Tuesday 19 November 2024
Qaxoontigu waa xaalad barakac oo ka dhalata nabadgalyadarro ay wajahaan koox dad ahi si ay badbaado u helaana u qaxa meel ay nabad ku dareemayaan, meeshaas ay u qaxayaani waa in aysan noqon meel dalkooda ka mid ah ee ay tahay meel ay xuduudo sharci ah oo jira ay uga tallaabeen. Qiyaas ahaan, 120 milyan oo qof baa dunida qaxoonti ku ah oo ka barakacay dalkoodii iyo deegaankoodiiba, dibna aan ugu laaban karin dalkoodii oo magan u ah dawladdo kale iyo haayado caalami ah.
Sababo badan baa qaxu ka yimaaddaa oo ay dagaalka iyo khilaafyada hubaysani ugu horreeyaan; faramadhnaan iyo saboolnimo, beegsi siyaasadeed, takoor, tacadi wadareed, masiibo cimilo iyo wixii la mid ahina ay ku soo xigaan. Duruufta ka dhalata sababahaasi waxa ay keentaa mushkilad bilaw leh, laakiin aan dhammaad lahayn. Waana mushkiladda qaxoontinimada ee bilawgeeda la garan karo, laakiin dhammaadkeedu u baahan yahay dedaal ka badan wax kasta oo kale si loo dabaqabto.
Meel kasta oo qaxoontigu joogo waa isku waayo, wwaxa ayna wadaagaan dhibaatooyin isu wada eeg oo aan tiro lahayn. Laakiin way kala nasiib badan yihiin oo arxanka iyo diirnaxa ay dunida kale ka helaani wuu kala duwan yahay oo bulsho kasta ayaankeedu waxa uu ku xidhan yahay inta uu leeg yahay tudhaalaha ay dunida kale ka heshay. Metelan, bulshada Ukrayn ka soo qaxday indhaha arxanka leh ee ay dunidu ku eegaysay nasiib uma aysan yeelan in lagu eego kuwa Barma ka soo qaxayay ee bulshada Rohingaha ah. Taasi waxa ay keentaa in ay sed kala wacan helaan bulshooyinka soo qaxay oo ah fursadaha dib u dejinta, aqbalaadda bulshada loo yimi iyo nidaamka dawladeed ah, xaquuq shaqo iyo socod ama wixii la mid ah ee aasaasi ah oo dhan. Mar kastana hagarbaxa loo muujiyo qaxoontiga waxaa jaangoysa tudhaalaha iyo arxanka ay ka haystaan indhaha caalamka.
Metelan shacabkaa Rohinga waxa qabsatay waayo xanuun kulul oo ah in waddankoodii Burma looga arko laaji ka yimid Baangaladheesh oo aan lahayn xaq muwaadanimo. Waxa ay dawladda Burmana u adeegsatay wax kasta oo ay dadkaa ku barakicin karaysay si ay Bangaaladheesh ugu qaxaan. Kolkii ay si habaqle ah ugu qaxeena Bangaaladheeshna ee ay jid halis leh u mareena, kama aysan helin tudhaalihii ay ka filanayeen ee waxa la dejiyay kaamam dayacan oo dad aysan qaadi karin lagu xareeyay. Waxaana halkaa ku haysta caqabado ah hoy xumo, cunto yaraan, daadad, daryeel xumo iyo cidhiidhi badan oo ka haysta deegaanka iyo dadka oo kala badan. Tarxiilka ay kaga maqan yihiin dhulkooda, tudhaale la’aanta ka haysta dunida kale iyo silica ku haysta kaamamka ee bulshadaasi waa waayo ay qabaan oo aan cidina qiyaasi karin xanuunka ay leeyihiin.
Marar badan, waxaa dhacda macaash in laga sameeyo duruuftooda qaxoontinimo oo ah bahdil ku dhaca isla bulshadaa. Muuqaalka deegaanka (Physical environment) ama bidhaanta dadka ee bulshada qaxoontiga ahi, waxa uu gudbiyaa fariin ujeeddo leh si kaalmo badan loogu helo duruuftooda la soo bandhigay. Tusaale ahaan, muuqaalka deegaanka ee ah teendhooyin iyo baco ay liidato hoynimadeedu, waxa uu muujiyaa waayaha daran ee bulshadaa qaxoontiga ah si kaalmo degdeg ah dunida looga soo helo. Bidhaanta iyo araga dadkuna waa la mid qofiba ka uu ka caato, bayhoof iyo dayac badan yahay waa loo xushaa si diirnax iyo taageero loogu helo.
