Friday 22 November 2024
Cabdisaciid Cabdi Ismaaciil wuxuu ka warbixinayaa layaabbada uu ku soo arkay safar uu 2017 ku tegay tuulada Awra Amba ee Itoobbiya, oo ay ka hanaqaadday beel madaxbannaan oo aragtiyo ay dabbaqdo ka leh diimaha, dhaqaalaha, daryeelka bulshada iyo nidaamka nolashaba.
Soomaali baa laga hayaa: "Cimrigaaga oo dheeraadaa geel dhalayana waa ku tusaa!" Sidaa waxaa ka dhigan Cabdisaciid oo Amxaaro guryahooda ku booqday, canjeelo iyo basbaasna saxan kula wadaagey. Muddo dheer erayga "Amxaar" agtayda wuxuu ka lahaa hal macne oo ah ‘waraabe muuqaal aadami leh, oo hilibka dadka iyo kan duunyadaba isku si ceeriinka ugu feenta’. Sawirkaasina ma aha mid aniga ii gaar ah, balse waa sidii lagu ababin jirey dhallinyaradii Soomaaliyeed ee igu da'da ahayd ama iga weynayd -(Inta aan xusuusto markii iigu horraysey ee aan qalabka warbaahinta ka maqlo erayada Itoobiya, Xabashi iyo Amxaaro waxay ahayd markii uu bilowday dagaalkii 1977-78 ee Soomaaliya iyo Itoobiya u dhexeeyey, dadka badankooduna waa ka dheregsan yihiin dagaalkii afka ahaa ee qalabka warbaahinta ee labada dal la isku dhaafsan jirey). Shakina iigama jiro in ubadka Amxaarada iyo guud ahaan Itoobiyaanka Soomaaliga laga siin jirey sawir kaa u dhigma amaba ka sii foolxun -(Akhristow marna ha illoobin in Soomaali badan erayada Amxaar, Xabashi iyo Itoobiyaan ay macne qura u leeyihiin).
Waxaana marna illoobin sheeko ay carruurnimadii nooga sheekaysay hooyo Soomaaliyeed oo dhallinyaronimadeedii ku qaadatay dhulka Soomaali Galbeed ee hadda loo bixiyey kililka 5-aad. Hooyadaasi waxay noo sheegtay in Amxaaradu hilibka ceeriin ku cunaan, sidaa darteedna ay caloosha ka qurmaan, saxarada ay dhigaanna ay tahay dixiri iyo masas soocan. Waa dhab in ay jiraan Itoobiyaanka qaarkood iyo ummado kale oo hilibka ceeriin ku cuna, laakiin maxaa ka jira in ay masas saxaroodaan???
James D.Barker buuggiisa Narrative Of The Journey To Shoa And Of An Attempt To Visit Harar ee la qoray 1868, mar uu Itoobiyaanka ka hadlayey wuxuu yiri:
"Itoobiyaanku guud ahaan waa ummad ku nool hilibka ceeriin, loomana qaadan karo in ay yihiin dad horumar la sheego ka sameeyey dhanka raashin samaynta /Ethiopians is a nation who generally live[s] on raw meat, and it cannot be supposed that they have made great advancement in their cuisine".
Barker run buu sheegay oo tan iyo maanta suxuunta Itoobiyaanku ka helaan, martidana ku sooraan waxaa ugu caansan saxanka loo yaqaan "Kifto" oo ka kooban hilib lo'aad oo hadda la soo qalay oo isaga oo ceeriin lagu qaato burcad iyo basbaas. Saxanka hilibka ceeriin ah ee Itoobidu u badan tahayse waxaa loo yaqaan "Tere siga". Soomaaliga waxaa looga tiriyaa maalinka uu isla helo hilib iyo caano geel, si taa la mid ah Itoobiyaanka qaarkood waxaa looga tiriyaa marka ay isla helaan hilib lo'aad oo ceeriin ah iyo khamro -gaar ahaan noocyada ay ugu yeeraan Tej iyo Talla ee ay guryaha ku samaystaan, aalaabana aalkoladu ay ku yar tahay. Arooska Itoobiyaanka ee aan laga dhergin hilib ceeriin iyo khamrana ma aha aroos jira oo farxad, ciyaar iyo mashxarad loogu alalaso. Xaaladaha qaarkoodna, lammaanaha arooska ahi waxay jaraan hilib ceeriin halka ummadaha qaarkood ay keegga ka jaraan. Hilibka ceeriinka lagu cunaana wax xiriir ah lama laha diinta qofka ama bulshadu ay haystaan, oo Masiixi, Muslimiin iyo dad diimo kale haysta ama aan diinba haysan ayaa cuna hilibka ceeriin.
Waxaa la wariyaa sheekooyin badan oo ka hadlaya sababta keentay in Itoobiyaanku ay bartaan cunidda hilibka ceeriin. Sheekooyinkaas midda ugu caansani waa tan sheegaysa in cabsi darteed lagu bartay cunidda hilibka ceeriin. Weliba waxaa la sheegaa in la bartay xilligii ay socdeen dagaalladdii u dhexeeyey Muslimiintii Axmed Gurey hoggaamiyaha u ahaa iyo awoodihii Kirishtaanka.
Aqoonyahannadu waxay sheegaan in aadamigu taariikhdiisa inteedii badnayd uu hilibka ceeriin ku cuni jirey. Qofka haysta cusbo (=milix) oo qura ayaana ka maarmi kara in uu hilibka ceeriin ku cuno-(sida laga ogaaday kaydadka taariikhda, aadamigu lix kun oo sano oo keliya ayuu yaqaannaa in raashinka cusbo lagu darsado). Sida la ogyahayna, waayadii hore dadka badaha ku safra badankoodu waxay u dhiman jireen cudurro ka dhasha cusbada oo jirka ku yaraata. Sidaa darteedna waayadii danbe waxaa la bartay in doomaha iyo maraakiibta sahayn ahaan loo saaro walxo cusbo leh sida liinta. Waxaana xusuus mudan, in Itoobiya tahay dhul aan bad lahayn, waayadii horena cusbadu ciriiri ku ahayd, ilaa heer ay cusbada lacag ka dhigteen, oo u adeegsadeen isdhaafsiga badeecadaha iyo adeegyada kala geddisan.
Si kastaba ha ahaatee, caafimaad ahaan aad baa looga digaa khatarta ka iman karta hilibka ceeriinka lagu cuno, waxaana la sheegaa cudurro badan oo si toos ah ama si dadban looga qaado. Hayeeshee, waa caado bulshada si weyn ugu xididaysatay oo ay adagtahay in laga joojiyo. Waxaana lagu dooday in dhakhaatiirta Itoobiyaanku marka ay isbitaallada joogaan ay dadka ka wacyigeliyaan khatarta uu leeyahay hilibka ceeriinka lagu cuno, laakiin isla dhakhaatiirtaasi kolka ay shaqada ka baxaan ay cunaan hilib ceeriiin. Waxaana xusid mudan in carruurta da'doodu ka yar tahay 16 jirka caadi ahaan aan la siin hilibka ceeriin, ragga qaangaarka ahina ay yihiin kuwa aalaaba hilibka ceeriinka ku cuna.
Aragga ruux sheegta Amxaaro waxaa iigu horraysey dabshidkii 1993. Wuxuu ahaa nin aan ku derisnay kuraasta diyaarad aan ka raacay magaalada Jidda ee dalka Sacuudiga oo ku sii jeedday Addis Ababa. Ninkaas sheekada iyo isbarashadu waxay noo bilaabatay kolkii gabdhihii diyaaradda martigelinta ugu qaybsanaa ay cashada ka dib na weydiiyeen waxa aan cabbayno? Saaxiibkay wuxuu dalbaday khamro dhalo aad u yar ku jirtey, markii uu ka heensadayna wuxuu bilaabay in uu si gacalo leh u malabsado, oo mar quraaradda uu leefo marna bushimihiisa uu cuno. Isaga oo xaaladdaas ku sugan ayaa waxaa na soo ag martay gabadhii marti-soortada ahayd, wuxuuna si beerlaxwsi leh uga codsaday in ay bahasha u biisto. Kolkii ay u keentayna isaga oo faraxsan ayuu dhankaygii soo dhugtay, oo isaga oo wejigiisa uu yaab ka muuqdo wuxuu I weydiiyey su'aal ahayd: War maxaad bahashaan u cabbi weyday?
