Skip to main content

Thursday 17 October 2024

Siyaasad

Saamaynta Doollarka Maraykanka

24 September, 2024
Image
Dollar
(Sawirka: CFOTO/Future Publishing via Getty Images)
Share

Qofku marka uu u kala socdaalayo laba dal, badanka waxa uu isku sarrifaa lacagaha labadaas dal; ka uu ka baxayo iyo ka uu ku socdo. Inta badanna waxa jira qaddar kayd u ah oo uu ugu talogalay xaaladaha degdegga ah. Badanka kaydkaas waxa uu ku haystaa lacag caalami ah oo meel kasta lagu sarrifi karo, tusaale ahaan Doollarka Maraykanka. 

Qeexid 

Lacagta si madaxbannaan loo adeegsan karo, ama sarrifkeedu ka shaqeeyo meel ka baxsan dawladda leh, ayaa ay suurogal tahay in lagu magacaabo lacag caalami ah. Doollarka Maraykanku waa lacagta rasmiga ah ee Maraykanka iyo waddamo kaleba, sidoo kalena waa lacagta caalamiga ah ee kayd laga dhigto. Doollarku, kaalintiisa ah; in uu noqdo lacagta caalamiga ah ee kayd gasha, kuma helin xeer waajibiyey, balse waa wax ku yimi markii Maraykanku noqday awoodda ugu weyn dhaqaalaha dunida. Dhaqaalayahannadu waxa ay tilmaamaan sababo dhawr ah oo keena in lacag gaar ah laga dhigto lacagta dunida ka dhaxaysa ee wax lagu kaydsan karo. Tusaale ahaan, awoodda dhaqaale ee gudeed, kaalinta lacagtaas iyo dalkaasiba kaga jiraan ganacsiga dunida, heerka furfurnaanta suuqyada maaliyadeed, suuragalnimada sarrifka lacagtaas, suuragalnimada in lacagtaas dalalka kale wax lagu kala iibsan karo iyo siyaasadaha dhaqaalaha guud ee gudaha dalka. 

U kuurgal

Adeegsigii koowaad ee lacag warqado ah waxa loo celiyaa hilaaddii 1690-kii, xilligaas oo gumaysigii Maraykanka joogay ka hirgaliyey gacanka Masashusitis, waraaqahaas na waxa loo adeegsaday maalgelinta hawlgallada ciidanka. Sannadkii 1785-kii, Maraykanku waxa uu si rasmi ah u adeegsaday calaamadda doollarka oo laga soo dheegtay Beesada Ameerika iyo Isbaanishka. Si wax loogu kala iibsado lacagta cusub ee warqadaha ah, xukuumaddii Maraykanku waxa ay sanadkii 1863-kii aasaastay Xafiiska Dabagalka Lacagaha “OCC” iyo Xafiiska Lacagta Qaranka. Sanadkii 1869-kiina waxa ay bilawday in ay samayso Xafiiska Daabacaadda Lacagta, halka markii hore shirkadaha gaarka ahi daabacan jireen lacagta waraaqaha ah. Wasaaradda Maaliyadda iyo Lacagaha ee Maraykanka ayaa bilawday in ay soo saarto xeerarka qandaraasyada dalka sannadkii 1890-kii, waa wax ka badan toban sanno ka hor aasaaskii Bangiga Dhexe ee Federaalka Maraykanka. Doollarkii Maraykan ee u horreeyey waxa la daabacay sannadkii 1914-kii, sannad ka dib aasaaskii xeerka kaydka ee Federaalka. 

Halbeegga dahabka 

Aasaaskii Bangiga Dhexe ee Federaalka, oo ahaa sannadkii 1913-kii, waxa uu isku dayay in uu meesha ka saaro hubanti la’aantii iyo deggenaansho la’aantii nidaamka lacagihii waraaqaha ahaa ee hore loo adeegsan jiray, bangiyada gaarka loo leeyahayna soo saari jireen. Dhaqaalihii Maraykanka ayaa ka sara maray dhaqaalihii Boqortooyada Ingiriiska, inkasta oo Boqortooyada Ingiriisku udubdhexaad u ahayd ganacsiga caalamiga ah, sababta oo ah wax kala iibsiga dunidu waxa uu ku salaysnaa Giniga Istarliinka. Inta badan dawladaha horumarsani waxa ay lacagahooda ku jaangooyeen dahabka, si ay u dhabeeyaan deggenaanta isku beddelka lacagaha. Hase ahaatee, markii Dagaalkii Koowaad dhacay sannadkii 1914-kii, daawlado badan ayaa meesha ka saaray ku jaango’naantii lacagahooda ee dahabka, si ay kharashaadka ciidamada ugu bixiyaan lacagaha waraaqaha ah, waana qodobka sababay in qiimaha lacagahaasi hoos u dhacaan. Sidaas si ka duwan, Ingiriisku waxa uu ku adkaystay ku jaangoynta lacagtiisa qiimaha dahabka, si lacagtiisu u haysato kaalinta hoggaaminta ee lacagaha kale ee dunida. Si kasta oo ay ahaataba, Ingiriisku markii koowaad, sanadkii saddexaad ee dagaalka waxa uu ku khasbanaaday in uu lacag soo amaahdo.

