Skip to main content

Saturday 16 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Maxaa kala duway booqashadaydii Malaysiya & Indunuusiya?

2 May, 2024
Image
Islam and state
Xuquuqda sawirka: KOMPAS/HERYUNANTO
Share

Labaatameeyo sannadood ayaan Islaamka iyo dimuqraadiyadda dersayay, muddadaas oo aan barofeesar ka ahaa Maraykanka. Cilmibaadhistaydu waxay bilawgii diiradda saaraysay Bariga Dhexe, gaar ahaan Turkiga oo aan ku dhashay.

Tan iyo markii, sannaddii 2020, la faafiyay turjumaadda Af Indunuusiyaanka ee buuggayga Islam, Authoritarianism and Underdevelopment, waxay danayntaydu u badatay Islaamka iyo dimuqraadiyadda dalalka Aasiyada Koonfurbari, gaar ahaan Indunuusiya.

Buuggaygu waa lafagur aqooneed oo ku saabsan dhiillada dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay maanta wajahayaan bulshooyin badan oo Muslin ahi. Wuxuu faaqidayaa sida Muslimiintu ay qarniyadii 8aad ilaa 11aad ugu jireen waagii dahabiga ahaa ee sayniska iyo dhaqaalaha, iyo waxa keenay dhiillada iyo qalalaasaha ay maanta ku danbeeyeen. Tan iyo intii ay shirkadda Kepustakaan Populer Gramedia daabacday buugga, waxa lagu qaabbilay gorfayn iyo falanqayn badan oo warbaahinta Indunuusiya lagu faafiyay. Aniguna waxaan ka qaybgalay kulanno dhawr ah oo ay gudaha Indunuusiya ka qabsoomayay oo buugga lagu lafagurayay. Sidoo kale waxaan casharro fogaan-dhigis ah ka bilaabay Jaamacadda Islaamiga Caalamiga ah ee Indunuusiya.

Xidhiidhkaa aniga iyo Indunuusiya na kulansiiyay wuxuu figta gaadhay dharaartii aan, bishii Nofeenbar 2022, booqday degmooyinka Jakarta, Yogyakarta, iyo Bali. Intii aan magaalooyinkaa khudbadaha ka jeedinayay, soodhawayn aad u diirran iyo sooryayn sarraysa ayaan kala kulmay.  Arrintaasi waxay igu boorrisay in aan booqdo dalka ay deriska yihiin ee Malaysiya.

Safarkaygii Malaysiya waxaan ku aaddiyay Jannaayo 2024 si aan iidheh ugu sameeyo turjumaadda Af Malayga ee buuggayga oo cinwaankiisu yahay  “Islam, Autoritarianisme dan Kemunduran Bangsa.” Kolkii la iclaamiyay in aan kulanno ku qaban doono Malaysiya, waxa baraha bulshada igu soo hoobtay weerarro xad-ka-bax ah. Dad asaldhawr iyo islaamdoon ah ayaa igu shaanbadeeyay in aan ahay “libaraal” ka soo horjeeda oo ka baxsan xayndaabka ahlu Sunna wal Jamaaca. Dabadeed waxa la ii sheegay in la baajiyay munaasibaddii weynayd ee bandhigga buuggayga. Kolkii aan qabanqaabiyayaashii wayddiiyay sababtaba, waxay ii sheegeen in danjiraha Turkiga u jooga Malaysiyi uu igu qeexay qof lid ku ah dawladdiisa sidaa darteed la iga joojiyo in munaasibaddu qabsoonto. Weligay waxaas oo kale ku ma arag intii aan buug ku soo bandhigayay Indunuusiya, Marooko, Boosniya, Nadarlaan, iyo Noorweey. Asaldhawrka iyo islaamdoonka dalalkaas ku nooli dhaliil amcquul ah ayay ii soo jeedin jireen, oo xataa danjirayaal Turki ah ayaa inta ay kulannadayda yimaaddaan su’aalo i wayddiin jiray.

