Thursday 21 November 2024
Haddii aynu dabo galno, wanaagga koobaad ee qofka carbeed lagu barbaariyo waxa aynu soo helaynaa in ay tahay hoggaansamida. Tan iyo waqtigii ciyaalnimada waxa la inoo laqimay hoggaansannaantu in ay tahay jidka kaliya ee lagu yeelan karo akhlaaq koran, taas awgeed waxa innagu waajibtay in aynu u hoggaansanno Aabbayaasheen maxaa yeelay waxa ay garanayaan wax aynaan innagu garaneyn, waana cidda keliya ee danteenna ogsoon. Hooyada, iyana waa in aynu u hoggaansanno, sababta oo ah jannadu waxa ay ku jirtaa cagta hooyooyinka hoosteeda, halka haweenayda wanaagsan tahay tii u hoggaansata odaygeeda sababta oo ah haddayna sidaas yeelin, waxa ku dhacaysa lacnadda Eebbe. Madarasadda ayaa timid waa in aynu u hoggaansanno macallinka ilaa aynu ka noqonno ardayfahan koran. Haddii aynu Jaamicadaha ku biirnanna, badi waxa la inoo laqimaa liis diyaarsan kaas oo ka turjumaya hadba aragtida macallinka oo sideeda u ah xaqiiqo furan, meelina uga ma bannaana ku dhaqanka naqdinta ama aragtiyaha kala duwan. Waa in aad liqdo ood xafiddo buugga macalinka kuna celiso qoristiisa xilliga imtixaanaadka, haddii kale waxa aad tahay kii dhaca.
Waagii aan ardayga ka ahaa Jaamicadda Qaahira, gaar ahaan Kulliyada caafimaadka Ilkaha, Macallin noo dhigi jiray Maadada Biyokiimikada, casharada wuxu ku soo dhex dari jiray kaftan iyo qisooyin, ujeedada kaftanka iyo qisooyinku ma ahayn in uu ku madadaalliyo ardayda waxa se ay ahayd hab iyo xeelad uu ku ogaado ardayda goysa muxaadirooyinka, dabadeed xilliyada imtixaanka afka qisooyinkaas iyo kaftannadaas buu waydiin jiray, oo haddii ardaygu yidhaa waa kolkii igu horraysay ee aan maqlo sidaas ayuu ku dhici jiray. Taas awgeed, barta lagu kala hadho ma ahayn, darajo cilmiyeed waxa ay se ahayd qisooyinkaas iyo kaftannadaas iyo u hoggaansanaanta macallinka taas baa ahayd waxa qofka ka dhiga mid gudba ama dhaca.
Tarbiyaddaas hoggaansanaantu waxa ay socotay illaa iyo guriga, Madarasadda iyo Jaamicadda dabadeed waxa ay uga gudubtay, dhan kale oo ka khatar iyo saameyn badan kuwaas hore, waana u hoggaansanaanta Wadaaddada diinta, idil ahaanteen waxa aynu nahay Muslimiin iyo Masiixiyiin ( Qoraagu halkan waxa uu la hadlayaa bulshada Masar oo diin ahaan ka kooban Muslim iyo Masiixi Qibdi ah ) Waxa la innoo dhigaa, diintu in ayna si toosa innooga soo gaadhin Eebbe se ay jiraan Wadaaddo yaqaan Axkaamta diinta iyo siraheeda, iyaga ayaana innoo soo gudbiya waxa Eebbe innaga doonayo, sidaas awgeed ma bannaana diiddista iyo dhaliisha waxa uu yidhaa wadaadku, maxaa yeelay; ugu horreyn sida uu diinta u garanayo wadaadku innagu uma naqaan, waa ta labaad e, ka falaagoobidda wadaadku waxa ay la mid tahay ka falaagoobidda Eebbe, taas oo loogu dhacayo lacnad iyo Cadaab adduun iyo Aakhiro ah.
Ka dib kolkii Caqliga carbeed loo qaabeeyey habkaas hoggaansanaanta, waxa ku habsatay hoggaansanaan siyaasadeed, nidaamyada ismaamul ee ka jira caalamka carbeed na dhammaantood waa KALITALIS u kala baxa saddex jaad.
Waa kalitalisnimo uu boqorku oday u yahay beesha oo idil, waxaana qasab ah beeshu dhammaanteed in ay u hoggaansato. Waxyaabaha aan arkayna waxa ka mid ah, rag gaadhay darajooyin sarsare oo aqooneed, kana shaqeeyey martabado sare, haddana guryahooda ku haysta sawiro ay leeyihiin kuwaas oo ay dhunkanayaan gacanta boqorka maxaa yeelay waa u faan iyo sharaf aad u weyn.
Sideedaba saaqafadda askartu waxa ay ku qotontaa u hoggaansanaanta amarada, kolka askari uu la kulmo askari kale na judhaba waxa uu eegaa garabkiisa, si uu aqoonsado darajada uu wato, taas oo haddii ay ka sarrayso tiisa ay qasab ku tahay in uu u hoggaansamo, haddii se ay ka hoosayso waa in uu askariga kale u hoggaansamaa. Dabcan, qofka shacabka ah ma sito darajo ciidannimo, cidna xaq ugu ma laha in uu diido curfiga ciidamada waxa se saaran in laga helo hoggaansanaan aan lahayn xad.
