Thursday 21 November 2024
Goor galab ah, saddex dhallinyaro ah ayaa waxay fadhiyeen makhaayadda Khalfaan ee magaalada Mombasa. Yabaqooda iyo farataagtaaggooda waxaa la moodayay sidii askar amardiid ah oo gadood qorshaynaya. Saddexdu waxay kala ahaayeen Khaalid Baawaziir, ina’adeertii Ayaan iyo alkunkeedii aan la mahadin, James Karangi oo Maxamadna loo yiqiin.
“Mar hore ayaan kuu sheegay”, Khaalid ayaa ku dooday, “qiilkaaga xagga diinta rejadaadu ma badna. Xataa haddii aad Imaamka tahay oo aad bisha Soonqaad oo dhan taraawiixda tujiso, Soomaali kabaha masjidka ka xada ayaa kaaga dhaw in uu gabadhan guursado.”
“War waxaasi waa qabyaalad! Waa wax aan Islaamka ku bannaanayn. In aad u sheegto ayay ahayd,” ayuu James ku dooday.
“Wax kasta oo aan ku oran karay ku iri, sidii Ayaan iga codsatay, aniga oo waliba og in aan la iga yeelayn,” ayuu Khaalid ku yiri. “Laakiin waa in aad fahantaa waxa aynnu ka hadlaynnaa waa wax qabyaalad ka weyn. Waxaynu ka hadlayaan kala duwanaansho muuqaal jireed, timo noocyadood, iyo wax baas oo aan la garanyn.”
Ayaan ayaa eegtay oo madaxa u gundhisay, iyada oo ku leh, “Sidii ugu wanaagsanadayd ee aad ii yeeli kartay ayaad yeeshay, wanaagsane ina’adeerkayow.”
“Intii aan kari karay oo dhan ma aha,” Khaalid ayaa u saxay. “Wali wax baa iigu laaban. Sidii intii aanay arrintani iman aan kuu ballanqaadayna, farxaddaada ayaan mar kasta u duubanahay, ina’adeertay gacaliso.”
Aayar ayuu Ayaan garabka tuujiyay oo hadalkiisii sii watay: “Xaq buuxa ayaad u leedahay in aad ninka aad doorato. Ha ahaado Kikuyu, Luo, ama Meru e, waligay waa kugu taageerayaa.
Markii uu ‘Meru’ marayay ayuu dhoollacaddeeyay oo inta jeebka gacanta geshay ka soo saaray bac yar oo Qaad uga buuxo. “Waa nuskiilo aan maanta ku qayilayo. “Meruga la’aantood”, madaxa ayuu ruxay, “maanta miyaan waxan haysan lahaa?”
James oo ahaa nin dhawaan diinta rumeeyay ayaa inta ka yara jeestay qosol debecsan ku dhuftay. Ayaan xijaabkeeda ayay ilkaha ku qabsatay, si ay qosol isugu celiso.
“Haye, aniga ayaa maanta idiin yeeray,” ayuu Khaalid yiri, “maxaa yeelay, waxaan qabaa in aan xaaaladdan murugsan xal kamadambays ah u hayo.” Hoos ayuu u hadlayay, sidii oday waayeel nuglaaday ah oo wiilashiisa la dardaarmaya.
“Waan ka daalay,” hadalkiisii ayuu sii watay. “Ma sii dhawran karo in dhallinyaradayada lagu cadaadiyo dhaqammo aan caqligal ahayn. Dadka oo dhammi waa isku mid. Haddiiba uurkujirtoodu isku mid tahay, macne ma laha in qolo mid kale in ay ka sarreyso sheegato.
“Waa wax aad loo la yaabo! Waa iga dhab, dadyawgee ama qabiilooyinkee ka caaggan Qaaxo, burunkiito, daacuun, ama biyo iyo hurdo? Waxaan isku deyay in dadkayga, reer adeerkay iyo reer abtigayba,inaan ka dhaadhiciyo in dadka oo dhammi simanyihiin kala duwanaanshahannaga badankiisuna uu dad-samee yahay. Xataa hooyaday waxaan ka codsaday in ay ninkeeda Yemeinga ah iska furto oo wixii ay isla soo mareen oo dhan la noqoto, haddii ay Soomaaliyad daacad ah tahay. Nasiib darro, guurkoodii anigaa ka dhashay, waxayna ii bisixiyeen ‘Khaalid, waare.”
Xoogaa ayuu aammusay, Ayaan eegay, oo hadalkiisii sii watay, isaga oo caro ka muuqato: “Haddii aanu James ku guursan karin, aabbahayna in uu hooyaday guursado ma ahayn.” Codkiisii markan wuxuu ku dhawaaday qaylo aad mooddo in ay dhuuntu la ololayso, kursigii uu fadhiyayna isaga oo gariiraya oo bushimaha qaniinaya ayuu ka sara joogsaday.