Waxaan ugu jawaabay: anigu Muslim baan ahay, Muslimiintuna khamrada ma cabbaan. Dabadeed wuxuu iigu warceliyey: Ha oran Muslimiintu khamrada ma cabbaan, balse waxaad tiraahdaa: Muslimiinta khamrada waa laga badsadaa. Wuxuuna intaas sii raaciyey: " Anigu waxaan ku noolahay dalka Kanada, waxaana saaxiibbo nahay nin Soomaali ah, marka aan khamrada wada cabbaynana, anigu markaan koob cabbo isagu saddex buu ka tuuraa, markaan saddex ka tuurana sagaal buu ka laacaa!" Aniga oo aad u caraysanna waxaan ugu jawaabay: He is a bad muslim! He is a bad Muslim!!! Nasiib wanaag ninkaas islaameed ee aanan dadka ka aqoon moorada Islaamka kama aanan saarin.
Isla safarkaas, maalmihii aan Addis Ababa joogey, ayaan subax waxaan raacay tagsi uu ka daaran yahay cajal codkiisa iyo muusiggiisu ay aad ii soo jiiteen, inkasta oo aanan fahmayn afka miruhu ay ka soo jeedaan, aanse u qaatay in uu yahay digri nebi-ammaan ah. Si aan u shaki baxo ayaan tagsilihii arrinkaas wax uga weydiiyey, wuxuuna qiray in arrinku yahay sida aan qiyaasay. Dabadeed, tagsiilihii baan ku iri: adigu ma Oromo ayaad tahay? Wuxuu yiri: maya e waxaan ahay Amxaar. Mar labaad ayaan waxaan weydiiyey diinta uu haysto? Wuxuu yiri: Muslim baan ahay. Markuu sidaa yiri, koofiyadda Muslimiintu caanka ku yihiinna ay madaxa u saaran tahay, ayaan si hoose waxaan isu weydiiyey: Wagar! War muxuu yiri? Ma Amxaar Muslim ah! Waxaa igu adkaa in aan rumaysto in uu jiri karo Amxaar bani'aadam ah, isaguna wuxuu leeyahay muslim baan ahay! Ruux adduunyo joogow maxaa aragti kuu laaban!!! Yeelkadeede, waxaan jeclahay in akhristaha sharafta leh aan halkaan kula wadaagowarbixin kooban oo ku saabsan tuulo yar oo ku taal dalka Itoobiya oo aan dhawaan booqasho ku tagey. Tuuladaani waxay tusaale u tahay sinnaanta ragga iyo haweenka, xannaanada carruurta, daryeelka dadka waaweyn iyo ka maarmidda diimaha oo dhan.
Waana tuulo ay dad badani u arkaan in bulshada Itoobiya iyo tan duniduba ay wax ka baran karaan. Dad baana ku dooday in ay tusaale fiican u noqon karto ujeeddooyinka horumarinta ee Qaramada Midoobey.
Hor iyo horraan waxaa iga afeef ah in marka aad akhriso waxa laga qoray tuulada iyo waxa ay kuu sheegayaan dadka tuuladu ay marar badan adkaanayso in si fudud lagu garto xaqiiqada dhabta ah ee jirta iyo riyada dadka tuuladu ay jecel yihiin oo ay higsanayaan. Waxaa intaa dheer, in dadka tuulada tagaa ay u badan yihiin dalxiisayaal si sahlan ku qaata waxa loo sheego iyaga oo aan fursad u helin in ay kala hufaan xogta ay heleen, oo ay kala ogaadaan dhabta iyo dhalanteedka (=riyada).
Tuuladaan waxaa lagu magacaabaa "Awra Amba" ama sida dadka deegaanku ugu dhawaaqaan "Awramba", oo macneheedu uu noqonayo "Bulsho buur dusheed ku taal / a community in top of hill ". Sida muuqatana waa magac abdo wanaagsan iyo yididiilo xanbaarsan. Baybalka ayaa waxaa ku soo arooray in Nebi Ciise (CS) mar uu la hadlayey xertiisii 12-ka ahaa, una tilmaamayey kaalinka looga fadhiyo iyo hawsha la doonayo in ay dunida ka qabtaan uu ku yiri: "Idinku waxaad tihiin cusbadii dhulka, laakiin haddii cusbadu dhadhan beesho maxaa lagu cusbaynayaa (=daweynayaa)? Markaa ka dib waxba tari mayso in dibedda loo sayro oo dadku ku tunto ma ahee. Idinku waxaad tihiin iftiinkii dunida. Magaalo buur dusheed ku taal oo aan qarsoomayn /You are the salt of the earth. But if the salt loses its saltiness, how can it be made salty again? It is no longer for anything, except to be thrown out and trampled underfoot. You are the light of the world. A city that is set on a hill cannot be hidden!" (Matthew 5, 13-16). Dabadeed siyaasiyiinta Maraykanka ayaa weedha "magaalo buur dusheed ku taal" u adeegsadey khudbooyinka ay dadweynaha ku shukaansadaan. Tusaale ahaan, madaxweyne John F. Kennedy khudbadihiisa middood oo uu jeediyey dabshidkii 1961 ka dib markii madaxweynanimada loo doortay, uuna kula hadlayey dadka Massachusetts ee uu ka soo jeedo wuxuu ku yiri: "Waxaan noqonaynaa sida magaalo buur dusheed ku taal. Indhaha dadka oo dhammi annaga ayay na soo eegayaan /We shall be as a city upon a hill. The eyes of all people are upon us". Wixii intaas ka danbeeyeyna oraahdu waxay noqotay mid caan ah oo loo adeegsado saadaalinta abdo wanaagsan.
Awra Amba maqalkeeda waxaa iigu horraysay goor hillaaddii afar sano laga joogo, xilligaas oo aan akhriyey maqaal gaaban oo laga qoray, oo igu dhaliyey xiiso ah in aan meeshaas xog buuxda ka helo. Sababta uu xiisaha iigu dhaliyeyna waxay ahayd iyada oo qoraaga maqaalku uu xusay in dadka tuuladu ay isku darsadeen labo dhaqan oo mid walba uu gaarkiisa u adag yahay in laga helo bulsho dhan, marka la isu geeyana arrinku uu ka sii cuslaanayo. Labada dhaqan ee maqaalku Awra Amba ku sheegay waxay ahaayeen in ay tahay tuulo si buuxda ragga iyo dumarku u siman yihiin iyo in aan dadkeedu wax diina ku abtirsan, isla markaana aqoon cibaado aakhiro ajar looga raadiyo.
Julia Sweeney oo ah gabar jilaa ah oo u dhalatay dalka Maraykanka ayaa waxaa laga wariyaa in ay tiri: hooyaday kolkii ay maqashay halka aan diimaha ka joogo, waxay igu tiri: “Waxba kama qabo in aadan ilaah rumayn, laakiin waa waalli in aad mulxid noqoto / I don’t mind that you’re not believing in God, but atheist!!!”.
Qof ahaanna, waxay ila ahayd, welina ila tahay in ay adagtahay in bulsho dhammi ay labadaas tilmaamood yeelato, siiba qodobka la xiriira diinta, waayo? Waxaa lagu doodaa in diintu ugu horrayso waxyaabaha aadamiga ka sooca noolaha kale, oo aadamigu uu yahay sheeko-tebiye (=storyteller) dhab iyo dhalanteed labadaba wax ku dhisa. Waxaana xiisaha sheekada igu sii kordhiyey in tuuladaasi ay tuuryo qura ii jirto.
Socdaalka aan hadda halkaa ku tagey ma ahayn mid aan darti buraashadda u biyeystay, balse wuxuu ahaa mid igu dhashay ka dib mar aan Addis Ababa u tagay si aan uga qaato dal-kugal aan damacsanaa in aan dal kale ku gaaro. Socdaalkuna wuxuu dhacay maalmihii aan Safaaradda ka war sugayey.
