Thursday 21 November 2024
Saacado ka dib, kolkii la wada xidhay goobaha cod bixinta Komiishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) oo uu hoggaaminayo Muuse Xasan Yuusuf waxa uu ku dhawaaqay in ay doorashadu u dhacday si nabad ah isla markaas na ay bilawdeen tirintii codadka la dhiibtay.
Doorashadan si la mid ah doorashooyinkii hore ee Soomaalilaan qabsatay waxa goob joog u ahaa oo booqday goobaha cod bixinta laga dhiibanayey kormeerayaal caalami ah kuwaas oo iyana dhankooda warbixinno ka soo saaray. Walow ay jiraan caqabbado farsamo oo laga gudbi karo doorashooyinka danbe, haddana kormeerayaashu waxa ay isku raaceen in ay doorashadu u dhacday si la majiirto oo dimuqraadi ah. Haddaba, lix maalmood ka dib, komiishanka doorashooyinku waxa uu ku dhawaaqay natiijadii hordhaca ahayd ee Madaxtooyada iyo ururrada. Guud ahaan tirada codadka dhiibatay aad bay u hoosaysay waana boqolkiiba 52% marka loo eego tirada codbixiyayaasha oo ah kala badh codadkii is diwaan geliyey. Kala badh tirada aan codeyn ayaa sababteeda loo tiirin karaa niyad jab la xidhiidha dabaqadda siyaasadeed ee hadda oo ah mid duugowday, nidaamka doorashooyinka oo weli ah mid ay ku jirto qabyo dhanka cod dhiibashada, colaadihii beriga ka dhacay gaar ahaan gobolka Sool iyo Sanaag oo aan laga codeyn sida magaalada Laascaanood.
Hoos u dhacan oo magaalooyinka waaweyn ka dhacay, waa mid mudan deraasayn gaara, iyadoo tirada codbixiyayaasha magaalooyinka waaweyn ka qaadatay kaadhadhka cod bixinta ee codaysay aad hoos ugu dhacday, in kastoon wali komiishanku wali soo dayn warbixintii faahfaahsan, haddana waxa tusaale arrintan iftiiminaya ah, gobolka Maroodijeex oo ay iska diiwaan galiyeen 497,734 codbixiye waxaa ka codeeyay oo keli ah 310,021 codbixiye, gobolkan oo ka kooban afar degmo, tirada codaysay ma dhama xataa tirada iska diiwaangelisay degmada Hargeysa oo gobolkan ka tirsan oo ahayd 370, 432.
Doorashada madaxtooyada oo ay ku tartamayeen Waddani, Kulmiye iyo UCID waxa ku guulaystay Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu ka sharraxnaa Cabdiraxmaan Cirro isaga oo helay codad aad u badan oo kor u dhaafay kala badh codadkii la dhiibtay 64.9%, halka uu kaalinta labaad galay Xisbiga Kulmiye oo uu u sharraxnaa Madaxweynaha talada jooga Muuse Biixi Cabdi oo helay 35.34%, waxa isna kaalinta saddexaad fadhiistay Xisbiga UCID oo helay wax ka yar boqolkiiba hal 0.74%. Saddexdan Xisbi iyo isla saddexdan murashax waxa ay hore ugu tartameen doorashadii madaxtooyada ee qabsoontay 2017 taas oo uu ku guulaystay Muuse Biixi Cabdi oo helay 52%, toddobo sanno ka dib oo ay mar kale saaxadda loolanka isugu yimaaddeen waxa si weyn oo aqlabiyad ah ugu guulaystay Cabdiraxmaan Cirro iyo ku xigeenkiisa Amb Maxamed Cali Cabdi. Doorashadan oo uu si yaab leh ugu guul darraystay xisbul xaakimku waxa lagu sifeyn karaa doorasho ay shacabka Soomaalilaan ee gobollada oo idil ku ciqaabeen Xisbiga iyo murashaxiisa oo ay saluugsanaayeen toddobadii sanno ee u talinayey.
Doorashada ururrada oo ay ku loolamayeen toban urur waxa kaalinta koowaad galay xisbiga Waddani, halka uu kaalinta labaad galay Kaah oo ah urur ku cusub saaxadda kaas oo booska ka riixday UCID oo markan ku guul darraystay in uu sii xejisto kaalintiisa xisbinimo, waxa isna booska saddexaad ku dhacay Kulmiye oo helay codadka ugu hooseeya xisbi ahaan. Toddobada urur ee kale waxa ay noqdeen qaar aan u soo gudbin heer xisbi. Sida uu Komiishanku xusay ma jiro hal urur oo gobol walba ka helay 20% codadka dadweynaha taas oo kala sarreynta ururada ka dhigtay haldheeri.
