Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Fan

Sooyaalka Fanka Hibhobka

7 February, 2024
Image
Dur Dur band
Poster by Dur-Dur Band Int.
Share

Sida noole kasta oo dhulkan ku nool, aadamigu sinaba ugama madax bannaanaan karo saamaynta deegaankiisa iyo xilligiisa. Saamayntaasi, ha muuqato ama yaanay muuqan e, ma aha mid ku kooban jidhkiisa oo kali ah, balse waa mid qayb libaax ku leh qaabaynta habdhaqankiisa guud ahaaaneed iyo waliba wax walba oo uu abuurayo.

Fanku waxa uu ka mid yahay waxyaabaha uu aadamigu abuuro kuwa sida aadka ah wax uga sheega xaaladaha uu qofkaas curiyay ku dhex jiray. Marnaba fanku noqon kari maayo mid ka madax bannaan xaaladaha dhaqan-dhaqaale, nafsiyeed iyo waliba siyaasadeed ee qofkaas curiyay ku xeeran. 

Muusiggu waa nooc fanka ka mid ah, kaas oo minbarkiisu xilliga yahay, halka agabkiisuna uu yahay cod. Waa hab faneed uu aadamigu codad kala gaddisan ku dul taxo googooska xilliyeed, kuna curiyo silsilado codeed oo habdhac sugan leh, isaga oo uga gol leh in uu macne iyo qiimo-quruxeed ku soo gudbiyo.

Sida ay dad kasta oo isu deegaan ahi u leeyihiin dhar u dhaqan ah oo qiimahiisa quruxeed iyo waliba macnaha uu u taagan yahay ay isku raacsan yihiin, ayaa sidoo kale u jiraa codad habdhac cayiman leh oo ciyaar dhaqameedkooda la socda, kuwaas oo ay iyana ay ka siman yihiin, kaas oo qayb ka ah haybtooda dhaqameed.

Hase ahaatee, mar walba oo deegaanka iyo xilliga uu qofkaasi ku nool yahay ay is beddelaan, wuu ku qasban yahay in uu isku dayo habdhaqankiisa iyo waliba hal-abuurkiisu in ay la jaan qaadaan deegaankaas ama waqtigaas cusub; taasi waa sida kaliya ee uu ku ilaalin karo haybtiisa guud-ahaaneed.

Labadii sano ee u dambeeyay, masraxa guud ee muusigga Soomaalida waxa si ay isdiiddo ku jirto ku dul sabbaynayay codad cusub oo qaab aan cusayb la odhan karayn u dhacaya. Badiyaaba qaabkan looma arko in uu fan yahay, midhihiisana waxaa lagala xishoodaa in suugaan lagu sheego!

Raabku (rap) Soomaaliya 2 sano oo kaliya ma uu joogin, hadday ugu yaraato 30 sano ayuu dhagaha qofka Soomaaliga ah ku dhacayay, laakiin ilaa hadda ma aha mid darajo faneed oo buuxda loogu caleema saaray. Iyadoo sidaas ah, isdiiddadu waa meesha ay ku jirto e, heesaha raabku waxay ka mid yihiin kuwa loogu dhagaysiga badan yahay baraha bulshada. 

Taas ayaana keenaysa in aynu dib ugu noqonno dhaqankan, waa hibhobka (hiphop) e, sooyaalkiisa, deegaanka iyo xilliga uu ka soo dhex baxay, iyo waliba dadkii gacanta ku lahaa. 

Sidoo kale, waxaynu isla eegi sababta ka dambaysa in uu meel walba ku faafay isaga oo aan u aabbayeelayn kala duwanaashaho luuqadeed, goobeed iyo walibana dhaqameed.

Bilawgii: Shoutring

Heesaha raabka iyo kuwa kale ee Afrikaan-Ameerikaanku bilaabeen lagama hadli karo iyadoon dib loogu noqon dhagaxii salka u ahaa. Taasina waxay dib inoogu celinaysaa dabayaaqadii qarnigii sagaal iyo tobnaad, magaalada New Orleons ee dalka Marakaynka, gaar ahaan saaxadda lagu magacaabo Congo Square ee ay maalinta Axadda isugu iman jireen dad dhaqan ahaan, diin ahaan iyo dal ahaanba kala duwan, laakiin ka siman maqaarka madow, addoonsigii lagu hayay iyo dareen qariibnimo. Dadkaas waxa ka mid ahaa qaar dhulkoodii hooyo ee qasabka lagaga soo kaxaystay kala yimid aqoonta lagu sameeyo durbaannada iyo xasuusta habdhaca ay dhaqanka u lahaayeen.

