Friday 15 November 2024
Axmed Madoobe waa nin isbeddelo badan soo maray, 2006-dii waxa uu ka mid ahaa xubnihii aasaasay xarakada al-Shabaab, waxa uu noqday xubnaha ugu khatarta badan ee xarakada oo ay Maraykanku muddo raacdaynayeen, tan iyo aasaaskii Jubaland 2013-kii waxa uu ahaa madaxweynaha maamul goboleedkan, booqashadii taariikhiga ahayd ee Joon Keeri Muqdisho 2015-kii ku yimid ayaa cafis loogu fidiyay. Magaciisu waa Axmed Muxammad Islaam, oo ku magac dheer Axmed Madoobe, mulkiilaha awoodda badan ee Jubaland, waxa uu ka bedbaaday isku day dil ay u maleegeen cadowgiisu 2007, kuwaas oo uu markii danbe ka dhigtay asxaab iyo xullafo, uu kala hortago kooxdiisii jihaadiyiinta ahayd.
Waa nin shaqsiyadiisa aad loogu kala aragti duwan yahay, dad baa u arka in uu yahay hogaamiye gobolkiisa ka dhaliyay nabad iyo xasillooni, xilli dalka guud ahaantiis ay ka sii taagan tahay qalalaasihii ka dhashay burburkii dawladda dhexe ee 1991-kii, halka kuwo kalena u arkaan in uu yahay “Aabbe ruuxi ah” oo Jubaland u maamula sida laadar maafiyo ah oo ka takhalusa ciddii ka soo horjeedsata awood buuxda ee uu gobolka ku maamulo.
Bruno Meyerfeld waxa uu ku tilmaamay shaqsiyada Madoobe, “Sheekh Madoobe waa mid u dhaqma sida Godfather-ka maafiyada ama dagaal ooge oo aanay hab dhaqankiisa haba yaraatee ka muuqan in uu yahay “madax dawladeed” oo dhab ah.” waxa uu sidoo kale soo xiganayaa maragfurka dadka deegaanka oo Madoobe eedaymo u soo jeedinaya, kuwaas oo ay ka mid tahay qabashada doorashooyin uu natiijadooda isagu maamulo, dabagalka mucaaradka iyo rayidka, u fududaynta xarakada al-Shabaab in ay ganacsigooda dhuxusha ka dhoofiyaan dekada Kismaayo, taas oo u saamaxday in uu cashuur wanaagsan ka helo ganacsigan, sidoo kalena sii joogteeyo xidhiidhka xullafadiisii hore. Dhanka kale Axmed Madoobe waxa uu ku guulaystay in uu amni ka dhaliyo magaalada Kismaayo, in uu dhiirigaliyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee dekada iyo in uu dhiso in door ah kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada dawladda, isagoo taageero ka helaya deeq bixiyayaasha caalamiga ah iyo dawladda Iimaaraatka.
Waxa uu Madoobe ka soo jeedaa qoys ahlu diin ah, xilli lagu qiyaaso 1960 ayuu dhashay. Aabbihii waxa uu ahaa wadaad ku caan baxay mucaaradada taliskii cilmaaniga ahaa ee Siyaad Barre. Waxa uu ku biiray ururkii Itixaad ee la aasaasay badhtamihii siddeetanadii, ururkaas oo kolkii dalku burburay kaga dhawaaqay laba maamul oo Islaami ah Boosaaso iyo Luuq oo kala dhaca waqooyi-bari iyo koonfur-galbeed Soomaaliya. Ka dib markii la jabiyay labadii maamul ee Itixaadka ahaa, tii Boosaaso oo uu jabiyay Cabdilaahi Yuusuf, iyo Luuq oo baaba’day kolkii Itoobbiya dalka soo gashay 1996, kooxdu way kala furfurantay, Madoobe iyo inanka uu soddoga u yahay ee Xasan Turki waxay Kaanbooni ka aasaaseen maleeshiyo caskari ah, Kaambooni waa magaalo xeebeed dhacda xuduuda Kiiniya, waxa uu gacanta ku qabtay tababarka ciidanka maleeshiyada.
