Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Feker

Dhibaatooyinka Ragaadiyay Qaaradda Afrika

20 August, 2024
Image
Afrika
Share
Maqaalkani isagoo millicsanaya aragtiyaha aqoonyahanka cilmibaadhista Afrika ku takhasusay, waxa uu falanqaynayaa halka ay ka kici la'dahay qaaraddu tan iyo xornimadii ka dib.
 
Hordhac

 

Kuwa madow xukunka ka fogeeya

Hogaankoodu ma horseedin badhaadhee

Waa cirweynayaal, waa caloolweynayaal…

 

Ereyadani waxay qayb ka ahaayeen hees aad uga caanbaxday waddanka Nayjeeriya dhammaadkii qarnigii tagay. Waa ereyo muujinaya quus, quudhsi, haaraan iyo eel sheegasho ka dhan ah madaxda iyo dawladihii ka la duwanaa ee ka hanaqaaday Afrika gumeysiga dabadii. Tani waa shaacsane iyo dhibaato baahsan oo aan ku koobnayn kaliya Nayjeeriya ama si guud qaaradda Afrika; taas lidkeeda se waxaa ka siman badi dunidii la gumeystay oo ay ka mid yihiin Eeshiya, Carabta iyo qaybo badan oo Ameerika kamida; waxase ay qaarada Afriki ku kaliyaysatay in aanay weli lugta saarin toobiyihii looga bixi lahaa mugdiga iyo eesha baaxada leh ee gumeysiga dabadii ku baahay gudaha qaarada.

Soomaalida ayaa iyaduna kamid ahayd ummadaha suugaanteeda aadka looga dhadhasan karo sida ay bulshooyinka madoobi ugu hungoobeen rajadii iyo naawiliddoodi badhaadhe iyo hodantinimadii ay abdaynayeen gumeysiga dabadii. Axmed Ismaaciil Diiriye-Qaasim isaga oo ka dareencelinaya dayowgii bulshada ku habsaday markii guumaystihii tegay, waa kii lahaa:

 

Dambi ku hadli maayee ma arag dawladdaan rabaye,

Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye,

Dusha midabka Soomaali baad dugulka moodaaye,

Misna laguma diirsadee qalbigu waa dirkii Kaaral’e

 

Haddaba si aynu u fahano asaaska dhibaatooyinka baahsan ee ragaadiyay qaarada Afrika iyo isha ay ka dhimbiil qaadanayaan waa in aynu jawaab u helnaa weydiinta ah: maxaa dhacay gumeysiga dabadii sidee ayayse xidhiidh ula leeyihiin gumeysiga laftarkiisa. 

Helida jawaabta su’aashani waxay innooga baahantahay in aynu si dhow oo qotodheer u darisno waddooyinka ka la duwan ee ay qaadeen waddamada Afriki gumeysiga dabadii iyo dabeecadda qaramada Afriki yeesheen (The nature and character of the post-colonial African state). Dhanka kale waa in aynu danayn gaara siinaa nooca uu yahay xidhiidhka ay qaramadii cusbaa ee Afriki la yeesheen bulshooyinkoodii rayidka ahaa, sababihii keenay inay ku fashilmaan hanashada aaminaada bulshada iyo saamaynihii arimahaas ka dhashay. 

Bilawgii Xornimada iyo Aragtidii midnimada Afrika 

Ka dib muddo boqol sanno ku siman—in kasta oo waddamadu ku ka la duwanayaeen— oo ay qaarada Afriki dhibane u ahayd boobka, dhaca iyo dilka gumeysayaashiii reer Yurub iyo nafhur badan oo ay bulshooyinkeedu ku kaceen, Gaana ayaa 1957 noqotay waddankii  ugu horeeyay ee Afrika saxaraha ka hooseysa ee xornimadiisa hela, intii u dhaxaysay 1960 ilaa 1970 waa xilligii ay badi waddamada Afriki heleen madaxbaanidoodii. Raadinta xornimadu waxa ay qaarada gudaheeda ku lahayd wajiyo iyo qaabab kala duwan oo iskugu dhafan kuwa gacan ka hadal ah iyo kuwa diblumaasiyadeed. Soo ifbaxii waddaniyada ee gudaha Yurub, dagaalkii qaboobaa oo markaas aloosnaa iyo baraarugii bulshooyinka ayaa dabka kusii huriyay dedaaladii xornimo raadiska iyo  is hortaaga damaca gumeysiga ee ku aadan bililiqaysiga khayraadka dihin ee waddamada Afrika. Halkudhegyo badan oo ka turjumaya hal-adayga iyo hanka bulshooyinka Afrika ayaa xilligaas hanaqaaday sida ‘’kacdoonka ninka madow/ the revolt of the coloured man’’,  ‘’xaqa aayo katashiga/ right for self determination’’ iyo kuwa kale.

Waxa mar qudha cirka isku shareeray hoggaamintii iyo sumcadii waddaniyiinta ka dib markii ay Yurubiyaanku ku mashquuleen dagaaladii waaweynaa ee dhexdooda ka aloosnaa (Rudolf von Albertini. 1969).

