Skip to main content

Thursday 21 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Aragti

Dalalka Afrika ee Saxaraha ka Hooseeyaa Qarka ma u Saaranyihiin Kacdoon?

22 September, 2024
Image
Kenya
Sawirka: SIMON MAINA/AFP via Getty Images
Share

Madaxweynaha dalka Kiiniya, Wilyam Ruuto, oo doorashadii madaxweynanimo ee ogos 2022 ku guulaystay, ayaa ballanqaaday in uu boqolka maalmood ee u horreeyaba hoos u dhigi doono maciishadda qaaliyawday. Nasiibdarro waa uu ku guuldarraystay in uu maareeyo xaaladda dhaqaale ee sii adkaanaysay ee dalka Kiiniya, guuldarradaasina waxa ay sababtay mawjado deggenaan la’aan oo saamayn ku yeelatay dalka. 

18-kii June, kumanaan Kiiniyaan ah ayaa waddooyinka isugu soo baxay, iyaga oo ka dibadbaxaya sharci cusub oo cashuurta ah, oo la isku maandhaafay, sababayayna kor-u-kaca qiimaha alaabada lagu kala iibsado. In kasta oo Ruuto isku dayay in uu si degdeg ah uga falceliyo, isbeddelo aan sii buurnayna sameeyey, haddana dibadbaxayaashu waa ay diideen in ay ka tanaasulaan ujeeddada dibadbaxooda. Maalin walba, dadku waa ay sii badanayeen, ilaa baarlamaanka la hareereeyey. Booliska oo isku dayay in ay dibadbaxayaasha awood ku kala eryaan ayaa sababtay dhimashada dad badan, iyo dhawaca tiro aad uga sii badan.

Ugu dambayn, 26-kii Juun, Ruuto waa uu is dhiibay, isbeddelna waa uu ballanqaaday. “Waxa aan ballanqaadayaa in aanan saxeexin sharcigaas cashuurta ee cusub, waana la laali doonaa. Dadku waa ay hadleen oo waa ay muujiyeen diidmadooda” ayaa uu Ruuto ka jeediyey telefeeshanka. In kasta oo sharcigii cusbaa la laalay, haddana tallaabadaasi kuma filnaan dejinta cadhada dadweynaha. Tallaabada ugu dambaysa ee uu Ruuto qaadi karo, si uu dibadbaxa u joojiyo waxa ay noqotay in July 11-keedii uu kala diro xubnihiisii wasiirrada. Waxa uu ballanqaaday in uu soo dhiso xukuumad ka ballaadhan tii hore oo ay dadku iska dhex arkaan. Beddelitaankii xubnaha wasiirradu (in kasta oo qaar ka mid ah xubnihii hore uun la soo celiyey, laguna daray xubno laga soo magacaabay dhinaca mucaaridka), waxba kama tarin dibadbixii Kiiniya ka socday. Weli dadku waddooyinka ayaa ay tubanyihiin, waxaanay codsanayaan in Ruuto si degdeg ah isu casilo. Dibadbaxa weli sii socdaa waxa uu muujinayay in aanay dadku guryaha ku laabanayn ilaa ay hubsadaan doorasho xilligeeda laga soo horumariyey. 

Dibadbaxa weli Kiiniya ka socda, iyada oo meesha laga saaray sharcigii cashuurta ee markii hore toosiyey, waxa ay caddaysay in dibadbaxu ka qotodheeryahay cadho ka kacday hal wax iyo gadood ku kooban sharciga cashuurta. Sharciga cashuurtu waxa uu ahaa uun dhufayskii u dambeeyey ee dawladda loogu dulqaadan lahaa, ugu dambayna dadka kiciyey. Dadku marka hore ayaa ay la daalaadhacayeen musuqmaasuq baahsan, fashilka maamul-wanaagga, kaalmo la’aan dhaqan-dhaqaale iyo u sinnaan la’aanta fursadaha. Dadka waxa dhib ku ahaa wax ay dhuunta mariyaan, waxaanay la dhib mudanayeen saboolnimo iyo sinnaan la’aan. Waxa ay codsanayaan isbeddel nidaamka oo dhan ah. 

Xaaladda ka taagan Kiiniya waxa ay isoo xasuusisay maalmihii u horreeyey kacdoonkii Tuuniisiya. December 2010-kii, wiil dhallinyaro ah oo reer Tuuniisiya ah, khudaartana ku iibiya gaadhi-gacan, ayaa dab is qabadsiiyey ka dib markii uu xammili waayay xadgudubka booliska. Maalmo ka dib ayaa uu dhintay, balse, inta aanu dhimanba dadweynihii kale ayaa kacay oo dibadbax bilaabay. Waxa ay ka muddaharaadeen maciishadda qaaliyawday iyo kelitalisnimada madaxweynihii Saynul Caabidiin binu Cali. Falcelinta wiilkaasi waa tii keentay in dadku jidadka isugu yimaaddaan ilaa ugu dambayn Binu Cali dalka ka cararay, lana sameeyey dawlad ku meelgaadh ah oo dimuqraadiyad dalka ku hagta. 

