Thursday 21 November 2024
Xilligan ay Israa’iil xasuuqayso Qasa, buugga Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan ee Faanon ku saabsani wuxuu inagu baraarujinayaa kaalinta kasmanafeeddu ka ciyaari karto iska-caabbinta nidaamyada cabbudhiska.
Barofeesar Xuseen Cabdillaahi Bulxan waa kasmanafeedyahan cunsuriyad-diid mar-la-arag ah oo muddo badan kansi kaydsan ahaa. Waxqabadkiisu il buu ii yahay aan ka dhinbiilqaato, fekerradiisa dayaankooda iyo raadkoodana waa laga dheehan karaa qoraalladayda, wax-dhigistayda iyo habdhaqankaygaba. Haddana, waa ayaandarro e, aqoonyahannada cunsuriyad-diidka ah iyo mihnadlayaasha caafimaadka dhimirka ee Dunida Waqooyi inta badan waxba ka ma hoos qaadaan oo waxqabadkiisa ma daneeyaanba. Arrintaasi waa in ay is beddeshaa, illeen ugu yaraan maanta waxaynu joognaa duni ay dib ugu soo noolaatay aqbalaaddii “libaraalsanayd” ee gumaysiga xoogga dhulka ku dega, taas oo mihnaddan aannu ku fooggannahay si weyn u saamaysay. Nasiibdarro, si waaddix ah ayay u muuqataa gacanta ay mihnadlayaasha caafimaadka dhimirku ku leeyihiin imbiriyaalidda. Marka xilli kalaba laga yimaaddo, maanta ayaa aad loogu baahan yahay in kor loo soo qaado waxqabadka barofeesarkan asaasay Jaamacadda Frantz Fanon ee Hargeysa.
Buugga wanaagsan saamayntiisu waa markiiba. Laakiin buugga weyni waqtiga ayuu iska xejiyaa, wuxuuna inooga baahdaa in aynu dib u akhrinno oo dib ula falgallo aragtiyihiisa, oo marba micnayaal hor leh ayaynu erayadiisa kala soo dhex baxnaa. Buugga Dr. Bulxan ee Frantz Fanon and the Psychology of Oppression wuxuu ka mid yahay kuwa noocaas ah. Maanta wuu la jaanqaadayaa, maxaa yeelay kiishka ay agabyadu ugu jiraan nidaamyada dulmiga iyo waayaha saacidaaba ay si baaxad leh ayay isu dooriyeen (hadday noqoto ilbaadsiga dawladaha, garaadka gacan-ku-rimiska ah, iyo bulshooyinka oo la kala irdheeyo). Bulxan wuxuu si heer sarraysa isu dhex gelinayaa taariikh-nololeeddii Faanon (oo uu macluumaadka ka soo helayo gacanta kowaad oo qoyskiisa ah), iyo kala-dhigdhigis uu ku samaynayo kaalintii ay reer galbeedku ku lahaayeen nidaamyadii dulmiga ee miciyaystay. Isku-xidhkaas xirfadaysan ee uu ku samaynayo taariikh-nololeedda iyo qiimaynta qotada dheer ee waxqabadkii Faanon, isaga oo isla markaa mooqifkiisa iyo lafagurkiisa joogtaynaya, ayaa Bulxan u suuragelinaya in uu kala saafo sida ay noqon karto maaddada kasmanafeeddu kolka ay dhab u xorawdo.
Bulxan wuxuu hawsha ka bilaabayaa in uu daaqad innaga tuso noloshii Faanon. Waxaynu, bilmetel, ka baranaynaa sidii uu Faanon ugu mayal adkaa in uu xaqdarrada diido—taas oo ah tilmaan sharfan oo ilaa maanta dadka aan caddaanka ahayn lagu khuukhiyo. Sifadaas ayaa ku qaadday in uu Faransiiska u safto oo uu Naasiyiinta la dagaallamo; kolkii danbe uu Aljeeriyaanka la safto oo uu isla Faransiiska la dagaallamo. Aqoonyahannada qaar ayaa maanta isku daya in ay Faraanz Faanon “dhufaanaan” oo ka dhigaan in uu aqbalaad libaraalaysan lahaa ama ay qisadiisa iyo dhaxalkiisa gacan-togaaleeya si ay tooda ugu meelmarsadaan. Mararka qaarna waxaba la arkaa tu kaloo ka sii daran oo ah in ay ku andacoodaan in uu oggolaan lahaa mashruuca gumaysiga dhul-qabsiga leh ee Sahyuuniyadda. Kolka se si qoto dheer loo derso noloshiisii, ee la kaashado Bulxan iyo maragfurkii Josie Faanon (afadii Faraanz), waxaynu ku baraarugaynaa macnadarrada sheegashadaas. Faanon marna u ma uu loodsami jirin dulmiga.
