Skip to main content

Tuesday 22 October 2024

Masrax

Daniel Day-Lewis; soo laabashadii jirjiroolaha

22 October, 2024
Image
lewias
Share

Bishan tobnaad waxa la la kowsaday warka nayaayirada leh ee sheegaya in uu ku soo laabtay shaqadii jilliinka Daniel Day-Lewis, taas oo uu muddo toddoba sanno ah ka sii maqnaa. Jilaagan 67 jirka ah ayaa sannadkii 2017-kii ka fadhiistay jilaannimada kadib kolkii uu soo baxay filinkiisii quruxda badnaa ee u danbeeyey Phantom Thread. “waligayba waxa aan is weydiin jirey” ayuu yidhi  markii uu iclaaminayey hawlgabkiisa “qaabkeen uga fadhiisan doonaa jilliinka? Garan maayo markani waxa ay kaga duwantahay kuwii hore, se waxa igu riixaya in aan ka fadhiisto [jilliinka] ayaa ah in uu igu xididaystay, culays badanna igu yeeshay, waxayna noqotay wax aan ku qasbanahay in aan sameeyo”.   Soo laabashadan ayaa imanaysa isaga oo jilaya filinka Anemone kaas oo uu soosaare ka yahay wiilkiisa Ronan Day-Lewis.  

jilaagan haysta rikoodhka abaalmarinta Ooskarta oo ku guulaystay saddex jeer ayaa dhanka kale qayb ka ah filinkan cusub, isaga oo dhanka qoraalka la garbinaya wiilkiisa. Dulucda filinku waa xidhiidh kakan oo ka dhaxeeya wiil iyo aabbihii iyo walaalkii iyo qaabayn soohdimo qoys oo adag. Waxa la safan dhanka jilliinka xiddigga weyn ee Sean Bean. 

Sir Daniel oo ku soo horreeyey dhanka masraxiyadda ayaa sannadkii 1985-kii hal mar ka soo muuqday saddex filin oo dhaadheer, taas oo markiiba ka dhigtay xiddig koraya oo aayo badan oo danbe leh, dhowrkii sanno ee ku xigayna aad ayuu u shaqeeyey, ilaa iyo laga soo gaadhay sannadkii 1989-kii, oo uu markii koobaad ku ugaadhsaday Ooskarta filinkiisa weyn ee uu soosaaray Jiim Sheridaan ee  My Left Foot oo uu ka jilayey sheekada dhabta ah ee farshaxamiiste Christy Brown. Waxa xigay kalaasigga Michael Mann ee The Last of the Mohicans oo uu ka jilayey asal dhaladka hindi-maraykanka iyo halgannadii ay kala hortageen guumaystihii Ingiriiska. waa jacaylka suuroobi waayey ee ka dhaxeeya guumayste inantii iyo geesi halgamaa ah. Haddaba, kan waxa xigay filinkii sixirka ahaa ee Martin Scorsese “The Age of Innocence” waxa uu ka metalayaa nin la waalan jacaylka gabadh garoob ah, hadda gabadhaas ina-adeerteed baa isaga u mehersan. Filinkan waxa laga soo dheegtay sheeko isla magacan sidata oo uu qoray Edith Wharton 1920-kii. Kadib markii labaad ayuu kala shaqeeyey Jim Sheridan filinka cajiibka ah ee In the Name of the Father, (1992) markan waa Gerry Conlon, wiil dhalinyaro ah oo jeel ku xukuman noloshiisa inta ka dhiman, kadib markii lagu tuhmay in uu ka danbeeyey qarax, kolkaas oo uu halgan dheer oo adag u galayo si uu isu samatabixiyo. Tan qudheeduna waa sheeko dhab ah oo ka dhacday waqooyiga Irelaan 1974-kii.  

1997-kii ayuu iska casiley jilliinka kadib markii uu kala shaqeeyey mar saddexaad Jiim Sheridan filin la dhaho The Boxer. Waxa uu go’aan ku gaadhay in uu u hayaamo dhankaas iyo Talyaaniga, halkaas oo uu ku taamayey in uu noqdo xirfadle kabo-tole. Saddex sanno dabadeed ayuu Scorsese u soo diray Leo si uu u soo xero galiyo oo uugu qanciyo jilliinka doorkii haybadda lahaa ee Bill ‘The Butcher’ filinka aar-goosiga ah Gangs of New York, (2002) filinkaa waxa loo sharraxay Ooskarta, se waxa ka boobay Adrien Brody.  

