Skip to main content

Wednesday 20 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Siyaasad

Doorashooyinka Soomaalilaan 2024

15 October, 2024
Image
Doorashooyinka Soomaalilaan 2024
Share

Bisha soo socota (13 noofembar, 2024) Soomaalilaan waxaa ka qabsoomi doona doorashooyin isku sidkan oo kala ah doorashada madaxtooyada iyo ta ururada. Doorashada ururada, 10 urur ayaa u tartami doona ka mid noqoshada saddexda xisbi qaran. Halka doorashada madaxtooyada ay saddexda xisbi qaran ee hadda joogaa u ordi doonaan qabashada hogaanka dalka iyo in ay sii xejistaan booskooda xisbi qaranimo. Doorashooyinkan oo ay dib u dhigeen ismariwaa siyaasadeed oo u dhexeeya muacaaradka iyo xisbiga talada haya, waa kuwo ku soo beegmaysa xilli ay gobolka ka jiraan xaaladdo siyaasadeed oo aad u cakiran.  

Soomaalilaan waxa ay qaadatay nidaamka xisbiyadda badan sannadkii 2001, si loo yagleelo nidaam dimuqraadi ah oo looga gudbo dhaxalkii kelitaliska Soomaaliya. Muddadaas, dalka waxaa ka qabsoomay dhawr doorasho madaxtooyo, wakiillo iyo doorashooyin golaha deegaankaba ah, iyadoo bulshadu isugu soo baxaysay si ay ugu codeeyaan saddexda xisbi kii ay danahooda ka dhex arkaan. Sida lagu yaqaan dimuraadiyadda curdinka ah, nidaamka doorashooyinku waxa ay ahaayeen kuwo kacaa kufaya oo ku astaysan dib u dhigis, iyo murannada doorashooyinka la xidhiidha, balse murankii ugu xoogganaa ee doorashooyinka Soomaalilaan waxa uu daarnaa muddo kordhintii madaxweynaha haatan talada hayaa helay. Arrintan muddo kordhintu waxa caado u noqotay madaxnimada Soomaalilaan, taas oo madaxweyne kasta oo doorasho ku yimid helay muddo kordhin. 

Doorashooyinkii u danbeeyay waxa ay qabsoomeen Noofember 2017, Madaxweyne Muuse Biixi ayaana xilka ku yimid. Muddo xilleeddiisaas waxa uu wajahay mucaaradad xooggan oo kaga imanaysa xisbiga Waddani, kaas oo uu kaga guulaystay farqi aad u yar. Waxa xigay doorashadaa ka dib dagaal siyaasi ah oo adag, kaas oo aan ku koobnayn shuruucda iyo doorashooyinka, balse ahaa mid aagag badnaa, oo ka dhacay ilaa waddooyinka, halkaas oo mucaaradku isu soo baxyo ka soo agaasimeen, xukuumadduna xoog kala hor tagtay. Tusaale ahaan, bishii Ogost 11, 2022 bannaanbaxyo magaalooyinka waaweyn ka dhacay waxay xukuumaddu kaga jawaabtay in ay gelinkii horaba khadka interneedka xidho, gelinkii danbe la tiriyay ugu yaraan lix qof oo rayid ah oo rasaasta boolisku dishay. 

Doorashooyinkii golaha wakiillada iyo golaha degaanka ee 2021 waxa ay guushu ku raacday xibiyada mucaaradka oo iyagu helay aqlabiyadda kuraasta golaha wakiiladda iyo deegaanka ee mgaalooyinka u waaweyn dalka. Doorashooyinkaasi waxa ay Muuse Biixi u ahaayeen baaq hurdo ka kicin ah, oo wuxuu dareemay haddii doorashooyinka madaxtooyada ee qorshaysnaa in ay dhacaan Noofember 2022, uu ku galo xisbi tamar daran iyo xukuumad aan dadku jeclayn in uu guuldarro weyn kala kulmayo.  Tani waxa ay ku soo beegantay dhicista ruqsaddii xisbiyada oo iyaduna ku beegnayd 2022. Sida sharciga Soomaalilaan dhigayo, tobankii sannaba 3 urur ayaa helaya liisanka ahaanshiyaha xisbi siyaasi ah. Saddexda urur ee u sarreeya, kuwaas oo ah ururrada ka qayb qaatay doorashada ururrada u tartamaya xisbinimada, ee sidoo kalena ka helay codad 20% ah gobollada dalka mid walba. 

