Skip to main content

Monday 7 October 2024

Aragti

Dhalmadiididdu Waa Xilkasnimo

24 September, 2024
Image
barxad
Barxadda ciyaarta ee dugsi carruureed oo madhan, Howard Schnapp/Newsday RM via Getty Images
Share

Maaddaama oo aysan inna ga qarsoonayn dhibaatooyinka ka dhasha dhalmada bilaa ujeeddada ah—ma aha arrin innaga kaafinaya habboonaan la’aanta dhalmada. Intaas arrinku waa uu ka weyn yahay, oo waa qadiyad ka soo horjeedda akhlaaqda dadnimada. 

Sannadkii 2006-dii, ayaa aan daabacay buug ciwaankiisu ahaa “HABBOONAYDAA IN AANAN JIREEN.” Buuggaas waxa aan ku doodayay in dhalashada iyo u soo ifbaxa jiraalku ka dhigan yahay dhibaato aan bardhammaad lahayn. Inta uu qofku jiro—si kasta uu u nool yahay iyo duruuf kasta oo uu ku sugan yahay—dhibaatadu ma baalmarayso oo ka badbaadimaayo. Ujeeddada buugguna waxa ay ahayd waxa ay maanta u gu yeedhaan: “Aaragtida dhalmadiidka/Antinatalism.”

Akhristayaashii buuggaas daalacday qudhoodu waxa ay i la soo wadaageen falcelintooda iyo sidii ay u arkayeen fiirada uu buuggu ka doodayo iyo waxa uu ku talinayo. Dabcan, waa ay jireen farriimo ay akhristayaashu cadhahadlayeen oo i gu canaananayeen. Sida oo kalena, waxaa jiray farriimo ka soo maaxday maskax furan iyo garaad indheergaradnimo, oo dhugasho qoddadheer ku akhriyay buugga. Farrimahaas ta u gu xulan, ee i taabatay waxa ay ahayd farriin odhanaysay:

“La ga soo bilaabo barbaarnimadaydii illaa hadda, waxa aan si maalinle ah u la kulmayay takoor iyo liidis ka dhan ah bulshada aan la nool ahay. Waxa aan gaadhay heer aan joojiyay gebi ahaanba hayaankaygii waxbarasho. Sababtuna, waa nasiibxumadayda, oo waxaa aan la dhashay iin muuqaalduleed. Sidaas daraaddeedna, waxa aan ku xukuma nahay liidid iyo takoor, maaddaama oo aan foolxum ahay. Keliya falkaas ma falaan dadka i gu xeeran ee aannu macaariifta nahay, xataa kuwa aannaan is aqoon waa la mid. Waxa ay i gu sheegeen in aan ahay noolihii u gu fooshaxumaa ee ay abid la kulmeen. Runtii, waa xaalad ay aad u adag tahay in la la qabsado.

Kolkii aan gashaanti siddeed iyo toban jirsatay noqdayna, arrinkaygu waxa uu ku biyashubtay in aan la tacaalo xanuun dhif ah oo i ga haleelay wadnaha. Hadda oo aan dhawr iyo labaatan jir ahayna, waxa aan la daalaadhacayaa gaabis wadneed oo aad u daran iyo garaaca wadnaha oo aan nidaamsanayn. Geeri ayaa ilbidhiqsi kasta ii hanjabaysa. Mararka qaar aniga oo ka fikiraya goorta aannu geerida is arkayno—in kasta oo war is ku kaaya seegganayn—ayaa uu wadnahaygu is ka joogsadaa. Iminka si maalinle ah waxa aan la nool ahay baqdin aan ka qabo geerida iyo silica ay i marsiin doonto. Kolley ma foga ammintaasi. Magan aan tebo iyo sabab aan is idhaahdo waa ay kaa horjoogsan, ma haysto. Nolosha waa aan ku cadaabmutay, oo ma garanayo sabab kale oo aan u sii noolaado. 

Se arrinka danbigiisu maragmadoonta yahay waa iskuraacista in qof la keeno jiraalkan. Hadalna ka ma taagna in falkaas dhalmada, uu yahay gabboodfal dadnimada iyo akhlaaqda la ga galayo.

Haddii aysan jiri lahayn doonista anaanimada ah ee waalidkay, maanta sidan u ma silceen, geerina ii ma hanjabteen. Waxaa macquul ahaan lahayd jiraal la’aantaydu in ay sidan ii dhaami lahayd.”