Dhanka kale burburkii Yurub ku habsaday dagaal weynihii labaad kadib wuxuu soo dadajiyay isbeddel siyaasaddeed oo ku yimaadda gumeystayaasha iyadoo ay hogaamiyeyaal badani go’aansadeen inay xooga saaran dib udhiska waddamooda hoosna u dhigaan ahmiyad siinta kuwa kale. Harold Macmillian oo ahaa raysalwasaarihii Ingiriiska intii u dhaxaysay 1957-1963 kana mid ahaa hogaamiyeyaashii rabay in gumeysiga Yurub la soo afjaro ayaa 1960-kii magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika ka jeediyay khudbaddiisii caanka ahayd ee Dabayshii Isbedelka/The Wind Of Change:

“Dabayshii isbeddelka ayaa ka dhabanaysa qaaraddan, ka naxa ama ku farxa. Koboca wacyi ee qarameed waa xaqiiqo siyaasaddeed.’’ ayuu baarlamanka hortiisa ka ga tiraabay Macmillian. Waxay ahayd khudbad muujinaysa in damicii gumeystaha ee sii joogidda Afrika uu soo idlaaday gabalkiisiina dhacay lana gaadhay xilligii ay dadka dhulka lihi xukunkooda u madaxbanaan lahaayeen taladooduna gacantooda soo gali lahayd.

Bilawga dedaaladii xornimada iyo madaxbannaanida Afrika waxa kale oo weheliyay aragtida ah in la helo qaarad midaysan, oo si wada jir ah  ugu abtirsata sooyaal midaysan oo gumeysiga hortii jiray. Si haddaba yoolkaas loo xaqiijiyana waa in meesha la ga saaraa awooddaha ka la duwan ee bulshada dhexdeeda ka jira, kuwaas oo laga yaabo in ay wiiqaan habsami u socodka midnimada qaramoobidda. Awooddahaas waxa safka hore kaga jira muranka la xidhiidha xuduudihii gumeysigu kaga tagay qaadarada oo ay ka dhasheen dagaallo hor leh iyo in ganacsigii qaaradda dhexdeedu istaago. Xoogagga kale ee wiiqay geeddisocodka nabadeed ee qaramada Afrika waxa qayb ka ahaa khilaafka diimeed ( tus. Nayjeeriya iyo Suudaan), hirdanka iyo loollanka ka dhex aloosmay qabiillada ( tus. Soomaaliya iyo Ruwaandha) iyo nidaamyada isirka iyo faquuqa ku dhisan ee gumeysigu kaga tagay qaarada, sida K.Afrika.

Dhaqdhaqaaqyadii ugu horeeyay ee hormuudka ka ahaa meelmarinta aragtida midnimada Afrika waxa ugu cadcaddaa hogaamiyeyaal ay ka mid yihiin Joomo Kenyaata, Kawaame Nukuruumah, Toomas Sankaara iyo Juuliyaas Neyereere. Guulihii ugu horeeyay ee ay soo hooyeen waxa laga xusi karaa samaysankii Ururkii Midawga Afrika, kaas oo 1963-kii la dhidbay. In kasta oo ayna qadiyaddaasi noqon mid guuleysata haddana waxay xoojisay dareenkii lahaanshiyo ee bulshooyinka Afrika dareenkaas oo si u muquuniyay uurkutaalooyinkii iyo iswaagii ay ka dhaxleen eeshii gumeysiga.

 Saameynta dagaalkii qaboobaa ku lahaa Afrika

Dedaalladii la rabay in lagu mideeyoo Afrika waxa caqabad ku noqday oo soo wajahay dhibaatooyin badan oo ay ugu horreyo loollankii u dhexeeyay quwadihii Soofiyeed iyo Galbeedka iyo dagaalkii qaboobaa ee ka dhashay hirdankaas. Xaaladihii liitay ee ay waddamada Afriki ku jireen xilligaas ayaa u saamixi waayay in ay mawqifyo midaysan ama dhexdhexaadnimo ay ka qaataan loollankaas.

Is xulafaysiga iyo hirdanka cusub ee ka dhashay dagaalkii qaboobaa waxay qaaradda Afrika mar kale gayaysiiyeen gumeysi hor leh iyo in ay mar kale noqoto xayndaab ay wakiillo shisheeye isku dagaalaan ( proxy war zone ). Qaramadii cusbaa ee Afriki waxa ay u kala dheereeyeen sidii uu midba garabka u saari lahaa mid ka mid ah labada quwadeed ee Bariga iyo Galbeedka ku kala abtirsada; Gaana oo ka mid ahayd waddamadii u horreeyay ee xornimadiisa la soo noqda ayaa markiiba dhinaca saartay lana safatay midowgii Soofiyeed kaas oo Hantiwadaagga gadhwadeen ka ahaa. Itoobbiya oo iyaduna loollan adag ku la jirtay Soomaliya ayaa taakulo iyo xidhiidh joogto ah la lahayd Maraykanka iyo Galbeedka.

