Skip to main content

Sunday 6 October 2024

Dhaqan

Sidee Socdaalku Dunideenna Casriga ah u Qaabeeyaa?

23 September, 2024
Image
socdaal
Sawirka: nin socoto ah oo maraya xuduudka Giriiga iyo Masidooniya, (ROBERT ATANASOVSKI/AFP via Getty Images)
Share

“Waxa aynnu noolnahay xilli socdaal” Khaalid Koser

Khaalid Koser, oo ah Cilmibaadhe arrimaha socdaalka, kuna takhasusay cilmiga bulshadu, waxa uu ku doodayaa in xilligan aynnu noolnahay yahay xilli socdaal. Buuggiisa “Socdaalka Caalamiga ah”, oo toban sanno ka hor ay daabacday madbacadda jaamacadda Oxford, waxa uu ku doodayaa in socdaalku ka dhex jiro duni aad u xidhxidhan, kala fog oo kala saamayn ah. Warbixinta Ururka Socdaalka Adduunku soo saaray sannadkii 2020-kii, waxa lagu sheegay in falcelinteenna dhibaatooyinka ka imanaya socdaalka dunida ka jiraa uu yahay waxa sida dhabta ah u jaangoyn doona mustaqbalka dunidan, keliya maaha dadka socdaalaya, ee dunida oo dhan. Haddaba, sidee socdaalku dunideenna u qaabaynayaa?

Socdaalka iyo guurguurka aadamuhu sooyaal ahaan waxa uu bilaabmay muddo laga joogo wax lagu qiyaaso 150 kun oo sanno. Waa xilli ku beegan soo ifbixii awoodda garaadka ee dadka, oo laba waxba horumarisay; afka, oo ah waxa fududeeyey xidhiidhka dhaqannadii kala duwanaa, ee goobaha kala duwan ka jiray, iyo in qaabab kala duwan la isu kaalmeeyo, amaba loo diriro, ka labaadna waa ganacsiga, oo baahida dadka ka yimi. Waa baahida loo qabay horumarinta qaab-nololeed bulsho oo cusub, oo ah qaab dadku uga guurayaan qadhaabsiga iyo ugaadhsiga, una guurayaan beerashada iyo farsamada gacanta, sidaasna horumarka xadaaraddu ku socdo. 

Nuskii dambe ee qarnigii 19aad waxa uu ahaa bar is beddel oo sooyaalka socdaalka dunida ah. Xoogsato badan oo ka soo socdaalay waddadama saboolka ah ama dalalka koraya, oo u socdaalaya waddamadii warshadlayda ahaa ee gumaystayaasha ayaa dhacay. Shaqaalahaas socotada ahi waxa ay lafdhabar u noqdeen koboca dhaqaale iyo warshadeed ee waddamadaas ay tageen, waxaanay qayb weyn ka qaateen horumarka iyo koboca magaalooyinka waaweyn ee dunida. Markii la soo gaadhay qaybtii hore ee qarnigii labaatanaad, waxa soo baxay qodobbo kale oo xakamaynaya qofka socotada ah iyo sababta socdaalkiisa. Waxa la soo saaray xeerar, socdaalkiina waxa ku xidhmay dhinacyo kale, sida dagaallo, ilaalinta nabadgalyada bulshada, xeerka caalamiga ah, qawmiyadda iyo isirka, waana fahanno dib usoo nooleeyey asalraacnimada qawmiga ah iyo ka fikirka dadka asalka u ah dhulkaas, iyo mudnaantooda ah in ay dadka socotada ah uga mudanyihiin ka faa’idaysashada khayraadka dhulkooda. 