Madoobe iyo Xasan Turki oo xidhiidh xoogan ka dhexeeyay waxay u soo wareegeen ururkii al-Qaacida ee Muqdisho, waxayna ka caawiyeen maxaakiimta in ay magaalada gacanta ku dhigaan, waxay ka qaybqaateen shirkii lagu aasaasay xarakada al-Shabaab, oo ka qabsoomay guri ku yaal Yaaqshid ee magaalada Muqdisho, badhtamihii Ogos 2006. Qoraayada buugga “Al-Shabaab in Somalia: The History and Ideology of a Militant” waxay xuseen in shirkaa Yaaqshid ka dhacay ay isugu yimaadeen afar dhaqdhaqaaq oo kala ahaa; kaamka Salaaxadiin oo uu watay Axmed Godane, kaamka Kaambooni oo uu horkacayay Xasan Turki, iyo laba maxkamadood oo ka kala jiray labada degmo ee Yaaqshid iyo Galgaduud. Shirkaas waxaa lagu doortay Ismaaciil Carraale in uu noqdo amiirka dhaqdhaqaaqa, Axmed Madoobena ku xigeenkiisa ayaa loo doortay. Laakiin Godane oo noqday amiirkii labaad ee al-Shabaab, ka dib markii la qabtay Carraale ayaa ahaa shaqsiyada ugu cadcad ee uguna muhiimsan sooyaalka kooxda, ilaa la dilay 2014.
Bilo ka dib, Itoobbiya ayaa duulaan milatari oo ay ku taageerayso xukuumadii ku meelgaadhka ahayd ku soo gashay Soomaaliya dhammaadkii 2006, waxayna ku guulaysatay in ay jabiso xoogagii Maxaakiimta islaamiga ah. Axmed Madoobe, waxa uu u baxsaday deegaankuu ka soo jeeday oo dhaca koonfur, nawaaxiga magaalada Kismaayo oo ay ku taal mid ka mida dekadaha u muhiimsan dalka, halkaas ayuu ka sii waday dagaalka uu kula jiro xukuumada ku meelgaadhka ah ee taageerada ka helaysa Itoobbiya iyo Maraykanka. Muddo yar ka dib Axmed Madoobe waxaa gacanta ku dhigay xoogaga itoobbiya iyo Maraykanka, ka dib markii weerar lagu beegsaday isaga iyo siddeed ciidankiisa ah oo la socday, waxaa uu ku sigtay in la khaarajiyo, ka dib markii lagu hurgufay tacshiirado uu ku dhaawacmay. Waxaa loo qaaday Itoobbiya halkaas oo lagu soo dhaawac tiray, laguna xidhay muddo, intaan maxbuus guri laga dhigin.
Itoobbiyaanka waxay garwaaqsadeen muhiimada Madoobe, waxayna la sameeyeen xidhiidh wanaagsan. Waxa uu soo tebiyay saxafiga Ferenjiga ah ee Bruno Meyerfeld, oo ku gudoomay abaalmarinta “True story award” sheeko uu cinwaan uga dhigay, “Axmed Madoobe: Jihaadi Muxtaram ah”, isagoo soo xiganaya dublamaasi ka ag dhaw Itoobbiya, in Axmed Madoobe “la soo dhaweeyay, oo si Sharaf leh oo wanaagsan loo la dhaqmay, waxaa la dejiyay qasri weyn oo uu si raaxo leh ugu noolaa, isagoo ay soo booqan jireen saraakiisha sar saree ciidanku. Sababtaas ayuu Itoobbiyaanka abaal ugu hayaa oo daacad ugu yahay, uguna sii ahaan doonaa.”
Intii uu Axmed Madoobe maxbuuska ku ahaa qasriga, xaaladda amaanku way sii xumaanaysay, ka dib markii ay dagaalyahanadii Maxaakiimtu ku daba fayleen xarakada al-Shabaab iyo Xisbul Islaam oo uu hogaaminayay Daahir Aweys. Xaaladdu waxay soo yara roonaatay ka dib markii heshiis nabadeed ay kala saxeexdeen xukuumadii ku meelgaadhka ahayd iyo isbahaysigii Maxaakiimta qaybtii uu hogaaminayay Shariif Sh. Axmed, ee ay dalka ka baxeen Itoobbiyaanku 2009.
Iyadoo arrin sidaa yahay ayaa Axmed Madoobe waxaa soo booqday Maxamed Cabdi Maxamed oo loo garan og yahay “Gaandi”, oo ahaa aqoonyahan akaademig ah oo door muuqda ka qaatay sidii dawladda Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa, iyo wasiirka difaaca ee xukuumadii Sheekh Shariif (20009 – 2010). Waxay isku waafaqeen in ay ka wada shaqeeyaan in ay al-Shabaab kala wareegaan deegaanada Koonfurta, ka dib waxaa la soo daayay Axmed Madoobe waxaana uu u wareegay deegaannada ka ag dhaw magaalada Kismaayo.