Intay dhowrkaas qofi saaxadda badhtankeeda fadhiistaan ayay durbaannada garaaci jireen, kuwa kale ee ku xeeranina habdhacaas ayay cayaar ku adkayn jireen. Ninka cad cabsi ayay galin jirtay cayaartaasi, marmarna amakaag ayay ku reebi jirtay. Waxaanu ula baxay “shout ring”.

Isu’imaanshahaas iyo cayaarahaasi waxay ka mid ahaayeen iskudayadii uu ninka madow ee Ameerika gudaheeda qasabka loogu haystay isugu dayayay in uu dhul aan dhulkiisii ahayn ku beero haybtiisii hore wixii ka hadhay, isaga oo baabba’ uga baqaya.

Beeriddaasi ma ay ahayn mid uu ka rabay in ay sawraciisii hore sidii uu ahaa u soo celiso, oo wuu ogaa in aanay taasi suuragal ahayn. Balse waxa uu bilaabay in codadka muusigeed ee uu gumaystuhu leeyahay waxyaalaha uu ka helay ka soo qaato, habdhaciisii asalka u ahaa ku daro, kana soo saaro codad saddexaad oo dhinac dhulkan uu joogo uga eeg, gudahiisana haybtiisii wali ku jirto.

Sidan ayaa uu ku waday ninka madow hawshiisa muusigeed (ahaydna hab ka mid ah hababka uu sawriciisa ku ilaashanayay), ilaa laga soo gaadhay dagaalkii sokeeye ee Maraykanka.

Waalli Jaaz la Yidhaah

Kadib Dagaalkii Sokeeye ee Maraykanka, gobollo badan waxa lagaga dhawaaqay burinta addoonsiga, laakiin meelo badan ninka madow xorriyaddiisu magacuyaal uun bay ka ahayd.

Dhibaatooyiinkii dawladda iyo bulshada cad ka soo gaadhayay ma ay ahayn qaar ka yar kuwii uu addoonsigu ku hayay. Xaaladahiisaas qarriban iyo awood la’aantiisaas uma uu  haysan meel kale oo uu ku weelayn karo. 

Ugu yaraan, sidii hore si ka duwan, gacantiisa waxa ku jiray qalabyo muusigeed oo casri ah. Taasi waxay keentay dhalashada qaabab muusigeed oo badan. Kuwaas oo leh qaab-dhismeed ka duwan sidii caadiga ahayd ee muusigga loo curin jiray.

Isla magaaladii New Orleons iyo waliba meel aan ka fogayn Congo Square, ayaa ay kooxo Afrikaan-Amerikaan ahi ka bilaabeen in ay maqaaxiyaha iyo goobaha lagu caweeyo ku soo bandhigaan codad cusub oo leh qaab-dhismeed aan hore loo arrag..

In kasta oo uu muran ka taagan yahay aragtida qabta in codkani uu yahay kii addoomadu samayn jireen laftiisii, oo kaliya lagu daray xorriyad iyo qalabyo muusig oo casri ah, laakiin shaki kuma jiro in dareenkii iyo habdhacyadii shoutring aanay marnaba ka maqnayn. Waxa uu lahaa codad si u cusub, si kalena dareen qadiim ah gudahooda ku wata.

Jaazku waxa uu la yimid codad ku cusub kuwii ay la qabsadeen dhagaha dadka cadi, waxa kale oo uu ku dhiirraday in uu ka hor yimaaddo xeerarkii muusigeed ee ninka cad u yaallay. 

