Skip to main content

Friday 20 September 2024

Feker

Culumada Caadada iyo Nifaaska

23 July, 2024
Image
xer
Sawirka: Okaz.com
Share

Sida dad badani ay ka war hayaan, waxaa jirta oraah caan ah oo wadaaddada lagu maago, iyaguna dhexdooda ay isu adeegsadaan. Waa oraahda wadaaddada ku sifaysa in ay yihiin ‘Culumada dhiigga caadada iyo dhalmada /علماء الحيض والنفاس’, oo laga wado in ay yihiin rag ku takhasusay dhiigagga ku dhaca dumarka, laakiin aan wax kale u dheerayn. Waa oraah muujisa quursi iyo jeesjees loo geysanayo qofka iyo qolada lagu tilmaamayo, oo lagu sheegayo dammanaan iyo in aysan ummuuraha adduunyada ka taagan waxba kala socon.

Oraahdaani waa mid fac weyn oo kun sano ka badan jirta. Sida la sheego, weedha markii ugu horraysay wadaaddada daneeya doodaha caqiidada iyo falsafadda ayaa waxay ku dureen kuwa barta fiqiga ama axkaamta xalaasha iyo xaaraanta. Waxaa la yiri: Waasil bin Cataa (700-748) oo lagu tiriyo in uu ahaa Sheekha firqadii loo yaqiin Muctasilada ee ku caanka ahayd adeegsiga caqliga ama in caqliga laga hormariyo nusuusta diinta- ayaa maalin hadal jeediyey. Markii uu hadalka dhammeeyeyna nin la oran jirey Camar bin Cubeyd oo ay Waasil wadey iyo xidid labadaba ahaayeen baa niman kale wuxuu ku yiri: “Maqla warka ninkaan, hadalka al-Xasan, ibnu Siiriin, Nakhaci iyo Shacbi marka la barbardhigo hadalkiisu waxay noqonayaan sida candhasaabta dhawraarin ahaanta ay dumarku dhiigga caadadada isaga dhigaan oo la xooray /اسمعوا فما كلام الحسن وابن سيرين والنخعي والشعبي عندما تسمعون إلا خرق حيض مطروحة”.  Camar bin Cubeyd ragga hadalkooda iyo casharradooda uu calal caado la isaga dhigay ku metalayo waa culumadii xilligaas dunida islaamka ugu magaca dheeraa ee ummuuraha diinta loogu laabanayey.  

Imaam Shaadibina isaga oo isla dhacdadaan si kale u tebinaya ayuu buuggiisa ‘al-Ictisaam, wuxuu ku yiri: “Mid ka mid ah madaxdii bidcooleyda oo doonaya in uu culumada hadalka iyo caqiidada ka sarraysiiyo kuwa fiqiga baa wuxuu yiri: ‘cilmiga Shaafici iyo Abuu Xaniifa duuduub ahaan kama badna saraawiisha haweenka /إن علم الشافعي وأبي حنيفة جملته لا يخرج من سراويل إمرأة’”. 

Inkasta oo hawraarta ‘culumada caadada iyo nifaasku’ ay tahay mid qaddiim ah oo kun sano ka badan jirta, haddana waxaa la rumaysan yahay in toddobaatankii sano ee u danbeeyey ay si baaxad leh u baahday, wadaaddada islaamka siyaasiga ahina ay kaalinka ugu weyn ka qaateen faafiddeeda. Wadaaddada sida gaarka ah loola xiriiriyo faafidda eraygana waxaa ka mid ah Aayatullaahi Ruuxullaahi Khumeyni (1902-1989). 

