Friday 22 November 2024
Hadallada Soomaali badani ay sida joogtada ah ugu hadaaqaan waxaa ka mid ah oraahda tiraahda: “Qabiilku dhib ma leh, ee qabyaaladda ayaa xun”. Marka aan isweydiinnee oraahdaas maxaa ka run ah? Maxaa ka jira in qabiilku uusan dhib lahayn? Qabyaaladda yaa dhala, oo xaggee bay ka soo burqataa?
Runtii qabyaaladdu waa xun tahay, xumaanteeduna waxay ka dhalataa qabiilka. Inta qabiil jirana qabyaaladdu way sii jiraysaa. Maxaa yeelay, qabiilka iyo qabyaaladdu waxay isku yihiin sida geed iyo mirahiisa. Sida carabtu ay tiraahdana: “Geedka iyo laamihiisu waa isleeyihiin”, qabiilka iyo qabyaaladduna waa is dhalaan.
Aadamiga oo idil waxay isla oggol yihiin in dadka oo dhammi ay asal mid ah ka soo wada jeedaan. Oo bilmatal, dadka diimaha rumaysan badankoodu waxay qabaan in bani’aadamka oo dhan laga abuuray hal hooyo iyo hal aabbe, oo lagu magacaabo Xaawo iyo Aadan oo ayaga dhoobo laga uumay. Dadka inta aan diimaha rumaysnaynna waxay ku qanacsan yihiin aragtida Daarwin ee sheegaysa isbeddelka maaddiga ah ee walxaha ku dhacay ilaa jeer ay noolayaashu soo gaareen xaaladda ay hadda ku sugan yihiin. Guud ahaanna, muuminka iyo mulxidku waa isla qirsan yihiin in bani’aadamku ay asal keliya leeyihiin.
Intaa waxaa weheliya, in dadku taariikhdooda oo dhan aysan hal meel ku sugnayn, ee ay guurguuri jireen iyaga oo fursadaha nolosha daba-jooga. Xataa haddii ay jireen bulshooyin hal deegaan ku negaa oo aan guurguuridda aqoon, kama ay badbaadi jirin in ayaga dibedda looga yimaado, oo dhaqankooda iyo dhiiggooda labadaba la barxo.
Sidaas oo ay tahay, misna ummadaha adduunka iyo qowmiyadaha iyo qabiilooyinka kala duwan, qolo kastaa waxay jeceshahay in ay ku andacooto in iyadu ay tahay dhalad gob ah, oo uunka Alle oo dhan ugu sarraysa. Sheegashada canynkaas ahna waxaa ku sii caan ah ummadaha weli abtirsiga ku dheggan.
Qabiilka abtirsiga ku dhisani waa nidaam qaddiim ah oo ummadaha adduunka badankoodu ay ku dhaqmi jireen ka hor intii nidaamka dowladnimada casriga ah aan la baran. Waayo qabiilku waxa uu ahaa -welina yahay- qaab qofka iyo bulshadu ay naftooda iyo hantidooda ku caymiyaan. Waxaana la yiraahdaa: Qabiilku waa dowladda cidda aan dowlad lahayn. Qabiilka iyo qaranku waa labo marxaladood oo kala duwan oo loo kala gudbo. Hawsha kala wareeguna caadi ahaan waxay qaadataa waqti dheeraan kara ama gaaban kara, iyada oo taasi ay ku xiran tahay hadba duruufaha dhaqan-dhaqaale ee bulshada ku gadaaman.
Waxaana xusid mudan, in aqoonyahannada qaarkood ay qabaan, in taariikhda iyo horumarku aysan ku socon hal waddo oo kor u socota, balse ay horay iyo gadaal ugu socdaan qaab laablaab iyo iska dabawareeg ah, oo taarikhda iyo horumarku ay isu gedgeddiyaan sida xilliyadda sannadku ay isugu rogrogaan gu’, xagaa, dayr iyo jiilaal. Ilbaxnimooyinku waa dhismaan, waana burburaan. Sidoo kalena qabiilooyinku qaran bay noqdaan, qarankuna qabiilooyin buu dib ugu gurtaa.
Sidoo kale, qabiika iyo dowladnimadu waa is bara bixiyaan, oo marka kaalinka dowladdu uu xoogaysto waxaa yaraada kan qabiilka, taa lidkeeduna waa sax oo marka dowrka qabiilku uu xoogaysto waxaa shiiqa kan dowladda.
Sida dadka badankoodu ay ka dheregsan yihiinna, nolosha aadmigu waxay soo martay marxalado badan oo kala duwanaa. Nolosha dadku waxay ka bilaabatay marxaladdii qaraabsiga ee qof-qofka iyo qoysaska loo noolaa. Waa marxaladdii halkudheggu ahaa: “Nin qaroon hela, nin quwaax hela carro waa quud hala qarabsado.” Marxaladdaas waxaa xigtay marxaladdii barashada dhaqashada xoolaha oo ay samaysmeen bulshooyinka raacatada ah ee dhiig iyo dhaqan wadaagga ah. Taana waxaa xigtay marxaladdii barashada qodaalka dhulka oo ay samaysmeen tuulooyinka iyo deegaannada joogtada ah. Tuulooyinku marka ay kobcaanna waxay noqdaan meelo ay ku kulmaan dadyow kala beelo, dhaqamo iyo xirfado ah, waxaana ka curta ganacsi, maamullo iyo nidaam dowladeed oo bilow ah. Sidaas awgeed, qabiilku waa dowladda dadka aan dowladda lahayn.
