Thursday 21 November 2024
Samuel P. Huntington, oo noolaa intii u dhaxaysay 1927 illaa 2008 waxa uu ahaa aqoonyahan siyaasadeed oo u dhashay Maraykanka, la taliyana u soo noqday xukuumado kale duwan. Waxa uu muddo dheer wax ka qorayey siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, waxaanu lahaa maqaallo iyo hadallo dooddo dhaliyey qarnigii 20-aad iyo bilawgii qarnigan 21-aad labadaba. Jaamacadaha uu shahaadooyinkiisa ka qaatay waa Yale, Shikaago iyo Harvard oo uu 1951 ka qaatay shahaadada saddexaad. Waxa uu khibrad iyo qoraalba xoogga saaray dhinacyada kala ah xidhiidhada caalamiga ah, siyaasadda Maraykanka, siyaasadda arrimaha dibadda iyo casriyaynta.
Ka dib, markii uu dhammaaday dagaalkii labaad ee dunidu, waxa bilaabmay dagaalkii qaboobaa oo socday intii u dhaxaysay 1947 illaa 1989, markii uu soo afjarmay dagaalkaas oo ka dhexeeyey dunida Galbeedka, Maraykankuna hor kacayo iyo dunida Bariga oo uu Midawgii Soofiyet ugu tun weynaa, falanqeeyayaasha siyaasadda dunida iyo arrimaha nabadgalyadu waxay qalinka u qaateen inay ka doodaan waxa ku xigi doona, iyo qaabka uu noqon karo xidhiidhka cusub ee adduunku. Xilliyadaas ayaa uu Samuel Huntington faafiyey maqaal uu soo saaray 1993 balse uu 1996 ka dhigay buug. Waxa uu bedka keenay hindisaha ‘Loollanka Xaddaaraha’, isagoo saadaaliyey in loollanka dunidu, wixii dagaalkii qaboobaa ka dambeeya, ku salaysnnaan doono loollan u dhexeeya xaddaaradaha iyo diimaha, waxaanu meesha ka saaray in uu dhaco loollan dambe oo aydhiyaloojiyadeed.
‘Loollanka Xaddaaradaha’ amaba ‘Hirdanka Xaddaaraduhu’ waa ereybixin tilmaamaysa in loollanka dunida iyo dagaallada mustaqbalku ku salaysnnaan doonaan diin iyo xaddaarad, xaddaaradaha kale duwanina, mid waliba ku dedaali doonto in ay dhaqankeeda dunida ku sandullayso, ka dibna isfahanwaaga dunidu halkaas ka aloosmo. Hindisahan waxa adeegsaday Samuel Huntington, ka dib markii uu faafiyey maqaalkiisii ahaa “Loollanka Xaddaaradaha iyo Dib-u-qaabaynta Hannaanka Caalamiga ah”, balse waxa adeegsiga ereybixintan uga horreeyey Bernard Lewis, oo adeegsaday isaga oo khudbad ka jeedinaya Jaamacadda Johns Hopkins. Bernard Lewis waxa uu sheegay in Galbeedka iyo Islaamku ku kala duwan yihiin qiyamka oo aanay sinaba u heshiin karin, balse, xilligaas ereybixinta Bernard dood badan ma ay dhalin, sababtoo ah galbeedku waxa uu aad ugu mashquulsanaa Dagaalkii Qaboobaa.
Samuel Huntington, kolkii uu soo saaray maqaalkiisa, isla judhiiba waxa laga qoray faallooyin badan, waxaana lagu sameeyey gorfayno tirobeel ah; kuwo dhaliilay iyo kuwo taageerayba. Waxa kale oo la qabtay kulanno badan oo lagu faaqiday hindisahan cusub ee Huntington, kulannadaasna waxa ugu muhiimsanaa mid ka dhacay Jaamacadda Princeton oo socday shantii illaa toddobadii May, 1995-kii. Kulankani waxa uu la gaar ahaa in Samuel Huntington joogay, fikraddiisana uu difaacayay, isaga oo hadal ka jeediyey madasha. Dhanka kale, waxa joogay kulankan wax ka badan konton aqoonyahan, oo metelayay dhammaan xaddaaradaha kala duwan ee dunida.
Hindisihan Huntington waxa uu yimi ka dib burburkii Hantiwadaagga, waxaanu dhawr sanno ka dambeeyey hindisihii Francis Fukuyama uu bedka keenay 1989. Francis Fukuyama waxa uu 1989 daabacay maqaal uu u bixiyey “Dhammaadka Sooyaalka”, hindisihiisana waxa sal u ahaa in Libaraaliyaddu gaadhay guul kama dambaysa ah, halbeegyadeeduna, sida xorriyadda, sinnaanta iyo sarraynta talada shacabku, ay soo afjarayaan loollankii aydhiyaloojiyadeed ee soo jiray. Waa niyad dejin, waxaana dib wax la iskaga weydiiyey lacagta badan ee loo qoondeeyo miisaaniyadda difaaca Maraykanka.