Waxaa muhiim ah in uu qofku dhawr xagal uu wax ka eego inta uusan mucaaridin dhalmada. In aad dareen wax ku goyso—sida in aad caloolxumo aad ka qaadday gabadha innoo warrantay, waxa ay doodda ka fogaynaysaa maangalnimada. Waana wax dood dhalinaya, sida in ay kuwo ku doodaan in xaaladda gabadhu ay tahay mid gaar ah, oo aan ahayn mid si guud saamayn u gu leh dadka. Taasina waxa ay ka dhigaysaa doodda mid aan maangal ahayn, oo aan shidaalinayn aragtida ‘dhalmadiidka.’ Sidaas oo ay tahayna, silica uu qof kastaa ku xukuman yahay inta uu nool yahay, waa mid shaacsan. Sida oo kalena,‘dhalmadiididdu’ waa aragti, oo u gu yaraan keensanaynsa, in si dhab ah loo gu fiirsado.

Aragtidu, ma aha mid cusub. Masraxiyaddii Sofokliis ee “Odiibiyos waxa uu ku sugan yahay Kolonos” waxaa ku jirtay odhaah ahayd: “Dhalmadiididdu, waa go’aan wax kasta ka wanaagsan.” Aragti taas la mid ahna waxaa la gu sheegay Baybalkii hore.  Hinduuska iyo Boodhiisamka qudhoodu, aragti tabban ayaa ay ka haystaan jiraalka—in kasta oo aysan aad u gu talaxtegin ilaa heer ay mucaaradaan. Mufakiriin badani arrinkaas waa ay ku baraarugsanaayeen, illaa heer ay ka ba horyimaaddaan caadada ah taranka insaanka iyo caadiyaynta dhalmada. Sida la wada garan karona: mufakiirn waaweyn ayaa ku caanbaxay dhaliilidda dhalmada, sida Shawbinhaawar, Biitar Fiisiil Saabfi iyo Imiil Siyuuraan. 

Fiiradaas ka soo horjeedda dhalmada, inta qabtaa ee taageersan waa farakutiris. Sababtuna waa maaddaama oo taranku la xidhiidho sabab baayooloji oo qoddadheer. Sidaas oo ay tahayna, waxaa jira goddaloollo uu rabitaankaas dhalmadu lee yahay. Sidaas daraaddeedna, waxaa la gudboon dadka garaadka leh in ay ka digtoonaadaan is ka dhalistaas, oo ay ka fiirsadaan. Sida oo kalena aysan ka soo qaadin aragtidaas dhalmadiidka wax baas oo qummanida ka fog. Sidaas ma aha aragtidu iyo sida loo dhigo toonna. Dabcan, waa ay jiraan dhaleeceen la gu sumcaddilayo aragtida dhalmadiidka, iyada oo loo muujinayo wax la rabo in qasab la isugu faralyeelo. Sidaasina  waa khatar. Se waxaa jira xaalado ay tahay in la is la qaato aragtidaas. 

Haddii aannu u fasirno si qumman, aragtidu ka ma soo horjeeddo dhalmada. Se aragtida liddiga ku ah dhalma-ka-fiirsiga, ayaa ah ta khatarta gelinaysa dadka. Haddii aannu dhuganno nasiibxumida jiraalka ku habsatay—oo ka dhalatay uun is ka dhalka iyo ka fiirisila’aanta ruuxa is ka dhalanaya—waxaa wanaagsan in aannu xaqiiqada qadhaadh abbaarno. Xataa haddii noloshu tahay malab aan la ga go’ayn, u soo banbaxa jiraalka ayaa caddayn innoo gu filan in dhalmadu tahay fal khaldan. Noloshu, waa ay ka adag tahay oo ka xun tahay sida aad u malaynayso. Waxaa jira sababo ku gu kallifaya in aad sii noolaato, nolosha oo asalkaba ku diiddan. Runtii, dadku waxa ay nool yihiin oo ay u halgamayaan, nolol aan istaahilin bilow. Goor la basbeelay uun, ayaa aannu ku baraarugnaa in noloshuba tahay ku noolaanshaha jaxiima. 

Is la dadkaas ayaa gadooda kolka la sheego in noloshu aysan u qalmin in la noolaado. Sidee kale, ayaa aan kuu gu sheegaa in noloshaadu nololba ahayn? Ma noloshaada ah nolol aannaan maqal oo aannaan dhaayaha saarin? Haddii aan si kale u dhaho, haddii noloshaadu ay ka wacan tahay sida aannu u wada jeedno, maxaa aad u khaldan tahay oo aannu kuu burinaynaa? Sidee ayaa ay innoo ga qarsoonaan kartaa jaad-nololeedkaas wanaagsan ee aad ku naalloonayso ee aad u gadoodayso?