Taariikhda aadmiga badankeedana waxaa jirey dagaallo iyo loollan u dhaxeeyey dhaqatada iyo qodata. Inta badan dhaqatada ayaa duullaanno bililiqo doon ah ku qaadi jirey qodata. Diimaha dunida ka jira badankooduna waxay siyaalo kala duwan u xusaan qisada Qaabiil oo xoolo dhaqato ahaa uu ku dilay Haabiil oo beer qodato ahaa. Qisadaan oo la rumaysan yahay in dadka allifay ay ku saleeyeen boobkii iyo dhacii xoolo dhaqatu ay had iyo goor u geysan jireen -welina u geystaan- beeraleeyda.
Nidaamka dowladaha casriga ahi waa dhaqan ka bilowday Yurub kaddib heshiiyadii Westifaaliya (=Westphalia treasies). Yurub waxaa ka dhacay dagaallo gudaheeda ah oo diin iyo xuduuddo ku saabsanaa oo muddo boqol sano ka badan ka socday, dad iyo duunyo badnina ay ku hoobteen. Dagaalladaas waxaa soo afjaray heshiisyadaas loogu magac daray deegaanka Westifaaliya.
Heshiisyadaasi waxay horseedeen curashada waxa loo yaqaan dowladaha qaranka ah (=Naton-state), ee mid waliba ay aqoonsanayso madaxbannaanida iyo xudduudaha kuwa kale (=sovereignty and territory). Gumeystayaashii reer Yurubna fikradda dowladda qaran waxay bareen dadyowgii ku dhaqnaa dhulalkii ay gumeysteen ee Afrika, Aasiya iyo Ameerika.
Falsafadda dowladaha casriga ahi ay ku dhisan yihiin waxaa kaalin mug leh ka qaatay feylasuufyada ay ugu horreeyaan Toomas Hoobis (1588-1679), Joon Look (1632-1704), Moontiskiyu (1689-1755) iyo Jaan-Jaak Ruusoo (1712-1778).
Feylasuufyadaas waxaa ugu horreeyey feylasuufkii Ingiriiska ahaa ee Tomas Hoobis oo qoray dhigaalladiisa uu ugu caansan yahay buugga ‘Lafaayatan /Leviathan’, oo uu si qeexan oo bareer ah ugu qiilbixiyey ahmiyadda xukunka kelitaliska ahi uu u leeyahay bulshada si looga ilaaliyo fowdo iyo is-cun [=Lafaayatan waa magaca noole badeed Khuraafi ah oo gacamo badan leh, oo qoraagu uu ku metalayo dowladda iyo xukunka kelitaliska ah ee awoodda badan leh].
Hoobis waxaa laga hayaa in uu yiri: “Hooyaday waxay dhashay labo mataano ah: Aniga iyo cabsi.” Waxa uu sheegay in hooyadi oo bishii toddobaad uurka ku sidda la soo tebiyay war sheegaya in boqorkii Isbaanishku uu cutubkiisii maraakiibta ahaa ee Armada uu ku soo weerarayo Ingiriiska. Hooyadiisna naxdintii ay naxday darteed ay la dhicisay, oo ay dhashay mataano ka kooban isaga iyo baqdinta oo noloshiisa oo dhan wehelisay.
Hoobis oo noolaa seben dagaallo sokeeye ay Yurub halakeeyeen –(kuwaas oo galaaftay dad badan oo uu ku jiro boqor Jaarlaskii 1aad oo la dilay sannadkii 1649, iyo duunyo tiro beel ah)- wuxuu ku dooday in dadku ay yihiin yeey ama uubato dadka kale diirata (=Man is wolf to man.” Hoobis fikradda aadanaha yeeyda ah wuxuu u adeegsaday si uu sharraxaad uga bixiyo baahida keentay dhalashada dowladaha awoodda wax ku maquuniya. Wuxuu sheegay in bani’aadamku ka hor intii aysan bulshooyinka iyo dowladnimada baran ay ku sugnaayeen xaalad uu u bixiyey ‘xaaladda dabiiciga ah /state of nature’, oo ah marxaladdii ka horraysay samaysanka bulshooyinka iyo dowladaha, oo ahayd xaalad dagaal oo noloshu ay ahayd mid ku tilmaaman “kelinimo, saboolnimo, xumaan, dugaagnimo iyo gaabni.”
Sababta ay noloshu u noqotay mid sidaas u liidatana waa in dadka qof kastaa uu kuwa kale dagaal kula jiray. Maxaa yeelay, qofku ma awoodin in uu ummuurihiisa agaasimo isaga oo aysan dadka kale isku dhicin. Waayo ma jirin awood kala celisa, isla markaana sida dhaqaaleyahannadu ay sheegaan kheyraadka dhulka ka jiraa waa kuwo naadir ah oo si fudud baahida dadka oo dhan aan u haqabtiri karin (=scarcity). Labadaas arrimood oo la isu geeyeyna waxay dhaliyaan in dadku si joogto ah u dagaallamaan, qof iyo qolo kastaana ay qashaan kuwa ay ka itaalka roon yihiin. Waxaa intaas dheer, in Hoobis uu hoosta ka xarriqay in dadku samaha oo ay jecel yihiin darteed aysan qaanuunka u addeecin, balse cabsida ay ciqaabta ka qabaan ay tahay midda ku khasabta in ay sharciga u hooggaansamaan.
