Skip to main content

Thursday 14 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Caafimaadka dhimirka: Shalay iyo Maanta

3 November, 2024
Image
Mental health
Share

Sanadihii u danbeeyey waxa la arkay isbeddel muuqda oo ku yimid ka hadalka cudurrada ku dhaca dhimirka. Waayadii hore, caafimaadka dhimirka waxa ku hareeraysnaa, haaraan, aamusnaan iyo cabsi hadda se in la rog rogo laga na hadlo caqabadaha ku gedaaman waxa ay noqdeen qaar si weyn u muuqda siiba degellada kala duwan. Laakiin taas qudheeda waxa weheliya caqabado iyo rumaysnaanta gaarka ah. Maqaalkani waxa uu ku dedaalayaa in uu soo bandhigo hore u socodnimada aragtideena ku wajahan caafimaadka dhimirka, waxaanu u dhabbo galayaa, gedgeddoon ka soo bilaabmaya isdiidsiin iyo haddana ogolaansho gaadhsiisan in hab roomaansiyadeed loo dhigo. Maqaalku, waxa uu gorfaynayaa xidhiidhka kakan ee ka dhexeeya baraha bulshada iyo caafimaadka dhimirka, sidoo kale waxa uu dul joogsanayaa habka ay u sawiraan xannuunada dhimirka Shinimada iyo fogaan aragyadu. 

Haaraan iyo Cabsi 

Haaraanka la xidhiidha xanuunadda dhimirku waxa ay leedahay sooyaal dheer oo aad u madaw. Laga soo bilaabo maxkamadihii sixirka ee Yurub ilaa laga soo gaadhayo badhtamihii dagaalkii labaad ee adduunka ee Naasigu sida arxanka daran wax u gumaaday, dadka qaba xaannuunnada dhimirku waxa ay la kulmeen Jidh dil, xabsi ku hayn iyo xitaa dil wadareed ay sabab u ahayd warmoognimada bulshada, eexda iyo cunsriyaddu. Jahligaasi  waxa uu saameyn togan ku yeeshay caqliyaddeena casrigan, oo Plato waxa uu ku qoray buuggiisa “Xeerarka “ “ Qofku haddii uu waasho waxa laga ma maarmaan ah in aanu ka soo muuqan fagaarayaasha magaalada, si kastaba, dadkaas waa in qoysaskoodu ku ilaaliyaan guryahooda “Yurubtii Masiixiga ahayd xanuunku dadka waxa uu ka fogeeyey indhaha dad waynaha waxaanu ku go’doomiyey mutullada dhexdooda, dhaqankaas oo socday qarniyo dhawra, waayadaas na basharku  xanuunnada dhimirka waxa ay ula muuqdeen maxsuul ka dashay ciqaabta Eebbe iyo ficillada anshax darrada ah, iyo qaldaadka bukaanka, taas oo Iyana horseedday cawaaqib daran sida in Popkii siddeedaad ee Kiniisadda Kaatooligu musiibooyinkaa dabiiciga ah ku tilmaamo “ la haystayaal “ waxayna ahayd arrin silic u horseedday kumannaan dadkaas ka mid ah, waa badhtamihii qarnigii  shan iyo tobnaad e.   

Sidaas awgeed, waxa laga yaabaa, cutubka ugu foosha xun sooyaalka xanuunnada nafsiga ah in uu yahay dabar jarkii wadareed ee Naasiyiintu kula keceen dadka qaba xanuunkan, iyaga oo isku duba riday, waa naasiyiinta e olole hal ku dhigiisu ahaa “ Nadaafadda cirqiga “ iyo wanaajinta taranta, hawl gal bay ahayd lagu xasuuqay isla markaas na lagu dilay boqollaal kun oo qof oo uu asiibay xanuunka nafsaddu iyada oo xujo laga dhiganayo in xanuunkan laga dabar goynayo facyada iman doona xitaa haddii ay ku kacayso in la sameeyo xasuuq iyo cidhib tir juujuuba. 