In kasta oo waddamada Afriki awood gorgortan ( bargaining power) oo dhammaysa ayna lahayn—taas oo jaangoyn karta cidda ay la safanayaan, haddana badi waxay is ku dayeen in ay go’aammadooda ku saleeyaan hadba danaha dhaqaale iyo kuwa militari ee ay hiigsanayeen.

Dhibaatada ugu weyn ee ay qaaradu ka dhaxashay dagaalkii qaboobaa wuxuu ahaa af gembiyada tirabeelka ah ee ay shisheeyuhu dabada ka riixayeen. Indheergarad badan oo hormuud u ahaa aragtida midaynta qaarada iyo suulinta saamaynta uu gumeysigu kaga tagay ayaa noqday dhibaneyaasha ugu weyn ee af gembiyadaas.

Laga soo bilaabo 1958-kii markaas oo uu afgembigii u gu horreeyay ee qaaraddu uu ka dhacay dalka Suudaan, waxa sidii tusbax furtay isku raacay afgembiyada militari oo ay dabada ka riixayeen quwadihii shisheeye ee Bariga iyo Galbeedku.

1966-kii ayaa xukuumaddii dalka Gaana ka dhisnayd ee uu hoggaanka u ahaa Nukuruuma waxa afgembiyay ciidan uu Maraykanku taageerayay. Somaaliya, ka dib markii ay dawladdihii rayidka ahaa ee xukunka gumeystaha kala wareegay ay ku fashilmeen hagidda iyo dhisidda bulshada waxa dhacay afgembigii Kacaanku dalka ku la wareegay, kaas oo isaguna markiisa caasha saaray midowgii Soofiyeed. 

Saamaeynta dagaalkii qaboobaa ku lahaa qaarada waxa ugu muhiimsanaa dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha. Maadaama oo ay qaramadii cusbaa ee Afriki ku astaysnaayeen waayoaragnimo la’aan ka haysatay qaramoobida iyo hanaanka fulinta mashaariicda qaran, waxay taasi keentay inay ku fashilmaan gaadhida xasilooni siyaasadeed iyo iskuhayn bulsho.

Hoggaamiyeyaashii Afriki markii ay awooddi waayeen in ay xal u helaan dhibaatooyinkaas waxay bilaabeen inay isticmaalaan awood iyo jujuub si ay danahooda u meelmariyaan. Waxayse hilmaameen in xasiloonida siyaasaddeed ee awoodda lagu gaadhaa ayna ahayn mid sugan oo sii waarta (Margaret A. Majumdar. 2007). Dhanka kale waxay arintani dabka kusii shiday eedihii hore ee loo hayay qaramada cusub, taas oo ahayd in ay qaramada cusub yihiin soogalooti iyo kuwo aan metelaad dhab ah ka haysan bulshooyinkooda. Xukuumadihii kala duwanaa ee waqtigaas jiray waxay nacayb xad dhaafa u qaadeen mucaaradkii siyaasaddeed amaba cid kasta oo ka fikir duwan iyagoo u arkayay inay yihiin cadow isla jeerkaasna ay kasoo horjeedaan madaxbanaanida.

Hogaamiyeyaashii Afrika waxa kale oo ay ku sifeysnaayeen muxaafadnimo iyo isbeddel diidnimo, waxayna badi ka cagajideen isbeddelo siyaasaddeed iyo kuwa dhaqaale oo waddamada ka dhasha. Mucaaradku markii ay cadaadis badan kala kulmeen talisyadii jiray waxay bilaabeen inay abaabulaan shirqoolo iyo af gembiyo ka dhan ah xukuumadihii talada hayay. 

qodobbadii sii huriyay af gembiyada militari ee sharci darrada ahaa ee dhacay tobankii sanno ee ugu horeeyay madaxbanaanida kadib waxa kamid ahaa musuqmaasuqa, qallafsanaanta xukuumadihii talada hayay, faragalinta shisheeye, hoos udhaca xisbiyadii dimuqraadiga ahaa, dhaqaalaha oo hoos u dhacay iyo ciidamada militariga oo ku baraarugsanaa inay kuraasta ka tuuri karaan hogaamiyeyaasha siyaasaddeed ee rayidka ah.

Dagaalkii qaboobaa waxa kale oo uu caqabad ku noqday is aaminaadii iyo wada socodkii Afrika, wuxuu sii huriyay murankii xuduudaha ee ka dhex aloosnaa waddamo badan oo qaarada ku yaal. Waxaana adkaatay furfurnaantii ganacsi ee waddamada gudahooda. 

Paul Castañeda Dower, Gunes Gokmen, Michel Le Breton iyo Shlomo Weber; waxay u kuurgaleen filiqsanaanta waddamada labadii quwadood ee Soofiyeedka iyo reer Galbeedka ay ku loollamayeen. Waxayna soo dhiraandhiriyeen moodeel xisaabeed dhidib labaad ay siiyeen, kaas oo ah: tixgelinta xidhiidhka ka dhexeeyaa laba waddan oo kasta sida dhaqaalaha, taariikhda, isirka iyo siyaasadda, kuwaas oo go’aaminaya waddan kastaaba cidda uu la safanayo. 

