Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Feker

Joorj Tarabishi: Lix Dhacdo oo Noloshayda Wax ka Beddelay

2 August, 2024
Image
George Tarabishi
George Tarabishi
Share
Joorj Tarabishi waxa uu ahaa qoraa, filasoof iyo turjumaan Siiriyaan ah, oo qaadhaan balaadhan ku darsaday luuqada Carabiga. Qoraalkan waa kii u danbeeyay ee uu qoro, waxa uu kaga warramayaa waayaragnimadiisa shaqsiga ah, waxaana uu ku milicsanayaa sooyaalkiisa feker iyo kiisa faneed.

 

Aniga oo haatan da’ ahaan sii weynaanaya, soona noolaa lixdan sano oo aan qalinka iyo qoraalka wax kasta oo kale ka door biday, marka laga reebo xaaskayga iyo hablahayga, waxa aan wax habboon u arkay in aan dib u jalleeco lix jiirood oo ay noloshaydu soo martay, kaalin weynna ku lahaa wax kasta oo aan muddadaas qoray, fikirkaygana qaabeeyey, oo xitaa wixii aan turjumay saameyn ku lahaa. 

Dhacdada koowaad: waxa aan ka dhashay qoys Kiristaan ah, intii hore ee noloshaydana waxa aan ku kacaamay cibaadaysi xagjir ah. Waajibaadka diiniga ah waxa aan u gudan jiray qaab ad’adag oo mararka qaar walaalkayga yari iga maadsado. Maalin anigoo ku sugan dugsiga, oo fasalka lixaad ah, markaasna da’daydu tahay qiyaastii 14 jir [ayaa ay dhacdadani i qabsatay]. Casharrada aannu dhiganno waxa ka mid ahayd xiisad diini ah oo uu dhigi jiray wadaad lagu yaqaannay dhaqan qallafsan. Xilligaas waxa aannu fikrad wanaagsan ka haysannay khariidadda dunida, wareegga iyo xajmiga dhulka. Mid ka mid ah xiisadahaas diiniga ah ee uu wadaadkaasi dhigi jiray ayaa uu maalin yidhi: “Ardayahay, waad garanaysaan xajmiga dhulka iyo sida uu u wareegsanyahay. Haddaba waxa aan idinka rabaa in aad sawirataan dhul dhulkan aynnu ku nool nahay ka weyn milyan jeer, weliba dhulkaas dhulkeenna milyanka jeer ka weyni aanu ciid iyo biyo ahayn, ee uu yahay bir xadiid ah oo aad u adag. Dhulkaas milyanka jeer dhulkeenna ku soo libanlaabmaya, halkii milyan ee sanaba shimbir baa soo mara oo baalkiisa ku masaxa. Haddaba, immisa iyo immisa –weli ma illaawo sida uu ereygaa ugu celcelinayay- iyo immisa milyan ayaa uu shimbirkaasi u baahan yahay in uu dhulkaas xadiidka ah ee weyn uu baalkiisa ku baabi’iyo? Suuragalnimada shimbirkaasi ku baabi’in karo dhulkaas birta adag ah ayaa ka fudud in cadaabkaaga jahannami uu dhammaado haddii aad dambi ku dhimatid.”

Maalinkii aan maqlay digniintaas argagax baa igu dhacay. Runtii hadalka wadaadka si fiican ayaan u fahmay, oo arday fahmo fiican baan ahaa xilligaas. Waxa aan ka baxay dugsiga anigoo foorara. Dugsigu waxa uu ku yaallay xaafad qadiim ah oo meelaha xidhanna ur xooggani ka soo urto. Ku dhowaad laba boqol oo mitir marka aannu soconno ayaa aannu ka dhammaan jirnay surin cidhiidhi ah oo habeenkiina albaabkiisa la xidho, waxaanannu u bixi jirnay waddo ballaadhan. Waxa koowaad ee ishayadu qabataa waxa uu ahaa dhisme cusub oo ay dabaqa labaad degganyihiin qoys Talyaani ahi, waxaana u joogay saddex hablood oo aad u qurux badan. Badanka waxa aannu arki jirnay iyagoo fadhiya berendaha, oo qofka waddadaas marayaa ka arki karo. Maalinkaas markii aan arkay, waxa aan isla markiiba laabay indhahayga, madaxana hoos baan u foorariyey. Sababma? Aan dib ugu noqdo Kiristaanka la igu dhalay ee la igu barbaariyey. Waxa la yidhaahdaa dambigu waa saddex: gef aad samaysay, gef aad ku dhawaaqday iyo gef aad ku fikirtay, oo xitaa gefkan dambe mid halis weyn leh buu noqon karaa, oo ciqaabtiisu mid cadaab kugu waarisa ayay noqon kartaa, weliba markaad gabadh ka fikirtid. Dardaaran ayaa ah: “Ha u hammoon gabadh aan xaaskaaga ahayn”, gabadh kasta oo aan xaaskaaga ahaynina waa xaas qof kale. Intaas ka sokow dareenka shahwadeed baa sidiisa dambi weyn u noqon kara, marka Kiristaanka la joogo, oo haddii aanad baaddariga u qiran, lagugu cadaabayaa. Wadaadka xiisadda diiniga ah noo dhigaa aad buu qodobkan u dul istaagi jiray isaga oo og in waxa u weyn ee dhallinyaro barbaar ahi ka fikiri karaan uu yahay jinsiga kale. Maalinkaas anigoo surinkaas cidhiidhiga ah ee dugsiga ka soo baxaya, waddada ballaadhanna soo galaya, waxa naftayda ku kulmay laba dareen oo isku liddi ah; in aan niyadda ka jeclaysanayo sii eegitaanka hablahaas quruxda badan iyo cabsida daran ee aan ka qabo in cadaab joogto ah, oo ah qaabkii uu wadaadku noo sifeeyey, la igu abaalmariyo. Kuma ekaan in aan aragga uun laabo, ee waxa aan waddada gurigayaga tagta qaaday anigoo la tacaalaya in aan fikirkayga ka saaro hablihii Talyaaniga ahaa. Waxa u weyn ee aan ka cabsanayay waxa ay ahayd in ay dhakada igaga soo dhacdo dhoobada ubaxa lagu rido ee guryaha dabaqyada ah ee reer Xaleb berandaha u saaran, sidaasna aan ku dhinto anigoo dambi ku jira. 

