Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Sida Wahaabiyada iyo Sucuudigu u kala guranayaan

21 May, 2024
Image
MBS
Dhaxalsugaha Sucuudiga iyo baaddariga reer Ingiriis, Justin Welby, oo wada fiirinaya kaydka kutubta Yuhuudda, Masiixiyadda iyo Islaamka ee yaalla Magtabadda Qasriga Lambeth (Sawirka: Yui Mok – WPA Pool / Getty Images)
Share

Aqoonyahan reer Sucuudi ah ayaa, isaga oo sannaddii 2019 ka hadlaya barnaamish boodkaast ah oo dad badani ku taxan yihiin, soo hadalqaaday baahida loo qabo in dib loo qoro taariikhda dalkiisa, iyada oo qisada waddanka aan lagu xidhayn midda isbahaysigii qabiil-diineed ee ka dhanka ahaa dhaqannada aan islaamiga ahayn ee ay hormoodka u ahaayeen Maxamed bin Sucuud iyo Maxamed bin Cabdiwahaab, sannaddii 1744. Haddii labada qiso la isku sidko, ayuu Khaalid al-Dakhiil ku dooday, dadka reer Sucuudi waxa dal iyo debadba ku cunaduubnaanaysa fekradda Wahaabiyada. Al-Dakhiil, oo buugga uu mawduucan ka qoray[1] uu ilaa beri dhawaa xayirnaa, wuxuu sheegay in dadka reer Sucuudi laga rabo in ay ku tiiqtiiqsadaan in yagleelka boqortooyadoodu uu 17 sannadood ka horreeyay kolkii ay Wahaabiyadu soo gasho isle’egta siyaasadeed. Wuxuu barnaamish-soosaaraha reer Sucuudi ee Cabdiraxmaan abu Maalix u sheegay:

Si aan habboonayn baynu taariikhda dawladda u qornay, taas baana inoogu wacan in badi dadka reer Sucuudi aanay aqoonba taariikhda Sucuudiga ama Jasiirad-u-yaasha Carbeed. Dadweynihii waxa loo sheegay in qisaduba ay ku urursan tahay wax ku saabsan masalada shirkiga: Sheekh Maxamed bin Cabdiwahaab wuxuu u soo baxay si uu ula dagaallamo shirkiga, Maxamed bin Sucuud baa soo xoojiyay, dabadeed labadooduba waxay la dagaallameen shirkiga… Kolka sidaa dadka loo sheegayo, waxa hoos loo dhigayaa dawladda. Waxa inala gudboon in aynu taas beddelkeeda dadka barno taariikhda dawladda oo intaa ka ballaadhan. Maba aynaan dersin taariikhda dawladdeenna; wuxuun baa la inoo laqimay erayadii Ibnu Qannaam iyo Ibnu Bishri [diiwaangeliyayaashii taariikhda Wahaabiyada], ilaa haddana tii uun baynu haynaa.

Faalladan ka dhanka ah Wahaabiyada ee taariikhda dib u micnaynaysaa ma aha mid uu al-Dakhiil keli ku yahay ee indheergaratada reer Sucuudi way ku badan tahay. Hasayeeshee waxa isdultaag mudan qodobkan ku saabsan baahida loo qabo in dib loo micneeyo xidhiidhkaa taariikheed, xilligan uu ku soo aadayna ka dheer wax iska dhacay. Waxa u gogolxaadhay hadallo aan loo baran oo uu ku dhawaaqay dhaxalsuge Maxamed binu Salmaan iyo tallaabooyin uu ku dhaqaaqay oo taabanaya kaalinta ay Wahaabiyadu ku yeelanayso dalka, kuwaas oo isugu jiray in la seeteeyo wadaaddada iyo in lagu dhawaaqo hindisayaal dib loogu micnaynayo oo lagu cusboonaysiinayo qoraallada diinta.

Taallaabooyinkaa lagu faquuqayo Wahaabiyada waxa ugu danbeeyay in la qaatay taariikh cusub oo rasmi ah oo lagu xusayo maalinta asaaska qaranka Sucuudiga (yoomu ta’siis) oo laga dhigay Febraayo 22, iyadoo ay jirayso maalinta qaranka (yoomul waddan) oo sidii caadada ahayd ahaanaysa Sibteembar 23. Maalinta qaranka ee bisha Sibteemtar waxa loo dabbaaldegaa dharaartii waddanka loogu wanqalay Boqortooyada Sucuudiga oo ahayd 1932, taariikhdan cusubina waxay daarran tahay xuska cishadii uu sannaddii 1727 Maxamed binu Sucuud qabsaday magaalada Dirciya oo hadda looba yaqaanno “caasimaddii kowaad.” Taariikhdan cusub waxay is waafaqayaan bilawgii rasmiga ahaa ee boqortooyada cusub ee uu al-Dakhiil ku taamayay in la aqoonsado.