Ku baraarugiddii cudurrada dhimirka 

Badhamihii qarnigii labaatanaad waxa la arkay isbeddel xag jira oo ku lug leh sida loo dareemayo ee loo la macaamilayo xannuunada dhimirka, waana natiijo ka dhalatay bullaalidii majaaladda kasmo nafeedda iyo caafimaadka dhimirka. Hurmuudkii ay ka midka ahaayeen Segmund fraud iyo Emel Kraepelin waxa ay u gogol xaadheen fahan caafimaad oo dheeraada oo ku saabsan cudurrada dhimirka. Aragtidan cusubi waxa ay la kawsatay soo ifibixii iskuulo   kala fikir duwan oo cilmi nafsigakuwaas oo la gole yimid diirado lagu eegi karo garaadka iyo habdhaqanka dadka. Waxa Iyana horumar weyn laga gaadhay baadhista xaaladda caafimaad ee dhimirka. Sannadkii 1952 na waxa soo baxay nidaam la yidhaa “DSM”, badhtamihii qarnigii labaatanaad waxa kale oo soo muuqday, kacdoonkii doorashada daaweynta sida in ay aad u baaheen xirfadda hadalka oo lagu gorfeeyo nafsadda  iyo daaweynta ku dhisan habdhaqanka garashada ( CBT), hababkani na waxa ay diiradda saareen in ay shaqsiyaadka ka caawiyaan sidii ay u fahmi lahaayeen afkaartooda iyo habdhaqannadooda isu na dheelli tiri lahaayeen. Waxa intaas dheer, daah furka iyo horumarinta daawooyin cusub sida ka hortogga qulubka iyo xanuun maskaxeedka taas oo bukaanadda ka caawisay in ay hagaajiyaan jaadka nolosha iyo in ay maamulaan calaamadaha xanuunka. Sidoo kale badhtamihii qarnigii labaataanaad waxa soo baxday, xarako la yidhaa “The deinstitutionalization movement “taas oo u jeedkeedu ahaa baro bixinta hayadaha, waxa ayna ku doodday in bukaanadda dhimirka laga soo kaxeeyo hayadaha waaweyn loo na wareejiyo bi’ayda bulsheed.  Isbeddelkani waxa uu xoogga saaray dib u dajinta, dhex keenista bulshada iyo horu socodsiinta qofafka uu asiibay xanuunku dhimirku. Xarakadani waxa ay isu taagtay si horusocd leh dhawrista xaquuqda madaniga ah ee bukaanadda dhimirka iyo hubinta in ay helaan la dhaqan dadeed gaar ahaan intii ka danbaysay kolkii la ogaaday heerka ay gaadhsiisantahay wax yeelada nafsadeed iyo jidh ahaaneed ee bukaanadu la kawsadaan siiba xilliga daaweynta. 

Si kastaba, horumarku ma ahayn mid ka madhan caqabado, oo waxa jiray walaac isa soo tarayey oo la xidhiidha adeegsiga xad dhaafka ah ee daawoyinka iyo saameyntooda. Iyada oo ay taasi jirto ayaa haddana qarnigii labaatanaad waxa la arkay isgeddi weyn oo ku sal leh naxariis badan iyo habka baadhiska caafimaadka dhimirka.   

