Skip to main content

Sunday 6 October 2024

Feker

Cabdifataax Kiliito iyo Waxqabadkiisa Gorfaynta Suugaanta

3 October, 2024
Image
kilito
Share

Markii Cabdifataax Kilito, oo ah suugaanyahan u dhashay dalka Marooko, uu ku guulaystay abaalmarinta Boqor Faysal binu Cabdicasiis ee Suugaanta Carabiga, guddidii kala saarista abaalmarintu waxa ay ku ammaantay hal-abuurnimadiisa iyo dedaalka qotota dheer ee uu geliyey gorfaynta suugaanta kalaasiga ah ee Carabiga. Kilito oo bare ka ah jaamacadda Maxamedka Shanaad ee dalka Marooko waxa uu ku tilmaamanyahay hab gaar u ah oo uu u soo bandhigo suugaanta, si akhristuhu si fudud ugu fahmi karo suugaantaas kalaasiga ah. Tilmaanta guddidu ka bixisay Kilito waa mid si toos ah ugu dhaboobmaysa dedaalka uu suugaanta geliyey, aftahamada uu ku muujiyo waxqabadkiisa qoraalna waa mid u markhaati furaysa, dedaallada uu suugaanta Carabiga geliyeyna waa wax uu Carabigu u baahnaa. 

Kilito waxa uu waxbarashadiisa ku qaatay jaamacadda Sorbonne ee dalka Faransiiska, buuggiisii qalinjabinta oo uu Faransiiska ku qorayna waxa uu wax ka qoray “Sheeko Tabinta iyo Dhinacyada Dhaqan ee ku Jira Labada Buug ee Maqaamaat al-Xariiri iyo Maqaamaat al-Hamadaani”. Intaas ka dib, waxa uu afartan sanno ku bixiyey dhigista suugaanta Faransiiska. Waxa la sheegaa in waraaqaha uu ku diyaarsado casharrada uu dhigayo, xiisadda ka dib jeexjeexi jiray, isaga oo aaminsan in aanay habboonayn in qoraalladiisu u xabbisnaadaan manhajka akaadamiga ah ee aan is bedbeddelin. Muddadaas uu suugaanta Faransiiska dhigayay, waxa ka dhex guuxayay in suugaanta Carabigu u baahantahay diraasayntiisa, suugaanta Faransiiskuna baahi u qabin. 

Walaw uu sidaas oo dhan suugaanta Faransiiska ula falgalay, ugu dambayn waxa uu u jeestay wax ka qoridda Carabiga. In kasta oo uu jeexjeexi jiray waraaqaha uu ku diyaarsado xiisadda Faransiiska, haddana marna kama dhex bixin suugaanta Faransiiska iyo guud ahaan suugaanta Yurub ba. Waxa uu kulansaday labada aqoomood ee dhex ceegaaga suugaanta Yurub iyo Carabigaba, waxaanu u kala gooshay labadaas dhaqan. Aqoonyahanka waxa uu u sawiray in uu yahay qof xambaarsan dhaqamo, oo ah biriish aqoontu iskaga gudubto. Sidan ayaa uu ku qeexayaa kaalinta aqoonyahanka. 