Waa dhif iyo naadir in aad aragto qof diiqadaysan, oo u janjeedha in uu isqudhbixiyo, oo noloshan u gadoodaya.  Sida oo kale, inta badan dadka togganaandhaadka ah ama dhanka wanaagsan wax ka eega, waxa ay wada aamminsan yihiin in qiimaynta qofeed ay khaldanaan karto. Haddaba, haddii ay sidaas tahay, oo ay suuragal tahay in sheegsheegga nolosha xumaanteeda la gu talaxtagay, waxaa suuragal ah iyana in nolosha samaanteeda la ga badbadiyay. Jiritaan la’aanta qaayasoor la gu ka la miisaamayo wanaagga iyo sharka ay ka koobnaan karto nolosha qofku, waxa ay ku kalliftaa qofka in uu u janjeedho dhanka togganaanta. Haddii  la ga badbadiyo togganaanta wax, waxaa cad in ay jirto qaayasoor la’aan dhab ah. Sida oo kale, caddaymaha cilmiyeed ee ku aaddan qaayasoorka, waxa ay tilmaamayaan: kol kasta oo si weyn loo gu janjeedho togganaanta, waa kol kasta oo la qaldan yahay. Waana qalad shaacsan, oo aan meel iyo si toonna aan gaar u ahayn.

Mar kasta dhismaha waxaa ka fudud duminta. Kolka si gorfaysan arrin loo ga fikiro, waxaa muuqanaya in rabitaanno badani aysan suuragal ahayn. Waxaana muuqata jiritaanla’aanta qaayasoorka u dhaxeeya waxa wanaagsan iyo waxa silloon. Sababta oo ah is ku ma dhigmaan fal ka u gu xun iyo fal ka u gu wanaagsan. Haddii aad ka shakisan tahay arrinkaas isu weyddii—si dhab ah—adigu, ma yeeli lahayd in aad marto ciqaab ta u xun, adiga oo abaalmarin u helaya laba daqiiqo oo nefis iyo raaxo ah?

Cawaaqibka ka dhasha waayaha adag ma aha wax si fudud u tirmi kara sida waxyaalaha toggan ee wanaagsan. Si aad u fahanto ujeedkayga, waxa aad isbarbardhigtaa sida waxyaabaha wanaagsan aanu raadkoodu u raagin sida galmada, oo ay u tahay wax muddo kooban la macaansado, ka dib tirma. Iyo sida uu xanuunku raadkiisu u sii jiro, oo aanu si dhayal ah iyo ammin gaaban toonna aan loo waayin. Waxaa jira xanuunno uu qofku mudddooyin la noolaado sida; dhabarxanuunka iyo xanuunnada laalaabatooyinka haleela. Se ma jiro wax wanaagsan oo macaansi leh oo muddo qaata si uu u tirmo.

In aad raalli ku ahaato sida aad tahay, waa wax la fahmi karo. Haddii aadan raalli ku ahaynna, sida oo kale, waa wax la garan karo. Se isbarbardhiggaasi ma aha mid la ga soo dhambalan karo in jiritaanku yahay dhammays ka nasahan xume oo dhan.

Nabarku waxa uu jidhka u gu fidaa si degdeg ah. Se muddo ayaa uu qaataa bogsigiisu. Hal ilbidhiqsi gudihii ayaa la ga yaabaa in ay mar ku gu wada dhacaan hoobiye iyo danab. Haddii aadan dhiman, waqti iyo si silic ah, ayaa aad u bogadhayan. Waxbarashadu bardhammaad ma leh, oo inta aad jirto wax uun ayaa aad baran. Se in aad xasuusta weydo, waxaa kaa xiga hal ilbidhiqsi oo belaayo ku hesho. Halkaas waxaa ka cad, in dumintu ka fududdahay dhisidda.

Kol kasta, rabitaannada aannu macaansanno waa lidkeenna iyo jabkeenna. Sidaas oo ay tahayna, weligaa baahi ka kori meysid. Xataa haddii aad iimaan isu yeesho, oo aad is ku qanciso in intaadaasi ku gu filan tahay, is hayntaasi ma dheera oo berri wax baa aad muhanaysaa. Baahidaas xakamayn kari meysid inta aad wax cunayso kol walba oo aad gaajooto. Gaajaduna, waa seeska u gu hooseeya ee kuu nugleynaya in aad ka daba oroddo awdista isha baahiyahaaga.

