Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Kala Soocidda Diinta iyo Dawladda: Islaamku in uu Diinta Dawladda Noqdo ma u Danbaa?

25 August, 2024
Image
diin iyo dawlad
(Sawirka:y Artur Widak/NurPhoto via Getty Images)
Share

Waddamada dadka muslimka ahi ku badanyihiin waxay bilaabeen bilawgii hore ee qarnigii labaatanaad inay bulshooyinkooda ku dabbaqaan cusboonaysiinta iyagoo naawilaya in nolol cusub la galo. Haddana waddamadaasi waxa ay dastuurradooda ku dhigeen in Islaamku diinta dawladda yahay, qodobkan oo ku tusinaya koobnida cusboonaysiinta ay rabeen, iyo awoodda dadka ka soo horjeeda cusboonaysiinta ee ah dadka dhaqanka ku dheggan. Jawigaas siyaasaddeed iyo aqooneed ayaa ay dawladda Aljeeriya xornimo heshay sannadkii 1962-kii, iyaduna waxa ay dastuurkeedii 1963-kii, qodobka afaraad, ku caddaysay in Islaamku diinta dawladda yahay, waana isla mabda’a dastuurradii kale ee ka dambeeyey ku soo noqnoqday. 

Weedha ah: “Islaamku waa diinta dawladdu” waxa ay yeelan kartaa laba macne oo kala duwan, dhinaca kalena is dhammaystiraya. Macnaha koowaad waa in Islaamku dawladnimada qayb ka yahay, si la mid ah sida loo odhan karo kitaabka ‘Jamhuuriyaddu’ waa buuggii Plato. Marka macnahan la eego waxa ka dhalanaysa in dawladdu tahay ta ilaalinaysa diinta oo ula dhaqmaysa sidii mid ka mid ah haayadaheeda dawladdeed. Macnaha kalena waa in dawladdu Islaam tahay, si la mid ah sida loo odhan karo hebel diintiisu waa Islaam. Marka ay dawladdu tahay wax iskeed u taagan oo aanay suuragal ahayn inay aaminaad yeelato, markaas oo kale waa suuragal inay xukuumadi Islaamka diin ahaan u ilaashato, oo ay ka dhalanayso in xukuumaddu marka ay adeeg fulinayso ay ilaaliso dardaaranka Islaamka. 

Labada macne ee mabda’aas ‘Islaamku waa diinta dawladdu’ yeelan karaaba waxay dhibaato weyn ku yihiin Islaamka laftiisa. Dhibaatadaasi waa mid la xidhiidha shaqada diinta ee ah rooxaaniyad iyo adkaynta xidhiidhka Alle la la leeyahay, waana macnaha dhabta ah ee ereyga diin ku jira. Diintu waa dhaqanno uu aadamuhu u sameeyo Ilaaha uu caabudayo, diintana marka dawladda la soo dhex geliyo waxay noqonaysaa haayad dawladdeed oo waxa ay iska beddelaysaa asalkeedii, waxaanay u xuubsiibanaysaa siyaasad. Haddii diintu noqoto haayad dawladdeed, dadkii ku dhaqmayay dardaaranka iyo axkaamta diintaas waxay u samaynayaan qaab sandulle ah oo aannay ku qanacsanayn, balse ay fulinayaan awaamiirta dawladda, Kol haddii aragti kale oo diintaas ah uu qofku keeno ama uu ka baxaba, loo arkayo qof awaamiirtii dawladda ka horyimi. Markan oo kale, halkii diintu ka noqon lahayd iimaan ka dhashay aaminaadda qofka, waxay noqonaysaa mid ku sal leh siyaasad dawladdeed iyo fulin amar dawladdeed, weliba dad badani laba-wajiilayn ayaa ay ku wadayaan dhaqangelinta arrimaha diinta. 

