Friday 22 November 2024
Waxa Af Ingiriisi ka soo turjumay Cabdicasiis Guudcadde.
Sida ay dhigayso falsafadda Ubuntu, oo ku aroorta Afrikadii qadiimka ahayd, ilmaha yar ee dhashaa ma aha qof iskii u jira. Dadku waxa ay dhashaan iyaga oo aan lahayn ‘ena’ ama wax “aniga” ah, hadhow bay se yeeshaan kolka ay nolosha la falgalaan ee waaya’aragnimo ka taransadaan. Sidaa darteed kalasoocidda “aniga/iyaga” ee fekerka reer Galbeedka lamataabtaanka ka ahi ku ma kala saafsana falsafadda Ubuntu. Maxaa yeelay, sida uu filasoofka reer Kiiniya ee John Mbiti ku dhigay buuggiisa African Religions and Philosophy (1975), “Anigu waxaan ku jiraa in aynu innagu jirno, in aynu innagu jirno darteed baan aniguna u jiraa.”
Tijaabada nolosha maalinlaha ah waxaynu ka barannay in qofku uu qayb ahaan is daadraaciyo xaaladaha arrintaa ku qasbaya ee mujtamaca. Xidhiidhada waxa laga dheefaa isfahan. Cidda aan ahay waxay ku xidhan tahay “cido kale”: qoyskayga, saaxiibbaday, dhaqankayga, dadka aannu wada shaqayno. Shakhsiyadda aan suuqa la tago kolka aan soo adeeganayaa, bilmetel, habdhaqan ahaan way ka duwan tahay shakhsiyadda aan kula hadlo macallinka igu kormeeraya halka aan hawshii PhD-da marinayo. Xataa fekerradayda gaarka ah ee shakhsiga ahi waxay ku milan yihiin si-u-aragga iyo codadka dadyaw kala duwan, hadday yihiin kuwo isku si wax iila arka, kuwo i dhaliilsan, iyo kuwo i bogaadiyaba.
Sidaas oo ay tahay, fekradda ku saabsan “shakhsiyadda” aan sugnayn ee aan qeexnayni waa mid walaac leh. Deggananaan-la’aantanna waxaynu, inteeda badan, u aanayn karnaa Reenee Diikaart (René Descartes). Filasoofkan reer Faransiis ee qarnigii 17aad noolaa wuxuu rumaysnaa in insaanku uu yahay mid naftiisa ku kooban oo isku filan; in uu yahay mid asal ahaan caqlaani ah oo maankiisu hago, dunida naftiisa ka baxsanna uu ku wajahi karo shaki iyo hubsiimo. In kasta oo aanu Diikaart keligii dejinin sida loo arkayo garaadka casriga ah, misana wuxuu si weyn uga shaqeeyay qeexidda soohdimaheeda.
Diikaart wuxuu isku xujeeyay halxidhaale gaar ah oo ay tahay in uu furfuro. Wuxuu damacsanaa in uu helo habfeker sugan oo lagu qiimayn karo dunida iyada oo aan la isku hallaynayn xigmado Eebbe ka yimi; kaas oo ah bar uu ku kala sooci karo qaabdhismeedka sugan ee ku dahan shaacsanaha isgedgeddiga badan ee dabeecadda. Laakiin Diikaart wuxuu rumaysnaa in uu jiro wax la isku doorinayo oo u dhexeeya hubantida iyo nooc hodannimo bulsheed ama caalam ah. Wuxuu dhigay in waxa keli ah ee la hubi karaa uu yahay ogaalka (cogito)—xaqiiqada ah in aad fekeraysid. Dadka kale iyo walxaha kale waxay u samaysan yihiin in ay midabeeyaan oo aan la malaysan karin. Sidaa darteed, ma jiro wax alla wax u gala qodobbada koobsada ogaanshaha nafta, oo ah dhammaysnaan is haysata kana baxsan waayaha kale, sifadeeda ugu muhiimsanina ay fekerid tahay.
Aad bay u yar yihiin filasoofyada iyo kasmanafeedyahannada qaba aragtidaa labaaleyda ah ee Diikaart, kolka la fiiriyo in caqliga iyo walaxdu ay gebi ahaanba kala saaran yihiin. Hasayeeshee ogaalka Diikaartiga ahi maanta meeshii aad eegtaba wuu yaallaa. Tusaale ahaan, tijaabooyinka loogu talagalay shirrabaadda xasuustu waxay inta badan ka duulaan malaha ah in ay suuragal tahay in si fiiqan loo kala sooco nafta iyo dunida ku hareeraysan. Haddii xasuustu ay keli ah taallo madaxa qofka, markaa waxa la hindisoon karaa in qofka laga kaxeeyo degaankiisa iyo xidhiidhadiisa maalinlaha ah oo bal la eego in uu wax xasuusan karo iyadoo lagu qiimaynayo shaashado ama kaadhadh la dhigay qolka shaybaadhka ee macmalka ah. Qofka waxa loo arkayaa, markaa, jiraal iskii u taagan oo aanay waxba ka gelin degaanka hareerihiisa, oo maskaxdiisa ugu xardhan sidii oo ay yihiin taxane habfekerro ah oo ku daabacan. Xasuustu waa in ay noqoto keli ah wax aad haysato, ee aanay noqon wax aad samaysid marka aad waayo gaar ah dhex joogtid.
