Skip to main content

Tuesday 22 October 2024

Siyaasad

Doorashooyinka Soomaalilaan iyo Surka Dhalada Siyaasadeed

18 October, 2024
Image
Somaliland
Share

 13-ka Noofimber ee sannadkan 2024, waxa Soomaalilaan u qorshaysan doorashooyin isa-saar ah oo lagu dooranayo Madaxweynaha talin doona shanta sannadood ee soo socda iyo saddex Xisbi Qaran oo uu xayndaabka siyaasaddu u xidhnaan doono tobanka sannadood ee soo socda. Ma aha doorashadii ugu horraysay ee isa-saar ah, saddex sannadood ka hor waxa dhacay doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka oo isa-saaran. Sidoo kale, 25 sannadood ayaa laga joogaa markii ay shacabka Soomaalilaan bilaabeen in ay siyaasadda dalkooda talo kaga dhiibtaan sanduuqa codbixinta, ka dib kolkii ay 2001 afti dadwayne ku meelmariyeen dastuurka dalka oo jiddeeyay nidaamka xisbiyada badan iyo hannaanka dimuqraaddiga ah. Sidaa awgeed, doorashooyinka soo fool lihi kagama duwana doorashooyinkii hore wax aan ka ahayn duruufaha siyaasadeed ee gudaha iyo gobolka, waxgaradka siyaasadeed ee qaabaynaya iyo dadwaynaha Soomaalilaan oo galay xaalad u eeg waxa ay qoraayada qaar ku tilmaameen calaamadaha dimoqraaddiyad-ka-daalka – democratic fatigue syndrome oo ah dareenno isku dhafan oo isugu jira in aan yididdiilo badan laga qabin isbeddellada ka dhalanaya doorashooyinka isla markaana aan kalsooni lagu qabin hay’adaha fulinta dimuqraaddiyadda iyo xisbiyada siyaasadeed.  

Doorashooyinka soo socdaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli aanay Soomaalilaan marna ka bixin xiisaddii siyaasadeed ee doorashadii  2017, xilli ay ka dhaceen dagaallo sokeeye oo lagu tilmaami karo kuwii ugu cuslaa ee Soomaali dhex mara muddo ku dhaw labaatan sannadood ku dhaw, dagaalladaas oo keenay in Soomaalilaan ka baxdo deegaanno muhiim ah oo ku yaalla bariga Gobolka Sool, xilli ay badhtamaha dalka ka abuurmeen jabhado qabiil oo hubaysan oo horseeday in ay isku dhacaan xoogagga ammaanka kuna sigtay in uu dagaal sokeeye oo kale ka dhaco badhtamaha dalka. Waa doorashooyin dhacaya xilli ay nidaamyadii siyaasiga ahaa iyo goleyaashii dalku ku guuldarraysteen in ay siyaasadda u maamulaan qaab xilkas ah taas oo horseedday in guurti qabiil ay go’aan ka gaadho hannaanka doorashooyinka iyo muddayntooda. Waa doorasho ay hoggaanka dalka u tartamayaan isla saddexdii hoggaamiye ee u tartamay doorashadii 2017 oo iyagu ka shaqeeyay toddobadii sannadood ee xigay mashaqooyinka siyaasadeed ee dhacay. Sidoo kale waxa aan,  la filayn in uu isbeddel macne leh ku yimaaddo ururrada siyaasadda oo ay saddexda ugu fursadda badan ku loollamayaan wejiyo in badan qayb ka soo ahaa siyaasadda. Dhanka arrimaha dibedda,  doorashadani waxa ay  dhacaysaa xilli ay Soomaalilaan xuddun u tahay loollan goboleed oo adag oo uu in badan kiciyay Is-afgaradkii 1-dii Jeenaweri ee sannadkan dhex maray Itoobbiya iyo Soomaalilaan. Loollankan goboleed, waxa  ku lug yeeshay dalal kale oo shisheeye, isla markaana waxa uu xidhiidhka Muqdisho iyo Hargeysa gaadhay halkii ugu xumayd, tan iyo 1988-kii oo uu maamulkii Muqdisho gantaallo la dhacayay Hargeysa.  

