Skip to main content

Sunday 6 October 2024

Feker

Falsafadda dhoollacaddaynta

2 October, 2024
Image
Gibran
Share

Haweenaydu waa sida qolka, uma jeedo qol kasta, waxa aan se ka wadaa qolkaas diirran ee aadamuhu jeclaysto kolka uu foodda geliyo, kuna dareemo badhaadhe iyo ku habboonaan ilaa uu illaabo in uu yahay dool iyo marti maqlaysa weedhihii soo dhaweynta dabadeed uu u maleeyo gurigiisii, waxa ka dhigan sidaas haweenayda, kuwa ku hareeraysan waxa ay hor dhigtaa indho sarcaad iyo bashaashnimo markaas bay u degdegaan dhankeeda oo ay ku hor qubaan dareemadooda. 

Ilaa iyo hadda ma jirto cid wax ka qortay sooyaalka dhoollacaddaynta, taasna waxa sabab u ah dumarka oo ah kuwa kaliya ee awooda in ay wax ka qoraan laakiin aan rabin wax ka qoristeeda, maxaa yeelay waxa ay ku ilaaliyaan sirahooda si ayna dibadda u iman asraarta jinsigooda, ragga ayey noqotay, sidee ayey u fahmi karaan asraar sidaas u mug weyn, si buuxda ayey u mooganyihiin sababaha iyo muhiimmadda dhoollacaddaynta. Waa si la mid ah tabta ayna uga war hayn waxyaabaha la xidhiidha haweenka iyo noloshooda hoose. 

Qof ahaan, waxa aan in badan la sheekaystay qaar ka mid ah dhakhaatiir caana oo ku takhasusay xanuunnada dumarka waxa kale oo aan la kulmay  kuwa darsa dabeecadaha dumarnimada, waxaana aad ii cajab gelisay sida ay wax uga ogyihiin xogaha haweenka, kolka aan se kaligay ahay waxa aan ku qosli jiray warmoognimadooda iyo koobnaanta ogaalkooda, waxa kaliya ee ay ku wacanyihiinna waa jeexidda jidhka la qalayo, tabta ay sameeyaan carruurtu kolka ay dooxaan caloosha kubadda ay ku dheelaan bal si ay u eegaan waxa ku dhex jira, dabadeed bartii ay jeexeen dib ugu tola dun iyo irbad.

Dhakhtarka dumarku si kasta oo u yahay xariif iyo khabiir, ma awoodo in uu daaha ka qaado waxa ay dumarku dhexdooda isku qarsadaan, taas na waxa fahmaya qof wal oo ka war qaba caddaawadda gudeed ee u dhaxaysa labada Jinsi, iyo awoodda culus ee aan is beddelayn, waxaana taas ugu wacan ilaa hadda labada cayn isma fahmaan. 

Haddii aynu soo qaadanno dhammaan erayada qaamuusyada afafka oo aynu isku dayno in aynu ku cabbirno nafaheenna, ma awoodno in aynu keenno dhoollacaddayn qudha, dhoollacaddaynta haweenaydu waa tabta calaamadda sirta ah ee Maasuuniyadda, gabi ahaan haweenka oo idil waxa ay awoodaan in ay u adeegsadaan si geesinimo leh sababta oo ah ma jirto cid aan iyaga ahayn oo awoodda in ay fahanto. 

 Dhoollacadayntu waa luuqad aynu inaga oo qudhi naqaanno, dhoollacaddayntu waa tabta muraayadda soo celisa wanaagyo faro badan iyo kansho aad u weyn, doqomada inaga midka ahina waxa ay ku dhuumaalaystaan gadaasha dhoollacaddaynta samayska ah. 

Guud ahaan raggu aad uma yaqaannaan fanka dhoollacaddaynta, xitaa ma awoodaan in ay dhoollacaddeeyaan waxayna u muuqdaan qaar leh xiiso yar ama badan, dabacsanaan yar ama xooggan, caadifad yar ama tu aad u badan, ma na laha duun u suuragelin kara in ay dhoollacaddeeyaan tu dhab ah. 