Dhinaca kale, mabda’a ah ‘Islaamku waa diinta dawladdu’ waxa uu kharribayaa dhinaca aqooneed ee Islaamka. Sababtoo ah, Islaamku, si la mid ah diimaha kale ee Samaawiga ah, waxa uu ku qotomaa fikradda sugidda jiritaanka Eebbe iyo dhabnimadiisa, oo ah wax ka sarreeya halka fikirka iyo fahanka aadamuhu gaadhi karo. Marka salkaas la eegayo, qofka muuminka ahi waa in uu baadhitaanka iyo baadiddoonka dhabnimada Eebbe mar kasta uu ku dhex jiro, isagoo doonaya in uu ku dhawaado heerka ah inuu gaadho meel uu amarka Eebbe fulin karo isagoo doonis buuxda u haya fulintaas oo haysta xorriyad dhammaystiran oo uu ku fikiro waxna isku weydiiyo. Qodobkani waa mid aan suuroobayn marka diinta laga dhigo diin dawladdeed, sababtoo ah taliskaas jooga ayaa qofka ku waajibinaya qaabka uu diinta u arko, una diiddaya fikir kasta oo kale oo ka duwan kiisa. 

Mabda’a ah ‘Islaamku waa diinta dawladdu’ keliya Islaamka dhib kuma aha, ee dawladdana waa ku dhib. Waxa uu dawladda hor dhigayaa su’aal ah, kol haddii Islaamku mad’habyo iyo aragtiyo kala duwan yahay, waa kee Islaamka diinta dawladda noqonayaa? Ma ka Alle agtiis ah ee caqiidada Islaamka ku sheeggan? Mise ka nusuusta diiniga ah ku sugan? Mise ka dadka Muslimiinta ahi fahansan yihiin ee ay ku dhaqmaan? Kala duwanaantaasi waxay muujinaysaa saddex heer, oo heer kastaa halbeeg gaar ah leeyahay. Ka hore waa mid la xidhiidha dunida Miitaafiisiga iyo Ilaaha aan aadamuhu arag, heerka labaadna waxa uu la xidhiidhaa Islaamka saafiga ah ee aan aadamuhu faragelin siduu kusoo degayna ah, ka saddexaadna waa ka ay dadku isku dayeen in ay faahfaahiyaan oo ay fahmaan, waana ka dadku ku dhaqmeen. Haddaba heerkan saddexaad waa ka looga jeedo ‘Islaamku waa diinta dawladda’, balse dhibtiisu waa in fahanno kala duwani jiraan. Waa kala duwanaan ku aroorta qaabkii fahanka iyo hababkii ay dadku ugu dhaqmeen. Tusaale dad baa odhan kara [galbeedka Afrika] Islaamka loo jeedaa waa mad’habka Maalikiga, wasaaradaha diintuna waxay sheegayaan in mad’habkaas Maalikigu yahay tixraaca diineed ee loo noqonayo, balse dhibtu waa in aannay dadku wada Maaliki ahayn, ama xitaa aannay ahayn Islaamka sunniga ah. Dad kala duwan oo Suufi, Cibaadi, Wahaabi, iyo noocyo kaleba leh baa jiraya, weliba waxa suure ah in dadka dawladda ku dhaqan oo dhammi aannay muslim wada ahayn. [Waxa aynnu arkaynaa kooxo] si adag isugu haya diinta noqonaysa diinta dawladda, kol haddii Islaamkii haayad dawladdeed laga dhigayna, waxa meesha ka soo baxaysa inay jirto haayad dawladdeed oo aannay caddayn siyaasaddeeda dhabta ahi, waana waxa dhibta ku ah dawladda. 

Ujeeddada dawladdi u jirtaa waa in ay dawlad u noqoto dhammaan muwaaddiniinteeda, waana sida keliya ee ay magaca dawlad ku qaadan karto. Waa ujeeddo ay ka gaabinayso dawladda diin gaar ah sheegataa, sababtoo ah, waxa ay dawlad u noqonaysaa qayb dadka ka mid ah. Dawladda sheegata inay [mad’hab gaar ahi] u tahay diin, waa mid is burinaysa, sababtoo ah waxa meesha ka baxaya dhabaynta sinnaanta dadka ee distuurka ku sheeggan iyo Baaqa Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay.