Khumeyni oo ahaa hoggaamiyihii kacaankii Iiraan, sannadihii uu mucaaridka ahaa wuxuu dadaal badan ku bixiyey in uu wadaaddada ku dhiirrigeliyo danaynta siyaasadda iyo xukunka. Si uu u helo dad ku taageera damaciisa xukun doonka ah ee ku salaysan aragtida ‘Talinta Wadaadka Faqiga Bartay /ولاية الفقيه’, Khumeyni waxa uu booqan jirey xarumaha lagu barto mad’habta Shiicada sida Najaf iyo Qum, wadaaddada iyo xerta xarumahaas joogana wuxuu ku qalqaalin jirey in ay ka qayb-qaataan sidii looga takhallusi lahaa boqortooyada Maxamed Rida Bahlawi, loona dhisi lahaa dowlad islaam ah, oo shareecada fulisa. Khumeyni si uu wadaaddada u careeyo darteed buu wuxuu ku oran jirey: “diinta islaamka waxaad ka dhigteen mid ku kooban ka hadlidda dhiigga dumarka.“

Sannadkii 1969, Khumeyni xerta xarunta Najaf diinta ku barta wuxuu u jeediyey saddex iyo toban muxaadaro, oo markii danbe la isugu geeyey buugga Khumeyni caanka ku yahay ee cinwaankiisu yahay ‘Xukuumadda Islaamka Ah /الحكومة الإسلامية’.  Buuggaan, Khumeyni dhowr jeer buu wuxuu ku doodayaa in gaalada iyo gaalo-raacu ay isku hawleen sidii Islaamka iyo siyaasadda loo kala saari lahaa, diinta islaamka iyo culumada baratana looga dhigi lahaa kuwo ku kooban ka hadalka caadada iyo nifaaska. Bilmatal, Khumeyni buugaan wuxuu ku yiri:

“Waxay sheegeen in islaamku uusan wax xiriir ah la lahayn nidaaminta nolosha iyo bulshada, ama aasaasidda xukuumad nooca ay doonto ha noqotee, balse uu ku kooban yahay axkaamta caadada iyo nifaaska oo keliya, waxaa suurogal ah in uu leeyahay waxuun akhlaaq ah, mase laha wax intaas dhaafsiisan oo ku saabsan nolosha iyo nidaaminta bulshada. Waxaana wax laga xumaado ah in arrimahaan oo dhammi ay saamayn xun ku leeyihiin nafta dadweynaha, ma aha caamada oo keliya balse sidoo kale kuwa jaamacadaha ka baxay iyo ardayda diinta raacata.”

Mar kale, Khumeyni waxa uu yiri: “Shisheeyuhu waxay shaki geliyeen laabta dadka, gaar ahaan kuwa wax bartay oo ay ka dhaadhiciyeen in Islaamku uusan waxba hanan, oo islaamka oo idil uu yahay xoogaa xeerar ah oo ku saabsan xeydka iyo nifaaska. Ardayda culuunta diinta bartaana aysan ku takhasusin wax mowduucyadaas dhaafsiisan. Waana sax in ardayda qaarkood aysan danayn wax mowduucyadaas ka baxsan, gaabintooduna cadowga islaamka waxay u sahlaysaa in ay dantooda gaaraan.”

Mar saddexaad, Khumeyni wuxuu yiri: “Dadka bara xaqiiqada islaamka, si jiilka dhallinyarada ahi aysan ugu qaadan in kuwa cilmiga u saaxiibka ah ee Najaf iyo Qum joogaa ay qabaan kala saaridda diinta iyo siyaasadda, hawshooduna ay ku egtahay barashada caadada iyo nifaaska, siyaasaddana aysan wax shuqul ah ku lahayn. Gumeystayaasha ayaa manaahijta waxbarashada ku faafiyey baahida loo qabo kala saaridda diinta iyo dowladda, dadkana si dadban uga dhaadhiciyey in culumada islaamku aysan u qalmin in ay faraha la galaan ummuuraha siyaasadda iyo bulshada. Hadalkaasna waxaa ku celceliyey dabadhilifkooda iyo kuwa raacsan.” 