Haweenka, kuwa is moogaysiiya hugga dhoollacaddaynta, ma leh dhawrsoonaan iyo dhiifoonaan, dhab ahaanna waxa ay khiyaamaynayaan nafahooda, waxayna dibadda soo dhigayaan sirahooda, qof ahaan in badan baan arkay haween jaadkaas ah, waa kuwa wax kasta oo ka dhex guuxaya daaha kaga roga dhoollacaddayn qudha.

Ma jiro qof inaga mid ah oo ku fikira cod dheer, waxa se jira in badan oo inaga mid ah oo dhoollacaddaysa shiddo la’aan, caddaynta ka marag ka kacaysa awoodda isku tiirsanaanta iyo is kaashiga jinsigeenuna waa in aynu dhoollacadaynteenna midig iyo bidixba u saydhino iyada oo aynnaan ka cabsi qabin in xogaheenna hoose dibadda u baxaan ama duunkeenna dhaafaan. 

Weli ma la arkay haweenay dibadda soo dhigtay sirta jinsigeeda? Waa maya, sababta ka danbaysa ammaanadaas ma aha qabka dareemayaasha waa se in ay ka cabsi qabto in ay gudubto xogteedu, maxaa yeelay sirta caynkeedu waa teeda. Ka soo qaad in ay haweenay doontay kashifidda nafteeda oo idil, maxaa dhici kara, hadda ka hor in badan baan aad uga fikiray arrinkan ilaa iyo haddana garan maayo wax aan idhaa, mid baan se u malaynayaa waa in gabadhaasi jinsigeeda ku dhufatay dhirbaaxo aad u daran oo aan lahayn ka soo kabasho. Waxa isaga keen darsamay, khayrka iyo sharka, daacadnimada iyo khiyaanada heer ay aad u adkaatay in uu qofi furo dunteeda isku murugsan oo dabadeed qabsado dhinacyadeeda, qofna ma awoodo in uu taas sameeyo haddii aanu lahayn dareen fog, wayna muuqataa ninku in aanu ka dabbaalan karin arrin sidan oo kale ah. 

Waxa aan xasuustaa nin sharaf badan, wanaagga jecel, awoodiisana aad ugu kalsoon, waxa ku soo duushay, in uu jidka toosan ku soo celiyo mid dhuntay oo si qoto dheer ugu dhaadhacday gunta sharka, dabadeed wuxu u kaxeeyey gurigiisa, wuxu ula dhaqmay tabtii walaashii oo kale, wuxuuna u huray waqtiyada uu kansho leeyahay oo idil, si weyn baanu ugu kalsoonaaday dabadeed judhii ba waa ay is beddeshay, aad baanu ugu faanay isbeddelkaas ku dhacay dabadeed qoftii shalay ahayd tu hallawsan waxa ay noqotay  ta ugu dhawrsan filkeed, qalbigeeda na waxa dhaamiyey u mahadcelinta dadkii wanaajiyey, aaminaad iyo xishood markaas buu soo badbaadiyaheedii go’aan ku gaadhay in uu guursado, laakiin maalin ayuu dib ugu laabtay gurigiisii waxaanu ka war helay in ay baxsatay oo ay uga tagtay warqad ay ku qorantahay: Aad baad u mahadsantahay, laakiin waan kugu caajisay !

Arrintaas waxa sabab u ahaa muddada intaas leeg ee uu la noolaa in aanu garawsan ruuxdeeda iyo in aanu fahmin sida ay waajib ugu tahay in uu mag dhaw ka siiyo waxyaabihii uu nolosheeda ka qaatay kuwaas oo aan u dhigmin wax kale, marka laga reebo naxariista iyo dadnimada.

 

 

Muuse M. Ismaaciil ayaa goosankan ka soo turjumay buugga Jibraan Khaliil Jibraan ee Munaajaadka Arwaaxda