Hoobis wuxuu ku dooday in qofka bani’aadamka ahi uu yahay aalad ay dhaqaajiyaan rabitaanka iyo raadinta raaxada iyo ka fogaanta xanuunku. Qofka bani’aadamka ahi wuxuu u dhexeeyaa raaxo uu raadinayo iyo xanuun uu ka cararayo. Ruuxa bani’aadamka ahi waxa uu jecel yahay ee naftiisu ay rabto wuxuu ugu yeeraa kheyr, waxa naftiisu ay necebtahay ee uu dhibsadana wuxuu u bixiyaa shar. Had iyo jeerna wuxuu ka shaqeeyaa sidii uu ku heli lahaa kheyrka naftiisu rabto, ugana badbaadi lahaa sharta naftiisu necebtahay.
Taasi oo micnaheedu yahay in xaaladda dabiiciga ah qofku uu yahay anaani danayste ah oo u nool sidii uu ku badbaadin lahaa naftiisa, kuna gaari lahaa waxa uu doonayo, xitaa haddii arrinkaasi uu ku kalifayo in uu dad dilo ama uu dad dhaco. Dadku xayawaanka kaymaha ku jira bay dugaag ku sheegaan, laakiin iyaga ayaa ka dugaagsan haddii aan la helin awood iyo xeerar kala xakameeya. Damaca iyo doonidda dadku ma laha xad ay ku istaagtaan, oo aan ka ahayn in geeridu soo afjarto.
Qarniyo badan ka hor Hoobis, Yurub waxaa la isweydiin jirey su’aal ah: Waa maxay sababta keentay in loo baahdo in dadweynuhu ay addeecaan madaxda u talisa?
Jawaabta caanka ah ee qarniyo badan weydiintaas laga bixin jirey waxay ahayd in boqornimadu ay tahay deeq Alle uu bixiyo, raalligelinta Eebbana ay ku jirto in la addeeco qofkii Eebbe u garto in uu boqor ka dhigo. Cidda khilaafta boqorraduna ay noqonayso cid Alle ku caasiday, oo caro iyo cadaab Alle mudanaysa. Firkaddaas oo ah aragtida loo yaqaan ‘Xaqa rabbaaniga ah ee boqorrada /the divine right of kings /الحق الإلهى للملوك’.
Hase ahaatee, xilligii Hoobis Yurub waxaa ka soo baxay dad badan oo aan ku qanacsanayn aragtidaas. Dadka aan aragtidaas ku qancinna waxaa ka mid ahaa Toomas Hoobis oo isagu ahaa mulxid ka biyo diiday fikradda ilaahnimada qudheeda, oo uu ku tilmaamay in ay tahay fikrad loo hindisay si dadka loo baqdin geliyo darteed.
Hoobis markii ugu horraysay ayuu wuxuu soo bandhigay aragtida loo yaqaan ‘Aragtida heshiiska bulsho /the social contract theory /نظرية العقد الاجتماعي’. Aragtida Hoobis ee heshiiska bulsho waxay dhigaysaa in dadka oo dhammi ay xaqooda iyo xorriyaddooda uga tanaasulaan hal qof oo xukuma, iyaga oo ku beddelanaya in ay nabadgelyo iyo nolol wanaagsan helaan. Laakiin boqorka ama taliyuhu heshiiska qayb ka ma uu aha, ee heshiisku wuxuu u dhaxeeyaa xubnaha bulshada ee kale. Taliyuhu magac kasta oo loogu yeero dadweynaha waa ka sarreeyaa, mana aha mid sharciyaddiisa iyo awooddiisa ka helaya Alle ama hey’ad diimeed, balse wuxuu ka helayaa bulshada ku heshiisay in ay isaga madax ka dhigtaan, una igmaday in uu kala dhexgalo iyaga iyo xaaladda dabiiciga ah ee fowdada iyo islayntu ay dadka ka saayid caleeyaan, ee ruux kastaa uu ku khasban yahay in uu wax dilo isagana la dilo (=war of all against all).
Taliyuhu wuxuu leeyahay awood buuxda oo ma jirto cid la xisaabtami kartaa. Waxaana saaran waajib ah in uu bulshada difaaco, kheyrka, sharka, caddaaladda iyo sinnaantuna waa hadba sida taliyuhu u jaangooyo. Hoobis wuxuu ku dooday in madaxda iyo shacabku ay isku doorsanayaan labo shey oo kala ah: addeecid iyo ilaalin. Dadweynuhu madaxda waxay siinayaan okobanaan iyo in ay awaamirtooda u hoggaansamaan. Madaxduna dhankeeda dadweynaha waxay u ballanqaadaysaa in ay ilaaliyaan ammaankooda dhan walba -naf, maal iyo sharaf.
Dadku taliyaha hal mar bay ka hor imaan karaan, waana haddii uu ku handado in uu dilayo. Guud ahaan sebankaan madaxdu waxay lahayd awood xad dhaaf ah, waxaana loogu yeeraa ‘Sebankii awoodda buuxda /Age of absolutism.’