Nin saaxiibkay ah, baa ka dib markaan u sheegay in aan maqaal ka qorayo tuulo Itoobiya ku taal, wuxuu igu yiri: oo Cabdow adiga oo Soomaali ah maxaa kugu xaqsaday in aad ka hadasho tuulo Itoobiya ku taal, maad Soomaaliya wax ka qortid? Su’aashaasina waxay I xasuusisay jawaab ay bixisay Thrity Umrigar oo ah gabar qoraa ah oo u dhalatay dalka Maraykanka, asal ahaanse ka soo jeedda Hindiya. Thrity markii ay daabacday buuggeeda sheekada ah ee cinwaankiisu yahay “Everybody’s Son ”, ayaa waxaa la weydiiyey su’aal oranaysa: adiga oo Hindi ah maxaa kugu bixiyey in aad wax ka qorto caddaanka iyo madowga? Jawaabtii ay bixisayna waxay ahayd: haddii raggu wax ka qoraan haweenka, culumada khayaalkuna ay wax ka qoraan walxaha duula (= Unidentied flying objects ‘UFO’), wadaaddaduna qiyaamaha, maxaa diidaya in aan wax ka qoro caddaanka iyo madowga?
Awra Amba waa tuulo yar oo hillaaddii 70km u jirta magaalada Baxar Daar ee caasimadda u ah gobolka Waqooyi-galbeed ee dalka Itoobiya ee ay degto qoowmiyadda Amxaaradu, waxaana la aasaasay dabshidkii 1972. Sida la ii sheegay tuulada hadda waxaa ku nool dad tiradoodu gaarayso 514 ruux, oo ka kooban 144 qoys. Fikradda lagu aasaasayna waxaa lahaa nin la yiraahdo Zumra Nuru Maxamed. Zumra Nuru wuxuu ku dhashay kuna koray tuulo yar oo la yiraahdo Estie Wereda, oo aan wax badan ka fogeyn meesha hadda Awro Amba ay ku taal. Zumra Nuru waa ummi aan wax qorin waxna akhrin, laakiin tan iyo yaraantiisii ku qanacsanaa in dhaqanka iyo fahanka diineed ee deegaankiisa ka jiraa ay yihiin kuwo caqabad ku ah horumarka iyo wadanoolaanshaha bulshada. Arrimaha uu sida weyn u qoonsadayna waxaa kow ka ah kala sarraynta labka iyo dheddigga iyo qoqobka iyo nacaybka diimaha ku salaysan. Zumra isaga oo si kooban arrinkaas uga sheekaynaya wuxuu yiri:
"Waxaan ka dhashay qoys beeraley ah, aabbahay iyo hooyaday wadajir bay beerta uga shaqayn jireen, laakiin marka guriga la yimaado aabbahay intuu dhacdiid isu tuuro ayuu lugaha cirka u taagi jirey, halka hooyaday ay ka qaban jirey shaqooyin aad u badan oo ay ka mid ahaayeen in ay biyo soo dhaamiso, xaaabo soo gurto, raashinka kariso, carruurta cunno siiso, alaabta nadiifiso, guriga hagaajiso, aabbahayna cagaha u mayrto. Habeenkii waxaan seexan jirnay hooyaday oo shaqo haysa, subaxdiina waxaan soo toosi jirney hooyo oo shaqaynaysa. Aabbahay haddii uu saluugo waxqabadka hooyaday wuu ku qaylin jirey, mararka qaarkoodna wuu u gacan qaadi jirey. Waxaana isweydiin jirey: maxaa aabbahay u diiday in uu hooyo hawsha la qabto, haddii uusan la qabanaynse muu ka daayo dilka iyo qaylada?"
Zumra goor danbe wuxuu ogaaday in habdhaqanka caynkaas ahi uusan ahayn mid ku kooban gurigooda, balse uu yahay mid aad ugu baahsan bulshada deegaankiisa oo dhan. Wuxuuna bilaabay in uu ka fekero sida dhibaatadaas wax looga qaban karo, wuxuuna gudagalay in uu bulshada deegaankiisa ku baraarujiyo dhaqammada qalloocan ee nolosha iyo horumarka bulshada caqabadda ku ah. Arrinkaasna wuxuu ku mutay colaad, nacayb, xarig iyo in lagu tuhmo in dhimirka looga jiro.
Zumra wuxuu sheegay in isaga oo saddex iyo toban jir ah uu bilaabay in uu ku wareego tuulooyinka iyo magaalooyinka ku yaal dhulka Amxaarada (= Gojam, Wollo iyo Gonder) isaga oo raadinayey bal in uu helo dad ay isku aragti yihiin. Sida uu sheegay muddo shan sano ah ayuu wareeggaas ku jirey isaga oo aan haysan cunno, hooy iyo hu’ toona. Ma uusan arag cid soo dhaweysa afkaartiisa, ugu danbayntiina wuxuu go’aansaday in uu ku noqdo tuuladii reerkoodu ay deggenaayeen, wuxuuna noqday beeraale xaas ah. Waxaana caado u ahayd in dalagga u baxa uu la wadaago dadka tabarta yar ee aan awoodin in ay shaqeeyaan. Falkaas oo ay si weyn ugu kala dhinteen waalidkiis iyo dadkii ay qaraabada ahaayeen oo ku tiriyey in uu u batay dhanka waallida. Dhowr sano ka dib ayuu tuulo ay deris ahaayeen oo la yiraahdo Fogera Woreda wuxuu kula kulmay dhowr qof oo ay isku afkaar noqdeen, kolkii ay dadkaas muddo afkaar iyo sheeko wadaag ahaayeen wuxuu go’aansaday in uu ka guuro tuuladii reerkoodu deggenaa, oo uu dego tuuladii ay saaxiibbadi deggenaayeen. Muddo ka dibna isaga iyo saaxiibadi waxay go’aansadeen in ay yagleelaan tuulo iyaga u gaar ah oo ay afkaartooda ka hirgeliyaan. Dabshidkii 1972-diina iyaga oo 19 qoys ka kooban ayay waxay degeen tuulada ay ula baxeen “Awra Amba”.
Hayeeshee, dadkii deggenaa tuulooyinka ay deriska yihiin qaarkood oo ku colaadinayey afkaartooda iyo habdhaqankooda ayaa waxay bilaabeen in ay ku dacweeyaan xukuumaddii Dergiga ee Mingiste Hayla Maryam uu hoggaaminayey, iyaga oo sheegaya in kooxda degtay tuulada Awra Amba ay yihiin ‘Woyanie’ ama mucaarad hoosta kala shaqeeya ururkii mucaaradka ahaa ee Meles Zenawi uu hoggaaminayey. Dabshidkii 1986 waxaa la xiray Zumra Nuru, wuxuuna xabsi ku jirey lix bilood isaga oo aan la maxkamadayn. Bishii Feebaraayo ee 1988-kiina waxaa si weyn deegaanka ugu faafay war sheegaya in xukuumaddu diyaarinayso qorshe lagu xasuuqayo dadka ku dhaqan tuulada Awra Amba, warkaas oo dadkii tuulada ku bixiyey in ay ka qaxaan tuuladoodii, muddo shan dabshid ahna ay si qarsoodi ah ugu noolaadaan meel la yiraahdo “Bonga” oo ku taal Koonfurta Itoobiya. Muddadaas shanta dabshid ahna waxay la kulmeen dayac iyo darxumo galaaftay qaar badan oo ka mid ahaa. Kolkii xukuumaddii Dergigu ay dhacday dabshidkii 1993dii ayay dib ugu laabteen deegaankoodii, waxayse u tageen dhulkoodii oo dadkii deegaanku ay isku ballaariyeen, waxaana ku adkaaday in ay helaan dhul ku filan oo ay beertaan. Arrinkaas oo ku bixiyey in xirfaddii qodaalka xooggeeda ay ku beddesheen xirfad kale oo ah samaynta dharka.