Dhaleecayntii Khumeyni uu wadaaddada taqliidiga ah u jeedin jirey waxaa kaga dayday ururrada islaamka siyaasiga ee Sunniga ah, gaar ahaan kuwa Ikhwaanu Muslimiinka. Tusaale ahaan, dhaleecayntaan waxaa adeegsaday Dr. Xasan al-Turaabi oo madax u ahaa Ikhwaanka Suudaan. Turaabi wuxuu ku dooday in fiqiga islaamka ee hadda jiraa uusan waxtar u lahayn mashruuca islaamka siyaasiga ah ee dhaqangelinta shareecada Islaamka. Wuxuu sheegay in fiqiga Islaamka ee hadda jiraa uu ka hadlo cibaadaadka iyo mucaamalaadka dhexmara dadka afraadda ah - sida guurka, furriinka, beeca iyo shiraha, iyo qaar kale - uusanna ka hadlin siyaasadda, dhaqaalaha iyo guud ahaan maamulka dowladda. Sidaa darteedna, loo baahan yahay in dib-u-eegid lagu sameeyo Fiqiga islaamka, si uu u noqdo mid ka jawaabi kara baahiyaha dowladda casriga ah ee dhinacyada bulshada, dhaqaalaha, siyaasadda, ciidamada, xiriirka caalamiga ah, iqk.

Turaabi, wuxuu aad ugu jeesjeesay wadaaddada qaababka abkasoogaarka ah dadka diinta u bara, kuwaas oo uu ugu yeeri jirey naynaaso ay ka mid yihiin ‘culumada caadada iyo dhiigga dhalmada’ iyo ‘Faagayaal /الانابيش’, oo uu ulajeedo in wadaaddada fiqigu ay ku habsaameen raadinta wax waa hore dad yiri ama ay dad sameeyeen, xilna aysan iska saarin xaaladda waqtixaadirka ay Muslimiintu ku noolyihiin iyo timaaddadooda. Xasan Turaabi si loo helo Fiqi cusub oo ku habboon dowladnimada casriga ah awgeed, waxa uu allifay dhowr buug oo ay la ahayd in baahidaas ay wax ka tari karaan. Buugtaas waxaa ka mid ah ‘Manhajka Sharci Ee Islaamka /منهجية التشريع في الاسلام’, ‘Dib-u-Cusboonaysiinta Usuusha Fiqiga Islaamka /تجديد أصول الفقه الإسلامي’, iyo ‘Siyaasadda iyo Xukunka/السياسة والحكم: النظم السلطانية بين الأصول وسنن الواقع’.

Ayaandarro, Xasan Turaabi iyo xertiisa oo uu horkacayo Cumar Bashiir, muddo soddon sano ah bay keligood si toos ah Suudaan u xukumeen. Xukunkooda oo ay ugu yeereen magaca ‘Kacaanka Badbaadinta Waddanka’, dalkii Suudaan wuxuu u horseeday kelitalisnimo diineed, musuqmaasuq baahsan, saboolnimo keentay gaajo iyo macaluul salfatay nolosha dad iyo duunyo badan, dagaallo sokeeye, burbur iyo qaranjab buuxa. Bulshada reer Suudaanna waxa uu dhaxalsiiyey in ay ka shakiyaan wax walba oo dhaqdhaqaaqyada islaamka siyaasiga xiriir la leh. Dadka qaarkoodna waxay sheegeen in halkudhegyada islaamka siyaasigu uu adeegsado ay yihiin xeelad talada waddanka lagu gaaro, kheyraadkiisana lagu boobo. Waxaana xusid mudan, in dadka ugu badan ee maanta la dirira manhajka Xasan Turaabi ay yihiin dhallinyaradii lagu anqariyey fekerkaas, oo qaar badan oo ka mid ahi ay qabaan in ururrada islaamka siyaasiga ahi ay gebi ahaanba fashilmeen, wax danbe oo laga sugaana uusan jirin. 