Akhriste

Marka koowaadba, Kilito qoraalka ka hor, waa akhriste wakhti badan geliyey akhrinta suugaanta. Yaraantiisii ayaa uu akhriska bilaabay, isaga oo akhriyey buuggii gacantiisa soo galaba. Dhaqanka akhris ee uu ku barbaaray ayaa u suurogeliyey in uu akhris ka xeeldheer akhrinta ereyada suugaanta geliyo, akhriskaas ayaana jaangooyey noloshiisa intii dambe. Waxa uu leeyahay: “Akhrisku waxa uu jaangoyn karaa masiirka ilmaha, waxaanu jeexi karaa jidka mustaqbalkiisa waxbarasho iyo xirfadeed. Kol hadday sidaas tahayna, akhriskaygii hore ayaa igu hoggaamiyey mihnadda diraasaynta suugaanta”. Dhigidda iyo diraasaynta suugaanta ee Kilito waxa ay ku suntantahay gorfayn xeeldheer, gaar ahaan ka dib markii uu muddo sannad ah wax ka bartay Rolland Barthes oo Marooka ku sugnaa. Rolland laftiisu waa suugaanyahan iyo qoraa si heersarraysa wax usoo gudbiya. John Sturrock  oo Rollan tilmaamaya ayaa yidhi: “Waa gorfeeye maanka soo jeeda dararin kara”. Kilito waxa uu muddadii dambe si wadajir ah u joogteeyey qoraalka iyo akhriskaas gorfayntu weheliso, waxaanu habkan wadajira wax u baray ardaydii suugaanta ka baratay, oo ay ka mid ahaayeen Gerard Genette iyo Tzvetan Todorov, oo markii dambe ugu yeedhay in uu suugaanta Carabiga ka dhigo jaamacadda Faransiiska ah ee College de France. Kilito waxa uu dejistay hab u gaar ah oo gorfaynta ah, waxaanu ka dhigtay qayb suugaanta Carabiga ka mid ah oo goonni u taagan. 

Gorfaynta

Kilito waxa uu la gaar yahay, akhristayaashuna ku raaxaystaan, in uu gorfaynta lafteeda kala dhigdhigo, si qotodheerna uga hadlo. Waxa uu soo jeediyey in qofka diraasaynta wadaa “doorto qoraa cayiman, kuna bilaabo diraasaynta xilliga qoraagaasi noolaa, ka dibna uu gudogalo nolosha qoraaga, kuna gabagabeeyo diraasaynta dhaxalka qoraal ee qoraagaas. Habkani, walaw oo uu ku cusubyahay diraasaynta suugaanta, qarnigii horena la hindisay, haddana waxa uu noqday hab ku lammaan diraasayn kasta oo suugaanta lagu samaynayo”. Markaas, gorfeeyuhu waa qof soo jeeda, waana “sida sarriflaha lacagta kala xusha, ta wanaagsan iyo ta aan shaqaynayna kala saara”.

Kilito waxa loo tixgaliyaa in uu gorfaynta suugaanta Carabiga ka saaray xabsiga akaadamiga, hab cusub oo gorfayn ahna bedka keenay. Waxa uu ku doodayaa in qofka wax gorfaynayaa dhex tago xilligii suugaanta la tiriyey, ka dibna cusboonaysiiyo. Waxa uu leeyahay: “Marka uu qofku rabo in uu wax cusboonaysiiyo waa in uu socdaalo oo meesha uu joogo beddelo, sida qorraxda dhacda”. Waxa uu ka soo horjeedaa in dhaxalka suugaaneed noqdo kayd aqooneed oo aan la falgelin nolosheenna maalinlaha ah, taas beddelkeeda waa in dhaxalkaas la diraaseeyo, oo xilliga taagan la dhex keeno, tebin cusubna la saaro. Dedaalkiisan awgii, waxa uu qoraagii al-Jaaxid ka dhigayaa sidii qoraa casrigeenan nool, sheekooyinka ku jira Maqaamaat al-Xariirina waxa uu usoo tebinayaa qaab xilligan la jaanqaadaya. Waxa uu isku sidkayaa gabayadii al-Macarri iyo Dante, sheeko tebintii Ibnu Rushdi iyo Borges, Ibnu Xasm iyo Proust, al-Jaaxid iyo Montaigne, al-Shidyaaq iyo Naabilyoonkii Saddexaad. 

Haddaba, luuqaddee ayaa uu u doortay qoraalka?