Haddii aan si kale u dhaho, noloshu, waa hayaan aan soo idlaanayn. Waxaana inna gu qasab ah in aannu ka feejignaano waxyaabaha hakinaya hayaankeenna sida; xanuunka, harraadka, gaajada iyo rejadhigga. Sababta oo ah, in wax inna hakiyaa uu inna haleelo aad ayaa ay u fududdahay. Kolka noloshu tahay sida dabiiciga ee ay tahay, kolka la barbardhigo nolosha dhammayska ah ee aannu sawiranno, noloshaas dabiiciga ah aad ayaa ay u ga liidataa tan aannu maleawaalannay. Tusaale ahaan, indheergaradnimada iyo aqoontu waa laba waaxood oo nolosha muhiim u ah. Keenna u gu indheergaradsan, waxa uu si wanaagsan u fahansan yahay waxa xaqiiqada ah, halka anna ga booskaas uu innoo gu jiro maleawaal si kasta u ga soo horjeeda dhabta. Sidaas daraaddeed, mar labaad, waa arrin inna tusaya nolosheennu in aysan qaayo lahayn. 

Haddii gabowga caafimaadqabka la gu gaadho yahay arrin wanaagsan, taasina waxa ay inna tusaysaa in maleawaalkeennu yahay mid khaldan, oo noloshu qaayo lahayn dhammaysna ahayn. In aad noolaato sagaashan sanno, waxba ka ma duwana adiga oo noolaaday kummanaan sanno. Waxba is ma beddelayaan, macnena ma soo kordhayo. Haddana, mar kale, waxa aannu haysannaa caddayn kale oo inna tusaysa in noloshu aysan qaayo lahayn.

Se togganaandhaadayaashu, iyaga oo ay kalsooni indhala ay miranayso tin illaa cidhib, ayaa ay la gola-imaanayaan fiirooyin lid ku ah xaqiiqada. Waxa ay ku doodayaan in nolosha xumaanteedu aanay sidaas u sii ridnayn oo aanay dhibaato u ahayn ee ay dhibaatadu—si uun—tahay dhabbo iyo wadiiqo la gu hanto wanaagga nolosha. Xanuun la’aan, la is ka ma dhawreen dhaawac. Macluul la’aan, la ma dooneen cunno. Hayaan la’aanna, meel la ma gaadheen. 

Sida aannu ujeedno, meelmarinta xumaha, same la gu ma keeno. Ma lagamamaarmaan baa in ay ubad la dhasho iino abuur, oo ay kummaan u le’daan macluul, kummanaan kalena ay bukaansocod iyo bukaanjiif u qaybsamaan? Haddii aannu macne raadinno, ma qasab baa in loo jabo oo loo kacaakufo? Ma qasab baa in aannu jar ka shalwanno, si aannu u dhadhansanno nolosha?

Haddii uu sidaas qabo qofku, oo belaayadu tahay dhabbada liibaanta, waxaa wanaagsan in uu fahmo: in caqabad la’aan la noolaan karo, sidanna la ga wanaagsanaan karo. Noloshu waa ay ka bilnaan lahayd sidan, haddii xume jirin. Inta sidan wax la moodayo, mar kale, xaqiiqado waa ka qadhaadhahay ismoodsiikeenna. 

Sida oo kale, togganaandhaadayaashu waxa ay i gu dhaleeceeyaan in nolosha aan  ku qaayasoorayo cabbiraad khaldan. Taasina maangal ma aha.  Wax maanka u dhaadhaca ayaa aysan ahaynba in qof waa dheer noolaa uu is ka soo jaro cabbir khaldan oo aan maangal ahayn oo uu nolosha ku qaayasooro. Cabbirkaas iyo fiiradaasina ay ku tahay lid waxa xaqiiqada ah iyo nolosha dhabta ah ee dadku nool yihiin.

Mushkiladdu wax kale ma aha, oo dadkaas waxaa is ka ga qaldan laba weyddiimood oo kale ah: “Dadku nolol illaa intee wanaagsan ayaa ay filan karaan?” iyo “Nolosha dadku illaa intee wanaagsanaan kartaa oo samaan kartaa?”

Waxaa maangal ah in aannu jawaab u helno weyddiinta koowaad. Se ta labaad sida ta hore u gu ma jawaabi karno, oo waxa aannu doonno is ka ma odhan karno. Sababta oo ah waxa ay ka kooban tahay iskudhafka qaayasoorrada dadka oo dhan. 