“Ku ma sii jiri karo waxan! Ma waadan u jeedin jaahilnimadan dadnimadeennii majaxaabinaysa?” ayuu yiri, isaga oo hadda hore ugu soo gandoodsaday miiskii ay dhegaystayaasha dhegabarjoobay la fadhiyeen.
“Miyaanay idiin muuqan?” ayuu cod dheer ugu cehsay.
“Khaalid!” Ayaan ayaa damacday inay dejiso.
“War waa isoo kareen waxani!” ayuu ku qayliyay haddana, dabadeedna degdeg isugu noqday, sidii uu is ceebsaday.
“Khaalid!”
Jeebabka ayuu gacmaha gashaday oo xagga daaqadda makhaayadda u dhaqaaqay. Dabadeed musqusha ayuu galay, oo inta fooldhaqday biyihii iska engejiyay oo miiskii la fahdiyay ku soo laabtay, isaga oo u muuqda in uu carajabay.
“Si ay noqotaba,” ayuu si murugo leh u yiri, “waxa laguu xumaynayaa in aadan Soomaali ahayn. Waxa aanay eeddaday iyo Sharma’arke ogeyni waa aynnu taa beddeli karno.”
Sharma’arke waa Ayaan walaalkeed ka wayn. Waa nin dhallinayro ah oo dabci kulul, kuna dhaartay in uu Jameska la sheegayo dilayo haddii uu walaashi ku arko.
“Sidee ku dhici kartaa?” ayuu James wayddiiyay.
“Waa ku Soomaaliyayn karaa, waqti uun ayaa igu duud dheer. Waxa aan doonayaa oo kali ah in aad iga la shaqayso.
“Diinta Islaamka ayaan qaatay. Maxay kale oo iga rabtaa?”
” Wali ku ma dhicin arrintu, sow ma aha? I dhegayso. Ma jesceshahay ina’adeertay?”
Ayaan oo indhaheeda ku rayni ka muuqato ayaa James si filasho wacan leh u eegtay, sidii su’aashani tahay tii ay galabta oo dhan dhawraysay. James, isagu inta indhaha Khaalid ka jeediyay ayuu miiska hoos u eegay, isaga oo gacmuhu gariirayaan.
“Jacaylka aan u qabo miyaad ka shakisantahay?” ayuu wayddiiyay.
Khaalid inta baabbacada duubtay ayuu tatoonyo xooggan miiskii la dhacay, isaga oo ku sigtay in uu koobkii biyuhu ugu jireen meesha kaga tuuro. “Haa ama maya mid iigu jawaab baan ku iri, inta aanan arrinta oo dhan soo afjarin oo aanan la safan eeddaday iyo Sharma’arke!”
James waxa uu bilaabay in uu dhidido oo wajigu dubaaxiyo. Khaalid waxa uu ahaa garab u mhiim ah guurka gabadadha uu jecelyahay. In uu xataa ka fikiro in Khaalid uu garabkiisa ka baxo ayaa maskaxdiisa ka waynaatay. Hore ayuu u soo fariistay oo is yiri hadal, laakiin erayna waa kari waayay!
“Haye! Ii jawaab hadde!” ayuu khaalid ku adkaystay. Markii James jawaabi waayay, Khaalid inta gacmaha isku laabtay oo ka jeestay ayuu daaqadda makhaayadda xaggeeda cabbaar eegmo uu ku dheeraaday ku fikiray.
“Haddiiba ay kugu soo dhacdo in aad qalbiga ina’adeertay u soo dhuumato adiga oo aan dhab ahaan u jeclayn, naftaada uun ayaad khayaanmaysaa, illeen anigaaba difaaceeda u taagan e. Danta kali ah ee anigu arrintan aan ka leeyahay waa sugidda farxaddeeda oo ay istaahisho. Waxba iga ma gelin xataa haddii ay libaax duurka jooga jeclaato. Haddii ay noqoto in aan libaaxaa inta debin u dhigo soo qabto oo miciyaha iyo ciddiyaha oo dhan ka guro waxba igu ma aha oo waan u yeelayaa darteed. Haddii aad qalbigeeda dhaawacdo waa inoo dagaal!
“Haddii aadan dhab u jeclayn, haddaba ii sheeg aynnu arrinkan iska xirnee. Haddiise ay halkaa ku la dhaafto, madaxmadax baad ugu jirtaa. Anigaana kuu Soomaaliyaynaya adiga, iyada darteed, markaana hooyadeed wax ay kugu qabsato heli mayso. Haddii ay isku daydo in ay carqaladayso guurka nin Soomaaliyeed oo gabadheeda doonay, waa in ay dooddeeda ka dhaadhicisaa odayaasha cidda. Warka si daacad ah iigu caddee, aniguna garab baan ku siin.”
“Waa aad i Soomaaliyaynaysaa?” James ayaa la soo booday.
“Iska daa adigu taa e gabadha ma jeceshahay?”
“Haa dee! Waan jecelahay,” ayuu James cod dheer degdeg ugu jawaabay.