Kulmiye oo ah xisbi muxaafida kuna guul darraystay doorashada madaxtooyada, ta ururradana galay kaalinta saddexaad oo ah isla kaalintii uu UCID geli jiray doorasho walba, waxa uu u muuqdaa xisbi awood darreeyey oo ay saameyn iyo raad kaga tagtay muxaafadnimadii uu hoggaanka u hayey afar iyo tobankii sano ee u danbeeyey iyo hoggaamintii Madaxweyne Muuse Biixi oo ugu danbeyn sababtay in uu helo kala badh codadka mucaaradku tirsaday. Sababaha uu awooddiisa u waayey xisbigu waa ay badnaan karaan, waxa aynnu se ku soo ururin karnaa dhawr qodob oo dad badani rumaysanyihiin in ay sabab u yihiin guul darradaas sida in uu yahay xisbi weyn oo muddo dheer soo dhisnaa oo uu ku dhacay rifan, in qoorweynta bulshada ee salaadiinta, aqoonyahanka iyo ganacsatadu ka biyo diideen hoggaaminta Biixi, xisbi ahaan in uu lumiyey codadka deegannaddii uu hore ugu tiirsanaa, in uu is moogaysiiyey isku haynta bulshada iyo baajinta dagaalkii sool ee sababay in ay Soomaalilaan laga saaro Laascaanood, iyo dhaqaalaha, xorriyadda oo cidhiidhi galay sida uu in uu xadhig ula badheedhay xildhibaanno xasanaad leh, tan oo natiijadeeda si fiican looga arki karo Gobolka Awdal oo codad doora oo Kulmiye ku tashanayey ay u wareegeen mucaaradka taasina ay keentay in laga sarreeyo codad aan hore u dhicin. Intaas oo dhan marka laga yimaaddo waxa dabiici ah marka ay tagto cod dhiibasho in ay dadwaynuhu u nugulyihiin ama doorbidaan is beddelka iyaga oo ka baxsanaya culaysyo dhaqaale ama xasilooni darro siyaasadeed. Sababahan iyo qaar kale ba waxa ay keeneen Kulmiye in uu waayo Madaxtooyada, xisbi ahaanna uu sigto.
Sida la filayo madaxweynaha la doortay Cabdiraxmaan Cirro waxa laga dhawrayaa dib ururinta iyo midaynta bulshada Soomaalilaan, waana qodob uu ku ololeeyay, se waxa u mudan waxyaabaha laga filayo xal u helista masalada gobolka Sool Bari, iyo sidoo kale xoojinta qaybo ka mid ah nabadda gobolka Sanaag oo ay saameyn ku yeelatay colaaddii Laascaanood. Kor u qaadista shilinka, iyo wax ka qabashada caqabadaha maalgashiga iyo xakameynta musuqa. Waxa hor yaalla oo la dhawrayaa siyaasadda uu ku maamuli doono xidhiidhka arrimaha dibadda sida isafgaradka Soomaalilaan iyo Itoobbiya, wada hadalka Soomaalilaan iyo Soomaaliya iyo in loo baahanyay in dib loo furo iyo in kale iyo xoojinta xidhiidhka dunida ee lagu raadinayo aqoonsiga.
Waxa kale oo horyaalla dib u eegista dastuurka, iyo xal u helidda saluugga siyaasadeed ee qaybo ka mid ah bulshada. Ugu danbeyn, waxa la eegayaa siyaasadda uu ku wajaho dib u habeynta iyo dhismaha haayadaha dawladda oo ah isbeddelka dhabta ah ee ay Soomaalilaan u baahantahay.
Qodobadaas waxa la ga akhrisan doonaa xukuumadda uu soo dhiso Cabdiraxmaan Cirro, iyo sida uu uga xakameeyo dabaqadda siyaasiga ah ee fadhiidka ah kana ag dhaw ee xukuumadihii hore la soo shaqeeyay shacbkuna ku barteen. Waana imtixaanka kowaad ee horyaalla madaxweynaha la doortay ee ay dhaartu uun u hadhsantay.
Doorashadan oo ah doorashadii labaad ee isku- sidkanayd ee dhacda muddo saddexsano guudahood ah isla mar ahaantaana ahaantaana ay doorkeeda ka qaadatay xukuumadda, Madaxweyne Muuse Biixi, waxa ay kor u qaadday siina adkaysay dimuqraadiyadda iyo qaangaadhnimada haayadaha dawladeed ee Soomaalilaan. Haddaba, si loo sii wado guulaha caynkan ah, Madaxweynaha la doortay iyo xukuumadda uu soo dhisi doono waxa saaran masuuliyad weyn oo ah in ay Soomaalilaan ku hoggaamiyaan; horumar, dimuqraadiyad, sinnaan iyo waxqabad dhab ah oo ay saxaan meelaha uu gurracu kaga jiro dawladnimada Soomaalilaan