Bulxan waxaynu ka baranaynaa in Faanon uu hooyadii u qirtay ciilkaanbi haysta: in uu u dagaallamay isla dadka bahdilaaddiisa ku fooggan (Faransiiska). Qodobkani waa u muhiim korriinka Faraanz Faanon, wuxuuna daaqad caaddifadeed innaga tusayaa waaya’aragnimada ay ku dhex jiraan tirayarta la cunsuriyadeeyo ee Dunida Waqooyi ku dhaqan ee ilaa hadda ku dhex jira haayadaha dalalkaas.
Werinta Bulxan waxaynu ku ogaanaynaa xidhiidhkii Faraanz iyo hooyadii ka dhexeeyay. Hooyadii waxay waraaqaha ay ubadkeeda kale u dirto ku soo xidhi jirtay “Hooyadaa oo kuu ducaynaysa,” hasayeeshee dhanbaallada ay Faraanz u dirayso waxay ku soo afmeeri jirtay, “Hooyadaa oo kaa barbar dagaallamaysa.” Faraanz Faanon marna hooyadii ma ay dayrin, sida ay qabtey aragtidii xilligaa shaacsanayd ee dhigaysay in sababta uu fallaagada u noqday ay tahay mid nafsadeed oo hooyadii ku beertay. Waxay tani u eg tahay aragtiyaha aynu ka maqallo da’yarta Muslimiinta ah ee isu hura in ay la halgamaan nidaamyada dulmiga ee debadaha ka jira. Kacaanyahannada rabitaankooda xooggan waxa inta badan laga dhigaa in ay la xidhiidho sidii hooyadood ula dhaqantay. Laakiin rabitaanka ku aaddan in dulmiga la diidaa ma aha caadadhaaf nafsadeed (psychological aberration), waa se mashruuc siyaasadeed oo qofku isaga oo ku baraarugsan uu qaatay.
Bulxan wuxuu dabadeed u gelayaa kasmanafeedda casriga isaga oo dul istaagaya qodob ay badi kasmanafeedyahannadu iska indho tiraan: in Dunida Waqooyi ay caalamka ku amar-ku-taaglayso. Naqdiska Bulxan ee ku aaddan kasmanafeedda Yurubaysani wuxuu ku dhex tolan yahay lafagurkiisa Faanon, oo labada qodobba wuu is dhex gelinayaa. Sida uu Bulxan tilmaamayo: “Dabcan, waxa dhici karta in cirweynidii dadyawga kale cagta marisay ee khayraadkii dunida afka u dhigatay, ay iyadu is cunto inta aanay hawada sare gacan ku dhigin. Sidaas oo ay tahay, bal maxay kasmanafeedyahannadu ka dhaheen ama ka qabteen bahaloobiddan taariikheed iyo isqudhgoynta suuragalka ah ee ku lammaan?”
Jawaabta Bulxan waxay sida la filan karo ku dhisan tahay Faanon—u mana aha sookoobis ee waaba u balballaadhin. Wuxuu samaynayaa lafagur laxaad leh oo wax ka dhuroobayaan, isaga oo ku dul dhisaya si uga gungaadho aragtidiisa ku aaddan kasmanafeedda gobannimada. Bulxan wuxuu kala dhigdhigayaa saddex qodob oo ay tahay in kasmanafeedyahannadu ku tallaabsadaan si ay uga xoroobaan cunaqabadka muquuninta: in mar kale aad hoosta looga xarriiqo bedqabka wadareed, baahiyaheenna, iyo awoodsiinta. Waxaan si kooban isugu deyayaa in aan faahfaahiyo sida fekradahani u saameeyeen waxqabadkayga iyo sababta ay muhiim ugu yihiin Qasa.