There will be Blood, (2007) guushiisii labaad ee Ooskarta. Soosaaraha magaca weyn ee Paul Thomas Anderson ayey markii koobaad wada shaqeeyeen, waxa uu ka sheekaynayaa shakhsiyad damac badan, isla-weyni iyo qab leh, awood ku taamaya, awood buuxda ka helay nidaamka hanti-goosadka ah ee Maraykanka. Nolol waxba ah ayuu ka abuuraya boqortooyo isaga u gaar ah. Waxa uu dhulka hoostiisa ka baadhaa tamarta shidaalka. Boodhka, midabka cas ee shaashadda buuxiyey, madowga shidaalka iyo dhawaqa muusigga argagaxa leh  ee cabqariga Jonny Greenwood, intuba waxa ay xaska u afuufayaan dab nacayb ka abuuran, iyo dhiig dikhow soo socda. Waa khilaaf adag oo u dhaxeeya laba nin oo midi ku gaashaamanyahay baybalka, xagga kan kalena dhafoorka ku dhamuuqday saliid madow oo caydhin. Waxa uu bidhaamiyey marka si sillan loo adeegsado hubka halista ah; diinta. Robert Elswit duubistiisu awood muuqata ayay ku lahayd filinka.  Paul Dano waxa uu soo bandhigay hibo jilliin oo bilaa saxar ah. Daniel day-Lewis-na waxa uu soo gudbiyey ustuurad aan hore iyo danbaysaba loo arag. 

Summadda uu caanka ku yahay Daniel waa sida qotadadheer ee uu ula falgalo badanaa shakhsiyadda uu jilayo, heer uu gaadho in uu ka dhex bixi waayo illaa iyo laga dhammaynayo duubista filinka. Waxa la sheegaa filinka My Left Foot in uu ka jabay laba feedhood oo dhabarka ah, waa gaadhi gacankii uu sida maroorka ah ugu fadhiyey muddada dheer, jilliinka oo socda iyo isaga oo aan soconba. Isagana waxa la sheegaa kolkii uu jilayey Lincoln; madax weynihii hore ee Maraykanka, in uu diiday in loogu yeedho wax aan ahayn Madaxweyne, isaga oo ku dooday in magaciisa oo  loogu yeedhaa ay ka carqaladaynayso in uu si dhab ah ula falgalo shakhsiyadda Lincoln. DiCaprio isna waxa uu yidhi “sagaalkii bilood ee aanu ka wada shaqaynaynnay filinkii Gangs of New York, Daniel waxa uu ahaa   Bill ‘The Butcher’ erey maanu wadaagin intaas oo dhan”. keni-adagaa! Daniel waxa ay wada shaqeeyeen soosaarayaal waaweyn, sida: Michael Mann, Scorsese, Steven Spielberg, Anderson, Jim Sheridan iyo waliba xaaskiisa Rebecca Miller. 

Lincoln, (2012) waa filinka saddexaad ee uu ka helay abaalmarinta Ooskarka, waxa uu ka sheekaynayaa dagaalkii sokeeye ee Maraykanka, iyo taariikh qaadhaan badan ku lahayd Maraykanka casriga ah. Filinkaas shan sanno dabadeed ayuu ku soo laabanayaa Anderson, oo markii labaad ay ka wada shaqeeyeen filinka Phantom Thread, (2017) waa filin roomaantik khafiif ah, dawaarle labiska u tola qoysaska hantida iyo magaca leh oo maalin si fudud ku jeclaanaya gabadh dalabka ka qaadda makhaayad yar, halkaas waxa ka bilaabanaya xidhiidh cakiran, se dhammaadka filinku si wanaagsan buu kuu qancinayaa. 

Suuragal ma ah in aad maskaxda ku hayso Daniel Day-Lewis jilaa ahaan marka aad daawanaysid filin ka mid ah filinnadiisa, waxa uu abuurayaa shakhsiyad dhamays ah, qaabka wajigiisa oo kali ah ma beddelayo, codkiisa, socodkiisa iyo lahjaddiisaba. Waxa uu qasab kaaga dhigayaa qofkan aad daawanaysid in aanuu isaga ahayn ee uu yahay shakhsiyaddaa shaashadda kaaga muuqata, waxa laga yaabaa haddii uu filinka Anemone soo baxo ka hor inta aanu ka dhicin wakhtiga la magac dhaabayo filinnada ka qayb galaya abaalmarinada, in Daniel nasiib u yeesho ka qayb galkeeda, amaba gaadho rikoodh aan lagu riyoon oo uu ku guulaysto Ooskarta markiisii afraad, waana dhacdo aan la fogaysan karin. 

Qoraallada kale ee qoraaga

Masrax

The Hunt, qarracanka danbi-la’aawaha

Masrax

Falanqaynta filinka Xaaska Xabaal Qodaha

Masrax

Shaneemo ku dhex nool baabuurka