Soo ifbixii doollarka

Doollarku waxa uu figta sare ee lacagaha dunida gaadhay ka dib Dagaalkii Koowaad ee Dunida, waxa aanu booskaas ka qaaday Giniga Ingiriiska, inkasta oo Giniga Ingiriisku booskan soo ceshaday mar kale intii u dhaxaysay labada dagaal, balse ugu dambayn figtaas sare si kama dambays ah ayaa uu uga soo hoobtay, waxaana booskaas degay doollarka Maraykanka wixii intaas ka dambeeyey. Dagaalkii Koowaad ka dib, dawladihii Yurub ee ku burburay dagaalku waxa ay bilaabeen in ay amaah qaataan, si ay dib ugu dhisaan dhaqaalaha dagaalladu burburiyeen. Tani waxa ay sahashay in Maraykanku si tartiib ah u noqdo bangiga dunida, New York-na waxa ay noqotay xarunta maaliyadeed ee dunida iyada oo soo gaadhay Landhan. 

Heshiiskii Bretton Woods 

Dagaalkii Labaad waxa uu burburiyey warshadihii iyo waxsoosaarkii Yurub. Maraykanka oo raacaya Qorshihii Maarshaal waxa uu Yurub ka caawiyey dib-usoo-kabashada, waxaanu bilaabay maalgelin baaxad leh iyo alaabo badan oo uu u dhoofiyo Yurub. Maraykanku waxa uu noqday dalka waddamo badani kusoo hirtaan amaahdiisa iyo iibsiga waraaqaha daynta “US Bonds” ee ku qiimaysan doollarka. Ingiriisku waxa uu 1931-kii meesha ka saaray ku jaangoynta lacagtiisa qiimaha dahabka, tallaabadanina waxa ay keentay in xisaabihii bangi ee ganacstada caalamiga ah, ee ku ganacsan jiray Ginigu dumaan, sidaasna doollarku ku noqdo lacagta wax lagu kaydsan karo ee dunida hoggaamisa. Ka hor intaanu Maraykanku gelin Dagaalkii Labaad, waxa uu ahaa isha hubka siisa dawladihii Isbahaysiga la ahaa, dawladahaasina, qiimaha hubka iyo alaabtaba waxa ay ku bixin jireen dahab. Tani waxa ay suurogalisay in Maraykanku gacanta ku dhigo dahabka ugu badan dunida dhammaadkii dagaalka. Ku laabashada in qiimaha lacagaha lagu jaangooyo dahab waxa ay noqotay mid aan suurogal ahayn, kol haddii waddamada badankoodu kaydkoodii dahabka dhammeeyeen. 

Dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee dunida, wefdi ka kooban 700 oo qof, oo ka kala yimi 44 dawladood oo Maraykanka gaashaanbuur la ah, ayaa gaadhay goob diyaarsan oo ku taalla buuraha Bretton Woods oo ka mid ah gobolka New Hampshire. Kulanka waxa u jeedkiisu ahaa samaynta nidaam maaliyadeed oo cusub oo haga dhaqaalaha dunida. U jeeddada u weyn ee laga lahaa heshiiska Bretton Woods waxa ay ahayd fadhiisinta sicirka dhammaan lacagaha kale ee doollarka. Sidan, Maraykanku waxa uu doollar kastaba kusoo ceshanayay qiimahiisa oo dahab ah.  Xilligaas Maraykanku waxa uu ahaa dawladda keli ah ee aan dhib weyni ka soo gaadhin dagaalka, halka dhaqaalihii Yurub dhulka galay. Kol haddii Maraykanku hayo kaydka u badan ee dahabka dunida, Doollarka oo uu kabayo dahabkuna leeyahay qiime fadhiya, waxa la isku raacay in doollarka Maraykanku noqdo lacagta dunida kale wax ku kaydsan karto. Dhinaca kale, Maraykankuna waxa uu ku beddeli karaa doollarka dahab marka loo baahdo. Dawladuhu waxa ay leeyihiin heer cayiman marka ay noqoto xakamaynta lacagaha. Xaaladaha dalalka lacagtoodu aad hoos ugu dhacdo ama ay awood badan yeelato marka Doollarka loo eego, markaas waxa u suurogal ah in ay iibiso ama iibsato lacagteeda si dib u habayn ugu samayso doollarka suuqa yaalla. Heshiiskaas Bretton Woods, Maraykanku waxa uu ballanqaaday in halkii aunce (28 gram) ee dahab ahiba noqdo 35 dollar. Dawladihii kalena waxa ay dejiyeen qiimaha lacagtoodu ka tahay doollarka, sidaasna waxa ku samaysmay nidaam caalami ah oo cusub.

Kala xidhiidh-furankii doollarka iyo dahabka: jahawareerkii Nixon

Doollarka Maraykanka waxa loo adeegsaday lacag kayd laga dhigto oo uu ku lammaanyahay kaydka dahab ee u weyn dunida. Sababta u weyn waxa lahaa heshiiskii Bretton Woods. Haddaba, halkii dahab laga kaydsan jiray, dawlado badan ayaa sameeyey in ay urursadaan kaydad badan oo doollar ah. Dalalkaas oo u baahan kaydinta doollar badan, ayaa bilaabay inay iibsadaan warqadaha daynta ee Maraykanka (US Bonds), waxaanay u arkayeen kayd la aamini karo. Maraykanku dheef weyn ayaa uu ka helay in lacagtiisu tahay ta dunida oo dhan ka dhaxaysa, balse haddana mar kasta waxa jiray dhinac qarsoon. Kharashaadkii badnaa ee uu Maraykanku ku bixiyey dagaalkii Fiyitnaam waxa uu sababay in Maraykanku lacag badan oo waraaqo ah suuqa soo geliyo, arrinkanina waxa uu keenay in qiimihii doollarku hoos u dhaco. Korodhka cabsidii laga qabay in qiimaha doollarku aanu jaango’naan karin awgeed, dalal badan ayaa Maraykanka ka codsaday in uu kaydadkooda doollarka ah ugu beddelo dahab. Haddaba, halkii maalgashadayaasha amaahda Maraykanka loo oggolaan lahaa in ay madhiyaan kaydadka dahabka ee tuulan Fort Knox, madaxweynihii Maraykanka ee xilligaas, Nixon, waxa uu go’aansaday in doollarka Maraykanka iyo qiimaha dahabka la kala sooco. Go’aankani waxa uu keenay in sarrifku is bedbeddeli karo, sida uu maanta yahay. Sicirka doollarka waxa jaangooya suuqa sarrifka lacagaha “Forex”, waana qiime ku salaysan doonista iyo hadba xaddiga la soo bandhigo. 

Go’aanka Nixon waxa uu sabab u ahaa xidhiidhfurankii doollarka iyo dahabka, iyo in kor u kaca qiimaha doollarku uu beddelo qiimihii dahabka ee fadhiyey. Waxa uu sababay sicirbarar aad u daran iyo shaqo la’aan baahsan oo isku dhafan, waxa kale oo kor u kacay qiimihii shidaalka. Dhaqaaleyahanno waaweyn, sida Milton Freedman iyo Paul Folker ayaa bedka keenay siyaasado maaliyadeed oo kala duwan, sidaas daraadeed, Maraykanku waa uu ka samatobaxay saamayntii dhaqaale ee kala saaridda dahabka iyo doollarku keentay, dhaqaalaha Maraykankuna waxa uu bilaabay in uu dib u soo kabto. 

Kobicii Petro-doollarka

Sannadkii 1971-kii waxa dumay heshiiskii Bretton Woods ee ahaa in sarrifka doollarka iyo lacagaha kale ee dunidu sugnaado, kuna jaango’naado dahabka. Sababta u weyni waxa ay ahayd in dhigaalkii dunida kale ee doollarka ahaa ee codsanayay in dahab loogu beddelo iyo kaydka dahabku kala bateen. Inkasta oo ay sababta lahayd siyaasadihii dhaqaale ee Maraykanka, haddana waxa keliya ee beddel noqon karayay waxa uu ahaa uun isla doollarka. Waxa kordhay doollarka dunidu haysato, waxa kale oo kordhay doollarka ay haysteen dalalka shidaalka dhoofiya oo iyagu faa’ido ku qabay kor u kaca qiimaha shidaalka. 