Ugu horrayn, Bulxan wuxuu sugayaa in aynu ka wareegno carrab-ku-adkaynta kelinnimada oo aynu diiradda u leexinno bedqabka wadareed. Qiraalkani wuxuu u muuqan karaa wax iska caadyaal ah; oo waxa la odhan karaa bedqabka wadareed waaba mabda’ ay kasmanafeedyahannada ku baraarugsan qodobbada bulsheed ay soo jeediyaan in lagu dhegganaado. Hasayeeshee, kasmanafeeddu maanta waxay u afduuban tahay daneeyayaal iyo xagjirro “libaraaliyiinta cusub” ah oo keli-toocsaday siyaasad-dejinta, karkabada iyo kadeedka dhacana shakhsiyadeeya oo wax qofka ku kooban ka dhiga. Taa darteed, adeegyadii caafimaadka guud ilaa hadda waxay si weyn mudnaanta u siiyaan caafimaadka dhimirka ee qofka oo lagu salaynayo awoodda uu u leeyahay in uu shaqeeyo oo noqdo muwaaddin waxsoosaar leh, oo danba laga ma galaan in uu yahay insaan caafimaadqaba.
Kasmanafeedyahannadan ka cagajiida kahadalka adeegyada caafimaadka guudi waxay inta badan ku qasbanaadaan in ay ka shaqeeyaan xarumaha baanashada nafsadeed (therapy) ee gaarka loo leeyahay ee aadka wax u shakhsiyadeeya, dabaqadda dhexana u xagliya. Xaaladdani waxay ku sii daran tahay dadka aan caddaanka ahayn. Bedqabka wadareed wuu ka xanniban yahay dadyawga tirayarta ah ee la cunsuriyadeeyo, sida Muslimiinta; geeddiga lagu dala’sadaana wuxuu ku hawlgalaa xayndaabka aqbalaadda libaraaliyaysan—sida argagaxisa-la-dirirka. Sidaa awgeed, iyadoo qof Muslin ah oo aan denbi lahayn lagu qaban karo oo lagu fetishi karo madaarrada iyadoo la raacayo xeerarka argagaxisa-la-dirika, oo sidaas loogu xadgudbi karo, ayaa haddana la sameeyaa iyadoo lagu marmarsiyoonayo in ay danta guud sidaa loo yeelayo. In gef kasta oo gaar ah baanasho shakhsiyadaysan loo sameeyaa waxay indhaha ka lalinaysaa eelka uu cunfiga wadareed kaga tago Muslimiinta. Waa mushkilad nidaamka la xidhiidha oo xididaysan ee ma aha mid shakhsi ah. Tusaalaha ugu habbooni waa dadweynaha reer Qasa ee sida wadarta ah uu u dadnima-tirayo taliska midabtakoorka ee Sahyuunigu. Bedqabkooda wadareed waxa ku xidhan in laga xoreeyo Sahyuuniyadda, ee xalkiisu ma aha in loo qabto kulanno baanasho nafsadeed ah oo aad loo shakhsiyadeeyay oo “doogta nafsadeed” lagaga dhayo, sida ay Dr. Samaax Jabr ku doodday.
Mar-labaadka, waa in aynu diiraddeenna ka leexinno qariisadda—oo dabcan laga soo dhiraandhiriyo mad’habta lafagurka nafsadeed, misana noqon karta wax kasta oo xoogga saara samayska nafsadeed ee qofka—oo aynu mudnaanta siinnaa baahiyaha. Halkan wuxuu Bulxan si gaar ah xoogga u sii saarayaa baahiyada loo qabo aaya-ka-taliska. In baahiyaha diiradda la saaro ee aan qariisadda la isku hawlini waa muhiim.