Tusaale: Da’da u gu macquulsan ee uu jiirku jiri karo waa hal sanno. Se haddii jiirku gaadho laba sanno iyo saddex waa ifafaallo wanaagsan—se waa marka aannu ku eegno xaaladda, fiirada jiirka ama sida jiirku wax u arki karo. Ka ma dhigna jiir kasta oo ku nool barriga, in sida jiirkan oo kale uu u bidqabo, oo jiirarka oo dhammi da’daas oo kale ay wada gaadhi karaan. Sababta oo ah jiirarku is ku xaalad ma aha, sida oo kalena noloshoodu ma wanaagsana sida dhabta ah. Kolka la barbardhigo nolosha jiirka tan dadka, jiirku aad ayaa uu u ga nolol liitaa nolosha dadka. 

La ga yaabee waxa aan soo idhi in aysan ku qancin. Hagaag. Aan ku su’aalo mid ee haddii aad awoodda lee dahay, ma imaan lahayd noloshan haddii aad og tahay sida ay tahay? Dabcan, adiga oo jawaabtaada ku dhisaya, waxa aannu hore u ga soo warranay iyo sida dhabta ah: in noloshu aysan qaayo lahayn. 

Jawaabta oo sidaas dhayda u ga cad, ayaa haddana muran la ga keenaa!

Weyddiinta kale, ee dulistaagga u baahan waa isweyddiinta ku saabsan in nolosha la sii wato oo ay istaahisho in la sii noolaado, iyo in kale. Dadka badankii waa is ku khilaafsan yahay ka jawaabista weyddiintaas, oo si ka duwan ayaa ay u dhigaan iyada oo aanay kas ka ahayn, taas oo ah sii wadashada nolosha. Se muranku ma aha bilaabista nolol. Waxa ayna is ka soo qaadan, sidii oo aysan dhalanba ama aysan jirin! Se ku fikirista in aadan jirin, ayaa ah caddayn ku filan in qofku xaqiiqsado in uu jiro. Waxaana fudud in qofkaasi is-ahaanshihiisa uu waayo, taas oo ka dhigan in aysan waxba la ahayn in uu isqudhgooyo. Sidaas daraaddeedna, ma aha wax la yaab iyo qayayaab dhaliya in la wanaajiyo sababta loo nool yahay iyo nolosha laftarkeedaba. 

In la dhaho waxaa wanaagsanaan lahayd in aannaan jirneenba—ka ma dhigna in ay ka macne tahay in ay wanaagsan tahay isqudhgoyntu. Se macnuhu iyo dulucdu waa jiritaan la’aanta wax kallifaya in jiraalka loo soo hirto. Waxaa jira xaalado kallifa in uusan qofku sii jirinba, sida silica aan loo dulqaadan karin. Sidaas oo ay tahayna, haddii aannu dhahno hebel noloshiisu ma aha mid la gu noolaan kari lahaa, waxa ay ka dhigan tahay in noloshu aslanba ay tahay xume gadhoodhsan oo wanaag badhxaa jirin, oo aysan macquul ahayn in aad majeerato nolol sii dheeraata. Markaa waxaa adag, sida dhabta ah, in nolosha la sii macaansado. Waxaana ka sii adag in aad bilowdo nolol.

Sidaasi waa fiiro shaacsan, oo aan ugub ahayn. Haddii aannu tusaale ahaan u dhigno fiiradan: riwaayad-masrixiyeeddu si kasta oo ay liidato farshaxan ahaan iyo halabuur ahaanba, ma gaadhsiisna heer ay daawadayaasho daawanba kari waayaan oo kuraasida banneeyaan riwaayaddii oo socota. Se haddii aad og tahay bandhiggaas masrixiyeed in uusan sidaas qiime u lahayn, dan ka ma galaysid oo xiise ku gu ma hayso in aad soo daawato; oo waxa aad ka doorbidaysaa in aadan tegin. 

Ka la duwanaanta u dhaxaysa sababta aysan u habboonayn in noloshan la bilaabo iyo in nolosha  la sii wato; waa ta u dhaxaysa dhalmadiidda iyo isqudhgoynta ama dilka kaska ah. Haddii ay tahay in qofku uusan bilaabi karin noloshiisa isa ga oo aan ogayn in noloshiisu u qalanto in uu sii wato iyo in kale, marlayba ma aha wax meelmarin kara in noloshiisu ay u qalanto cimiridheeri ama in uu raboodo in uu is ka dhinto intii uu noloshan sii noolaan lahaa. Xataa haddii aannu meel is ka dhigno cilladdaas nololeed, waxaa cillad kale ah dhimashada. Aannu ka soo qaadno in dhimashada loo dhashay, oo ay tahay wax caadi ah oo nolosha ka mid ah. Waa sabab inna gu filan in aannu dhalmada iskeen u ga caagno—sida oo kale isqudhgoynta iyo dilalka kaska ah loo tixgeliyo caqabado iyo falalxun oo dhalmada carruurta caqabad ku ah.