Dalalka shidaalka dhoofiyaa waxa ay shidaalka ku iibin jireen doollarka, sababtoo ah ma jirin lacag kale oo u beddeli karta. Doollarku waxa uu ahaa lacagta macmiilkooda u weyn (Maraykanka), dhinaca kalena waxa uu ahaa lacagta lagu kala wado ganacsiga iyo maalgelinta caalamiga ah. Isku xidhka doollarka iyo shidaalka waxa ka dhashay heshiiskii dhexmaray Sacuudiga iyo Maraykanka sanadkii 1974-kii, oo lagu heshiiyey in shidaalka Maraykanku ka iibsado Sacuudigu ku beddesho gadashada waraaqaha amaahda Maraykanka (US Bonds), sidoo kale in lacagaha shidaalka lagu celiyo mashaariico horumarineed oo Maraykanku ka fuliyo Sacuudiga, heshiiskan oo isna ahaa sannadkii 1979-kii. 

Faa’idada ugu weyn ee maalgashiga lacagta shidaalka ee Maraykanku waxa ay ahayd in ay suurogalisay in doollarku tabtiisii sii ahaado, iyada oo waddamada shidaalka dhoofiyaa ay awoodeen in ay saliidda qaydhin dhoofiyaan, lacagtana doollar ku helaan. Sidaas ayaa uu Maraykanku dunida hormuud ugu sii ahaaday dhaqaale ahaan, maaliyad ahaan, tiknoolajiyad ahaan iyo ciidan ahaanba. Isku xidhka doollarka iyo batroolku waxa uu maalgeliyey hubka uu Maraykanku dhoofiyo, waxaanu keenay in Bariga Dhexe loo baratamo iibsiga hubka. Isku xidhkaasi waxa kale oo uu ballaadhiyey awooddii doollarka ee caalamiga ahayd, oo waxa kordhay maalgashiga ku qiimaysan doollarka meelaha ka baxsan Maraykanka, waxaana ka mid ah suuqa Yuuro-doollarka ee kobcaya. 

Qiimaynta hormuudnimada doollarka

Ilaa hadda doollarku dunida isaga ayaa hoggaamiya oo lacag caalami ah u ah, waxaana u sabab ah seeska dhaqaale iyo sooyaalka adeegsigiisa. Waxa kale oo jira qodobbo badan oo caawinaya in doollarku kaalintan haysto, sida heerka dhaqaalaha Maraykanka, suuqyada ganacsi iyo maaliyadeed ee Maraykanka, furfurnaanta, xeeldheeraanta iyo heeganka suuqyada maaliyadeed ee Maraykanka, sida uu u fududyahay sarrifka doollarku, sugnaantiisa iyo siyaasadaha dhaqaalaha guud ee Maraykanka oo badqaba. 

Raadadka ka dhasha ku xidhnaanta doollarka, oo uu sababteeda leeyahay baaxadda suuqa doollarka, waxa ay keentaa shaqo abuur, waana wax ay adagtahay in laga adkaado. Maqnaanta degenaansho la’aan dhaqaale ama siyaasadeed, haddii uu hal meel taagnaado doollarku waa wax keenaya in lacagaha kale ee beddeli kara loo wareego. Waxa suurogal ah in sababaha siyaasadeed raadayn karaan. Tusaale ahaan, ururrada siyaasadeed ee xooggani waxa ay ka qayb qaataan in ay adkeeyaan kasloonida lagu qabo dhaqaalaha Maraykanka. 

Muddo qarni iyo badh ah, kaalinta doollarka, ee ah lacag caalami ah oo dhigaal geli karta, waxa ay sii xoogaysatay sannadihii ka dambeeyey baaba’a heshiiskii Bretton Woods, oo ah markii madaxweyne Nixon meesha ka saaray ku jaangoyntii Dahabka iyo ballankii ahaa in dhigaallada doollarka ah dahab loo rogi doono. Inkasta oo doollarku ka hooseeyo sidii uu ahaa sannadkii 1971-kii, haddana maanta ayaa uu ka awood badan yahay kaalin ahaan marka loo eego sanadkii 1990-kii oo ah markii uu dhammaaday dagaalkii qaboobaa. Marka la eego muddadaas kontanka sano ah, doollarku qiime ahaan hoos baa uu u dhacay, waana bilawga xilliga loo arkayay in xiddigii Maraykanku dhacayo. 