Kasmanafeedda bulshadu waxay ku andacootaa in ay qiimaynayso xidhiidhka u dhexeeya garashada iyo bulshada. Laakiin xataa hadday sidaa tahay, baadhitaanku wuxuu inta badan ka duulaa malaha ah in aragtida Diikaartiga ah ee wadareed ay tahay barta ay dhab ahaan tahay in diiraddu qabato, oo waxba ka ma soo qaado shakhsiyadaha la barbaaraya ee la taddawuraya dadka kale. Sannadihii 1960nadii ayay kasmanafeedyahannada reer Maraykan ee Johnd Darley iyo Bibb Latané aad u daneeyeen dilkii Kitty Genovese, oo ahayd haweenay da’ yar oo caddaan ah oo habeen iyadoo gurigeeda Niyuu Yoog ku sii socoto inta la jugeeyay la toorriyeeyay. Dad badan ayaa markhaati ka ahaa faldenbiyeedku kolkii uu dhacayay, haddana u may gurman. Darley iyo Latané waxay dejiyeen tijaabooyin taxane ah oo ay ku abuureen masiibo macmal ah, sida qof suuxdin kedis ahi ku soo boodday ama qiiq ka soo baxaya qolka kugu xiga, si ay u dhugtaan waxa dadku ay kaga falceliyaan. Waxay ahaayeen ciddii ugu horraysay ee qeexda waxa loo yaqaan “eelka daawashada (bystander effect)” oo tibaaxaya in dadku aanay si degdeg ah ugu gurman qof dhibaataysan haddii ay meesha cid kale ka ag dhowdahay.
Darley iyo Latané waxay soo jeediyeen in arrintan sababteedu noqon karto “masuuliyaddii oo baahday” oo kolka dad badani meesha tuban yihiin waxa dhexdooda ku badhxaya xilkii ku aaddanaa in wax la sameeyo. Hasayeeshee, sida uu kasmanafeedyahanka reer Maraykan ee Frances Cherry ku soo bandhigay buuggiisa The Stubborn Particulars of Social Psychology: Essays on the Research Process (1995), in qisadan oo kale sidaa loo fiiriyaa waxay raadtiraysaa macluumaad muhiim ahaa oo la xidhiidha waayaha ay dhacdadu ku soo aadday si loo furdaamiyo waxa dhab ahaan dadka dabada ka riixa. Dilka Genovese, ayuu Cherry ku dooday, waa in lagu dhex akhriyo waayo xadgudubka dumarka ka dhanka ah aan waxba laga soo qaadin, oo ay dhici karto in sababta ay dadku uga qaban waayeenba ay tahay in ay u arkayeen muran qoys oo ay tahay in aanay dhex gelin. Sidaas oo kale ayaa dilka gabadh madow oo sabool ahna aanay cidi u xaalayseen, oo inta kaa hore ka hadashay xataa isku may hawsheen. Laakiin Darley iyo Latané waxay diiradda saarayaan meel aan hoos u eegayn qodobbada qaabdhismeedka mujtamaca ku aroora ee arrinta saamayn karey.
Miyuu jiraa hab la isugu soo dhawayn karo labadan aragtiyood ee nafta/shakhsiyadda ku aaddan—midda qabta shakhsiyad xidhiidho leh oo dunida ku sidkan, iyo ta qabta shakhsiyad madax bannaan oo iyadu isku go’doonsan? Filasoofkii qarnigii 20aad ee reer Ruush, Mikhail Bakhtin, wuxuu rumaysnaa in jawaabtu ay ku jirto wadasheekaysiga. Dadka kale waxaynu ugu baahannahay si aynu jiraalkeenna u qiimayno oo u dhisanno suurad-nafsadeed sugan. Bal ka feker kolka aad aragtid gabayaa si fiican u sawiray qodob aad dareensanayd balse aanad weligaa isku dubbaridin; ama adigoo garan la’ si aad fekerkaaga u dhigto, kolkii aad saaxiibkaa la sheekaysatay ay wax kuu kala baxeen oo fekraddii kuu fadhiisatay. Bakhtin wuxuu qabey in kolka aad qof kale kulantaan oo keli ah ay kuu suuragelayso in aad habfekerkaaga jaadgoonida ah yaqiinsatid oo aad naftaada u aragtid jiraal iskii u taagan. ‘Kolka aan isku eego shaashadda ruux kale, waxa nololi ay gashaa dubkayga,’ ayuu yidhi. Qofnimada iyo aqoontuba intaa way is dhalanrogayaan oo is gedgeddiyayaan; qofnimadu marna ma soo afjaranto—waa buug furan.