In kasta oo sidaa looga falceliyay imaanshahayga, haddana waxa ii suuragashay in aan khudbado ka jeediyo Kuala Lumpur iyo Putrajaya. Sidaas oo ay tahayna, boolis baa yimi munaasibadahaas. Tii u danbaysay, askartu waxayba su’aalo wayddiiyeen shirkadda buuggayga daabacday, waxayna ka waraysteen huteelka aan degganahay iyo lanbarka baasboorkayga. Raggaa booliska ah ee na qashqashaaday waxaan ka ashkateeyay qaar ka mid ah lataliyayaasha Raysalwasaaraha Malaysiya, Anwar Ibraahin, iyo xubin golihiisa wasiirrada ka tirsan. Lataliyayaashaas iyo wasiirkaas ayaa ii dammaanadqaaday amnigayga.

Maalintii xigtay ayaan aaday madaarka Kuala Lumpur oo aan uga dhoofayay Baakistaan, oo aan ku lahaa bandhigyo taxane ah oo buugga loo samaynayo. Hasayeeshee, askartii ayaa mar kale irridka igu qabatay, su’aal-boolis i wayddiiyay, iskuna deyay in ay baasboorka igala wareegaan. Dharaartaa waxa aan xadhigga kaga badbaaday xidhiidh aan la sameeyay lataliyayaashii Raysalwasaaraha. Dhacdooyinkaasi waxay walaac igaga fureen amnigayga, dabadeed waxaan go’aansaday in aan baajiyo kulannadii iiga ballansadaa Lahore iyo Islamabad, waxaanan ku laabtay gurigayga Maraykanka.

Malaysiya waxa igu soo dhaweeyay saaxiibbo badan iyo indheergarato iyo akhristayaal weji furan igu qaabbilay. Waxaan sidoo kale kula kulmay aqoonyahanno, siyaasiyiin, iyo saxafiyiinba. Munaasibadahaas si fiican baa looga soo qaybgalay, warbaahinta Malaysiyana waxa lagu faafiyay maqaallo iyo waraysiyo badan oo la iigu hiilinayo. Taageeradaas la ii muujiyay aad iyo aad baad mabsuud uga ahay. Haddana, falcelintii islaamdoonka, joojintii bandhigga buuggayga, iyo qashqashaaddii boolisku waxay igaga tageen dareen qadhaadh oo aanan iminka ku laabsamayn in aan mar kale Malaysiya ku laabto.

Ma ihi aqoonyahanka keli ah ee Muslin ah ee siyaabaha loogu soo kala dhaweeyay Malaysiya iyo Indunuusiyi u kala duwanaadeen. Tusaale ahaan, Mustafe AkyoolI, booliska shareecada ilaaliya ayaa xidhay dhawr sannadood ka hor, buuggiisuna muddo ayuu mamnuuc ka ahaa Malaysiya. Laakiin buugaggiisa si weyn baa loogu qaabbilay Indunuusiya. Indheergaratada Muslinka ah ee sida diirran loogu soo dhaweeyay Indunuusiyina aad bay u badan yihiin.

Haddaba, maxaa keeni kara farqigan u dhexeeya Indunuusiya iyo Malaysiya? Qodob weyn oo kala duwayaa waa xidhiidhka diinta iyo dawladdu leeyihiin ee labada dal. Indunuusiya waxa ka jira labo xarako oo islaami ah oo waaweyn laakiin aan dawladda ka tirsanayn—Nahdatul Culumaa iyo Muxammadiyah—oo labadoodaba ay malaayiin qofi taabacsan yihiin. Arrintani waxay waddanka u samaysay kalakaannimo iyo in talada diineed aanay meel keliya ku ururin. Intaa waxa dheer, ururka Nahdatul Culumaa oo kal hore igu casuumay Madasha Diinta ee G20 (R20) oo ka qabsoontay Bali iyo Yogyakarta, wuxuu ku dhaqmaa rooxaaniyaadka Islaamiga ah, sidoo kalana wuxuu aqbalsan yahay hiddaha reer Indunuusiya. Labadan ururiba way ixtiraamaan falsafadda Pancasila oo sees u ah dawladnimada Indunuusiya, micnaheeduna yahay rumaynta Eebbe, dadnimada, midnimada ummadeed, dimuqraadiyadda, iyo caddaaladda bulsheedba. Xeerka shareecadu wuxuu hirgal ka yahay gobolka Aceh oo keli ah. Sidoo kale, Indunuusiya waa dal weyn oo aan dhayal gorodda ugu laalaadin dalabaadka kaga yimaadda Turkiga ama dawlado kale.