“Hadda ayaynnu is la haysannaa,” ayuu si deggen u yiri Khaalid. “Waa lagu Soomaaliyayn, haddii Alle kuu idmahayo. Hadda ayaan u yeerayaa XasanZuu. Maaddaama waalidkii Zanzibar ku maqanyihiin, keligi ayaa gurigoodii joogay beryahan. Soomaaliyayntaada xooggeedu halkaa ayuu ka dhici doonaa.”
Xilliigii Soomaaliyayntii James Karangi ayaa la gaaray, taa oo sida Khaalid qabo ku bilaabanaysa tijaabo daacadnimo. James waa in uu xooggiisa wayn u adeegsadaa caawinta qof dadkiisa ka mid ah oo hawl maaggan. Haddii uu doorka uu hawsha ku qaadanayo su’aal ka keeno, waxaa muuqanaysa in aanu daacad u ahayn. Sidaa awgeed ayuu ku dhiirraday in uu Soomaali caawiyo oo uu xoogaa lacag ah Khaalid mid qaadwale ah ka raacday ka soo dhufto. Khaalid waxa uu sheegtay in uu ninka lacag dheeraad ah siiyay mar uu gelinkii hore qaad ka iibsaday. Labadii dhallinyaro markii qorraxdu sii dhacaysay ayay qaadwalihii ku dhaqaaqeen. Khaalid ayaa horta qaadwalihii la hadlay.
“Lacatyadii ayaan soo doontay,” ayuu yiri.
“Lacagtee?” qaadwalihii ayaa wayddiiyay; nin da’ dhexaad ah, calool kuusan, oo koofiyad cas qaba.
“Saaka ayaa lacag dheeraad ahi iga kaa raacday. 150 shiling ayaan kugu leeyahay. Waqtiga ha naga lumin e hadda keen lacagtii!”
“War ma waalantahay?”
“Haye, Jamesow!” ayuu Khaalid ku baaqay. “Murqahagaaga Kikuuyada ka shaqaysii haddaba, illeen kugu sii oolli maayaan e.”
James maqalkii isaga iyo qaadwalaha u dhexeeyay ayuu ka dul booday. Ninkii ayuu gacanka midig ku soo dhegay oo dible u maroojiyay. Khaalidna madaxa ku dhegay oo caleemihii qaadka ee marfashka warnaa wajiga u cidciday. Maalintaa cimmiladaa kululayd ninku waa uu dhididsanaa oo caleemihii qaadka ayaa wajiga kaga dhegdhegay, sidii sawirro lagu nabnabay. Aad u ma uu fargan ee kali ah waxa uu ku celceliyay “war ma waalateen?” Waligiba ku ma ay soo dhicin in mid macaamiishiisa ugu dhaw ka mid ahi uu isaga ku soo jeedsan doono!
Khaalid ayaa maqalkii lacagta furay oo inta gacanta u ritay 200 shiling ka soo dhufsaday. Lacag kale oo sarrif ah ayuu ka baaray ka mase aanu helin. Xoogaa qaddaaddiic ah uun ayaa u muuqday. Dabadeed, ninkii jeebkiisa dambe ayuu gacanta u ritay oo ka la so baxay duub lacag labaatan labaatano ah. Labadii boqol ayuu ku ceshay oo labaatannadii tirsaday, ilaa uu 140 shiling gaarsiiyay, dabadeedna intii kale ayuu ninkii jeebka ugu ceshay. Maqalkii ayuu haddana furay oo kaga darsaday 10 shiling oo dhagax ah. Markii ay lacagtii 150 shiling u gaadhay ayuu James tusay oo ku amray in uu ninka iska sii daayo.
“Ninka Soomaaliyeed waa in uu qaataa lehidiisa oo kali ah. Ma fahantay?”
Qaadwalihii waa ay ka tageen oo xaggii guriga HasanZuu u dhaqaaqeen. XasanZuu oo sii sugayay ayay u tageen. Khaalid James ayuu meel fariisiyay oo XasanZuu dhinac u la baxay, wax uu ugu yeeray ‘tashi gaaban oo heer sare ah.’
“Waaba hawshii aan sugayay walaal,” ayuu XasanZuu ku la faqay. “Hadda ayaynnu haysannaa fursad aynnu ku caawinno ruux doonaya in uu guursado ruux uu jecelahay. Hawl ka wanaagsani ma jirto. Taageero buuxda ayaan kaa doonayaa. Laba toddobaad ka badan mayso.”
“Wax kasta oo aad tiraahdo diyaar walaalkay,” ayuu ugu laabqaboojiyay XasanZuu. Saaxiibbada Khaalid oo dhan, isaga ayaa ahaa kan ugu daacadsan oo ugu waxqabad badan. “Xariggii iyo wax kasta waan kuu diyaarshay. Albaabkana waan xiray. Wax kastaa waa kuu sidii aad u doonaysay.”