Habdhacyo laga soo kala qaatay Afrika iyo Laatiin Ameerika, lagu dul saydhinayo codad aad mooddo inay bigwaclaynayaan, habsocod joogjoogsanaya oo waqtiga hore-u -socodkiisa diidmo ka hor keenaya, iyo noodad ka muuqanaya meelo aan loogu talagalin — “waa waalli cad” ayaa ninka cad afkiisa ka soo bixi jiray marka u horraysa ee uu maqlo. Arrintu ma ay ahayn mid ku kooban muusigga xeerarkiisa oo la buriyo kaliya e, kuwa sidan samaynayay in ay dad madow yihiina ninka cad way mudmudaysay. “Sidee buu ninkii shalay cawaanka ahaa ee aynu addoonsanaynay uga hor yimaaddaa waxa aynu inagu sax u aragnay!” “Muusigga inagu miyaynaan lahayn, yaa xaq u siiyay in uu faraha la galaba? Aynu ka qaadno qalabyadan sidii aynu horeba durbaanka uga qaadnay” Iyo waliba “siduu qof madow ahi uga hor yimaaddaa waxa aynu qurux u aragno!” ma ay ahayn qaar ka maqan hadallada ay kaga falcelinayeen dhacdadan, ama kacaankan muusigeed ee uu ninka madoobi la yimid.

Jaazku waxa uu ahaa taaha iyo guuxa ku dhex cabbudhsanaa ninka madow codbaxiisa. In codbaxaasi noqdo mid deggan, qawaacid cayiman leh iyo waliba ah mid u raaxeeya dadka cbabudhkaas sababay, waa arin ka hor imanaysa diinaamikiyada habdhaqan ee aadamiga, kaas oo uu fanku kow ka yahay.

Jaazku cidna uma uu aabo yeelin, gidaar kasta oo ka hor yimaaddana wuu ka gudbay ilaa uu gaadhay meesha uu maanta taagan yahay, isaga oo aan ka hor iman isbeddelladda xilli-deegaaneed, isla markaasna gudahiisa ku sita haybtiisii.

Jaazku waxa uu ahaa ikhtiraac muusigeed oo uu qofka madoobi isugu dayayo in uu ku cabbiro dhibaatooyinkiisa, sidoo kalena diidmo kaga hor keenayay awooddan bilowgii dhulkiisa qasab kaga keentay imikana dulmiga ku haysa. Ninka madoobi marka uu jaazka tumayo ama uu dhegaysanayo waxay ahayd hab uu awooddaas ugu sheegayo “aniga kan ayaa ii qurux ah. Waxbana igama galin waxa aad adigu qurux u aragto”.

Jaazkii Ameerikadu waxa uu ilhaam u noqday dad badan oo meelo kala duwan caalamka ka joogaa in ay muusigga tijaabooyin kala duwan ku sameeyaan, iyagoo ku salaynaya xaaladaha haysta. Tijaabooyinkan waxaa ka dhashay codad aad u badan, sida raggea, kaliibsaha (calypso), aar aan biiga (RNB) iyo waliba kan sida aadka ah jaazka ugu eeg, qaab ahaan iyo qaddiyad ahaanba, ee loogu magac daray raabka.

Baaqii Dad la Illaabay

Dabayaaqadii 70nadii ilaa bilawgii 80nadii qarnigii tagay, waxa uu Ameerikaanka madow u ahaa xilli aad u xasaasi ah. Xarakaadkii xuquuqdooda  u doodayay waa la dabar gooyay,  badankoodana inta hab farsamaysan xaafado cayiman lagu ururiyay, ayaa aafooyin badan lagu dhex beeray. Xaafadahaas badankooda waxaa ka talin jiray cisaabado, kuwaas oo dakhligooda u wayni ka soo gali jiray ganacsiga maandooriyayaasha. 

Wiilka xaafadahaas ku dhesha marka uu dhowr iyo toban jir gaadho, ma uu haysan fursado u bannaan. Shaqada ugu fiican ee uu heli karaana waxay ahayd in uu cisaabadahaas ku biiro.

