Skip to main content

Tuesday 22 October 2024

Aragti

Suuriya ayaa Xog Badan Bannaanka Keentay

20 October, 2024
Image
Getty Images
(Sawirka: LOUAI BESHARA/AFP via Getty Images)
Share

Warbixin lagu qoray wargeyska Biritan ee Financial Times ayaa aad loogu faahfaahiyey qaababka sirdoonka Israa’iil u jabsadeen xogta ururka Xisbullaah, oo ururkan ku sababay khasaare weyn oo aanu si fudud uga soo kaban karin. Haddii qof sii saadaalin lahaa waxyeellada sirdoonka Israa’iil u gaystay ururka iyo sida uu u dhexgalay, runtii qofkaas aad ayaa looga maadsan lahaa, sababtoo ah waxa la innagu qanciyey in aan ururkan la jabin karin, oo uu awood ahaanna noqday jabhadda dunida ugu awoodda badan. Warbixintu waxa ay innooga warramaysaa waxyaabo aynnu marar badan maqalno. Waa aynnu rumaysanaa, innaga oo weli yaabban, marka aynnu aragno heerka garaadka macmalka ah iyo algoriisamkiisuba ka gaadheen dhinacyada sayniska iyo dagaalkaba. Warbixintan in aynnu akhrinnaa waa innagu waajib si aynnu u fahanno tusaale ahaan, in xogta dadkii ka qaybgalay aaska dadkii laga dilay ururka Xisbullaah uu sirdoonka Israa’iil hayo oo uu falanqeeyo, iyada oo weliba mararka qaar madaxda sare ee ururku aaska iman jireen. Waa warbixin innagu baraarujinaysa sida ay qiimo ugu lahayd sirdoonka Israa’iil boodhadhka ururka Xisbullaah ku dhejiyo dadkii laga dilay si ay ugu baroordiiqaan. Waana warbixin ina tusinaysa sida xogo aynnu u aragno macno darro, muhiim ugu tahay sirdoonka kambiyuutarradooda horfadhiya ee adeegsanaya agabka garaadka macmalka ah, sida xogta meesha uu ku dhashay qofkaas dhintay, meesha lagu dilay iyo saaxiibbadiisa baraha bulshada adeegsada.  

Waa warbixin daaha ka qaadaysa muhiimadda dayaxgacmeedyada dabagalka sameeya ee jabsaday xogta ururka Xisbullaah, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee horumarsan iyo awoodaha budhcadda elektarooniga ee ka dhex shaqaysta taleefannada gacanta. Waxa uu faahfaahinayaa sida xog looga samayn karo sawirro kamaradaha qarsoon qaadeen, ama codadka dadka looga shakiyo in ay dagaalyahanno yihiin ama masuuliyiin, oo codkooda lagu duubay mikarafoonno meel fog laga hagayo. Waa warbixin faahfaahinaysa muhiimadda xogeed ee balaayiinka sawir ee laga qaaday jidad, dhismayaal iyo beero, ka dibna aad loogu kuurgalo, lana falanqeeyo, si fursad loogu heli karo in jidka dhinaciisa la dhigi karo ama dalool yar laga samayn karo biriish dhulka hoostiisa mara. Warbixintu waxa ay xusaysaa muhiimadda ay sirdoonka Israa’iil u leeyahay dhaqdhaqaaqa ka jira jidadka ururku ka taliyo, oo isbeddelka nololmaalmeedka hal qof uga dhigan yahay xog u baahan taxliilin. Waa tusaalayaal fudud oo ina tusinaya shaqooyinka waaxaha kale ee sirdoonka Israa’iil ku fooganyahay, sida waaxda 8200 ee sirdoonkan oo qaabilsan u kuurgalka iyo ururinta xogo aad u faahfaahsan, waaxda 9900 oo qaabilsan ururinta muuqaallada iyo sawirrada si loo xaddido goobaha hawlgalka, labadan waaxood ka sokow, waxa jirta waaxda 504, oo dad sirdoon ah ka hawlgalisa Lubnaan.  

Intan aynnu xusnay iyo wax kale oo badan oo ah ka shaqaysiinta tiknoolajiyadda, aadamaha iyo sayniska si loo helo xog loona taxliiliyo, waa waxa sirdoonkani aadka uga shaqeeyey, balse halkee sheekadani ka bilaabantay? Wax kasta waxa ay soo bilaabmeen markii ururka Xisbullaah gudaha u galay Suuriya, qaybna ka noqday dagaalkii ka socday. “Gudagalkaasi waxa uu xogo badan u fayday awoodo kale oo dhinacooda dedaal ugu jiray inay ururkan xog ka helaan”, sida ay sheegayso Xarunta Carbeed ee Cilmibaadhisaha iyo Diraasaynta Siyaasaduhu. Xog jabsigu waxa uu ururka Xisbullaah tusay “natiijadii ka dhalatay in uu guryo si fudud lo jabsan karo la wadaagay ciidanka Suuriya iyo Iiraan”, sida uu xusayo madaxa talafeeshinka Suuriya Xamsa Musdafa. Dagaalka Suuriya waxa uu Yahuudda u noqday il ay xog kaga helaan ururka Xisbullaah muddadii 12ka sano ahayd ee uu dagaalku socday. Lagana yaabee in Israa’iil go’aansatay in ay ururkan faraha ka qaaddo oo uu iska warwareego Suuriya oo dhan, oo ah goob xarun u ah agabka sirdoonka dunida, iyada oo si fudud xog looga heli karo ciidanka Bashaar al-Asad iyo ciidamada Iiraan iyo Ruushka ee joogay Suuriya. Muran kuma jiro in muuqaallada ururka Xisbullaah ka baahiyey madaxda dhawaan laga dilay iyaga oo la hadlaya ama tababaraya ciidamo oo wejigoodu muuqdo, ay yihiin muuqaallo laga duubay xilligii ay ku sugnaayeen Suuriya.  

Sidaas darteed, Suuriya ayaa xog badan baahisay, lagana helay wejiyada hormuudka dagaalka ururka Xisbullaah, magacyadooda, kaalinta ay ku jiraan, habdhaqankooda, xidhiidhadooda bulsho iyo dadka ay is yaqaanaanba. Suuriya ayaa wax badan bannaanka keentay, keliya ma aha xogo sirdoon, ee sidoo kuwa dhaqan iyo kuwo siyaasadeedba.  

 

Maqaalkan waxaa laga soo turjumay al-Carab al-Jadiid