Khaalid, XasanZuu ayuu hab u laabqaaday oo xagga dambe ee guriga oo James ku dhawrayay ku laabtay. XasanZuu ayaa isaguna in yar ka dib ka daba dhaqaaqay, isaga oo sariir yar oo dhuuban sida. James meel gees ah ayuu kadaloobaa. Khaalid oo isaga oo aan bushimaha kala qaadin u muusoonaya ayuu u tegay oo garabka ka taabtay.
“Ma igu kalsontahay?”
******
James habeenkaa wuxuu kaligi u hoyday qolkii dambe ee guriga XasanZuu. Amarku wuxuu ahaa in uu intii la karo muddo toddobaad ah la kulnaka dadka ka fogaado oo aanu qolkiisa dhaafin, in uu suuliga gelayo ma aha e, isla markaana waardiye culus laga haynayo. Subixii dambe ayuu XasanZuu u keenay quraac shaah bigays ah uun ah. Qado la ma dhadhansiin maalintaa. Markii uu galabnimadii XasanZuu wayddiiyay, wuxuu si fudud ugu jawaabay: “waa xeerka.”
Xataa si qumman u ma aanu soo eegin markii uu u jawaabayay! Soomaali ma uu aha, sidaa awgeedna waa in uu intii karaan ah James ka fogaadaa, sida Khaalid ku amray.
Cawadaa, Khaalid ayaa James qolkiisii ugu yimid, isaga oo bac si adag u duuban sita. James waa uu u jeeday markii bacda la furayay oo ay caleemo qaad oo cagaar iyo casaanxigeen isugu jiraa ka soo ka soo kudeen.
“Waligaa laamahan barakaysan ma isku dayday?” Khaalid ayaa warsaday. James madax ayuu diidmo ruxay. Khaalid ayaa markaa XasanZuu u qayliyay in uu keeno casho feddareeshan ah, waa bariis iyo baasto isku jira e. James cashadii ayuu caloosha u sii daayay. Khaalid ayaa xoogaa la taataabtay, isaga oo ku leh: “Waan ku caawinayaa uun.”
Dabadeed derin cad ayaa hortooda la goglay, Khaalidna wixii bacda ku jiray ayuu soo qaaday. Taab laamihii oo majimo isku xirxiran ah ayuu James u dhiibay. Qayilaad ayay bilaabeen. James isaga oo ka yara baqbaqaya ayuu raamsaday, isaga oo la dhacay hal’abuurka Khaalid ku soo degay daqiiqadihii hore ee qayilaadda. Hadal aan kalago’ lahayn ayuu dabada u qabtay, isaga oo tamarta ku jirta iyo kartida falanqayneed ee ka dhacaysa mid la mid ah aanu James hore u arrag. Taqsiinta canka bidix ee Khaalid ayaa si isa soo taraysa u buuratay, ilaa ay sidii maas miyir loo subkay u dhalaashay. Marakan, James wax baa ka haysta qayilaadda. Gawsahaa dhuuriyay, camanka babacyadooda hoosana waa ay xoqmeen, laakiin waa uu iska sii qayilay; illeen waa isagii Soomaaliyaynta aqbalaye.
Casharkii dhabta ahaa ee u horreeyay waxa loo bilaabay markii muddo saacad ah la qayilayay. Khaalid waxa uu dibadda ka dirsaday qarsho Coca-Cola ah. Dalool yar ayuu furka ka dalooliyay. Dhilliye furka lagu furo loo maba baahna. Waxa kali ah ee loo baahanyahay waa in daloolkaa yar laga nuugo oo wixii ka dhiiqa la liqaa ayuu yiri. Sidaa ayuu inta la qayilayo oo dhan sharaabku laba qof ugu fillaanayaa, mirifta qaadka ee inta daamanka ka fakada dhuunta ku xayirmana hore loo sii dejinayaa.
“Sida Soomaaliga,” Khaalid ayaa hadalkii sii watay, “Waa in aad mar kasta waxa aad dalbatay (cunnada iwm) saxiibbkaana u dalabtaa. Haddii saaxiibkaa ay ka jajabantahay, adiga oo aan ka labalabayn ka bixi lacagta. Dib ha u wayddiin lacagtaa aad ka bixisay hana xusuusin waligaa. Lacagtaada adigaa leh, laakiin ehelkaa wax ku leh iyo walaalahaaga Soomaaliyeed. Haddii aad doonayso in samafalkaagu beesha sii dhaafto, waa ay kuu bannaantahay iyaduna, laakiin waligaa ha yeelin in qof aan Soomaali ahayni makhaayadda lacagteeda kaa dhiibo. Adigu ka bixi, waligaa. Dad gob ah ayaannu nahay, sidaa awgeedna deeqsiyo ah.”
“Ar may ku habboontahay in aad marka hore afka barto,” ayuu soo jeedshay XasanZuu oo meel gees ah qumbe mardaaf ku cabbayay.
“Ku mahadsanid xusuusinta, walaalle XasanZuu,” ayuu Khaalid ugu jwabaay. “Casharrada af Soomaaligana haddaba aynnu bilawno. Sannadka oo dhan waqtigu nagu simi maayo.”