Laakiin muddo gaaban Hoobis kaddib, waxaa soo baxay Joon Look oo xeerar cusub u dejiyey xukunka, qalinkana ku adkeeyey in madaxdu ay xukunka ku yimaadaan, kuna joogaan doonidda shacabka, lagulana xisaabtamo karti, hufnaan iyo waxqabad. Dabadeedna Moontiskiyuu baa wuxuu ku taliyey in awoodaha dowladda la qaybiyo, oo laga dhigo saddexda qaybood ee hadda la yaqaan ee kala ah golaha fulinta, golaha sharcidejinta iyo golaha garsoorka, si ay is-dheellitir iyo isla xisaabtan isugu sameeyaan.
Si kastaba ha ahaatee, waayadii hore dadka waxaa isku xiri jirey isir, af, diin iyo deegaan. Laakiin maanta waxa ugu weyn ee dadka isku xira waa dowlad leh xudduud dunida kale u aqoonsan tahay. Dadka gudaha xuduudda dowladda ku dhaqanna waxaa dhici karta in hal diin ama diimo badan ay haystaan, waxaa dhici karta in ay isku isir yihiin ama isirro kala duwan ay ka kooban yihiin, waxaa suurogal ah in hal af ama afaf kala geddisan ay ku hadlaan. Qodobka muhiimka ahi waa in ay leeyihiin midnimo siyaasadeed iyo mid sharci, oo ay noqdaan shacab ama ummad calan keliya ku abtirsada.
Xilka ugu weyn ee dowlad walba saaran waa in qaybaha kala duwan ee bulshada ay ku midayso heshiis bulsho. Heshiiska bulsho dowladda wuxuu ku waajibinayaa in ay muwaadiniinteeda u dammaanad qaaddo nabad la isku halayn karo iyo in ay u fidiso adeegyada dhaqan-dhaqaale ee noloshooda iyo horumarinta mustaqbalkooda mudnaanta u leh. Dowladduna dhankeeda muwaadiniinta waxyaabaha ay xaqa ugu yeelato waxaa ka mid ah bixinta canshuuraha iyo in ay aqbalaan in dowladda oo keli ahi ay noqoto midda xaqa u leh in awoodda, jajuubka iyo gacan ka hadalka loo adeegsado si sharciga waafaqsan.
Marka laga yimaado dowladaha kirada ku nool (=rentier states), ee batroolka iyo macdanta qaaliga ah hodonka ku ah, ma jirto dowlad casri ah oo shaqayn karta canshuur la’aan, isla jeerkaasna ma jirto dowlad oggolaan karta in gudaha dalkeeda ay ka jirto cid kula tartanta awoodda adeegsiga xoogga iyo khasbidda.
Bulsho-baarihii Ibn Khalduun buuggiisa ‘al-Muqadima’, wuxuu ku xusay in boqorkii dowladdii Ummawida ee Cabdumalik bin Marwaan uu magaalada Dimishiq kula kulmay nin reer miyi ah oo ka yimid dhanka Ciraaq. Boqorku carabka reer miyiga ah wuxuu wax ka weydiiyey Xajaaj bin Yuusuf oo ahaa guddoomiyihii xilligaas dowladda Ummawida Ciraaq madaxda uga ahaa. Ninkii reer miyiga ahaana isaga oo Xajaaj ammaanaya ayuu wuxuu ku jawaabay: “Waxaan ka soo tagay isaga oo keligiis wax dulminaya /تركته يظلم وحدة”.
Dhaqanka qabiilka ee ninkaan reer miyiga ahi uu ku dhex koray kama jirin nin ummado kala geddisan u taliya, oo keligiis xaq u leh inuu go’aan ka gaaro arrimaha waaweyn ee dadkaas kala duwan khuseeya. Sidaas awgeedna, waxaa la yaab iyo u qaadan waa ku noqday in dadka ku dhaqan Ciraaq oo dhammi ay u hoggaansamaan go’aannada Xajaaj. Xajaaj oo caan ku ahaa amar adag iyo seef galku ka siiban yahay dadkii reer Ciraaq oo madax adayg ku sheegganaa wuxuu ku khasbay in kulligood ay amarradiisa u hoggaansamaan. Waana tii la yiri: ‘Amar dowlo muddeec, ruuxii diida dabbaal!’
Qabiilka iyo qabyaaladda had iyo jeer ku lammaansani waa suus dowladnimada iyo ilbaxnimada gudaha ka cuna jeer ugu danbaynta uu ka dumiyo. Ilbaxnimooyinkii dunida soo maray qaar badan oo ka mid ah waxaa dumiyey raacato qaab qabiil u abaabulan. Tusaale ahaan, Boqortooyadii Roomanka waxaa burburiyey qabiilooyinkii Jarmaaniga ee badawda ahaa ee ku soo duulay. Sidoo kale, Boqortooyadii Muslimiinta Carbeed ee magaalada Baqdaad ay caasimadda u ahayd waxaa dumiyey qabiilooyinkii Tataarka ee raacatada ahaa. Waxayna ila tahay in Soomaalidu ay khibrad fiican u leeyihiin sida qabiilku uu qaranka u dumiyo.