Codsigii dimuqraadiyadda iyo wanaajinta maamul-wanaagga ee ka bilaabmay Tuuniisiya waxa uu u gudbay dalalka kale ee Bariga Dhexe, gobolka oo dhanna waxa ka dhashay baraarugga kacdoonkii Gu’ga Carabta. Haddaba, wax ka badan 10 sanno ka dib, waxa aan filayaa in hadda, dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya wajahayaan kacdoon la mid ah kaas hore.

Hoggaan xumada ka jirta qaaradda, oo ay weheliso dhiirranaanta laga helo dibadbaxyada lagaga soo horjeedo xukuumadda Kiiniya, waxa ay keeni kartaa duufaan qaaradda oo dhan ku habsada, iyo dadka oo isu taaga isbeddel lagu sameeyo siyaasadda. Kacdoonka guulaystay ee Kiiniya waxa uu shidaalinayaa kacdoonka ka dhex guuxaya dadka waddamada jaarka ah. 

Laga soo bilaabo kowdii Ogos, kumanaan dadka reer Nayjeeriya ah ayaa dibadbaxayay, iyagoo hal-ku-dhiggoodu ahaa “Ha la soo gabagabeeyo maamul-xumada ka jirta Nayjeeriya”. Si la mid ah dibaxayaashii Kiiniya, waxa ay codsanayaan in la soo afjaro musuqa baahay, maamul xumada iyo kor-u-kaca maciishadda ee dad badan oo sabool ah sallaanka nolosha ka tuuraya. Xukuumadda madaxweyne Bola Tinubu billawgii waxa ay isku dayday in ay awood ku kala erido dadka muddaharaadaya, si la mid ah sidii uu sameeyey Ruto. Kooxda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa ciidamada Nayjeeriya ku eedeeyey in ay dileen ugu yaraan 13 qof oo muddaharaadayay, dad badanna dhaawaceen. Boqolaal dad ah ayaa la xidhay. Ciidamadu waa ay iska fogeeyeen eeddaas. 

Markay gacantii birta ahayd ee ciidamadu kala hortageen dadweynuhu shaqayn weyday, dibadbixiina joojin weyday, madaxweyne Tinubu waxa uu bilaabay in uu ku andacoodo in uu maqlayo codka shacabka iyo tabashadooda, diyaarna u yahay wadahadal. 

Sidii la filayay, soo jeedinta Tinubu ma qancin dibadbaxayaasha, mana dejin cadhadii dadka. Dadkii oo weli jidadka tuban, Tinubu na aanu hayn wax kale oo uu cadhada dadka ku dejiyo, waxa suuragal ah in dibadbaxa hal-ku-dhiggaas wataa ku guulaysto wixii 2020-kii ay ku guuldarraysteen dibadbaxayaashii hal-ku-dhiggoodu ahaa #EndSARS ee lagaga soo horjeeday gaboodfallada booliska. Hadda dadku waxa ay rabaan xukuumadda oo meesha ka baxda, gebi ahaanna beddesha nidaamka dawladnimo. 

Hoggaamiyayaasha kale ee dalalka Saxaraha ka hooseeya, ee dadkii soo doortay ka cabanayaan musumaasuq, sinnaan la’aan, saboolnimo iyo shaqo la’aan, aad baa ay ugu baraarugsanyihiin halista ka soo socota dibaxayaasha Kiiniya iyo in ay galaafan karto xukuumadahooda. 

Dalka Yugaandha, madaxweyne Yoweri Museveni waxa uu TV-ga ka jeediyey khudbad maalinkii madaxbannaanida dalka ee 21-kii July, waa maalmo kooban ka dib bilawgii dibaxyada Kiiniya. Khudbaddiisa waxa uu dibadbaxayaasha uga digay in aanay faraha dab la gelin, …

Markii dibadbaxayaashu aanay dheg jalaq u siin ee ay isku soo baxeen, July 23-keedii ciidamada Uganda waxa ay xidheen dhallinyaro badan oo si nabdoon uga muddaharaadayay musuqmaasuqa baahay iyo xadgudubka lagu hayo xuquuqda aadamaha. Dibadbaxayaashu waxa ay siteen boodhadh ay ku qoranyihiin: “Musuqmaasuqu waxa uu dhalayaa jiil kharriban” iyo “sidani waa sidii 1986” iyaga oo Museveni xasuusinaya sidii kelitaliyihii Idi Amin loo caydhiyey. 