James waxaa farxad geshay barashada af Soomaaliga. In badan ayuu maqlayay af Soomaaliga oo lagu hadlayo laakiin erayna ka ma aanu qaban. Dhab ahaan, maqalka erayada af Soomaaligu waxa uu u la ekaa uun sidii quraarad la jajabshay oo inta biyo lagu qasaasilay jiingad bir ah dusheed laga soo qubay. Waligii is ma aanu oran qof aadane ah ayaa erayo nocaa ah fahmi kara.
“Erayada ugu ad’adag ayaynnu ku bilaabaynnaa, kuwa fudfududna waynnu ka dambeysiin.” Khaalid ayaa soo jeediyay.
“Haye, aynnu isku dayno bal,” ayuu James yiri.
“Dhicis’ dheh!” ‘Premature’ ayaa laga wadaa.
James ayaa isku deyay: ’Dees.’
“Dhicis!” Khaalid ayaa ugu celiyay.
Mar kale ayuu James isku deyay;” Dees.”
” Hagaag, ma xuma,” ayuu ugu laabqaboojiyay Khaalid.” Sow ma argtid sidaa aan kuugu dedaalayo?”
“Si wacan,” ayuu James ku jawaabay.
“Haddaba, si fiican ii la shaqee. Galaas liin dhanaan ah oo aad dhuunta ku sifaysato ayaan ku siinayaaye mar kale erayga dhehiddiisa isku day.”
XasanZuu ayaa liin dhannaantii oo galaas macdan ah ku jirta inta u dhiibay dibedda uga baxay.
“Mar wada qurquri,” ayuu Khaalid yiri. “Fariid! Haye, isku day mar kale: “Dhicis.”
Khaalid ayaa ka dhegaystay James oo eraygii ku dhawaaqaya, oo ka codsaday in uu laba goor ku celcesho iyo mar saddexaadba, dabadeedna inta ka istaagay ayuu XasanZuu dibadda uga yeeray. XasanZuu oo laba xarig oo duuban midigta ku sita ayaa soo galay. Waxaa weheliyay nin kale kale oo dhallinyaro, gaaban, murqa kuuskuusan oo Othis in la yiraahdo James ugu sheegay. Xargihii midkood oo baac dherer le’eg ayuu Khaalid u dhiibay oo aayar Othis ag istaagay. Khaalid wuxuu amar ku bixiyay in garaabada qaadka oo dhan meesha laga xaaqo.
“Walaalle James,” ayuu yiri, isaga oo xariggii furfuraya marna toostoosinaya. “Hawlgal gibin ah oo mucjisooyin leh ayaynnu hadda fulinaynnaa. Liin dhanaantii dhuuntaada u jilcin wayday in ay af Soomaaliga si qumman ugu dhawaaqdo. Waxaan hubaa in xariggan yari shaqayn doono.”
James Khaalid ayuu eegay, oo haddana labadii nine e kale eegay. Waa uu istaagay, si uu isu difaaco.
“Waxba ha is dhibin,” ayuu yiri XasanZuu. “Waa uun hawlgal yar ah. Si fudud iyo si adag labada waa loo fulin karaa. Adiga ayay kugu xirantahay labada kan aad ku toosayso.”
” Jaallayaal, hawlgala!” ayuu Khaalid amar ku baxshay.
Labada gacmood ayay ku dhegeen. James, labadaba waa uu ka xoog badnaaye waxa uu la daandaansanaa cunno xumo iyo laamihii baas ee uu ruugay. Isla markiiba shafka ayaa dhulka loogu dhuftay oo labadible loo xiray. Khaalid ayaa xariggii siriq yar u yeelay oo inta qool qumman ka saaray James qoorta u geshay. Hadba xoogaa ayuu ku dhuujiyay oo dhuunta James cod ciririq leh ka dhegaystay.
“Fadlan khalad ha u fahmin yaah,” ayuu James uga cudurdaartay. “Waxaa oo dhan dartaa ayaa loo yeelayaa. Dhuuntaadu waa ay in ay debecdaa, haddii kale erayna ka baran maysid afkan, iska daa in aad ina’adeertay guursato e. Waa hubaa in tani shaqaynayso. Waxa aad noqon doontaa Kikuuyihii u horreeyay ee isaga oo aan carrabkiisa laga garan erayo af Soomaali ah ku dhawaaqa.”
“War sidani waa dibindaabyayn dee,” James ayaa ku cataabay.
“Mar kale dheh,” ayuu yiri Khaalid. James mar kale ayuu laxaw la aadaaray. Khaalid waxay la noqotay in uu codka James xabeeb ka maqlay. XasanZuu iyo Othis ayuu eegay oo inta madaxa u gundhiyay James ku yiri,” Ilaa hadda eraygii af Soomaali qumman ugu dhawaa ayaad ku dhawaaqday. Waa anigii kuu sheegay, mucjiso ayaa ka dhici doonta.”