Sheekh Yaasiin Cumar al-Imaam oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sarreeya ururkaas oo sannadihii ugu danbeeyey noloshiisa aad u dhaliilay ururkaan, mar uu waraysi wargays siiyey waxa uu yiri: “Dhaqdhaqaaqa Islaamku xukunka ayuu qabtay, wuxuuna ka baxay isaga oo burburay, musuqmaasuquna ku baahay, kuna shaqeeyey wax ka geddisan qiyamkii uu ku baaqi jirey… waxaa gurigayga igu soo booqday xubno ka tirsan dhaqdhaqaaqa oo ku mid yahay Turaabi, waxaanan u sheegay in marka aan tago masaajidka gurigayga u dhow aan ka khajilo in dadka aan islaamka ka la hadlo, sababtuna waa dulmigii iyo musuqmaasuqii xad-dhaafka ahaa ee islaamiyiintu ay geysteen ee ii muuqda… Ma awoodo in dhallinyarada aan awowga u ahay aan ku qalqaaliyo in ay ku biiraan dhaqdhaqaaqa islaamka ah, maxaa yeelay waxay ogyihiin dulmiga iyo fasaadka uu geystay. Waa wax aad looga yaxyaxo.”

Suugaanyahankii reer Suudaan ee Tayib Saalax oo ka yaabay habdhaqanka silloon ee ururkaan Suudaantu ay ugu wanqaleen magaca ‘Kiisaan /كيزان’, waxa uu isweydiiyey: “Halkee Bay Ka Yimaadeen Kuwaan Ikhwaanka Ahi /من أين أتى هولاء الإخوان؟”  (=Magaca Kiisaan ee ururka Ikhwaanka loogu yeero, waxaa u bixiyey Xasan Turaabi oo ka soo ammaahday Xasan al-Bannaa. Sida la sheego, Xasan Bannaa ayaa magaca taageerayaashiisa ugu yeeri jirey. Bannaa, taageerayaashiisa wuxuu ku oran jirey: “Diintu waa bad annaguna waxaan nahay koobabka la darsado/الدين بحر ونحن كيزان نغرف منه”. Erayga ‘Kiis’ macnihiisu waa koob. Sidaas awgeedna, Suudaantu ururka Ikhwaanka iyo taageerayaashiisa waxay ugu yeeraan ‘Koobab’.

Khumeyni waxaa laga wariyaa in uu yiri: si loo difaaco islaamka darteed qofka waxaa u bannaan “inuu been sheego, jaajuusidda iyo xitaa in uu khamro cabbo haddii laga fursan waayo.” Dabcan islaamka Khumeyni uu tilmaamayaa waa maamulkii uu madaxda ka ahaa. Xasan Turaabi isna waxaa laga sheegaa in uu saaxiibbadi ku oran jirey hadal dulucdiisu tahay: Akhlaaqda iyo wacdiga masaajidda laga jeediyo dowlad laguma maamuli karo, ruuxii doonaya in uu taqi ahaadana waxaa la gudboon in uu raadsado xirfad aan ahayn siyaasad iyo maamul dowladeed. Sida la ogyahayna, wadaaddadu caadi ahaan diinta dantooda ayay waafajiyaan, oo waa tii wadaadka Soomaaliyeed laga sheegay oraahda caanka ah ee “La joojiyaa bannaan, la jiifiyaana bannaan.”

Iiraan iyo Suudaan marka laga tago dabeecadda dadkooda iyo kheyraadka dhulkooda, waxay ku kala duwan yihiin nooca hoggaanka nidaamkooda dowladnimo. Labada dalba waxaa hoggaanka u hayey wadaaddo, laakiin Iiraan waxaa lagu maamulay hey’ado iyo maskax wadareed. Halka Suudaan qaab qof iyo urur ah loo maamulay. Sababta ugu weyn ee kala geddisnaantaas loo aanayn karaana waa nidaamka waxbarasho ee labada dal ka jira. Iiraanida Shiicada ahi muddo hore bay oggolaadeen barashada falsafadda iyo culuumta bulshada ee kala duwan, halka Muslimiinta Sunnada ah oo Suudaantu ay ku jiraan barashada falsafadda lala dagaallami jirey -welina lala dagaallamo. Marka farqiga u weyn ee u dhaxeeya Iiraan iyo Suudaan waa mid u noqonaya dhanka wacyiga dabaqadda wax baratay iyo hoggaanka siyaasadda.