Marxaladan xog waafi ah in kastoon laga hayn, waxaa loo badinayaa in kaamkii Kaambooni ee ay Madoobe iyo Xasan Turki aasaaseen markan qayb ka ahaayeen al-Shabaab. Ka dib markii la jabiyay maxaakiimtii kaamku dib ayuu u bilawday isagoo Xasan Turki kaligii hogaaminaya, waxaana uu ka qayb qaatay isbahaysigii lagu aasaasay Xisbul Islaam, tan iyo 2009, ilaa markii danbe Xasan Turki ka soo goostay oo uu ku biiray Xarakada al-Shabaab 2010-kii. Axmed Madoobe wuu ku guuldaraystay isku daygii koowaad ee uu ku rabay in uu magaalada Kismaayo ku qabsado, laba sanno ka dib ayuu ku guulaystay in uu magaalada soo galo, waana uu ka saaray al-Shabaab isagoo taageero ka helaya ciidamada Kiiniya iyo ciidamada nabadda ilaalinta ee Midowga Afrika.
Muddo ayuu magaalada ku maamulayay maamul dani keentay ah oo aan sharciyeysnay, magaalada oo labaatan sanno dhinacyo kala duwan ku loolamayeen oo ku dagaalamayeen. Madoobe laftiisu muddo ayuu la dagaalamayay maleeshiyo beeleedka Mareexaanka iyo xoogagag federaalka, waxaana uu ka qayb qaatay 2013 shirar dhawr ah oo nabadayn ah oo uu qaybaha bulshada iyo maleeshiyo beeleedyada hubaysan kula heshiinayo, iyadoo ay gadhwadeen ka yihiin xukuumada federaalka iyo ciidamada nabad ilaalintu, shirarkaas oo lagu aasaasay maamul goboleedka Jubaland, halkaas oo si ku meelgaadh ah madaxweynaha maamul goboleedka loogu doortay Axmed Madoobe ilaa 2015.
Waxa uu ku guulaystay Axmed Madoobe in uu dagaalo badan wada hadal ku soo aafjaro, waxaa 2015 loo doortay madaxweynaha maamul goboleedka, sidoo kalena waxa uu mar labaad ku guuleystay doorashooyinkii 2019. Sida dastuurka maamul goboleedku dhigayo waxay ahayd in la qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada Jubaland 2023, iyadoo uusan qayb ka ahayn Axmed Madoobe, maadaama oo uu dhammaystay muddo xileedkii dastuurku u ogolaa.
Axmed Madoobe wuu ka biyo diiday in uu awoodda cidna uga tanaasulo, oo waxa uu 2022 laba qodob ka beddelay dastuurka maamul goboleedka, waxa uu hal sanno ku kordhiyay muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka, oo markii hore afar ahaa. Waxa uu sidoo kale isagoo baarlamaanka adeegsanaya Meesha ka saaray xeerkii xadidaysa inta jeer ee madaxweynuhu xilka dib isugu soo sharixi karo, isagoo albaabka u furtay in uu mar saddexaad hogaamiyo maamul goboleedka.
Wax ka beddelka dastuurka si yar oo fudud kumuu gaadhin ee waxa uu ku khasbanaaday in uu u muujiyo madaxweyne Xasan Sheekh oo ay is hayeen in uu daacad u yahay, oo waxa uu kala shaqeeyay mashruuciisa siyaasadeed ee uu ugu beddelayo nidaamka qabaliga ah ee (4.5), nidaamka doorashooyinka tooska ah ee qof iyo cod.
Muddo xileedkii sharciga ahayd ee Madoobe waxay ku ekayd Ogos 2024, balse, waxa uu muddo korodhsi ka helay madaxweynaha federaalka, Xasan Sheekh, kaas oo kula heshiiyay in uu u damaanad qaadi doono in uu muddo korodhsi helo, haddii uu taageero meelmarinta wax ka beddelka dastuurka.
Axmed Madoobe, xukuumada federaalka waxa uu la lahaa xidhiidh feejigan, ilaa laga soo gaadhay kulankii u danbeeyay ee Golaha wadatashiga qaran oo qabsoomay bishii Oktoobar ee aan soo dhaafnay, kolkaas oo uu wajiga u beddeshay madaxweynaha oo uu ka baxay shirka, isagoo ku baaqaya in shirka ay ka soo qayb qaataan Puntland iyo maamulka Khaatumo, sidoo kalena ka soo horjeedsaday muddo kordhinta loo samaynayo madaxda maamul goboleedyada ilaa lagu qabanayo doorashooyinka nidaamka cusub.