Jaantuskan hoose ayay ku muujiyeen filiqsanaanta qaarada ee uu jandheedhsiga labada quwadood middood.[1] 

Waxay daraasadoodan ku ogaadeen in guud ahaan aanu wax farqiya oo weyni u dhaxayn koboca waxsoosaar ee waddamadii Bariga la saftay iyo kuwii Galbeedka la saftay, taas oo ka dhigan in nidaamka dhaqaale ee  waddan qaatay aanu wax saamayna ku lahayn masxsuulka waxsoosarka gudaha. Horumarka ugu weyn ee waddamada Galbeedka u janjeedhaa ku tallaabsadeen wuxuu ahaa in ay heleen xasillooni dhanka dimuqraadiyadda iyo xorriyadda ah, dhanka kale waxay waddamadaasi la kulmaan iskudheelitir la’aan dhaqaale oo ka balaadhan tan waddamada Bariga la safan taas oo keentay ququb dabaqadeed.

Saameyntii uu dagaalkii qaboobaa ku lahaa qaarada Afrika waxa lagu soo koobi karaa dhawr qodod oo kala ah:

  1. Dhiigmiirad dhanka khayraadka ah oo lagula kacay waddamada Afrika. 

  2. Kutiirsanaanta kaalmada shisheeyaha taasoo Afrika gayaysiisay burbur dhaqaale, daymo xad dhaafa iyo dayac bulsheed.

  3. Xasiloonidaro siyaasadeed, dagaalo sokeeye iyo masiibooyin dhanka aadamaha ah.

  4. Hogaamiyeyaal kalitalisa oo qaarada ku xididaystay

Maxay qaramaddii cusbaa ee Afriki ula kulmeen fashil gudeed?

Markii uu gumeysigu ka huleelay Afrika wuxuu ka tagay goob gabi ahaanba ka duwan midii uu u yimid. Ka sokow muuqaalada xasuusta noqon kara sida wadooyinka iyo dhismayaasha kale, gumeystuhu waxa uu qaabeeyay xuduudaha, nidaamka waxbarashada, hab maamulka, heshiisyada ganacsiga iyo dhaqanka. Qaramadii cusbaa ee Afriki may ahayn kuwo dhab ahaan u metela cidda ay doonayaan in ay xukumaan amaba waxaan odhan karnaa sababta ay u fashilmeen waa in ayna ahayn qaramo Afrikaan ah balse ay yihiin nidaam shisheeye oo dadka dusha lagaga keenay oo aan tixgelin siinin dhaqankii iyo doonistii dadka ay matalayeen.

Qaramadu waxay waayeen gabi ahaanba tilmaamaha gundhiga u ah qeexitaanka waxa uu qaranku yahay sida sharciyadda( ligetimitacy), yeelashada xuduud qeexan iyo kala jihaynta awoodaha bulshada.

Joel S. Migdal waxa uu sharraxay saddex qodob oo lagu jaangooyo haddii ay qaramada cusub noqon karaan kuwo guulaystay ama kuwo fashilmay; qodobbadani waxa ay ku tiirsan yihiin qaabka ay qaramadu u wajahaan xakamaynta iyo jihaynta bulshada iyo hay’adaha  ka la gaddisan ee nidaamka siyaasadeed hoos hadhsada sida ururada diinta, qaab-dhismeedka qoyska, iyo ururrada qabaa’ilka. Hay’adaha kala gaddisan ee aynnu xusnay waxay saamayn ku lee yihiin habdhaqanka iyo jiraalka bulshada oo mid kastaaba awood gaar ah tahay. Midgal waxa uu qirayaa in qaramada taagta daran ee gumeysiga dabadii yimid sida Soomaliya oo kale ay ku fashilmeen in ay dhaqangaliyaan xeerar dhaqameed iyo shuruuc qeexan oo ka la maaraysa awoodahaas is hirdinaya. Waxa uu tilmaamaya in diinta iyo qabiilku ay ka awood iyo saamayn bateen nidaamkii dawliga ahaa isla jeerkaas ay iyagu bulsahdii u noqdeen nidaam wax dabara waxna furdaamin kara. Si haddaba loo helo qaran guuleysta waa in la xakameeyaa oo la ka la seereeyee xoogaggaas bulsheed.

Saddexda qodob ee uu Migdal miqyaaska uga dhigay heerka qaran joogo waa u hoggaansanaanta laamaha ka la duwan ee bulshada iyo inay ku qanacsan yihiin nidaamka maamul iyo xukun ee meesha ka jira; qodobka labaadna waa in hadba nidaamka meesha ka jiraa uu yahay mid sharci ku dhisan oo aan xukun maroorsi amaba afgembi ku iman halka qodobka saddeexaadna yahay in bulshada xaq loo siiyo oo laga qaybgaliyo xukunka iyo talada dalka awooddana la baahiyo oo la isku dheellitiro.