Arrinta qisadan muhiimadda weyn siinaysa ee ka duwaysa in wuxuba yahay go’aan siyaasadeed oo dib loogu qorayo dabuubta rasmiga ah ee qaranku waa in masiirka Wahaabiyadu aanu iminka ku weynayn Sucuudiga, maaddaama danaha Sucuudigu aanay hadda ku sidkanayn Wahaabiyada. Hoobadka dhaqdhaqaaqii Wahaabiyadu sannado badan ayuu isa soo tarayay, waxana ilaa heer arrintaa loo aanayn karaa kaadh-beddelashada siyaasadeed ee uu Ina Salmaan horseedka u yahay—in kasta oo aanu wax kastaa isaga ka bilaabmin. Hoobadku wuu ka horreeyay isaga, lamahuraan baanu ahaa xataa haddii aanay iman lahayn isbeddelladan siyaasadeed; haddii laga tegi waayo xawliga ayuu dedejiyay. In arrimaha sidaa loo kala saafaa waa muhiim, maxaa yeelay waxay taasi la micne tahay in qodobbo badani gacan ka geysteen in ay wiiqanto awooddii Wahaabiyadu ay ku lahayd gudaha Boqortooyada iyo mandiqadda guud ahaanba. Burburkan gudaha iyo debaddaba kaga yimi ayaa wax qoto dheer oo aan ka soo raynayn ka dhigaya mashaqada maanta Wahaabiyada haysata.

Barakaca uu dhaxalsugaha xilligani ku wado Wahaabiyadu wuxuu qayb ka yahay olole laba-geesood ah oo isaga iyo boqorkii hore ay ku qaadeen dalladda guud ee islaamiyiinta, iyagoo raba in ay la tacaalaan dhibaatooyinka soo kordhay labaatankii sannadood ee ugu danbeeyay. Kolka dhinacyo badan laga fiirsho, hoobadka ku yimi Wahaabiyada waxaba lagu tilmaami karaa natiijo aan loo kasin (oo qosol leh) oo ka dhalatay dagaal uu hoggaanka Sucuudigu ku qaaday islaamiyiinta halista leh iyo xoogagga jihaaddoonka ah ee gudaha dalka ku sugnaa.

Ina Salmaan aad buu ugu darnaa oo ugu soo taagnaa kooxda Ikhwaanu Muslimiin: Wuxuu xidhxidhay wadaaddo lala xidhiidhiyo kooxda, wuxuuna faafiyay dabuub heer qaran ah oo gebigoodaba ku shaanbadaynaysa in ay yihiin aydiyoolajiyad qalaad. Ikhwaanku waa koox Masar laga leeyahay, ayay dabuubtani fidisay; dhaqdhaqaaqa Suruuriyada, oo ah iskudhaf ka kooban Salafinnimo lagu badhxay islaamka siyaasiga ahina waa reer Suuriya; laan kale oo Salafiyada ka tirsan oo aad Wahaabiyada uga dhinbiilqaadatay, laakiin lala xidhiidhin jiray wadaadka Suuriya iyo Albeeniyaba u dhashay ee Maxamed Nasiiruddiin [Albaani], lafteeda waxa lagu deedifeeyay in ay soogelooti tahay. Dhanka kale, dhaxalsuguhu wuxuu Wahaabiyada, oo ah aydiyoolajiyadda islaamiga ah ee keli ah ee in ay dhalad tahay aan lagu muransanayn, ku waajahay hab kaa hore ka duwan oo si tartiib-tartiib ah loogu dhufaanayo hubkana looga dhigayo caqiidadan. Markii hore ololihiisu tibaax buu ahaa, kolkii danbana wuu xoogaystay ilaa laga soo gaadhayay dhawaaqii aan warwareegga lahayn ee 2021 lala badheedhay in boqortooyadu aanay meel ugu xidhnaanayn qof keli ah ama aydiyoolajiyad qudh ah.

Kolka si loo fiirsho, dhaxalsugaha xilligan ee Sucuudigu wuxuu Wahaabiyada ku falayaa isla wixii uu xulafadiisii hore ku sameeyay awoowihii boqor Cabdicasiis ibnu Sucuud, oo ahaa asaasihii “Dawladda Saddexaad ee Sucuudigu” sannaddii 1929. Guyaal badan oo taariikhdaa ka horreeyay ayay maleeshiyadii qabiillada Bedwiga ee reerguuraaga iyo mintidka ah, ee loo yaqaannay Ikhwaanu man Addaaca Laah (Walaalaha Kuwa Eebbe Raacay), amardiiddo kula kaceen Ina Sucuud oo ay iska sii wateen duullaannadii ay ku qaadayeen Ciraaq, Urdun, iyo Kuwayd, iyagoo sheeganaya in ay ku socdaan faafinta Islaamka saxda ah ee saafiga ah oo ay qabsadayaan dhulalka aan Wahaabiyada laga oggolayn. Dabadeed, Ina Sucuud wuxuu maleeshiyadaa ku qaaday olole ballaadhan, wuxuuna xilligii guga ku jebiyay Dagaalkii Sabla, bishii Jannaayo 1930 ayuuna si kamaddanbays ah uga adkaaday. Maleeshiyadii way is dhiibtay, fallaagadoodiina waa laga gacan sarreeyay. Qaar ka mid ah ayaaba kolkii danbe lagu daray ciidanka loo bixin doono Ilaalada Waddanka.