Waxa aan gaadhay guriga anigoo hadraya oo wareersan, xummad ba’an ayaana igu dhacday, oo aan laba maalmood u jiifay. Markii aan soo miiraabay, falcelintii koowaad ee aan sameeyey waxa ay noqotay in aan naftayda la hadlo, anigoo leh: “Maya, Ilaahay maaha ka uu wadaadkaasi ka sheekeeyey, sidaas ma noqon karo, sidaas oo dhanna uma ad’adkaan karo”. Maalinkaas ayaan joojiyey in aan Kiristaan sii ahaado. 

Dhacdada labaad ee qaab fikirkayga beddeshay, marka laga yimaaddo dhacdadaas sababtay inaan Kiristaanka ka baxo, waxay dhacday markii aan dugsiga sare soo galay, oo ahaa dugsi dawladdu leedahay. Sannadku waxa uu ahaa 1955-kii, oo waa waxyar ka dib markii Suuriya laga riday kalitaliye, jeneraal Adiib Shishakli. Isbahaysigii Ikhwaanul-Muslimiinka, ururka Hantiwadaagga iyo ururkii Bacsiga ayaa riday kalitaliyahaas. Markii isbahaysigaasi wada xaajoodeen, Ikhwaanka waxa la weydiiyey waxay rabaan iyo Wasaaradda ay doonayaan. Waxa ay sheegeen inaanay Wasaarad rabin, ee ay hal codsi oo kale wataan, kaas oo ah in tacliinta diinta lagu daro dugsiyada sare. Duruusta diintu waa ay ku jirtay dugsiyada hoose iyo dhexe, oo waajib ayaabay ahayd, balse dugsiyada sare diin laguma dhigi jirin. Taas beddelkeeda waxa lagu baran jiray anshaxa, barbaarinta iyo waddaniyadda. Haddaba iyadoo Ikhwaanka codsigooda loo tixgalinayo ayaa duruusta diinta lagu soo daray dugsiyada sare. Waana sannadkaygii koowaad ee dugsiga sare. 

Maalinkaas, markii la ii sheegay in xiisad diini ah la dhiganayo, ayaan saaxiibbaday u sheegay in aan rabo in aan joogo xiisaddaas, sababtoo ah waxa aan u baahnaa inaan wax badan ogaado, weliba waxa aan dugsigii hoose iyo dhexe ka soo baxay dugsi Kiristaan ah, waxa aanan u baahnaa inaan wax badan ka ogaado diinta Islaamka oo ah diinta inta badan dadka reer Suuriya haystaan. Xilliyadaas waxa aan u janjeedhay dhinaca xisbiga Hantiwadaagga. Xiisaddii baa la gaadhay. Wadaad dheer, oo cimaamad sita, ilaa haddana aan sii xasuusto khamiiskiisii dameeriga ahaa ee quruxda badnaa, ayaa soo galay, waxaanu isla markiiba qaatay tabaashiir oo uu sabuuradda ku qoray: “Qof kasta oo aan muslim ahayni waa cadawga Islaamka”. Waa cinwaanka casharka. Xiisaddii ayaa uu ku qaatay inuu intaas sharraxo, saaxiibbadaydii fasalkuna ilqoodha ayaa ay iga eegayeen iyagoo hubsanaya falcelintayda. Xiisaddii baa intii badnayd dhacday, aniguna waan dhegaysanayay. Markii dambe ayaa uu wadaadkii yidhi: “Haddaba wixii su’aalo ah waad iga weydiin kartaan casharka”. Gacantaan taagay, waxaanu igu yidhi: “Haye, magacaa?”. Anigoo kor u qaadaya ayaan idhi: “Magacaygu waa George Tarabishi”. George waa magac, marka Suuriya la joogo, dadka Kiristaanka ahi la baxaan. Markaa wadaadku wuu ogaaday in qof aan muslim ahayni fasalka fadhiyo, indhaha ayaanu taagay. Anigoo hadalka sii wata ayaan idhi: “Macallin, anigu Muslim ma ihi, Kiristaan baa la igu dhalay, markaa ma cadawgaaga ayaan ahay?” Waxa uu yidhi: “Ilaahay baynnu ka magangalnay sidaas, yaa hadalkaas yidhi, se sideed arrinkaa ku keentay?”