Haddaba, Maxamed Caabid Al-Jaabiri waxa uu is weydiinayaa sababta hindisaha Huntington ee ‘Loollanka Xaddaaraduhu’ u shiikhiyey hindisihii ‘Fukuyama’, waxa kale oo uu is weydiinayaa sababta aqoonyahanka dunidu u gorfeeyeen hindisaha Huntington, in ka badan inta ay faalleeyeen dhacdadii taariikhiga ahayd ee dumitaankii Hantiwadaagga iyo sababihii dhicitaankiisa. Al-Jaabiri waxa uu is weydiiyey: “Sababma ayaa sidan oo dhan loogu mashquulay ‘Loollanka Xaddaaradaha’, isaga oo ah maqaal wargeys, oo yeelan kara galdaloollada maqaal yeelan karo? Miyaanay ka habbooneyn in dadka akademiga ah iyo aqoonyahanka kaleba isku hawlaan dhacdadii taariikheed ee dhicitaankii Hantiwadaagga, iyo dumitaanka dawladihii hal-ku-dhigga Hantiwadaagga siday, dunidana ku faafinayay aragtidaas, iyaga oo buunbuunin iyo hub ba adeegsanayay?” Sida uu Maxamed Caabid al-Jaabiri xusayo, hindisaha Huntington waxa uu oddorasayay in sooyaalka aadamuhu u diyaargaroobo tijaabo taariikheed oo cusub, kuwii horena ka baaxad weyn. Waa fikrad mustaqbalka hillaadinaysa, halka hindisaha Fukuyama uu tagtadii xoogga saarayo. Waa digniin, waxaanay ka digaysaa khatar soo wajahan iyo dagaallo kale oo dhaca, waxaanay si cad ugu baaqaysaa in laga sii diyaar garoobo, si xaddaaradda Maraykan ee lama taabtaanka ah loo ilaaliyo, miisaaniyadna loo diyaarsado (al-Jaabiri: 1997).
Samuel Huntington waxa uu dunida u qaybiyey siddeed xaddaaradood; Shiinaha, Japan, reer Galbeedka (Waqooyiga Ameerika iyo Yurub-ta galbeed), dunida Islaamka, Laatin Ameerika, Owtodhogoska (Ruushka), Afrika iyo Hinduuga (Hindiya iyo Koonfur Bari Eeshiya). Waxa uu bedka keenay in loollanka dunida cusubi ku salaysnnaan doono hirdanka u dhexeeya xaddaaradahan, isaga oo si gaar ah u xusay loollan ka dhex dhici doona Shiinaha iyo Islaamka oo dhinac ah iyo reer Galbeedka oo dhinac ah (al-Cadam: 2020). Si guud, Huntington waxa uu xaddaaradda gundhig uga dhigay diinta, marka laga reebo reer Galbeedka oo uu halbeegyo kale eegay, isaga oo aaminsan in wax diin ka duwani isu keeno Galbeedka (al-Cadam: 2020).
Maxamed Caabid al-Jaabiri waxa uu aaminsanyahay in qaybintani ay is burinayso. Waxa uu ku doodayaa, haddii sohdinta u muhiimsan ee xaddaaradaha kala soocdaa diin tahay, maxaa uu u kala soocay xaddaaradda Waqooyiga Ameerika iyo Laatiinka? Saw hal diin oo Kiristaanka ah ma wadaagaan? Waxa uu is weydiiyey halbeegga kulmin kara Iiraan, Baakistaan, Indooniisiya iyo waddamada Carabta, balse kala soocaya Galbeedka Yurub iyo Bariga! Al-Jaabiri waxa kale oo uu is weydiinayaa, haddiiba xaddaaradaha dunida diin looga sal dhigo, maxaa ay magacyo diineed u qaadan waayeen, sida xadaaradda Islaamka, xadaaradda Kiristaanka, xadaaradda Buudhaha iyo xadaaradda Hinduuga. Sidaas darteed, waxa uu Al-Jaabiri go’aaminayaa in Huntington xadaaradda kaliya ee uu diin ku salleeyey ay tahay xadaaradda Islaamka oo uu Islaamka ugu abtiriyey.
