Thursday 21 November 2024
1960 waxa midoobay laba qaybood oo ka mid ah Shantii Soomaaliyeed ee uu gumaysiga reer Yurub qaybiyey. Si guud, intii dedaalka xornimodoonku socday, Soomaalidu waxa ay u hanweynaayeen dawlad ay Shanta Soomaaliyeed ku midoobaan, sidaas darteed, labada qaybood ee sida dhakhsaha ah isugu biiray waxa ay isku dayeen ka dhabaynta hankaas Soomaalinnimo. Dhaliilo badan oo jiilkii dambe u soo jeediyaan dadkii midnimada sida degdegga ah u galay, dadkaas umay muuqan, kala qaybsanaantana raad gumaysi ayay ka urinayeen. Balse, waxyar ka dib, waxa soo baxay saluug iyo filanwaa laga la kulmay waxyaabo aan hore loo sii qorshayn. Judhiiba Waqooyigu waxa ay saluugeen qaabka loo qaybsaday maamulka, Koonfurtana waxa ay u arkeen dad dawladda xigsanaya. Intaas ka dib, waxa xigay xukun milatari oo gacan kulul, oo saluuggii uu Waqooyigu qabay kelitalisnimo ugu daray.
Muddo dheer ka dib, oo ay SNM dagaal kula jirtay nidaamkii Siyaad Barre, ugu dambayn waxa meesha ka baxay nidaamkii, SNM-na waxa ay si buuxda gacanta ugu dhigtay dhulkii ay u dagaallamaysay. 18-kii May 1991-kii SNM waxa ay ku dhawaaqday in Somaliland waddan gaar ah noqoto, oo aanay ka sii mid ahayn Soomaaliya, sidaasna waxa ku samaysmay Jamhuuriyadda Somaliland. Muddadaas ay Somaliland jirtay, waxa u qabsoomay qodobbo badan. Somaliland waxyaabaha ay ku guulaysatay waxa ka mid ah dhabaynta nabadda iyo dib-u-heshiisiin ballaadhan, iyo isku dhafka dhaqanka iyo dimuqraadiyadda, iyadoo odayaasha dhaqanka ee ka talabixin kara arrimaha taagan lagu dhafay xildhibaannada dadku soo doortaan ee danahooda u taagan.
Marka laga yimaaddo guulaha waaweyn ee ay Somaliland muddadaas dhabaysay, haddana, saddex iyo soddon sano ka dib markii ay madaxbannaanideeda ku dhawaaqday, Somaliland waxa ku gadaaman caqabbado badan, waxaanay taagan tahay waddooyin kala baydhaya oo ay tahay in la qorsheeyo midda la raacayo. Dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka, saamiqaybsiga beelaha wada deggan dalka, wada-hadallo Koonfurta lala yeesho, Golaha Guurtida iyo soo xulidda xubnahaas, aqoonsi raadinta, dhaqaalaha iyo xitaa arrimaha Islaamka iyo xagjirnimadu waa qaddiyado Somaliland horyaalla oo u baahan dib u eegis iyo gorfayn.
Ibraahin Maygaag Samatar (1942-2011) waxa uu ahaa aqoonyahan u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland, dedaal badanna ku bixiyey in ay Somaliland aqoonsi hesho. Sannadihii u dambeeyey noloshiisa waxa uu qoray maqaal uu mawqifkiisa ku caddeeyey, arrimo badan oo jiritaanka Somaliland khuseeyana ku faahfaahiyey, oo uu ka talo bixiyey. Maqaalkan waxa aan is dultaagayaa qodobbadaas gilgili kara jiritaanka Somaliland, anigoo garab wada talooyinkaas Ibraahin iyo sida uu u arkayay in caqabbadahaas looga gudbi karo.
