Skip to main content

Friday 15 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Muhiimadda Doonista Madaxabannaan u Leedahay Nolosheenna

14 November, 2024
Image
Getty
Getty Images
Share

Wax badan ayaa laga qoray wayddiinta ah in aynnu madaxbannaani u haysanno doonisteenna iyo in kale, waxaana muuqata in ka hadalka arrinkani muhiim u yahay nolosheenna.

Aynnu marka koowaad dhisno mala’awaal ah in aynnaan xor ahayn oo aynnaan lahayn  doonis madaxbannaanna. Waxa arrinkan soo gudagalaya in aynnaan masuul ka ahayn waxa aynnu samaynayno iyo falalkeenna, si la mid ah sida aanay masuuliyad u saarnayn geed ama dhagax cirka ka soo dhacay. Dhagaxa soo dhacayaa waxa uu ku soo dhacay sabab innaga baxsan oo innaga horraysay, amaba ma soo dhicin oo waa wax aan masuuliyad lahayn, waana dhacdo aynnu goobjoog uun ka noqon karno, balse aan lahayn halbeeg dhankeenna ah, ismana weydiin karno miyaa ay habboonayd in uu soo dhaco iyo in kale, sababtoo ah waaba wax doorasho lahayn. Kolkaas, aynnu isla qaadanno in sababuhu yihiin waxa dhacdada ku gadaaman ee saamaynta ku leh. Haddaba, koonka oo idil iyo jiraalkiisa waxa aynnu kusoo koobi karnaa wax dhici kara iyo wax aanay suurogal ahayn in uu dhaco, waxyaabaha dhici karaana way dhici karaan mana dhici karaan.

Aynnu ka fogaanno doodda qof maskaxdiisa kusoo dhici karta, oo aynnu ka digtoonaanno adeegsiga luuqaddeena iyo qaabka aynnu u adeegsanno ereyada halbeegga ah sida “waxa waajib ah” iyo “waxa habboon”. Marar badan ereyadan waxa aynnu u adeegsannaa qaab aan halbeeg ahayn, waxaanay wataan macno ka duwan sida macne tusinaya in aynnaan garaneyn sababaha dhacdadaas. Ka soo qaad in ninka dahabka dhalaaliyaa saacaddaadii kuu sameeyey oo uu nadiifiyey oo dhalaaliyey. Maalmo ka dib se saacaddii ayaa shaqadii joojisay. Markaas oo kale qofku waxa uu ku doodayaa “ma ay habboonayn” ama “waajib may ahayn” in aay saacaddu xumaato, isaga oo qofku eegaya hagaajintii dhawaan loo sameeyey. Hase ahaatee, dooddaasi ma diidayso in saacaddu sabab kale u xumaatay oo aynnaan markaas garanayn. Se waxa aannu qofku dooddaas u keenayn, saacadda eed ma saari karo, mana odhan karo saacadda ayaa khaldan, kumana doodi karo saacadda ayaa doorasho khaldan qaadatay oo eedda leh, sababtoo ah saacaddu waxa ay la mid ah tahay saacadaha kale, masuulna kama noqon karto sida ay u shaqaynayso, waana sababta qofkii saacadda sameeyey eedda loo saari karo, lana tilmaami karo in uu khalad sameeyey.

Marka aynnu qodobkaas caddaynay, waxyaabaha soo socda, ereybixinta “halbeeg leh” waxa aynnu u adeegsanaynaa in aynnu tilmaanno sida ay maangal u aye tahay in wixii hab cayiman loo sameeyey ay suurogal tahay in uu sax noqdo iyo in uu khaldamo, qaacidada jaangoynaysa habka toosan ee waxaas loo samaynayaana maaha mid tilmaan uun ee waa biyo-kama-dhibcaan. Suurogal maaha in dhirta, dhagaxaanta ama saacaduhu “si sax ah wax u sameeyaan” amaba “in ay khalad galaan”, oo si fudud wixii suurogal ah inuu dhaco ayuun baa ay samaynayaan. Sidaas daraaddeed, saacadda, dhagaxa ama geedku haddii ay khilaafaan qaanuunka dabeecadda waxa ay ka dhigantahay: ama innaga ayaan fahmin dhacdada  ama waxa aynnu u baahannahay in aynnu beddelno sawirka aynnu ka haysanno xeerarka dabeecadda.

Taas beddelkeeda, marka qof “7” ka dhigo isugaynta “3 iyo 2”, waxa aynnu leennahay sax ma aha oo waxa aynnu ogsoonnahay in isugayntoodu shan tahay ee aanay toddoba ahayn, waxaana aynnu u aragnaa in aanu qofkaasi raacin xeerarka xisaabta. Si guud, marka uu macallinka xisaabtu ardayda u diro laylis, macallinkaasi ma sugayo uun in shaqadaas la qabto, oo natiijo uun soo baxdo, ee waxa uu rabaa shaqo xeerarka la raacay oo sax ah. Waxa uu sitaa halbeeg uu ku hubinayo in ardaygo jawaab sax ah samayn karo.