Al-Jaabiri isaga oo u arka qaybinta Huntington mid marinhabaabin ah, waxa uu barbar dhigayaa qaybin kale oo isla xilliyadaas uu sameeyey Barry Busan. Busan waxa uu daabacay maqaal uu cinwaan uga dhigay: “Siyaasadda Dunida Cusub: Hannaanka Cusub ee Nabadgalyada Dunida ee Qarniga 21aad”. Isaga laftiisu waxa uu ka doodayaa sida dunidu u ekaan doonto ka dib dhicitaankii Hantiwadaagg, balse, si ka duwan Huntington, waddamada dunida waxa uu u qaybiyey dalal xuddun ah iyo dalal darafyo ah. Wuxuu ku doodayaa in ereybixintii dunida koowaaad, labaad iyo saddexaad ba macnobeeshay, kol haddii uu Hantiwadaaggii meesha ka baxay. 1989 ka hor waxa jiray waddamo dunida koowaad ah, waddamo dunida labaad ah iyo waddamo dunida saddexaad ah oo lagu tartamo, balse dumitaankii dunida labaad ka dib, koowaad iyo saddexaadna meesha waa ay ka baxayaan. Taas beddelkeeda, dunida waxa uu u qaybiyey waddamada xuddunta ah; waa waddamada hoggaamiya dhaqaalaha dunida, dhammaan waddamada ka soo hadhayna waa waddamo darafyo ah, oo gaabis ama dib u dhac kaga jiro dhinacyada dhaqaalaha, wax-soo-saarka iyo siyaasadda. Waddamada xuddunta ahi badanka waa waddamo Hantigoosad ah, sidoo kale, waddamada darafyadu isku heer ma aha dhinaca horumarka.
Qoraaga maqaalkani waxa uu 1991 saadaaliyey in waddamada xuddunta ahi samaysanayaan isbahaysi, oo ay fududaanayso in si wadajir ah loola dagaallamo ciddii nabadgalyada caalamiga ah halis ku ah. Waxa kale oo uu ka digay in waddamada xuddunta ahi dagaalladooda u soo rari doonaan waddamada darafyada, waddamo sabool ahna dhibbane u noqon doonaan xurgufta waddamadaas kale dhextaal. Waxa kale oo uu sheegay in Libaraaliyadu dunida qabsan doonto, hannaanka Hantigoosadkuna noqon doono hannaanka caalamiga ah, markaa waxa imanaya isku soo dhawaansho aydhiyoolajiyadeed. Waxa kale oo xoogaysanaya haayadaha iyo ururrada loo arko inay metelaan waddamada xuddunta ah, sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Sanduuqa Lacagta Dunida (IMF), Waddamada Toddobada ah (G7) iyo Heshiiska Cashuuraha iyo Ganacsiga (GATT) (Buzan: 1991).
Huntington soddon sano ka hor ayaa uu oddorasay in loollanka cusub ee dunidu ku salaysnnaan doono xaddaarad iyo diin. Aqoonyahan badan ayaa duray aragtidan, una arkay wax aan macno lahayn akaademi ahaan (Oborne: 2018). Qodobka ugu muhiimsan ee doodda Huntington udub-dhexaadka u ahi waa in loollanka u weyni dhex mari doono Islaamka iyo reer Galbeedka, Islaamkuna beddeli doono Soofiyatkii. Dooddani waxa ay cirka isku shareertay markii ay dhaceen qaraxyadii 11 September, dad badan ayaana kalsooni siiyey saadaashii Huntington. Qaraxyada 11 September, waxa ka horreeyey in kooxo Islaamiyiin ahi qarxiyeen safaarado Maraykanku ku lahaa Nayroobi iyo Daarasalaam. Falalkaas dad badan ayaa u macnaystay saadaashii Huntington oo rumawday, waxaana la aaminay in dagaal ka dhex qarxay Galbeedka iyo Islaamka. Waxa sii kordhay soo ifbaxa ururro xagjir ah oo Islaami ah, waxaana kordhay weerrarada ay ka geystaan waddamada galbeedka, sida London, Paris iyo magaalooyin kaleba. Madax badan oo reer Galbeed, sida Donald Trump iyo Benjamin Netanyahu, ayaa dagaalka u sawiray dagaal Islaamka iyo Libaraaliyadda u dhexeeya.
Balse, madaxweynayaasha kala ah George W. Bush iyo Barack Obama waxa ay isku dayeen in ay caddeeyaan in dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyo kooxaha xagjirka ahi, aanay marnaba ahayn dagaal lagu qaaday Islaamka iyo dunida muslimka ah. Toddobaad ka dib qaraxyadii September, Bush waxa uu sheegay in kooxaha laynaya dadka aan waxba gaysan, kusoo dhuumanayaan Islaamka, balse Islaamku nabad yahay, Galbeedkuna aanu dagaal kula jirin. Sidoo kale, Obama oo khudbad ka jeediyey magaalada Qaahira, waxa uu meesha ka saaray fikradda ‘Hirdanka Xaddaaradaha’, waxaanu tilmaamay in dunida Muslimka iyo Maraykanku xidhiidh wanaagsan leeyihiin (Haynes: 2018).