Sidaa awgeed, xaqiiqadu ma aha wax halkaa taalla oo inaga sugaysa in aynu daaha ka soo rogno. “Xaqiiqadu ku ma dhalato laga mana helo madaxa qof shakhsi ah, waxay ka dhex dhalataa dad xaqiiqada wada raadinaya, oo si wadasheekaysi ah isula falgelaya,” ayuu Bakhtin ku qoray buuggiisa Problems of Dostoyevsky’s Poetics (1929). Waxna aayar iskii iska ma aha, oo ka ma baxsana xidhiidhada uu waxaasi ka dhex muuqdo. Taa beddelkeeda, jiristu waa fal ama dhacdo ka dhex suuragasha fakaagga u dhexeeya nafta iyo dunida ku hareeraysan.
In la aqbalo in dadka kale ay muhiim u yihiin isdhaadisteennu waa qodob saxaya iimaha ay leedahay aragtida Diikaart. Bal u fiirso farqiga u dhexeeya labadan aragtiyood ee kasmanafeedda dhallaanka. Midi waa aragtida korriinka garaadka ee Jean Piaget oo korriinka shakhsiga ku eegaysa indho Diikaartiyaysan, una aragta dibuqaabaysan ku yimaadda hannaanka maskaxeed. Ilmaha yar ee koraya waxay u sawiraysaa in uu keligii wax baranayo, oo uu yahay sidii saynisyahan wax ikhtiraacaya, oo si madax bannaan ula halgamaya in uu micnaysto dunida ku hareeraysan. Taa lidkeeda, aragtiyaha “wadasheekaysiyeed” ee ay salka u dhigeen tijaabooyin ay ka mid tahay middii ay 1990 samaysay Lisa Freund ee “deraasadda caruusadda (doll house study),” waxay xoogga saarayaan falgalka dhex mara carruurta iyo dadka waaweyn oo iyagu “badhitaar” ama “sakhaalad (scaffolding)” u noqda sida ilmaha yari dunida u fahmayo.
Tusaale kale oo murugo leh wax noqon kara qolalka seelada ee xabsiyada. Ciqaabtan waxa bilawgii looga dan lahaa in qofka ay ku ilhaamiso in uu waqti isu helo oo maxbuusku uu isla shawro isla markaana dib u jeedaaliyo denbiyadii uu galay si isaga oo ka shalleeyay oo xalaydhalay ka ah loogu soo celiyo bulshada. Taas oo ah siyaasadda ugu habboon ee lagu dabbiqi karo qof loo arko in uu u abuuran yahay sidii Diikaart qabey. Hasayeeshee, sida dhabta ah deraasadaha lagu sameeyay maxaabiista noocaas loo galaa waxay muujiyeen in dareenkii maxbuusku naftiisa ka haystay uu milmo haddii muddo dheer sidaa loo ciqaabo. Maxaabiistani waxay inta badan la kulmaan culaysyo jidhka iyo nafsaddaba ka wareema, sida jahawareer, walaac, hurdayari, dhinnaansho ay dareemaan, iyo micnihii waqtiga oo ka khalkhala. Haddii qofka laga xarrimo xidhiidhka iyo falgalka dadka kale—kaas oo ah isha debadeed ee qofku uu ugu baahan yahay in uu ku dhammaystiro kuna sii joogteeyo suuradda uu naftiisa ka qaadanayo—waxa uu halis ugu sugan yahay in ku baabba’o oo jiritaankiisa ku waayo.
Maaddooyinka cusub ee garaadka jidhaysan iyo garaadka meelmarsan (embodied and enactive cognition) ayaa u jihaysmay in ay si dhab ah u qiimeeyaan aragtida wadasheekaysiyeed ee nafsadda/shakhsiyadda. Laakiin meelo badan kolka la fiirsho, kasmanafeedda cilmiyeed (scientific psychology) waxa aad uga go’an in ay qaadato malaha ay ku dhisan tahay aragtida Diikaariga ah ee goynaysa xadhigga isku xidha nafta/shakhsiyadda iyo dadka kale. Waxa jirta odhaah ay leedahay bulshada Zulu, “Umuntu ngumuntu ngabantu,” oo micnaheedu yahay “qofku wuxuu qof ku yahay qofafka kale.” Tani waa maragfur, sida aan qabo, ka hodansan oo ka duluc fiican weedhii [Diikaart ee ahayd] “Waan fekeraa, sidaa darteed waan jiraa.”