Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Feker

Buruud: Saamaynta Jacaylka iyo Cabsida

16 September, 2024
Image
186
Getty Images
Share

Dhaaxaan maqalnay kelmedda buruud, burji ama haybad. Waagaan yaryarayn marka laga sheekaynayo  libaax badanaa waxaa lagu lifaaqi jiray dareen cabsiyeed. Waxaa lagu fasiri jiray in libaaxu buruud leeyahay oo istaahilo in laga baqo, Raage ugaas na waa kii lahaa:

Codkii laga baq arraggiis la carar wadar na caydheeye

Il-casuusle raadkiis carjab ah laga cabsoonaade

Ciddiyo dhuuryo coofaar-bulloow ci iyo reen baasle

Ma waa lala ciyaaraa libaax laga cadheysiiyay.

Ugu horrayn, markaad maqasho kelmedda buruud, maskaxdaada waxaa ku soo dhacaya dareemmo farabadan oo ay adag tahay in la sifeeyo sababtooda. Waa kelmed sida adeegsigeedu u badan yahay aan macneheedu u caddayn. Markaa, ugu horrayn ba, waxa aynu isku dayaynaa inaan u qeexno sida ay qaamuusyada ugu taallo kelmeddani: Qaamuuska Af Soomaaliga ee ay wada qoreen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur, buruudka wuxu ku micneeyey “ Haybad ay cidi leedahay oo dadka qaarkiis kaga baqaan ama ku xurmeeyaan.“

Dhanka qaamuusyada afafka qalaad qaabkay u qeexayaan ereygan buruud (Charisma)  haddii aynu eegno qaamuuska afka ingriisiga waxa ku taalla in ereygani ka soo jeedo kelmed giriig ah (Kharisma) oo macneheedu yahay; deeq ama hibo. 

Sidoo kale, wuxuu ku qeexayaa qaamuuska kambridge “awood dabiici ah oo dadka lagu soo jiito laguna xiiso geliyo si ay u noqdaan kuwo kugu qanacsan.” Si kastaba ha noqotee, qeexitaannada sare waxaan ka dareemi karnaa oo keliya in macnaha kelmeddani u taagan yahay awood aan qeexnayn oo saamaynteeda la dareemo uun. Sababta, sida iyo samayskeeda inaan raadino ayaan isku dayi doonaa qormadan gudeheeda, si aynu su’aalahan jawaabo ugu helno.

Waa laga yaabaa inaad u soo joogtay qof joogitaankiisa keliya uu ku filan yahay in la rumaysto. Qof aan hadalka lagu celin karin. Hoggaamiye ay daba socdaan kumannaan qof iyaga oo aan waydiin karin meesha uu ku wado! Waalidiinta qaar ilmohoodu ay ka haybadaystaan, barayaasha qaarkood ardaydu ay ka cabsadaan. Dhammaan muuqaalladaas sare iyo kuwo kale oo badan waxaan ka dheehan karnaa jiritaanka awoodda buruudka. Sidaas awgeed, waxaan si fudud isula qaadan karnaa; in ay jirto awood ka danbaysa jacaylka qof loo qabo, ka haybadaysiga iyo ka biqitaanka labadaba. Awooddaas oo sababta raacitaan, adeecid iyo jeclaysi iyo u dhawaanshaha shakhsiyada awooddaas leh. Haddaba, awooddan dahaadhan ee aan sida sahlan loo fasiri karin, balse, sida fudud loo dareemi karaa waa mid ka dhalata falal iyo waxyaabo la sameeyo. Sidaas awgeed waa natiijo, sidoo kale waxa inoo muuqda ee aynu ku macnayno buruudka waa astaamihii iyo raadadkii awooddaas. Iminka, waxaan guda gelaynaa inaan xaddidno ficillada ay ka dhalato haybaddan iyo awooddan inaga gedmani.

Dhanka kale, qoraa Gregory Hartley, mar uu isku dayey inuu xadeeyo, sababta awoodda buruudka bini’aadamka, wuxuu soo jeediyey waxyaabo uu u bixiyey Farsamooyinka Buruudka, kuwaas oo ka kooban laba qaybood:

  1. Abuurista qiimaha: in uu qofku yeesho wax uu dadka kaga duwan yahay. Shaygaas oo ah shay qiimo leh isla markaana la qadariyo. Tusaale,dhar, mawhibo gaaraama muujinta qurux abuuritaaneed.

  2.  Muujinta qiimaha: in qofku ku dedaalo inuu aad u muujiyo qiimihiisa. Isagoo adeegsanaya mid ama laba kamid ah waxyaabaha uu la gaar ka yahay, si habboona u soo bandhigaya. 