Saaxadda faneed ee waqooyiga Ameerika waxa ay ahayd mid si aan hore loo arrag u butaacaysa. Qaabab muusigeed oo kala duduwan ayaa tukaannada suxuunta muusigada iibaya sannad walba ku soo biiraya, codad beri aan fogayn loo haystay in ay ceeb ku yihiin fanka, sida jaazka, kaalibsaha iyo waliba aar aan biiga ayaa meel walba ka baxaya. In kasta oo ay warshadda waxsoosaarka faneed qaar ka mid ah dadka madaw soo saartay, sida James Brown, Marvin Gaye iyo Charles Ray,  hase ahaatee warshaddu waxay soo saari jirtay waxa caamada dabaqadaha dhexe iyo ta sare ay rabaan in ay maqlaan. Muusigga badiyaaba dadka loo soo deyn jiray ma uu ahayn mid xaaladaha dalka ka jira ka sheekaynaya.

Dadka xaafadahaas ku noolina waxa ay ahaayeen qaar si guud uga maqan wacyiga bulshada inta kale. 

Dabayaaqadii 70nadii, xaafadahaas la illaabay mid ka mid ah oo lagu magacaabo Boronkus oo ku taalla waqooyiga magaalada New York, ayaa waxa laga bilaabay wax cajiib ku ah caalamka fanka. Dii jeey (DJ) ama ragga xafladaha kaga cayaarsiiya ee kala bedbeddela suxuunta muusigeed ayuu ka mid ahaa, magaciisa waxa la odhan jiray Clive Campbell, waxa uu se ku shaac bahay oo badiyaaba loogu yeedhi jiray  DJ Kuul Herk. Heesaha ay dadka meelaha lagu caweeyo ku shidi jireen, aar aan biiga ama disko ha noqoto ee, waxa ku jiri jirtay qaybo ay dadku aad u jecelyihiin. Si uu qofku qaybtaas u gaadho waa in uu heesta wada dhagaystaa ama qeyb ka mid ah dhagaystaa. Kuul Herk waxaa ku soo dhacday in uu heesaha intooda kale oo dhan inta uu ka gooyo, intaas xalladda leh oo kaliya la soo hadho. Dabadeed dadka ku cayaarsiiyo hees kasta inta ugu macaan, markay intaasi dhammaatana, isaga oo saxniga wareegaya gacanta ku xakamaynaya, uu hees kale inta ugu macaan ku beddelo, sidaasna ku wado inta uu awoodo.

Arrintaasi waxay ahayd arrin aan hore loo arag, markii uu tijaabiyayna dadku aad ayay uga heleen. Dj Kuul Herk waxa uu bilaabay in uu bannaanada xaafadaha isugu yeedho dhallinyarta una sameeyo xaflado bilaash ah isaga oo uga gol leh in uu ka mashquuliyo waxyaalaha xunxun ee meesha ka socon jiray. Kuul Herk markiiba waxa ku soo biiray rag kale oo iyana DJ ahaan jiray, raggan waxa ka mid ahaa Joseph Saddler oo loo yaqaanay “GrandMaster Flash” . waxa kale oo ka mid ahaa qaar cisaabadaha ku jiray oo, sida ninka la idhaah Kevin Donovan loona yaqaan Afrika Bambaataa uu sameeyay, uga soo baydhay, iyaga iyo asxaabtooduba, wadadaas dambiilenimada kuna bedallay wax abuur iyo samaynta muusikada hiphopka.

Raabka

Googooska u dhaxeeya inta uu diijaygu labada heesood kala bedbeddelayo si aanay dadka xafladda joogaa uga caajisin, ayaa waxa la bilaabay in dhallinyarta qaar inta ay makarafoon qaataan muusigga dushiisa hadallo dadka ku dhiirrigalinaya ku codeeyaan.

Hadalladaas waxaa u badnaa in uu qofkaasi dadka cayaaraya ku yidhaahdo, “gacanta kor ha loo taago” isaga oo uga gol leh in uu dadka cayaartooda adkeeyo, kana mashquuliyo googooska muusigga la beddelayo. Dhallinyartaas waxa loola baxay Emcee oo loo soo gaabiyay Master of ceremonies, taas oo loo macnayn karo “raggii xaflada lahaa ama waday.” Emsiiyadu waxay ahaayeen raabarradii ugu horreeyay, hadalkoodaas gaagaabanina waxuu markii dambe noqday masraxa ay dhallinyartaasi ku soo jeedin doonaan aragtiyahooda, dareennadooda, iyo waliba halabuurkooda, illaa uu markii dambe si rasmi ah u noqday waxa aynu maanta raabka u naqaaano.

