Tuesday 19 November 2024
Doorashada Somaliland ka qabsoontay 13-kii Noofambar, 2024 waxa ay ahayd doorashadii sagaalaad ee ka dhacda Somaliland laga soo bilaabo markii ay Somaliland madaxbannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii. Somaliland waxa ay qabatay afti dadweyne oo loogu codaynayay distuurka dalka, muddadii intaas ka dambaysayna waxa ay qabatay doorashooyinka golayaasha deegaanka, wakiillada, ururrada iyo madaxtooyada. Doorashooyinka Somaliland ee dimuqraaddiga ah, una qabsooma qaab qof iyo cod ah, waxa ay summad u noqdeen dimuqraadiyadda Somaliland ee aan ka jirin dalalka gobolka, gaar ahaan Itoobiya iyo Soomaaliya.
In kasta oo aanay Somaliland weli helin aqoonsi caalami ah, haddana Somaliland waxa ay ku guulaysatay in ay samayso mid ka mid ah nidaamyada xisbiyada badan ee ugu dimuqraaddisan qaaradda Afrika. Somaliland waxa ay ku ammaanan tahay in awoodda si nabad ah lagula kala wareego, xisbu xaakimkuna aqbalo wixii tartan ah ee lagaga adkaado. 2021, doorashadii Golaha Wakiillada, xisbu xaakimka Kulmiye waxa uu helay kuraas ka yar inta uu helay isbahaysiga mucaaridka Waddani iyo UCID.
Doorashada Somaliland ka dhacday 13-kii Noofambar ee bishani waxa ay la gaar ahayd saddex arrimood: marka koowaad, waxa ay ahayd doorasho isa saar ah oo koobsanaysa doorashada madaxtooyada iyo doorashada ururrada. Somaliland oo oggol saddex xisbi qaran, waxa saddexdaas xisbi qaran lagu go’aamiyaa hadba saddex urur ee ugu codka badan doorashada ururrada, waxa kale oo shardi ah in ururku ugu yaraan boqolkiiba labaatan taageero ah ka helo gobol kasta oo ka mid ah lixda gobol ee Somaliland.
Marka labaad, doorashadani waxa ay ahayd doorashadii ugu loollanka adkayd intii ay Somaliland jirtay. Muddo-xileedka Muuse Biixi oo ku ekaa 2022-kii, mucaaridku waxa ay ku eedeeyeen in uu doonayo in uu si sharcidarro ah talada dalka ku hayo, balse Muusena waxa uu dib-u-dhaca u sababeeyey isku beeganka doorashada ururrada iyo doorashada madaxtooyada iyo go’aaminta labada doorasho ta soo horraynaysa. Tani waa sababta Golaha Guurtidu madaxweynaha ugu kordhiyeen laba sanno, iyaguna isugu dareen shan sanno. Ismarinwaaga ka dhashay arrinkani waxa uu sababay in dad si nabad ah u muddaharaadayay la laayo, muddo yar ka dibna waxa qarxay dagaalkii Sool oo khasaare weyn gaystay, dhaawac weyna u gaystay sumcaddii Somaliland ee xasilloonida, nabadaynta iyo dhexdhexaadinta.
Marka saddexaad, doorashadan waxa aad hoos ugu dhacay kaalmadii beesha caalamku ku garab istaagi jirtay kormeerayaasha maxalliga ah, gaar ahaan Midawga Yurub oo joojiyay kaalmadii uu siinayay ururka maxalliga ah ee SONSAF, sababtaasna kormeerayaasha maxalliga ah ee ururkani noqdeen 300 qof, halkii ay doorashadii 2021-kii ahaayeen 800 qof. Hoos u dhaca kaalmadan iyo maalgelintan waxa ka dhashay in kormeerka SONSAF ku koobmo magaalooyinka waaweyn.
Doorashada ka hor, ma jirin hannaan oddoros oo sax ah oo lagu saadaalin karayay codadka la dhiiban doono iyo sida loo kala heli karo, marka laga yimaaddo saadaal baraha bulshada ah oo aan lagu kalsoonaan karin. Marka laga yimaaddo siyaasadda beelaha ku dhisan oo ololaha ka muuqatay, haddana arrimaha bulshada, sida shaqo la’aanta dhallinyarada, tahriibka iyo hoos u dhaca dhaqaalaha dalka ayaa ahaa waxyaabaha u waaweyn ee lagu kala ololaysanayay.
