Thursday 21 November 2024
Ma sahlana in la helo buug taariikheed oo Ingiriisi (ama afkaleba) ku qoran oo daarran taariikhda Soomaaliya, taasina waxa ay goldaloollo ku keenaysaa fahanka qurbajoogta (iyo qolqoljoogtaba) kuwaas oo ay maankooda buuxiyeen sheekooyinka daraf tebisayda ah – sheekooyinkan oo ah in yar oo run ah oo lagu ladhay beeno badan. Buugta hagaagsan ee mawduucan daarani waa kuwo gaboobay, hababka lafagur ee buugtani waa kuwa laga tagay, oo muddadii daabacaadooda ka dib ilaa burburkii 1991 wax badan ayaa ka soo daba maray. Siday doonta ha noqotee waxa ay ila tahay in liiska aan halkan ku soo gudbin doonaa uu siin karo akhristaha danaynaya hordhac wax ku ool ah oo daaran mawduucan.
Buugta aan soo jeedin doonaa waxa ay ka waramayaan taariikh dhereran xilligii xornimo doonka, waagii gobanimada ee dimuqraadiga ahayd, ilaa laga soo gaadhayo taliskii Siyaad Barre ee dhamacda iyo burburka ku astaysnaa. Qoraayadda buugtani dhamaan waa Soomaali. Inkastoo ay jiraan buug tiro badan oo la qoray burburkii ka dib, oo ka waramaya sababihii burburka iyo waxa lagu waayay, mar kale ayaynu qodobkan liis ka samayn doonaa.
Qarankii isqudhgooyay ee Soomaaliya: xukun maroorsigii iyo dhicistii taliskii Siyaad Barre 1969 – 1991, Maxamed Xaaji Ingiriis
Maxamed Xaaji Ingiriis waa akaademig Soomaali ah oo hibo u leh fasiraada arrimaha Soomaalida. wuxuu ku ladhaa aqoontiisa tiyariga diraasaadka Afrika iyo gumeysi ka baxa, barbardhiga horumarka aqooneed ee ka socda qaybaha kale ee qaaradda iyo sidoo kale wacyiga uu u leeyahay bulsahda Soomaalida. qoddobo dhawr ah ayuu isku dayayaa in uu eego gudaha buuggan, in uu si naqdi ah u qiimeeyo ammintii ka horaysay afgembigii uu Siyaad Barre awoodda ku yimid, in uu raadraaco sooyaalka Barre isagoo si gaar ah u muujinaya waaqaca gumeysi ee sameeyay isaga iyo hanaanka xukunkiisaba – taas oo qoraagu ku qeexay in ay ku astaysneyd ka dhaqaaqida “qaran qabiilaysan iyo isu bedalidda qaran gacan ku dhiigle ah” – kaas oo uu ka dhashay burburkii ku yimid xukuumadii Soomaaliya.
Aad buu u naqdinayaa taliskii milatariga ahaa, oo kama helaysid wax sharaxaad ah oo ku saabsan hawlaha taliskaasi qabay in uu halgan ugu jiro, hadday tahay dib u qaabaynta qaranka iyo hirgalinta bulsho hantiwadaag ah. in qoraagu aannu haba yaraatee mawduuca dhankan ka soo eegin, waxay falanqayntiisa ka dhigaysaa mid ka gaabisay soo gudbinta sida hirgalinta hantiwadaagu u saamaysay xidhiidhka talisku la leeyahay bulshadiisa, iyo sidoo kale dedaalka Soomaaliya ugu jirtay in ay noqoto dawlad gumeysi ka soo baxday oo cagaha isku taagta, iyada oo ay siyaasadihii Dagaalkii Qaboobaa adduunka kala qaybiyeen.
Isbarbardhiga uu Siyaad Barre iyo Muusalliini xidhiidhka kaga dhaxaysiiyay iyana waa mid ka badbadin ku jirto; Muusaliini waxay xullafo dhaw ahaayeen Hitlar, waana mid ka mid ah dadkii horseedka ka ahaa Faashiisamka.