Dhaqdhaqaaqaasi wuu iska gamashiyay, kolka laga tago nus-qarni buure ah ka dib iskudday naflacaari ahaa oo wiil hoggaamiyayaashii fallaagada ku abtirsadaa uu ku damcay in uu kula wareego Masjidka Maka. Tallaabadii sannaddii 1979 uu Juhaymaan al-Cutaybi ku qabsaday masjidka waa la soo afjaray, hasayeeshee eel bay kaga tagtay siyaasadda. Fallaagadan cusubi aad bay u dhiillaysay boqorkii xilligaa ee Khaalid binu Cabdicasiis, waxayna ku qaadday in uu u madaxbuuxiyo wadaaddada xididaystay oo uu la yimaaddo ged cusub oo asaldhawrnimo ah oo inta badan wax u dhimaysay dedaalladii tobannaanka sannadood soo taxnaa ee lagu higsanayay in dalka la casriyeeyo xilligii saliidda la helay. (Sidoo kale siyaasaddan cusub waxa qaadhaan ku darsaday dhacdooyin kale oo muhiimad degelsiyaasadeed leh, sida kacaankii Iiraan iyo duullaankii Soofiyeedku ku galay Afgaanistaan, oo isla 1979 dhacay). Taasi waxay sidoo kale la micne ahayd in boqortooyadu ay si weyn dulqaad ugu yeelatay dhaqdhaqaaqyada Wahaabiyiinta iyo islaamiyiinta, gaar ahaan 1980nadii. Dhaxalsuge Maxamed binu Salmaan wuxuu madaxbuuxiskaa ay Boqor Khaalid iyo raggii ka danbeeyay ku kaceen ku tilmaamaa astaan guuldarro, wuxuuna tusaale ugu soo qaataa sida ay muhiim u tahay in waddanka la furfuro argagaxisadana madaxa laga guro. Ina Salmaan wuxuu la tacaalayaa khataro u eg isla kuwii uu adeerkii gorodda u laalaadiyay qiyaastii nus-qarni ka hor, awoowihiina uu soo afjaray nus-qarni kale kaas hortii.

Wahaabiyada xilligan waxa caqabado gudeed iyo kuwo debadeed ku furay heerka isa soo tarayay ee aydiyoolajiyadaha jihaaddoonka ahi ay ku lug yeesheen dagaallada mandiqadda, xawliga ay ku horumareen kanaallada telefishanka iyo farsamada cusub ee kale, iyo tirada dhallinyarada oo aad u korodhay dabaqaayadii 1990nadii iyo horraantii 2000nadii. Intaa wixii ka horreeyay, Wahaabiyiintu waxay ku ugaadhsan jireen in farriintoodu tahay mid iska sahlan, saafi ah, oo midaysan oo ku baaqaysa in lagu laabto facyadii hore ee Islaamka iyo tawxiidka. Wahaabiyadu waxay cirka gashay kolkii ay u suuragashay in ay tamarteeda oo dhan—oo aan xaddidnayn—kala hortagto wax ay ku shaanbadaysay in ay yihiin dhaqanno shirki ama bidco ah: waa tayaarka suufiyada, waa fekradaha bidcada loo arkayo ee culimada horusocodka ama qunyarsocodka ah, waa tacliimaadka “leexsan” ee Shiicada iyo firqooyinka kale ee aan Sunniga ahayn. Dhanbaalkoodaa isdaahirinta ku baaqaya ee ay u fududdahay in uu arrimaha bir ku gooyaa wuxuu dhego nugul ka helay tuulooyin iyo magaalooyin ku baahsan dalalka Muslimiinta. Wadaaddadooduna waxay muruq iyo maal aan la qiyaasi karin u heleen in ay safarro dacwad-fidineed ku galaabixiyaan Afrika, Bariga Dhexe, Aasiyada Koonfureed, iyo xataa Yurub iyo Maraykanka. Qurbajoogta Muslinka ah ee ka shaqaysanayay dalalka Carbeed ee Gacanka Beershiya ku yaallana waxa u fududaatay in ay ka helaan maalgelin ay masjidyo kaga dhisaan dhulalkoodii hooyo. Safaaradaha Sucuudigu waxay si dhow ula socon jireen dhaqdhaqaaqyada dacwad-fidineed ee Shiicada waxayna kaga hortegi jireen waxa ay awood maaliyadeed hayaan, oo ay la garab joogeen dawladda Sucuudiga ama haayadaheeda samafalku.