Isafgaradka Somaliland la gashay Itoobiya bilawgii 2024-kii, oo dhigayay in Somalilland 50 sanno ka kirayso xeeb u dhow ta Berbera waxa muran badan geliyey xidhiidhada Somaliland dalalka qaar la leedahay oo ku loollamayay dano kala duwan, sida Jabuuti, Imaaraadka, Qadar iyo Soomaaliya.
Hirgalinta doorashada Somaliland waxa ku baxay kharash baaxad ballaadhan oo uu ka dabbaashay dalkan saboolka ah, waxaana isu diiwaangeliyey doorashada dad gaadhaya milyan iyo dheeraad, oo ka codaynayay goobo tiradoodu dhantahay 2648 goob codayn oo dalka oo dhan ku kala yaalla, waxaana la hawlgaliyey shan kun oo ciidamo ammaanka goobahaas suga. Waa markii u horraysay ee hannaanka biometric scan lagu codeeyo, iyada oo 1068 goobood laga hirgeliyey hannaankan, una badan magaalooyinka waaweyn. Waxa la qaatay shaqaale ka badan 13000 oo ahaa hawlwadeennada codaynta, shaqaalahan oo u badnaa ardayda jaamacadaha.
Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa sidoo kale la shaqaynayay 23 TV, 4 wargeys, 18 website, 8 Yuutuubar iyo 62 qof oo ah dadka baraha bulshada saamaynta ku leh, si dhammaan warbaahintaasi uga qayb qaataan wacyigelinta iyo xogta codaynta.
U kuurgalka The Brenthurst ay samaysay waxa uu tixraaciyey hannaanka Koomishanka Doorashooyinka Qaranku uu u sameeyey doorashada oo ah:
Goobaha codaynta: waxa la qorsheeyey in goob kasta la furo 7-da subaxnimo, lana xidho 6-da fiidnimo.
Hubinta codbixiyaha: Codbixiyayaasha waxa laga rabay in ay soo qaataan kaadhka aqoonsiga codbixiyaha, waxa kale oo hubinta codbixiyaha raacsanaa aqoonsiga bu’da isha, haddii aanay goobtaas codbixintu lahayn bu’da isha, gacanta ayaa lagu hubinayay xogta codbixiyaha.
Liistada codbixiyayaasha: guddoomiyaha goobtu waxa uu hubinayay in magaca codbixiyuhu ku jiro liistada goobta ka codaynaya.
Muraaqibiinta xisbiyada iyo ururrada: 7-da urur iyo saddexda xisbi qaranba waxa loo oggolaa in ay muraaqibiin u joogaan goob kasta oo codayneed.
Xaqiijin: guddoomiyaha goobtu waxa uu xaqiijinayey xogta codbixiyaha, waxaanu farta u gelinayey khad.
Warqadda codaynta: codbixiye kasta waxa la siinayey laba warqadood oo uu ku codeeyo, ka dib marka uu codeeyana waxa uu codbixiyuhu laba warqadood ku ridayey sanaaduuqda loogu talogalay.
Tirinta codadka: marka koowaad waxa tirinta codadka laga bilaabayay goobaha codaynta marka codbixintu dhammaato, tirintaasna waxa shardi ahaa in ay joogaan muraaqibiinta kala duwani. Tirada codadka waxa loo kala saarayay codadka madaxtooyada iyo codadka ururrada. Ka dib waxa sanaaduuqda loo qaadayay degmo doorashada, degmo doorashaduna waxa ay sanaaduuqda u gudbinaysay gobolka, ugu dambayna waxa tirada codadka gobolkaas lagu wareejinayey xarunta guud ee Koomishanka Doorashooyinka Qaranka, oo leh isugaynta codadka guud ee dalka oo dhan.