“Ka debci xarigga marka, walaalle Khaalid,” ayuu Othis soo jeedshay. “Ha ku fogaan, waa intaa oo ay talo faro ka baxdaa e.”
“Hagaag, ilaa hadda,” ayuu Khaalid ku baaqay, “boqolkiiba siddeetan ayaan ceego la dhigay. Haddii aan xarigga ka debciyo in aanay wax tarin ayaa laga yaabaa, in aan waqtiga u dheereeyo ma aha e. Waa in aynnu waqatiga wax ugu darnaa, ilaa laba beri oo uu tabtaa u ceegsanaado, si aynnu natiijo tan la mid ah u helno.
James markan aadaarkii waxa u beddeay taxane codad hafasho ah, ilaa Othis oo malaha musiibada soo socota dareemay qoolkii ka debciyay.
“Halkaa ku sin! Ha ka sii debcin, haddii kale shaqayn mayso.” Khaalid oo in calooljileeciisu hawlagalka fashilyo ka yaabay ayaa ka qabtay.
13 beri ayuu James halkii ku jiray oo qoorta ka xirnaa, marar uu cuntaynayo ama qayilayo ma aha e. Maalintii in uu hal mar wax cuno ayaa loo oggolaa. Khaalid ayaa habeendhaaf ugu iman jiray, isaga oo u sida marduuf qaad ah oo laga doonayo in uu ugu yaraan saddex saacadood ruugo, isla markaana casharro dhaqanka iyo af Soomaaliga ku saabsan dhegeysto. Marka qayilaaddu dhammaato, Khaalid ayaa sidii dhuunta uga sirqiya oo ka hoyda. James markii hore qoolkan habeen iyo maalin joogtada ah waa uu ka gilgishay, markii dambese daandaan tabardhigay ayuu iska noqday. Marar badan ayuu marka waqtigii qoolka la gaaro xariggiisa dhuunta isagu iskii iskaga sirqin jiray, taa oo uu ku muujinayay in uu hawlgalka kiisa ‘fudud’ door bidayo.
La yaabka dhacay, hawlgalkii waa uu u shaqeeyay! Erayo badan oo dhib badan ayuu si qumman ugu dhawaaqay, taa oo ku timid shaqo badan oo dhuuntiisa laga qabtay. Hase yeeshee, marka uu jumlado dhan ka daba yiraahdo Khaalid, wuxuu dareemayay in jawiga dareenkiisu si aan caadi ahayn isu beddelayo. Mar kasta oo uu jumlad af Soomaali si sax ah ugu dhawaaqaba waxa u dareemayay in camalkiisu sii kululaanayo oo uu ka xanaaqayo ku celcelinta casharrada. Waxay ka gaartay in isaga oo sugi la’ uu dalbado in daqiiqad kasta erayo iyo jumaldo cusub la baro, marba marka ka sii dambaysana caro iyo dulqaad xumadu ka sii badato.
XasanZuu ayaa subax quraac Othis ugu soo dhiibay, markaa ayuu diiday. “Oontiisa cuni maayo axad farahiisa mallay ka urayo. Xataa in aad gudantahay ma hubo.”
Muddo dheer ayay ku qaadatay in uu erayada is la helo laakiin si qumman ugu dhawaaqayay iyo cod ku habboon. Waa uu jilbajoogsaday oo farta murrugsada ah si caro leh Othis ugu ruxay. Laakiin wadnaha ayaa aad u garaacayay, illeen qaabkan adag ee erayada af Soomaaliga loogu hadlo u ma uu baran e, dabadeedna inta gacanta midig wadnaha ku qabtay ayuu isaga oo neefta oo cirriri ku noqotay xoogsanaya gadaal u dhacay.
******
Maalintii hawlgalka u dambeysay, Khaalid ayaa casharradii dhaqanka ku saabsanaa u dul maray.
“Mar dambe dhuuntaadu kaa hor joogsan mayso waxbarashada,” ayuu ku yiri. “Murmuruxa luqunta kaa gaarayna dhabooq aad iska mariso ayaannu ku siin. Ugu dambaynta ka qoomamoon maysid. Faa’iidooyinka aad casharradan ka dheeftay ayaa in baddana ka wayn dhibaatooyinkii kaa qabsaday… Midse ay tahay in aadan waligaa illoobini waa in danta walaalkaa Soomaaliyeed ay mar kasta dantaada tahay. Waligaa ha ka labalabayn caawinta walaalkaaga Soomali ah oo rag kale dirir ku la jira.”
Khaalid ayaa ilaa cawaysinkii la dardaarmayay. Waxa uu tilmaamo cad ka siiyay sidii James noloshiisa Soomaalinimo ugu nooloaan lahaa. Cunnada mahadi ha ka gaadhee, sida ay Khaalid la tahay, James oogadiisa hadda waxaan laga aqoon nin Soomaali caadi ah. Ugu yaraan boqolkiiba soddon ayuu miisaankii culayskiisu hoos u dhacay, goomankuna waa ay goteen. Xoogga dhabta ah ee qofku waa qalbigiisa ayaa loo sheegay. Addoomaha kali ah ayaa murqo waawayn xoog bida. Marka aad si daran u dagaalsantahay, cidina ku ma hor istaagi karto. Khaalid waxaa kale oo uu baray sida nolol furfuran oo debecsan haddana ada’adaygeeda leh loogu noolaado.