Bulxan, oo baadhistiisa ku dul dhisaya Faanon, wuxuu i xasuusiyaa in aan xisaabta ku darsado waayaha dhabta ah ee uu la nool yahay qofkan i hor fadhiyaa. Waxay weliba tani aad u sii khusaysaa Muslimiinta ay dawladda iyo haayadaheeda kala geddisani ay ku xadgudbeen ee hagradeen. Kasmanafeeddu xidhiidh dheer oo sugan ayay la lahayd dadyawga maamulladu u arkaan kuwo ka baxsan muwaaddinnimada. Hasayeeshee, kolka la fiirsho udubdhexaadka halgankooda, waxaan mar kasta hoosta ka xarriiqaa baahiyaha aan la gufayn ee ku bulaala marka lagu jiro muwaaddinnimada derajada labaad. Baahiyada xaqsoorka. Baahida islaxisaabtanka. Iyo ta u daran oo ah baahiyada aaya-ka-taliska; in qofku aayihiisa go’aan ka gaadho isaga oo ka baxsan gacanta iyo ilbaadsiga dawladda. In baahiyahan lagu soo koobo xayndaabka kasmanafeedda—oo lagu soo urursho xanaaqa, walaaca iyo qulubka—waxay ka dhigan tahay in halkii kaynta dhan la arki lahaa, gaar-gaar loogu fiirsado geedaha ka taagtaagan. Qoraalka Bulxan wuxuu si weyn inoo xasuusinayaa in aynu iska caabbinno iilashada ah in qaddiyadaha waaweyn ee lafta iyo ludkaba taabanaya lagu soo ururiyo xayndaabka kasmanafeedda oo la shakhsiyadeeyo.
Ta saddexaad, Bulxan wuxuu ku doodayaa in aynu diiradda ka wareejinno fekradda ah toostoosinta (adjustment) oo aynu xoogga saarno awoodsiinta (empowerment). In badan ayay baanashada nafsadeed ahayd badeeco siyaasadeed oo qofafka ka gacansiisa sidii ay ula qabsan lahaayeen isulana toosin lahaayeen nidaamkan hagraday. Qodobkan uu Bulxan taa ku beddelayo ee awoodsiintu ma aha kii libaraaliyiinta cusubi wadwadi jireen ee “adkaysi”—oo laga wadey in qofka “awood loo siiyo” in uu aafooyinka nolosha ka adkaado. Taa lidkeeda, fekerkani waa baaq ku aaddan in laga gudbo xayndaabka baanashada. Bulxan wuxuu ku soo ururinayaa gobo’da abbaartiisa: “Shaqada nafsadeed ee lala qabanayo dulmanuhu waa in ay mudnaanta kowaad siisaa qabashada hawlo abaabulan oo wadareed oo dib loogu soo ceshanayo talada iyo xorriyadda” (b. 276). Fal abaabulan, lagu baraarugsan yahay isla markaana wadajir loo qabtaa waa in uu ka horreeyaa hawsha baanashada. Qodobka ugu muhiimsan ee aan ka faa’iday Bulxan, waxqabadkaygana aad uga muuqdaa, waa xoogga uu saarayo awoodsiinta. Wuxuu baahida loo qabo ku soo koobayaa su’aalo taxan oo ay tahay in kasmanafeedyahan kastaa is wayddiiyo:
“Kaba soo qaad in qof dulmanayaasha ka mid ahi uu soo raadsado baanasho nafsadeed dabadeed la siiyo, oo ballamuhu sidoodii u socdaan, geeddigii baanashaduna uu sidii loo qorsheeyay u socdo, bal maxaa isbeddel dhab ah oo laga filanayaa? Ma waanay guul la taaban karo ahayn haddii ugu yaraan la khafiifiyo ba’naantii calaamadaha jirrada oo habdhaqankii isduminta ahaa la beddelo intii baanashada nafsadeed socotay? Sidaas oo kale, ma noqonaysaa in nadaamka bulsheed ee jira loo tanaasulay haddii toostoosin lagu dayo? Ma macquul baa in baanashada nafsadeed lagu sheego in ay ku habboon tahay uuna u baahan yahay bukaan hebel, innaga oo ka gaabsanayna xaaladda lagu jiro ee cadaadiska iyo dulmiga ku haysa qofkaa? Markaa, baanashada nafsadeed saw noqon maayo agab bulshada lagu maamulo, halkii uu ka noqon lahaa mid isbeddel bulsheed lagu dhaliyo? Haddii taasi dhacdo, ma waxa jiraya hab lagu kaalin karo shakhsigan dhibbanaha ah oo lagula tacaalo mushkiladiisa taagan ee gaarka ah aadkana ugu culus, iyada oo aan wax loo dhimayn hadafkii wadarta?”