Arrinkani waxa uu innagu leexinayaa in aynnu eegno dooddii faylasuufadda Maraykanka ah, balse ka soo jeedda Jarmalka, Hana Arant. Hadalkeedii ahaa: “Yaa xaq u leh hanashada xuquuqda”. Waa dood ku dhisan xidhiidhada iyo dabaqadaha dib u qaabaynaya fahanka muwaaddinnimada ee bulsheed.  Waxa ay isbarbardhigaysaa qofka dalka u dhashay iyo qofka soo socdaalay; qofka dalka u dhashay oo dhammaan xuquuqihii bulsheed mudan oo haysta iyo qofka soo socdaalay oo markasta wax la iska weydiiyo in uu xaq u leeyahay in uu xuquuq yeesho. 

Wakhti badan ka dib, nuskii dambe ee qarnigii 20aad, oo ah xilli oodda laga qaaday dedaallada isku furka dunida oo dhinacyo kala duwan laga taagan yahay, iskuna dayay in dunida la isku xidho iyada oo loo dhex marayo siyaasado iyo shabakado isku xidhan, aadamuhu waxa uu awood u helay in uu tijaabiyo awoodihiisa garaad iyo fikir ee guurguurka iyo in uu u kala socdaallo meelo kala duwan, waxa kale oo uu tijaabiyey awooddiisa la falgalka iyo la dhaqanka dad cusub iyo magaalo cusub oo weyn. Sooyaalkii hore ee socdaalka ee dadkii hore lahaayeen, waxa uu tafiirtii dadkaas siiyey awood ah in ay guurguuri karaan, meel cusubna la qabsan karaan. 

Qarnigii 21aad, waxa kordhay mawjadaha socdaalka iyo in dadku waddamo kale u socdaalaan. Socdaalka waxa riixaya sababo kala duwan, sida siyaasad, nabadgalyo, jiritaan, dhaqaale iyo deegaan. Inta badan socdaalkaasi waa mid lagaga qaxayo waddamada saboolka ah, loona socdaalayo waddamada hodanka ah, sidoo kale waa socdaal lagaga tago waddamada aan siyaasad ahaan deggenayn, loona socdaalo kuwa nabdoon. Socdaalku waxa uu noqday wax kala ujeeddooyin ah, siyaasad ahaan, bulsho ahaan, dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaanba. Qaxoontiga iyo socotadu maanta waa 184 milyan, oo u dhiganta boqolkiiba 2.5 tirada dadka dunida ku nool, sida ku xusan warbixinta Baanka Adduunku soo saaray sannadkii 2023-dii. 

Sababahaas kala duwan ee socdaalka ee aynnu xusnay, dadka dalkooda loogu tagaa waxa ay ula falgalaan laba heer oo kala ah; heer siyaasadeed iyo heer bulsheed. Sida bulshadaasi ula falgasho bulshada socotada ah, waxa jaangooya heerka dhaqaale, aqooneed iyo siyaasadeed. Dhammaan qodobbadanina waa kuwa lafdhabarta u ah ka hadalka socdaalka dunida cusub. 

Socdaalka iyo Horumarka

Waxa ina horyaalla su’aal sharci ah oo dad badan maskaxdooda kusoo dhacda marka socdaalka iyo furfuranka iyo cusboonaysiinta laga hadlayo. Weydiintaasi waa: socdaalku ma waxa uu ka dhashaa furfuranka iyo casriyowga? Mise socdaalka ayaa keena furfuran? Waa weydiinta sannadihii u dambeeyey lagu soo celceliyo, oo ay ka doodaan akaadimayadaha iyo haayadaha socdaalku. Sidoo kale waxa meesha ku jira fahanka isbedellada waaweyn ee dunida ka socda. 

Socdaalka iyo casriyowga, furfuranka iyo horumarka dunidu waa waxyaabo isku lammaan, isla falgashan oo isku xidhan, isna metela. Socdaalka dadku waxa uu keenaa dardargelin, dhaqdhaqaaq cusub, xirfado cusub iyo shaqaale cusub. Marka koowaadba, arrinkan waxa ka dhasha koboc dhaqaale oo ay helaan waddamada dadkaas qaxoontiga ah soo dhaweeyey. Midda labaad, soo galootiga badani waxa ay la yimaaddaan kala duwanaan dhaqan, mararna qofka socotada ah waxa ku abuurma werwer uu ka qabo in uu dadkaas la falgeli kari waayo, dadkaas oo dhaqan ahaan ka duwan. Marka saddexaad, socdaalku waxa uu qaabeeyaa tilmaamaha magaalada cusub ee loo socdaalay. 