Buuggiisa “Fii Jawin min al-Nadam al-Fikri” waxa uu kaga sheekaynayaa hirdanka labada af ee Faransiiska iyo Carabiga ee bulshadii uu ku dhex koray ee reer Morooko. Waxa uu yidhi: “Laga soo bilaabo yaraantaydii, waxa loollan gudahayga ah ku jiray afafka, waxa ka dhex jiray hirdan saameeyey qoraalladayda kala duwan. Waxa aan doortay wax ku qoridda Carabiga iyo in aan casharrada ku bixiyo Faransiiska”. Loollanka luuqadaha ah ee Kilito awgii, waxa uu doortay in uu buuggiisa “Al-Qaa’ib” Carabi u beddelo, isaga markii hore Faransiis ku qoray balse aanu weli daabicin. Go’aankiisaas waxa uu ku sababeeyey hadalkiisa ah: “Waxa laga yaabaa in aan u hiilinayay af la dayacay, amaba si ka habboon in aan la dareen ahaa qoraayo aan jeclaa yaraantaydii, sida Tawfiiq al-Xakiim iyo Daaha Xuseen”. Waxa uu leeyahay: “Laga soo bilaabo kolkaas, mawduuca afka aan wax ku qorayaa waxa uu ahaa weydiinta gundhiga u ah wax kasta oo aan qoray. Waxa aan naftayda la galay ballan adag oo ah in aanan waxba u qorin sida Yurubiyaanka, isla jeerkaasna aan ka duwanaado qoraayada Carbeed ee aan buugaagtooda akhriyey”. 

Marka laga yimaaddo in uu Carabiga u doortay luuqadda qoraalkiisa, tarjumaadda ayaa uu sidoo kale u aqoonsaday biriishka dhaqamada iyo aqoontuba iskaga gudbaan. Waxa uu gorfaynayaa sida tarjumaadda dunida Carabtu hoos ugu dhacday muddadii u dhaxaysay qarnigii 12aad ilaa qarnigii 19aad. Waxa uu ku doodayaa in qoraayadii hore dhayalsadeen tarjumaadda, maankoodana ay ka baxday, buugaagtoodana u qoreen qaab aan la tarjumi karin. Qoraayadaas hore ee Xadaaradda Islaamku waxa ay curiyeen qaabab ay wax u qoraan oo aan af kale loo tarjumi karin. Waxa uu tusaale usoo qaadanayaa buugga Maqaamaat al-Xariiri oo uu ku tilmaamay buug weedh kasta oo ku qorani leedahay cidi ima tarjumi karto, qaabka sheekooyinka loo soo tebiyey awgii. Waxa uu is weydiinayaa cidda tarjumi karta habkii culimadaasi curiyeen ee ahaa qoraal dhinacii lagaga yimaaddaba macno samaynaya. (Waxa uu tilmaamayaa qaar ka mid ah sheekooyinka ku jira buugga Maqaamaat al-Xariiri, oo kolba dhinacii lagaga yimaaddo macnaha sheekada laga fahmayo; haddii sheekada gadaal laga soo bilaabo iyo haddii xagga hore laga soo akhriyaba macno samaynaya). 

Sidaas darteed, Kilito waxa uu aaminsanyahay in suugaanta Carabiga la xidhxidhay, lagana hor istaagay in afaf kale si fudud loogu tarjumo. Labadii kacdoon ee suugaanta Carabiga ee kalaasiga ah iyo suugaanta Carabiga ee cusub ba ku dhacay, waxa riixaysay tarjumaadda. 

Kilito waxa uu door bidayaa in qofku af kasta suugaantiisa wax ka akhriyo, balse aanu suugaantaas ku akhrin afkii asalka ahaa, ee uu ku akhriyo tarjumaadda afkiisa hooyo. Waxa uu taageersanyahay jawaabtii uu qoraagii Talyaaniga ahaa ee Umberto Eco ka bixiyey su’aal laga weydiiyey afka dadka Yurubiyaanka ah ka dhaxayn kara, isaga oo ku jawaabay afka ka dhaxayn karaa waa tarjumaadda. Kilito waxa uu ku doodayaa in tarjumaaddu kulmiso akhristayaasha dunida oo dhan, isaga oo leh: “In aad wax tarjuntaa waa in akhristayaasha oo dhammi ku aqoonsadaan”. Sidan si la mid ah, Ernest Renan ayaa yidhi: “Qoraalka aan weli la tarjumin waa qoraal aan weli la wada faafin”. 