Qaddiyad

Ka hor intii aanay suuqa ka ganacsiga muusigga qayb ka noqon, heesaha raabku waxa ay ahaayeen fal kacaannimo oo ay dhallinyartaa madow ee xaafadahaas la illaabay ku nooli isugu muujinayaan dabaqadda sare iyo dawladdaba in ay jiraan.

Hibhobku ma aha nooc muusig oo qudha e, waa saddexlay faneed oo ka kooban heesaha raabka, hab-sawirka lagu magacaabo garafiitiga iyo waliba hab-cayaareedka breaking-ka la yidhaah. Saddexdaasiba waxay ahaayaan hab ay dhallinyarta madow ee dabaqadaha hoose ku samaysanayeen dhaqan-faneed u gaar ah, sidii awowyaashoodba in ka badan 100 sano ka hor ay sameeyeen.

Hibhobku waxa uu ahaa xagtiimo iyo xoqitaan ku yimid hab-socodka suxuunta bulsheed ee iyaga iska indha tiraayay. Dabaqadaha sare haddii ay jecel yihiin in ay maqlaan codad jilicsan oo la jiidayo iyo noodad buuxa, hibhobku waxa uu ahaa googooskii noodadkaas iyo waliba jabintii codadkaas.

Waxa uu ahaa rinjigii gidaarradii magaalada dhexdeeda aamusnaan ku taagnaa ka dhigay qaar ka hadlaya qadiyadda ninka madow.

Tupac Shakur mar laga su’aalay sababta uu raabku sidan adadag u yahay, ayuu ku jawaabo “ka soo qaad adiga iyo reerkaaga ayaa gaajoonaya, jaarkiina se casuumaad wayn ayaa maalin kaste laga dhigaa. Maalinta u horreysa intaad albaabka istaagtiin ayaad si asxaan leh (cod laxamaysan) ‘waannu gaajoonaynayee fadlan cunta na siiya’ ku odhanaysaa, maalinta labaadse si sidaas ka adag ayaad u waydiinaysaan, ilaa iyo ugu dambaynta aad cod cadhaysan oo adag, inta aad albaabka jabisaan, ku waydiinsaan”.

Hadalkaas waxa uu ku soo koobay arrintii aynu qoraalka bilawgiisii, iyo meelo badan oo kale ku xusnay, taas oo ah in aanu fanku, nooca uu doono ha noqdo e, marnaba noqon karin mid ka madax bannaan xaaladda nololeed ee qofkaas abuurayaa ku suganyahay. 

Sampling (Muunadayn); Qol ay haybtu gali karto

Shaqooyinka faneed ee badanka sida aadka ah u faafaa waa kuwa si fudud ula fal gali kara dad goobo kala duwan iyo xilliyo kala duwan ku nool. Furfurnaantaas ayaa shaqo-faneedda ka dhigta in ay goob ahaan iyo xilli ahaanba u badbaaddo, halka taas la’aanteedna ay dili karto, kuna aasi karto xabaalaha illawshaha. Jaazku muddo kooban ayuu Laatiin Ameerika iyo Afrikaba ku wada gaadhay, sirta taas ka dambaysaana waxa ay ahayd in uu jaazku leeyahay furfurnaanta u saamaxaysa dhaqan kasta iyo qof kasta in uu habdhaciisa gaarka ah iyo haybtiisa muusigeed la falgelin karo.

Taasi waa sababta uu dal kastaa jaaz u gaar ah u leeyahay: jaaz Masri ah, jaaz Ameerikaan ah, jaaz Itoobiyaan ah, iyo jaaz Soomaali ah. Macnaheedu ma aha in jaazka lagu tumay ama lagu sameeyay dalkaas ee waxa weeyi in laga sameeyay codadka iyo dhadhanka muusigeed ee dalkaas. Sidaas uu jaazku u leeyahay furfurnaantaas faneed ayuu hibhobkuna, isaguun ha ka dhaxlee, u leeyahay hab uu qof walba dhaqankiisa iyo habdhaciisa ku weelayn karo, waxaana loo yaqaana muunadayn (sampling).