Soomaaliya iyo Somaliland (Koonfur iyo Waqooyi) waxa ay isku biireen 1 Julaay, 1960. Xukun dheer oo milatari ka dib, 18 May 1991 Somaliland waxa ay ku dhawaaqday madaxbannaani. Wallow ay Somaliland go’aansatay madaxbannaani, haddana Soomaaliya waxa ay u aragtaa go’itaanka Somaliland go’aan dalka lagu kala jarayo oo midnimadii Soomaaliya lagu wiiqayo. In kasta oo aanay Koonfurtu helin nabad muddo dheer, haddana xukuumadihii ku meelgaadhka ahaa ee Koonfurtu waxa ay Somaliland ku eedaynayeen goonni-isu-taaggaas, balse ma jirin kulan la isugu yimi oo labada dhinac wax isla eegeen muddo dheer. 2012 shirkii Soomaalida ee London ka dhacay, oo ah markii koowaad ee ay Somaliland ka qayb gasho shir Soomaaliya loo qabtay, waxa la isku afgartay in wadahadallo Somaliland iyo Soomaaliya ah la bilaabo. 2012 ilaa 2023 labada dhinac waxa ay yeesheen wadahadallo iyo kulanno ka dhacay London, Dubay, Istanbul iyo Jabuuti. Kulannadaas muddada dheer socday, marka laga reebo qodobbo labada dhinac isla qaateen, walow aanay fulinba, haddana marna si dhab ah miiska looma keenin isku biirid iyo kala go’; Somaliland oo go’itaankeeda u aragta arrin aan gorgortan geli karin iyo Soomaaliya oo midnimada muqaddas u aragta ayaa mar kasta miiska wadahadalka iman jiray kuna kala tegi jiray (Muhumed: 2019). Sidaas darteed, wadahadallada muddadaas socday waa kuwo madhalays ah, inta badanna, marka wadahadalladu dhammaadaan, Somaliland waxa ay Koonfurta ku eedaysaa in qodobbadii hordhaca u ahaa ka hadalka qodobbada waaweyn aanay fulin, kuwaas oo sii fogaynaya in si niyadsan mawduucyada kale loo bilaabo, lana abbaaro doodda dhabta ah ee labada dhinac dhextaal.
Ibraahin Maygaag Samatar waxa uu maqaalkiisa “Where I Stand” ee uu mawqifkiisa ku caddeeyey ku faahfaahiyey suuragalnimada midnimo dambe oo dhacda iyo mawqifka ay tahay in Somaliland markasta istaagto. Ibraahin waxa uu midnimadii Somaliland iyo Soomaaliya ee lixdankii dhacday uu u arkaa mid si degdeg ah u dhacday oo aan wadahadal la gelin, eedda degdeggaasna waxa uu Ibraahin saaray hoggaankii iyo guud ahaan dadkii talogaleenka ahaa xilligaas. Ka fiirsasho la’aantaas waxa xigay in dawladdii markaas dhalatay ee ay Muqdisho caasimadda u noqotay aanay marnaba si caddaalad ah ula dhaqmin dhinacii kale ee wax ku darsaday, saluugga waqooyiguna markaas ayuu bilaabmay. Sida uu Ibraahin aaminsanyahay, saluuggaas jiray bilawgiiba, waxa uu ahaa wax loo dulqaadan karo, kol haddii dalku dimuqraaddi ahaa oo la naawilayay imaatinka xukuumad si wanaagsan isugu dheellitirta baahiyaha dalka, balse rejadaasi waxa ay god gashay markii talada dalku u gacan gashay millatariga.
Dagaalkii dheeraa ee ay SNM la gashay xukuumaddii Siyaad Barre iyo goonni-isu-taaggii ay Somaliland ku dhawaaqay 1991-kii, Ibraahin waxa uu u arkaa xalka kaliya ee Waqooyiga u furnaa. Waxa uu ku talinayaa in bulshada Somaliland ku fara adaygaan go’aankooda, oo aanay dib ugu laaban midnimo dambe oo lagu hungoobo. Sidoo kale waxa uu ku taliyey in Soomaaliya aqbasho go’aankaas aan ka soo noqodka lahayn ee ay Somaliland gaadhay. Haddii heerkaas la gaadho, oo Soomaaliya tixgaliso go’aanka shacab ee Somaliland, waa marka ay samaysmayaan laba dal oo Geeska ku wada yaal oo walaalo ah, xidhiidh wanaagsanna leh.
Goonni isu taagga Somaliland waa wax ku yimi go’aan shacab, mana aha wax koox ama xisbi gaar ahi go’aan ka gaadhi karaan. Sidaas darteed, ilaalinta go’aankaasi waa waajib saaran cid kasta oo reer Somaliland ah, lana yeesho higsi qaran oo ku aaddan ilaalinta madaxbannaanidaas iyo in cid kasta oo ay khusayso laga dhaadhiciyo.