Maxamed X. Ingiriis waxa uu u sawirayaa siyaad Barre in uu ahaa mid aaminsan in dadku warxumotashiil iyo danayste miidhan yihiin oo waddaniyadiisii indhaha la’ayd horseeday burburka qaranka Soomaaliyeed. Maxamed waa uu ka dheeraaday arragtida guud ee Barre laga qabay oo ahayd, in uu si la mid ah kelitaliskyada kale uu arragti qumman wax ku bilaabay, balse, markii danbe xadhka goostay. Waxa uu ku doodayaa in uu Siyaad Barre ahaa mid aan haba yaraatee dulqaad u yeelan karin in ay awoodiisu wiiqanto amaba Soomaaliya u gudubto nidaam furan oo dimuqraadi ah, iyo in u halgankiisii hirgalinta hantiwadaagu iska ahaa mid sarko xaadis ah oo uu ku rabay uun taageerada Soofiyeetka, si uu u xoojiyo taliskiisa.
Soomaaliyadii Shuuciga ahayd: baane mise dhab, Axmed Ismaaciil Samatar
Buuggani sidoo kale waa mid arragti naqdi ah xanbaarsan, oo kala dhigdhigaya sheegashooyinkii (claims) taliskii Siyaad Barre ee daarnaa horumarka laga sameeyay isku daygii lagu hirgalinayay bulsho hantiwadaag ah. buuggan akaademiga ah ee Samatar waa mid saamayn balaadhan yeeshay oo dood balaadhan abuurey, waa buug bixinaya taariikhayn ku saabsan sida dalku ugu siibtay kelitalisnimo macangag ah, taas oo ku dhisan cadaadis, amar ku taagleyn aan wax dheef ahi wehelin. Wax kale iska dhaafe amnigii yaraa ee taliska lagu qabay waxay meesha ka baxday kolkii falaagooyinku halgan hubaysan kala hor yimaadeen taliskii milatariga ahaa ee Muqdisho fadhiyay.
Samatar buuggiisan wuxuu dib ugu qiimaynayaa horumaradda iyo go’aamadda wax ku oolka ah ee uu taliskii milatariga ahaa ku andacooday in uu horseed ka ahaa, isagoo hoosta ka calaamadinaya guulaha taliska, sidoo kalena ku lafaguraya gaabisyadda taliska hab gorfeyn ah oo aan waxba hanbaynayn, isagoo sidoo kale xisaabta ku darsanaya halka Soomaaliya ka galayso waaqaca guud ee xukuumadihii tawriga ahaa ee Afrika iyo sida ay u maamuleen rajooyinkii laga qabay iyo caqabadihii ku gadaamnaa gobanimadda. Waa akaademig jaadgooni ah oo waaqaca la falgala halkuu u hagana isula bedala, taasina waa mid buugiisa ka muuqata. Cashar muhim ah oo baadhista buugiisan uga soo baxday wuxu ku sheegay:
Afrikaanku si ay dib ugu hantaan nolol Sharaf iyo karaamo leh, waa in ay bartaan in ay iska caabiyaan nooc walba oo gumeysi ah, sidoo kalena ay fahmaan in aanay jiri doonin dhacdo soo dedejisa ama qarni waajibinaya gobanimadooda. Balse, halgankan dheer ee kadeedka badani waa mid ku suurtogalaya in aan joogtadeenna u hurno taagteenna oo idil.
Doorashada innagaa leh, ayuu yidhi isagoo hadalka sii wata: “in aan ku sii jirno joogtaddan foosha xun iyo maamuladda Afikaanka ah ee kala qoqoban, kuwaas oo ah kuwo u sii xuubsiibanaysa kuwo dhalanteed ah oo dusha laga xukumo ‘bantustanization’, ama in aan hore ugu tallaabsano taariikh cusub – oo ku astaysan iskaashi iyo talaabooyin siyaasadeed oo isbeddel horseeda.” Waa buug maanka carinaya oo se aad loo naqdiyay.