Sida aynu hore u soo sheegnay, muusigga hibhobka samayskiisu waxa uu ka bilawday  in muusigyo kale inta la googooyay lagala soo baxay qaybaha uu qofkaas googooyay u arkayo in ay yihiin inta u macaan ama u muhiimsan, ka dib intaas yar ee afarta beyd-muusiqeed ah ayaa lagu soo celcelinayaa, laguna darayaa ama lagu muujinaya Habdhac durbaaneed (beat) oo uu fannaanku ku dul heesi karo. Heesta halkaas ka soo baxda waxa dhadhankeeda guud noqonayaa muusigga halka dambe kaga jira, kaas oo u yeelaya hayb gaar ah.

Muunadayntaas mar waxa laga samayn karaa muusiga oo kaliya, taasna waxa tusaale wacan u noqon kara heesta Raabarka Soomaaliyeed ee Keynaan leeyahay, ee la yidhaah “Ameerika”, heestani waxay dhaliilaysaa nolosha Ameerika, muusigeeduna waxa weeyi muunad laga soo qaatay hees jaaz ah oo uu sameeyay ninkii bilaabay jaazka Itoobiya oo lagu magacaabo Mulatu Astatke. Muunnadaas oo lagu soo celcelinayo ayaa ka dhigtay heestu in ay yeelato dhadhan Afrikaan ah, taas oo marka si loo eego lafteedu gudbinaysa fariin la xidhiidha midhaha heesta. 

Muunadayntaas heeseed waxa mar kale laga samayn karaa laxan ay hees hore leedahay, tan lafteeda waxaynu mar labaad tusaale ahaan ugu soo qaadan karnaa hees uu isla Keynaan leeyahay oo la yidhaah “Great Depression”, heestan iyada oo ka hadlaysa aafooyiinka waqti xaadirkan haysta aduunyada, laxankeedu se waxa weeyi laxankii heestii “Maanta Maanta” ee ay ilaah ha u naxariiste ku luqaysay Magool, oo ka hadlaysay qaadashadii xornimada, taasina waxay heesta ka dhigtay mid leh isma-geydo faneed (artistic irony).

Habka saddexaad ee uu muusigga hiphopku ugu ogolaanayo in ay hees casri ahi gudaha ku haysato haybta qofka sameeyay amaba taariikh iyo dhaqan uu xiganayo, waa in midhaha heeso hore oo dareenkeeda ay wadaagaan dadka dhagaysan doona lagu ladho. Midhahaas oo loo isticmaalo halhays ahaan amaba si cusub loo sameeyo.

Tan waxaa tusaale noo noqon kara heesta Sharma Boy ee “Dheesha” heestaas oo midhaheeda laga soo qaatay heestii ay wada qaadeen Xasan Aadan Samatar iyo Shamso Cumar ee “Dheesha Dheeshu”. Waa sababta, sida ay ila tahay, ay u heshay ogolaansho aan yarayn, waayo iyada oo ah hees uu sameeyay nin dhallinyar ah, kuna sameeyay habka uu xilligiisu tusay, hasa ahaate gudaheeda ka ma maqna huwiyada heesta oo dhan u yeelaysa dhadhan ay xitaa dadka aanay isku xilliga ahayn xidhiidh la wadaagi karaan oo dhadhasan karaan.

Muunadayntu waxa ay ummad kasta siisaa hab ay heesaha raabka ah ee ay samaynayaan ugu tallaali karaan haybtooda. Waa sidii qol uu qof walba soo gali karo isagoo is ah, cidna aanay wax ka odhan karin sidaas uu yahay.Sida jaazka oo kale, hiphopka dal kasta oo lagu sameeyaa badanka waa mid leh dhadhan-muusigeedka dalkaas u dhaqanka ah.

Taasina waa sababta uu hiphopku afarta dacal ee aaduunku ugu fiday, waayo waa mid weelayn kara haybta dadka meeshay doonaan ha joogeene.

 In ka badan hiphopka Soomaaliga ah, waxa ay hayb ilaashigaas muusigeed aad ugu faafsantahay hiphopka dalalka aynu jaarka nahay sida Suudaan iyo Itoobiya, arintaasna waxa sabab u ah laba shay, ta koobaad waa in aanuu raabka Soomaaliga ahi wali si rasmi ah bulshada ogalaansho uga helin, ta labaadna waa yaraanta muunadaynta (samplinka) laga sameeyo heesaha Soomaaliga. Waxaanan aaminsanahay in tan labaad ay keeni karto ogollaanshaha bulshada, waayo aadamigu mar walba oo uu shaqo faneed la fal-galayo badanka waxa ugu horeeya ee uu ka raadiyaa waa naftiisa.