Sababo kale ayaa jira, oo dhalmadiidku u ga soo horjeedaan dilalka kaska ah. Sababahaas waxaa ka mid ah: in qofna uusan xaq u lahayn in uu qof kale ku qasbo in noloshiisan aysan u qalmin sii noolaansho. Taasi waxa ay khusaysaa qofka. Isa ga ayaa go’aan ka gaadhi kara in uu sii noolaado iyo in uu is ka dhinto. Khaladkuna, waa in la is ku khaldo bilaabista nolol iyo sii wadashada nolol. Ma aha is ku milkaasi wax qofka gaadhsiin kara hubanti buuxda oo saxan, taas oo u caddaynaysa in nolosha xumaheedu ka badan yahay wanaaggeeda. 

Waxaa loo tixgeliyaa dhalmada carruurta—si guud—waxa u gu mudan ee uu qofka nolosha ku sii hayn kara, dabarkiisana sii jirsiin kara. Waana sababta ay dad badani dhalmada carruurtu u gu weyn tahay—dabcan kolka loo eego xag saqaafeed, gacaltooyeed iyo bayloojiyeed. Fiiradaas sida guud loo wada haysto iyo aqlibiyadda dadka oo sidaas aamminsan, fiirada dhalmadiidku waxa ay u muuqataa wax qaldan oo dhabnimada ka fog.

Habka aan u difaacayo aragtidan dhalmadiidka, ma aha hab sidaas u sii ridan oo xujo ahaan loo adeegsan karo; maaddaama oo aan lee yahay imaanshaha jiritaanka ayaa ka xun jiritaan la’aanta. Se waxaa inna gu filan khatarta loo wada jeedo ee ah dhimashada.

Dhimashadu waa kamadambaysta cid walba oo jirta. Marka ay haweenaydu uur siddo, waa xilliga geeridu hanjabaadda bilowdo. Iminka wax u ka la dhaxaynaya ma jiraan dhimashada iyo ilmahaas weli ku dhex nool uurka hooyadii ee aan weli ifka arag. In kasta oo meelaha ay yar tahay suuragalnimada uu ilmuhu ku dhiman karo judhiiba, ay dadku sidaas u sii danayn mas’aladaas dhimashada; se waxaa muhiim ah in ay ogaadaan in dhimashada loo dhasho.

Intaas aannu ka soo doodnay haddii aannu indhaha ka qabsanno, maanta iyo xaaladda guud ee nolosha lidka ku ah, waxa ay inna tusinaysaa oo ay innoo meerinaysaa in aysan suuragal ahayn in ifkan uu ku soo lug-go’o ilme. Xataa haddii aannu dhimashada sheegsheegisteeda aannu afka ka qabsanno, indhaha ka ma laaban karno dhabta inna hortaalla ee ah xanuunnada qofka silciya inta aannu dhiman iyo falalka lidka ku ah dadnimada. Falalku badan iyo xanuunnadu, oo waxa ka mid ah: kufsiga carruurta, colaadda, caydhnimada iyo xanuunnada dhimireed iyo jidheedba. Intuba waxa ay lid ku yihiin in ilme la keeno ifkan aabbihii kuday. Waalidka ilme keena ifkanna, ha ogaado in uu sabab u yahay silica uu nolosha ku mutaysto ilmihiisu.

Waa run, oo dhibaatooyinku u ma sinna dhammaan dadka. Sida ay u ka la meelduwan yihiin ayaa ay u ka la dhibaato duwan yihiin. Hadda oo kale, waxaa jira meelo kufsigu ku badan yahay. Sida oo kalena waxaa jira meelo aan kufsiba la ga geysan ama cabashada kufsigu uu aad u yar yahay. Sida oo kale waxaa jira waddamo heerarka xanuunnada nafsiyeed uu cirka ku shareeran yahay, sidaas oo ay tahayna waxaa jira waddamo heerarka xanuunnada nafsi uu aad u hooseeyo. Se macnaheedu ma aha in ay jiraan meelo aanay dhibaatoba ka jirin, oo meel kastaaba dhibaato u gaar ah ayaa ay lee dahay, sida oo kalena lid ku ah dhalmada carruurta. Tusaale ahaan: Ingiriiska dadka ku nool boqolkiiba konton ayaa la daalaadhacaya xanuunka Kansarka. Khatartaas oo keliya ayaa u gu filan Ameerikaanka in aysan is ku hawlin dhalmo carruureed. Haddii aysan dadku sidaas wax u qaayasoorin, khasab, waxa ay dambi ka galeen carruurta ay ifka keeneen ee waxaas oo dhibaato ah ay sugayso.

