIRIR ka ku martaa 7 habeen, habeenkaa ay Dirirka Toddoba ku tahay baannu sannadka DABSHID ka ee cadceeddu dhashaa, cadceeddu na waxa ay ku jirtaa isla godkaa Naaf-cadde. Xogtani waxa ay qayb ka tahay daraasado ku saabsan Cilmiga Xiddigiska iyo Aqoonta kaltirsiga Soomaalida oo ay daraasadaysay Xarunta Dhitaynta Dhaqanka iyo Xiddigiska Soomaalida Oday-Ka-Sheekee; Isku Marag-furka Cadceedda iyo Dayaxa iyo dhalashada sannadka waxa kale oo aynu xigan karnaa Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal: “Seermaweydo, known as the "king" of the three sub-stations, always begins on either the 13th or 14th of the lunar month corresponding to the end of the month of April each year. On the 13th, the moon and Dirir should be in close conjunction, provided that the new moon of this lunar month first appeared in the position of the Listan station No.2. Then the following season, Cawl, will begin on the correct night, the eleventh night of the next lunar month - the one corresponding to the last week of the month of May; and the third sub-season, Dirir-Sagaaro (or Dirir-Sagaal ah as it is sometimes called) will open on the nineth night of the next lunar month, corresponding to the month of June. 

 Jaan-tuska 1aad

 KAL-TIRSI QORRAXEEDKA SOOMAALIDA EE DABSHID 

Xagaa: 

Bisha 1 aad , Dirir-Samalaho, (31), │7th to 8th││19th July/August 18th │ Bisha 2 aad , Karan, (31), │5th to 6th││19th August/September18th │ Bisha 3aad , Diraac-good, (30), |15th to 16th ││19th September/October 18th │

 Dayr: 

Bisha 4th , Dambasame, (31), │13th to 14th ││19th October/November 18th │ Bisha 5th , Xoomir, (30), │11th to 12th ││19th November/December 18th │ Bisha 6th , Xays, (30), │9th to 10th ││19th December/January 17th │ 

Jiilaal: 

Bisha 7th , Toddob, (29), │7th to 8th ││18th January/February 15th │ Bisha 8th , Adhi-caseeye, (31), │5th to 6th ││16th February/March 18th │ Bisha 9aad , Dirir Daydo, (30), │ 15th/16th │ │19th March/April 17th │ 

Gu’: 

Bisha 10aad , Dirir-Seer-ma-weydo, (30), │13th /14th ││18th April/May 17th │ Bisha 11aad , Dirir-Cawl, (31), │11th/12th││18th May/June 17th │ Bisha 12aad , Dirir-Sagaal, (31), │9th/10th││18th June/July18th │

 Jaan-tuska 2aad

 Bilo-Dirir (Lix Bilood) 

Bisha 9aad , Dirir Daydo, │ 15th/16th │ │19th March/April 17th │ Bisha 10aad , Dirir-Seer-ma-weydo, │13th /14th ││18th April/May 17th │ Bisha 11aad , Dirir-Cawl, │11th/12th││18th May/June 17th │ Bisha 12aad , Dirir-Sagaal, │9th/10th││18th June/July18th │

Bisha 1 aad , Dirir-Samalaho, │7th to 8th││19th July/August 18th │ Bisha 2 aad , Karan │5th to 6th││19th August/September18th │

 Bilo-Dambasame (Lix Bilood) 

Bisha 3aad , Diraac-good, 15th to 16th ││19th September/October 18th │ Bisha 4th , Dambasame, │13th to 14th ││19th October/November 18th │ Bisha 5th , Xoomir, │11th to 12th ││19th November/December 18th │ Bisha 6th , Xays, │9th to 10th ││19th December/January 17th │ Bisha 7th , Toddob, │7th to 8th ││18th January/February 15th │ 11 Bisha 8th , Adhi-caseeye, │5th to 6th ││16th February/March 18th │ 

2018 Georgian 3115/3116 DABSHID 

I. Dirir Daydo 14,

 • 15aad kii bisha Dayaxa, oo ku beegannayd 1 st April, 2018 

II. Dirir Seer-ma-weydo 11, 

• 13aa kii bisha Dayaxa oo ku beegannayd 28 April, 2018

 III. Dirir Cawl 08, 

• 11aad kii bisha Dayaxa oo ku beegannayd 25 may, 2018 

IV. Dirir Sagaal 05,

 • 9 aad kii bisha Dayaxa oo ku beegannayd 22 june, 2018 

V. Samalaho 1, 

• 7 aad kii bisha Dayaxa oo ku beegannayd 19 July, 2018 12 Bisha 10aad , Dirir-Seer-ma-weydo, │13th /14th ││18th April/May 17th │ 

 

Tixraacyada: Musa H.I. Galaal “Stars, Seasons and Weather in Somali Pastoral Traditions”