Suldaan Alamer, oo ah aqoonyahan Sucuudi ah oo ka tirsan Jaamacadda George Washington, ayaa dhawaan bixiyay aragti indho qudhaanjo ku eegaysa isbeddellada guud ee dhaqdhaqaaqii islaamiyiinta Sucuudiga dabaylaha ku daray. Deraasad ballaadhan oo uu faafiyay Nofeenbar 2021 ayuu Alamer ugu dhabbagalay isbeddelladii fekereed ee Sucuudiga gilgilay tobankii sannadood iyo xoogaygii ka horreeyay Gugii Carabta ee 2011, gaar ahaan intii u dhexaysay 1998 ilaa 2001. Wuxuu diiradda saaray waayihii horseeday soo’ifbaxa wax ay reer Sucuudi ugu yeedhaan “tayaarka maanfurka” iyo sababihii uu tayaarkaasi saaxadda guud uga baxay. Mufakiriinta maanfurku ma aha dhadhaab cidla’ yaalla, sida uu qoraagu ku doodayo, ee waxay u badan tahay in ay ka weecdeen dhaqdhaqaaqyadii islaamiyiinta iyo Wahaabiyada oo ay ku baaqeen qaayasoorro casri ah iyo mabda’ aan firqo gaar ah ku faruurxidhnayn. Waxa ka mid ah shakhsiyaad kala gedgeddisan, oo uu ka mid yahay Mansuur al-Nuqaydaan oo ah islaami hore oo heerka ay iminka cilmaaniyaddiisu gaadhay telefishanka ka sheegtay in insaannimadu ay tahay diintiisa keli ah, dabadeed inta uu boqortooyada iskaga tegay qaatay dhalashada Imaaraadka; Salmaan al-Cawda oo hore uga mid ahaa astaamaha dhaqdhaqaaqii Baraarugga Islaamka ka dibna lagu bartay aragtiyihiisa diineed iyo bulsheed ee horusocodka ah ilaa sannaddii 2017 loo xidhay eedo argagaxisannimo oo gacankusamays ah oo ay dad badani qabaan in uu ku mutaystay mucaaraddadii uu kala hor yimi mashaqadii isla sannaddaa ka dhex qaraxday Sucuudiga iyo Imaaraadka, iyo Qadar; iyo Cisaam al-Samiil, oo inta la xidhay 2017 lagu xukumay 15 sannadood iyadoo loo haysto in uu ka digay degganaansha-la’aan ay keeni karaan siyaasadaha dhaqaale ee dhaxalsuguhu la yimi.

Alamer wuxuu faaqidayaa labo mooqif oo Sucuudiga ka jira oo ku aaddan korukaca aragtiyaha horusocodka, oo midkood uu eedda saarayo “Dhulgariirkii Sibteembar” (ee 9/11) ee dhaqdhaqaaqii islaamiyiinta maxkamadda taagay, isla markaana intuu wiiqay shacbiyaddiisii daadxoorka ka dhigay. Dhacdadani, kolka lagu eego ra’yiga islaamiyiinta la jira ee uu xiganayo, waxay dhaqdhaqaaqa horusocodka siisay fursad uu madaxa kula soo kaco. Ra’yiga labaadna wuxuu qabaa in dhaqdhaqaaqa horusocodku uu ka horreeyay 9/11, oo uu bilaabmay 1998. Dhaqdhaqaaqa xilligaa jiray oo curdin ahaa wuxuu ku soo beegmay “waqti deggan oo aanay jirin xiisad iyo saamayska xun ee dibusocodku” oo ay saaxadda ugu sarreeyaan aragtiyaha islaamiyiinta taariikhda dib u micnaynaya ee u jihaystay in ay iska durkiyaan aragtiyihii xagjirka ahaa ee dabayaaqadii 1980nadii  iyo 1990nadii. Dhaqdhaqaaqan cimrigiisu gaabnaa waxa kala jartay dhacdadii 9/11.