Bulsho-baarihii Ibnu Khalduun oo qabiilka iyo reer miyinimadu ay hal macne u lahaayeen, wuxuu sheegay in qabiilooyinka reer miyiga ah ee guur-guuraa ay reer magaalka kaga fiican yihiin noloshooda fudud iyo in ay beenta iyo afxumada ka yaraystaan reer magaalka. Laakiin dhanka kale, ibnu Khalduun reer miyiga wuxuu ku tilmaamay in ay leeyihiin dabci dugaag, oo wax walba oo ay arkaan ay dumiyaan. Sababta oo ah reer miyiga raacatada ah ee guurguuraa ma yaqaannaan dhismayaal waaweyn oo dhagax ka samaysan, balse taa cagsigeeda dhagxaanta waxay ka dhigtaan dhardhaar ay cuntada ku karsadaan. Sidaa darteed, haddii ay arkaan magaalo cammiran oo aan lahayn itaal ay isaga celiso way dumiyaan si ay dhagxaanteed dhardhaar uga dhigtaan, alwaaxdeedana ay teendhooyinkooda miyiga tiirar uga dhigtaan ama ay ka dhigtaan xaabo ay dabka ku shitaan.
Ibnu Khalduun wuxuu tusaale u soo qaatay duullaanno qabaa’il carbeed oo la kala oran jirey Banii Saliim iyo Banii Hilaal ay ku qaadeen waqooyiga iyo galbeedka Afrika, oo ay cagta ku mariyeen magaalooyinkii iyo ilbaxnimooyinkii dhulalkaas ka jirey.
Caqliga qabiilka rumaysani ma aqbali karo qiyamka dowladnimada iyo casriyoobidda sida; nabad ku wada noolaanta, wax wada lahaanshaha, ixtiraamka qawaaniinta iyo nidaamka, dan guud, xaq, caddaalad, xaq dhawrka sharafta iyo hantida dadka kale, demoqoraadiyadda, xorriyadda qofka, sinnaanta labka iyo dheddiga, iyo guud ahaan xuquuqu insaanka. Caqliga qabiilku qiyamka uu rumaysan yahay waa dagaal, loollan joogto ah, awood sheegasho, faan iyo sharaf ku tookhid, iyo liididda dadyowga kale ee qabiilka ka baxsan.
Qabiilku waa dareen iyo dagaal u joog, oo qabiilku haddii uu waayo cid uu cadow u arko oo uu la dagaallamo, dhexdiisa ayaa ka dagaallama. Gabyaa carbeed oo xaqiiqadaas gabay ku cabbirayna waxa uu yiri: “Mararka qaarkood waxaan ku duulnaa reer Bakar oo walaalahayo ah, haddii aan weyno cid aan walaalaheen ahayn oo aan ku duulno /وأحيانا على بكر أخينا إذا لم نجد إلا أخانا”. Qofka caqliga qabiilka ku fekeraa wuxuu qabaa in qabiilkiisu uu yahay dhaladka iyo xulka bani’aadamka oo idil, doqonka ay haybta wadaagaanna wuxuu u arkaa in uu dadka kale oo dhan ka fiican yahay, noloshana ka istaahilo. Tusaale ahaan, caqliga qabiilku xatooyo u ma yaqaan haddii cid ka baxsan qabiilka -oo dhalasho iyo isbahaysi midna aan la wadaagin- lagu duulo oo hantidooda mood iyo noolba xoog looga qaado.
Aqoonyahannada qaarkoodna waxay isku mataleen qabiilka iyo ururrada shaqaalaha. Ururrada shaqaaluhu waxay ka shaqeeyaan danta xubnaha ururkooda ka tirsan, qabiilkuna waxa uu daneeya danta qabiilka oo keliya (Faahfaahinta qodobkaan ka eeg buugta uu ka midka yahay ‘Ethnicity and Nationalism’ ee uu qoray Thomas Hylland Eriksen).
Soomaalidu culumo iyo caamaba waxay si xun u fasiraan aayadda quraanka ah ee tiraahda: “Dadow waxaan idinka abuurnay lab iyo dheddig, waxaanna idinka dhignay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan /يا أيها الناس إنا خلقناكم من ذكر وأنثى وجعلناكم شعوبا وقبائل لتعارفوا”.
Ilaahay qabiilooyin buu idinka dhigay macnaheedu ma aha weligiin qabiillo ahaada. Aayaddu waxay ka warramaysaa xaalad ay ku sugnaayeen dadkii qarnigii toddobaad ee miilaadiga jasiiradda carabta ku dhaqnaa. Nebi Muxamed dadkii uu la noolaa buu af ay fahmayaan kula hadlay. Haddii nebigu uu oran lahaa: Qabiilku waa xun yahay ee dowladnimo ku beddesha. Dadku nebiga waxay weydiin lahaayeen: Horta dowladi maxay tahay? Halkaana waxaa ka dhalan lahaa in halkii nebigu uu ummadda ka hagi lahaa ay iyagu shaqo-guri (=homework) isaga u diraan, qorshihii uu watayna ay ka dhabqiyaan. Nebigu haddii uu qarnigaan noolaan lahaa, waxay u badnaan lahayd in uusan adeegsadeen erayga qabiillo, oo uu ku beddelan lahaa erayga dowlad ama mid kale oo u dhigma.
