Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Siyaasad

Maandooriyaha: Dilaaga Aamusan ee Soomaaliya

25 May, 2024
Image
Drug abuse
Sawirka: Reuters
Share

Deraasadihii ugu danbeeyay waxay caddeeyeen in Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda, uu aad ugu baahsan yahay maandooriyaha noociisa nafsad-ku-dhegga ah, gaar ahaan kiniinnada ay ka mid yihiin berigaabbaliin (Pregabalin) iyo morfiinta (morphine). Dhiilladan oo lagu tilmaami karo “dilaaga aamusan,” ayaan habo yaraatee ummad ahaan laga tabaabushaysnayn.

Deraasaddii u danbaysay ee Ururka Caafimaadka Dunida iyo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliyi wada sameeyeen, horraantii 2023, waxa lagu sheegay in xaaladda caafimaadka dhimirka ee Soomaalidu uu aad u liito. Qiyaastii 76.9% dadka sahanka lagu sameeyay ayaa lagu tilmaamay in ay la nool yihiin nooc uun ka mid ah xaalad nafsadeed. Qodobbada laga filan karey dal sida Soomaaliya soddon sannadood iyo dheeraad xasilloonidarro ku jiray, deraasadduna ka marag kacday, waa isticmaalka daran ee maandooriyaha jaadadkiisa kala duwan. Tusaale ahaan, awel waxaynu naqaannay qaadka, buuriga, sigaarka iyo shiishadda, iyo mararka qaar aalkolada iyo xabagta, laakiin waxa la xaqiijiyay in xaaladdu “alamtara soo dhaaftay.” 

Isticmaalka ama ku-talaxtagga maandooriyuhu Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho, aad buu ugu soo badanayey muddooyinkii u danbeeyay. Isla deraasadda aynu xusnay waxa ay sheegtay in nooca ugu badani uu yahay tubaakada (38%) iyo dawooyinka sida khaldan loo qaato ee qofka suuriya (oo 37% ah). Waxa aad u batay dawooyinka kala duwan ee la isku yidhaahdo suuriyayaasha (sedatives). Waa dawooyin inta badan kiniinno ah oo abbaara habdhiska dareenwadka dhexe ee qofka, gaar ahaan maskaxda, dabadeed tabta fiish dabka laga saaray u demiya oo u suuriya. Waxa ka mid ah bensadiyaasabbiinta (benzodiazepines), obyoodhka (opioids), iyo kiniinnada hurdada sida soolbidam (zolpidem).

Dawooyinka caadiga ah ee maandooriyaha laga dhigto ayaa si gaar ah uga suntan. Bishii Diseenbar 2022, booliska madaarka Aadan-Cadde ee Xamar ayaa soo bandhigay shixnado kiniinno ah oo maandooriye ahaan loo isticmaalo oo ay gacanta ku dhigeen. Sida afhayeen u hadlay uu sheegay, dawooyinka daroogada ahaa ee ay qabteen waxay isugu jiraan: kiniinnada taramaddool (tramadol) oo 100 mg ah iyo samaddool (zamadol) oo 50 mg ah, sharoobooyinka kodhayiin (codeine) iyo bayoliin (bioline), iraabka la qaato ee ay ka mid tahay bitaddiin (betadine) oo 100 mg ah, iyo sidoo kale kiniinka berigabbaliin oo 500 mg ah. Sida taxan ka muuqata, dawooyinkii u badnaa kaarjebinta iyo xanuun-baabbi’iyayaasha ayaa markan ah daroogo fayaan iyo sakhrad laga raadsanayo.

Cilmibaadhis ay sannaddan 2024 faafiyeen labo dhakhtar oo Soomaaliyeed, ayaa ku doodday in kiniinka berigabbaliin uu si ballaadhan ugu baahsan yahay da’yarta Muqdisho. Berigabbaliin iyada oo kiniin ah iyo iyada oo dareere ah oo la isku duraba waa la helaa. Waxana loogu talagalay in lagula tacaalo kaarka iyo xanuunka aadka u daran sida marka xangulladu dhaawacanto, ama unugyada dareenwadka jidhku waxyeelloobaan in lagu khafiifiyo damaqa. Waa kaarjebin aad u culus. Sidoo kale, warbixin ay BBCdaabacday dabayaaqadii 2022, ayaa lagu sheegay in kiniinnada iyaga oo adke ah ama iyaga oo inta la qooshay xididka laga qaato ay ka mid yihiin xanuun-baabbi’iyayaasha ugu culus ee xaaladaha daran bukaanka loogu talagalay, sida: moorfiinta oo sida caadiga ah la magansado marka noocyada kale ee kaarjebintu ay waxba tari waayaan; taramaddool, betidhiin (pethidine) iyo kodhayiin oo saddexdooduba ah kaarjebinaha ugu awoodda badan.

Ubadka hoy-la’aanta ah ee derbiyada iyo bannaanada seexda ayaa iyagu si gaar ah ugu sii nugul dhiilladan. Shantii ubad ah ee hoy la’ba mid baa gabadh ah, ayaa la xusay. Qiyaastii 5000 oo wiil ayaa Muqdisho oo keli ah jidadkeeda u hoyda. Ciyaalkaas baylahsani waxay, sida la dhaho, “waayaha kaga dhuuntaan” isticmaalka iyo ku-talaxtagga maandooriyaha, gaar ahaan koolada la nuugo, tiindharka, iyo kiniinnada hurdada.

Arrinta masiibada uga sii daraysaa waa in aanay jirin siyaasado, xeerar iyo habraacyo kale oo Soomaaliya iyo maamullada ka jiraba uga degsan wajahidda iyo latacaalidda aafadan ummadeed. Sida uu dhakhtar caafimaadka guud ku takhasusay uu Geeska u sheegay, haddii aan inta goori goor tahay loo kicin oo deraasado iyo doodo badan laga yeelan masaladan, waxa dhici karta in goor xeedhiyo fandhaal kala dhaceen lagu soo baraarugi doono. 

Qoraallada kale ee qoraaga