Somaliland waxa ay dunida ka raadisaa aqoonsi, waana mid ka mid ah caqabbadaha ugu waaweyn ee Somaliland horyaalla laga soo bilaabo 1991-kii. Midawga Afrika, Qaramada Midoobay iyo beesha caalamkuba waxa ay ku adkaysanayaan in Soomaaliya ay hal dal ahaato, marmarsiiyaha u weyn ee miiska saaranina waa in aan dalalka kale ee Afrikaanka ah tusaale loo noqon, oo go’aanka goonni-isu-taaggu noqon tusbax furmay oo aan loo taag helin. Si kasta oo aqoonsigu u adag yahay, haddana in Somaliland dedaal bixiso, oo miisaska qaddiyaddeeda ku habboon tagtaa waa wax waajib ah, haddii kale xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan.
Nasiibdarro, muddooyinkii dambe aad ayaa looga gaabiyey aqoonsi raadinta, dedaallada lagu bixiyaana waa kuwo habqan ah, oo aan si nidaamsan oo loo agaasimin. Harawsiga shacabka iyo in dadka koox gaar ahi ku madadaaliso aqoonsiga waa curyaamin, waxaanay keenaysaa in aqoonsigu noqdo dan kolba koox gaar ahi bulshada ku kasbato, oo aanu madadaalo dhaafin, ugu dambaynna dadku ku hungoobaan ballanqaadyada beenooba, sidaasna lagu illaawo albaabo badan oo hore loo garaaci jiray, miisaskii qaddiyada Somaliland la gayn jiray. In laga gaabiyo aqoonsi-raadinta waa waddo dad badan ku ridi doonta u hillawga midaw dambe, dadkuna doorbido in dhinac uun loo dhaqaaqo.
Ibraahin Maygaag Samatar waa mid ka mid ah dadkii ugu horreeyey ee aqoonsi-raadinta dedaalka geliyay. Waxa uu aaminsanyahay in aqoonsi raadintu noqoto shaqo reer Somaliland oo dhan u taal. Waa in xukuumadda, oo iyadu dedaalka hor kacaysa, golayaasha sharcidejinta, xisbiyada qaranka iyo ururrada bulshaduba waajibkan ka qayb qaataan, waana in la jeexaa tub dedaalkaas lagu xaqiijinayo. Waa in aan kaliya la danayn waddamada muhiimka u noqon kara qaddiyada Somaliland, ee waa in goobjoog la ahaado shir kasta oo caalami ah iyo mid goboleedba oo arrimaha Soomaalida lagu faaqidayo. Sidaas oo ay tahay, Ibraahin waxa uu ku dardaarmayaa in aan shir ama kulan laga qayb galin ay Somaliland u eekaanayso dhinacyada Koonfurta Soomaaliya isku haysta. Ibraahin waxa kale oo uu aaminsanyahay in Koonfurta Soomaaliya si miyirqabta oo habboon madaxbannaanida Somaliland loogala hadlo, oo aan la dayacin fursadaha saaxiibbo wanaagsan oo Koonfurta ah lagu samaysan karo, si loo helo cid Koonfurta ah oo qaddiyada Somaliland u garawda.
Dimuqraadiyadda Somaliland waxa udubdhexaad u ah doorashada qof iyo codka ah, iyo nidaamka xisbiyada badan, ee bulshada u sahla inay doortaan qofka ay ku qancaan. Muddo dheer Somaliland waxa caqabbad ku ahaa isqabqabsiga soo laablaabta ee ku saabsan muddaynta doorashada, waana caqabbad jiritaanka Somaliland halis gelisay marar badan. Inkasta oo muddada madaxweynuhu tahay shan sanno, haddana ma jiro madaxweyne muddadaas go’an ku tegay, markastana waxa jirtay muddo-korodhsi. Dhibaatooyinka waaweyn ee ka dhashay muddo-kordhinta waxa ugu dambeeyey khasaarihii dhimasho iyo dhaawacba lahaa ee loo gaystay dad si nabdoon 11-kii August, 2022 uga muddaharaaday dib-u-dhigidda doorashada, oo ay ahayd in ay dhacdo 13-kii November, 2022.
Dhinaca kale, dimuqraadiyaddu waxa ay ilaalisaa xuquuqda dadka. Muwaaddin kastaa waxa uu xaq u leeyahay in uu qayb ka noqdo go’aanka dalka, isagoo u maraya codkiisa oo uu ku doorto cidda metelaysa. Muwaaddinku waa qofka awoodda siiyey qofka talinaya, waana waajib in la maqlo codkiisa. Sidaas darteed, nidaam dimuqraaddi ah waxa dhaawac weyn ku ah in uu cabudhiyo codka muwaaddinka, gacan kululna kaga jawaabo doonistiisa. Dhuumaha ugu muhiimsan ee codka shacabka laga maqlo waxa ugu horreeya warbaahinta oo dad badan gaadhi karta, sidaas darteed, cagajuglaynta warbaahinta loo gaystaa, waa cabudhinta codka shacabka.