Alamer wuxuu ku doodayaa in eelka ugu daran ee ay ka tageen ololayaashii ka danbeeyay 9/11 uu yahay in ay kala daadiyeen wax uu ku magacaabayo “Qaacidadii Faysal” oo uu ula jeedo xisaabtii uu Sucuudigu isku dheellitirayay ee islaamiyiinta u oggolayd in ay saaxadda guud ka muuqdaan—hadday tahay dhanka waxbarashada, diinta ama arrimaha bulshada—haddana ka hortaagnayd in ay soo faragashadaan go’aannada siyaasadeed, sida xidhiidhka lala yeelanayo Maraykanka. Isudheellitirkan waxa hindisay Boqor Faysal, oo rabey in uu islaamiyiinta u isticmaalo sugidda xasilloonida gudaha, oo uu kaga hortegayay aydiyoolajiyadaha baalasha fidsanayay ee ay ka mid ahaayeen shuuciyadda, libaraaliyadda iyo Midnimada Carbeed, iyo in uu Maraykanka u kaashado wixii la xidhiidha amniga debadda. Qaacidadan, oo saldhig u ahayd qorshihii la qaatay wixii ka danbeeyay khatarihii ka dhashay dhacdooyinkii 1979, waxa ay su’aali ka soo noqotay markii uu dhacay Dagaalkii Khaliijka ee 1991, falceliska dawladduna wuxuu sida caadiga ah ku tacalluqay halbeegyo amniga abbaaran taladana maroorsanaya iyada oo aan qaacidada laga takhallusayn. Muddadaa ayuu golaha rasmiga ah ee Wahaabiyadu soo saaray fatwo taageeraysa in Maraykanka lagu taageero dagaalka Saddaam Xuseen; fatwadaas waxa, markii kowaad taariikhda Sucuudiga, si furan uga hor yimi xubno islaamiyiin ah. Dabadeed dawladda Sucuudigu waxay qaadday tallaabooyin ay ku xakamaynayso saaxadda guud oo ay ku moosayso daadka. Islaamiyiintu waxay dhankooda qurbaha ka abaabuleen mucaaradad siyaasadeed, qaar xagjir ah oo iyaga ka mid ahina waxayba miciinsadeen gacan oo waxay ku baaqeen dagaal ka dhan ah Maraykanka. Sidaas oo ay tahay, marxaladdan waxa sidoo kale ku jira soo’ifbaxa dhaqdhaqaaq horusocod ah, oo ka faa’idaysanayay korodhka ku yimi kanaallada telefishannada iyo kolkii danbe interneedka.

Dabadeed 9/11 baa xigtay. Heshiiskii aan rasmiga ahaynna wuu kala daatay, sida uu Alamer ku doodayo, dhaqdhaqaaqa horusocodka ahina wuxuu noqday agab ay dawladdu u adeegsatay ka-takhallusiddiisa. Kolka si kale loo dhigo, labadii tiir ee ay Qaacidada Faysal ku taagnayd waxay la dumeen labadii daarood ee mataanaha ahaa. Sida uu Alamer u dhigay: “Tabta halyeyadii Giriigga ee xurmadoodu aanay dhammayska noqon jirin ilaa ay geeridu u timaaddo iyaga oo gudanaya waajibkooda ugu karaamada sarreeya, ayaa tayaarkanina uu u saqiiray daqiiqaddii ay Qaacidada Faysal burburtay.”

Gugii Carabtuna wuxuu Sucuudiga ku abuuray lababboglayn hor leh: Dhaqdhaqaaqii horusocodku in kasta oo uu dabaqadda talisa ka caawiyay in islaamiyiinta la caabbiyo oo laga maro dhinacyda xuquuqaha, tirayarta, iyo xorriyadaha bulsheed, haddana wuxuu bedka keenay oo uu ku bilaabay doodo ku saabsan mabda’yada dimuqraadiyadda iyo isbeddelka distooriga ah. Guushii dhaqdhaqaaqu waxay in yar uun ka horraysay intii aanay dhalan hirar kacdoon dadweyne ah oo dalbanaya isbeddello dimuqraaddi ah oo gobolka ka hirgala, arrintaas oo sida la fili karey Sucuudiga ku kelliftay in uu mooqif collaysi ah kala hortago dhaqdhaqaaqan.

In kasta oo cidda marxaladdan bartilmaameedda ahi ay ahayd islaamka siyaasiga ah, haddana dhinacyada guusha iyo guuldarradu kala raacday ku ma ay koobnayn labadii qolo ee dagaalka isku hayay. Waa laga yaabaa in horusocotadu ay wiiqantay, laakiin waa mar ay fahan ahaan iyo aydiyoolajiyad ahaanba dhabbaha u sii xaaqeen dhaqdhaqaaq cusub oo soo baxay, tallaabo kasta oo wax lagu hagaajinayay oo boqortooyadu hirgelisay labaatankii sannadood ee u danbeeyayna wuxuun bay ku timi iyaga dartood ama waxay timi muddadii ay calanwallaynayeen. Dhaqdhaqaaqa horusocodka ee islaamiyiinta iyo dawladdaba lidka ku ahi in aanu dhiman bay u badan tahay. Taa beddelkeeda, wuu is nabayaa wuuna digtoon yahay. Waa wax la fahmi karo in cod kasta oo kan la mid ahi uu si isu ururinayo maaddaama lagu sugan yahay jewi siyaasadeed oo la is beegsanayo oo aanay waxba kala caddayn, waxa se hubaal ah in xididdadii dhaqdhaqaaqani ay jiraan oo aanay u baahnayn in wax kasta sagxadda laga soo bilaabo. Waxay u badan tahay in dhaqdhaqaaqa islaamiyiindiidka ahi uu sannaddada soo socda qaabayn doono muuqaalka aydiyoolajiyadeed ee boqortooyada, maaddaama xoogagga islaamiyiintu ay saaxadda ka sii baxayaan.