Wadaadkii reer Tuunis ee Daahir al-Xaddaad (1899-1935), dadka reer Tuunis iyo guud ahaan Muslimiinta wuxuu kula taliyey in ay kala gartaan wixii islaamku u yimid iyo wixii uu dartiis u yimid (=ما أتى به الإسلام، وما جاء من أجله الإسلام). Nebigu wuxuu u yimid ummad dhaqammo iyo xeerar leh, isaguna wuxuu ula yimid farriin uu doonayey in uu iyaga gaarsiiyo. Farriinta nebigu doonayey in uu dadka gaarsiiyaa waxay ahayd caqiidada towxiidka, adkaynta akhlaaqda wanaagsan, iyo in dadku helaan caddaalad iyo sinnaan. Laakiin docda kale, ummadda nebigu u yimid waxay lahayd xeerar, caadooyin iyo dhaqammo. Nebiguna dhaqamadaas iyo xeerarkaas bulshada qaar sidoodii buu u daayey, qaarna waxbuu ka beddelay, qaar kale oo aan badnaynna wuu baabi’iyey.
Tusaale ahaan, nebigu wuxuu ka soo dhex baxay bulsho carbeed oo qaab qabiilooyin ah u dhisan, oo ku faanta abtirsiga iyo ilaalinta nasabka, danaha beeshana gole wadatashi lagu go’aamiyo (=الشوري). Waxay ahaayeen qabiilooyin dhaqashada xoolaha -siiba geela- jecel, isla markaana beeraha iyo qodaalka dhulka liida. Waxay ahaayeen beelo dagaallama, isna addoonsada. Waxay ahaayeen dad ku nool dhul qarfe ah oo noloshiisu adagtahay, ilaha dhaqaalahana dhaca iyo boobku ay kow ka ahaayeen. Arrimahaasina waxay keeneen in labka laga sarraysiiya dheddiga iyo in raggu ay dumar badan guursadaan. Waxay ahaayeen dad rumaysan sixir, il, jin, cirfiid iyo uuman kale.
Dhaqammadaan iyo kuwo kale oo badan waa wax islaamku uu carabta ugu yimid, wax badanna kama uu beddelin. Qaarka uu isku dayey in uu wax ka beddelana waxaad mooddaa in uusan si qumman ugu guulaysan. Bilmatal, islaamku muslimiinta carbeed wuxuu ka reebay qabyaaladda iyo abtirsi isugu faanka, laakiin taa kuma uu guulaysan, oo tan iyo maanta abtirsiga iyo dhalasho isugu faanku carabta waa ku xoog badan yahay. Waxaana xusid mudan in qabyaaladda Carabtu ay ka xun yahay tan Soomaalida. Maxaa yeelay, caadi ahaan qabiilooyinka Carabtu wax dhalasho ah ma wadaagaan, oo badiba beel kastaa iskeed bay u taagan tahay. Carabtu af iyo dhaqan bay wadaagtaa, balse dhalasho la sheego ma ay wadaagto. Carabta inta barashada afka Carab ku noqotay baa ka badan inta isirka iyo dhalashada Carab ku ah.
Nin Sacuudi ah baa mar wuxuu igu yiri: Qoyska boqortooyada ee reer al-Sacuud waan maagnaa, waxaanna ku eedaynaa in ay dabadhilif u yihiin Maraykanka, dowladaha reer Galbeedka iyo Israa’iil, ayna u daran yihiin Carabta iyo Muslimiinta. Hayeeshee, sida dhabta ah dalkaan aad hadda u jeeddo ee Sacuudigu qoyskaas la’aantiis maalin qura ma uu jirayo. Qabiilooyinka Sacuudiga waxa keliya ee isku hayaa waa xukunka qoyskaan reer Boqor, oo kula dhaqma ‘siyaasadda karootada iyo usha /carrot and stick policy.’
Sacuudiga iyo dowladaha kale ee Gacanka Carabtu waa dowlado kiro ku nool ah (=Rentier States /دول ريعية), kheyraadka dalalkooda oo batroolku kow ka yahay bay shirkado iyo dowlado shisheeye ka kireeyaan, lacagta ay kiro ahaanta u qaataanna inta xubnaha qoyska reer boqor ay ku baashaalaan mooyee inta kale waxay ku laaluushaan dadweynahooda. Laakiin laaluushka oo keliya iskuma halleeyaan ee waxay samaysteen awood ciidan iyo xabsiyo ay dadweynaha ku cabsi geliyaan. Marka Sacuudiga iyo dalalkaan kale ee Khaliijku waxay ku dhisan yihiin labadaas gacmood ee midi ay shacabka quudinayso, midda kalena ay karbaashayso. Haddii labadaas gacmood middood la waayana Sacuudigu si fudud buu ku dumayaa, haddii uu dumana way adkaanaysaa in dib dambe la isugu keeno.
Waxyaabaha anfariirka leh ee saxaafadda Sacuudigu ay sannad aan fogayn ka hadashay waxaa ka mid ah in barbaarta Sacuudigu ay bilaabeen in baabuurta xarragada ee ay wataan ay ku xardhaan sumaddii reerkoodu ay geela ku dhigan jireen. Sumadda hasha lagu dhigaa waxtar bay leedahay, laakiin sumadda gaariga lagu dhigaa maxay soo kordhinaysaa oo aan ka ahayn xumaan iyo kalaqoqob bulsho?! Muwaadiniinta dowladda leh sumadda geela booskeeda waxaa ugu jira midabka iyo muuqaalka calanka iyo heesta qaranka.