Haddaba, marka dooddu taagan tahay miyaynu nahay xor mise ma nihin, waxa maankeenna kusoo dhacayaa ma aha xisaabtaas, ee waxa innagu soo dhacaya qaddiyadda anshaxa iyo waxyaabaha dhammaystira nolosha, sida kala doorashada waxyaalo kala duwan. Marka aynnu ka fikirayno doonista aadamaha ee madaxabannaan, waxa aynnu ka fikiraynaa qiyam, haddii doonis la waayana waxa meesha ka baxaya qiyamka iyo macnaha wayaaluhu leeyihiin, sababtoo ah dunida oo dhan ayaa noqonaysa wax aan macno innoogu fadhiyin oo dhicitaanka dhacdooyinkana aynnaan saamayn ku lahayn. 
Marka koowaad, ogaalku waa u lagama maarmaan macnaha iyo qiimaha waxyaalaha iyo falalku leeyihiin. Haddii qofku aaminsanyahay in aanay jirin cid garaad leh oo ka masuul ah waxyaalaha, se haddana waxyaaluhu macno iyo qiimo u leeyihiin, waa suurogal in aanu qofku ka fikirin dooonisteenna iyo in ay madaxbannaan tahay. Haddii aynnu mala’awaalanno in aynnaan waxba ku lahayn doonisteennana aynaan xor u ahayn, ma jirayo wax wanaagsan iyo wax xun, wax saxan iyo wax khaldan iyo wax qiimo leh, sidaas daraaddeed, haddii aanay aadamuhu doonis madaxbannaan lahayn, ma jirayaan qiyam la ilaalin karaa.

Marka labaad, haddii ay jirto doonis madaxbannaan oo aadamuhu wax ku dooran karo, markaas ayaa wax saxan iyo wax khaldan jirayaa, waxna la qiimayn karaa. Kolkaas, madaxbannaanida doonisteennu waa u lagama maarmaan jiritaanka qiyam iyo halbeeg la saaro, sababtoo ah noolaha doonis madaxbannaan leh uun baa wax kala dooran kara oo qiimayn kara waxa ay waajibka tahay in uu dhaco iyo waxa aanay ahayn in uu dhaco.

Marka aynnu doorashadeenna iyo doonisteenna u madaxbannaanahay ayaa la raaci karaa qaacidada waxa saxan iyo waxa khaldan oo ay jiri karaan qiyam iyo anshax ay tahay in la ilaaliyo. Taas beddelkeeda haddii aanay jirin xorriyad doorasho, waxa aynu u dabranaanaynaa jiritaanka waxyaalo aynnaan waxba ka beddeli karin, samayntoodana sax iyo khalad kama dhalanayo. Qofku waxbuu jeclaan karaa, balse dood laga furi maayo in uu ku saxanyahay inuu waxaas jecelyahay iyo in kale, lagamana doodi karo in uu khalad ku dhacay, ama in aanay habboonayn in uu sidaas yeelo. Marka wax qiime iyo macno loo yeelo, si loo xukumo qiimaha waxaas loo baahanyahay tallaabo maangalnimo iyo xorriyad uu qofku halbeeggiisa wax ku cabbiri karo, oo uu dhinac sax ama khaldan ka istaagi karo.

Haddaba, kuwa moodaya in xorriyaddu tahay mala’awaal ii qai qarin oo aynnu la’aanteed badhaadhe ku noolaan karno, waxa ay rabaan in aan eed iyo canaan ka dhalan falalka qofku samaynayo, hase ahaatee waxa ka dhalanaysa in aynnu falalkeenna ula dhaqanno qaab aan maangal ahayn. Haddii lagu doodo in dadku aanay xor u noqon doonistooda iyo doorashadooda oo aan waxba la qiimayn, waxa meesha ka baxaya bogaadinta ka dhalata wax masuuliyad la iska saaray. Marka qofku wax khaldan doorto sida aanu eed ugu lahayn kol haddii aanu xor u ahayn doorashadiisa iyo doonistiisa, waxa kale oo meesha ka baxaya bogaadinta wanaag ee uu qof sameeyey. Suurogal maaha in aynnu hab maangal ah u dhaliilno xumaanta qof samaynayo iyo in aynnu bogaadinno wanaagga qof samaynayo, oo waa wax doorasho la’aan ku yimid. Keliya arrinku kuma koobnaanayo arrimaha anshaxa, ee xitaa haddii qof nafhur sameeyo, sida qof dedaal faneed sameeyey oo malaayiin dad ah ka farxiyey, amaba qof wax aqoon ah daahfuray shaqo badan ka dib, ma jirayso in aynnu bogaadinno, sababtoo ah waa wax si lama filaan ah ku dhacay oo aan doorashada qofka la xidhiidhin, waa sida cadceedda soo baxday ee iftiin ina siisay. Dhinaca kale, haddii doorashada qofka meesha laga saaro iyo masuuliyadda akhlaaqeed, waxa cudurdaar helaya dambiilaha oo aan lala xisaabtami karin, laguna ciqaabi karin gefafkooda, waxaana loola dhaqmayaa sidii mashiin xumaaday oo aan eed ku lahayn xumaantiisa ee keliya u baahan hagaajin.

In xorriyadda doorashadu ka maqnaato nolosheena, ama si ka habboon aynnu aaminno in aynaan doorashada falalkeenna aynaan u madaxbannaanayn, oo aynaan waxyaalaha kala duwan ee nolosheenna kala dooran karin, waxa ka dhalanaya qaab nololeed gebi ahaan ka duwan keennan hadda, waxaana meesha ka baxaya qiyamka iyo macnaha waxyaalaha jiraa leeyihiin. Falalkeennu kama duwanaanayaan dhagaxaas kor ka soo dhacay ee marka uu wax ku dhacay istaagay, si aynaan u noqon dhagaxaan aan u madaxbannaanayn dhicitaanka iyo jiidhitaanka walaxna waa sababta u weyn ee aynnu u rabno in aynnu ilaashanno xorriyadda doorashadeenna.

 

Maqaalkan waxaa soo turjumay Maxamuud Bulxan.