Hadalka haddii qaab kale loo dhigo, socdaalku waxa uu qaabeeyaa bulshada casrigan nool, dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo dhisme ahaanba. Waxa kale oo meesha ku jira siyaasadaha bulshada loo tagay ee ka dhashay socdaalka iyo qaxoontiga, waana siyaasado dhiirrigaliya nacaybka lagala hortagayo dadka qaxoontiga ah, kuna baaqa in dib loogu noqdo xidhiidhada dunida iyo siyaasadaha gobollada. Haddana, dhinac kale marka laga eego, socdaalka iyo qaxoontigu waxa ay shidaaliyaan siyaasadaha furfurnaanta dhaqaale iyo in meesha laga saaro xidhxidhnaantii dunida hore uga jirtay. Waxa jira hawlgallo iyo haayado siyaasadeed iyo sharci oo isku daya in ay habeeyaan oo ay xakameeyaan qulqulka xuduudda ka jira, dhinac marka laga eego, socdaalku waa wax ku yimi casriyowga dunida ka hanaqaaday. 

Marka qodobbadaas hore oo dhan laga shidaal qaato, socdaalka iyo furfuranka dunidu waa wax is dhalay, mid kastaana ka kalena keenay, waana natiijada isbedellada waaweyn ee ka dhashay dagaalladii caalamiga ahaa iyo kuwii sokeeyaba, sidoo kalena ka dhashay ka bixitaankii gumaystayaasha Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga ee waddamada ay hore u gumaysanayeen. Waa natiijo ka dhalatay heshiisyada caalamiga ah, haayadaha caalamig ah iyo kuwa maxalliga ah, kuwa dawladeed iyo kuwa aan ahaynba. 

Socdaalka, iyo furfuranka iyo casriyawga dunidu waxa ay u wada xidhiidhaan qaabab kala duwan. Waxa kow ka ah, in socdaalka caalamiga ahi yahay mid ka mid ah midhihii ka dhashay furfuranka dhaqaalaha caalmig ah, oo ah dhaqaalihii xidhxidhnaa oo dunida u furfurmay, kana baxay qoqobkii iyo xidhxidhnaantii. In kasta oo aan loo sinnayn furfuranka dhaqaale, alaab dhoofinta iyo helidda shaqaale jaban, dhaqaalaha caalamiga ah ee cusub ee ka shaqeeya in dhaqaalaha dabarka laga furo, suuqyada caalamiga ahna la isku furo, waxa uu sameeyey dhaqdhaqaaq ay alaabta, fikradaha, lacagta iyo dadkuba isku furmaan oo isu socdaalaan. 

Marka labaad, dawladaha qaar, lixdanaadkii waxa ay isku dayeen in ay sameeyaan habraacyo, iyaga oo ka falcelinaya isku furanka adduunka ee dhaqan-dhaqaale. Habraacyadaas waxa ay kusoo kordhiyeen socdaalka, waxaanay rabeen in ay yareeyaan qulqulka dadka socotada ah. Waxa ay hawlgaliyeen nidaam qofka socotada ah lagu hubsanayo meesha uu ka yimi, waxa uu hanti haysto iyo cidda la socotaba. Waxa ka dhashay xeerar iyo shaqooyin loo xilsaaray haayado dhaqaale iyo amniba, qaar ka mid ah dalalka horumary. Waxa meesha yimi doonista dawladaha cusub ee ah in ay dadka soo galootiga ah iyo kuwa asalka ahba lagu maamulo habraacyo cusub oo horumarsan. 