Sheekofaneedda

Qoraalka sheekofaneedda ee Kilito waxa uu ka soo bilaabmay sawir uu beri hore qaatay. Waxa aan xasuustiisa ka go’in sheeko ku jirta buugga Alfa Laylah wa Laylah. Waa sheekada gabadha jin ee berriga joogta, una diyaargaroobaysa in ay badda quusto, balse sugaysa in ninkeedu tooso si ay u nabadgalyayso. Kilito waxa uu sheekadaa uga dhimbiil qaadanayaa sheekadiisa uu u bixiyey “Wallaahi Tani Waa Sheekadayda”. Sheekadiisan waxa uu soo ergisanayaa dhacdooyinka sheekooyin hore u jiray, balse uu curiskiisa ku qurxinayo. Waxa uu sheekooyin ka soo ergisanayaa sheekada Alf Layl wa Laylah iyo sheekada Aadam iyo geedkii loo diiday cunitaankiisa. Dhaarta cinwaanka sheekada ku jirta waxa uu qiranayaa in uu sheekada soo ergistay, balse uu tebinta casriyeeyey. Waxa aan marna niyaddiisa ka bixin hadalkii Rolland Barthes ee ahaa: “Qoraa kastaa wax buu soo ururiyaa, shaqadiisuna waa in uu dhacdooyinka filiqsan isku keeno”. 

Suugaanyahan

Waxa koowaad ee qoraalka Kilito innagu soo jiidayaa waa qaabka uu u sawiro dhacdooyinka. Xitaa marka uu wax gorfaynayo ama uu masalooyin afka la xidhiidha sharraxayo, uma soo bandhigo qaab la mid ah qaababka aqoonyahanka kale ee afafka. Waxa uu soo bandhigaa tebin heersarraysa oo akhristaha gunta ugu dhaadhacda. Waxa uu isla tebintaas heerka sarraysa ee muuqaalka dhabta ah u eg kusoo gudbinayaa sheekadii Aadam iyo Xaawa, dilkii koowaad ee Haabiil iyo Qaabiil. Waxa uu sheeko ku sawirayaa dhacdada maydkii Ibnu Rushdi oo laga musaafirinayo Maraakish, loona wado magaalada Qurduba (Spain). Waxa uu sawirayaa maydkiisa oo gaadiid la saarayo, lana raacinayo buugaagtii aqoonyahankaas. Waxa uu sheekada kusoo tebinayaa in qofka keliya ee goobjoogga u ahaa musaafirintaasi yahay Ibnu al-Carabi oo dhacdadaas ku dhigay buuggiisa Fatuuxaad al-Makiyah. Waxa uu sheekadiisa ku sawirayaa sida maydka qaadigii Qurduba (Ibnu Rushdi), ahna qofka furfuray falsafaddii Aristotle, loogu musaafiriyey Yurub, wax-soo-saarkiisii aqooneedna loo raaciyey, ka dib markii Carabtu ka horyimaaddeen isaga oo nool. Sheekada waxa ku jira dhacdooyin kale oo uu sawirayo, sida gubiddii buugaagta falsafadda iyo dadka oo Ibnu Rushdi caydhsanaya. Waa sawirka uu ka bixinayo soo afjarankii xadaaraddii [Islaamka] iyo bilawgii baraarugga Yurub oo ka dab qaatay Ibnu Rushdi.