Siday ahaataba, intii aan Baxar Daar iyo dhulka Amxaarada ku sugnaa mar walba waxaa maskaxdayda ku soo dhacaysey fikradda ah in siyaasiyiintu aysan dadka waxtarka ka simin, balse ay eedda ka simaan.Tan iyo markaan garaadsadey waxaan maqlayey warar sheegaya in Itoobiya tahay sac qowmiyadda Amxaarada oo keliya u irmaan, laakiin markaan Amxaarada arkay waxaan ogaadey in Amxaarada caga-caddi ay aad uga badan tahay Soomaalida caga-cad. Waa suurogal in shakhsiyaadka ugu hodansan dalku ay Amxaaro u badan yihiin, balse run ahaantii dhulka Amxaaradu gobollada dalkaan uguma hormarsana, haddiiba uusan ugu saboolsanayn. Siyaasiga aan la la xisaabtamin naftiisa iyo reerkiisa ayuu wax u qabtaa, ee qabiil iyo qowmiyad toona wax uma taro. Dastuurka iyo siyaasadaha qaranka ee dalka Itoobiya labka iyo dheddigga xuquuq iyo waajibaad isle'eg bay dhammaan laamaha nolosha ka siinayaan. Itoobiyana qiyaastii waa saxiixday dhammaan heshiisyada caalamiga ah ee ku saabsan xuquuqda haweenka iyo dhallaanka. Iyada oo ay sidaa tahay, haddan idil ahaan gobollada dalkaan haweenku ma helaan xuquuq u dhiganta ama xataa u dhow tan ragga. Haddaan tusaale u soo qaadanno gobolka Amxaarada ee tuulada Awra Amba ay ka tirsan tahay waxaan arkaynaa in bulshada Amxaaradu ay tahay bulsho abawi (=patriarchal) ah oo awooddu weli ragga gacanta ugu jirto, haweenkuna go'aammada nolosha aysan si toos ah saamayn badan ugu lahayn. Gobolkaan Waqooyi-Galbeed ee Amxaaradu degto waxaa lagu tiriyaa inuu ku jiro gobollada waddanka kuwa heerka akhris-qorid la'aanta haweenku ugu sarrayso, oo in ka badan 40% dumarka da'doodu u dhaxayso 15-50 jirku wax ma akhriyaan, waxna ma qoraan. Sidoo kale waa gobolka labaad ee ugu sarreeya heerka gudniinka gabdhaha (gobolka 1-aad waa Cafarta, kan 3-aadna waa Soomaalida).
Sidoo kale, wuxuu safka hore kaga jiraa gabdhaha yaraanta lagu guursado. Guud ahaan, gobolkaan waxaa ka jira dhaqanka yiraahda: "Alif wax ma leh, gabari wax ma leh!" Sidaas oo ay tahay, ragga Awra Amba waxaa halhays u ah: "In aan qabto shaqada dumarku qabtaan ragannimadayda wax u dhimi mayso, laakiin jahliga ayay iga daaweynaysaa”. Sidaa awgeed, tuuladaan shaqada keliya ee haweenka u gaarka ahi waa uurka iyo nuujinta carruurta. Wixii intaas ka soo hara ragga iyo dumarku waa u siman yihiin, qabashadeedana waxaa xukuma itaalka qofka iyo xiisaha uu u hayo qabashadeeda. Tusaale ahaan, waxaa dhacda in gabadhu ku wanaagsan tahay beeridda dhulka, halka wiilku uu ku wanaagsan yahay soohidda dharka, ama in gabadhu ka hesho mayridda dharka iyo maacuunka, halka wiilku uu ka helo karinta cuntada.
Gabdhuhu waa in ay beeraha wax ka falaan, dharkana wax ka soohaan, wiilashuna dhankooda waa in ay canjeerada wax ka dubaan, biyaha soo dhaamiyaan, xaabada soo guraan, dharka mayraan, gurigana fiiqaan. (Halkaan ka daawo filim yar oo ku saabsan fikradda dadka Awra Amba ay ka haystaan mawduuca sinnaanta ragga iyo haweenka:
Hadday inani waagii baryaba wax u eg yeeleyso.
Inteenna u walaaliyo hadday waalidka xurmeyso.
Wacdiga loo dhigaayiyo hadday waanada adkayso.
Wanaaggiyo nadaafadda hadday weheshi moodeyso.
Wargeyska iyo raadyaha hadday wada aqoonayso.
Warqaadda iyo buugyada hadday wadar u eegeyso.
Wareeggaa ku ceeb ahe hadday weligi diideyso.
Waddankeeda loo haray hadday weer u xiranayso
Maxaa wiilku dheer yahay hadday wadato hawsheeda!
— Cismaan Yuusuf Keenadiid
Sida igu maqaalka ah, wadaaddada diimaha Kirishtanka iyo Islaamka labaduba waa ka doodeen fikradda sinnaanta labka iyo dheddiga ee tuulada Awra Amba ay ku caanbaxday. Hase ahaatee qolana mowqif midaysan kama gaarin arrinkaas. Tusaale ahaan, wadaaddada Kirishtaanku labo mowqif ayay u kala jabeen, oo qolo waa soo dhaweeyeen fikradda sinnnaanta ragga iyo dumarka, waxayna cuskadeen addillo ay ka keeneen Baybalka. Addillada ay cuskadeenna waxaa ka mid ah aayadda oranaysa: "War ragow xaasaskiinna u jeclaada sida Ciise u jeclaa kaniisadda oo uu wax walba ugu huray....Raggu waa in ay xaaskood u jeclaadaan sida ay u jecelyihiin jirkooda. Kan jecel xaaskiisu wuxuu jecel yahay naftiisa / Husbands, love your wives, just as Christ loved the church and gave himself up for her... Husbands ought to love their wives as their own bodies. He who loves his wife loves himself". Taa oo macneheedu yahay in anaaniyadda iyo naf-jeclaysigu aysan meel ku lahayn guurka, oo labada is qabaa ay u dhigmaan xubnaha qofka jirkiisu ka kooban yahay, qofkuna xubnaha jirkiis cad cad kama jeclaado.
Hase ahaatee, qolo kale oo wadaaddada kaniisadda ah ayaa sinnaanta ragga iyo haweenka waxay ku tilmaameen in uu yahay arrin aan la aqbali karin, oo ka soo horjeeda tacaaliimta diinta Masiixigu ay farayso oo ay ugu horrayso in saygu yahay madaxa qoyska mas'uulka ah, ayna tahay in afadu saygeeda addeecdo. Waxayna daliishadeen aayadaha ka horreeya kuwa aan sare ku soo xusnay ee oranaya: “Dumarkow isugu dhiiba raggiina si la mid ah sida ay tahay in aad Alle isugu dhiibtaan. Saygu waa madaxa afada sida Ciise u yahay madaxa kaniisadda/ Wives, submit yourselves to your own husbands as you do to the Lord. For the husband is the head of the wife as Christ is the head of the church.”
Si taa la mid ah ayaa wadaadda Islaamkuna labo mowqif oo isku lid ah arrinka uga istaageen. Qolo soo dhaweeyey iyo qolo u aragtay in uu yahay arrin ka hor imaanaya qawaamada Alle ragga siiyey. Xaqiiqadii khilaafka ka tagaan wadaaddada Kirishtanka ah dhexdooda iyo kan ka taagan wadaaddada Islaamka ah dhexdoodu wuxuu ka dhashay iyada oo wadaaddadaas qolo kastaa nusuusta diinta qayb qaadato, qaybna iska indho tirto. Tusaale ahaan, wadaaddada Masiixiga ah ee oggol sinnaanta ragga iyo haweenka iyo kuwa diiddaniba aayado Baybalka ku soo arooray ayaa qolo kastaa qayb qaadatay qaybna iska indho-tiraysaa. Wadaaddada Muslimka ahina waa sidaas oo kale.
Waxaa kale oo igu maqaal ah in guud ahaan barbaarta Itoobidu ay arrinkaan walaac ka muujiyeen, halka gabdhuhu si weyn u soo dhaweeyeen.
Dhanka kale, guud ahaan Itoobiyaanku waa dad diin jecel, kuna faana in ay soo dhaweeyeen diimaha waaweyn ee Masiixiyadda iyo Islaamka waayadii ay bilowga ahaayeen. Astaamaha durba ishaadu qabanayso ee diin jacaylka Itoobida muujinaya waxaa ka mid ah in dadka badankoodu -rag iyo dumar, carruur iyo cirroole, culumo iyo caamo- ay xiran yihiin silsilad macatab leh. Waxaa kale oo aad marar badan arkaysaa dad wejiga ku xardhay macatab iyaga oo adeegsanaya dambas ama rinji, iyaga oo u haysta in falkaasi uu ka difaacayo isha iyo xasadka. Waxaana xusid mudan, in kaniisaduhu qayb weyn ka yihiin meelaha la tuso dalxiisayaasha waddanka yimaada.
Muslimiinta reer Hararna waxay sheegaan in Harar tahay magaalada afraad ee barakaysan ee Muslimiintu leeyihiin- marka laga yimaado Maka, Madiina iyo Quddus. Sidoo kale, waxaad si joogto ah u arkaysaa dad faqri iyo darxumo la ildaran oo haddana sadaqo bixinaya -siiba wadaaddada iyo kaniisadaha. Diin jacaylkuna Itoobida wuxuu ka gaarey heer biirta dalkaan loogu cabidda badan yahay ay u bixiyeen magac astaan diimeed wata oo ah St. George ama weli George.