Shardiga koowaad ee sinnaantu waa dhexnimada dawladda, oo aannay u kala xaglin aaminaadaha diineed iyo kuwa aan diiniga ahaynba ee ay dadku haystaan. Se arrinkani ma dhaboobayo marka dawladdu sheegato inay diin gaar ahi u tahay diinta lagu dhaqmayo, oo waxa ay markaas u xaglinaysaa diintaas lagu sheegay diinta dawladda. Kolkaas, dadku fursad uma helayaan inay aaminaaddooda si xor ah u cabbiraan, dhinaca kalena, dawladdu waxay buunbuuninaysaa aaminaaddaas ay soo dhawaysatay, iyadoo aaminaaddaasi tahay mid dadka qaybi uun haysato. Waxa tusaale u ah in dhammaan caruurta hal qaab xiisadaha diiniga ah loo siiyo, iyadoo aan la eegin aaminaaddaha waalidkood, ama in dhammaan qoysaska hal xeer-qoys lagu dhaqo, iyadoo aan la eegin aaminaaddooda, waana dhaqan ka hor imanaya caddaalada bulshada. Marka higsiga dawladdu yahay dhabaynta caddaaladda, waxa ku waajib ah inay tixgaliso xeerarka ku xusan dastuurkeeda, oo ah qodob [dawladdo Islaam ahi] ku guuldarraysteen. Xeerka qoyska ee [dawladdaha Islaamka] oo laga soo dheegtay diintu, waxa uu ninka, ninnimadiisa oo keliya, ku siinayaa sarrayn gaar ah oo aannay gabadhu lahayn, waana kala soocid jinsi ku salaysan, oo ka hor imanaysa dastuurka qiraya sinnaanta muwaaddiniinta dawladdaas. Marka xeerkan la dejinayo, waxa la aaminsanyahay in xeer shareecada waafaqsani ka muhiimsanyahay ku dhaqanka dastuurka. Xeerka [aaminaaad gaar ah khasbaa] waa mid ka hor imanaya xeerarkii kale ee xorriyada iyo sinnaanta muwaaddiniinta sheegayay, waana iska hor imaad luminaya kalsoonidii dawladda lagu qabay. 

Laga soo bilaabo todobaatanaadkii qarnigii tagay, in kasta oo dawladdaha Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ay ku dhawaaqeen in diinta dawladdu tahay Islaamka, haddana waxa ay ku gudo jireen inay cilmaaniyeeyaan siyaasaddahooda iyo bulshooyinkoodaba. balse, dedaalkaasi ma mirodhalin. Xabiib Burqiiba kuma guulaysan in uu xeerka qofka khuseeya ka xoreeyo dardaaranka diineed iyo dhaqannada soo jireenka ah, Aljeeriyana kuma guulaysan inay soo saarto xeer-qoys oo caqliga ka yimi, kana madaxbannaan shareecada. Arrimahani waxay caddayn u yihiin in aanay dawladdahaasi ku guulaysan inay dhisaan dawladdii cusbayd ee ay rabeen. 

Arrinku kuma istaagin xadkaas, ee mabda’a ah “Islaamku waa diinta dawladdu’’ waxa uu noqday albaabka diintu ka soo gasho in ay faragaliso arrimaha siyaasadda iyo qaanuunka. Sannadkii 2016-kii, waddanka Aljeeriya waxa ay dastuurkeeda kusoo dartay xeerka 50-naad oo si cad u tilmaamaya in xorriyada hadalku ku xidhan tahay xuduudda uu dhigayo anshaxa diineed. Waxa ka dhalanaya in dawladdu diin cayiman ilaalinayso, oo weliba ah diinta dawladda. Sidan oo kale waxa ay ka dhacday dalka Tuunis, oo xeerkan dastuurka lagu soo daray sannadkii 2014-kii. Waa laba xeer oo tilmaamaya in dib-u-noqosho weyni ku timi hankii ahaa in dawlad cusub la dhiso, bulshadana la horumariyo. Waxa meesha ka baxay shaqadii dawladda ee ahayd inay qofka ilaaliso, balse aan loo dirsan in ay Ilaahay ilaaliso. Waa macnaha dhabta ah ee ay dawladdi leedahay, waana sababta bulsho ku heshiin karto. Mabda’a ah “Islaamku waa diinta dawladdu” waxa uu dawladda ka dhigayaa mid u xaglisa cid gaar ah oo ka leexata shaqadeeda ah inay dadka ilaaliso, una leexato ilaalin diin. 