Waa kalitalisnimo ay bud dhigeen kooxaha Islaamka siyaasiga ah; waa tu ku sallaysan dhagaysi iyo hoggaansanaan aan lahayn dabar, tusaale ahaan, nidaamyada salafiyiinta, hal qofna uma ogola in uu ka horyimaaddo sheekhooda ama uu wax la falanqeeyo, halka nidaamka Ikhaanu Muslimiinta, kolka uu ay xubin cusubi ku soo biirayso ay dhaariyaan, kuna dhaariyaan, daacad u noqoshada kooxda, xilliyada badhaadhaha iyo xilliyada dhibta labadaba, waxaana jira fiidhyoow caana oo lid ku ah ruuxdaas, waa hoggaamiyaha Ikhwaanka oo ka soo baxaya Masjidka mise na wadaaddada kooxdu u kala dheeranayaan oo isu garbinayaan sidii ay hoggaamiyaha ugu dhigi lahaayeen kabaha, sidaas awgeed kooxdani lagu ma sheegi karo wax aan ahayn hoggaansanaan buuxda.
Saqaafada hoggaansanaanta ee dusha laga ga keenay Isaanka Carbeed waxa ay keentay labo natiijo:
Hoggaansanaanta buuxda waxa ay hawlgab ka dhigtay awooddeena Naqdiga fikirka ku dhisan taas oo sees u ah horumarka bulsho walba, waxaana taas marag u ah, dhawr iyo tobankii sanno ee la soo dhaafay sida hantida saliidu ugu koobnayd waddamada carabta iyo haddana sida ay u yihiin shucuubta ugu akhriska, aqoonta iyo halabuurka yar. Waa dhab, in ay jiraan culimo carbeed oo wax ku oola, laakiin haddana badi waxa ay wax noqdeen kolkii ay isaga hayaameen dalalkooda ee ay tageen galbeedka halkaas oo ay ka heleen Xorriyada fikirka, naqdiga iyo baadhista ee ka fog daacad iska noqoshada.
Kaligii taliyuhu sidiisaba, ma awooddo in uu shacabka dusha kaga keeno taladiisa illaa uu hagardaameeyo, saqaafada hoggaansanaantu na waxa ay innaga yeeshaa qaar u nugul kalitalisnimada, mar haddii hoggaansanaanta aan xadka lahayn laga ga dhaqmayo guriga, madarisadda, Jaamicadda, Masjidka iyo Kiniisadda na ma jirto sabab looga horyimaaddo Kalitalisnimada, maxaa yeelay tan iyo dhallaanimadii waxa la qabatimay hoggaansanaantaas.
Gaban salafi ah ma ku dhiirran karaa, in uu sheekhiisa waydiiyo halka uu ka keenay xoolaha ka dhigay in uu u noolaado tabtii boqorada? Mar kale, gaban Ikhwaani ahi ma ku dhiiirran karaa in uu hoggaamiyihiisa waydiiyo halka laga maalgeliyo kooxda iyo meelaha lagu bixiyo? Wiilka qibdiga ah, wax ma ka waydiin karaa wadaadkiisa miisaaniyadda Kiniisadda?
Jawaabaha waydiimahan oo idil waa qaar taban, sidaas si la mid ah qofna kuma dhiirran karo in uu keligii Taliye Carbeed waydiiyo balaayiinka dollar ee uu ku bixiyo Qasriyadiisa iyo diyaaradihiisa kana midka ah Miisaaniyadda Dawladda. Talo maroorsigu, waa cudurka asalka ah ee dib inoo riday, halka dulmiga, xorriyad la’aanta, aqoon darrada, xag jirka diineed ay dhammaan yihiin calaamadaha cudurka talo maroorsiga, nolosha aadmiga iyo bulshooyinka kale na waa la mid, sidaas awgeed ugu horreyn waa in la daweeyo cudurka ilaa ay meesha ka baxaan calaamaduhu. Saqaafada hoggaansanaantu sideedaba ma horseeddo wanaag, oo inaga ma dhawrto in aynu ku dhacno qaldaad, waxa se ay inaga hor joogsataa in aynu fikirno dabadeed waxa ay inaga dhigtaa qaar u nugul talo maroorsi ama kalitalisnimo.
Taariikhdu waxa ay ina baraysaa qiimaha falaagoobidda. In la falaagoobo oo aan la hoggaansamin waa waxa weligeedba keena hor u socodka aadamaha.
Falaagow xitaa haddii aad qaldantahay…ilaa aad xorrowdid.
Dimoqraadiyaddu waa xal (Halhayska iyo magaca mashruuca siyaasiga ah ee qoraaga)>
Maqaalkan waxaa lagu daabacay DW qaybteeda Carabiga ah, waxaana turjumay Muuse M. Ismaaciil.