“Ebedkaa maankaaga ha u xabbisin sharciyo la raaco,” ayaa loo dheegay. “Carriga oo dhan Alle ayaa leh. Waligaa yaanay dawladina kuu cayimin halka aad mari karto ama aadan aadi karin. Qorshaynta dhaqaale iyo dhigaalka dukumiintigeeduba waa ka kac iyo wax ku ma yaallaan in nolosha la isku kallifo looga dan leeyahay. Marka aad Soomaali noqoto ayaad ogaanaysa in lacagtu aanay wax sidaa u sii waynba ahayn. Waxaad baran doontaa in lacag aad kharashgarayso inta aanay ku soo gelinba. Lacagi waa sida dumarka. Waa ay ku soo gelaysaa oo kaa baxaysaa. Waa in aadan waligaa xataa daqiiqad ka fekerin tolow maxaa adiga kuu haraya, marka aad doonayso in aad walaalkaa ka caawiso. Dabeecaddaasi faqri uun bay noloshaadu ka qaadaysaa. Waligaa ha ka labalabayn in waxa aad haysto wadaajiso walaalkaa Soomaaliyeed.”
“Ugu dambayn iyo tan ugu muhiimsan, waxa aad u nooshahay waa naftaada iyo tan beeshaada. Haddii aad dal shisheeye ku gaajooto, Soomaalidii aad aragto ee cuntaynaysaba la cun. Waa in ay ku soo dhaweeyaan haddii dhiiggooda la hubo.”
“Markaa xammaasaddu waa wax wanaagsan, yaah?”
“Hagaag, xammaasadda togani waa ay fiicantahay,” ayuu ugu jawaabay Khaalid. “Nooca aad u baahantahay marka aad walaal halis ka badbaadinayso. Haddii aad markaa oo kale isku daydo in aad arrinta rogrogto, waxaa kaa lumaya waqti qaali ah oo aad beesha ugu adeegi lahayd. Ninka qofkiisa difaacaa waligiis gar leh. Ninka Soomaaliga ahi waligii waa in uu mar kasta xuquuqdiisa yaqaan, taasina waa waxa awoowayaashayadii murtida badnaa u yiraahdeen: ‘Nin Soomaaliyeed xaqiisa sii ama madaxaaga.’ Ma u jeeddaa! Waa in aad mar kasta wax uun sidataa: xuquuqdaada, xuquuqda walaakaa Soomaaliyeed, ama cabbudhiyahaaga madaxiisa. Ma waadan arrag in dadka wax cabbudiyaa ay ugu farxad badanyihiin marka dadka ay cabbudhinayaan ay dad xasilloon oo hadba meel arrinta ka eegaya yihiin? Iska jir! Hebednimadu waa hoyga fulayada ma kaacaamaaysha ah.”
******
Hiirta hore ee subixii dambe ayaa James sariirtii laga soo kiciyay oo xariggii luqunta uga ceegsanaa ugu dambayn laga sii daayay. Dabadeed Ayaan ayaa loo yeeray, si ay u aragto sida ninkii loo Soomaaliyeeyay.
“Allaa!” ayay la soo boodday. “Maxay kugu sameeyeen? Gacaliye, maxaad uga yeeshay in ay waxaa kugu falaan? Waaba ku garan waayi lahaa markii aan soo galay. Waxaad u ekaatay qaxooti bilo soo lugaynayay isaga oo aan intaa afka wax saarin. Allaa! Alla!”
“Oo sidii la doonayay ma aha miyaa?” Khaalid ayaa ku yiri Ayaan. “Sidee kale ayuu kaga takhallusi karaa murqihii Kikuuyada ee uu qarniyo beerfalasho khudaar cun ah ka dhaxlay? Ku farax in aannaan miyiga oommana ah geyn oo geel raacin.”
Laakiin carada haysay Ayaan sidaa sahlan lagu ma maslixi karayn. Inta ku boodday ayay dhabannaano ka la daashay oo ciddiyaha ku xagxagatay shaarkana ka tartarriiqday.
“Arxanlaawayow madaxdixiriga ah!” ayay ku barooratay. “Waxaan u qabay in aad dhaqanka iyo afka baraysaan. Muxuu ka yaqaan hadda? Yaah? Jirdilaayahow jirrani!”
Khaalad ayaa si deggenaan leh gacamaheedii isaga qabtay oo inta iska riixay damcay in uu fahansiiyo waxa uu sidaa u yeelay.
“Barashada afka iyo dhaqanka kali ah dad lagu ma dhex galo e waa in qofka ruuxiisu is beddelaa, jir iyo maskax ahaanba” ayuu yiri.