Si kastaba ha noqotee, awoodda buruudku maaha mid la yaab leh, waayo  bini’aadamka ayaa ah mid u abuuran, ka hela oo la dhaca waxyaabaha sooca ah. Markasta oo shaygu caadi noqdo waa mar kasta oo uu yaraado xiisaha loo qabo. Wax kasta oo lala qabsadaa dhadhan ma sii yeesho. Dhaqdhaqaaqa, isbeddelka iyo kala duwanaanta ayaa bini’aadamka aad u cajab gelisa. 

Sidoo kale, awoodda buruudku waa natiijo ka dhalatay, waxyaabo si gaar ah loo sameeyey, ama sifooyin gaar ah oo qof leeyahay. Fannaanada codka macaan, orod yahanka dheereeya iyo hoggaamiyaha aftahanka ah intaba waa lagu sifeeyaa kuwo buruud leh oo dadku jecelyihiin ama ka baqaan.

Sidaan kor ku soo sheegnay, sifada buruudku waa raadka ka dhashay, ka helidda, la yaabka iyo baqdinta. Sidaas awgeed, waxaa ay saameyn toos ah la leedahay caqliga qofka iyo qalbigiisa. Wixii lagu qanco waa laga helaa, waa lala dhacaa isla markaana la sii jeclaystaa. Sirta buruudku waa in uu sii jiro raadka ka helitaanka iyo sii jeclaysigiisu. Qalbiga oo ah astaanta iyo booska jacaylka, sidoo kale waa xarunta dareemada maanka daboola. Dareen kasta oo awood badan wuxuu xidhaa ama yareeya dheelitirnaanta shaqada caqliga si ku meelgaadh ah. Cadhada, farxadda, laab-la-kaca, nacaybka iyo jacaylkuba waxay halleeyaan in si qumman uu caqligu u shaqeeyo. Sidaas awgeed buruudku isna wuxuu saamayn badan ku leeyahay dareemada qalbiga ama wadnaha. Sidaas awgeed wax walba oo saamayn og qalbiga, wuxuu leeyahay buruud.

Si aan u helno sifada buruudka waa inaan saamaynno maanka - qancin iyo xujooyin. Sidoo kale waa inaan adeegsanno dareemada qalbiga si ay ugu adeegaan qancinta caqliyeed ee aan u baahannay. Tix raaca halkan ka fiiri

Dhanka kale, waxa jira xidhiidh togan oo ka dhexeeya guusha iyo buruudka oo waxa la odhan karaa guushu waa furaha buruudka, waa na laf dhabarta iyo tuurka uu ku istaago. Tusaale, guulaha iyo libaysiga faraha badan ayaa libaaxa ka dhigay astaanta buruudka iyo geesinimada. Sidaas awgeed, waxqabadka iyo wax soo saarku waa furaha buruudka ayaan odhan karnaa. Waxa jirt sheeko ku soo aroortay buugga “Xeerarka awoodda “ oo dooddan loo cuskan karo sheekadu waxa ay leedahay: Xilligii boqarrada saddexda ahaa ay ku loollami jireen talada wadanka Shiinaha, Jeeneral Cheko leang oo ahaa nin ku caan baxay dagaaladiisa iyo guulihiisa yaabka leh laguna naanaysi jiray "Holocii Hurday" wuxuu ciidankiisii tirada badnaa u diray meel fog, isna boqol askari ayuu  wuxuu ku  haystay tuulo yar. Kadib wuxuu ku war helay in tuuladii lagu go'doomiyey, ciidan tira badan oo uu hogaaminayo mid kamid ah raggii ay  is hayn jireen na uu ku hareeraysan yahay.  Markaas ayuu wuxuu amar ku bixiyey in albaabada tuulada la furo, inta yar ee askarta ah ay iska dhuuntaan. Intaa kadib wuxu qaatay Gitaar, wuxu na la fuulay meeshii  ugu muuqa dheerayd tuualada oo dabadeed luubaan qiiqsaday, koob bun ahna  shubtay ayuu iska heesay. Kadib ayaa ciidankii oo gurguuranayaa kusoo bexeen. Islamarkiiba waxaa arkay hogaamiyihii Simo oo gartay in uu Leang yahay, dabadeed ciidankiisii ayuu joojiyay, wuuna shakiyey, cabbaar ayuu labalabeeyey, isla markiiba na wuxuu faray ciidankiisii oo u harraadan una hamuun qaba magaaladan albaabadeedu ballaqan yihiin inay galaan, inay dib u noqdaan oo meesha iskaga cararaan, waayo wuxuu u maleeyey in Leang kaarto iyo khiyaamo damacsan yahay. Jeeneral Cheko leang wuxuu ahaa mid ku caan baxay guulihiisii hore ee uu dagaalada kasoo hoyn jiray. Sidaas ayuu Leang, sumcad iyo wixii hore looga maqlay ugaga badbaaday ciidan 150,000 oo askari ahaa!”.