Ibraahin Maygaag waxa uu aaminsanyahay in hannaanka dimuqraaddiga ah ee reer Galbeedka laga keenay aanu noqon mid aan waxba laga beddeli karin. Waa in dimuqraadiyadda lagu jaangooyaa dhaqanka Somaliland ka jira iyo caqabbadaha jira ama iman kara. Waxa uu aaminsanyahay in hannaan dimuqraaddi ah oo la qaatay iyo xisbiyo qaran oo la furaa aanay dawaynayn dhammaan dhibaatooyinka dalka ka jira, ee loo baahan yahay dad maskax furan oo wax rogrogi kara, wixii habboonna ansixin kara, dimuqraadiyadda, doorashooyinka iyo hannaanka ugu wanaagsanba ku jaangoyn kara dhaqanka, deegaanka iyo xaaladaha taagan. Haddii kale xisbiyada laftoodaa noqonaya kelitalisyo xaddida go’aanka qofka iyo bulshada wax dooranaysaba.
Ibraahin waxa uu soo jeediyey laba qodob oo uu arko in lagu xaqiijin karo dimuqraaddiyad hanaqaadda oo dhaqankana ku jaan go’an:
1: Marka koowaadba waa in xisbiyadu noqdaan dimuqraaddi. Waa in xubnaha xisbigu awood dhammaystiran u leeyihiin doorashada cidda ku matalaysa doorashada guud iyo cidda hoggaaminaysa xisbigooda, oo ay sidoo kale awood u leeyihiin inay samaystaan guddi hoosaadyo. Sidani waxa ay suurogalinaysaa in xubnaha xisbiga ku jiraa leeyihiin hal ujeeddo oo cad oo ay ka midaysan yihiin, kana go’an tahay inay fuliyaan iyo guddoomiye ujeeddadaas lagu doortay, oo aan dano kale lagu dooran. Haddii aan qodobkan si dhab ah loo hirgalin, xisbiyadu waxa ay noqonayaan beelo isbahaysta oo kolba qolo la riixo.
2: Qodobka labaad waa in maamul-daadajin la hirgaliyo, si dhab ahna loo sharciyeeyo. Degmooyinka iyo gobolladu waa in aanay keliya dadka metela dooran, ee waa in ay xitaa u madaxbannaanaadaan mashaariicaha horumarineed ee degmadaas ama gobolkaas laga qabanayo. Dawladda dhexena waa in ay qaadataa kaalinta ah korjoogtaynta, qorshaynta, isku xidhka iyo ilaalinta nabadgalyada.
Beeluhu kaalin muhiim ah ayaa ay ugu jiraan bulshada Soomaalida. Somaliland marka la joogo, waxyaabo badan waxa lagu jaangooyaa beelo, waana la ogyahay in aan tallaabo la qaadi karin la’aantood. Shirkii Boorama ee dib-u-heshiisiinta, oo dhacay 1993-kii, waxa ergadii imanaysay lagu saleeyey beelaha deggan Somaliland, si talada loo ballaadhiyo, oo aanay beel gaar ah ugu koobmin. Shirkaas qodobbo badan ayaa la isla qaatay, bari ilaa galbeed beelaha Somaliland degganina ergo ayaa ay soo dirsadeen. Dib-u-heshiisiintaasi waxa ay meesha ka saaraysay tuhunkii ahaa in beeshii SNM u badnayd isku koobto talada, oo ay aayaha Somaliland-na keligeed wax iska weydiiso.
Muddadii Somaliland jirtay waxa soo baxday tabasho ay beelo badani qabaan, iyaga oo wax iska weydiinaya saamiqaybsiga. Runtii ma jiro hannaan hadda diyaar ah oo bulshada Somaliland iyo beelaha deggani isku raacsan yihiin in looga guuro, waxna lagu qaybsado. Beeluhu waa wax qarniyo soo jiray, dad badanna ugu jira kaalintii xukuumadaha iyo hay’adaha dawladda. Sidaas darteed, in saamiqaybsi beelo ku dhisan laga gudbaa waa wax wakhti dheer qaadanaya.