Isu soo dhawaanshiyaha xilliga doorashada madaxtooyada iyo dhicista liisanka xisbiyada waxaa ka dhashay ismari-waa hor leh oo siyaasi ah, iyadoo xukuumaddu ku adkaysanaysatay in ay hor qabanayso doorashada ururrada, halka xisbiyada mucaaradka ee Waddani iyo Ucid ay si adag uga soo horjeedsadeen. Murankani arrimaha cirka ayuu ku sii shareeray, waxaana laga tagay siyaasaddii Soomaalilaan lagu yaqaanay ee ahayd in dhanka loo bato la qaato oo la isu tanaasulo, labada dhinacba go’aankooda ayay ku adkaysteen. Arrintu waxa ay isu beddeshay gacan ka hadal siyaasi ah, oo maleeshiyaad hubaysan oo ka soo jeeda deegaannada xisbiyadda mucaaradka ah oo raba in madaxweynuhu doorashada madaxtooyada qabto ayay isku dhaceen qayb ka mid ah ciidamada booliska Soomaalilaan Julaay 2023, halkaas oo ay dhawr xubnood oo booliska ka mid ahi ku naf waayeen, kuwo kalena ku dhaawacmeen. 

Oday dhaqameedyo uu weerarkani dhiillo galiyay ayaa u guntaday in ay ka hawlgalaan arrintan iyagoo labada dhinacba la hadlay, oo ku qanciyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaradkaba in la qabto doorashooyin isa saaran; doorashada madaxtooyada iyo ta ururradaba in isku mar la qabto. In kastoo dawladdu ku adkaysatay in xisbiyada mucaaradka ah ee liisanku ka dhacay ay tahay in ay cusboonaysiistaan liisankooda, haddana soo jeedinta oday dhaqameedka ayaa la isla qaatay. Guddi gaar ah ayaa baarlamaanku u saaray si ay u dejiyaan Xeer Lr. 91 ee doorashada madaxtooyada iyo Xeer Lr. 14 ee doorashada ururrada iyo axsaabta siyaasadda. Xeerarkan wax-ka-beddelkooda la ansaxiyay waxa ugu horrayntii lagu sharciyeeyay markii u horraysay xeerkii 2001 (ee xeerarka guud ee doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha deegaanka), xeerkii 2005 (xeerka doorashada golaha wakiillada) iyo xeerkii 2007 (xeerka diiwaangalinta cod-bixiyayaasha). Ansaxinta xeerarkani waxa ay sugeen nidaamka dimuqraaddiga ah ee Soomaalilaan. Goldaloollada xeerarkan ayaa noqday iyaguna agab lagu loollamo. Wax-ka-beddelkan dhawaanta la ansaxiyay waxa uu caddaynayaa qoddobo aan markii hore caddayn waxa uuna Komishanka Doorashooyinka madax-bannaani dheeraad ah ka siinayaa saamaynta xukuumadda. 

Xaaladaha ka oogan gudaha Soomaalilaan 

Xaaladda dhaqaale ee Soomaalilaan waa mid uu hadheeyay musuqmaasuq baahsan, oo uu uga sii daray cudurkii saf marka ahaa ee Covid19 iyo gubashadii suuqii Waaheen. Maanta maceeshada, shiidaalka iyo korontadu waa mid aan shacabku badankoodu awooddin oo xaaladooda nololeed ka dhigtay mid dayro ah. 