Qodobaas uu Midgal soo tibaaxay waxa tusaale fiican u noqon kara xaaladda Soomaaliya iyo sida ay dawladihii kumeelgaadhka ahaa ee ka la dambeeyay ay u gu fashilmeen dib u dhiska qarankii Soomaaliyeed. (Joseph.T 2014.)

Joseph.T waxa uu ku doodayaa in labadii nidaam gumeysi ( Ingiriiska iyo Talyaanugu) ay saamayn kala duwan kaga tageen Waqooyiga iyo Koonfurtu. Dhanka Waqooyi, siyaasaddii gumeysiga ee ku salaysnayd horjoogaha caaqilku waxay dhaxalsiisay in qabiilladaasi yeeshaan nidaam wadatashi oo bulshadu wada hoos hadhsato, taas lidkeeda fahankaasi kama uu taabbagalin gobollada Koonfureed. Ka dib burburkii dawladii dhexe ee Soomaliya, Gobolladii Koonfurta iyo badhtamaha waxa ku xoogaystay awoodaha bulshada sida qabiilka iyo diinta ka dibna waxa wiiqmay awooddii dawladihii kumeelgaadhka, waxaana saaxadda ka la wareegay oo soo ifbaxay jabhado iyo qabqablayaal dagaal-oogayaal ah. Waxa kale oo dhankooda awoodahaas bulshada ee aan nadaamsanayan ka faa’iidaystay fikir diiniga ah ee xagjirka ah. 

Burburkaas iyo fashilkaas ku yimid qarankii Soomaaliyeed iyo guud ahaanba qaramo badan oo qaaradda ku yaal waxaa ka dhashay dhibaatooyin hor leh oo cusub. Waxa badiba hoos u dhacay xamaasaddii iyo xiisihii ay bulshooyiinku u hayeen waddaninimada iyo qowmiyadnimada; hoosudhacaasna waxaa laga taransaday in ay kor u kacaan aragtiyaha gobalysiga ku dhisan sida Soomaaliya iyo Itoobbiya ka dhacday. 

Dhanka kale waxa isbeddelay nidaamka ay deeqaha iyo caawimaadaha shisheeye u shaqayn jireen. Maadaamaa oo ay waddamadii Afriki ay la kulmeen dhibaatooyin badan oo ragaadiyay; deeqihii ay heli jireen—oo markii hore qorshuhu ahaa in la gu sameeyo maalgalin ama lagu dhiso adeegyada bulshada sida caafimaada, waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida isgaadhsiinta iyo jidadka—waxa hadda qasab noqotay oo ay duruuftu keentay in loo leexiyo dhinaca qaxootiyada, xakamaynta abaaraha iyo taakulaynta barakacayaasha iyo la dagaallanka argagixisda taas oo iyaduna dhankeeda keentay faragalin shisheeye sida midda Itoobbiya ku hayso Soomaaliya oo kale.

Maxay aqoonyahandu u aaneeyeen fashilka iyo dhibaatooyinka qaramada Afrika

 ‘’ Dadka Afrika oo kaliya ayaa dhextaal u noqon kara hanaan kasta iyo ajande kasta oo dib loogaga soo kabanayo burburka haddii la rabo in la gaadho nabad muddo dheer waarta, horumar dhaqaale iyo dimuqraadiyad’’ Cassandra Veney

Sida ay ku doodeen badiba aqoonyahannada iyo qoraayada ee Afrika gumeysiga dabadii wax ka qoray: dhibka ugu weyn ee waddamadu qaaraddu la tabaalaysan yihiin waa isku afgarasho la’aanta aragtida qarannimada, sida ay sheegeena ah mid aan metelin kuna abtirsan dadka deegaanka; waa aragti soogalooti iyo mid magan ku ah qaaaradda, oo ka dhalatay gumeysiga iyo dhulballaadhsigii reer Galbeedka. Qaramoobidda Afrika waxa ay ku tibaaxeen waxgaratadii Afrika u dhashay ee diraaseeyay meesha ay sartu ka qudhantay: qaramoobid hoos ah/shadow state, qaramoobid laba-wajiilayn ah /bifurcated, iyo kala qoqoban-doon/disconnected state. 

Dia oo Bangiga Adduunka kala shaqeeyay arrimaha dawlad-wanaagga, dib u habaynta adeegyada rayidka iyo dhaqangalinta maamulada maxaliga ahi waxa uu ku dooday:

Dhibaatooyinka hay’adeed ee ragaadiyay maamulka dhaqaale ee Afriki waa kuwo ku dhisan qoqobni-nidaameed oo u dhexeeya hay’adaha rasmiga ah ee laga soo waariday dibadda iyo kuwa gudaha ee dhaqanka Afrikaanka ka soo dheegmay.

Kala qoqobnaantan waxaa laga taransaday oo dhaxal la qaayibay noqotay: aaminaad-darro iyo in dareenkii lahaanshuhu wiiqmo, kadibna qaranku noqdo mid hawlgaba.