Dhanka kale, waxaa jirta oraah caana oo sawir ka bixisa xaaladda Itoobiya iyo dunida Islaamka ah, waana oraahda tiraahda: "Itoobiya waa jasiirad Masiixi ah oo Islaam ku hareeraysan yahay/ a Christian Island encircled by Islam." Dhab ahaantiise islaamku Itoobiya kuma hareeraysan oo keliya, balse dhexdeeda ayuu wuxuu ka yahay qayb weyn oo muhiim ah. Tirakoobyadu Muslimiinta Itoobiya waxay ku hillaadiyaan 30 malyan oo ruux, laakiin si taa ka duwan Muslimiintu waxay sheegaan in ugu yaraan ay noqonayaan kalabar dadka waddanka ku dhaqan.
Xiriirka Itoobiya la leedahay dunida Islaamka ah iyo xiriirka ka dhexeeya Kirishtanka iyo Muslimiinta dhexdood waa xiriir dhinacyo badan oo ay hagaan jacay iyo nacayb wadajira. Xiriirkaasi wuxuu wanaagsanaadaa kolka dareenka jacaylku uu guuleysto, wuxuuna xumaadaa marka nacaybku xoogaysto. Waa dareen ka dhasha dhacdooyinka taariikhda laga dhaxlay oo ay kala huriyaan dhacdooyinka ay ugu caansan yihiin soo dhaweyntii saxaabadii nebigu (scw) ay kala kulmeen dhulka Xabashida iyo boqor Nagaashi (= hijradii koowaad) iyo dhanka kale duullaankii boqor Abraha uu ku qaaday kacbada Maka.
Gobolka Waqooyi-galbeed ee dalka Itoobiya ee Amxaaradu degto dadka ku nooli hillaaddii 92% waa Masiixi haysta mad-habta Qibdiga, 7% waa Muslimiin. Taa oo jirta waxaa la rumaysan yahay in dadka deegaanku- Masiixi iyo Muslimiinba- aysan ku kaaftoomin diinta ay magac ahaan ugu abtirsadaan, balse sidoo kale waxaa si weyn ugu xooggan caqiidooyinkii hore ee hadda aalaaba loo yaqaan magaca “Cawaanka/Pagan”.
Itoobida Qibdiga ah badankoodu ma awoodaan in ay si toos ah u akhristaan Baybalka, sababta oo ah Baybalka Qibdidu weli wuxuu ku qoran yahay afka duugga ah ee loo yaqaan ‘Geeze’, oo cidda keliya ee wax ku akhrin kartaa ay tahay wadaaddada. Waxaa taa dheer, in qayb badan oo bulshada ka mid ahi ay yihiin ummiyiin aan aqoon akhriska iyo qoraalka.
Tusaale ahaan, qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanku waxay qabaan in ilaaha Kirishtaanka ee samada jiraa uu fog yahay, ayna adagtahay in toos loola xiriiro marka baahiyo jirto. Sidaa darteed, kolka baahiyi jirto, sida cudurrada (siiba kuwa loo aaneeyo isha iyo xasadka), ubad la’aanta, dhaqaale-xumada, ...iqk. Qaar badan oo ka mid ah bulshada Masiixiga ahi waxay miciin bidaan muctaqidaadka ayeeyo-ka-soo- gaarka ah ee laga dhaxlay dadkii hore sida saarka.
Ku Allahoode, waxay wariyeen in saynis yahankii weynaa ee Neils Bohr (1885-1962) ay kab-faras (=horseshoe)[i] iridda guriga ugu dheggenaan jirtey, dad u qaadan waayey in saynis-yahan caan ahi uu qardaas aammini karana ay arrinkaas wax ka weydiiyeen, Bohr-na uu ugu jawaabay: “War ma rumaysni, laakiin waxay sheegeen in ay falxad keento xataa haddii aadan rumaysnayn / i didn’t believe it, but they say that it does bring luck even if you don’t believe!”.
Dhab ahaantiina, waxaa jira aqoonyahanno badan oo rumaysan in diimaha samaawiga ahi ay salka ku hayaan, oo aad u soo xigteen diimihii hore ee dad-sameega ahaa. Runta biyo kama dhibcaanka ahina waxay tahay in Alle uusan buug qorin, balse aadamigu ay yihiin kuwa buugta qora kana ganacsada.
Siday ahaataba, faylasuufkii Faransiiska ahaa ee Albert Camus (1913-1960) waxaa laga hayaa in uu yiri: "Dadku waa in ay si qayaxan Alle u diidaan si ay jacaylkooda oo dhan aadamiga kale ugu hibeeyaan / People should reject God defiantly in order to pour out all their loving solicitude on mankind ". Waxaadna mooddaa in Zumra Nuru uu fikrad taa u dhow aamminsan yahay, dadka tuulada ku noolina ay la qaateen. Zumra waxay la tahay in diimaha kala duwani ay nacayb aan loo baahnayn ay dadka dhexdhigaan. Arrinkaasina waa fahan uu kala baxay duruufihii ka jirey bulshadii uu yaraantiisii ku soo dhex-barbaaray. Zumra isaga oo taa ka sheekaynaya wuxuu yiri: " Waxaa I dhalay qoys Muslim ah, aniga oo yar ayaan maalin waxaan booqday guriga reer Kirishtan ah oo aan ehel iyo derisba ahayn, carruurtoodana wada ciyaari jirnay.
Reerku markaan u tagay hilib bay cunayeen, dadkii waaweynaa oo malaha dareensanaa xasaasiyadda arrinku leeyahay waxba ima aysan siin, laakiin carruurtii reerka ayaa hilib i siiyey. Hilibka oo aad iila macaanaa qaar meeshii baan ku cunay qaarna waxaan u qaatay gurigayaga. Dabadeed hooyaday kolkii ay ogaatay arrinkaas aad bay ii canaanatay, hilibkii aan gacanta ku sitayna qori bay iiga tuurtay iyada oo diidaysa in hilibka najaasada ahi uu faraheeda taabto, waxayna ii sheegtay in aanan mar danbe cunin hilib Kirishtaan samaysteen. Kolkaas hooyaday waxaan weydiiyey su'aal ahayd:
Hooyo miyaan hilibka aan cunno iyo kan Kirishtanku cunaan uusan isku mid ahayn? Waxay tiri: Haa, waa isla hilibkii. Haddana mar kale ayaan waxaan weydiiyey: hooyo Masiixidu miyeysan ahayn bini'aadam na la mid ah? Waxay tiri: Haa. Dabadeed waxaan weydiiyey: oo haddaas maxaa diidaya in aan cunno hilibka ay qashaan, iyaguna ay cunaan midka aan qalanno? Laakiin hooyaday su’aashaas dambe iigama aysan jawaabin ee way iska aammustay!"
Hubaashii, diimuhu waxay la hadlaan qalbiga qofka ee lama hadlaan caqligiisa, si ruuxu u noqdo muumin khaalis ahna waxaa loo baahan yahay in uu noqdo mid wax isweydiintu ku yar tahay. Sidaa darteedna, wadaadda Islaamku erayga Islaam waxay ku macneeyaan is-dhiibid, muslimiintana waxay ka dhaadhiciyaan in diintu u baahan tahay raacid ee aysan u baahnayn hal-abuurnimo ( الدين اتباع وليس ابتداع), waxayna si weyn noogu laqinaan xadiiska yiraahda: "Haddii diintu aragti ahaan lahayd, in khufka hoosta laga masaxo ayaa ka habboonaan lahayd in korka laga masaxo / لو كان الدين بالراي لكان أسفل الخف.
Si taa la mid ah, wadaaddada Kirishtaanku waxay dadka ku wacdiyaan nusuus ay ka mid yihiin kuwa yiraahda: "Isdhiibiddu waa ruuxda cibaadada, dadka is dhiibay waxay addeecaan erayga Alle, xataa marka uusan macnaha samaynayn /Surrender is the heart of worship, surrendered people obey God's word, even when it doesn't make sense." Waxaana lagu dooday in anbiyo iyo awliyo badan aan taariikhdu xusteen haddii aysan jirin ayeeyooyin ku yoto'a iyaga oo aan waxba iska weydiin.