Haddaba, Kilito ma yahay sida Ibnu Batuutihii dunida, bari iyo galbeed, socdaalka ku maray, oo isaguna ma u kala gooshay suugaanta dunida, bari iyo galbeedba? Sideedaba, sida Kilito aaminsanyahay, dhacdooyinka waxa macno u yeela qoraalka iyo diwaangelinta. Socdaalka Ibnu Batuuta macno ma lahaadeen haddii aanu qorin oo aanu quruumihii ka dambeeyey u kaydin, sida aanay dhacdooyinka geesinnimo ee ku jira Don Quixote macno u sameeyeen qoraal la’aan. Wax qiimo ah ma laha waxa aan lasoo tebin oo aanay dadka dambe akhrin. Waxa uu Kilito leeyahay: “Noloshu qiimo ma leh haddii aanay ku jirin dhacdooyin u qalma in la tebiyo”. Sheeko tebinta lafteeda ayaa uu Kilito innagu barayaa falsafadda la dhaqanka gefka aadamaha. 

Ibnu Rushdi iyo Borges

Marka uu Kilito ka hadlayo sharraxa Ibnu Rushdi saaray buugga Aristotle ee “Fanka Suugaanta”, waxa uu soo qaadanayaa hadal uu yidhi Ernest Renan, oo Carabta aad u necbaa. Waa hadalkii uu ninkan Faransiiska ahaa yidhi, ee ahaa: “Sooyaalka Ibnu Rushdi waa gef weyn oo sooyaalka laga galay”. Si dhiirran ayaa uu ninkani meesha uga saarayaa sooyaalkii fikir ee Ibnu Rushdi iyo saamayntii uu ku yeeshay falsadda Yurub. Isla bilawga cutubka ayaa uu Kilito, sidoo kale, soo qaadanayaa nin kale oo Carabta necbaa, waa gabayaagii Talyaaniga ahaa ee Francesco Petrarca, oo diidi jiray in uu isku daweeyo dawo magac carbeed sidata, isaga oo leh: “Nacayb ayaan u qabaa isirkaas oo dhan”. Kilito waxa intaas ka dib gudagalayaa in uu caddeeyo khaladaad uu Ibnu Rushdi ku dhacay marka uu buugga “Fanka Suugaanta” sharraxayo. Waxa uu soo bandhigayaa iska hor imaad ku jira sharraxa iyo mad’madaw fahanka sii fogaynaya. Waxa uu ku doodayaa in aanu Ibnu Rushdi si waafi ah u fahmin ereyada “tragedy” iyo “comedy” oo ah labada erey ee buuggaba udubdhexaadka u ah. Waxa uu ku sababaynayaa in aanay Carabtu aqoon durugsan u lahayn suugaanta Giriigga, Carabtana ay ka dhaadhacsanayd in aan gabayga la tarjumi karin, in buugga “Fanka Suugaanta” ee Carabta soo gaadhay kala dhinnaa iyo in aanay Carabtu aqoon u lahayn masrixiyadda oo uu buuggu ku saabsanyahay. 

Qoraalkiisa waxa uu kusoo gunaanadayaa hadal muujinaya bisayl iyo is dhul dhig, isaga oo leh: “Aniga oo hadalkan qoraya, waxa aan dareemayaa yaxyax. Waxa aan ka xishoonayaa in aan sheegto in aan garanayo wax aanu Ibnu Rushdi ogayn, oo ay ku digasho u muuqato. Balse, cidina ceeb ka saliim ma aha. Waxa aan si hoose isu weydiinayaa, waa maxay gefka aad gashay haddii aad saxday khalad uu Ibnu Rushdi ku dhacay?” Laga yaabee in uu Borges laftiisu weydiintan si hoose isu weydiiyey markii uu qorayay sheekadiisii u dambaysay ee “Raadintii Ibnu Rushd”, oo uu ku sawirayo Ibnu Rushdi, qaadigii Qurduba, oo ku wareersan raadinta macnaha labada erey ee “tragedy” iyo “comedy”, si ay ugu suurogasho in uu sharraxo masrixiyadda Aristotle, balse carruur yaryar oo daaqadda gurigiisa hoos joogaa metelayaan mu’addin iyo dad salaad tukanaya. Sheekada raadintaas Ibnu Rushdi waxa uu Borges kusoo gabagabaynayaa fikrad sooyaalka gashay: “Ibnu Rushdi waxa uu si hoose isugu sheegay in waxa aynnu raadinaynaa inta badan aanu innaga fogayn”. Kilito waxa uu fikraddan ku sidkayaa odhaah uu Franz Kafka xasuus qorkiisa uu ku qoray oo ah: “Inta badan, qofka aynnu meel fog ka eegaynaa, agteenna ayaa uu joogaa”. 