Ibraahin Maygaag Samatar, isagoo fahansan muhiimadda kaalinta qabiilka, ayaa uu xusayaa in qabiilka dhinaca wanaagsan looga faa’idaysan karo. Qabiilka waxa uu u arkaa middi laba af leh, oo ku xidhan kolba sida madaxda iyo hoggaamiyayaasha markaas joogaa u adeegsadaan. Si la mid ah sidii dib-u-heshiisiinta looga faa’idaystay ayaa wanaag kalena loogu adeegsan karaa, dhinaca kalena qabiilku wuxuu noqon karaa wax dad badani u adeegsadaan in dagaallo lagu oogo.
Bulshada Soomaalidu waxa ay lahayd dhaqan fil weyn oo khuseeya garta iyo garsoorka, waxa kale oo dhaqan loo lahaa wadatashi iyo wax is weydiin dad guurti ahi ka arrimiyaan, geedkuna waxa uu ahaa golaha garta lagu qaado, wadatashigana lagu sameeyo. Markii dawladnimo casri ah la helay, waxa ay noqotay in aan meesha laga saarin kaalintii odayga dhaqanyaqaanka ahi ku lahaa wadatashiga, balse waxa soo kordhay nidaamyo cusub oo aan qofka Soomaaliga ahi sawiran karin berigii hore. Ilaalinta xaqa muwaaddin kastaa u leeyahay aayo-ka-tashigu waa xaq dastuuri ah oo nidaamka dimuqraaddiga ahi dhigayo, cid uu codkiisa ku doortayna waa in ay arrinkaas ku meteshaa. Waxyaabaaha Somaliland lagu ammaano waxa ka mid ah in dimuqraadiyadda lagu jaangooyay dhaqanka bulshada ee soo jireenka ah, billawgii asaaska Somaliland-na laga qayb galiyey odayaasha dhaqanka. Balse, in odayaasha dhaqanku, iyaga oo aan si dimuqraaddi ah loo dooran, go’aanno masiiri ah gaadhaan, sharci-dejin ahaanna u dhaqmaan waa su’aal dad badan ku taagan.
Ibraahin Maygaag Samatar waxa uu aaminsanyahay in Guurtida Somaliland ay ku timi maskaxdii SNM. Waa dedaal ay SNM bixisay si looga badbaado dhibaatada qabiilku keeni karo. In odayaasha dhaqanka laga dhigto dad talada la weydiiyo oo keliya, waxa ka xeeldheer in haayad sharcidejin laga dhigay oo awood gacantooda la geliyey. Sidaas oo ay tahay, haddana Golaha Guurtidu dhibaato ayuu yeeshay. Sidee lagu soo dooranayaa? Ma dhaxal baa? Intee in le’eg bay fadhiyi karaan golaha? Waa su’aasha u weyn ee dad badani qabaan, kuna saleeyaan dhaliisha ay Guurtida u hayaan. Muddo dheer oo ay joogeen, isku cusboonaysiinta muddada ay joogayaan, iyo in ay marar badan qayb weyn ka qaataan khilaafka doorashooyinka madaxtooyadu waa caqabbado waaweyn iyo dhaliil Golaha Guurtidu leeyahay. Ilaa hadda ma cadda hannaan Golaha Guurtida lagu soo dooran karo, billawgiina, xubnaha Golaha Guurtida waxa lagu soo doortay qaab dhaqan oo aan waafaqsanayn doorashada qofka iyo codka ah.
Dad badan ayaa aaminsan in xubnaha Golaha Guurtida loo doorto qaab la mid ah sidii xubnaha Golaha Wakiillada loo doortay. Waa in doorasho qof iyo cod ah loo qabto. Balse Ibraahin Maygaag Samatar waa uu ka soo horjeedaa qaabkan, oo waxa uu u arkaa in ay tahay Golaha Wakiillada oo mar kale la doortay uun ama sida in tiradooda la kordhiyey. Guurtidu waa gole dhaqan, markaas waa in uu ka duwanaadaa. Ibraahin waxa uu soo jeediyey qaab ka duwan kaas oo caqabbadan lagu xallin karo: Golaha Guurtidu sidiisa ha ahaado, balse dood ha laga galo sida dhaqanka iyo doorashada dimuqraaddiga ah la isku waafajin karo. Golaha Guurtidu gole dhaqan ha ahaado, oo yaanu noqon gole la mid ah kan Wakiillada, balse haddana waa in la helo qaab beeluhu si siman ugu soo dooran karaan ama iskaga soo dhex saari karaan dadka ku metelaya ee talogaleenka noqon kara. Ibraahin, sida aan kor ku xusayba, waxa uu aaminsanyahay in dimuqraadiyadda iyo dhaqanka la isku jaangooyo, waana in maskax furan oo wax abla’ablayn karta la yeesho.