Tusaale ahaan, Shiikh Cabduqaadir Jeylaani iyo akhyaarta la midka ah magacoodu ma waareen haddii aan ayeeyooyin cuskan.
Diimuhu waa seef labo afle ah, oo waxaa loo adeegsan karaa dhanka samaha ama dhanka xumaha hadba kii la rabo. Taana waxaa ugu wacan nusuusta diinta ee faraha badan oo siyaabo kala duwan loo macnayn karo. Diimaha waxaa lagu metalaa sidii in ay yihiin makhsin buuxa, oo cid waliba waxa ay rabto ay ka heli karto. Wadaadkii Yahuudiga ahaa ee Ben Bagbag-na mar uu tilmaamayey kitaabkaTowreedka waa tuu yiri: “Ku noqo, oo haddana mar kale ku noqo, wax walba isaga ayuu ku jiraa /Turn to it, turn to it again, for everything is in it”. Soomaalidii hore oo fikrad taa la mid ah muujinayseyna waa tii tiri: “Qiil uu ku bannaysto iyo qandi uu ku rito labadaba wadaad baa leh”.
Diinta waxaa la siin karaa macne jacayl iyo raxmad xanbaarsan ama waxaa lagu abuuri karaa nacayb iyo colaad. Diintuna dhankaas waxay kala mid tahay sayniska iyo suugaanta –inkasta oo ay ka saamayn badan tahay. Sayniska waxaa loo adeegsan karaa in lagu horumariyo noolaha iyo dabeecadda, laakiin waxaa kaloo loo adeegsan karaa duminta noolaha iyo dabeecadda. Sidaa waxaa la mid ah suugaanta, oo bilmatal suugaanta colaad baa lagu hurin karaa ama nabad baa lagu abuuri karaa. Waana tii la yiri: "si xun wax u sheeg sixir ka daran!".
Tuuladaan waxaa ka mamnuuc ah in laga dhiso xarun wax lagu caabudo, sida Kaniisad, Macbad iyo masjid. Maalin cibaado iyo maalin ciid-diineed ahna lagama yaqaan. Taa awgeedna, dadka tuulada deggen waxaa lagu eedeeyaa in ay yihiin mulxidiin aan diin haysan. Hase ahaatee, iyagu sidaas isuma arkaan, waxayna kuu sheegayaan in ay abuuraha rumaysan yihiin, laakiin aysan doonayn in ay magac u bixiyaan ama ay meel ku xiraan, maxaa yeelay? Haddii aan sidaa yeelno waxaan bilaabaynaa in bulshadayada iyo aadanahaba aan qaybinno.
Sida la ogyahayna, in diimuhu dagaallamaan waxaa u sabab ah iyada oo dadka diimaha kala duwan haystaa ay qolo kastaa waxa iyagu rumaysan yihiin ay diin xaq ah u yaqaannaan, waxa dadka kale rumaysan yihiin khuraafaad iyo sheeko-xariir ugu yeeraan. Waxa qolo diin u taqaan ayaa qolo kale khuraafaad ku sheegtaa. Taa awgeed, diini waa waxa adiga iyo dadkaagu aad rumaysan tihiin, khuraafaad iyo sheeko-xariirna waa waxa ummadaha kale oo dhammi ay rumaysan yihiin. Waxaana xusid mudan in bulsho-baarihii Max Weber uu ku dooday in jiritaanka diimuhu uu ku tiirsan yahay helidda wadaaddo ku dhiirrada in ay difaacaan wax aysan hubin.
Zumra Nuru iyo taageerayaashiisu waxay yiraahdaan: “Allaah iyo God waa labo magac oo cid qur ahi ay leedahay. Garannamaayo sabab igu bixinaysa in aan tago guri meel gaar ah laga dhisay si aan abuuraha ugula kulmo, haddiiba la sheegay in uu meel walba joogo, goor walbana noo jeedo. Ma rumaysnin nolol middaan ka danbaysa, waayo ma jirto cid caddayn karta arrinkaas. Ma haysanno kitaab muqaddas ah (=sida Bible ama Quraan), laakiin waxaan ficil ahaan u fulinnaa mabaadida ugu wanaagsan ee kutubtaas ku qoran. Diinta iyo jacaylka abuuraha (=Alle/God) kuma muujinno wax aan afka ka sheeganno ama salaad iyo soon, balse sida ugu wanaagsan ee aan ku muujin karnaa waa in aan jeclaanno, waxtarna u yeelanno bulshadayada iyo guud ahaan noolaha”. Fyodor Dostoyevsky-na waa tuu horay isu weydiiyey su’aasha ah: Waa maxay cadaabi/ what is hell? Jawaabtii uu helayna waxay ahayd: “cadaabi waa in aad weydo awood aad wax ku jeclaato”.
Haddii si kale loo dhigo, diinta dadka tuuladu ay aamminsan yihiin waa hawl hufan iyo in dadka oo dhan wanaag lagula dhaqmo. Waxayna si joogto ah ugu celceliyaan: "Waqtigayaga oo dhan waxaan uga faa'iideysannaa shaqo iyo horumarinta tuuladayada, waxa ugu badan ee aan ka fekernaana waa sidii aan saboolnimada uga bixi lahayn." Dadkaani waxay ku doodayaan in aan loo baahnayn in la sugo janno geerida ka dib la helayo, balse loo baahan yahay in ifka janno lagu helo. Sannadka oo dhan tuulada waxaan la shaqayn labo maalin oo keli ah, oo ah maalmaha uu bilowdo sannadka cusub ee Itoobiya oo ku beegan 10 iyo 11 bisha Sibteembar. Marka laga yimaado labadaas maalmood ee ay fasaxa yihiin kolka qura ee dadka tuuladu ay shaqada joojiyaan waa inta meydka laga duugayo. Meydkana dhakhso ayaa lagu aasaa (=duugaa), oo ma laha duquus la ilaaliyo. Dadka tuuladuna waxay yiraahdaan: “Ruuxa waxaan doonayno in aan u sheegno, waxaan u sheegnaa inta uu nool yahay ee uu nala joogo.”
Kolkii aan wax ka akhriyey, waxna ka dhegaystey doodda dadka Awra Amba waxaan soo xusuutay sheeko Soomaaliga tiraahda: “Aw Cabdow wiilka Alle ha ku hallayn”. Iyaga iyo ku Allahoode, waxay wariyeen in hooyo Soomaaliyeed oo xoolo-dhaqato ahayd uu wiil ka xanuunsaday, dabadeed waxay u tagtay wadaad la oran jirey Aw Cabdi oo bulshada deegaanka quraanka iyo tahaliisha ugu qaabilsanaa. Waxay u sheegtay in wiil garaab ka yahay, laakiin halkii ay ka filaysey jiirnax iyo in uu raaco oo wiilka quraansaaro, ayaa wadaadkii wuxuu si fudud ugu jawaabay: idanka Alle wuu raysanayaa(=bogsanayaa), wuxuuna iska sii watey hawshii uu horay u haystay.
Markaana hooyadii oo wadaadka si gaar ah ula dardaarmaysaa waxay ku tiri: "Aw Cabdow wiilka Alle ha ku hallayn!", oo ay ula jeeddo in filashada Alle laga filayo ee ah in uu wiilka caafiyo in wadaadku wax ku daro, oo quraan akhris, qardaas jarid iyo tahliil uu wiilka kula tacaalo.
Taa oo jirta, haddana mararka qaarkood dadka tuulada waxaa ka muuqda astaamo diin go'an la la xiriirin karo. Tusaale ahaan, waxaa jira dumar xirta dharka xijaabka loo yaqaan ee caadi ahaan dumarka Muslimka ahi ay xirtaan. Dumarkaani xijaabka uma xirtaan diin ahaan, laakiin sida muuqata waa astur ay dhaqan ahaan yaraantii waalidkood iyo deegaankooda ka barteen. Laakiin dhab ahaantii, dadkaani Masiixi iyo Muslimiin toona isuma arkaan, balse waxaa jirta in meelaha qaarkood ay dhaqan ahaan ka yihiin Muslimiin ama Masiixi (=Culturely Muslim or Christian).