Guud ahaan, in bulshadu qabaa’il ahaato, in geela la jeclaado lo’da iyo beerahana la necbaado, in afar xaas la guursado, in addoonsiga la oggolaado, in sixirka iyo jinka uuman laga baqo laga dhigo, iyo ummuuro kale oo faro badni ma aha wax diinta islaamku ay la timid ee waa wixii ay Carabta ugu timid oo looga hadlay qaab aan wax badan kaga duwanayn wixii caqliga carabtu uu oggolaa. Tusaale ahaan, carabtu dumar badan bay guursan jireen, nebiguna dumarkii badnaa afar buu ku soo koobay. Carabtu addoonsi bay yaqaanneen, nebiguna wuxuu u sheegay in ay addoonta dhaqaalaystaan. Waxyaabaha dhaqamada iyo xeerarka la xiriira ee diintu ay ka hadashayna noocaas bay u badan yihiin, oo caadi ahaan nebigu kama uu hadli jirin wax ka baxsan deegaankiisa iyo sebenkiisa, marka laga reebo ummuuraha khuseeya caqiidada iyo cibaadaadka diiniga ah oo aalaaba isaga looga danbeeyey.
Islaamku wuxuu isku dayey in qiyamkii qabiilka ku dhisnaa ee Carabta uu ku beddelo qiyam ku salaysan xaq, caddaalad iyo sinnaan, balse si fiican uguma uu guulaysan. Sida dhigaallada siirada iyo taariikhda lagu xusay, isla saacaddii nebigu uu geeriyooday, isaga oo aan weli la aasin, baa saxaabadii nebigu qaab qabiil waxay isugu qabsadeen madaxnimada Muslimiinta, iyaga oo u qaybsamay Ansaar iyo Muhaajiriin. Qabyaaladdaasina waxay si buuxda u xoogaysatay wixii ka danbeeyey markii Cismaan bin Cafaan khaliifka loo doortay, ee ay dhacday waxa taariikhda islaamka loo yaqaan ‘Fidnadii weynayd /الفتنة الكبرى’.
Waxaana la wariyaa in Abuu Sufyaan uu Cismaan bin Cafaan ku yiri markii la doortay: khilaafadu “waxay ku soo gaartay Teym iyo Cadi kaddib -(labada beelood ee Abuu Bakar iyo Cumar bin Khaddaab ay ka kala dhasheen), ee reer Bani Ummaya tiirar uga dhig. Arrinkaani waa boqortooyo, anigu ma garanayo janno iyo naari waxa ay yihiin/قد صارت إليك بعد تيم وعدي، فأجعل أوتادها بنى أمية، فإنما هو الملك، وما أدري ما جنة ولا نار .”
Taha Xuseen )1889-1973) oo lagu naynaaso ‘ugaaska suugaanta carbeed /عميد الأدب العربي’, buuggiisa ‘Fidnadii Weynayd’, wuxuu ku dooday in qabiilka Qureeshtu uusan ahayn qabiil awood badan oo dagaallama, laakiin waxay ahaayeen ganacsato dhulal badan maray, ummado kala geddisanna la dhaqmay. Sidaana khibrad iyo waayo-aragnimo ballaaran ku kasbaday. Khibraddaasna waxay ka dhaxleen damac, dhagar, dulqaad, wax isdabamarin iyo diinta oo laga dhigto aalad lagu danaysto.
Qureeshtu Islaamka ka hor sanamyadii kacbada yiil iyo munaasabadihii diiniga ahaa ee la xiriiray waxay u arki jireen fursado ganacsi oo hanti laga sameeyo. Markii islaamku yimidna badankoodu qanaaco kuma ay qaadan, balse waxay ka dhigteen xeelad ay ku maamuli karaan dadyowga kale, fursado dhaqaalena ay ku abuuri karaan. Cumar bin Khaddaab oo reer tolkiis aqoon durugsan u lahaana kuma uu kadsoomin diinta islaamka ee ay sheegteen in ay qaateen iyo hoggaansanka ay u muujiyeen, balse “wuxuu doorbiday in uu si buuxda taxadar uga qaato siyaasadaheeda, uma uu dabcin, umana uu turin, umana uu fasaxin damaceeda daran, iyo hankeeda fog, iyo kalsoonida ay nafteeda ku qabtay, iyo yasiddii ay dadka kale u gaysan jirtey /من أجل هذا آثر الاحتياط كل الاحتياط في سياستها، فلم يلن لها ولم يرفق بها، ولم يخل بينها وبين طمعها الشديد، وهمها البعيد واعتدادها بنفسها، وازدرائها لغيرها من الناس”.
Run ahaantiina, waxaa jira aqoonyahanno ku dooday in akhlaaqda iyo qiyamka bulshooyinka carabta ee Islaamka kaddib aysan wax la sheego kaga duwanayn akhlaaqdii iyo qiyamkii Carabtii Islaamka ka horreeyey. Khaliifkii Cumar bin Khaddaabna waxaa laga wariyaa in uu yiri: “Carabtu waa maaddada Islaamka /العرب مادة الإسلام”, oraahdaas oo lagu macneeyo in Carabtu ay ahaayeen meesha Islaamku uu ka helay awoodda ciidan ee uu isku fidiyey iyo in islaamku uu qaar badan oo ka mid ah xeerarkiisa iyo dhaqamadiisa oo isugu jira cibaado, bulsho, dhaqaale iyo siyaasad uu ka dhaxlay carabtii islaamka ka horreeyey.
Waxaana lagu dooday in qofka doonaya in uu Islaamka fahmo, marka hore looga baahan yahay in uu fahmo dhaqanka Carabta ee qabiilka iyo teendhadu ay asalka u yihiin.