Waxaana lagu kaftamay in ururka Ikhwaanu Muslimiinka ee dalka Suudaan xukumay uu lahaa hal mufakir oo ahaa Dr. Xasan Turaabi. Qof ahaanna, kolka aan kaftankaas maqlo waxaan isweydiiyaa su’aal ah: Haddii Suudaantii ahayd xarunta Soomaalida ugu badani ay waxbarashada u raadsatay ay lahayd hal mufakir, abbooyow Soomaalidu imisa mufakir bay leedahay?!

Yeelkadeede, marka dhabta laga hadlo, Khumeyni, Turaabi iyo ragga kale ee wadaaddada fuqahada ah ku eedeeyey in ay yihiin “culumada xeydka iyo nifaaska’, ilaa xad arrinkaas way ku saxsan yihiin. Fuqahada islaamku wax badan bay ka qoreen fiqiga ku saabsan dahaarada iyo cibaadaadka, laakiin wax xusid mudan ka ma ay qorin siyaasadda iyo dowladnimada. Tusaale ahaan, dhigaallada wadaaddadu ay ka qoreen dahaarada sida; ka mayrashada janaabada, masaa’isha xeydka iyo nifaaska, weesada iyo wixii la baab ahi ciiddaas bay ka badan yihiin, laakiin taa caksigeeda dhigaallada ay ka qoreen siyaasadda iyo xukunku hal gacan faraheeda kama badna.
Muslimiintu laanta aqooneed ee ka hadasha siyaasadda iyo maamulka dowladda waxay u bixiyeen eraybixinta ‘Siyaasadda Shareecada Waafaqsan /السياسة الشرعية’. Dhigaallada magacaas wata ee muslimiintu ay qoreenna labo ama saddex kama badna. Qoraalladaas waxaa soo raaca kuwo loo yaqaan “Xeerarka Saldanada /الأحكام السلطانية” ama “Aadaabta Saldanadda /الآداب السلطانية”. Buugtaan oo u badan kuwo laga soo tarjumay ama looga dayday boqortooyinkii dunida islaamka ka baxsanaa sida boqotooyadii Beershiya iyo kuwii Hindiya, ma aysan ahayn dhigaallo loogu talogalay dadweynaha iyo in lagu akhriyo macaahidda iyo masaajidda, balse sida cinwaankooda laga garan karo waxay ahaayeen kuwo looga sheekaysto fadhiyada boqorrada iyo xaashiyadoodu ay ku yeeshaan baashaalka dheregdhacsiga. 

Buugta ‘Xeerarka Saldanaddu’, waxay la mid yihiin dhigaallo dunida badankeeda laga yaqiin oo ku caanbaxay magaca ‘Muraayadda Amiirrada /Mirrors for princes /مرايا الأمراء’.  Waa buug talo iyo tusaale lagu siin jirey boqorrada iyo amiirrada si ay uga shaqeeyaan in xukunkoodu uu waaro. Buugta xeerarka saldanadda ee Muslimiintu ay allifeenna inta badan waxaa loo adeegsaday si dadweynaha looga dhaadhiciyo in ay madaxda addeecaan, oo ay u dulqaataan xataa haddii ay ummadda dulmiyaan. Maxaa yeelay, sida lagu andacooday, haddii aan sidaas la yeelin oo aan madaxda si buuxda loo addeecin waxaa dhacaya fitan iyo fasaad, lixdan sano oo suldaan xadgudub badani uu xukunka hayo baana ka kheyr badan saacad keliya oo xukun la’aan la noqdo. 

