Saturday 16 November 2024
Wole Soyinka waa nin dunida suugaanta, fanka iyo aqoonta caan ka ah, baarka sarena ah, sidaas daraaddeed la yaab ma leh in nolosha qoraagan abaalmarinta Noobalka haysta laga sameeyo filim dheer oo dhokumanteri ah oo magaciisu yahay “Jidkii Ibraahin”, oo uu soo saaray Kola Tubosun, werinta sheekadana uu leeyahay Femi Elufowoju JR.
Jidka filimkan loogu magacdaray ee “Jidkii Ibraahin” ayaa gundhig u ah wax kasta oo filimka ku jira. Waa dib u milcsi sawirradii caanka ahaa iyo waraysiyo la sameeyey. Soyinka waxa uu ka warramayaa baahida uu u qabo jiritaanka dhirta iyo in ay ku hareeraysnaadaan meel kasta oo uu ku nool yahay. Jidka Ibraahin “Ebrohimie Road” waxa uu Soyinka u yahay daaqad uu ka daalacdo muhiimadda ilaalinta badqabka deegaanka, waxaanu ka dhex daawanayaa xidhiidhka aadamuhu la leeyahay dhulka iyo dabeecadda. Waa filim daaqad innaga tusaya siyaasaddii Soyinka ee ka soo horjeedday dagaalka intii uu socday Dagaalkii Sokeeye ee Nayjeeriya.
Falcelinaha amakaagga leh ee dadka ku jira filimkani waxa ay xoojinayaan xidhiidhka ay dadkaasi la samaynayaan daawashadaayasha. Dadka lala kulmayaa si dhab ah uma xasuustaan faahfaahinta dhacdooyinkii dhacay, balse, haddana marnaba ka gaabin maayaan inay soo gudbiyaan dareennadooda. Macno badan ma samaynayo magaca daanyeerkii Soyinka uu jeclaa, amaba in kulanku dhacay 1984-kii ama 1986-kii, se waxa macnaha samaynayaa waa dareennada kooxda, sida farxaddii iyo raynrayntii, ka dib markii ay maqleen warka in Soyinka xabsiga laga soo daayay, isaga oo muddo u xidhnaa hadalkii ka soo horjeeday dagaalka, amaba walwalka ay dareemayaan marka Soyinka loo diiday in uu xilka borofaysarnimada ka helo jaamacadda Ibadan.
Filimkan Jidkii Ibraahin waxa uu wax badan ka hadlayaa noloshii Soyinka, badhaadhaheeda iyo inteeda adagba. Waxa uu soo bandhigayaa xidhiidhka uu la leeyahay carruurtiisa; hablihiisa oo aabbo ugu yeedhaya iyo sida ay timahiisa u tidci jireen, inankiisa weyn oo aabbo ku leh ama ugu yeedhaya borofaysar iyo dhaqannada ku duugan ee lagala soo dhexbixi karo xidhiidhkaas. Filimku waxa kale oo uu muraayad u yahay aamusiinta dadka hadallo dheeraad ah ka sheega Soyinka, hadalkaasi ha ku saabsanaado xaaladdii ka qabsatay jaamacadda Ibadan ama muddadii uu ku sugnaa jaamacadda Cambridge oo uu kolkaas si iskii ah dalka uga tagay.
Filimkani waxa uu xoogga saarayaa nolosha Soyinka, waxa kale oo uu ku nuuxnuuxsanayaa goonni-socodnimadii Soyinka. Dadka qaar ayaa tilmaamay in qolka lambar afar ee Jidka Ibraahin loo rogo taallo Soyinka lagu xasuusto, sababtuna waa sida uu Soyinka uga tarjumayo. Halkan waxa ku jira iska hor-imaad: baahida loo qabo in la waariyo gurigaasi waa mid la mid ah waarinta gurigii Ernest Hemingway ee Kuuba iyo gurigii Toni Morrison ee Maraykanka. Hase ahaatee, siyaasadihii Hemingway iyo Morrison waa kuwo si cad loo bayaamiyey, toosna xidhiidh ula leh. Marka Soyinka la eego, marnaba siyaasadihiisa ma bayaamin, xitaa filimka dhexdiisa, waxaana jira muuqaal hore oo uu xusayo in sababta uu dagaalka uga soo horjeeday aanay siyaasad ahayn.
Filimkani waxa uu isku dayayaa in uu labadan arrin kulmiyo; waxa uu rabaa in uu soo bandhigo siyaasadihii Soyinka iyada oo aan Soyinka ka hadlin ama aanu iftiimin. Waxa kale oo uu qofku dareemayaa in filimkani ka dheeraanayo in uu basaaso sida ay ku dambeeyeen siyaasadaha Soyinka ee hadda; oo ah qaab taageero siinaya siyaasadihii uu toddobaatanaadkii ka soo horjeeday, ahna dhaqan u jidbixinaya fikradda marinhabaabinta ah ee tidhaahda: “Qofku markasta oo uu sii weynaado fikradihiisii kacdoon waa uu ka laabtaa, oo waa wax guud”. Inta badan filimku waxa Soyinka u weyneynayaa qaab siyaasadeed iyo kacdoon isaga oo aan haddana keenin wax baaq ama bayaan siyaasadeed ah. Marka dhinac laga eego, filimku waa uu dhutinayaa, mana dheellitirna.
Si kasta oo ay ahaataba, filimkan “Jidkii Ibraahin” waa shaqo indhaha u furaysa dadka, jidkaasina xiddig ka yahay. Waxa uu wiilka yar ee Soyinka iftiiminayaa habdhaqanka bulshada ku dhaqan jidkan, iyo kaalinta jidkan oo barbilow u ahaa dad waaweyn oo Nayjeeriya saamayn ku lahaa siddeetanaadkii qarnigii 20aad iyo bilawgii qarnigii 21aad. Filimku waxa uu adeegsanayaa isla jidkan si uu usoo bandhigo xaaladda bulshada hadda joogta iyo sida adeegsigeenna dabeecaddu isugu beddelay mid aan garaad ku dhisnayn; goobtan mar ahayd hoyga hal-abuurka, aqoonta iyo kulminta dadka, hadda waxa ay isu beddeshay bangi, xarun xogta lagu ilaaliyo iyo goob baabuurta la dhigto. Waa filin kooban, balse raadayn leh, oo soo bandhigaya aragtida Soyinka uu ka qabo sida hadda jidku noqday.
Filimka Jidka Ibraahin waxa uu koobsanayaa waxyaabo badan. Waa soo bandhigidda tagto kakan, qoysas la yahay iyo dabaqado. Waa halkii uu ku ababay foolaadkan suugaantu. Waa soo bandhigidda kala duwanaanta in aragti siyaasadeed la dhiibto iyo in siyaasadda la dhexgalo. Matxafkani waxa uu metelaa dareenka ka tirsanaanta bulsho, wadaagga khibradda iyo xaqiiqada murugada leh ee ah in qaab nololeedkeennu saameeyo deegaankeenna. Waxa ugu habboon ee lagu soo koobi karo madxafkan, sida mid ka mid ah dadkii la waraysanayay yidhi: waa madxafkii xasuusta.
Maqaalkan waxa ka soo turjumay madasha AFrica is a country, Maxamuud Bulxan