Waxa qaxaa ku luma ee naf iyo maalba leh kolka laga tago, waxaa sii dheer saamayn dhaqan iyo mid saykoolajiyadeed oo uu ku yeesho bulshadaa qaxday, si guud, iyo, si gaar ah, qof walba oo bulshadaa ka mid ah. Labo dareen buuna u dhaxeeyaa waayahaa nafsadeed ee qaxoontigu wajaho oo mid waliba xannuun leeyahay. Ta koowaadi waa silica, qaxa, mooraduuga iyo hanti baaba’, daryeelxumada, gacalwaaga, kufsiga, argagaxa iyo quusta ay ka qaadaan xaaladaha dagaal ee ay ka qaxaan. Ta labaadina waa isla waayo dhaqan iyo id nafsadeed oo ku hela halka ay tagaan ee qaxoontiga ku noqdaan.
Waxa qabsada bulshadaa shoog dhaqan. Waayo, waxa ay dhib ka mutaan in ay la qabsadaan dhaqanka bulshada ay u soo qaxeen oo ay ku kala duwanaan karaan akhlaaqda, caaddada, qiyamka bulsheed, lebbiska iyo aaminaaddaba. Waxaa u sii dheer farqigaa dhaqan iyo aaminaadba ee u dhaxeeya iyaga iyo bulshada ay ku soo qaxeen, in ay kala kulmaan takoor, dhexgal la’aan, aqbalaad la’aan, kala duwanaan luuqadeed, midab iyo isirba. Intaas oo mushkiladeedba, waxa ay bulshada qaxoontiga ah uga baahan tahay masuuliyad ay kula macaamilaan si ay u xalliyaan caqabadaa ay ku khasban yihiin. Caqabada xidhiidhada ah ee kala qabsada bulshada soo hayaantay iyo ta loo yimina, waxa ay keentaa fogayn u qaybinaysa dadka “iyaga iyo inaga.” Bulshada qaxoontiga ah waxa loogu yeedhayaa “iyaga” oo shisheeyinimo muujinaysa, halka kuwa kale oo dhana “inaga” ay noqonayaan oo ah kelmad sokeeyanimo muujinaysa. Taasi waxa ay ku keentaa iswaa, khalkhal haybeed iyo daltabyo.
Mushkiladda saykoolajiyeed ee ay la kulmaan qaxoontigu, waxa ka mid ah walbahaar, diiqad wadareed, xanuuno dhimirka ah iyo xaalado nafsadeed oo kale. Waxaa ka qayb noqon karta kala duwanaanta cimilada ee ka qabsan karta halka ay u qaxaan oo lafteedu xannuuno nafsadeed keeni karta. Xaaladahaas saykoolajiyadeed waxaa ka mid ah rejabeel oo afka Ingiirisigana ah ‘Limbo’ oo ah xaalad saykoolajiyeed oo qofku nafnaco oo sugo in wax wayn oo beddela noloshiisu ay yimaaddaan. Waxa ay tanina curyaamisaa soo kabashadii guud ee bulshada kaga gudbi lahayd waayaha qaxoontiga ee ay ku nool yihiin. Boholyoow ay u qabaan dhulkoodii ayay la daaladhacdaa ruuxdoodu, misana waxa ay ku sandullaysan tahay halka ay joogto. Samafilshada badan ee ay ka qabaan in dhulkoodu hagaago ama dadkoodu hagaagana, waxa ay kordhisaa ama yaraysaa heerka boholyow ee bulshadaa qaxoontiga ahi ay la noolaadaan. Haddii aysan jirin samafilasho badan oo ay ka qabaan in dhulkoodii iyo dadkoodiiba soo hagaagayaan, waxa ay yaraysaa boholyowga ay u qabi lahaayeen. Qoraaga Nuuraadin Faarax oo ka hadlayay tarxiilkiisii dawladdii Siyaad Barre iyo waayihii uu ku noolaaday ee dibadmeerku waxa uu yidhi:
“Dalkaygu waxa uu ku dhintay uurkayga, muddo badan baanan sitay sida hooyo ilmuhu uurka kaga mayday.”
Isla bulshooyinkaa qaxay waxa ay ka leeyihiin kala duwanaan dhaqan oo dhanka ka soo kabashadooda sillica iyo qaxoontinimadaba la xidhiidha. Tani waxa ay muhiim u tahay caafimaadka nafsadeed ee qof walba oo bulshadaa qaxday ka mid ah. Dhaqamada qaar, waxa ay aqbalaan in si furan qofku waxa uurkiisa jiifa ee dhibaya uga warramo, halka qaarna aysan aqbalin oo ay tahay in qofku qarsado waayihiisa. Riiqda iyo xasuusta xun ee ka dhalata qaxu, haddii uusan qofku ka warramin waxa ay boos siisaa dareenada taban ee laabtiisa ku jira in uu la macaamili kari waayo oo ay ka gacansarrayso murugadu. Waxa ay keentaa cabudhsanaan nafsadeed, halka ka warbixinteeduna keento nefis uu ku yaraado culayska riiqdu.