Waxa aan ku idhi: “Macallin, soddonkii daqiiqo ee u dambeeyey waxa aad sharraxaysay cinwaankan ah ‘qof kasta oo aan muslim ahayni waa cadawga Islaamka’, markaas anigu ma cadaw ayaan kuu ahay? Waxa uu garwaaqsaday inuu khalad ku dhex jiray, oo waa uu is badhqabtay, isagoo leh: “Maya maya, dadka Kiristaanka ahi waa dad ehlu kitaab ah”. Waxa aan is weydiiyey sababta uu bilawgii isu badhqaban waayay? Oo haddii aanan su’aashan keeni lahayn ma sidaas guud ayaa uu qof kasta oo aan Muslim ahayni cadaw ugu ahaan lahaa Islaamka? Waxa habboonayd in aan sii weydiiyo: “Oo xitaa haddii aanan Ehlu Kitaab ahaan lahayn, ma cadaw ayaan kuu ahaan lahaa?” balse waan iska daayay. 

Markaas laga bilaabo waxa aan ogaaday in muhiimad aad u weyni, bulsho ahaan, noo taallo. Qaddiyadduna aanay ahayn qaddiyad la xidhiidha siyaasad la beddelo iyo wasaarad cid loo dhiibo, ee ay tahay qaddiyad la xidhiidha in la beddelo heerka caqliyada. Waxa si lama filaan ah u dhacay, markii aan macallin dugsiga sare dhiga noqday, maalintii sannad dugsiyeedka la furayay in aan arkay wadaadkii oo macallin maaddada diinta ka dhiga ah isla dugsiga la igu qoray si aan u noqdo macallin af Carabiga dhiga. Kursigii ayaa uu kasoo booday, dhinacayga ayaanu usoo dhaqaaqay. Si diirran ayaa uu ii salaamay, isagoo leh: “Waan ka xumahay, maalinkii waxaan galay gef aanan dib ugu noqon noloshayda”. 

Dhacdada saddexaad ee noloshayda soo martay waa mid taas hore u eg, balse markan waa dhacdo iga qabsatay niman aannu isku urur ahayn oo Kiristaan ah. Waa dhacdo isbeddel qotodheer naftayda ku yeelatay, oo isgeddi ku keentay wacyigayga, sababtayna in aan qoraa noqdo, sababtoo ah waxaan dareemay in qoraalku yahay habka keli ah ee aan wax ku beddeli karo, dhacdadaasina sidan soo socota ayay u dhacday. Xilligii ururka Bacsigu talinayay ayaa mar xabsiga la i geliyey anigoo ku eedaysan in aan ahay siyaasi mucaarid ah. Anigu waxaan ka tirsanaa ururka Bacsiga ka hor intaanu xilka qaban, balse sannad ka dib ayaan iska casilay khilaaf siyaasadeed iyo fikir awgii, oo aanan rabin inaan halkan ku faahfaahiyo. Kol haddii aan is casilay oo aan mucaarid noqdayna, waa la i xidhay. 

Xabsiga waxa ku jiray niman badan oo xisbiga Bacsiga ka tirsan, walaw ay ahaayeen garabka midigta, oo ka fikir duwan Bacsiga talinaya iyo garabkii aan ahaa ee bidixda. Badanka raggaasi waxay ka soo jeedeen deegaanka Jabal al-Xuuraan ee Suuriya, deegaankaas oo inta badan dadka deggani Kiristaan yihiin, diintaasna soo dhaxlayeen tan iyo markii ay al-Qasaasina talinayeen. Qolka aan xabsiga kaga jiray waxa ila degganaa shan ama lix nimankaas ah, waana qol yar oo tobanaan qof la isugu geeyay. Xilligaas waxa aan guursaday xaaskayga qoraaga ah ee Henriette Cabuudi, kolkaasna waxa noo dhalatay inantii koowaad oo sannad ama laba sano jirtay, aad uma xasuusto. Waxa u badan ee aan xabsiga kaga dhex fikiri jirayna waa inantaas iyo xaaskayga. 

Ma xasuusto si ay ku timi doodda ilaalinta sharafta reerka iyo dil-sharafeedka dhigaya in inanta la dilo haddii ay xidhiidh ama gogol aan sharci ahayn la yeelato nin, Islaam iyo Kiristaan midkii ay tahayba. Weliba dil-sharafeedku waxa uu dhigayaa in walaalkeed bireeyo si uu usoo celiyo sharafta iyo maamuuska qoyska ay inantaasi dhulka la gashay. Haddaba dooddaas ayaa nala gashay in aan saaxiibbadii xabsiga ku idhaahdo: “Anigu waan ka soo horjeedaa dil-sharafeedka, waana wax aanan ka filayn in uu sameeyo qof sheeganaya horusocod, Hantiwadaag ama Bacsi”. Kolkaas ayaa mid ka mid ahi su’aal I weydiiyey, isagoo leh: “Adigu xaas ma leedahay?” “Haa” ayaan ku idhi. Haddana waxa uu I weydiiyey: “Inan ma kuu joogtaa?” “Haa” baan ugu jawaabay. Waxa uu igu yidhi: “Marka ay weynaato haddii ay wiil xumaan la samayso miyaanad birayseen?” Waxa aan ku idhi: “Miyaad waalatay saaxiib? Ma inantaydaan gawracaa?” Waxa uu igu yidhi: “Wax sharaf ah ma lihid. Ma mudnid inaad Carab noqotid ama xitaa Bacsi isku sheegtid”. Saaxiibbadaas aan la xidhnaa waxay go’aan ku gaadheen in ay iga aamusaan oo aanay ila dhaqmin, sababtoo ah sharaf ma lihi, oo ma mudni inaan Carab ama Bacsi noqdo, walaw aan mucaaridnimada la wadaago. Go’doonkaas ay i geliyeen awgii ayaan maamulka xabsiga ka codsaday in qol gaar ah la ii raro, intii aan la sii joogi lahaa niman i takooray. 