Soomaalidu nidaamka dowladnimada gumeysigii reer Yurub bay ka dhaxleen. Xorriyaddii iyo israacii kaddibna muddo gaaban gudaheed baa qabyaaladdii aqoonta fiican loo lahaa waxaa lagu maamulay dowladnimadii aan aqoonta loo lahayn. Reer walba oo itaal is bidayna wuxuu ku tashaday in qarannimada qaalinta geela ah lagu metalay uu isagu maalo, haddii kalena uu candhada gooyo. Caqliga lagu shaqeeyaana wuxuu noqday ‘Cadyahow ama ku cunay ama ku ciideeyey.’
Dowladnimadu Soomaalida badankeeda uma lahayn -welina uma laha- micne aan ka ahayn in ay tahay meel laga tacbado maal, mansab iyo magac. Dowladdu ma aha hey’ado ummad loogu adeego, ee waa wax lagu adeegto. Xoolaha dowladda laga xado, musuqmaasuqa, iyo qaraabokiilku ma aha waxa loo arko khayaano laga xishoodo, balse waa ragannimo lagu faano. Maxaa yeelay, caqliga qabiilku dhaca iyo boobka hantida dadka beeshaada ka baxsan ceeb uma yaqaan, ee wuxuu u arkaa ragannimo qaddarin mudan.
Qabiilku wax wada yeelasho ma yaqaan, cid kalena wax wanaagsan uma uu quuro. Gabyaa carbeed oo caqligaas qabiilka ku gabyeyna waa kii lahaa: “Markaan biyaha u aroorno maaxda saafida ah baan cabnaa, kuwa kalena dhooqo iyo dhoobo /ونشرب إن وردنا الماء صفوا ويشرب غيرنا كدرا وطينا”. Caqliga badawiga ah ee qabiilka ku dhisani wuxuu ku faanaa deeqsinnimo iyo marti soor, laakiin kama xishoodo dhaca iyo boobka.
Ruuxa xil dowladeed loo magacaabo, oo xatooyada xoolaha qaranka iyo qaraabokiilka ka dhawrsada, waxaa lagu sifeeyaa in uu yahay wax-matare haddii gacanta afka loo geliyo aan qaniini karin. Soomaaliyana sannado aad u kooban marka laga reebo ma ay arag dowlad iyo muwaadiniin, laakiin waxaa ka jirey, welina ka jira annaga iyo iyaga -annaga dhaladka ah ee leh sifooyinka wanaagsan ee xaqa u leh in aan maalno maandeeq iyo inta kale ee cadowga ah ee hasha nagu haysta. Qaranku wuxuu ahaa sida qaalmo geel oo la kala qaadayo.
Soomaaliya qaranka looma arko hey’ado danaha ummadda u taagan oo ka shaqeeya nabadda, caddaaladda, adeegyo bulsho, shaqo abuur, iqk. Muwaadiniinta xafiisyada dowladda adeegyada u doonta, adeeg ma loo qabtaa? Xuquuqdooda ma helaan? Karaamadooda ma la ilaaliyaa mise waxaa loola dhaqmaa sidii in ay yihiin dulin duullaan ah oo mudan in la iska horeeyo?
Run ahaantii, muwaadiniinta adeegyada u doonta xafiisyada dowladda si joogto ah waxaa loo dareensiiyaa in ay yihiin masaakiin soo tuugsi tagay, oo dawarsi looga maaro waayey lagu qoonsaday.
Samaysanka dowladdu ma tirtiro qabiilka, laakiin si qabiilka looga gudbo waxaa lamahuraan ah in marka hore la helo adeeg dowladeed oo looga maarmi karo ku tiirsanaanta caymiska qabiilka. Kolka dadku ay helaan dowlad ay isku hallayn karaan in ay dammaanad qaadayso ammaankooda iyo baahiyahood kaleba ayay bilaabayaan in si tartiib tartiib ah ay uga xoroobaan qabiilka.
Docda kale, waxaa la sheegaa in diinta iyo waxbarashadu ay qabyaaladda tirtiri karaan. Waana dhab in diinta iyo tacliintu ay ka qaybqaadan karaan hoos u dhaca ku tiirsanaanta qabiilka iyo qabyaaladda, laakiin keligood waxba soo kordhin maayaan, haddaan marka hore la helin nidaam dowladeed oo dadku ay isku hubaan in ay ka helayaan nabad iyo nolol wanaagsan oo u qalanta in bani’aadam uu ku noolaado, meel hoo u baahanna hadal wax kama taro. Diinta iyo akhlaaqda sare sharka ma joojiyaan, Eebbana nidaamka dowladnimada wuxuu ku joojiyaa wax uusan quraanka ku joojin (=إن الله يزع بالسلطان ما لا يزع بالقرآن).
Isku soo wada duuboo, ummad kasta oo qaab qabiil u dhisan, dowladnimadeedu cago qumman kuma taagna, oo mar walba waxay halis ugu jirtaa in ay dunto. Waayo qabiilku had iyo goor waxa uu xanbaarsan yahay fayras sun ku ah dowladnimada iyo wadajirka ummadda. Dowladnimadu waxay ku dhisantaa wax wada yeelasho, halka qabiilku uu ku dhisan yahay wax kala boob.
Ummadyahay Qabiilkiyo
Qaranimadu waa laba
aan is qaadi karinoo
waligood is qabanayn!