Hadii aanu shaqadaas faneed ka helin wax innaba isaga ku saabsan, way adagtahay in uu soo dhawaysto ogolaanshana ugu deeqo. Taas darteed, dadka gacmaha kula jira curinta hab-faneedyo cusub waa in ay, wax yarba ha ahaato e, maskaxdooda ku hayaan bulshada shaqadan loo soo bandhigi doono. Marka samayska hibhobka laga hadlayana, habka ugu wanaagsan ee arintaas loo suurta-galin karaa waa in shaqooyinka cusub loo yeelo hayb iyo dhadhan ay bulshadu, qayb ka mid ah ba ha noqotee, xidhiidh la yeelan karaan oo iska dhex arki karto.

Bronx Ilaa Muqdisho

Sida ay wax walbaaba u leeyihiin goob iyo xilli loogu talagalay in ay ku dhashaan kuna barbaaraan, ayaa fankana sido kale ay noocyadiisa kala duwani u leeyihiin wakhtiyo iyo goobo u gaar ah oo ay sida ugu wanaagsan ugu hanaqaadi karaan.

Markaynu eegno bilawga heesaha raabka ama dhaqanka hibhobka guud ahaantiisaba, waxa aynu odhan karnaa in Somaaliya ay ahayd meesha ugu habboon ee uu fanka noocaas ahi ku dhalan karayay. Waayo mar kasta waaqica xilli-goobeed ee uu fanku ku dhasho saamayn aad u wayn ayay ku leedahay dhadhanka iyo qaabka ay shaqo-faneeddaasi yeelanayso.

Taasina waa sababta uu raabka Soomaaliga ahi u noqday mid ka mid ah kuwii ugu horreeyay ee lagu sameeyo meel ka baxsan dalka Maraykanka iyo luuqad ka duwan luuqada Ingiriisiga.

Heesta aynu odhan karno waxay ahayd mid tii ugu horraysay heesaha qaabkaas si rasmi ah loogu sameeyay iyada oo qofkii sameeyayna uga gol lahaa in uu qaabkaas ku sameeyo waa tan la magac baxday “Stop" ee uu sameeyay Ina Dalmar.

Heestu waxay soo baxday 1996kii, oo hibhobka bilawgiisa wax aan 20 sannadood ka badnayn ka dambaysay. Xilligaas waxa la odhan karaa in dalalka Ameerika iyo Yurub lafteeda aanu habkaas muusigeed si fiican ugu faafin.

Waraysi gaaban oo aan Ina Dalmar kula yeeshay barta Facebook-ga ayuu iigaga sheekeeyay wixii ku dhaliyay samaynta heestaas.

Waxa uu ii sheegay in markaa uu guri la wadaagi jiray wiil Maraykan ah, wiilkaas oo mar kasta maqli jiray heesaha Soomaaliga ah ee uu Ina Dalmar dhagaysan jiray, ayaa maalin waydiiyay “horta ma hees qudha ayaad mar walba ku celceshataa!” Wiilku uga ma uu jeedin in ay heesahaas oo idili isku laxan ahaayeen, laakiin waxa uu ka hadlaya qaab-muusigeedka aan badiyaaba kala duwanaansho badan lahayn, marka la barbar dhigo muusigada reer galbeedka ee uu wiilkaasi la qabsaday.

“Markaas ayaan bilaabay in aan is waydiiyo sababta taas keentay.” Sheekada ayaa uu ii sii waday fanaanku, “su’aasha ugu weyni waxay ahayd; ma luuqadda Soomaaliga ayaa aan awoodin in ay qaababkaas kala duwan la fal-gasho, mise fannaaniinta Soomaaliyeed ayaan isku dayin. Waqti gaaban kadib waxaan ogaaday in ay ta dambe tahay.”