Waxaa igu maqaal ah in uu jirey nin Soomaali ah -oo reer Mudug ka sii ahaa- oo ka mid ahaa dadka loo yaqaan Alle-diidka (=Mulxidiin). Ninkaas waxaa halhays u ahaa in uu ku dhaarto oraahda "wejiga Ilaahay", oo wuxuu oran jirey: wejiga ilaahay arrinku waa sidaa, wejiga ilaahay sidaas baan yeelayaa, ....iwm. Dabadeed maalin baa waxaa la weydiiyey: war hebelow Ilaah ma jiro ayaad tiraahdaa, haddana intaas waxaad ku dhaaranaysaa "wejiga ilaahay" ee see labadaas arrimood isu qabanayaan? Wuxuu ku jawaabay: War heedhaha eraygu wuxuu ka mid yahay Soomaaligii aan hooyaday ka bartay!". Haddaba, ninkaasi inkasta oo uu dhanka caqiidada Alle-diid ka ahaa, haddana xagga dhaqanka Muslim buu ahaa.
Dadka tuuladu waxay rumaysan yihiin in aadamiga oo dhammi ay ka soo jeedaan hal lammaane oo lab iyo dheddig ah, oo xataa mararka qaarkood ay ugu yeerayaan Aadan iyo Xaawo. Sidaa darteedna, waxaa muuqata in aysan rumaysnayn aragtida isbeddelka (=The evolution theory/نظرية التطور) ee Charles Darwin. Hayeeshee, wiilkii meelo-tuska iyo afnaqa noogu qaybsanaa ayaan weydiiyey su’aal ahayd: adigu qof ahaan aragtida isbeddelka sidee u aragtaa? Wuxuuna iigu jawaabay hadal nuxurkiisu ahaa: anigu aragtidaas haddii ay sax noqoto waxba kama qabo, waxaana hubaa in hoggaamiyeheenna (= Zumra Nuru) qudhiisu uusan wax ka qabin, waxa muhiimka ahi waa in cilmi ahaan loogu qanco.
Tuuladaan waxaa yimaada wadaaddo badan oo Masiixi iyo Muslimiinba leh, kuwaas oo ujeeddadooda ugu weyni ay tahay in ay dadka tuulada ku dhaqan ugu yeeraan diintooda. Hase ahaatee, sida la ii sheegay wadaaddadu had iyo goor hawshaas waa ku hungoobaan.
Halkaan ka daawo wax yar oo ku saabsan fikradda dadka tuuladu ay diimaha ka haystaan.
Xagga dhaqaalaha iyo waxsoosaarka, asal ahaan dadka tuuladu waxay ahaayeen beeraley, hayeeshee sidaan kor ku soo xusnay waxaa dhacay in dabshidkii 1988 ay ka qaxeen tuulada ka dib markii uu faafay war sheegaya in xukuumaddii Dergiga ee Mingisto Xayle Maryam uu madaxda ka ahaa ay qorshaynayso in ay layso dhammaan dadka tuulada ku dhaqan. Kolkii dabshidkii 1993 ay dib tuulada ugu soo noqdeenna waxay u yimaadeen dhulbeeroodkoodii oo dadkii deriska la ahaa qaarkood ay ku habsadeen. Muddo dheer waxay halgan ugu jireen sidii ay dhulkooda dib ugu soo ceshan lahaayeen, ugu dambayntii waxay ku guulaysteen in ay helaan dhul baaxaddiisu gaarayso 17.3 hiktar oo ka mid ah 50 hiktar oo asal ahaan dhulkoodu uu ahaa.
Arrinkaasi wuxuu keenay in xirfaddii qodaalku ay ku filnaan weydo baahidooda dhaqaale, taa awgeedna waxay ku fekereen in ay helaan il dhaqaale oo kale, waxayna ku qanceen in samaynta dharku ay kaalinkaas u geli karto. Sidaa darteed, haatan tuuladu dhaqaale ahaan waxay xoog ugu tiirsan tahay samaynta dharka, waxayna leedahay makiinado bilow ah oo ay samaynta dharka u adeegsadaan.
Bulshada Awra Amba xagga dhaqaalaha waxay u qaybsan yihiin labo heer ama labo kooxood oo ka la ah:
Kow: Dad sita magaca ‘Xubin Bulsho /Community Member’. Bulshada qaybteeda loo yaqaan in ay yihiin xubin bulsho waxay u madax-bannaan yihiin doorshada waxa ay ka shaqaynayaan iyo meesha ay ku noolaanayaan –Awra Amba gudaheeda iyo dibaddeeda. Waxa qura ee loo shardiyaa waa in ay taageeraan mabaadida dadka tuuladu ay aamminsan yihiin. Falsafadda iyo mabaadida tuuladu ku dhisantahayna waxaa ugu weyn kuwaan soo socda;
Sinnaanta ragga iyo haweenka
Dhawridda xuquuqda carruurta
Daryeelka dadka waaweyn iyo kuwa tabarta daran
Qaddarinta shaqada iyo ciribtirka saboolnimada
Walaalnimada aadamiga oo dhan iyo in ruuxu dadka ula dhaqmso si la mid ah sida uu jecel yahay in ay ula dhaqmaan.
Labo: Dad sita magaca ‘Xubin Iskaashato /Cooperative Member’. Bulshada qaybteeda loo yaqaan magaca xubin iskaashato waxaa khasab ah in dhammaantood ay ku noolaadaan tuulada gudaheeda ayna wadajir u shaqeeyaan, dhib iyo dheefna ay wadaagaan. Xubnaha iskaashatadu waxay u noolyihiin qaab hawl iyo hantiwadaag ah, waxaadna mooddaa in ay fulinayaan halkudheggii Karl Marx ee nidaamka hantiwadaaggu uu caanka ku noqday ee yiraahda “Mid walba waxaa laga rabaa inta tabartiisu le’egtahay, mid kastana waxaa la siinayaa inta baahidiisu tahay /From each according to his ability, to each according to his need (or needs). Dadka qaarkood oo u fiirsaday qaabka dadka tuuladu u noolyihiinna waxay yiraahden tuuladaani waa riyadii Karl Marx iyo dadkii la afkaarta ahaa oo Afrika laga hirgeliyey. Qof ahaanse waxaan dareemayaa in Faannoole aanay fari ka qodnayn.
Tuulada waxaa ka mamnuuc ah in hey'adaha samafalku ay keenaan raashin deeq ah (= food aid), sababtana waxay ku macneeyeen in aysan doonayn in ku tiirsanaanta ah raashinkaasi ay wax u dhinto waxsoosaarkooda iyo isku tashigooda. Sida la ogyahayna deequhu waxay abuuraan waxa loo yaqaan "Dhaqanka ku tiirsanaanta/ Dependent culture", oo qofka iyo bulshaduba waxay noqdaan kuwo aan isku tashan, laakiin had iyo jeer cid kale wax ka suga. Waxaa xusid mudan in tuuladu oggoshahay in laga caawiyo dhanka mashaariicda horumarinta sida biyaha, waxbarashada, caafimaadka, jidadka ...iwm.
Awra Amba waxay leedahay xannaano carruureed (=kindergarten) oo dadka tuuladu ay toos u maamulaan iyo dugsi hoose iyo dugsi sare oo wasaaradda waxbarashada hoos yimaada. Carruurta tuuladuna waxay xaq u leeyihiin in ay nolol carruurnimo ku noolaadaan, oo ay waxbarasho iyo ciyaar labadaba helaan. Adeegga dugsiyadaanna waxaa kale oo ka faa'iideysta carruurta tuulooyinka Awra Amba deriska la ah.
Dugsiyadaan manhajka waxbarashada waxaa dheer oo carruurta lagu baraa mabaadi'da iyo akhlaaqda dadka tuuladu ay doonayaan in ay ubadkooda ku ababiyaan sida; xuquuqda carruurta, sinnaanta rag iyo dumarka, daryeelka dadka waaweyn iyo kuwa xanuunsan, in ay dadka ula dhaqmaan si la mid ah sida ay jecelyihiin in loola dhaqmo, iyo in aadamiga oo dhammi ay walaalo yihiin iyada oo aan loo eegin dal, dhaqan, diin iyo midab toona. Tusaale ahaan, halkudhegyada carruurta xanaannada lagu xifdisiiyo waxaa ka mid ah mid oranaya: “Wax aadan lahayn ha qaadan, dadkana ula dhaqan sida aad jeceshahay in ay kuula dhaqmaan.”