Meesha ma laga saari karaa kaalinta doollarka?

Muddo siddeetan sano ah oo uu doollarku dunida kaalin weyn ugu jiray, sidoo kale ka dib dhacdooyin is xigxigay oo gilgilay dhaqaalaha Maraykanka, dad badani waxa ay oddorasaan in la joogo wakhtigii doollarka la beddeli lahaa, ma jiro boqor aanu calankiisu dhicin. Lacagaha tartanka kula jira ee beddeli karaa waa Yuurada, Yuan-ka ama Robolka Ruushka. Balse waxa la yaab leh in aanu arrinku sidaas u fududayn. Waa run in Maraykanka dib u dhac ku yimi marka loo eego awoodaha kale ee tartanka kula jira, haddana dhinac kasta oo laga istaago awoodda u weyn isaga ayaa haysta hadda. Wax soo saarka guud ee gudaha Shiinuhu waxa uu u dhigmaa boqolkiiba siddeetan wax soo saarka guud ee gudaha Maraykanka, alaabaha uu Shiinuhu dhoofiyaa waa wax ku dhow ama u dhigma inta uu Maraykanku dhoofiyo. Haddana dhinaca kale, suuqyada maaliyadeed ee Shiinuhu ma aha kuwo u dhow heerka iyo horumarka ay taaganyihiin suuqyada maaliyadeed ee Maraykanku, dhigaalka lacagaha qalaad ee Yuanku waa boqolkiiba saddex dhigaalka lacagaha qalaad ee dunida. 

Yuurada ayaa loo arkaa lacagta tartan ahaan u soo dhow doollarka. Waddamada adeegsada Yuurada ayaa wax soo saarkooda guud ee guduhu u dhigmaa boqolkiiba lixdan ka Maraykanka, alaabaha ay dhoofiyaanna waa boqolkiiba sagaashan inta uu Maraykanku dhoofiyo, dhinaca kalena waxa ay leeyihiin suuqyo maaliyadeed oo waaweyn aadna u horumarsan. Kobacii Jarmalka iyo Japan, oo noqday laba awoodood oo dhaqaale, waxa soo ifbaxday saadaal sheegaysa in Markga Jarmalka iyo Yen-ka Japan la tartarmi doonaan doollarka, duniduna saddex lacagood u kala qaybsami doonto. Qaybta Yen-ku ku leeyahay dhigaalka caalamiga ah ee lacagaha qalaad aad ayaa korodhay sannadihii siddeetanaadka, waxaanu figta gaadhay sannadkii 1991-kii oo uu noqday boqolkiiba sagaal dhigaalka lacagaha qalaad. Wixii intaas ka dambeeyey hoos ayaa uu u dhacay, waxaanu u daadagay meel ka hoosaysa boqolkiiba saddex. 

Lacagta Mark-ga ee Jarmalku waxa ay ahayd lacagta lafdhabarta u ah lacagihii hore ee Yuurada, waxaanay ahayd lacagta u badan ee kaydadka marka laga yimaaddo doollarka. Dhigaalka lacagaha qalaad mark-gu waxa uu ku lahaa boqolkiiba 10 ilaa 18, intii u dhaxaysay sannadihii 1979-kii ilaa 1998-kii. Markii Yurub go’aansatay midaynta lacagaha, waxa la saadaaliyey in doollarka meesha laga saarayo. Maanta, Yuurada waxa loo arkaa lacagta labaad ee dunida wax lagu kaydsado, afar meelood meel ayaanay haysataa dhigaalka lacagaha qalaad. Laga soo bilaabo siddeetanaadkii, qaybta lacagihii hore ee Yurub iyo midaynta lacagaha Yurub ku leeyihiin dhigaalka lacagaha qalaad waa wax ku dhow boqolkiiba 30. 