Dawladda rabta inay diin gaar ah ilaalisaa waxa ay isu aragtaa sida waxyiga muuminka la hadla, oo waxa ay shaqadeeda u arkaysaa ka warhaynta aaminaadaha dadka, halkii ay ahayd in ay ku dedaasho rabitaankooda bulsheed, aqooneed iyo siyaasaddeed. Halkii ay dawladdaasi ka damaanad qaadi lahayd shaqo qofku helo, waxbarasho wanaagsan oo carruurtu helaan, hoy, daryeel caafimaad iyo nabadgalyo. Arrinkaas ay isku xilsaartay ee ah ilaalinta diintu, keliya kama fogaynayo shaqadeeda rasmiga ah, ee sidoo kale waxa uu yaraynayaa dedaalkeeda, waxaanu meesha ka saarayaa sinnaanta dadka; rag iyo dumar ama muslimiin iyo kuwa aan Islaamka ahaynba, sidaasna waxa ay ku noqonaysaa dawlad xadgudubka oggol, halkii ay kala dagaallami lahayd. Xuquuqda distuurku qirayo waxa ka mid ah xaqa uu qofku u leeyahay in uu aragtidiisa muujiyo, waxa uu aaminsanyahayna soo bandhigo, waana xeerar la xidhiidha xuquuqda aadamaha. Waa xaq aanay suuragal ahayn inay damaanad qaaddo dawladda diin gaar ah diin dawladeed u aqoonsatay.

Waa lagama maarmaan in diinta iyo siyaasadda la kala saaro

Kala saaridda diinta iyo siyaasaddu waa hab siyaasadda ka dhigaysa siyaasad badhaxtiran, islaamkana diinnimadiisa u ilaalinaysa. Macnaha waa in xad la kala dhex dhigo diinta iyo siyaasadda, oo waa in dawladdu ujeeddooyinkeeda dawladnimo ee casriga ah dhabayn karto. Sidoo kale, kala soocidda wixii siyaasad ah iyo wixii diin ahi waxa uu soohdin kala dhex dhigayaa iska hor imaadyada distuurrada ku jira iyo xeerarka iska hor imanaya, oo qofka golaha sharci dejinta ka mid ahi waxa uu ogaanayaa in shaqadiisu tahay ilaalinta muwaaddinka, ee aanay shaqadiisu ahayn ilaalinta diinta, sababtoo ah kuwo badani waxa ay aaminsanyihiin in kaalintoodu tahay ilaalinta diinta iyo dhaqanka. Suuragal ma aha in dawlad iyo dastuur noqdaan dhex inta ay shaqadooda ka dhigayaan ilaalinta Ilaahay, halkii ay muwaaddinka ka ilaalin lahaayeen. Allena waa ma baahde dhammaystiran.

Xeerarka aan la jaanqadayn horumarka bulshadu waa xadgudub

[Waddamada Islaamku] waxa ay u baahan yihiin xeerar maan furan ka yimi, si ay u ilaaliyaan sinnaanta iyo madaxbannaanida dastuurku xusayo, oo ay noqdaan xeerar bulshada horumarkeeda la jaanqaadaya, waana arrimo aanay diintu oggolaanayn. Xeerarka shareecada waxa loo dejiyey bulsho aan ahayn bulshadeenna, oo noolayd xilli ka duwan kan aynnu noolnahay, waa xilli aan sinnaanta iyo madaxbannaanida la tixgelin jirin. Diinta, oo lagu cibaadaysto, waxa kale oo ay ku suntan tahay isbeddel la’aan, wax-ka-beddelkeeda iyo in lala jaanqaadsiiyo horumarkuna waa wax adag. 