Malaysiya u kaalay. Xidhiidhka diinta iyo dawladdu aad buu u xididaystay rasmina u yahay. Ka ma jiraan ururro islaami ah oo dawladda ka madax bannaan oo la barbardhigi karo Nahdatul Culumaa ama Muxammadiyah. Kooxo islaami ah ayaa ka jira, sida kuwa taabacsan Naqiib al-Caddaas, oo iyaguna tiro ahaan kooban aadna u maskax xidhxidhan. Culimada diintuna shuraako rasmi ah ayay dawladda ku yihiin maamulka dalka. Maxkamadaha shareecada adeegsada iyo booliska shareecada ilaaliyaana waxay dalka ku soo rogeen wejiga qallafsan ee diinta. Xataa waxay mamnuuceen in Muslinka Shiicada ahi soo banbaxo. Ka ma jiraan mabda’yo maanfurnaan leh oo u eg falsafadda Pancasila ee Indunuusiya ka hanaqaadday. Taa beddelkeeda, Dastuurka Malaysiyi wuxuuba isku lammaanaysiinayaan haybta Malayga iyo diinta Islaamka, wuxuuna dhigayaa: “Malay waxa laga wadaa qof haysta diinta Islaamka, si caadi ahna ugu hadla Af Malayga, una hoggaansan caadooyinka Malayga.” Qofka Malayga ah ama ka diinta soo galay u maba furna in uu Islaamka ka bixi karo – maxkamadaha madaniga ah iyo kuwa shareecaduba arrintaas way diidaan. Gobollo badan ayaa dhaqangeliya xeerarka shareecada, iminkana waxaaba barlamaanka heer federaal ee Malaysiya ka socota dood ah in dalka oo dhan lagu soo rogo shareecadaas. Dhanka kale, Malaysiya wayba ku adag tahay in ay wax Turkigu ula yimi “maya” ku dhahdo.

Waa qodobbo koobkooban oo uga fiirfiirsaday intii aan labadaa dal booqanayay ee dersayay afartii sannadood ee u danbeeyay. Waa se dhici kartaa in khubarada u sii dhuun daloosha waddamadani ay sababo kale oo farqigan keenay sheegi karaan ama qodobbadayda qaarkood igu diidi karaan. Waxa se aynu isku waafaqi karnaa in Indunuusiya iyo Malaysiyaba ay yihiin labo dal oo muhiim u ah mustaqbalka dimuqraadiyadaynta dunida Muslimiinta. Waddamo badan oo Muslimiintu aqlabiyad tahay waxa u taliya boqorro, saraakiil ciidan, ama kelitalisyo kale, aad baanay u yar yihiin dalalka Muslimiintu ku badan tahay ee haddana doorasho dimuqraaddi ahi ka dhacdo. Waa dhab in dimuqraadiyaddu meel kasta oo dunida ah ku wajahayso dhiillo weyn, sida dalkayga Maraykanka oo Madaxweyne Joe Biden uu isgarabtaaggii aan shuruud lahayn u muujiyay duqaymaha ay Israa’iil ka waddo Qasa, taas oo qirinqiir gelinaysa in uu mar labaad soo laabto, fursad weynna u abuurtay in Nofeenbartan la doorto Donald Trump. 

Waayahaa qallafsan ee dalalka Muslimiinta iyo caalamkaba ka oogan dartood, dimuqraadiyadda Indunuusiya ka hanaqaadday aad bay muhiim u noqonaysaa. In la dhawro oo la wada ilaashado dimuqraadiyadda Indunuusiyina waxay lamahuraan u tahay in dunida Muslimiinta iyo caalamka guud ahaanba laga taabbageliyo muwaaddinnimo loo siman yahay iyo tixgelinta xuquuqda insaanka.

 

***

Qoraalkan oo lagu faafiyay Kompas, waxa soo turjuntay Bahda Geeska.