Koomishanku waxa uu go’aamiyey in tirada dadka goobaha codbixinta ka codaynaya lagu kobo shan boqol oo qof, si oo ilaaliyo hawlkarnimada. Kormeerayaasha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahba waa loo oggolaa kormeerka goobaha iyo hannaanka cod tirinta.
Xarunta The Brenthurst waxa ay labaatan kormeere u dirtay afar degmo doorasho oo kala duwan maalintii codaynta, degmooyinkaas oo kala ah Hargeysa, Boorama, Burco iyo Berbera. Dhammaan labaatanka kormeere waxa ay u kuurgaleen 635 goobood oo ay ka diwaangashanaayeen 317,500 oo qof, oo u dhigma boqolkiiba 26 codbixiyayaasha guud ahaan.
Dhammaan kormeerayaashu waxa ay ku warbixiyeen in doorashadu u qabsoontay qaab nabdoon. Dhammaan goobaha codbixinta waxa gacanta ku hayay shaqaalaha Koomishanka, marka meelo kooban laga reebana goobaha waxa la furay xilligii loogu talolgalay. Goobaha codbixinta waxa la raacayay hannaanka kor ku xusan. Meelaha qaar, muraaqibiinta ayaa codbixiyaha ka caawinayey doorashada cidda uu rabo. Dadka badankoodu waxa ay codka dhiibteen gelinkii hore, goobahana waxa lasoo xidhay xilligii loogu talogalay. Codbixinta ayaa goobaha ka bilaabantay markii codbixinta la soo gebagebeeyey, waraaqaha soo hadha ee aan lagu codaynna si goonni ah ayaa loo tiriyey iyaga oo ay goobjoogayaal yihiin muraaqibiintu.
Waxa aannu goobjoog ka ahay laba xaaladood oo amni, oo xusid mudan. Mid ka mid ah goobaha codbixinta Hargeysa, is riix-riix ayaa ka dhex bilaabmay codbixiyayaashii safka ku jiray, arrintani waxa ay dhalisay in ciidamada boolisku rasaas kor u ridaan, dadkana ku kala dejiyaan. Xaaladda labaad, magaalada Burco dadkii safka taagnaa ayaa isku soo qaaday albaabka codbixinta, booliska ayaa u adeegsaday ulo ay siteen si ay u kala dejiyaan cidhiidhiga safka ka jiray. Inkasta oo labadaas xaaladoodba jireen, haddana codbixintu si caadi ah ayaa ay uga sii socotay labadaas goobood.
Si guud, xaaladaha doorashadan 2024-kan waxa ay aad uga wanaagsanaayeen xaaladaha doorashadihii 2021-kii, gaar ahaan dhinaca iftiiminta goobaha codbixinta, hannaanka bu’da isha iyo hagaajinta qaabka tirinta codka. Ma jirin xaalado khatar ah oo dhacay intii codbixintu socotay. Aragtidayada, doorashadan waxa ay u dhacday qaab eex la’aan ah, caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo natiijada.
Kormeerkaas ka dib, The Brenthrust waxa ay ku talinaysaa:
1: In madaxbannaanida iyo dhexdhexaadnimada Koomishanka Doorashooyinka Qaranka la sii xoojiyo.
2: In la buuxiyo baahida loo qabo in si siman loola dhaqmo kormeerayaasha caalamiga ah iyo maxalliga ah.
3: In maalgelin loo sameeyo kormeerayaasha caalamiga ah. Waa wax laga murugoodo in qaar ka mid ah deeqbixiyayaasha caalamiga ah kaalmadoodii kala noqdeen kormeerayaasha maxalliga ah.
4: In si adag loo hubiyo tirsiga kaadhka codbixiyaha si looga digtoonaado in dad da’ ahaan aan qaangaadhin ay codeeyaan.
5: In la sii wado, lana horumariyo hannaanka biometric scan-ka, lana gaadhsiiyo dalka oo dhan, lagana shaqeeyo hirgalinta qalabka lagama maarmaanka u ah iyo koronto maalinka oo dhan shaqayn karta.
6: Si loo ilaaliyo daahfurnaanta, waa in tirada codbixinta lagu dhejiyo goobta codaynta.
Warbixinta waxaa laga soo turjumay halkan.