Baraha bulshada iyo caafimaadka dhimirka

Baraha xidhiidhka bulshadu waxa ay noqdeen awood aan la inkiri Karin oo saameyn ku leh nolosheena saameyntaas oo ka durugsan, sawirada fasaxyada, guul muujinta iyo muuqallada qosolku weheliyo. Kolka arrinku joogo, caafimaadka dhimirka na baraha bulshadu waxa ay ina hordhigaan, suurad kakan oo inaga caawin karta horumarinta fahankeena la xidhiidha xanuunnada dhimirka, dhanka kale na waxa ay ka qayb qaadan karaan (Baraha bulshada ) marin habaabinta, waana sidii middi labo af leh, taas oo ay suuragel tahay in ay toosh ku ifisho fahankeenna, iyo in ay marin habaabiso. Dhanka togan, kolka laga joogsado, degellada baraha bulshadu waxa ay u xuubsiibteen agab jooga qiime sare oo lagu xoojiyo shabakadaha isu gurmashada, faafinta tacliinta iyo samarsiinta kuwa la daala dhacaya xanuunada dhimirka. Sidoo kale bulshooyinka internetka waxa ay siiyaan meel ay ashqaastu si xor ah uga qisoon karaan, uga na jeedin karaan weedho dhiirigelin ah, isla markaas na saaxiibada ay isku fikirka yihiin uga heli lahaayeen  taageero iyo isku duubni taas oo sii xoojisa, dareenkooda tirsanaanta.  Waxa intaas dheer, degelladaasi waxa ay u shaqeeyaan tabtii fogaan aragyada hayadaha caafimaadka dhimirka iyo mihnadlayaasha si ay u faafiyaan xoga ku salaysan caddaynta iyo dhabayaasha caawimada asaasiga ah. Si kastaba, waxa suuragel ah, sifooyinkaasi laf ahaantoodu in ay inoo hoggaamiyaan dhanka halaagga 

Iyada oo bulshooyinka internetku, kuwa u baahan siiyaan waxyaabaha muhiimka u ah nolosha, haddana daynaamikiyada haybta kooxda ee ka dhex jirta bedkaas ayaa waxa suuragel ah in ay saameyn xoogan ku yeelato qofafkaas, doonista ah cid kale ka tirsanaanta iyo helitaanka ansixinta saaxiibadu waxa ay keeni karaan isla markaas na si aan ula jeeddo lahayn, mararka qaar ashqaasta ugu riixi karaan, buun buuninta iyo ka bad badinta qaybo ka mid ah halgankooda saykaloojiyadeed iyo in ay caqabado kooban u rogaan dhinacyada muhiimka ah sida haybta taas oo ku hoggaamin karta natiijo aan saxneyn sida diidista daaweynta. 

Taas marka laga yimaaddo, xogta ka buuxda baraha bulshada waxa jira garab marin habaabin xogeed oo aad u weyn kaas oo barbar socday faafitaanka dhaqanka is aqoonsiga qofeed, xogaha aan sugneyn oo badan iyo fasirka fudud ee laga bixiyo xaaladaha saykaloojiyadeed ee kakani waxa ay door ka qaateen in dadku si qaldan u fahmaan una fasiraan khibraddooda iyaga oo ku salaynaya qormooyinka iyo boostiyada baraha bulshada, taasi na waxa ay keenta baadhitaan dul ka xaadis ah iyo in ay ka dib dhacaan gar gaarka ugu habboon. 

Sidaas awgeed, ku guurista xogta ballaadhan iska na hori iyo dabo imanaysa ee ka buuxa Internetka iyada oo aan la marin rug caafimaad waa arrin keeni karta jiha wareer heer ay dadka gaadhsiiso nuglaan iyo hubanti la’aan. Xitaa xogtaasi waxa ay saameyn ku leedahay xirfad layaasha tabobaran iyada oo ku hoggaamin karta in ay doorbidaan xogta waafaqaysa afkaartooda ama ay rabaan in ay maqlaan. Lama huraanna ma aha in ay noqoto eex togan. Qof wal oo la socda shaacsanaha diktoor google na waxa uu ogyahay dadka iskood isu baadha inta badan waxa ay u nugul yihiin xaaladda ugu daran sababta oo ah, eexda tabani waxa ay ku tallaalantahay maskaxda bani aadamka. Is baadhista qofeed waxa adkeeyey xaqiiqada ah in dadku ay leeyihiin qariiso 