Soomaalilaan waxaa dhaqan noqotay ka dib markii ay xukuumaddu ku guuldaraystay in ay hanato kalsoonida shacabka, in shacabku kolka ay wax diidaan ba beelo ahaan isku hubeeyaan, oo tusaalayaashu aad ayay u tirobadan yihiin, haddaynu xusno saddexdii u danbeeyay; Gacan Libaax, Balligubadle iyo Awdal. 

Waxaa taagan oo aan dhana u dhicin colaadii Laascaanood, iyadoo beelaha halkaa degaa sannad ka hor go’aansadeen in ay taladooda gacantooda ku soo celiyaan oo Soomaalilaan kala noqdaaan kalsoonidii, taasna waxaa ka dhashay dagaal burbur ba’an iyo qudh bax soo gaadhsiiyay magaalada Laascaanood iyo shacabkeeda ba, iyo jabkii fooshaxumaa ee maleeshiya beeleedka hubaysan ee deegaanku u geysteen ciidanka Soomaalilaan. Maanta waxaa walaac laga muujinayaa Ceerigaabo in ay colaado lafteeda ka billawdaan. Gobolka Awdal laftiisa xaalladiisu ma sahlana, oo koox falaago ah oo muddo ba maamul goboleed Soomaaliya hoostaga gobolka ka xuuraamaysay ayaa warkoodii codbaahiye iyo taageeraba helay. 

Doorashooyinkani waxay ku soo aadayaan xilli qalaalase ba’ani gudaha Soomaalilaan ka jiraan oo mustaqbalka muqdi ballaadhani ku gedaaman yahay. 

Xaaladda Gobolka: 

Xaaladda gobolka ayaan lafteedu saaloonayn. Waa horraantii sannadkan Soomaalilaan waxay heshii buuq badan dhaliyay la gashay Itoobbiya, kaas oo xaaladda gobolka cirka ku shareeray, ilaa xasaasiyadu gaadhay in dhinacyada heshiiskani si u taabanayo ay galaan wax aad moodo diyaar garow dagaal.  

Soomaaliya waxay la gashay heshiisyo iskaashi milatari Masar iyo Turkiya. Iyadoo Masar saanad ciidan ka soo dejisay Mudisho. Halka Itoobbiya saldhigeedii ciidamada cirka u soo wareejisay xuduuda Soomaaliya. Waxa u danbeeyay gaashaanbuur goboleedka ay samaysteen Masara, Eretariya iyo Soomaaliya. Dhanka Jabuuti, Soomaalilaan tan iyo isafgaradkan xidhiidhkoodu aad buu u xumaaday iyadoo dadka qaar ku eedeeyeen Jabuuti in ay soo taageertay kooxaha qulubka ka dhex wada Soomaalilaan.  Xaaladda gobolkuna sidaas bay u karaysaa oo xoogag jaarka ah iyo kuwo qalaad ayaa doobinayay, Soomaalilaanay si ay uga muquurato mawjadahan waxaa la gudboon in ay si xeelad leh uga galgalato arrimahan, haddii kale way ku hafan. 

Maxaa laga filayaa Doorashooyinka 

Doorashada ururada waxaa laga filayaa in dhiig cusub la galiyo nidaamka siyaasadeed ee Soomaalilaan, waxaana loo baahan yahay in ururadu ka dheeraadaan dhabbihii aan dimuqraadiga ahayn ee ay qaadeen saddexda xisbi qaran ee hadda joogaa. Kaas oo ah in xisbiyadu gudahooda ka arradnaadaan dimuqraadiyad gudeed iyo nidaam oo noqdaan meherad nin iska leeyahay, oo reerkooduna korka ka sheegtaan. 