Maalintaas laga bilaabo waxaan bartay cashar cusub. Qaddiyaddu maaha mid Muslimiin iyo Kiristaan, waa qaddiyad intaas ka xeeldheer, waa qaddiyad heerka caqliga la xidhiidha. Caqliga aadamuhu laba dabaqadood buu leeyahay; midi waa ka kore oo waa mid aan xeeldheerayn, siyaasad kasta wuu qaadan karaa; horusocod, Hantiwadaag iyo qawmiba wuu noqon karaa, ka kale waa mid hoose oo ay adag tahay in waxa uu qofku iska qaatay uu ku duxo. Kaasi markaa badanka waa dibusocod aan fikrad xambaari karin, waa isku mid qofkaasi haddii uu Muslim yahay iyo haddii uu Kiristaan yahayba. Maalinkaas laga bilaabana waxaan ogaaday, oo aan ku qancay in halka bulshadeennu ka taagan tahay gabadha ay jaangoyso halka aynnu dunida oo dhan ka taagannahay. Waxa kale oo aan qiray inay lagamamaarmaan tahay in loo dedaalo in caqliyada dadka erey lagu beddelo, weliba qaybta hoose ee caqliga la beddelo, ee aan lagu gaabsan qaybtaas kore ee sar-ka-xaadiska ah. 

Dhacdada afaraad ee noloshayda beddeshay, ka dib markii aan soo tijaabiyey fikirka Qawmiyadda Carbeed, Bacsiyada, Bidixda fog iyo Hantiwadaaggaba, waa sheekada aniga iyo Segmund Freud. Sida sheekada Freud ku bilaabantay waa mid aan maad ka madhnayn. Markii aan guursaday, laba habloodna aan dhalay, badanka marka aan miiska cuntada fadhiyo ee aan cunto cunayo, roodhida aan gacanta ku haysto ayaan kidfi jiray, oo aniga oo aan is ogayn hareeraha ka jarjari jiray, weliba iyadoo xaaskayga iyo labada habloodba wax igu hor cunayaan. Dhaqankaas iskagama taag heli jirin, xitaa haddii marti nala joogto. Xaaskaygu, lahjaddeeda reer Xalab iyadoo adeegsanaysa, ayay igu odhan jirtay: “Isku xishood George, oo martidu yaanay ku arkin, carruurtuna dhaqankan yaanay kaa baran”. Waan u garaabi jiray, haddana waxaan is arki jiray uun anigoo roodhida kidfaya oo is illaaway. Sidaas baan ku waday ilaa aan ugu dambayn arkay maqaal -waxaan filayaa in aanu Foorwiid maqaalkaas lahayn, balse mid ka mid ah ardaydiisu lahaa. Waxa uu dhaqankan ku tilmaamayaa arrin nafsadeed oo qofku isaga oo aan is ogayn uu rabo in uu aabbihii ka aargoosto. Aad baan ula yaabay markaan maqaalkaas akhriyey. Kolkaas waxay noqonaysaa in aan aabbahay ka aargoosanayo! Runtii, markii aan barbaarka ahaa aabbahay inta badan waannu isku dhici jirnay. 

Laga bilaabo maalinkaan maqaalkaas akhriyey, waxa ii furmay albaabka abla’ablaynta xaaladaha nafsadeed, waxaanan bilaabay inaan dul fadhiisto qoraalladii Freud, ka dibna aan bilaabo inaan turjumo. Kolkaas baan bilaabay in aan aabbahay oo sannado ka hor dhintay la heshiiyo, wax badan oo na dhex marayna ku laabto, sidaasna deggenaan nafeed ku dareemo, noloshana aan waddo cusub qaado. Freud waxa aan kasoo turjumay wax ku dhow 30 buug, balse buugaagtiisa kama sii tarjumin luuqaddii asalka ahayd ee uu ku qoray oo Jarmal ahayd, ee anigu waxaan kasoo tarjumay luuqadda Faransiiska. Waxa aad ogtihiin maahmaahda Talyaaniga ah ee tidhaahda: “Tarjumaanku waa khiyaanoole”, kol haddii aan tarjumay qoraal markii horeba luuqad kale laga soo tarjumayna waa khiyaano laba jibbaaran. Balse waxa uu ahaa go’aan aan laga maarmayn, sababtoo ah, Carabta dhexdooda, aad bay u yaryihiin dadka luuqadda Jarmalka si dhab ah u yaqaan, oo gumaysigii inta badan joogay dartii, Faransiis iyo Ingiriisiga ayaa aad loo yaqaan. Haddii aanan Freud wax ka soo tarjumi lahaynna, luuqadda Carbeed baa Freud la’aa lahayd ama aan mawduuca abla’ablaynta arrimaha nafsadeed laga heleen, waana wax aan suurogal ahayn. 

