Thursday 14 November 2024
Waxaan dareemi jiray anigoo ah gashaanti ku dhalatay magaalo xeebeeda Daraabulis, kelinnimo taam ah, taas oo i dhaxalsiisay cabsida iga ga sheelan wax walba. Marka aannu badda aadno waxa aan istaagi jiray khooriga biyaha oo waxa i ga bajin jiray maayadda badda. Waa aan ka baqan jiray dukaanlayaasha wareegaya, dadka dabakaayooyinka leh iyo cid kasta oo eray i la soo aadda. Ma ogayn in aanay ahayn, in aan anigu ahay, qof kakan oo aan bulshada dhexgeli karin ee dabarkan iyo baqdintani tahay maxsuul ka dhashay noloshii aan ku soo qaatay Bargia Dhexe.
Bulshooyinka Carbeed waxa ay ku suntan yihiin awoodda ay u leeyihiin in ay garaadka iyo quluubta bulshooyinkooda ku beeraan cabsi, saa baqdinta diineed waaba mid na la dhalatay, ujeeddada ay ka lahaayeenna waxa ay ahayd in shacabku u hogto, dabadeed ay maamulaan; taasna waxa ay u mari jireen in ay ragga diinta ku raraan awood dabarla’ iyo in ay faragelin ku sameeyaan dhammaan arrimaha nolosha, laga soo bilaabo hab-lebbiska ilaa hab-cuntaynta, nolosha galmada, saaxiibtinnimada iyo derisnnimadaba.
Sidoo kale, cabsida siyaasaddu waa mid tan iyo barbaarnimadii nagu abqaalnayd: in aanu ka baqno xadhigga iyo cagajuglaynta, dadka kale ee aannaan isu ekayn, dadka mucaarada hoggaamiyaha taliska, boqorka, wabarka iyo ka ku hadla magaca Eebbe.
Cabsidaasi waxa ay biyadhigatay oo ku xididaysatay idil ahaan daafaha nolosha. Xataa hab-fikirkeennu waxa uu ku seesan yahay cabsi ah: “Sidaa ha odhan,” “Sidaa in aad u lebisataa waa xaaraan,” “Ha u fadhiisan habkan”, “Ha u dhoollacadayn shisheeyaha,” “Cuntadani xalaal ma aha,” “Kaasi waa gaal,” “Naagtaasi waa suuraaf,” “Dalkaasi waa cadaw,” “Bulshadani waa mid xun,” “Ha taaban xayawaankan…” iyo kummanaan cabsigelin oo kale iyo hadaltirooyin la mid ah oo aan la soo koobi karin.
Shakhsiyan, in badan baan la ildarnaa cabsida wax walba, laga soo bilaabo cabsida Eebbe, dadka aan garanayn, xayawaannada, in aan cod dheer ku hadlo, farda fuulista (aniga oo u baqaya bikrannimadayda) ragga, gudcurka. Waan ka cabsan jiray Bayruut, Koonfur, Muslimiin, Yuhuud, bad iyo berriba.
Giddi noloshaydii Lubnaan, waxa aan ku qafaallanaa xabsi wayn oo magaciisa “Cabsi” la dhaho, sida oo kale dadka xabsigaas igu la qafaallanaa laftoodu, iyagaa isa soo xabbisay.
Baqdintaydu Eebbe ayay ka soo bilaabantay tan iyo intii aan hadalka bartay. Maskaxaha carruurta waxa ay ku beeri jireen argagax daran oo ciqaab Eebbe ka yimi ah, iyo jahannamada geerida ka danbaysa ah, taas oo maanshayn jirtay guriga, masaajidka, kiniisadda iyo xataa dugsigaba. Intaa dabadeed waxa ay haddana baqdintu ka iman jirtay taliska iyo booliska, dalalka na la jaarka ah ee u soo xadhkaxidhay si ay noo gumaadaan oo bulshadayada u baabbi’iyaan, cabsidaasina waxa ay gilgili jirtay qaybaha noloshayada oo dhan.
Waan ka cabsan jiray eyda, waayo “Nijaas” iyo uskag baa ay ahaayeen, oo waxa aan ogaaday sababta waddooyinka loogu dayacay ee aannu u daryeeli waynay in ay taa tahay: waxa ay noogu suntanaayeen jirayaal xunxun oo kudaafadaha wax ka cuna, socotadana qaniina.