Taariikhda aan la tebin ee Soomaaliya 1941 – 1969, Maxamed Ciise Turunji
Buuggani waa buugta kooban ee si balaadhan u eegaya sababihii horseeday afgembigii 1969, kaas oo ahaa mid gabi ahaanba Soomaaliya ka leexiyay tubtii ay la damacsaayeen asaasayaashii Soomaaliya. Maxamed Turunji waa taariikhyahan ku takhasusay xilligii gobanimo doonka, maamulkii gumeysiga Talyaaniga iyo sannadihii hore ee madaxbanaanida, waxaana uu si hawlkarnimo leh uga shaqeeyay in uu isagoo isku tolayo xoggo illo kala duwan lahaa (kuwaas oo badankoodu illo asaasiya yihiin) in uu soo tebiyo sheekadan. Wuxuu ku guuleystay in uu mawduuca ku soo gudbiyo dhexdhexaadnimo, si ka gedisan qoraayadii ka horeeyay, qoraagu markuu soo tebinayo taariikhda sida Soomaalidu isaga xoraysay gumeystayaasha ee gadaashiina dalka u maamuleen, kugu xiijin maayo aragtiyihiisa.
Buuggani run ahaantii waa mid akhrintiisu fure u tahay fahanka waxa ka qaldamay Soomaaliya iyo sababta uu taliskii milatariga ahaa horaantii u hantay taageeradda bulshada. Dalku wuxuu la kacaa kufayay maaro u helidda dhibaatooyin kasoo jiitamay xilligii isticmaarka, waxayna keentay dimuqraadiyaddii in ay u dhurato kooxaysi qabyaalad ku dhisan, taas oo ay ka dhalatay in doorashadii 1969 ay u tartamaan 60 xisbi. Tani waxay abuurtay fursad milatarigu kaga faa’ideystaan qalalaasaha ay hogaamiyayaasha rayidku abuureen. Sida uu u faaleeyay ammintaas masiiriga waa mid yaab leh:
“xilliyada doorashada markaanay jirrin manhaj siyaasadeed oo cadi, Soomaalidu waxay ku ololeeyaan in ay qabiiladda iska hor keenaan, doorashooyinkii 1969 taas ayaa dhacday, dadku reero ayay u kala qaybsameen si aan hore loo arrag. Nidaamkii maxkamadaha waa la qaloociyay, hay’adihii dawliga ahaa fadhiid ayay noqdeen, dhaqaalihii, oo uu u door roonaa waxsoosaarka muuska ee la hirgaliyay xilligii isticmaarka Talyaaniguna bukaan ayuu ahaa. Rajadii Soomaalidu ku gudoontay gobanimadu daaqada ayay ka baxday: gobanimadana wanaagii laga filayay lagama dhaxal.”
Waa buug balaadhan oo u qalma todobaadadda la dhex mushaaxayo.
Dimuqraadiyiintii u horeeyay ee Afrika: Aadan Cabdulle Cusmaanka iyo Cabdirisaaq X. Xuseenka Soomaaliya, Cabdi Ismaaciil Samatar
Buuggani sidoo kale wuxuu soo tebinayaa taariikhda xilligii afgembiga ka horeeyay. Qoraagu waa aqoonyahan aad loo qaddariyo oo mayal-adag, kaas oo intaanuu sanatarka ka noqon baarlamaanka Soomaaliya, sannado badan bare ka ahaa jaamacadda Minisoota.