Huntington waxa uu xagjirnimada ururrada Islaamiyiinta ah caddayn uga dhiganayaa in aanu Islaamku dimuqraaddi noqon karin, wadanoolaanshahana aqbali karin. Waxa uu taxay dagaallo muslimiintu dunida ku qaadeen, kuna tilmaamay dagaallo bilaa ujeeddo ah oo qalalaase uun watay. Sidoo kale waxa uu muslimiinta ku tilmaamay bulshada ugu dhiig daadinta badan, isagoo soo qaatay xogo uu buunbuuniyey oo uu ku jidbaxsanayo. Dadka dhaliilay ee duray aragtidiisu waxay ku dhaliileen in aanu dhexdhexaadnimo ku joogin, ee uu u xaglinayo ninka cad iyo ilaalinta reer Galbeedka. Qoraallo badan oo dhaliilay Huntington ayaa xalka ka dayay in la darso sababaha keenay samaysanka ururrada xagjirka ah ee Galbeedka dagaalka kula jira, marar badanna waxay ku sababeeyeen in isla Galbeedka sababtiisa ku samaysmeen ururradaasi. Sababahaas waxa ka mid ah duullaankii Ciraaq, faragashiga shidaalka Khaliijka iyo kaalmaynta Yuhuudda dhulboobka ah.
Si guud dhacdooyinkaas soddonkaa sano dhacay, waxay saadaashii Huntington u ekaysiiyeen mid waaqacu u marag furay, balse, aqoonyahan badan ayaa duray qodobkan, kuna tilmaamay ismoodsiis. Waxay ku doodeen in aanay jirin meel dalalka Islaamka ahi isku raaceen inay dagaal kula jiraan waddamada Galbeedka, ee taas beddelkeeda waddamada Islaamka ugu ad’adagi xidhiidho wanaagsan la leeyihiin Galbeedka, waxaanay tusaale usoo qaateen Sacuudiga oo ah saaxiibka ugu dhow Maraykanka marka Bariga la joogo, haddana ah waddanka ugu ad’adag dabbaqidda axkaamta Islaamka iyo Turkiga oo ah awoodda labaad ee isbahaysiga NATO, oo ah dal sooyaal facweyn ku leh dunida Islaamka. Dhinaca kalena, dagaallada ururrada xagjirka ahi ka wadaan meelo badan waa dagaallo gudeed oo ka hor inta aanay dunida Galbeedka gaadhin, waddamada muslimka ahi ku dhib qabaan.
Waxa aan su’aashaas cinwaanka u ah maqaalka kusoo gunaanadayaa jawaab uu bixiyey Ibraahin Maygaag Samatar, mar uu ka hadlayay ‘Hirdanka Xaddaaradaha’. Ibraahin waxa uu aaminsanyahay in reer Galbeedku ay Islaamka la daba socdaan shaambad oo ay ku tilmaamaan dib u socod ka soo horjeeda dimuqraadiyadda, insaaniyada iyo dumarka. Waxa uu aaminsanyahay in waxyaabahaas oo dhammi yihiin dhaliilihii hore ee gumaysigu dunida Muslimka ka faafin jireen (orientalism). Reer Galbeedku dunida kale oo dhan waxay u arkayeen dad aan garaad ku filan lahayn, oo u baahan in la maamulo, iyaga oo qofka cadna ka dhigaya qof tamar badan oo garaad sare leh. Ibraahin sidoo kale hindisaha ‘Hirdanka Xaddaaradaha’ ee uu Huntington keenay waxa uu u arkaa wax cudurdaar looga dhiganayo duullaankii Ciraaq, Afgaanistaan, Soomaaliya iyo meelo kale ay reer Galbeedku ku qaadeen. ‘Loollanka Xaddaaradaha’ waxa uu Ibraahin ku tilmaamay mala’awaal aan sal lahayn, sooyaalkana ka fog, waxaanu qiray in dunidu si nabad ah ku wada noolaan karto, aqoontana la kala qaadan karo. Ibraahin marka uu buriyey in dagaal guud oo Islaamka iyo Galbeedka ka dhexeeyaa jiro, waxa uu sidoo kale tilmaamay kooxaha xagjirka ah ee dadka aan waxba gaysan dila, magaca Islaamkana dadka ku dulmiya, dadkaasina ay reer Galbeedka marmarsiiyo u siinayaan inay dunida Islaamka dagaallo siyaasadeed iyo millatari ka oogaan.