Waa ay i ga baqageliyeen raahibaatkii dugsigu, in aan cod dheer ku hadlo iyo in aan u fadhiisto hab shahwadda ninka kicinaysa, iyo in aan siyaalaha qaar oo mamnuuc ah wax u cuno, kaniisaddu waxa ay ii baqagelisay muslinka, Borotstaaniyiinta, Makhaatiyada Jaahoofas iyo Yuhuuddaba. Xaaladdii baqdineed waa ay igu sii labakaclaysay oo waxa ay hadhaysay qaybaha noloshayda maalinle oo dhan, oo waxa aan ahaa mid ka baqata in ay ka soo adeegato suuqyada dharka lagu gado, in ay cunto taleefanka ka dalbato, bisadaha, iyo xataa maayadda badda. Maan ogayn waagaas in dadka qaar dareemadooda baqdineed isu rogaan walaac darran (severe anxiety ) ama walaac jiitama (chronic anxiety).
Hooyaday ma ay ogayn in aan ka duwanahay walaalahayga kale. Waxa ay u malayn jirtay in aan ahay mukhajilad, baarri iyo qodoxi-ma-muddo ah. Ka baqashadayda maayadda badda, shinbiraha iyo bisaduhu waxa uu ugu muuqan jiray in aan ahay cunug xasaasiyad ka qabta joogitaanka goobahaas. Ima ay waydiin jirinba, is ka daa in ay wax ka soo akhrido ama wax ka baadho mawduucaase. Waayo, xanuun magaciisa la dhaho “Chronic Anxiety Attacks/walaac darran” kuma jirin qaamuuskeeda, waxa uuna ahaa baqdin iyo welwel daran oo qofku u dareemo si maalinle ah iyo goor kasta oo uu gudanayo nololmaalmeeddiisa.
Hooyaday waxa ay ku dhaqmi jirtay mabda’ ah: “Wixii aadan ubadkaaga barin, waayaha ayaa bari doona.” Taas oo macnaheedu yahay, in noloshu u xilsaaran tahay in ay iga dhaydo oo beddesho dabeecadahayga aniga oo aan la sheekaysan digtoor kasmanafeed ama xitaa aan iyada iyo anigu wadasheekaysi caadyaal ah wada yeelanno. Waayo, taasi waa u waqti lumis iyada maadaama mucallimad, hooyo, cunnakariso, inan iyo oori si shil ah u uuraysatay, iyo maaddaama oo aabbahay aanu dan iyo heello toonna ka gelin arrimaha guriga iyo ubadkada toonna. Sidaas daraaddeed waa garteed in aanay ku baylihin waqtigeeda arrimo cantarabaqash la ah, xataa si kasta oo ay u ahayd dadkii qaadhaanka ku lahaa samaysanka shakhsiyaddayda iyo walaacayga joogtada ah (chronic anxiety) ee aan la ildarnaa.
Sideebaanay cabsidu inoo haleelayn innaga oo ku dhex nool dagaallo oo u taagan godob? Sidee looga rejaynayaa dadka la daalaadhacaya cabsida Eebbe iyo aakhiro in ay noqdaan dad hagaagsan iyo diranayaal bulsheed? Waxa aannu ku soo barbaarnay guryo laga baqo jacaylka, iyo xataa farxaddaba; waxa aannu ahayn duul ku dareema denbi iyo in noloshoodu isu beddasho cadaab kolka ay helaan ilbidhiqsiyo farxad ah, oo waxa innoo halqabsi ah “Eebboow na astur,” waayo waxaa aanu qabatinnay welwel iyo murugo.
Qoysku waxa uu cabsi ku beeri jiray garaadka wiilashiisa iyo gabdhihiisa, sidii oo ay tahay astaan jacayl iyo daryeel, iyaga oo aan u aabbayeelayn waxa ay ababintani u soo jiidi karto.
Tallaabadii isbeddel ee u horraysay markii aan ka baxay Lubnaan waxa ay ahayd in aan ka xoroobo dabarradii diinta iyo bulshada. Tallaabadii labaad waxa ay ahayd in aan iska daweeyo baqdintii aan ka qabay xayawaannada maanta noqday qayb ka mid ah noloshayda, sida Eyda. Weli kama takhalusin cabsidii aan ka qabay maayadda badda, ugu yaraan se dhabbihii qummanaa ee hagaagga ayaan hayaa.
Tagtadii, in badan baan cabsooday oo xuquuqdayda ka aamusay oo aan u oggolaaday dad badan in ay aamusnidayda ku macaashaan. Waayo, Bariga Dhexe, aamusnidu waa astaan ku tusinaysa hayalsamaanta iyo anshaxa inanta.
Goortii aan ka koray qaayasoorradooda, waxa aan isu beddelay haweenay gadood ku ah diin-labeedka diktaatoorigga ah—ee weli la gu dhiigmiirto shucuub tirabeel ah—aan ahayn tii baarrida ahayd ee ku kortay ka cabsiga wax kasta.
***
Maqaalkan waxa qortay Baamiila Qaanim, waxaana lagu daabacay raseef22رصيف