Sidaa awgeed, doorashadan oo kale waxa ay ahayd in ay noqoto middii ugu muhiimsanayd, kolka la eego xaaladaha ay Soomaalilaan waajahayso iyo kuwa dhexdeeda ka jira ee furdaaminta degdegga ah u baahan. Nidaamyada siyaasadeed ee xilkaska ahi xaaladdan oo kale, waxa ay xoogga saaraan wayddiimaha waaweyn ee ku saabsan dhibaatooyinka taagan iyo kuwa mustaqbalka, si ay u abuuraan rejo iyo yididdiilo ummadeed, iyo in ay kasbadaan xushmada dadwayne si ay u hirgalin karaan siyaasadahooda iyo ballanqaadyadooda doorasho. Soomaalilaan, hadda, waa ay ka maqan tahay arrintaasi, waxana la galayaa doorashooyin aan midab lahayn oo ay dad badani u arkaan in, keliya, lagaga baxayo jara-oodan siyaasadeed oo ay dalka galiyeendhinacyadii siyaasadda isku hayay, iyada oo aan laga gudbeyn isla iyagii. Cidna ma hayso ballanqaad rejo leh oo ah in dhinacyadani aanay jara-oodankaas dib ugu celin doonin, doorashada ka dib. Madaxweynaha hadda oo ay taageereyaashiisu ku tilmaamaan nin karaan adag oo waayo-joog soo ahaa, waxa uu si xun ugu guuldarraystay in uu abuuro midnimo gudeed oo ah waajibka ugu mudan ee madaxweyne laga sugayo, waxa uu ku guuldarraystay in uu soo bandhigo siyaasado cad oo ay dadwaynuhu fahmi karaan dhanka ay u socdaan iyo in uu dhiso dawlad qaran oo hanan karta xushmeynta shacabka. Dhanka kale, hoggaanka xisbiga ugu weyn mucaaridku waxa uu ku guuldarraystay in uu noqdo mucaarid qaran oo leh aragtiyo la akhrisan karo iyo qorshe siyaasadeed oo uu isugu dhigi karo beddelka hoggaanka hadda jira. Si guud, waxa uu banneeyey hoggaamintii mucaaradnimo ee qaran oo waxa halkiisii buuxiyay guddiyo qabiil iyo jabhado hubaysan oo ku hadla afka mucaaridka dalka iyo doonista isbeddelka.  

Doorashadan oo weli la kala dooranayo dhinacyadii ku guuldarraystay in ay si xilkasnimo leh u maamulaan siyaasadda ayaa uu shidaalkeeda ugu weyni yahay loollanka qabyaaladeed. In badan ayaa iyaguna ku codeyn doona quustii ay kala kulmeen hoggaanka hadda jira oo ay doorteen toddoba sannadood ka hor, in kooban ayaa se u arka doorashadan fursad lagaga bixi karo surka dhalada ee la galay. Dhanka kale, dhinacyada taageersan hoggaanka hadda ayaa u arka hoggaamiye waddani ah oo aan fursad loo siin in uu dalka maamulo oo ay hadda tahay in mar kale la is barbartaago, uma se cadda macnaha ay leedahay in dib loo taageero madaxweyne ku guuldarraystay in uu hanto taageerada ama wada-shaqaynta ummadda oo ahayd xilkiisa ugu mudan.   