Dhammaan xujooyinka aannu ku naqdinnay caadiyaynta dhalmada, waa xujooyin sees ah oo ku ooggan cidda dhalmada caadiyaynaysa. Waana xujooyin aan anigu u arko kuwo si  toggan u naqdiyaya dhalmada. Waa ay jiraan xujooyin dhalmada u naqdiya si tabban. 

Xujooyinkaasina waxa ay u naqdiyaan dhalmada sidii oo ay tahay wax dhibaato ku ah dadka. Waxa ay ku dooddaa in ay khalad tahay in noolayaal kale la abuuro, iyaga oo kuwii kale ay dhibban yihiin. Noolahan caqliga leh, waa ka uunka kale roga ee baabi’ya. Noolahaas caqligiisa, ayaa dambas ka dhiga noolayaasha kale iyo xataa noolayaashan laftooda ee caqliga leh. Dadku waxa ay is dilayeen oo is madhinayeen illaa goortii ay noqdeen dad caqli leh. Insaanku inta uu jirayba, waxaa shaacsanaa dilalka: haddii ay tahay in bir la is ka aslo, in deldalaad la is ku xukumo, in qaraxyo la is ku maleego iyo in sun la is dhansiiyo. Waa habab ay is ku madhiyeen basharku, oo ay malaayin dad waxmagalabsato ah sidaas la gu dabarjaray. Xataa insaanku haddii ay meel ku wada nool yihiin, iyo hal degmo, ma ka la nabadgalaan. Bulshadii meel ku wada nool, ka ma nabadqabaan baahida liidata ee abuurka ah: oo waa kuwii is ku awoodsheegta, kufisga dhallaanka iyo haweenkaba ay ka dhex yihiin dambiyo maalinle ah, ee midba ka kale sharafdilo, ee midba ka uu ka awoodroon yahay qudha ka gooya. 

Xujadaas waxa ay ka ga halceliyaan togganaandhaadayaashu, in aysan suuragal ahayn in la ga fisho carruurta soo koraysa falalkaas liita. Taasina waa sax, oo carruurtaas in yar oo ka mid ah ayaa noqon kara kuwo habsamida nololeed ee insaanka lid ku ah, oo bahallo noqon doona. Xumuhu inta badan waxaa dhibsada badanka dadka, taas oo ka dhigan in insaanka caadiga ah uu ka tirabadan yahay insaanka kale ee bahalooba. Waana sababta had iyo jeer inta xumaha is ku raacsan ay u jabaan, oo mar kasta aqlabiyaddu waxa ay taageersan tahay samaha.

Dhibaatada uu insaan gaadhsiiyo nolosha insaan kale, waxa ay gef ku tahay qiimaha insaanka. Nololmaalmeeddeenna caadiga ah, ka ma madhna in aannu si joogto ah u la kulanno qiyaano, sharafdil, dilal kas ah iyo kummanaan xume oo si joogto ah uu basharku is ku la kaco. Dhibaatooyinkaas sida joogtada ah u soo laalaabtana, waxa ay keenaan caadiyayn dhiillo iyo in bahallo la wada noqdo. 

Kuwa aan weli qanacsanayn, aan xagal kale wax ka tuso. Dhibaatada uu ku sababi karo ilmuhu dadka kale, waa in waxsoosaarku iyo ilaha uu insaanku quuto ay sii yaraanayaan. Sidaas daraaddeedna uu ilmuhu dulsaar ku noqonayo dad toodii la’. Waxaaba tusaale ku gu filan, xayawaannada dabjoogta ah iyo kuwa duurjoogta ahba, ee sida xawliga ah dabarkooda loo jarayo. Sida cilmibaadhisyuhu sheegayaan, sannadkii waxaa la dilaa oo la manaafacsadaa boqol iyo soddon bilyan oo xayaawaan. Halkaas waxaa innoo ga cad, in noloshu silic ka unkan tahay iyo dhimasho ilbidhiqsi kasta ah.