Ragga qoray buugta ‘Xeerarka ama Aadaabta Saldanadda’, dantooda ugu weyni ma ahayn in bulshadu ay hesho caddaalad iyo sinnaan, balse waxay ahayd in nidaamka xukunka ee jiraa uu helo xasillooni iyo waarid. Raggii buugtaas qorayna waxay isku si u daliishan jireen nusuusta diinta islaamka, murtidii Beershiyaanka, falsafaddii Giriigga, iyo dhaqamadii Hindiya iyo Shiinaha. Taa awgeedna, aqoonyahanka reer Marooko ee Cabdullaahi Carawi waxa uu yiri: “Kuwa qoray dhigaallada aadaabta saldanaddu ma kala soocaan sharciga nebiga, caddaaladda Anushirwaan, iyo caqliga Suqraad iyo Aristootal.”

Marka taariikhda islaamka si mug leh loogu kuurgalana waxaa muuqanaya in boqorradii xukumay muslimiinta, laga bilaabo Mucaawiye bin Abii Sufyaan ay doonayeen in fuqahada ay ka dheereeyaan siyaasadda, wadaaddaduna dhankooda ay danaynayeen in boqorradu aysan faraha la gelin masaajiddooda iyo xarumaha ay dadka ku wacdiyaan, fiqigana ku baraan.

Haddii si kale loo dhigo, boqorradu awoodda xukunka ayay wadaaddada kala cararayeen, wadaaddaduna dhankooda diinta ayay boqorrada ka waardiyeynayeen. Halkaana waxaa ka caddaanaya in doodda wadaaddada islaamka siyaasiga ah ee sheegaysa in dunida islaamka aan laga aqoon diin iyo dowlad la kala saaro ay tahay mid la buunbuuniyey. Boqorradii muslimiinta u talin jirey ee magaca ‘Khaliifka’ loogu yeeri jirey waxay rumaysnaayeen in xukunka iyo saldanadda uu leeyahay midka yaqaan sida loo qabsado, loona ilaashado. Wadaaddaduna caadi ahaan afaarihiisa ma ay faragashan jirin.

Intaas marka laga yimaaddo, wadaaddada fiqiga bartay waxay sheegeen in mawduucyada fiqiga cutubka ka hadla dhiigga caadadu uu ka mid yahay kuwa ugu dhibka badan, uguna waxtarka yar. Sababta oo ah caadi ahaan dadka loo akhriyaa waa rag aan caadudu ku dhicin, raggaasina aalaaba dumar ma baraan ee rag kale bay u akhriyaan. 

Ku Allahoode waxay wariyeen, in maalin sidii caadada xertu ahayd, ay laba xerow bilaabeen in cashar fiqi ah oo xeydka ku saabsan ay isugu celiyaan kolkii sheekhu u casharka u mariyey kaddib. Markay cabbaar casharkii isugu celinayeen welina uu ku laaqan yahay, baa midkood wuxuu kii kale ku yiri:

War horta caadadu ma kugu dhacdaa?

Wuxuu ugu jawaabay: Maya.

Suuye: Haddaba anigana iguma dhacdee maxaan isugu wareerinaynaa imtixaankaan baas?!

Docda kale, wadaaddadu marka ay rabaan in ay muujiyaan ahmiyadda mawduuca ‘caadada iyo nifaasku’ uu diinta u leeyahay, waxay wariyaan sheekooyin badan oo ay dooddooda ku xoojiyaan. Sheekooyinkaas waxaa ka mid ah in gabari ay nin wadaad ah weydiisay su’aal ku saabsanayd caadada ama xeydka. Wadaadkiina uu gabadhii ku yiri: Miyaadan isku xishoonayn? Gabadhiina ay ugu warcelisay: “Alle ayaan ka baqayaa haddii aan xishoodo /أخاف من الله إن استحييت”. Waxay ka waddaa in haddii ay ka xishooto barashada axkaamta ku saabsan caadada ay denbaabayso, caro iyo cadaab Allena ay mudan karto.

Qoraallada kale ee qoraaga

Aragti

Qabiil iyo Qabyaalad: Qori iyo Qaaciis

Feker

Niitje, Ambedkar iyo Xeerka Maanu