Runtii waan ogahay in aan ku kacay khiyaano labajibbaaran marka aan qoraal ka soo tarjumay luuqaddiisii asalka ahayd mid aan ahayn, balse waxa aan aaminsanahay in aan adeeg lagama maarmaan ah u qabtay luuqadda Carabiga. Imika sannad ku dhawaad waxa aan ku hawlanaa in aan dib u eego tarjumaadahaygii Freud, anigoo ka faa’idaysanaya tarjumaado cusub oo Faransiis ah oo soo baxay; laba ama saddex tarjumaadood buug kastaba, waxaanan u diyaar garoobayaa in mar kale la daabaco iyagoo hufan oo asalkii Jarmalka ahaa aad u waafaqsan. Sidoo kalena waxaan rejaynayaa in ay iman doonaan dad si toos ah buugaagtaas uga soo tarjumi kara luuqaddooda Jarmalka ah. 

Dhacdada shanaad ee noloshayda waxa aan dul istaagayaa xidhiidhkii aan la yeeshay Maxamed Caabid al-Jaabiri oo aan rubuc qarni wax ku dhow la qaatay. Laga soo bilaabo sannadkii 1972 waxa aan u wareegay Bayruut, si aan madax uga noqdo tifatirka majalladda ‘Diraasaat Carabiya’ oo bille ahayd kana soo bixi jirtay madbacadda Daaru Daliica ee Lubnaan. Al-Jaabiri bilawgii siddeetanaadkii buu bilaabay in uu ii soo diro maqaallo lagu faafiyo majalladda, ka dibna buug uu magaciisu ahaa ‘Takwiin al-Caqli al-Carabi’ ayaa uu usoo diray madbacadda Daaru Daliica. Bashiir al-Daacuuq, oo madbacadda madax ka ahaa, ayaa buugga ii dhiibay, iguna yidhi: “Adigaa iiga aqoon badan arrimaha sooyaalka iyo dhaxalka ummadeed ee isha soo mari”. Waa aan akhriyey buugga, waxa aanan u sheegay in uu yahay buug ashqaraar ah. Waxa aan kula taliyey in si dhakhso ah loo faafiyo, markaas ayaana la daabacay. Anigu markaas go’aan baan qaatay ahaa in aan Bayruut ka guuro oo aan Baariis dego, kana shaqa galo majalladda al-Wuxda, sababtoo ah dagaalladii sokeeye ee Lubnaan baan ka daalay. Markii aan nabadgalyeynayey madbacadda iyo saaxiibbadii shaqada, waxa soo baxay buugga ‘Takwiin al-Caqli al-Carabi’, isaga iyo qaamuuska ‘al-Munhil’ ee uu qoray Suhayl Idriis ayaa ahaa labada buug ee keliya ee aan ka qaatay maktabaddaydii shanta kun ee buug ahayd. 

Waxa aan imi Baariis, gurigayga oo badanka iska madhan ayaanan dhex fadhiistay. Waxa aan bilaabay in aan buuggaas mar labaad akhriyo, aad baanan ula dhacsanaa. Maqaalkii koowaad ee aan ku qoro majallada al-Wuxda waxa uu ka warramayay buuggan. Hal weedh baan ka qoray –inta badan dadka noloshayda yaqaannaa way ogyihiin sheekadan, oo waxaan idhi: “Buuggani aqoon keliya kugu kordhin maayo, ee noloshaada ayuu beddelayaa, oo qofka akhriyaa ma ahaanayo sidii uu markii hore ahaa”. Xammaasaddaas baan buugga wax kaga qoray. Balse waxa jiray qodob yar oo buugga ku jiray, shakina igu abuuray. Waa qodobka la xidhiidha mawqifka uu Maxamed Caabid al-Jaabiri ka istaagay kooxdii ‘Ikhwaan al-Safaa’. Markaan jaamacadda Dimishiq dhiganayay, qaybta luuqadda Carabiga, waxa aan kooxdaas ‘Ikhwaan al-Safaa’ ka haystay fikrad ah in ay ku abtirsadaan falsafaddii Islaamiga ahayd ee caqlaaniga ahayd. Si ka duwan sidaas, al-Jaabiri hadal aad u taban buu ka sheegay, waxaanu u tilmaamay oo ku tiriyey ‘dadkii aan garaadka ka shaqaysiin’, waxa uu sheegay in ay caqliga ka soo horjeedeen, falsafadda iyo maangalnimadana col la ahaayeen, oo ay la dirirsanaayeen Aristotle. Qodobkaas shaki weyn baa iga galay, balse haddana inaan go’aan ka gaadho maan awoodayn oo waxa aanan hayn buuggoodii ‘Rasaa’il Ikhwaan al-Safaa’. 