Roomaansiyadda iyo cudurrada dhimirka

Sannadihiii ugu danbeeyey Roomaansiyeynta cudurrada dhimirka gaar ahaan baraha ay bulshadu ka wada xidhiidho, waxa ay yeesheen muhiimad weyn. Shaacsanahan, waxa ka mid ah in xaaladaha  nafsadeed sida  warwarka , qulubka iyo wax yeelaynta nafta loo sawiro hab soo jiidasho iyo ku raaxaysi leh iyada oo la is moogaysiinayo xaqiiqada iyo runta qallafsan.  Waxyaabaha aadka u leh warwarkana waxa ka mid ah buunbuuninta hab dhaqannada la xidhiidha cudurrada dhimirka waxaana dhacda in dad la tacaalaya xanuunno nafsadeed laga dhigo kuwo ah “Cabqariyayaal “iyo “ Ruux caddiban”. Sidaas awgeed in sidan waxa loo sawiraa waxa ay abuuraysaa fasir aan waaqici ahayn oo in badan ula muuqan karta arrin soo jiidasho leh. Dhanka kale, roomaansiyeynta xanuunnadani waxa ay sababi kartaa sii anbo qaadista sheekooyin aan qurux badneyn iyo fahanxumo, waxaana suuragel ah in loo maleeyo in uuba yahay jidka wax curinta taas oo dad badan ku riixi karta in ay joojiyaan raadsashada daaweyn ku habboon iyo garab iyo in ay ka dib dhacaan is baadhista taas oo mar ba marka ka sii danbaysa xaaladda sii xumeynta karta. Intaas waxa dheer, arrinkani waxa kale oo uu keeni karaa filashooyin aan waaqici ahayn oo la xidhiidha soo kabashada iyo bogsashada, maxaa yeelay waxa ay dheerin kartaa in cudurrada dhimirka oo ku heleelaa ay tahay sharaf iyo geesinimo iyo in ka libigaysiga cudurkaasina uu yahay wax aad u fudud kolka aad hesho qofka kugu habboon ama noloshaada uu ku dhaca isbeddelka ay u baahantahay. Dhab ahaantiina, soo kabashada runta ahi waxa ay u baahantahay daaweyn gaar ah iyo garab siin joogto ah iyo dadaal qofeed oo weyn. 

Kolka laga yimaaddo baraha bulshada loona soo dhaqaaqo dhanka dhaqanka, taxanaha la yidhaa “Reasons why 13” waxa uu tusaale cad u yahay sida loo roomaansiyeeyey qulubka iyo is daldalaadda, tan iyo kolkii la soo bandhigay taxanahan waxa hadheeyey muran aad u weyn iyada oo uu la kordhay celceliska dhallinyarada is daldasha iyo afkaarta is khaarajintu ee ka dhex jirta dhallinayada. Taxanuhu, is daldalaadda waxa uu u sawiray in ay tahay lagu heli karo danayn iyo caddaalad taa soo keentay in ay faafto sheeko halisa oo ku doodaysa in soo afmeeridda noloshu ay tahay hababka caadiga ah ee laga ga aargoosan karo xad gudbayaasha. Jidkanina waa mid halis ah maxaa yeelay waxa uu fududaynayaa kakanaanta cudurrada dhimirka oo waxa uu hoos u dhigayaa dadaallada loogu jiro kor u qaadista wacyiga caafimaadka dhimirka iyo ka taxadirridda is daldalaadda. Qulubka, warwarka iyo mushkiladaha kale ee caafimaadka dhimirka ee keena is qudhgoyntu ma aha wax lagu soo hirto, sharaf leh oo qurux badan sida murugada leh ee hadda lagu tilmaamo waa se calaamado leh naxdin iyo la daal dhac qalbi jab qotodheer. 