Si haddaba loo gaadho Isfahan waara iyo dib u heshiisiin buuxda oo dhex marta hay’addaha rasmiga iyo kuwa aan rasmiga ahayn oo ay qayb ka yihiin bulshada rayidka ah, xeerar dhaqameedyada iyo ururada diimuhu, waa in dib loo raacaa wixii tagay lana ogaadaa meelaha ay wax ka khaldameen. Qodobkani wuxuu muhiim u yahay waddamada raba inay kasoo kabtaan dagaalo sokeeye oo bulshada dhex maray oo ku salaysan qoomiyad sida Ruwaandha iyo itoobiya amaba qabaa’il sida Soomaliya. Dhanka kale waa in lasoo celiyaa isku hayntii bulshooyinka kala irdhoobay lana dhisaa xidhiidh qotoma oo u dhexeeya bulshada iyo maamulka ( vertical-relationship) kuna dhisan kala dambayn iyo caddaalad iyo mid baahsan (horizontal-relationship) oo u dhexeeya bulshada garbaha siman oo isna gundhig looga dhigo wadajir iyo sinnaan.

Aragtida Dia in kasta oo uu tixgelin siisay muhiimada ay leedahay in la isku soo xidho oo la mideeyo nidaamyada dhaqameed ee qaarada kasii jiray iyo kuwa lasoo waariday ee khuseeya dawladnimada casriga ah, wuxuu haddana Dia dhanka kale gafay in aragtiyhiisu aanay ahayn kuwa siyaasad ahaan hirgali kara kuna salaysan dib uheshiisin dhexmarta labada hay’adood ee loolamaya sababtoo ah waxay aragtidiisu meesha ka saaraysaa in nidaamyadii hore ee sii jiray ay iyaga laftarkoodu yihiin kuwo isbeddeli kara oo aan duug ahaanayn marwalba. Dhanka kale waxa aad u adag in la helo hal nidaam oo ay dadka Afriki ka simanyihiin gaar ahaan marka la joogo waddamada ay ka jiraan kala duwanaanshiyaha gaadhsiisan heer qoomiyadeed iyo mid diimeedba sida Itoobiya iyo Nayjeeriya ; aragtida Dia waxay dabka kusii shidaysa dhibaatooyin horleh oo dhanka daymaha ah oo u adeegaya kaliya danaha Baanka Adduunka waxaana tusaale nool noqon kara sida loogu hungoobay shirarkii iyo iskudayadii badnaa ee ku aadanaa dib u heshiisiinta Soomaaliya kuwaas oo uu ugu dambeeyay shirkii ka dhacay London 2012.

Bayart oo kamida aqoonyahanada sida xeesha dheer u darsay sababaha keenay burburka ku yimaada qaramada Afrika, isagu waxa uu la shiryimid aragti horleh oo ta Dia liddi ku ah; wuxuu ku dooday in hay’adaha shisheeye ee lasoo guuriyo ay tahay in la dagaleeyo; Bayart markii u taxliiliyay fashilka ku yimid dhismaha qaramada Afrika waxa uu u aaneeyay in la musuqay nidaamkii hay’adeed ee dibada ka yimid. Wuxuu tilmaamay in nidaamyada dawladu aanay wax saamayn ah ku lahayn meesha ay ku abtirsadaan ama ay taariikh ahaan kasoo jeedaan sidaa darteed waa gaf in fashiklooda loo aaneeyo inay yihiin kuwo lasoo ergistay oon dhallad ahayn.

 Si hadaba qaramada loogu soo weeciyo tubtii taariikheed ee ay hayeen meeshana looga saaro saamaynta taban ee uu gumeysigu ka tagay, Bayart waxa uu soo jeediyay saddex hab oo ay tahay in la raaco.

Ugu horeyna waa in la baadha dhalanrogadka xadaaradaha badalka xaalada hadda taagan. Sidaa darteed waa in qaranka Afrika ee gumeysiga dabadii dhashay loo tixgeliyaa kaliya waji kamida kuwa faraha badan ee taariikheed oo ku astaysan: horumar iyo waxsoosaar xadidan, qodaal iyo xoolo raacto aan lahayn iskaashi, aqoon la’aan baahsan iyo qaran kireed ‘’rent stated’ kutiirsan shisheeyaha oo aan lahayn waxsoosaar gudeed. Dulucda qodobkani waa in aan loo arkin in Afriki ay gumeysiga dabadii dhalatay meeshana looga saarin sooyaalkii bulsho iyo maamul ee gumeysiga hortii jiray. Waa in la ogaado in Afriki ay lahayd xadaarad iyo dhaqan guuna oo si joogto ah isbeddel, horumar iyo dhallanrogadba ugu socday gumeysiga dabadii iyo hortiiba. Gumeysigu kaliya waa muddo xadidan oo kala teeday soona kala dhexgalay sooyaalkaas dheer ee soo taxnaa isagoo dhaliyay in qaaradu tubteedii ay haysatay ka iilato talaabada koobaadna waa in dib loogu celiyo dariiqii ay haysay.