Wahaabiyada iyo islaamka siyaasiga ah ee nooca Ikhwaanu Muslimiinka ahiba way wiiqmeen, halka aragtiyaha horusocodka ahi ay boqortooyada ku dhex leeyihiin muuqasho iyo mustaqbal aanay labadaas hore ku lahayn. Wahaabiyadu ma ay ahayn cidda ay dawladdu toos ugu beegsanaysay dagaalkeeda ka dhanka ah islaamiyiinta, balse waxay guuldarro ku soo gaadhay sababo ka baxsan sidii ay dawladdu ula macaamishay.

Soojiidashadii Wahaabiyadu waxay is dhintay badhtamihii 2000nadii. Kaladaadashadeeduna taas way ka horraysay, oo waxay ku aaddan tahay weerarradii 2001, hasayeeshee dhaqdhaqaaqu wuu ka dheefay xaaladdaa ceeryaamada leh waxana taas ugu wacnaa soo’ifbixii kooxaha jihaaddoonka ah ee Ciraaq iyo Afgaanistaan oo fekradihii uu tawxiidku ka midka ahaa nolosha ku sii hayay. Kooxaha jihaaddoonku waxay isla oogsadeen isla halkudhegyadii hore, laakiin muddo ayay qaadatay in hagaag loo wada dhaado farqiga iyo ismaandhaafka u dhexeeya Wahaabiyada iyo Salafiyada jihaaddoonka ah (oo ah dhaqdhaqaaq isku dhafay aragtiyihii kacdoonsanaa ee islaamka siyaasiga ah iyo tacliimaadkii asalraaca ahaa ee Salafiyada iyo Wahaabiyada). Salafiyiinta jihaaddoonka ahi waxay ka dheefeen seeskii aydiyoolajiyadeed ee ay dhigeen Wahaabiyiinta iyo islaamiyiintu, laakiin kolkii danbe gooni bay isu dhiseen siiba wixii ka danbeeyay 9/11 iyo dagaalladii mandiqadda ka dhacay ee ku xigay. Soojiidashadii Wahaabiyadu waxay mar kale sii gamashiday kolkii kacdoonnadii Carabtu curteen ee kooxihii libaraaliyiinta iyo isbeddeldoonka ahaa ee ay is hayeen ay khilaafka qayb ka noqdeen ee talisyadooda ka soo horjeesteen xilli ay Wahaabiyiintii awelba nuglaa ee hoosta ka haawanayay ay nidaamkii jiray si adag isu garab taageen.

Dhirbaaxadii ugu darnayd ee ugu danbaysay waxay Wahaabiyada ku dhacday kolkii xukunkii Sucuudiga ee taageerayay uu kaalmadii ka jaray, iyo markii kooxda Dawladda Islaamka [ee Daacish] ay sannaddii 2014 soo ifbaxday ee ay Wahaabiyada iyo xagjirnimada indhihii umadda ku soo jeedisay. Sannado badan ka hor intii aanu dhaxalsuguhu ka hadlin kaalinta dadweynaha ee Wahaabiyada, ayuu boqor Cabdalle binu Cabdicasiiskii hore ku tallaabsaday arrin aan looga baran boqor Sucuudi: Inta uu telefishanka qaranka u yeedhay ayuu la fadhiistay wadaaddada ugu sarsarreeya culimada Wahaabiyada oo uu si furan u dhaleeceeyay, muuqaalkaas oo aad loo faafiyay aadna loogu qaadaadhigay boqortooyada dhexdeeda. Wuxuu ku yidhi: “Caajisnimo iyo aamusnaan uun baan idin ka arkaa.” Sida Khaliijka laga yaqaan, ismaandhaafka ama odhaahyada caynkaas ah shir albaabbadu u xidhan yihiin baa la isku weydaarsadaa. Hadalkan cadhadu ka muuqato ee ku aaddan sida ay wadaaddadu uga gaabiyeen in ay wax ka abaabulaan dedaallada lagaga hortegayo khatarta cusub wuxuu karaamadil ku ahaa wadaaddada boqortooyada ee aadka loo qaddariyo awoodda badanna leh, wuxuuna ka turjumayay sida boqorku uu uga niyadjabsan yahay falceliska hooseeya ee ay ku wajaheen sarakaca kooxda Dawladda Islaamka—oo wadaaddada ka tirsani ay xilli noloshooda ka mid ah ay culimo Wahaabiyiin ahi tababbartay ama wax badan ka soo ergistay qoraallada Wahaabiyiinta—maaddaama ay taliskeeda ku fidisay dhulal ballaadhan oo Ciraaq iyo Suuriya ka tirsan kolkii ay sheegatay maamulkii taariikhiga ahaa ee khilaafada, ayna nidar ku martay in ay isku ballaadhin doonto “dhulka barakaysan” ee Maka iyo Maddiina.