Maaddaama aan ahay kasmanafeedyahan cunsuriyad-diid ah oo inta badan la shaqeeya shakhsiyaad lagu beegsado cunfiga dawladda, laamaha ammaanka iyo socdaalka, su’aalahani waa kuwo aan mar kasta is wayddiiyo. Tusaale ahaan, marka aan arko qof macmiil ii ah oo xadgudub ka tirsanaya booliska, miyay igu filan tahay in aan ka saacido “doogtiisa nafsadeed,” mise waxa jira wax aan ka ilduufayo haddii aan wax ka qabto cawaaqibta daran ee ka dhalatay kantaroolidda bulsheed ee ba’an ee bulshooyinka la cunsuriyadeeyaa ku dhex dhibban yihiin?
Awoodsiintu waa in qofka macmiilka ah la awood loo siiyo in uu dejisto ama raadsado qaabdhismeed uu bedqab ku dareemi karo. Ka warran haddii aanay qaabdhismeedyadani jirinba? Markaa, waa halkan meesha uu soo gelayo halganka hawlgelinta manhajka Faanon ee ku aaddan waxyaabaha ay bulshadu abuurto: qiso kastaa waxay si u gaar ah debadda ugu soo saartaa xaddidaadaha awooddeenna iyo xorriyaddeenna wadareed. Sidaa awgeed, qisooyinkoodu waxay noqonayaan kuwo micne leh, oo aan naftooda micnaha u samaynayn e, sidoo kale hage u noqonaya baadhista iyo caabbinta qaabdhismeedyada dulmiga. Tallaabadan awoodsiintu markaa way ka mudan tahay baanashada lafteeda. Hubaalna waxa ah, baanashadu waa uun agab la iskaga indhatiro muhiimadda ay waxyaabaha bulshadu abuurtaa u leeyihiin karkabada iyo kadeedka.
Arrintani waxay weliba aad u qabanaysaa Falasdiin. Waxaan dhawaan baraha bulshada kaga dooday in kasmanafeedyahannada isha ku haya xasuuqa Qasa ee la soo haliilaya in ay “nafsad ahaan baantaan” ay dhibaatada qayb ka yihiin. Kasmanafeedyahan bulsheed oo reer Maraykan ah ayaa qodobkaygaa kaga jawaabay in dadka qaar ay wixii karaankooda ah samaynayaan, ee aan ku talaxtegay. Laakiin waaba isla arrinka uu Bulxan inaga rabo in aynu u fiirsanno: baaqa waaddixa ah ee ku aaddan xoraynta Falasdiin dhab ahaan ma masalo baanashada nafsadeed ku saabsan baa? Haddii aynu ku soo celcelinno baanashada nafsadeed, ma waxay taasi inaga dedaysaa baahida loo qabo in si wadareed la isu abaabulo oo looga hortago noocyada gumaysiga, oo Sahyuuiyaddu ka mid tahay?
Haddii ay dhab inaga tahay dulmi-diidnimadu, waxa inagu waajib ah in aynu raacno raadkii Faanon iyo Bulxan, oo garwaaqsanno in halganka xaqa iyo xorriyadda loo gelayaa uu ka mudan yahay ayna tahay in uu ka horreeyo baanashada. Waa milicsi kooban oo aan ku eegay waxqabadka Bulxan, laakiin la arkee in aan buug ka qoro isku soo xoorinaya shidaalsiintiisa badan ee aan ka helay. Buuggiisan weyni waa taariikh-nololeed, waa naqdis ka dhan ah kasmanafeedda casriga, iyo tusaale mudan oo ku aaddan soo-faqidda siyaasadda tan iyo weligeed dhex qaadaysay maaddada caafimaadka dhimirka.