Fursaddu waxay ii saamaxday inaan mar u safro mid ka mid ah waddamada Khaliijka anigoo ka qayb galaya kulan. Intaan dalkaas joogay ayaan go’aansaday bal inaan buuggii ‘Rasaa’il Ikhwaan al-Safaa’ raadiyo, si aan mawqifka al-Jaabiri go’aan uga gaadho. Waxa aan tagay maktabad weyn ee halkaas ku taalla, ninkii hayayna waxaan weydiiyey: “Ma haysaa buugga Rasaa’il Ikhwaan al-Safaa?” Isagoo u hadlaya sidii qof la yaabay su’aasha, ayaa uu yidhi: “Maya”. Waxa aan ku idhi halkeen ka heli karaa? Wuxuu igu yidhi: “Waad ogtahay soo maaha in buugga aad raadinaysaa falsafadda ku saabsan yahay?” waxaan ku idhi: “Haa”. Waxa uu iigu jawaabay: “Haddaba, buugaagta falsafaddu halkan waa ka mamnuuc”. Waa markii koowaad ee aan maqlo in buugaagta falsafaddu mamnuuc tahay, balse markii dambe waxa aan ogaaday in diidmadu dalkaas oo keliya ku koobnayn ee badanka waddamada Khaliijka mamnuuc ka yihiin buugaagtaasi. Ninkii maktabadda hayay, anigoo u cudur daaranaya ayaan u sheegay in aanan ogayn arrinkaas. Hadalkii sidaan ula waday ayaan ugu dambayn si deggan ugu sheegay in buugga aan aad ugu baahanahay, oo uu bal ii sheego wax aan samayn karo. Waxa uu ii tilmaamay maktabad kale oo magaceeda iyo halka ay ku taallo uu ii sheegay, waxaanu ii raaciyey: “Laga yaabee inaad ka heshid”. 

Maktabaddii kale ayaan tagay, oo ninkii hayay ayaan kitaabkii weydiiyey, isaguna sidii ninkii hore oo kale ayuu iigu jawaabay. Waxa aan ku idhi aan isku kaa sheego, waxa aan ahay qoraa iyo tarjumaa, magacayguna waa George Tarabishi. Markii uu magacayga maqlayba aad buu ii soo dhaweeyey, isagoo i tusaya buugaagta aan qoray ama aan tarjumay ee uu hayo, ka dibna in aan waxyar sugo ayaa uu iga codsaday. Waxa uu soo laabtay isaga oo uu la socdo maamulihii maktabaddu, si la mid ah ayaanu ninkii kale ii soo dhaweeyey. Waxaan u sheegay baahidaan u qabo buuggaas iyo in aanan Baariis ka heli karin, Lubnaanna aanan ka doonin karin dagaalka sokeeye ee ka socda awgii. Isagoo ii calaacalaya ayaa uu igu yidhi: “Soo ma ogid in buuggaasi mamnuuc yahay”. Waxaan ku idhi: “Haa, balse laga yaabee inaad iga caawin kartid”. Waxa uu iga codsaday in aan meel hoose oo maktabadda ka mid ah ula daadago. Waxa yaallay sanduuqyo ay buugag ku jiraan. Waxa uu kasoo saaray buuggii oo afar qaybood ah oo uu ii dhiibay. Muu rabin in aan lacag siiyo, balse waan ku adkeeyey, una mahadnaqay. 

Intii aan diyaaradda sii saarnaa waxa ugu weyn ee aan ka fikirayay waxa uu ahaa in aan helo hadalkii uu al-Jaabiri ku tilmaamay Ikhwaan al-Safaa ee ahaa in ay diideen mandiqa kana soo horjeedsadeen Aristotle iyo falsafadda. Waxa aan furay qaybta afaraad ee buugga, anigoo raadinaya hadalkaas, waana sida uu tixraac ahaan u celiyey buuggiisa “Naqd al-Caql al-Carabi”, balse hadalkaas maan helin. Waxa aan is idhi waa intaas oo uu yahay khalad madbacadeed ee akhri risaalada 51-aad gebi ahaan, sidaas ayaanan ku bilaabay inaan akhriyo buugga “Rasaa’il al-Ikhwaan al-Safaa” afartiisa qaybood ba, ilaa aan soo gaadhay risaalada 10, 11, 12, 13, 14. Aad baan ula yaabay waxa aan arkay. Shantaas farriimood, ka dib marka kooxda Ikhwaan al-Alsafaa ay is qeexaan, waxa ay sheegeen hadal nuxurkiisu noqonayo: “Walaal, Alle ha inoo gargaaree, ka dib markaannu kuu soo faahfaahinnay ujeedkayaga, waxaad ogaataa in aanad fahmayn waxa aannu sheegaynno ilaa aad fahantid mandiqa ‘maangalnimada’, oo aad biriish ka dhigatid, aad ku gaadhid hadalkayaga. Markaas kaalay aannu kuu sharraxno mandiqa ‘maangalnimada’ iyo buugaagtiisa e”. Ka dib waxa ay buugga 10aad iyo 14aad u gaar yeelayaan sharraxa buugagga Aristotle oo ay ku faahfaahinayaan mawduucyadaas waxaanay adeegsanayaan ereyadii Giriigga ahaa sida analogia (qiyaaska). 