Qoraagu ujeeddo cad ayuu ka leeyahay buuggan; wuxuu rabaa in uu hogatusaaleeyo in hogaamiyayaashii hore ee Soomaaliya ahaayeen dimuqraadiyiintii dhabta ahaa ee u horeeyay ee ay Afriki yeelato, waayo, waxa ay ahaayeen hogaankii qaaradda ee u horeeyay ee xilka wareejiya ka dib markii ay doorashada waayeen, kuwaas oo dhabbo toolmoon qaarada u jideeyay. Cabdi waxa uu buuggiisa ku soo gudbinayaa, in Juun 1967 Aadan Cabdulle Cusmaan baneeyay qasriga madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, isagoo hogaanka ku wareejiyay Cabdirashiid Cali Sharmaake. Sannad ka dib, Kenes Koonda (Kenneth Kaunda) oo ahaa madaxweynaha Saambiya, ayaa mar uu Muqdisho soo booqday ku tilmaamay dimuqraadiyadda Soomaaliya in ay tahay mid tusaale u noqon karta Afrika.
“Soomaaliya hal qaab oo tilmaaman ayay qaaradda inteeda kale kaga duwan tahay. Waxa biddixdayda taagan madaxweynihii hore, kaas oo xilka baneeyay ka dib markii doorashada lagaga adkaaday, waxa weheliyay raysal wasaarihii hore. Midigtaydana waxa ah madaxweynaha iyo raysal wasaaraha hadda xilka haya, waa kuwaa hal miis wax ku wada cunaya. Waa muuqaal cajiib ah, oo aan ka suurogal ahayn qaaradda inteeda kale. Hogaamiyaha Afrikaanka ah ee laga guuleysto cidhibtiisu saddexdan mid bay noqotaa: in uu dalka ka baxsado si uu naftiisa u badbaadsado, ama in la xabiso, ama cidhib ka sii xun.”
Waxa in la xuso mudan in madaxweynihii xigay ee Afrikaan ah ee xilka wareejiya ka dib markii uu doorashada ku guuldaraystay, uu ahaa Kenes Koonda laftiisa, waxay ahayd 1991!
Qorista buuggan waxa kale oo ku riixay baan filayaa, rabitaankiisa in uu soo gudbiyo taariikh lid ku ah, mida qarqisay qoraaladda Soomaaliya ku saabsan ee daaran “Qaran Jabka” taas oo ah mid shaac baxday burburkii ka dib, oo buugta mawduucan waxa ka mid ka walaalkii Axmed qoray ee “Hooga Soomaalida” (Somali catastrophe).
Soomaalida badankoodu wey ku baraarugsan yihiin in dalkoodu summad u noqday qaran jabka, waana mid uurkutaallo ku ah. Cabdi waxa uu damacsan yahay in uu soo tebiya dhanka togan ee taariikhda casriga ah ee Soomaalida, iyo in uu dood galiyo habka la caadeystay ee Soomaaliya u soo bandhigaysa bukaan aan bar fiyow lahayn.
Taariikhda dalka laga qoraa waa kuwo baasaysi ku salaysan, oo arragti liidata ka qaba siyaasadda Soomaaliya. Qodobadda gundhiga u ah taarikhayntani waa dagaal, argagaxiso, kelitalis, qabyaalad iyo qaran jab, qodobadani waa kuwo culus oo u baahan in lagu wajaho miyir qab iyo ka fiirsi, waayo waxay galaafteen nafley tiro badan. Haddana, iyadoo waxaas oo dhibaato ka taagan tahay Soomaaliya, buuggani ma aha irbad suuxiso ah oo laysku moogaysiinayo hoogaa lagu jiro, waa mid soo gudbinay sooyaalka yaabka leh ee laba ka mid ah hogaanada Soomaaliya: Aadan Cabdulle Cusmaan, madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya oo ahaa mid aad loo tixgaliyo iyo raysal wasaarihiisii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.
Si cagsi ku ah buugii Turunji, Cabdi Ismaaciil Samatar buugiisu waa mid ku sal leh aragtiyihiisa iyo hiraalkiisa gaarka ah. wuxuu soo bandhigayaa aragti jaadgooni ah oo uu ku qeexayo arrimaha ka qaloocday Soomaaliya, wuxuu ku doodayaa in dimuqraadiyiintii daacadda ahaa sida Aadan cadde iyo Cabdirisaaq ay wiiqeen siyaasiyiin musuqmaasuqlayaal ah oo ay dabada ka riixayeen danaha kooxo gaar ah. Waa cilmibaadhis xiiso badan, oo akhris mudan xataa haddii aad kaga aragti duwan tahay sababaha wiiqay dimuqraadiyadii curdinka ahayd.