Ka soo kabashada silica iyo qaxu waxa ay qaadataa muddo badan. Xidhiidhada dhexdooda ah ee bulshada qaxday waa qodob wayn oo ka caawiya in ay dhibta la macaamilaan oo marxaladaa ka gudbaan. Bulsho walbana ta ay xidhiidhada dhexdooda iyo taakuladu ka badan tahay ta kale, way uga fududahay in ay dhibta ka soo kabtaan. Aaminaada iyo macnaha ruuxiga ah ee ay qofka u leedahay noloshu, isna waa qodob aan ka yarayn taa xidhiidhada bulshada dhexdeeda ah. Marar badan aaminaada qayb ka mid ahi waxa ay soo kabashada bulshadaa ku noqotaa lid. Metelan, haddii ay tahay in ay aaminsan yihiin in aysan dhibtaa ka bixi karin ee ay aqbalaan. Laakiin, sida badan, aaminaadu waxa ay bulshadaa ka caawisaa in ka yarayso tabaallaha waayaha qaxoontinimada leedahay oo ay noloshooda dib u dhisaan, iyaga oo kalsoonida ay bulshooyinku ku qabaan aaminaadooda ay dawayso boogaha nafsadeed ee waayaha qaxoontiga ka dhashay. Waxa ay u tahay rejasoocelin iyo badbaado nafsadeed oo ay kaga gudbaan rejabeelka iyo waayaha qallafsan.
Waayahaa qaxoontinimadana, waxaa laga dhaxlay in la arko qof bilaa dal ah ama ummad dhan oo bilaa dal oo aan ka haysan sharci dhalasho meelnaba adduunka. Waxaa taa tusaale u ah shacabkii Yuhuudda ee ku kala filiqsanaa dunnida in badan, misana aan dalna sharci dhalasho, xorriyad safar iyo mid shaqo toonna ku haysan. Isla shacabka Falastiina waa tusaale kale oo ayaandarrada qaxoontinimada muujinaya, dalal badan oo ay qaxoonti ku yihiina ilaa maanta aan ka haysan sharci dhalasho iyo xuquuq aasaasi ahba.
Waayaha qaxoontinimaduna, haddii meel laga akhrisan lahaa waxaa laga akhrisan karaa dhafoorka shacabka Falastiin ee meel walba ku silcaya; gurigoodii iyo kii ay u qaxeenba muddadaa qarniga ku siman.
Weligeed si kasta oo ay uga soo kabato bulshadaasi dhibta gaadhay, haddana waxa ay la noolaataa laba xaaladood oo tabasho ah. Mid waxa ay ka qabaan bulshada ay la noolaadaan oo ay weligeed ku dareemaan shisheeyanimo, midna waa boholyow iyo waatabyo ay u hayaan dhaqankoodii iyo noloshoodii hore. Waxa ay tabashooyinkaasi ku kelifaan bulshada in ay si kasta u jecalaystaan abaabul dib u noqosho ah oo ay suuragalnimadiisu yar tahay maadaama oo ay deegaan rasmi ah halkaa ku noqdeen oo tacab gashadeen.
Waxaa halkaa ka soo baxa jiil ayaandarran; waa jiilka ku dhasha xaaladdaa qaxoontinimo oo halkii waalidkood ka yimidna aan dhalasho ku dareemin, halka ay joogaana qariibnimo ku ah. Waana silsilad sii socota mar kasta oo jiilku sii tarmo. Waalidiintaa qaxoontigu ku dhacay waxa ay dedaalkooda geliyaan in ilmahoodu ku noolaado duruuf iyo dhaqan la mid ah noloshii ka jirtay halkii ay ka yimaaddeen. Si ay taa u helaana, waxa ubadkooda la jeclaystaan in dhaqancelin ku sameeyaan. Laakiin, gar looguma laha. Waayo, hanaqaadka ilmahaasi, dhaqan ahaan iyo hayb ahaanba, waxa uu la duruuf yahay halka uu ku dhashay. Ubadkaa ayaankadarani waxa ay noqdaan Ilmihii Soogalootiga. Inta ay jiraana waxa ay la noolanayaan haybkhalkhal ay kala kulmeen waayahaa xanuunka kulul ee qaxoontinimada!