Waxa la isku wada raacsan yahay in nidaamkii siyaasadeed uu ku xanniban yahay sur dhalo oo cidhiidhi ah, waxana ay rejada ugu mudani ku urursan tahay in doorashadani ay surkaas dhinac uga saarto. Ha se ahaato e, ma jiraan wax badan oo laga sii hilaadin karo siyaasadaha waaweyn iyo furdaaminta caqabadaha waaweyn ee taagan. Arrimaha ugu waaweyn ee ay ahayd in sawir laga haysto, doorashada ka dib, waxa ka mid ah siyaasadda loollanka goboleed ee uu kiciyay is-afgaradkii ay Soomaalilaan iyo Itoobbiya gaadheen horraantii sannadka, colaadaha gobollada Sool iyo Sanaag iyo sida loo waajahayo Muqdisho oo hadda guddoonsatay in ay toos u colaadiso Soomaalilaan. Arrimahaas waaweyn iyo siyaasadaha kale ee la xidhiidha dhaqaalaha, mideynta shacabka iyo dawlad-dhiska, waa la soo arkay sida ay u maamushay xukuumadda hadda jirtaa, in badan oo dhibaatooyinkaa la xidhiidhaana waxa ay ka dhasheenba sida ay u maareysay iyo guud ahaan siyaasaddii ay dalka ku xukuntay. Ha se ahaato e, mucaaridka laftoodu waxa ay arrimahan kula dhaqmeen siyaasad ku dhisan “canaad qaran’ iyo in ay lumiyeen taladii dhexe ee mucaaridnimo oo seejisay in ay siyaasad iyo mawqif ka yeeshaan arrimahaas waaweyn ee dalka soo waajahay, una horseedday in ay mawaaqif isburinaya iyo siyaasado madmadow badan ka qaataan dhacdooyin muhiim ah oo u baahnaa in ay shacabka la wadaagaan mawaaqif saafan oo heer qaran ah. Dhab ahaan, waxa ay qayb ka ahayd in hoggaaminta iyo metalaadda mucaaridku baahday oo aanay urursanayn, ka dib doorashadii 2017-kii.   

Marxaladdan taariikheed ee ay dunidu ku jirto, waa ay sii fagmayaan nidaamyada dimuqraaddiga ahi. Dunida oo dhan, waxa isa soo taraya hugun-raaca siyaasadeed ee aan lahayn barnaamijyo dhaafsan kicinta dadweynaha iyo kala-qaybinta shacabka oo ay cod ku helaan. Waxa kale oo sii dhimanaysa haybaddii ay hoggaamiyeyaashu ku dhex lahaayeen shacabkooda iyo xushmayntii ay heli jireen. Waa casriga warbaahinta bulshada ee aan ku dhaqmin xeer, mabaadi’ iyo anshax, wax kastana waxa ay si degdeg ah isugu beddelaan maadsi iyo dheeldheel, iyada oo aan la xeerin xaqiiqada iyo dulucda dhabta ah ee khudbadaha madaxda. Casriga noocan ah waa mid u furan dadka la ciyaara dareennada maalinlaha ah iyo tabashooyinka nafsiga ah, waa ay adag tahay in siyaasad xilkas ah iyo barnaamijyo higsi leh lagu qanciyo dadweynaha, haddii ay suuragalaysana waxa ay u baahan tahay hoggaamiye leh tilmaamo gaar ah iyo burji hoggaamineed oo uu ugu gudbi karo caqliga bulsho ee ay hadheeyeen dhayalka xogta baraha bulsho iyo dareennada laab la kaca ee lagu quudiyo si-xun-wax-u-sheegnimada.  

Marxaladdaas ay dunidu ku jirto, ayaa ay Soomaalilaanna ka mid tahay, waxana ay ku galaysaa doorashooyin isa saaran oo huwan dhibaatooyin siyaasadeed oo mug leh lana doonayo in ay xal u noqdaan, iyada oo aan la hayn hoggaamiyihii burjiga lahaa ee loo soo joogsan karayay, xilli ay adag tahayba in cid loo soo joogsadaa. Doorashooyinkan, waxa ay dad door ahi ka rejaynayaan in ay Soomaalilaan dhan uga ridaan surka dhalada ee ay ku xanniban tahay oo ah colaadaha sokeeye ee bariga, kala-qaybsanaanta xooggan ee siyaasadda qabiilaysan, dhaqaalaha u qaadhay daggannaan la’aanta siyaasadeed iyo duufaannada loollanka goboleed ee ay Soomaalilaan hadda ku waajahayso talo aan midaysnayn iyo laabo aan wada-jirin. Ha se ahaato e, cidna ma saadaalin karto, niyad badanna looma hayo in laga fikiro dhanka ay Soomaalilaan uga dhacayso surka dhalada; ma waxa ay ku dhacaysaa gudaha dhalada ee xogaa faalalka ah se ay weli ku xanniban tahay, sidii ay muddada dheer soo ahayd, mise waxa ay uga bixi doontaa bannaanka iyo fagaaraha dunida, sida uu yahay higsiga shacabka Soomaalilaan? Midna shuruudaheedii ma muuqdaan. Waxa se ka jawaabi doona waqtiga.