Anigoo akhrinaya farriimahaas shanta ah ee ku saabsan sharraxa mandiqa Aristotle, ayaan is weydiiyey: Maxaa uu al-Jaabiri u yidhi Ikhwaan al-Safaa waxay ka soo horjeedeen Aristotle iyo maangalnimada? Sababma ayaa uu yidhi: waxay yidhaahdeen aadamuhu uma baahna mandiq iyo falsafad? Waxa aan sii waday akhrinta buugga ‘Rasaa’il al-Ikhwaan al-Safaa’ ilaa aan gaadhay risaalada 17aad oo ah ta loo jeeday, ee uu al-Jaabiri caddaynta ka soo qaadanayay. Waa risaalad ku saabsan kala duwanaanshaha afafka. Haddaba hadalkaasi maxaa uu odhanayaa? Hadalka ku qorani waa sidan: “Bilawgii buuggayaga waxa aannu hore uga soo hadalnay muhiimadda mandiqa iyo kaalinta uu ku leeyahay in aad farriimahayaga fahantid. Balse, walaal, ogow in mandiqu laba yahay. Waxa jira mandiq falsafadeed oo ah ka aynnu hore uga soo hadalnay. Sidoo kale waxa jira mandiq hadaleed oo ah ereyada lagu dhawaaqo. Haddii aanu hadal jirin, dadku ismay fahmeen”. Ka dib marka ay faahfaahiyaan kaalinta afku leeyahay ee ah isku xidhka dadka, waxa ay ku darayaan: “Waxa aad ogaataa inay jiraan nafo badhaxtiran oo aan u baahnayn hadal iyo mandiq si ay isku fahmaan. Macnaha waxa jira nafo rooxaani ah oo isku fahmi kara aragtida, taabashada, ruuxda iyo jiritaanka, iyaga oo aan u baahnayn ereyo lagu dhawaaqo”. Haddaba, al-Jaabiri waxa uu ka faa’idaystay weedhaas dambe ee ah “aan u baahnayn mandiq”, si uu u yidhaahdo waxay ahaayeen koox diiddan mandiqa falsafadeed. Ka dib waxa aan akhriyey hadalka ay Ikhwaan al-Safaa sii wadeen ee ay kaga doodeen xidhiidhka ka dhexeeya diinta iyo falsafadda oo ah dood xilligoodii aad u taagnayd (qarnigii afaraad ee Hijriga), dad badanina magaca diinta iyagoo adeegsanaya xaaraantimayn jireen falsafadda, waxaanay yidhaahdeen Ikhwaan al-Safaa: “Walaalka wanaagsanaw ogow, Ilaahay ha kuu gargaaree, in qofka axkaamta diinta garanayaa, diraasaynta uu falsafadda ku sameeyaa aanay dhibayn, ee ay u kordhinayso xaqiiqo diineed oo dheeraad ah iyo ogaal”. Waxa ay intaas ku dareen: “Mandiqu waa miisaanka falsafadda iyo agabka falsafadyahanka, kol haddii falsafaddu tahay aqoonta u sarraysa ee aadamuhu gaadheen waxyiga ka sokow, miisaanka falsafadduna waa lama huraan inuu noqonayo miisaannada ugu saxnimada badan ee ugu sharaf badan, sida mandiqu uu caqliga u saxaana waxa ay la mid tahay sida uu naxwuhu afka u toosiyo”. 

Markii aan akhriyey hadalkaas, waxa igu dhacay u qaadanwaa wareemay islaweynidaydii aqoonyahannimo, sababtoo ah waxa aan buugga al-Jaabiri ka idhi hadalkii ahaa: “qofka akhriyaa ma ahaanayo sidii uu markii hore ahaa”. Maalinkaas laga bilaabo ma canaanan al-Jaabiri, ee waxa aan eedda saaray naftayda, sababtoo ah waxa aan xukumay buug ka hadlaya mawduuc aanan hayn furayaasha aqoonta uu ka hadlayo. Waxa aan naftayda ballan kula galay in aanan wax ka odhan ama xukun ka soo saarin wax aanan si dhammaystiran u hubin dhammaan xogaha ku jira. Go’aankaas baan qaatay, waxa aan isku bilaabay dib u qaabayn iyo in aan aqoon korodhsado. Ninkaygii kulliyada Afka Carabiga ka soo baxay ee sooyaalka Carbeed wax ka yaqaannay, waxa aan markan bilaabay in aan si dhammaystiran ugu banbaxo akhrinta saqaafadda Carbeed, oo aan isha mariyo tobanaan tixraac oo al-Jaabiri celiyey, weliba aan tixraac kasta hubiyo. Runtii, tixraaca Ikhwaan al-Safaa oo kaliya maaha khaladka al-Jaabiri ku dhacay, ee waxa aan dib u helay tobaan kale oo kama iyo kasba uu u galay. 

Aniga oo runta sheegaya, al-Jaabiri waxa aan u hayaa mahad badan, anigoo rubuc qarni buugaagtiisa la qaatay, oo weliba buugaagtiisaas iyo tixraacyadoodaba ku celceliyey, kuna saabsan sooyaalkii Islaamka, Kiristaanka iyo Giriigaba. Waxaan baadhay wax kastoo ku saabsan. Waan qirayaa in aan Muxammad Caabid al-Jaabiri wax badan ka faa’iday, oo uu igu khasbay in aan dib u dhiso aqoontaydii sooyaalka, sidaas darteed, si kasta oo aan u dhaliilay, mahad badan ayaan u hayaa. 