(Yaynaan xaqa ka tegin e, arrintani waxay mushkilad ku ahayd wadaaddo badan oo mandiqadda ku sugan, oo aad gaabis uga noqday iskuna koobay in ay jid tacliimeed ku dayaan in ay iskaga bariyeelaan ama kaga hortagaan dacaayadda kooxaha jihaaddoonka ah ee aadka u xiiraysa. Sidoo kale, Wahaabiyada waxa jihadii ka lumiyay weerarrada labada dhinac ee libaraaliyiinta iyo jihaaddoonka kaga socday, oo ku adkeeyay in ay ka dabbaashaan mawjadaha siyaasadeed iyo diineed ee cusub ee dalka gudihiisa iyo gobolka guud ahaantiiba ka cartamaya.)

Siddeed sannadood ka dib iyadoo laga joogo faalladaa mar-la-aragta ah ayuu Ina Salmaan dagaalka heer kale u raray. Odhaahdii ugu qayaxnayd ee Wahaabiyada ka dhanka ahayd ee uu hoggaamiye Sucuudi ahi ku yeedho ayuu ka jeediyay waraysi telefishan oo 2021 ahaa oo lagu beegay bisha Soon ee qoysasku ay telefishannada aadka u daawadaan. Wuxuu weriyihii u sheegay in Sucuudigu aanu ku faruuryaxidhnayn tacliimaadkii Ina Cabdiwahaab. Xataa waxa xiise lahaa weriyaha waraysigaa loo doortay, oo ahaa Cabdalle al-Mudayfir oo lagu yaqaanno in uu waraysto dad hore u ahaa xagjirro ama wadaaddo aragtiyahoodu is beddeleen sannadihii u danbeeyay. Ina Salmaan wuxuu sheegay sidan looga badbadinayo tacliimaadkii asaasaha Wahaabiyadu in ay la mid tahay in qof la caabudayo, taas oo ka soo horjeedda wixii uu u taagnaa wadaadku. Jawaabta uu wayddiinta ka bixiyay oo buuxdaa waaba fallaadh daran oo laabta ka abbaaraysa mabda’yada ay Wahaabiyadu ku dhisan tahay:

Haddii aynu nafaheenna ku xidhno mab’hab ama wadaad keli ah, waxay taasi ka dhigan tahay in aynu qof ilaahaynayno.
Haddii Sheekh Maxamed binu Cabdiwahaab uu maanta noolaan lahaa oo uu arki lahaa sidan indhaha la’ ee aynu qoraalladiisii u cabsannahay ee aynu maankeennii uga daboolayno fasiraadaha iyo fiqiga innaga oo isaga ilaahaynayna oo lamataabtaan ka dhigayna, isaga ayaaba noqon lahaa qofka ugu horreeya ee arrintaa ku gacansaydha. Ma jiraan mad’habyo lamataabtaan ah mana jiro qof ceebkasaliin ahi. Waa in aynu aad u sii wadno fasiraadaha Quraanka, iyo sidoo kale sunnada nebiga.
Qofina ma aha in uu tamartiisa ku beerdarreeyo wax hore u jiray. Dunidu waxay ku socotaa xeerar hannaaniya nolosha dadka. Kaalinteennuna waa in aynu xaqiijinno in xeerarka Sucuudiga lagaga dhaqmayaa ay arrinta soo socota ka turjumaan:… in aanay ka hor imanayn Quraanka iyo sunnada nebiga, iyadoo Quraanku ahaanayo dastuurkeenna; in aanay burinayn danaheenna; in ay sugayaan amniga iyo maslaxadda muwaaddiniinta; iyo in ay gacan ka geysanayaan horumarka iyo tisqaadka dalka. Sidaa awgeed, xeerarka waxa loo eegayaa habraacyo la jaanqaadaya heshiisyada caalamiga ah.

 

Hoggaanka Sucuudigu wuxuu u arkaa in Wahaabiyadu aanay keli ah caqabad ku ahayn horumarka iyo casriyaynta maaddaama ay tigtigan tahay, ee sidoo kale waxay qabaan in ay xilliyadii u danbeeyay waxba tari wayday markii loogu baahi badnaa in ay dawladda ka difaacdo halis cusub oo soo wajahday.

Dhanka kale, qodobbo kale oo ay ka mid yihiin eelkii uu ka tegay kacdoonkii Carabta, korukaca ay samaysay kooxda Dawladda Islaamka, iyo saamayska isa soo taraya ee ay la imanayaan dalalka ay danaha mandiqadda isku hayaan ee Iiraan iyo Turkiga, ayaa intay isku biireen Sucuudiga ku qasbay in uu xoogga saaro sidii uu furinta gudaha dalkiisa kaga furan u xakamayn lahaa ee uu uga hadhi lahaa in uu taageero caalami ah la garab taagnaado dhaqdhaqaaqa Wahaabiyada. Dabadeed dalku wuxuu ku tallaabsaday in uu albaabbada isugu dhufto masjidyo iyo haayado khayri ah oo ka furnaa dunida, ilaa Ruushka iyo Yurub. Tusaale ahaan, kulan ay Oktoobar 2017 Moosko ku yeesheen Madaxweynaha Ruushka Faladamiir Buutin ayuu Boqor Salmaan binu Cabdicasiis, sida la weriyay, ku waafaqay in uu joojiyo maalgelintii masjidyada iyo dacwad-fidinta. Febraayo 2018 ayay xukuumadda Riyaad ku dhaqaaqday tallaabo taa u eg kolkii ay ka laabatay gacankuhayntii masjidka Biljamka ugu weyn oo lagu yaqaannay in uu goob ay ku tarmaan u yahay fekradaha xagjirnimada.