Waxa isweydiin mudan xilliga uu ku soo beegmayo mawqifka Axmed Madoobe, waayo Puntland marna kama ay soo qayb galin shirarka golaha tan iyo markii uu xilka qabtay madaxweyne Xasan Sheekh, Meey 2022, taas oo loo aaneeyo khilaafaad shaqsi ah oo ka dhexeeya madaxweynaha federaalka iyo madaxweynaha Puntland ee Saciid Cabdullaahi Deni, Khaatumo hadalkeedaba daa oo waa maamul dhawaan uun la aasaasay, Madoobe laftiisu muddo korodhsi ayuu sameeyay, laba jeerna dastuurka ayuu wax ka beddel ku sameeyay si uu xilka u sii haysto.
Waxay u eeg tahay in Axmed Madoobe ku biiray mucaaradka oo ka kooban madaxweynaha maamul goboleedka Puntland iyo madaxweynayaashii hore ee ka soo horjeeda wax ka beddelka dastuurka, kuwaas oo yoolkoodu yahay in aan la meelmarin doorashooyinka tooska ah, taas oo fursad u siinaysa mucaaradkiisa in ay si adag ugula loolamaan doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada ee maamulka Jubaland. Axmed Madoobe waxay ugu badisaa nidaamka 4.5-ka, taas oo u saamaxaysa in uu baarlamaanka ka soo saaro xubno u daacad ah kuwaas oo markiisa u dooran doona madaxweynaha Jubaland.
Si uu qorshihiisan cusub u meelmariyo Madoobe waxa uu magacaabay komishanka doorashooyinka maamul goboleedka, kuwaas oo masuul ka ah qabashada shahaadooyinka musharaxiinta, iyo xulashada ergada qabiilada ee shacabka ku metelaya codaynta, taas oo ah talaabo ka cadhaysiisay Muqdisho, oo ku riixday in ay ku baaqdo in ayna ogolayn qabsoomida doorashooyinkan, oo ayna aqbali doonin natiijadooda. Axmed Madoobe dhankiisa waxa uu sheegay in uu xidhiidhka u jaray xukuumada federaalka, waxaana uu ku eedeeyay in ay soo faragaliyeen arrimaha gudaha ee maamul goboleedka, isagoo raacay dhabbihii madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo isagu hore xidhiidhka ugu jaray xukuumada federaalka, aqoonsigana kala noqday.
Xidhiidhka Axmed Madoobe iyo Muqdisho waxa uu ahaa mid marar badan khilaaf ku astaysnaa, taas oo ka soo bilaabmaysa xukuumada hore ee Xasan Sheekh ee 2013, khilaafku wuu sii taagnaa xukuumadii Farmaajo ee xigtay, haddana dib ayay u soo laabatay xukuumada labaad ee Xasan Sheekh. Waxay u eeg tahay in ay mar labaad ku talo weyn yihiin in ay isaga iyo Deni ridaan xukuumada Xasan Sheekh sidii ay ka yeeleen xukuumadii Farmaajo. Dhanka kale, xukuumada federaalka waxa ay isku halaynaysaa raysal wasaare Xamse Cabdi Barre oo ay Axmed Madoobe isku reer ka soo jeedaan, taas oo keeni karta in khilaafka labada dhinac cirka isku sii shareero, oo ayba timaado in dagaal ka dhex qarxo.
Iyadoo arrintan daba socota, wargeysyada qaar ayaa waxay qoreen warbixino sheegaya in xukuumada federaalku ka codsatay ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS in ay kala wareegaan madaarka Kismaayo xoogaga amaanka ee Jubaland, iyagoo sidoo kalena xusay in Xamse Barre qorshaynayo in uu u wareego Kismaayo si uu u soo afjaro fallaaganimada Axmed Madoobe. Sidaas baa khilaafka labada dhinac u galay xidh, iyadoo labada dhinacba ku jiraan xullafo urursi, si uu dhanba dhanka kale Meesha uga saaro. Axmed Madoobe dhankiisa waxa taagan Itoobbiya iyo Kiiniya, dhanka kalena waxa uu xidhiidh wanaagsan la leeyahay mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada. Axmed Madoobe waa nin aan xeeladiisu sahlanay oo leh shaqsiyad kakan oo aan dhayal lagu akhrisan karin, waa siduu ku tilmaamay Barafeesar Gaandiye, balse, doorkan waxaa laga yaabaa in ayna xeeladihiisu u shaqayn, maadaama oo ay xoogaysatay xukuumada federaalku, khilaafka Itoobbiyina arrinta way sii cakiraysaa, iyadoo xukuumada federaalku lafteedu xidhiidh wanaagsan la leh mucaaradkiisa gudaha.