Cudurrada dhimirka, shaneemada iyo daraamada

Dedaaladda lagu bixiyey in dadka  qaba qalaalasaha nafsadeed lagu daro filimida iyo shawyada fogaan aragyada iyo in bulshada laga fogeeyo ceebaynta xanuunka dhimirka waxa ay keentay natiijo aan loo fadhiyin sida in ay noqdaan sifooyin loo bogo ama in si qaldan loo la dhaqmo oo tani waxa ay ka soo muuqatay shineemada ku fogaatay shaacsanaha (Phenomenon) fannaanka la jidhdilayo, iyo in Jacaylka loo sawiro in uu yahay xal wax ku oola oo lagu la tacaali karo xannuunada dhimirka. 

Fahanka qaldan ee xidhiidh ka dhaxaysiinta xannuunada dhimirka iyo halabuurka oo sida qaalibka ah ku faruuryo xidhan fikradda “Fannaanka jidh dilan“ waa khuraafaad faafay beri aad u fogayd ilaa hadda na socda – aaminaadaas waxa ay odhanaysaa: shaqsiyaadka la tacaala xannuunada dhimirka waa kuwa ugu cabqarisan ama leh mawhibo faneed, fikraddani waxa ay si weyn ugu dhex baahday Shineemada caalamiga ah gaar ahaan aflaamta sooyaalka qofeed ee xoogga saarta fannaaniinta jidh dilan oo keliya sida “Frida”, “At Eternity’s Gate” iyo “Pollock”.

Sidaa kolka ay tahay, waa lama huraan in la daadifeeyo khuraafaadka odhanaya xanuunka dhimirku waa shardi sees u ah halabuurnimada, taas oo ah marin habaabin. Xanuunnada dhimirku waxa ay sababaan dhibaatooyin waaweyn iyo in ay hoos u dhigaan hawl maalmeedka shaqo sidaas awgeed, waa in aan la ammaanin ama la dhayalsan iyada oo laga dhiganayo jid kor loogu soo qaado muujinta farshaxanka.

Mushkiladda labaad ee muqaddaska ka dhigtay fikradda odhanaysa Jacaylku waxa uu awoodaa in uu daweeyo xanuunada dhimirka waa fikradda roomaansiyada ee ay fidiyaan warbaahintu halka aynu taas ku arkaynno aflaamta ay ka midka yihiin “the Bright Places” oo Fayloot ka caafimaadayo qalaalasaha nafsadeed ee quu qabay kolka uu la kulmo Bifaynish. Tu taas la mid ah waxa aynu ugu tagaynnaa filinka “The Garden State” oo atooraha filinku joojinayo qaadashada dawooyinka qulubka kadib marka uu la is helaan gacallisadiisa. Jacaylku waxa uu door muhiima ka qaadan karaa caafimaadka qofka, laakiin uma geli karo halka ay ugu jiraan dawooyinka iyo dhaymada xirfadaysani. Iyana waxa marin habaabin ah fikradda odhanaysa jacaylku keligii ayuu “dhaymo “u noqon karaa xannuunada dhimirka, waana fikrada si weyn u fududaynaysa kakanaanta xaaladahaas isla mar ahaantaas na wiiqaysa muhiimadda hababka dhaymo ee caddaynta lagu saleeyey. Wax kale oo laga yaabaa, lamaanayasha jacaylka, fikraddaasi in ay dul dhigto culays aan loo baahnayn si ay u xal ugu helaan is mari waagooda taas oo ku hoggaamin karta, niyad jab iyo danbi dareemis iyo ugu danbeyn cadaadis xidhiidh. 

Guntii iyo gabogabadii, caafimaadka dhimirku ma aha “Hashtag” iyo “Tarendi” waa se is moodsiis aynu dhammaanteen hoos hadhsanno, kaas oo oo xanbaarsan culayska waayo aragnimadeena iyo meelaha aynu ku liidanno. Sidaas awgeed, iyada oo meesha laga saarayo haaraanka isla markaas na wax lagu dhisayo aqoon iyo xaqiiq, waxa aynu awood naa in aynu abuurno caalam ayna mushkiladaha dhimirku ayna ahayn isha ceebta ama ciyaar internet se loo la dhaqmo si la mid ah mushkiladaha jidhka si aan ka badneyn kana yareyn.