Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Maxaa Hortaagan Muwaadannimada loo Dhanyahay in ay Soomaaliya ka Hirgasho?

7 September, 2024
Image
sa
(Carlos Gonzalez/Star Tribune via Getty Images)
Share

Borofeysar Afyare Cabdi Cilmi, oo ah aqoonyahan daneeya arrimaha dowlad-dhiska, nabadda, iyo dowlad wanaaga ayaa qoray maqaalkan oo bidhaaminaya muwaadinnimada Soomaaliya, caqabadaha iyo fursadaha jira. Intii uu barofaysarku ku guda jiray daraasaddaan, waxa uu adeegsaday habka isku dhafka ah ee habraaca daraasadda (Convergent design). Waxa uu marka hore tixraac ka dhigtay dastuurka Soomaaliya, sharciyada qoran ee arrimaha muwaadinnimada, iyo qoraalada laga diyaariyay muwaadinnimada Soomaaliya (secondry data); halka dhinaca kala na uu waraysiyo la yeeshay siyaasiyiin, ururada bulshada, iyo hoggaanka ganacsatada (primary data).

Ugu horreyn, waxa uu qoraaga Maqaalka ku qeexayaa micnaha muwaadinnimada. Marka xigta, waxa uu sharraxayaa sida nidaamka sharciga ah ee Soomaaliya uu wax uga qabanayo arrimaha la xariira jinsiyadda. Ugu danbeyn, waxa uu qoraagu lafagurayaa caqabadaha iyo fursadaha horyaalla dadka ka shaqeeya dowlad-dhiska ee ku aaddan dhisidda muwaadinnimada qaran ee loo dhanyahay (inclusive national citizenship). 

Dareenka muwaadinnimo

Laga soo bilaabo Giriigii hore, illaa laga soo gaaray dowladnimada casriga ah, aragtiyaha siyaasadeed waxa ay ka doodayeen cidda muwaadinnimada loo tix galinayo (who is included) iyo cidda aan loo tix galinayn in ay muwaadiniin yihiin (who is excluded). Xilligii Aristootal, halbeegga ugu weyn ee la isticmaali jiray si loo qeexo micnaha dhabta ah ee muwaadinnimada wax ay ahayd: Cid walba oo wax xukumi karta, lana xukumi karo. Si kastaba ha ahaatee, waxaa micnaha erayga la horumariyay 1950s, iyadoo T. H. Marshall uu ku qeexay muwaadinnimada, “qofka oo si dhammeystiran uga mid noqda bulshada inteeda kale.” 

Qoraagu wax uu soo qaadanayaa labo aragtiyood, oo si nuxur leh uga hadlaya ciwaanka maqaalkaan, wax ay kala yihiin: 1-Aragtida Marshall ee libiraaliga ah. 

2-Iyo aragtida kumuniteeriyaanka ah (Communitarian theory). Aragtida koobaad ee libaraaliga ah, waxa ay ku doodaysaa in xuquuqnimada qofeed la horumariyo (Individual rights based), haddii ay tahay xuquuqda madaniga ah, tan siyaasadeed, iyo midda bulshada ba. Se waxaa aragtidaas gaashaanka u daruuray aragtida kumuniteeriyaanka, oo qabta in la helo xuquuqiyaadka kooxeed. Wax ayna aragtidaan aaminsantahay, in aragtida libiraaliga ah ay dayacayso haybta kooxeed. 

Sharciyadda muwaadinnimada

Dastuurkii ugu horreeyay oo ay Soomaaliya yeelato, kaas oo la meel mariyay 1960-kii waxa uu damaanad qaadayay xaquuqda madaniga ah, siyaasiga ah, ta bulsheed, iyo dhaqaale ee muwaadinka. Haddaba si jawaab loogu helo su’aasha ah, Yaa ah muwaadin? Ayaa 22 Diseembar, 1962-dii waxa uu baarlamaankii xilligaa ansixiyay SHARCIGA MUWAADINNIMADA SOOMAALIYA. Sida ku xusan sharciga, waxaa muwaadin loo tixgalinayaa cid walba oo asalkeedu uu yahay Soomaali (isir ahaan). Se waxaa qeexitaankaan dood kala hor yimid Paulo Contini, oo isagu ku dooday in qeexitaankan uu yahay mid aan loo dhameyn, maadaama ay jiraan kooxo aan isu tixgalin in ay yihiin bulsho isirkeedu Soomaali yahay. Si kastaba ha ahaatee, baarlamaankii 2012-2016 ayaa ansixiyay SHARCIGA MAAMULKA GOBALADA IYO DEGMOOYINKA. Sida uu qoraagu ku doodayo, sharcigaan waxa uu hoos u dhigayaa, isla markaa na xaddidayaa xuquuqda siyaasadeed ee muwaadinka. Sidee buu u xaddidayaa? Sharcigu waxa uu si dadban u sheegaya; in qofka muwaadinka ah ee Soomaaliyeed uu xil dowladeed ka qaban karo deegaanka amaba gobalka ay reerkiisu ka soo jeedaan oo kaliya, taas oo ka hor imaanaysa mabaadi’da aasaasiga ee sinnaanta bulshada.

Seddexda hayb (identity) ee qoka Soomaaliga ah uu leeyahay

Bulshada Soomaaliyeed waxa ay badi isu aqoonsanyhiin in ay yihiin xagga dhalashada Soomaali, xagga diinta na Muslim; halka dhinaca kala na ay reero yihiin. Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee dhalatay 1960-kii, taa oo ay ku midoobeen labadii gobol ee uu gumaystuhu kala maamulayay (British Somaliland &Italian Somaliland), ayaa noqotay mid wada kulmisa shanta Soomaaliyeed. 

Haddii aynu jileecno dhankaas iyo haybta reeraha, SYL oo ahayd dhaqdhaqaaq gobannimo doon ah ayaa xubnaha ku soo biiraya ku qasbi jirtay in aanay isu aqoonsan in ay reero yihiin, laakiin taa beddelkeed ay horumariyaan Soomaalinimada. Waxaa arrintaas hogga-tusaalaynaya xeerka 52-aad ee u dagsanaa SYL, kaas oo sheegayay, “Xilliyada ay dhibta jirto, waxaan ballan qaadayaa in aan caawin doono Soomaaliya. Waxaan noqon doonaa walaalka qof walba oo ururka ka tirsan. Ma sheegi doono magaca qabiilkeyga. Marka ay timaaddo xaaladda guurka, ma faquuqi doono dhammaan qabaa’ilka Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan Midgaan, Yibraha, Yaxarta, iyo Tumaasha.” Se nasiib darro, sida uu qabo Maxamed Turunji (2015), yididiiladaas wanaagsan kama aysan hortagin, oo kama ay reebin qaar ka mid ah xubnihii ururka in ay adeegsadaan qabiilka markii loo igmaday xilal dawli ah!

 Caqabbadaha iyo Fursadaha

Aan ku horreeyee, caqabbadaha ku hor gudban in la helo muwaadinnomo loo dhanyahay waxaa ka mid ah; hardanka ka dhexeeya dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo qabaailka ku loollamaya ee kala sheeganay khayraadka iyo dhulka. Dhinaca kale, fursadaha horyaalla cid walba oo ka shaqaynaysa sidii loo heli lahaa muwaadinnimo loo dhanyahay waxaa ka mid ah; in Soomaalidu tahay bulsho wax walba wadaagta (Homogeneous population) iyo in aafooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan ahayn ba looga faa’idaysto isla falgalinta bulshada (Turning human and natural disasters to the advantage).