Al-Jaaxid

Qoraaga Kilito ugu dhawaa waa al-Jaaxid, wax badanna qoraalladiisa waa uu gorfeeyey. Waxa uu dhex dabbaalanayaa qoraallada kalaasiga ah ee qoraagan qoray buugaagta “al-Bukhalaa”, “Buugga Xayawaanka” iyo “al-Bayaan Wattabyiin”. Waxa uu inoo soo bandhigayaa qaabkii farshaxamaysnaa ee uu al-Jaaxid ugu xarragoon jiray tebinta sheekooyinka, qarniyo ka hor intaanu Roman Jakobson soo bandhigin shuruudaha sheeko tebinta iyo hadalka. Al-Jaaxid waxa uu si heersare ah u daadihin jiray dhacdooyinka sheekada si uu usoo jeediyo akhristaha. Kilito waxa uu ina xasuusinayaa in aragtida al-Jaaxid kusoo qaadanayo buuggiisa Xayawaanka, ee ah in aan la tarjumi karin gabayga, aanu al-Jaaxid ahayn qofka hadlaya ee aragtidaas leh, balse uu cid kale u tiirinayo, waana hab uu inta badan buugaagtiisa ku adeegsado. Marar badan ayaa uu aragtiyo dhiirran dhex mariyaa shakhsiyado kale, si uu uga nasto dooddeeda. Sida uu Kilito ku doodayo, doodahaas al-Jaaxid waa kuwo kala soocaya tixda aan la tarjumi karin iyo tiraabta falsafadeed ee la tarjumi karo. Al-Jaaxid oo ku raadaysan aftahamada mutakallimiinta iyo luuqadda cilmu-kalaamka, ayaa arrimaha aan loo fiirsan usoo bandhigaya hab dadka maankooda gilgila. Al-Jaaxid waxa uu mar kasta soo bandhigaa wax iyo lidkiisa, waana sababta uu Ibnu Qutaybah ku maagay, balse Kilito waxa uu u arkaa in uu al-Jaaxid habkan ka dhigay fan qoraal. 

Qoraallada Kilito waxa ay ku suntanyihiin in uu qoraalkiisa dhacdo kusoo bandhigo, oo uu halkaas kaga boodo, balse ay mar dambe soo noqoto. Waa hab al-Jaaxid laftiisu ku caan ahaa, ugana dan lahaa in aan akhristuhu ku daalin, waana habka markii dambe ay qaateen al-Hamadani iyo al-Xariiri marka ay qorayeen maqaamaadkooda. Isla habkan waxa adeegsaday Montaigne oo qarnigii 16aad noolaa iyo Borges. Kilito qoraalkiisa waxa uu kusoo qaataa kolba qofkii uu rabo ee suugaanyahan ah, sidii oo uu qofaynayo shakhsiyadda Ibnu al-Qaarix ee ku jira “Risaalatu al-Qufraan” ee uu qoray Abu al-Calaa al-Macarri, shakhsiyaddaas oo Ilaahay ka baryaya in aanu aakhiro illaawin aqoontiisa suugaaneed iyo gabayada uu xifdisanyahay. Isla shakhsiyaddaas oo marka uu jannada galo isku dayaya in uu furfuro masalooyin luuqadeed oo marka uu dhulka joogay ku adkaa. Ibnu al-Qaarix ma illaawayo suugaantii uu akhriyey, sidaa si la mid ah Kalito ma illaawayo suugaanta uu akhriyey, jeer uu noqday suugaanyahanka gorfeeyayaasha. 

 

 

waxaa laga soo trujumay majaladda al-Jaddaliya.