Run ahaantii, waxyaabaha xiisaha gaarka ah ii lahaa muddaddii aan tuulada joogey waxaa ka mid ahaa farxadda ka muuqata wejiyada carruurta tuulada, iyo in aadan tuulada ku arkayn carruur wax ku weydiisanaya, arrinkaas oo ay kaga duwan yihiin carruurta aad kula kulmayso meelo badan oo gobolkaan iyo guud ahaan Itoobiya ka mid
Sidoo kale tuuladu waxay leedahay maktabad (=library) ay yaallaan buug u badan saynis, una badan muqarraraadka ( text books) jaamacadaha iyo dugsiyada sare lagu dhigo oo ku qoran afafka Ingiriiska iyo Amxaariga. Marka aad weydiiso sababta keentay in buugta maktabadda ay saynis u bataanna waxay kuu sheegayaan in baahida ugu weyn ee ay qabaani ay tahay mid dhanka sayniska iyo farsamada ah. Waxayna la tahay in culuumta la xiriirta aadamiga (=social science) uu qofku si toos ah bulshada uga baran karo. Iskafaalayaasha buugta la saaro, kuraasta iyo miisaska maktabaddu waxay ka samaysan yihiin dhoobo laga sameeyey carro iyo danbas la isku qasay.
Tuulada waxaa mamnuuc ka ah gudniinka gabdhaha -( Itoobiya oo dhan hadda gudniinka gabdhuhu waa sharci darro, laakiin weli si weyn baa loogu dhaqmaa). Da'da ugu yar ee dhallinyarada tuuladu ay ku guursan karaan waa 19 jir oo ah da'da gabdhuhu ay ku guursan karaan iyo 20 jir oo wiilashu ku guursan karaan.
Sida la ii sheegayna, gabdhaha tuuladu waxay awoodaan in ay si toos ah ugu bareeraan xodxodashada barbaarta, waayo? Dadka tuuladu ma leh dhaqan iyo diin arrinkaas xishood xumo ku sheegaya, wiilasha iyo gabdhahana isku si baa loo tarbiyeeyaa, oo ma jiro wax gabdhaha ceeb ku ah oo aan wiilasha ku ahayn.
Wiilka iyo gabadha isguursanayaa waa in aysan qaraabo dhow ahayn (= زواج الأباعد), oo ugu yaraan ay toddobo oday kala tirsadaan, dhaqanka dadka deegaanka ayaana sidaas ah – (waxaa la ii sheegay in Amxaaradu qaraabada ku qeexdo dadka isugu yimaada wax ka yar toddobo oday). Waxaadna mooddaa in dhankaan ay kala mid yihiin dhaqankii Soomaalidii dagaalka sokeeye ka horraysey ee guurka fogayn jirtey. Guurka iyo furriinka dadka tuuladu waa madina aan diin shaqo ku lahayn. Sidoo kale, aroosku ma leh munaasabad dabbaaldeg iyo damaashaad lagu sameeyo, sababtana dadka tuuladu waxay ku sheegaan mid la xiriirta dhanka dhaqaalaha iyo ka faa’iideysiga waqtiga. Run ahaantii, qof ahaan arrinkaasi sina waa iiga degi waayey, waayo aragtidayda waa adag tahay in bulshadu ay ka maaranto munaasabado farxadeed iyo waqtiyo madadaallo. Qodobkaanna waxaan xoogaa kala sheekaystay wiilkii afnaqa ahaa, laakiin midkeenna kuma uusan guulaysan inuu kan kale qanciyo.
Awra Amba waxay kale oo leedahay guri dadka waaweyn lagu xannaaneeyo. Markaan iyo hal nin). Dadkaas qaarkood waxaa laga keenay tuulooyinka Awra Amba deriska la ah, oo aan iyaga laga aqoon adeeggaan oo kale. Waxaa la ii sheegay in dadkaas saddex jeer maalintii cunno la siiyo, saddexdii cashana mar loo mayro (=qubeeyo). Shaqada iyo kharashka ku baxa dadka guriga ku noolna waxaa si wadajir ah uga qaybqaata dadka tuulada oo dhan. Tayada adeegga dadkaasi helaan iiguma muuqan mid sarreeya, laakiin ."الجود من الموجود/ waa tii la yiri: "Deeqsinimadu waa wixii la hayo booqday gurigaas waxaa la ii sheegay in ay guriga ku nool yihiin 6 qof ( shan dumar ah
Awra Amba waxay leedahay qol matxaf ah oo lagu kaydiyo taariikhda tuulada.
Sidoo kale, waxay leedahay qolal loogu talo-galay in ay degaan dadka martida ah ee tuulada imaanayaa. Waa qolol waxa ay ka samaysan yihiin iyo agabka yaallaaba ay aad u kooban yihiin, badankooduna ka samaysan yihiin walxaha tuulada laga soo saaro –( marka laga reebo walxo kooban oo uu ka mid yahay tuujiga caagga ah). Laakiin dhanka nadaafadda iyo carafta qololkaani waxay ka wanaagsan yihiin hoteello badan oo waaweyn, waxaana hubaa in dad badani si fiican ugu ladayaan. Tuuladu waxay kale oo leedahay makhaayad macaamiisheeda badankoodu ay yihiin dadka booqashada ku jooga. Suxuunta laga helaa ma badna, laakiin cashadii aan ka cunay waxay iigu muuqatay mid tiro iyo tayaba si daacad ah loo diyaariyey, oo aan maan ganacsade lagu diyaarin. Waxaan qoraallo kale ka akhriyey in dadka deggen tuulooyinka Awra Amba u dhow ay jecel yihiin la dhaqanka ganacsi ee tuuladaan, ayna ka doorbidaan tuulooyinka kale iyaga oo ugu xilanaya ammaanada iyo daacadnimada. Tusaale ahaan waxaa la sheegaa in dadka tuulooyinka kale ay jecel yihiin in ay wax ku shiitaan makiinadaha
Awra Amba iyaga oo kalsooni ku qaba in aan la khayaamayn darteed.
Sida la ii sheegay qoraallo kalena aan ka akhriyey tuulada waxaa mamnuuc ka ah beenta, khayaanada, xanta iyo tuugsiga. Sidoo kale waxaa xaaraan ka ah dhammaan walxaha maanka dooriya marka lagu daro qaadka, sigaarka iyo khamrad calaqa (=tej) loo yaqaan ee malabka laga sameeyo ee Itoobiyaanku caanka ku yihiin. Sidoo kale waxaa xaaraan ka ah galmada guurka ka horraysa iyo guud ahaan galmada aan sharciga ahayn. Balwadda qura ee tuulada laga yaqaan waa cabidda shaaha, oo xataa qaxwaha Itoobiya caanka ku tahay lagama cabbo.
Waxaa bannaan furriinka, waxaana bilaabi kara sayga iyo afada hadba kii doona. Laakiin si furriinku u dhaco waxaa lagamamaarmaan ah in la keeno sabab macquul ah oo keeni kara in qoys dumo. Kolka furriinku dhacana hantida reerka waxaa loo qaybsanayaa si isle'eg (50:50).
Sidaa darteed, waxay ila tahay in dadka daneeya doodaha ku saabsan xiriirka ka dhexeeya akhlaaqda iyo diimaha ay Awra Amba u noqon karto sheybaar ay baaritaannadooda ku sameeyaan, waxaase lamahuraan ah in ay aqoon iyo waqti ku hubaysnaadaan, oo aysan sidayda oo kale dalxiisayaal noqon.
Ugu danbayntii, booqashadii aan Awra Amba ku tagay waa dhacdo aanan muddo dheer illoobi doonin. Waxaan u tagay dad soo dhaweyn leh iyo deegaan qurxoon- nasiib wanaag waxaan ku beegmay xilli roobaad ay meel walba xareeddu ceegaagto- waxaase muhiim ah in aan qiro in filashadii aan maanka ku hayey ee aan meesha la tagay oo aad u sarraysey ay dhinacyada qaarkood ka hoosaysay, laakiin dadaalaa waa gaaraa, Roomana maalin laguma dhisin.
***
[i] Kab-faras (horseshoe) waxaa laga wadaa bir u eg xarafka U oo fardaha qoobka loo geliyo si ay dhagaxa iyo dhib kaleba uga ilaaliso. Qaar badan oo ka mid ah dadyowga reer Yurubna waxay rumaysnaayeen in kab-farastaasi ay ayaan iyo hoodo wacan keento. Sidaa darteedna guryaha ayay ku xiran jireen.
Qoraalkan oo hore loogu faafiyay degelkii xidhmay ee Maandoon ayuu qoraagu u fasaxay Geeska in uu dib u baahiyo.