Markaa waxa lagama maarmaan ah in dawladdu ka xorowdo dabarka diinta, si ay u heshiisiiso iska hor imaadka ka dhex jira xeerarka iyo bulshada ay u taliso. Si dawladdu u noqoto mid loo siman yahay, waa in aannay dhinac u xaglin, oo aanay muwaaddiniinta ku kala soocin midab, diin ama jinsi, ee taas beddelkeeda muwaaddiniintu noqdaan kuwo u siman dastuurka,. Kala saaridda diinta iyo dawladdu waa u shardi dhexdhexaadnimada dawladda, waana u shardi in diimaha iyo fikradaha si siman loola dhaqmo. Distuurka doonaya in uu diin gaar ah ilaaliyo, bulshadana diintaas oo keli ah u oggolaado waxa uu garabsiinayaa sii jiritaanka dad aan si furan u fikiri karin in ay sharcidejinta fadhiyaan. Dadkaasi waxa keliya oo ay ka fikiri karaan bulsho aan kala duwanayn. Xidhxidhnaantaas fikir waa mid aan siyaasadda waaqica ah la jaanqaadayn, kuna habboonayn dalka ka kooban gobollada iyo isirrada kala duwan. Dhammaan galdaloolladaasi waxay sii adkaynayaan isburinta xeerarka dastuurka, dawladdana waxay ka dhigayaan mid aan shaqadeeda u qabsan qaab habboon.

Islaamka waxa u dan ah in uu ka xaroobo siyaasadda ku adeeganaysa

Danta Islaamku waxa ay ku jirtaa in uu ka madaxbannaanaado siyaasadda, si uu u noqdo diin haqabtirta baahiyaha aadame ee ruuxiga ah, balse aannu noqon diin u afduuban doonista awoodda siyaasaddeed ama bulsheed. Waa lagama maarmaan in ku abtirsiga Islaamku uu qanaacad ku yimaaddo iyo doonis qofka kasoo go’da. Kuwa Islaamka u adeegsada dano siyaasaddeed ama bulsheed, ujeedkoodu maaha diin iyo Ilaahay ee waa in ay awood helaan. 

Dhibta jirtaa waa in dad badani ka cabsadaan fikradda ah kala saaridda diinta iyo siyaasadda, dadkaas ayaana aaminsan in diintu u baahan tahay dawlad ilaalisa. Ma oga in diintu ku salaysantahay aaminaad oo ah wax ku yimaadda doonis dhab ah, qofkana ka soo go’a. Dawladdu diinta ma ilaalin karto, sababtoo ah dadka kuma sandullayn karto aaminaad, mana u diiddi karto in qofku uu wax aamino. Haddaba, marka diinta loo raadiyo dawlad ilaalisa, oo ah awood ka baxsan doonista qofka gudihiisa ka imanaysa, diintu markaas siyaasad ayay isku beddelaysaa. Diintaas si loo dhawro dad loo ciqaabayo, ayaa ugu dambayn u baaba’aysa dedaalladaas lagu ilaalinayey awgood. John Locke waxa uu ku doodday in ay diintu tahay wax ruuxda dawo u ah, oo aan waxba laga dheefayn in dadka lagu khasbo, sababtoo ah ruuxdu ku caafimaadimayso wax lagu khasbay. Dhinaca kale, fikradda ah in dawladdu diinta ilaalisaa waa fikrad ka hor imanaysa tilmaanta Eebbe ee ah in uu yahay Ilaah dhammaystiran, waxa kale oo ay ka hor imanaysaa nusuus diineed oo Qur’aanka ku jira, tilmaamayana in qofku u madaxbannaan yahay in uu rumeeyo iyo in aannu rumaynba.

Mawduuca ku saabsan kala saaridda siyaasadda iyo diintu waxa uu ina hor keenayaa weydiin adag oo ah: sidee ayaa ay kala saariddoodu ku suuroobaysaa, iyadoo Islaamka iyo siyaasaddu isku soo jireen tan iyo 622-kii miilaadiga? Waa su’aal innagu baraarujinaysa lagama maarmaannimada dib-u-qaabayn lagu sameeyo siyaasadda si diinta iyo dawladda loo kala sooco, dhanka kalena in diinta dib-u-eegis lagu sameeyo, khidaabka diineedna lala jaanqaadsiiyo waaqica jira. Waa arrin aan suurogalayn ilaa fikir ahaan qofku ka xaroobo talisyadii hore iyo dhaqannadii abaaday, waana waxa shardiga u ah cusboonaysiinta nolosha, oo ah, in aadamannimada qaadhaan lagu darsado.