Dhanka kale, Bayart waxa uu dhiirigaliyay in la sooco falalka nidaameeed ee keenaya sinaan la’aanta bulshada kadibna la raaco saddex hab oo dhammays ah oo qaran dhisaya, sida: casriyayn muxaafadnimo ‘conservative modernization’. Kacdoon bulsho ‘social revolution’ iyo midaynta iyo isku-keenidda indheergaradka ‘reciprocal assimilation of elites’.

Falalka kala duwan ee keenaya in nidaamku ku kaco eex iyo dulmi waa kuwo ay waddamadu ku kala duwanyihiin kalana badsadaan waxase ugu muhiimsan oo badi waddamada Afriki ka simanyihiin kalitalisnimada, musuqmaasuqa iyo boobka lagula kaco hantida guud.

U gu dambayn, waa in la aqoonsadaa kaydadka dhaqan kuwaas oo qaabaynta bulshada ka qaybqaata. Tan macnaheedu maaha in tixgelin buuxda lasiiyo dhamaan dhaqamada bulshada oo laga yaabo in qaarkood ayna dawlada casriga ah la falgali karin, waxase muhiima in qaybta dhaqanka ee togan ahmiyad gaara la siiyo la iskuna dayo sidii ay metelaad uga heli lahaayeen nidaamka dhisan.

Qaramada Afriki waxa kale oo ay dhibaneyaal u noqdeen boobka iyo xukun maroorsiga ay kooxo gaar ahi ku kacaan. Kooxahan oo inta badan awoodaystay xiliigii gumeysiga amaba bilowgii madaxbanaanida kadib, waxay salka ku hayan kala qoqob baahsan oo wiiqay suuqyada ganacsiga iyo qaybinta khayraadka waddanka. aqoonyahano badan oo dhanka dhaqaalaha daraaseeya ayaa isku dayay inay qeexaan dhabadii looga bixi lahaa mushkilada nukhbooyinka iyo kooxaysiga ee u adeegaya danaha cid gaari leedahay.

William Reno oo kamida khubarada arinkaas u kuurgalay waxa uu qabaa: si loo ga gaashaanto in suuqyada aan rasmiga ahayn ee Afrika ka dhex furan ay kula kacaan waddamada qaramoobaya ugaadhsi iyo boob waa in kuwa talada hayaa ay dhisaan awoodo siyaasadeed oo isbarbarsocoda/parallel political authorities—marka ay hay’adaha rasmiga ahi ay kala qoqobmaan. Marka ay madaxdu suuqyada aan rasmiga ahayn u adeegsadaan si ay dano goonniya u gaadhaan waxay taasi wiiqaysaa kartidii iyo kalsoonidii uu lahaa qaranku. Reno waxa uu awooda saarayaa doorka balaadhan ee ay nukhbooyinku ku leeyihiin isdhexgalka bulshada iyo qaranka. Qaybaha ka la duwan ee nukhbooyinku sida cuqaasha iyo horjoogayaasha qabiilladu waxa ay ahaayeen cidda u dhaxaysa nidaamyadii gumeysiga iyo hadba bulshooyinkii meeshaas daganaa iyaga ayaana si dadban uga masuul ahaa khayraadka dabiiciga ah iyo kuwa shaqaalahaba; tani waxay keentay in ay heshiisyo la galaan gumeysiga si ay ugu fasaxaan khayraadka dhulka taas oo keentay in awooddii qaranku is ku baddasho mid gaar ah oo koox nukhbo ah gacanta ugu jirta. Reno waxa uu ugu dambayn tibaaxayaa qaabka ay deeqaha shisheeye ee caalamiga ahi qaramada Africa ugu badaleen dalal aan is ku filnayn.. Gundhiga doodda Reno waa in guumeysigu yahay cidda gaysatay dhibka ugu weyn ee waddamada Afriki la daalaadhacayaan. Wuxuu tilmaamayaa in dabeecaddii gumeysiga ee ahayd in nukhbo gaar ahi boob iyo dhac kula kacdo khayraadka ay bulshooyinku wada lee yihiin ay noqotay mushkilad aan xididkeeda wali la bixin; gumeysigu si uu danahiisa u gaadho wuxuu taageero iyo awoodba siin jiray kooxo gaara oo calooshood u shaqaystayaala kuwaas oo ahaa dallaaliin khayraadka dalkooda qiime jaban ku bixiya, guumeysiga dabadiina dhaqankaas iyo kooxaahaasiba waa kuwo jira oo aan wali salguurin Afrikana dhaxalsiisay in ay noqoto qaarad shisheeye uun ku tiirsan. Si haddaba dhibkan xal loogu helo, Reno waxa uu soo jeeediyay in la dhiso awoodo kale oo la loollama nukhbooyinkan si ayna talada ugu kaliyoobin.