Sannadkii 2007-dii, madaxii hore ee Bangiga Dhexe ee Federaalka Maraykanku waxa uu yidhi: “Yuuradu waa ay beddeli kartaa kaalinta doollarka ee ah lacag caalami ah”. Waa hadal xaqiiqo xambaarsan. Dhammaadka 2006-dii, boqolkiiba 25 dhigaalka lacagaha qalaad waxa uu ahaa Yuuro, marka loo eego doollarka oo boqolkiiba 66 lacagaha qalaad ku kaydasadeen lacagahooda. Sidoo kale, xilligaas, boqolkiiba 39 ganacsiga xuduudaha ka gudba waxa wax lagu kala iibsaday Yuuro, halka boqolkiiba 43 doollar lagu kala iibsaday. Midawga Yurub waa 27 dal, waana mid ka mid ah dhaqaalaha dunida ugu awoodda badan. Haddaba midawgani ma beddeli karaa Maraykanka? Maya. In lacag caalami ah lacag kale beddeshaa wax si fudud ku dhaca maaha. In doollarka la dhaafaa, keliya ma keenayso in doollarku dhulka galo, balse ganacsiga caalamiga ah oo dhan baa dumaya, sababtoo ah ganacsiga caalamiga ah ayaa doollarka ku tiirsan, markaa loodinta doollarku cidna uma wanaagsana. 

Heshiiska cusub ee Bretton Woods - Shiinaha 

Ben Steel oo ah madaxa dhaqaalaha caalamiga ah iyo golaha xidhiidhka arrimaha dibadda waxa uu qoray buug magaciisu yahay “Dagaalka Bretton Woods”. Buuggani waxa uu ku horgaynayaa shirkii ka dhacay hudheelkaas 1944-kii. Waxa soo jiidasho leh in buugga, Maraykanka dhexdiisa, nuskhadaha luuqadda Shiinaha ku qoran ee la iibsaday ka badanyihiin kuwa Ingiriisiga ah ee la iibsaday. Steel waxa uu leeyahay: “Shiinuhu aad bay u jecelyihiin sheekada Bretton Woods, maraykankana waxa ay u arkaan Ingiriiskii afartankii joogay oo kale. Waa awood imbiryaali ah oo hoos u dhac ku socdo, dhibaatooyin badanna waajahaysa”. Waxa uu ku daray: “Iyagu waxa ay isu arkaan Maraykanku halka uu joogay afartanaadkii”. Waxa suuragal ah in wefdi konton dal ka socdaa isugu tagaan hudheel weyn oo meel baadiye ah oo Shiinaha ah ku yaal, ka dibna ay dhigaan nidaam cusub oo dhaqaalaha dunida lagu maamulo. 

Bishii Maaris, 2009-kii, kulankii ‘Waddamada Siddeeda ah’, Shiinaha iyo Ruushku waxa ay ku baaqeen in la sameeyo lacag caalami ah oo cusub. Waxa ay sheegeen in ay rabaan in dunidu samayso lacag caalami ah oo wax lagu kaydsan karo, lacag madaxbannaan oo aanay dawlad gaar ahi ku dan fushan, sidoo kalena in lacagaha waddan gaar ahi leeyahay meesha laga saaro in wax lagu aamino.  Runtii, soo jeedintani niyad wanaag ma ahayn, ee Shiinaha oo ah waddanka dunida ugu dhaqaalo korriin badan, ayaa ka werwersan in tirilyannada doollarka ah ee uu kaydsaday ka qiimo beesho haddii doollarku hoos u dhaco. Sidaas darteed, Shiinaha iyo Ruushku waxa ay ugu baaqeen Sanduuqa Lacagta ee Adduunka in la keeno lacag baddasha doollarka, balse codsigaas si dhakhso ah ayaa loo diiday.  Sidaas oo ay tahay, dhammaadka sannadkii 2016-kii, Yuan ku waxa uu noqday mid ka mid ah lacagaha wax lagu kaydsado, iyada oo la eegayo kala duwanaanta aydhiyoolajiyadaha siyaasadeed iyo higsiga kala duwan, Shiinuhu hoos ayaa uu u dhigay kaydkiisa doollarka. Waxa intaas raaca in Ruushka iyo Shiinuhu dahab badan kaydsadaan, si ay si tartiib ah meesha uga saaraan sarraynta doollarka, si qunyar ahna u awood tiraan. 

Gunaanad

Lama filayo in awoodda doollarku in ay meesha ka baxdo tobonaanka sanno ee soo socda. In kasta oo awooddiisu hoos u socoto, balse weli dunida uu haysto, haddana, hoos u dhacaasi waa calaamad muujinaysa in awooddu dhinaca bariga u wareegayso, waxaana ka dhalanaya awooddo isu dhigma oo Maraykanku intan ka awood yar yahay. 

 

waxa laga soo turjumay halkan.