Museveni ku dhowaad afartan sano oo uu meesha joogo, waxa uu ku tuntay xuquuqda dadka, waanu ka hortagay fal kasta oo la isku dayay in meesha looga saaro. Dibadbax dhiig leh oo ka dhashay xidhitaanka hoggaamiyaha mucaaridka Yugaandha ee Bobi Wine, November 2020-kii, waxa ku dhintay 50 qof. Dhallinyarada maanta dibadbaxaya waxa dhiirrigeliyey guusha dibadbaxayaasha Kiiniya. Iyaga oo og in ay cagajuglayn iyo ciqaaba la kulmayaan ayaa ay haddana waddooyinka usoo baxeen si ay isbeddel u keenaan. Markaas, haddii kacdoonka ka socda Kiiniya iyo Yugaandha ku guulaysto in uu xukuumadaha meesha ka saaro, ama ugu yaraan isbedello macno leh keenaan, waa hubaal in kacdoonku Yugaandha ka bilaabmayo. 

Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa ayaa sidoo kale u dhug leh kacdoonnada gobolka ka socda, kana feejigan in mawjaddaasi dalkiisa soo gaadho. 16-kii Juun, boolisku waxa ay xidheen hoggaamiyaha mucaaridka Jameson Timba iyo 78 qof oo kale oo mucaaridka ah, waxaana lagu eedeeyey in ay abaabul siyaasadeed oo ay ku tilmaameen sharcidarro. 

Toban maalmood ka dib, 26-kii June, Mnangagwa waxa uu ka digay in xukuumaddiisu aanay u dulqaadan doonin kicin iyo qalalaase, iyada oo caasimadda Harare isu diyaarinaysay martigelinta shirka 44aad ee Urur Goboleedka SADC oo dhacayay 17-ka August. Sida muuqata, Mnangagwa si dhab ah ayaa uu ugu baraarugsanyahay in kacdoon gobolka ka jiro. Waxa jira sababo macquul ah oo madaxweynaha Zimbabwe ka sababaya deggenaan la’aanta, waana kacdoonka ka socday Kiiniya. Mnangagwa oo ilaa 2018-kii joogay kursigu, kuma guulaysan in uu dalka dhabbada horumarka saaro, koboc dhaqaalena keeno. Intaas uu joogay waxa sii kordhayay uun heerka maciishadda, shaqo la’aanta xadhkaha goosatayna isma beddelin, dad badanina waxa ay ku jiraan saboolnimo daran. Si la mid ah Museveni, madaxweyne Mnangagwa wax aan cabudhin iyo awood ahayn uma adeegsado dadka ku dibadbaxa am aka soo horjeedsada. January 2019-kii, ciidamada Zimbabwe waxa ay dileen ugu yaraan siddeed qof oo qayb ka ahaa dibadbaxyo lagu diiddanaa kor u kac boqolkiiba 150 ah oo qiimaha shidaalka ku kordhay. Xaaladda sii xumaanaysa ee dhallinyarada Zimbabwe, kacdoonnada beryahan dambe ka taagan gobolka iyo saansaanta jirtaa waa mid keeni karta in dibadbax dhaco mustaqbalka dhow. 

Angola, Eswatini, Namibia, Mozambique iyo Koonfur Afrikaba waxa hore uga dhacay dibadbaxyo, waana dalal sida kuwa kale la daalaadhacaya musuqmaasuq, sinnaan la’aan iyo dhaqaale xumo. Tani waxa ay ka dhigantahay, in dalalkan laftooda kacdoon ka dhaco lagu codsanayo maamul-wanaag, sinnaan iyo dimuqraadiyad xooggan. Dibadbaxyada Kiiniya waxa ay dhiirrigeliyeen dhallinyarada gobolku in ay qaadaan tallaabo ay ku wanaajiyaan xaaladaha dhaqan-dhaqaale iyo isbeddel siyaasadeed. 

Dhallinyarada dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya waxa ragaadiyey musuqmaasuqa, horumar la’aanta iyo dawladaha gacanta kulul ee ay ku hoos noolyihiin, waana sababta ay jidadka isugu soo baxayaan si codkooda loo maqlo. Si la mid ah sidii awoowyaashood isugu daydeen kontanaadkii, iyagana hadda waxa shidaalinaya guusha qaar ka mid ahi gaadhaan. Dhallinyarada Afrika waxa ay ka gadoodeen musumaasuqa iyo sinnaan la’aanta, waxaanay codsanayaan isla xisaabtan iyo maamul wanaag. Waxa ay codsanayaan horumarinta xaaladaha xuquuqda aadame ee dalalkooda, waxa kale oo ay rabaan shaqooyin, guriyeyn iyo badqab maaliyadeed. 

Kol haddii kacdoon socdo, xaddiga cagajuglayn, cabudhin ama dagaal ee hoggaamiyayaashu sameeyaan marna dadka kacdoonka wada kama tanaasulinayo codsigooda iyo riyadooda. Kacdoonka ka bilaabmay dalalka Saxaraha ka hooseeyaa waxa uu marayaa heer aanu dib usoo laaban. Cabsigelin ama siyaasado wax laga beddelaa ma joojinayaan harraadka bulshadu u qabto isbeddel dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed oo degdeg ah. Kacdoon Afrikaan ayaa sheedda ka soo muuqda. 

 

waxaa laga soo turjumay halkan.