Mahmood Mamdani waxa uu isna dhan kale ka eegay dhibaatada uu gumeysigu dhaxalsiisay qaaradda ee ku salaysan kala qoqobka hay’adaha iyo sida xukunka loo gu gacan siiyay bulshooyinka hayb ahaan tirada yar; Mamdani waxa uu ku doodaya in qaramadii gumeysiga dabadii dhashay ay ku guuleysteen in ay xukunka iyo sarayntii isirkii meesha ka saaraan - sida Koonfur Afrika oo uu ka jiray nidaam gumeysi oo dadka isir ahaan madow la gu haybsooci jiray - laakiin ay ku fashilmeen in ay qabiilka meesha ka saaraan ‘detribalising’. Waxa uu tusaale usoo qaadanayaa qaabka ay siyaasada gumeysigu u abuurtay nacayb iyo dagaal ka dhex aloosma qabiilo isir ahaan isku hayba sida ka dhacday xasuuqii Ruwaanda 

Dhinaca kale waxa uu tilmaamayaa in kala fogaanshaha u dhaxeeyaa magaaloowga iyo miyiga oo lagu ladhay bulshooyinka Afrika oo u badnaa reer miyi ay keentay in ay maamulladu ku guuldaraystaan fidinta iyo balaadhinta awooddoodaa. Arrintaasina waa mid si waaqica u gu dabbaqmaysa waddamo badan oo Geeska Afrika ku yaalla gaar ahaan Soomaaliya iyo Itoobbiya oo bulshooyinkoodu reer miyi xooladhaqato ama beeralay ah u badan yihiin; tani waxa ay dhalisay in saamaynta iyo faafitaanka awooda dawladu ay yaraato kana dhalato in bulshooyin badani ay ka hoos baxaan nidaamka dawladeed ee waddanka ka jira oo ayna ugu tiirsanaan wax adeega ama maamula oo ay iyagu iskood is ku maamulaan. Arrintani waxa ay marar badan keentaa xasillooni darro iyo in dawladdu awood u yeelan waydo in ay nidaam iyo sharci ka hirgaliso bulshooyinkaas dhexdooda.

Shaqooyinka afartaas aqoonyahanba waxa ay sii xoojinayaan baaqihii ahaa in xornimada Afriki ay tahay kaliya mid calameed ‘flag-independence' , is la jeerkaasna loo baahanyahay in madaxbannaani dhab ah oo dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah la gaadho. Madaxbannaani la ga gaadho dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha waxay qaaradda u horseedi badhaadhihii ay ku taamaysay tan iyo badhtamihii qarnigii tagay. Waa is la baaqan iyo aragtidan midda ay qorayaal badan oo dhowaangal ahina sii xoojiyeen sida George Ayittey.

Fanon waxa uu u kuurgalay halka ay ku dambayn doonto xamaasaddii waddaniyeed ee xornimada dhalisay amaba xoojisay waxa uuna isaga oo arrintaas ka hadlaya yidhi:

‘Caad ma saarna in maalinba maalinka ka dambeysa ay shiiqayso oo ay burburayso qaramoobiddii iyo madaxbannaanidii lagu riyaaqsanaa kolkii guumaysigii hulleelay. Waddaninimadu ma aha aragti iyo caqiido siyaasadeed mana aha mashruuc. Haddii dhab ahaan aad rabto in aad qaranka ka badbaadiso dibudhac, fadhiidnimo iyo kala daadasho, waa in si degdeg ah looga guura baraarugga waddaninimo loona guuraa baraarug siyaasadeed. Qaranku waxa uu kusii jiri karaa kaliya barnaamij uu gadhwadeen ka yahay hoggaamiye kacaan, shicibkuna ku qaabbilo hoggaamintaas hufnaan iyo xamaasad wadajir ah. In dadaallada qarameed lagu jaangooyo hannaansocodka guud ee waddamada dib udhacay, waa arrin lagamamaarmaan ah.’

  Gunaanad

Muddo nus qarni ka badan ka dib, Afriki waxay wali la daalaa dhacaysaa dhibaatooyinkii ay ka dhaxashay gumeysiga iyo boobkii uu kula kacay khayraadkeeda. Waxa kale oo ay dhibane u noqotay nidaamka casriga ah ee dhanka ka raran ee uu Galbeedku hor kacayo kaasoo gayaysiiyay daymo farabadan iyo faragalin ka dhan ah siyaasadda gudaha.

Soo ifbaxa quwadaha cusub ee Eeshiya sida Jayna iyo Hindiya ayaa iyaguna dhankooda noqon doona waxa ugu weyn ee isha lagu hayn doono marka laga hadlayo msutaqbalka dhaqaale iyo siyaasaddeed ee qaarada Afrika halka koboca dhaqaale iyo xasilloonida siyaasaddeed ee waddamada K.Afrika, Kenya iyo Gaana ay noqon karaan il rajo iyo ku dayasho oo ay waddamadu hiigsan karaan mustaqbalka.

 

 

[1]Saafidda jaantuuskani waxay kaa ga baahantahay si aad u fahanto marka horeba in aad aqoon u lee dahay: doorsoomayaasha (parameters) iyo moodeelka xisaabeed ee xogta loo isticmaalay. Faahfaahin dheerada eeg: Paul Castañeda Dower, Gunes Gokmen, Michel Le Breton and Shlomo Weber. 2021

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Waxtarka Ducada iyo Waayaha Dunida