Waxaa la odhan karaa: dhibaatadu waa mid guud. Se ma aha khaladku in ilmaha soo koraya in la gu ababiyo oondhiraysi. Waa dabeecad dhalan ah, in qofku raboodo cunista hilibka. Sida diraasaduhu sheegayaan, ku dhawaad, qof kasta oo guudkan saaran ma aha oondhirayste badhaxtiran. Sidaas oo ay tahay, wadarta guud ee sanadkii qofku waxa uu cunaa hilib u dhigma labaantan iyo toddobo xayawaan. Noloshiisa oo dhanna waxa uu cuni karaa: kun, lix boqol iyo sagaashan xayawaan.

Marnaba badbaado noqonmayso in la gu ababiyo carruurta oondhiraysi. Xataa haddii uu noqdo ilmuhu oondhirayste badhaxtiran, dhibaatada deegaan ayaa iyana ah dhibaato kale oo xallin u baahan. Sababta oo ah qofku aad ayaa u gu janjeedhaa in uu dhibaato deegaan uu gaysto. Weliba ma aha dhibaatadaasi mid sahlan ee waa mid illaa heer daran. Dhibaatooyinkaas deegan, waa ay ku yar yihiin Dunida Saddexaad, se waxa maalinba ifafaallo xun bixiya oo kor u qaada bidqab-la’aanta deegaan waa dhalmada is ka socota, ee aan loo aabbayeelayn.

Haddii dhibaato ugub la gu baraarugo—sida aannu maanta aragno—waxaa khalad ah in insaan kale la soo kordhiyo. Waana wax keensanaya in si guud loo wada qaato, oo loo ga digtoonaado insaan kale oo dhibaato ugub la yimaadda. Dooddan ma keensanayso in basharka dabarkiis la jaro, oo go’aan kamadambays ah sidaas la gu gaadho. Se waxa ay ujeeddadu daarran tahay, inta ay caqabadahan nololeed jiraan, in aanba la is ku hawlin kordhinta basharka. Haddii waxaas oo dhan la dhaaddan yahayna, waxaa faran labada isqaba in ay si dhab ah u ga fikiraan ilmaha ay rabaan in ay jiraalka keenaan in uu noqon karo mid dabacadihiisu soocan yihiin, oo dhibaatadiisu ka badan tahay wanaaggiisa.

Sidaas oo kale ayaa la ga rabaa kuwa doonaya in ay xayawaan dabjoog ah dhaqdaan, sida bisadaha iyo eyda. Waxaa wanaagsan in ay dhaqdaan kuwa meelahaas ku dayacan, oo aysan raboon in ay dhaqdaan kuwo hadda dhashay. Sidaas oo kale ayaa u wanaagsan kuwa raba in ay waalid noqdaan. Waa in ay korsadaan carruurta gidaarrada ku dayacan, halka ay mid kale ku soo dayici lahaayeen noloshan aan qaayaha lahayn. Waalidkaas u diyaarsan dhalista iyo waalidnoqoshada, haddii ay korsadaan kuwa sidaas oo kale loo sugayay se dayacmay oo agoomoobay, waxaa yaraanaya silica ay la kulmaan carruurtu. Waana tiirka akhlaaqeed ee ay ku seesan tahay aragtidan dhalmadiidku. Baaqa aragtidu waxa weeye: inta ay carruur dayacan yihiin ma habboona in carruur kale la soo dayaco. 

Haa, oo aragtidu waa ay ka tanaasulaysaa mucaaradidda dhalmada, kolka carruur dayacan la waayo. Taas micnaheedu ma aha in aragtida kolkaas aan loo baahan doonin, ee waxa ay weligeed u taagnaan tiir akhlaaqiyeed oo carruurta xuquuqdooda la gu ilaaliyo, iyo kahortag loo adeegsado in dadku is ku noqdaan dhibaato, maaddaama oo la is ka bato.

Sidaas daraaddeed, hadda weyddiintu ma aha  basharku ma dabargo’yaa? Ee waa goorma ayaa aynnu dabargo’aynaa? Haddii ay meelmaraan xujooyinka dhalmadiidku, waxa ay noqon doontaa arrin wanaagsan. Waxaana ka sii wanaagsan is la qaadashadaas in ay soo degdegto. Xalkaasi is la qaadashadiisa dhakhsiinyaha leh, waxaa la ga badbaadayaa masiibooyin hor leh iyo silic baas.


 

Maqaalkan waxa Turjumay Maxamed Shariif:  Kids? Just Say No,  by David Benatar