Jidkii baaba’a: isburburintii Soomaaliya, Maxamed Cusmaan Cumar
Helidda nuqul daabacan oo buuggan ahi ma sahlana, anigu waan ka quustay, nuqul pdf ah ayaan isha mariyay, haddaad adigu ku gacan dhigtay waan kugu hambalyaynayaa. Mar walba waxa jiri doona goladloolo taariikhda Soomaaliya ah oo ay keliya buuxin karaan xusuus qoraddu. Maxamed Cusmaan Cumar waa dublamaasi ruugcaddaa ah oo isaga gudbay magaalooyinka ay ka mid yihiin Landhan, Khartuum, Belgaraad iyo Tehraan.
Buuggani wuxuu si dabiici ah isugu tolayaa taariikhda guud ee Soomaaliya, oo dhereran min xornimo doonkii ilaa ammintii burburka. Wuxuuna si xirfad leh isugu ladhayaa xusuusqorro, warbixino, iyo maqaalo, muujinaya sida qoraagu ugu dhuun daloolay tafaasiisha khuseeya dalalka uu fadhigiisu ahaa, isagoo sidoo kalena u kuurgalaya sida isbedallada gudaha ee dalkiisa hooyo u saamaynayeen xidhiidhka arrimaha debada iyo doorkiisa hawlwadeen qaran ahaanba. Tusaale ahaan, wuxuu si caloolxumo leh uga cabanayaa heesihii guulwadeynta ahaa ee ay ku amaani jireen Siyaad Barre, heesahan oo ay ahayd in ay qaadaan todobaad walba, ka dib markii uu dhacay afgembigii 1969 (Guulwade Siyaad), arrintan wuxuu ku tilmaamay in ay ahayd mid “yaab leh” oo “doqoniimo ah”.
“Waan jeclaan lahaa in aan ogaado, in guulwadayntu iyo amaantu ka dhab tahay safiirka, balse, ma awoodin in aan weydiiyo. Shaqaalaha safaarada ee dalalka safaaradu ku taal kasoo jeedaa sidoo kale wey na maqli karayeen markaan heesahan qaadayno. Waxaa dhici karta in ay iyaguba isweydiiyeen waxaan samaynayno, balse, kumay dhici karin in ay wax naga weydiiyaan. Oo cidii wax isweydiisaa, waxay u dhignayd sidii in ay kacaanka dhaliilayso, waxaana loo arkayay kacaan diid.”
Qaybaha buuggan qaybta aan ugu jeclahay waa qaybta ka waramaysa xilligii uu Tehraan fadhigiisu ahaa. Wuxuu soo gudbinayaa socdaalladdii barashada ahaa ee uu magaalada ku dhex mushaaxay, marar ay waajib ku noqotay in uu ka hadlo tacadiyada xuquuqal isaanka ee ay ku kici jireen ciidamada nabad sugida ee Iiraan, iyo sidoo kale sida uu ahaa waayaha dalka Iiraan xilligii ka horayeey kacaanka dalkaas. Aakhirkana wuxuu ku tilmaamayaa dhicistii taliskii Shaaha in ay nabsi ahayd, taliska Shaaha aad buu uga soo horjeeday qoraagu.
Waa buug ay ku dheehan yihiin arragtiyo badan oo shaqsi ah, waa mid ku taabanaya, oo sidoo kalena ah diiwaan taariikheed oo heer sareeya, kaas oo wax ka eegaya xaggal jaadgooni ah oo maad badan. Waxaan ku talin lahaa in isaga laga bilaabo, balse, waa mid helidiisu adag tahay.