Marka saddexaad, wixii intaas ka dambeeyey, weliba si gaar ah bilawgii siddeetanaadkii iyo sagaashanaadkii, oo ah wax ilaa hadda jira, socdaalka iyo qaxoontiga sii kordhayaa waxa uu kor u qaaday soo ifbaxa aragtiyo isku lid ah, gaar ahaan gudaha bulshooyinka noqday kuwo kala duwan isir ahaan iyo dhaqan ahaanba, aragtiyahaas oo dadka ajaanibta ah ku tilmaama halis ku socota bulshada dhulka deggenayd iyo dhaqaalahooda. Waxa ay ka faa’idaystaan mala’awaalka ah in dadka socotada ahi sabab u yihiin dhibaatooyinka bulshadaas ka dhex jira sida kor u kaca dambiyada ka dhaca xaafadaha iyo shaqo la’aanta ka dhex jirtaa dadka dalka leh. 

Xaaladdan bulshada lagu kicinayo, cunsuriyadduna ku jirto, qofka dhaladka ah ayaa ay ka dhaadhicinaysaa in xaqiisii uu haysto qof ajnabi ahi, isagana la xidhxidhayo oo kaalin hoose lagu riixayo. Waxa kobca markan oo kale, saska laga qabo ajaanibta, dadkaasina si fudud kuma fahmi karaan in socdaalka loogu kala goosho waddamada saboolka ah iyo kuwa hodanka ahi ay tahay wax ku dhashay gumaysigii iyo furfuranka dunida. 

Marka afaraad, dhaqankaas iyo siyaasadahaas kala tagsan ee ka dhex taagan bulshooyinka dalalkooda loogu tago, waxa ay dhalisay aragtiyo kala duwan in laga qaato sooo galootiga. Xagasha koowaad, waxa isku dhafmay ilbaxnimo seeskeedu yahay dimuqraadiyad iyo furfurnaan iyo cunsuriyad dhiirrigalinaysa awood iyo nacayb. Qofka ajnabiga ah ee dawladaha saboolka ah ka yimi, marka isleegtaas sare la eegayo, waa qof aan la jeclayn, oo aan bulshadaas la jaanqaadi karin, loona arko in uu halis ku yahay bulshadaas. 

Balse waxa jirta xagal kale oo ka deggan marka ta hore loo eego. Waa in laga shaqeeyo isdhexgalka, dadka soo galootiga ahna, bulshada, dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaanba la dhex galiyo. Waa in luuqadda la baro, lana baro xirfad. Inta badan shaqadan waxa isu xilsaara haayado dabbaqaya siyaasadaha toolmoon ee xulashada socotada, si ay u maamulaan qulqulka socotada, una buuxiyaan galdaloollada dhaqaale ee dalka ka jira. Waxa ay soo xushaan dad shahaadooyin sita ama xirfado gaar ah leh, sida dhakhaatiir, injinneero ama dad xirfado kale leh. Nidaamkan waxa lagu magaacaabaa “maskax guurin”. Waxa kale oo ay qaataan shaqaalaha ka hawlgali kara goobaha shaqooyinku ka socdaan, waana nidaam kaas hore ka hooseeya, laguna qaato dad ka xirfad hooseeyaa dadkaas hore. Habkani waxa uu keenaa horumar dhaqaale. 

Marka shanaad, ilbaxnimo iyo dhismaba, magaalooyinka waaweyn, sida Chicago, Istanbul, Paris, London iyo Qaahira, waxa qaabeeyey oo sameeyey qulqulka dadka ee gudaha. Waa qulqulka dadka ka yimaadda miyiga ee magaalada imanaya, amaba ka soo socdaalay dawladaha jaarka. Saamaynta qulqulkaasi waxa uu ka muuqdaa dhismayaasha, magacbixinta goobaha, hab-nololeedka, firfircoonida nololeed ee jirta iyo habka dhaqan-dhaqaale. 