Sifooyinka dhaliya buruudka aadanaha
  1. Garashada nafta iyo tognaanta: haddii aadan naftaada aqoon, ma garan kartid kartidaada iyo awooddaada midna. Cid ma saamayn kartid qiimana ma abuuri kartid. Inaad si togan u fekertid, mar walba iska jirtid xagasha togan inaan u jihaysatid, waxay saamayn wanaagsan ku yeelanaysaa dhisidda shakhsiyad wanaagsan.
     
  2. La dhaqanka nafta iyo shaksiyada adag: shakhsi aan niyad jabin, adkaysi badan oo si togan uu waajaha duruufaha wakhtiga. Naftiisa ula dhaqma si haboon, una debbera culaysyada nafsaaniga iyo kuwa jibbada ba si haboon. Waa shakhsi hibo leh. Waa shakhsi awood uu wax ku saamayn karo leh, hadduu si wanaagsan u adeegsado. Arthur C. clerick na waxa laga hayaa in uu yidhi “ Cilmi kasta oo si wanaagsan u horumara waa nooc  sixirka ka mid ah.”
  3. Hannaanka hadalka iyo aftahamada: aftahamada iyo awoodda qancinta dadku waa laba tabood oo sameeya saameyn iyo raadayn yaab leh. Adeegsiga luuqadda jidhka, xidhiidhka indhaha (eye contact), sulxinta codka iyo dhaqdhaqaaqyada cabiraadu waa u aasaasi aftahama iyo qancinta.   “Cabiraadda luuqadda jidhku waxay ka dhaxaysaa ilmaha yar ee dharka ciidda helay iyo maamulaha shirkad weyn oo warqad muhiim ah guddoomay, isku si bay dareen ahaan uga falceliyaan”. - Gregory Hartley.
  4. Hanka sare, aragtida toosan iyo kaadsiimada: qofka leh aragti isla markaana ra’yi saxan ka haysta wuxuu hiigsanayo, kaadsiimo iyo hubsasho na ku xaqiijiya, hankiisu na yahay mid sare  waa hubaal in lagu ixtiraamayo kartiyahaas.
  5. Awoodda xallinta khilaafka iyo maaraynta dareemada jibadda: qofka dareenkiisa jibbo ka adkaada ee kantaroola, wuxuu awood u yeelan karaa inuu xaliyo khilaafaadka iyo is maandhaafyada dadka ka dhex dhaca. Sidaas awgeed, wuxuu noqdaa qof lagu tixgeliyo garqaadista iyo go’aaminta. 
     
  6. Hadal caddaanta iyo ilaalinta qalbiyada:  guud ahaan basharku waa mid u hoggaansan barnaamijyo maskaxdiisa ku duuban oo xilliyo hore ku kaydsamay si ogaal ah ama si ogaal la’aan ah. Hadal caddaantu waa dabeecad kamid ah dabeecadda loo maleeyo kuwo lagu dhasho, balse maaha ee dabeecad ay xukunto saamaynta deegaanka iyo barbaarinta. Haddaba in aad ilaaliso xad u dhexeeya jebinta qalbiga iyo sheegista xaqiiqada ayaa ah tab iyo xeeladda loo baahan yahay inaad ka salgaadho.

Dhammaan sifooyinka iyo tabahan aan kor ku soo xusnay waa kuwo keeni kara awood iyo karti dheeraad ah, isla markaana sababi kara tixgelin iyo ka helitaan. Waxay ku xidhan tahay xaddiga laga adeegsado, sida loo adeegsado iyo cidda adeegsata. Waxaa dhici karta in mid keliya ay sababto awood badan haddii ay hesho xilli iyo qofkii ku habboonaa. Tabahani waa tusaalayaal uune maaha dhammaan kuwa saamaynta abuura.

Marka laysku soo ururiyo awoodda saamaynta dadka (buruudka) waa awood nafsi ah oo la xidhiidha dareemayaasha bin’ aadamka. Sidaas awgeed, maaha mid leh halbeeg midaysan oo lagu cabbiro. Balse waa dhaxalka sifooyin iyo falal cayiman oo la sameeyo natiijo ka dhalata. Raadka awoodda saamaynta ee hadha, kaasoo noqda jacayl ama cabsi labaduna qofka ku riixaan raacitaan iyo ogolaansho ayaa ah buruudka.