Mar kalena isaga oo iiga sheekaynaya hibhobka sababta uu u doortay oo uu sidoo kale u sameeyay heeso qaabkan ah, in ka badan qaababkii kale ee uu hore u samayn jiray ayaa waxa uu ii sheegay in “uu hibhobku u saamaxayay in uu dadkiisa ugu gudbiyo farriimo ku saabsan waxyaalaha dhibaatada ku ah kuwaas oo ay ugu horreeyaan qabyaalada iyo haybsoocu.”

Heesaha Ina Dalmar waxa mar walba laga dhadhansan karaa haybta Soomaalinimada; mid taariikheed iyo waliba mid dhaqan. Heesta “Roonow” lafteedu waa mid hal ku dhiggeeda iyo qaybo ka mid ah laxankeedaba laga soo muunadaystay heesta aadka caanka u ah ee uu sameeyay Cabdillaahi Qarshe AHUN. Taasina waa sababta ay heestaasi iyadoo hab casri ah u samaysanba u yeelatay dareen iyo dhadhan ay Soomaalida oo dhani la xidhiidhi karaan.

Ina Dalmar shaqooyinkiisu ma ay ahayn qaar uu uga gol lahaa in uu qaab cusub oo Soomaaliga loogu heesi karo ku bilaabo, oo sida uu ii sheegay waxay ka ahayd uun tijaabooyin uu naftiisa su’aalaheeda jawaab ugu raadinayo, laakiin waxaynu odhan karnaa in albaab-faneed aad u wayn uu u furay luuqadda Soomaaliga, taas oo dad badani kaga daba-deydeen, kagana sii daba-dayan doonaan.  

Dhallinyarta albaabkaas cusub fanka ka galay iyagoo luuqaddoodii wata waxaa ka mid ahaa kooxda la magac baxday Waayaha Cusub ee 2004tii hannaankooda samaynta muusigga hibhobka ka bilaabay xaafadda Islii ee magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya.

Kooxdani waxay si ay daacadnimo faneed ugu jirto uga heeseen xaaladaha wakhtigaas haystay dalkooda hooyo. Taas waxa u dheerayd in ay kooxdaas ku jireen kuwii asaasayna ka mid ahaayeen raabarro dumar ah, kuwaas oo qora kuna luuqeeya heesahooda.

Isla xilligaas uun waxa magaalada Hargeysa hannaankooda hibhobka ku bilaabayay dhallinyarta la magac baxay Black East Crew, kooxdan oo isku darsatay saddexdii shay ee uu hibhobku ka koobnaa; Raabka, Garaafitiga iyo waliba hab-cayaareedka “breaking”-ka loo yaqaanno. Waxa ay si joogta ah u soo saari jirtay shaqooyin kala duduwan, xaflado badanna shaqooyinkaas way ku soo bandhigi jireen. 

Kooxdan waxa xubin ka ahaa muusiggana u samayn jiray dhiijayga hore loogu yaqaanay Adem Konvict, maantana loo yaqaano DJ Adem.

Waxa kale oo hibhobka Soomaaliga kaalin aad u wayn ka cayaaray fannaanka aynu heesihiisu sare tusaale uga soo qaadanay ee Keynaan. In kasta oo uu badiyaaba ku heeso luuqadda Ingirisiiga, haddana Keynaan heesihiisa marnaba lagama waayo dhadhan Soomaalinimo ama Afrikaanimo. Fannaanka heesihiisa badankoodu waxay ku sumadaysan yihiin aragtida qabta midnimada Afrikaanka, jacaylka uu waddankiisa u qabo iyo waliba naqdin uu dadka waddankiisa dumiyay ku naqdinayo. Heesta la yidhaahdo “Soo bax” ayaa ka mid ah heesaha uu fannaanku kaga hadlaayo xaaladaha dalkiisa haystay xilligaas. 

Maantadaas aynu taagannahay hibhobku bulshada aad buu ugu dhex faafsan yahay, raabarro dhallinyar ah, sida Sharma Boy, Hanad Bandz iyo waliba Dooni B, ayaa u soo baxay raabka Soomaaliga ah, kuwaas oo hibhobka guri kasta galiyay, taariikhduna way qormaysaa. 

Qoraallada kale ee qoraaga

Fan

Hibotep: Muusig Reer-guuraannimo