Magaalooyinka qaar waxa ay ku samaysmeen dadkaas socotada ah. Dadkaas ayaa ka dhigay magaalo lagu noolaan karo. Magaalooyin kale ayaa isku daya in ay sidoodii ahaadaan, oo dhigaya in dadka iyo dhulku midaysnaadaan, raadka dadka dibadda uga imanayana uga falceliya qaabkii qadiimka ahaa. Waxa dhaawaca u gaysta qofka socotada ahi waa in qaar ka mid ah magaalooyinka cusub dhexdooda uu qofka socotadi ahi ku dhex noqdo qof la dayriyey, lana dejiyey, si khasab ah oo toos ah ama si dhaqanka meeshu dhigayo, meel magaalada ka mid ah ama ka yar fog, oo aanu awoodin in uu halkaas dhaafo, sababtoo ah xaafadaha kale waxa ay gaar u yihiin dabaqado kale oo ka sarreeya isaga. 

Marka lixaad, haddii aynnu ku laabanno socdaalka innaga oo ka eegayna dalka uu qofku ka soo socdaalayo, waxyaabaha socotadu ka midaysanyihiin waa shaqo la’aanta, dhibaatooyinka bulsho, sida waxbarasho la’aan iyo caafimaad la’aan, iyo sababta u weyn ee ah waddanka oo maamul kelitaliye ahi qabsado oo dadka la cabudhiyo. Arrimahan oo dhami waxa ay sameeyaan shabakado isku xidhan oo u dan leh in ay xuduudaha ka gudbaan. 

Waxa intaas raaca, siddeetanaadkii iyo sagaashanaadkii, oo ah xilligii waxsoo saarka shidaalka waddadamada Khaliijku figta marayay, dawladaha Yurubna furfureen siyaasadahooda, dhinaca kalena koboca tiknoolajiyaddu bilaabmay, waxyaabaha safarka suurogaliyaana sii kordheen, waxa bilaabmay xilliyadaas in dadka deggan waddamada koonfurta dunida, bariga dhexe iyo Eeshiya in ay u socdaalaan waddamada hodanka ah si ay sallaanka hodantinimada dhinacooda u qabsadaan. 

Dhaqdhaqaaqan xilligaas bilaabmay waxa uu lahaa saamayn, waxaana ka mid ah in waddamada saboolka ah ee dadkoodu socdaaleen helaan lacago la soo xawilo, weliba lacago qalaad, sidaasna waddamadaasi ku helaan kab miisaaniyadeed, oo qurbajoogta dalkaasi soo diraan. Dhinaca kale, waddamadaasi waxa ay waayeen shaqaale badan iyo dad macno u lahaa dhaqaalaha dalka. Waxa tusaale ah, dhakhaatiirta Masar ee doorbida in ay ka shaqeeyaan Ingiriiska, shaqaalaha Turkida ee u socdaalay Jarmalka iyo dadka xirfadda beeraha leh ee reer Poland oo Galbeedka Yurub iyo Maraykanka, gaar ahaan magaalada Chicago u socdaalay. 

Arrimahan oo dhammi waxa ay innagu khasbayaan in aynnu ka fikirno socdaalka dunidan casriga ah ka jira. Keliya waa in aynaan uga fikirin arrin bulsho ahaan la xidhiidha, ee waa wax u baahan si guud in loogu kuurgalo waxa keena iyo ujeeddooyinka dadka socdaalaya, lana eego raadka socdaalka ee siyaasadeed, dhaqaale iyo deegaanba. Waa in aan hal xagal laga eegin, balse dhinacyo kale, sida dalka uu qofku u socdaalayo iyo ka uu tagayaba, siyaasadaha labada dalba ka jira iyo xeerarka hagaya. Waa sida riwaayad qofka socotada ahi xiddig ka yahay, oo uu qayb ka yahay qaybaheeda kala duwan. 

 

waxa laga soo turjumay halkan.