Ayaan oo hadda caradii ka degtay ayaa ku foorarsatay James oo murqihiisii cuduudda jiljishay. Xabadka ayay gacanta ka saartay oo inta dhabarka u dhigtay kuraankuraha ka riixriixday. Isla markaaba caro hor leh ayay bushimuhu la nuuxnuuxsadeen, tooctoocintii ay waddayna waa ay joojisay. Indhahaa mar kale ciilcun la yaryaraaday. Sidii qof laxaw hayo ayay afka u kala qaadday, ilkaha jirriqsatay, kuul u xirnayd faraha ka buuxsatay oo camajuujisay, oo dabadeed qaylo tii ugu dheerayd ka wadhay, ilaa XasanZuu iyo Othis ay argaggax dartii gabasho dhulka is dhigeen. Khaalid ayaa damcay in uu dejiyo laakiin waa ay iska tuurtay oo qolkii mar hore marna gadaal u socotay ilaa ay mar dambe James ka kor dhacday. Inta ay labada gacmood hareeaha ka marisay oo soo dhawaysatay ayay aayar ruxday iyada oo ooyaysa. “Gacaliye,” af Sawaaxili ayay ku haghagootay, “maxaaan yeelaa? Ma karo… Ma karo…”
Wax yar ka dib, albaabkii ka danbyeeyey ayaa jagagaci ka yeedhay. Intuba inta ka dhakhso lahayn markii la ogaaday qofka soo galay. Waa Sharma’arkihii baasaa, Ayaan walaakeed ka wayn. Ayaan ayuu markii ay saaka diyaarintii quraacda ka soo dhuumatay soo daba galay, marka dhaqanka Soomaalida loo eggana toorreyda u xiran waxa uu u sito waa la iska gartay. Inta mar qura haw ku soo yiri ayuu Ayaan timaha ku dhegay oo dhinac uga tuuray qofka waydda rifmay ah ee dhulka yiil. Haddana James ayuu ku jeestay oo darbo xoog leh afka ka laaday dhabarkana toorreydii laba tummaatiyood ka la gaaray. XasanZuu iyo Othis oo markii hore halkoodii baqdin iyo amakaag ku la qaboobay ayaa James u soo gurmaday oo ba’anihii ka furfuray.
“Nacallaa Kikuuyahaa tahay ku yaal!” ayuu Sharma’arke ku haaraantamay, isaga oo neefta halhaleel u boobaya. “Wax kaa ma daadegin, sow ma aha?”
Mar kale ayuu isku deyay in uu James laad ku hirgiso waxaase ka qabtay Khaalid. Ayaan ayaa iyaduna walaalkeed ku boodday oo ciddiyaheedii dhurwaaga la mooday xagasho muluq kaga dhigtay oo gacmaha qaniinyo googoosatay. Cay ayay u dhaamisay, hooyadi oo iyadana hooyadeed ah ayay cayday, walaashi oo isla iyada ahna cay bay ku shubtay.
“Alla, haddii James uu maqli lahaa,” ayaa Khaalid ku soo dhacday. “Waxaa dhacaya cashar buu ka qaadan lahaa.”
******
Laba beri ka dib ayuu James sariir isbitaal ka soo toosay. Khaalid iyo Ayaan ayaa hareero taagan.
“Alle mahaddi, waad soo nebdaadday,” ayay Ayaan tiri.
“Nasiib ayaad leedahay haddii aad ka nooshahay,” Khaalid ayaa u raaciyay. “Lafdhabarta ayuu kaa laaday, ma la socotaa?”
“Gacaliye,” ayay ku gacalootay ayaan, iyada oo James u soo dhawaanaysa, “Waa in aan xiriirkeenna jaraa. Ma doonayo in aan naftaada halis intaa ka badan gesho. Waan ka xumahay.”
Foolka ayay James ka dhunkatay oo dibedda u baxday.
” Maxay tiri?” ayuu James ku gunuunucay.
“Ha werwerin. U ma baahnid,” ayuu Khaalid ugu laabqaboojiyay.” Dumar waa sida lacagta, waa ay ku soo gashaa oo kaa baxdaa. Hadda iyo dan, walaakay Soomaalinimow, wixii ugu muhiimsanaa ayaan anigu halkan u imid.”
Khaalid James ayuu ku foorarsaday oo si dhimrin leh dhinac ugu rogay. Nabarkii tummaatida oo faashadaysan ayuu eeg’eegay oo ku qanacsanaan wayn darteed faruuryaha tuuray. Markii uu xaqiiqsaday oo in Soomaaliyayn waafi ahi gaadhay ayuu James gacantiisa midig kor u qaaday, sidii uu dhaarsanayo, oo cod khushuuc u dhanyahay ku yiri:
” Walaal James, aniga oo ku hadlaya magaca beesha Soomaaliyeed, waxaan kugu hambalyaynayaa Soomaaliyaytaada lagu guuleystay.”
Dabadeed, inta hoos eegay oo nabadgelyan gacanhaadiyay ayuu qolkii degdeg uga baxay.