Dhanka doorashada madaxtooyada saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE IYO WADDANI ayaa u tartamaya. Balse, loollanka u xoogani waxa uu dhex mari doonaa, xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Waddani. Kuwaas oo sidaan soo sheegnayna doorashadii hore natiija yar oo lagu murmay ku kala adkaaday. Xisbiga Kulmiye waxa uu ku ololaynayaa in uu aqoonsi keenayo haddii kol kale la doortay iyo difaaca qaranka oo labada xisbiba ka siman yihiin, xisbiga Kulmiye waxa ay yididiilo ka haysaa isafgaradkii madaxweyne Muuse Biixi la galay Itoobbiya, balse, waxaad mooddaa in shacabku si uga niyad jabsan yahay, kadib dagaalkii Laascaanood ee uu ku jabay. 

Dhanka xisbiga Waddani oo isu soo baxyadiisii dhawaa wacadaro ka dhigay, waxaa ajandayaashiisa siyaasadeed ee in lagu doorto uu rabo ugu weyn midaynta bulshada Soomaalilaan. 

Haddaba, doorashooyinka Soomaalilaan waxaa astaan u noqday muran siyaasadeed oo xilliga doorashada markasta yimaadda iyo muddo kororsi sunne noqday. Bulshada Soomaalilaan kal kasta oo doorashadu soo dhawaato wadnaha ayay farta ku qabtaan, suuquna wuu istaagaa, oo markasta weydiin ayaa timaadda, tolow, tani ma tii lagu kala yaaci lahaaba.  

Si arrimahan loogu kuurgalo, madasha Geesku waxay ugu baaqaysaa dhammaan qoraayada, cilmibaadhayaasha iyo falanqeeyayaaasha siyaasadda ee gobolka darsa in la sameeyo qoraalo loogu kuurgalayo halka sarta siyaasadda Soomaalilaan ka qudhuntay iyo in ay soo jeediyaan tallaabooyinka la qaadi karo si wax looga qabto arrimahaas. Waxaa madasha Geesku soo saari doontaa cadad gaar ah oo lagu falanqaynayo arrimaha doorashooyinka Soomaalilaan iyo sidii Soomaalilaan uga gudbi lahayd muranka doorashooyinka ee mar walba soo noqnoqda. 

  • Doorashada Xisbiyadu maxay saaxadda ku soo kordhin doonaan? 

  • Doorashada Soomaalilaan ma ka caagantahay faro gelin shisheeye? 

  • Doorashada Soomaalilaan iyo Mustaqbalka heshiiska is afgaradka Soomaalilaan iyo Itoobbiya 

  •  Doorashooyinka Soomaalilaan iyo surka dhalada siyaasadeed 

  • Isbeddelka dhabta ah ee ay Soomaalilaan u baahtantahay iyo doorka doorashooyinku ku yeelan karaan 

  • Kaalinta madax dhaqameedka ee dawlad dhiska: Shar iyo iyo khayr  

  • Dib u eegista hannaanka doorashooyinka soomaalilaan dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaan  

  •  Sidee looga guuri karaa Jeegaamaysi iyo qabyaalad loogu na guuri karaa aragti iyo xisbinimo? 

  •  Maxaa hor taagan doorashooyinka Soomaalilaan in ay ku dhacaan muddada ay xeerarku Jiddeeyaan? 

  •  Doorashooyinka Soomaalilaan ma ka hufanyihiin wax is dabo marin iyo musuq? 

  •  Hantida ku baxda doorashooyinka soomaalilaan iyo ilaha ay ka timaaddo  

  •  Kaalinta ganacsatada ee doorashooyinka Soomaalilaan iyo saameynta ay ku leedahay cashuur bixinta.  

  •  Haydaha madaniga ee bulshada iyo kaalinta ay ka ciyaari karaan doorashooyinka Soomaalilaan  

  • Guurtida Soomaalilaan iyo saameynta ay ku leedahay dib dhaca doorashooyinka  

  • Nidaamka Siyaasadeed ee Soomaalilaan 

  • Xeer jajab sidee looga bixi karaa 

  • Nidaamka xisbiyada Soomaalilaan 

  • Doorashooyinka iyo saameynta buraha bulshada 

  • Barnaamijyada Xisbiyada is barbardhig iyo qiimeyn