Dhacdada lixaad: dhammaan dhacdooyinkaas shanta ah ee aan soo sheegay, waxay ii ahaayeen bar-bilow cusub oo nolosha ah, iyagaana shidaalinayey wax kasta oo aan noloshayda qoray ama aan baadhay, oo shan boqol oo qoraal ku dhow. Buugag soddon ku dhow iyo tarjumaado boqol dhaafay iyagaa sabab u ahaa. Balse jiirta lixaad waa ii bar-dhammaad iyo marxaladdii aan qoraalka joojiyey. Waa dhacdada dhibaatada Suuriya ee afarta sano socota, wax yididdiilo ahina aanay usoo muuqan. 

Afartaas sanno ee dagaalka Suuriya, qalinkaygu iguma kaalmayn wax aan ahayn laba maqaal oo keli ah. Ka koowaad waxa aan qoray 21/3/2011, oo ah bilawgii Guga Carabta ee ka bilaabmay Masar, Tuuniisiya iyo Liibiya, maqaalka labaadna waxa aan qoray 28/5/2011, oo ah markii kacdoonkaasi Suuriya gaadhay. Maqaalka koowaad waxa uu cinwaankiisu ahaa: “Sooyaal kooban oo ku hoos jira sooyaal dheer”. Sooyaalka dheer waxa aan uga jeeday kacdoonka Guga Carabta oo kolkaas u muuqday in caalamka Carbeed galay xilligii kacdoonnada ee sooyaalka dunida soo maray oo kale, sida Kacdoonkii Faransiiska ee 1779 Kacdoonkii Yurubta Galbeed ee 1848-kii iyo kacdoonkii waddamada Hantiwadaagga ee dhammaadkii qarnigii 20aad. Sooyaalka koobanna waxa aan uga jeeday sooyaalkayga qofeed oo uu ku lammaan yahay hanjab weyni. Anigu, sida aan maqaalkaas ku faahfaahiyey, waxa aan ku hungoobay Kacdoonkii Iiraan, oo aan ka niyad jabay in ka badan inta aan markaas u hanweynaa kacdoonkaa Guga Carabta ee markaas bilawga ahaa, waxa aanan maqaalka gebgebadiisa ku idhi: “Waxa aan rejaynayaa in niyadjabka aan ka sawiranayaa beenawdo, oo aanu kacdoonkani la mid noqon kii Iiraan, Kacdoonkaas Iiraan oo lagu afduubtay aydhiyaloojiyado diineed”. Waxa aan naawilayay in Kacdoonkaas Guga Carabtu uu ii noqdo farxad joogto ah inta cimriga iiga hadhay. Balse dhacdooyinkii dambe ee dhacay waxay ii xaqiijiyeen in fikirkii tabnaa ee aan Kacdoonkaas bilawgiiba ka qaatay uu dhaboobay. Kacdoonkaas Guga Carabtu wax aan saxariir ahayn u muu kordhin dadka, waxaannu innagu celiyey dib-u-dhacii iyo in aynnu ku siibanno marxaladdii qarniyadii dhexe ee Saliibiga iyo Islaamka. 

Maqaalka kale ee aan qoray dhammaadka bishii May ee 2011-kii, waxa uu cinwaankiisu ahaa: ‘Suuriya: ma in nidaamka la hagaajiyaa mise in meesha laga saaro?’ Waxa uu ka warramayay Suuriya oo diimo kala duwan laga haysto, kooxo iyo isirro kala duwanna ka jiraan, in ay halaag kusii hoobanayso, dagaal sokeeyana cagaha la galayso, haddii aan nidaamka jiraa nafhur samayn oo aanu meesha ka tagin, oo nidaamka oo xilka banneeya mooyee aanay suuragalayn wax la hagaajiyo iyo in dalka burbur laga badbaadiyo. Balse nidaamku taas ma fulin, waaanu ku ballan furay in uu wax hagaajiyo. Balse aan mar kale qirtee, yidadiiladii aan ka qabay in nidaamku xilka banneeyo, si dagaal sokeeye looga baaqsado, waxa ay ahayd dhalanteed, oo bilawgii kacdoonka, maan fahansanayn kaalinta faragelinta dibaddu ku leedahay kacdoonka, warbaahin ahaan, maalgelin ahaan iyo hubaynba. Waa kaalinta maanta bulshada Suuriya dhibaatadiisa la daalaadhacayaan, waana kaalin aan sooyaalka soo marin marka laga reebo tii Hoolaako. Saansaanta muuqataa waa in isku dhac kooxeed oo Shiico iyo Sunni ahi dhaco, oo la mid ah isku dhacii Kaatooliga iyo Borotistaanka ee Yurub ka dhacay qarniyadii 16aad iyo 17aad. 

Waxa hadhay in aan hadalka kusoo gunaanado, in ka joogsigayga dhammayska tiran ee qoraalku, weliba qoraalka oo ahaa waxa kaliya ee aan noloshayda ku bixiyey, waa sidii geeri. Haddana waa geeri yar oo ku hoos jirta geeri weyn oo ku dhacday dalkii. 

Qoraallada kale ee qoraaga