Wahaabiyadii waxay dabadeed noqotay tolla’aan oo waxay wayday qorshe dawladeed oo ku garab istaaga masraxa caalamka, ka dibna waxa wiiqmay karaankii ay u lahaan lahayd in ay dhaqangashato ajandayaasheeda gudaha, kolkii la kala diray booliskii diineed ee laga cabsan jiray ee iyada taabacsanaa, ee la laalay xayiraaddii dumarka ka saarnayd wadista baabuurrada, lana debciyay dabarradii loo dhigi jiray isdhexgalka jinsiyada iyo bulshada.

Yaasir Qaadi oo ka mid ah raggii sida adag ula hayay Wahaabiyada, ayaa ka sheekeeyay sida Wahaabiyadu ay maanta aadka uga duwan tahay tii jiri jirtay qarniyadii 18aad iyo 19aad. Qaadi oo haysta dhalasho Maraykan, kana soo jeeda Baakistaan, wuxuu ku koray Sucuudiga, wuxuuna ka looxjiitay wadaaddo kala duwan oo Wahaabiyiin ah oo wuxuu ka qalinjebiyay Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina. Sannaddii 2014, kolkii uu Qaadi si furan isaga fogeeyay aragtiyaha Wahaabiyada, wuxuu ka hadlay saddex isbeddel oo waaweyn oo Wahaabiyadu ay martay, oo figta gaadhay in maanta dhaqdhaqaaqani uu ka liito kana badhaxsan yahay sidii uu ku bilaabmay. Sida uu Qaadi qabo, wejiga kowaad wuxuu ahaa marxaladdii dhalashada ee xilligii uu noolaa Ina Cabdiwahaab (oo dhintay 1792); wejiga labaad wuxuu ahaa kolkii uu Boqor Cabdicasiis ka adkaaday fallaagada ee Wahaabiyada sida weyn loo xiniinyasiibay, sida laga dheehan karo aragtiyihii Maxamed Ibraahin aala Sheekh (oo dhintay 1969); wejiga saddexaadna waa kan cusub ee “la nadiifiyay” ee ay u taagnaayeen Cabdicasiis binu Baas iyo Maxamed ibnu Cusaymiin (oo, siday u kala horreeyaan, dhintay 1999 iyo 2001). Qaadi wuxuu intaa ku daray in marxalad afraad ay hadda samaysmayso, isaga oo aan abuurteeda sii saafin.

Wax kasta oo Wahaabiyadu ay noqotaba, marna taasi ma keenayso in nolol hor lihi gasho. Sucuudiga iyo ka shishaba, Wahaabiyadu sannado badan ayay taageerayaal beelaysay. Qodobbadii waagii hore badhitaari jirayna hadda ma jiraan. Siyaasad ahaan, dawladdu waxba uga ma baahna aydiyoolajiyaddan oo aan dawladda la’aanteed geedkaa muuqda gaadheen. Xataa haddii dawladda Sucuudigu wax ka beddesho fekerkeeda ku aaddan waxtarka Wahaabiyada, ma awoodi doonto in ay hirka caabbiso. Wahaabiyada aydiyoolajiyad ahaan buu shidaalkii ka dhammaaday inta aan siyaasad ahaan looba iman. Aydiyoolajiyaddan, oo mararka qaar loo arko in ay tahay firqo ka soocan hiddihii Sunniga ee ay ka soo dhex baxday, muddo dheer ayay lugteedu jeeniga dhaafsanayd iyada oo isku hallaynaysa boqortooyada hodanka ah ee xoogga weyn ee garabkeeda ah iyo shebakadaha deeqsiyiinta ah ee hooda ula diyaarka ahaa. Xunbadaasi iminka way gudhay, Wahaabiyadana waxa lagu soo koobay xajmigeedii saxda ahaa ee ah in ay dhibic badweyn lagu riday ka tahay muuqaalka guud ee Muslimiinta ee uu Sucuudigu ka mid yahay.

___

Turjumidda Cabdicasiis Guudcadde [2]

___

[1] In kasta oo qoraagu aanu magacdhebin, buugga halkan lagu xusay waxa uu soo baxay 2013 cinwaankiisana waxa la dhahaa “al-Wahaabiya baynal Shirki wa tasadducil qabiilah” [Turjubaanka]. 

[2] Curiskan waxa isaga oo Af Ingiriisi ah lagu faafiyay degelka New Lines Magazine, Febraayo 22, 2022. Waxa qoray Xasan I. Xasan oo ah asaasaha iyo tifaftiraha guud ee majaladda New Lines. [Turjubaanka].