Skip to main content

Friday 20 September 2024

Sheeko

Keen hal shilin!

12 June, 2024
Image
 Dayib Saalax
Dayib Saalax . February 18, 2009 (waxa qaaday: Ashraf Shazly/AFP)
Share
Sheekadan waxa qoray qoraaga reer Suudaan ee Caalamiga ah al-Dayib Saalax, mar uu Soomaaliya yimi.

Maalintii koowaad ba waxa jidka ii istaagay nin jooggiisu dhexdhexaad yahay, oo badhtamihii cimriga ku jira, sansaanka wejigiisuna uu aad u kala qoran yahay. Waxa la mooda inuu u dhashay beesha bani Caamir, ee bariga Suudaan, waayo dhiiggiisa Xaamiga ah iyo kiisa Saamiga ah ayaa isu miisaaman. Wax cudur ah ma qabo, indhihiisana wax liidnimo, ama qabjab ahi kama muuqdaan.

Xaggayga ayuu u soo dhaqaaqay, sidii qof i sugayay. Inta uu ii fiiriyay si dhiirran, oo xishooddarro u dhow, ayuu igu yidhi: "Suudaanigoow keen hal shilin!" Waan siiyay wixii uu i weydiistay, waanan u tiriyay aniga oo aan waxna ugu darin, waxna ka dhimin: sidii oo aan ahay nin dayn iska bixinaya, ama nadar iska oofinaya, ama danbi iska gudaya. Sidaas ayaan kula dhaqmayay dhammaan intii aan goobtan joogay. Xataa markii aan u wareegay hoteelka (Croce del Sud) wuu iga daba yimi, waayo kumay adkayn inuu garto meesha aan u guuray. 

Muu ahayn dawarsade, balse wuxuu ahaa xaq doon! Si qunyar ah ayuu u soo geli jiray, dadka qaarkood ayuu salaami jiray, ama wuu iska fadhiisan jiray, ama qaxwe ayuu dalban jiray. Ila muu hadli jirin, iimana uu mahadnaqi jirin, keliya (xaqiisa) ayuu qaadan jiray, isaga oo aan wax abaal ah ii haynin. Magacayga muu garanayn, shaqadaydana muu garanayn, aniguna maan weydiinnin magaciisa iyo shaqadiisa toona.  Wuxuu ahaa shaqobeel shaki la'aan. Keliya wuxuu garanayay inaan Suudaani ahay, oo aanan ahayn Ingiriis, Faransiis, ama Talyaani; oo ah dadkii sababay bilawga dhibaatiisa. Maya, sida oo kale maan ahayn Siyaad Barre, oo ah qofka masuulka tooska ah ka ah shaqala'aantiisa imika. 

Maxaan siiyay? Dhawr shilin. Ma filayo dhammaan muddadii aan joogay inuu iga qaatay wax ka badan 10 doollar. Jidkiisa ayuu raaci jiray, aniguna jidkayga ayaan raaci jiray. Mararka qaarkood waxaan ku arki jiray masaajidka u dhow hoteelka, salaadda cishaa'i. Waan jeclaa inaan cishaa'iga ku tukado masaajidkan. Codka iimaamku wuxuu ahaa mid hilow iyo murug leh, wuxuu Quraanka ku akhriyi jiray luuqda Warash.

Waxaan ku arki jiray masaajidka isaga oo dhar nadiif ah xidhan, oo xaragoonaya, oo guntan macaws Yamani ah, madaxana ay u saaran tahay koofiyadda Soomaalidu caanka ku tahay. Halkan markuu joogo wuu iskay moogaysiiyaa, sidii qof aan i garanayn. Halkan markuu joogo waa qof kale. Waa qof aan ku jirin gacanta Maraykanka, ta Ingiriiska, ta Faransiiska, ama ta Siyaad Barre. Markuu halkan joogo xaqiiqada naftiisa ayuu og yahay. Wuxuu ku jiraa gacanta Eebbaha wuxuu bixiyo aanay cidi baajin karin, wuxuu baajiyana aanay cidi bixin karin. Suudaani ha ugu soo dhiibo, ama Soomaali isaga la mid ahe, ama addoon kale oo addoomaha Ilaahay ka mid ah, oo "wixii la siiyay wax ka bixinaya."

Waxaan ahay socoto, marti ku ah miiska nolosha. Noloshu waxay i siisay, waxay isaga siisay wax ka badan; waxaanay iga dhigtay mid ku nool Baariis, halka uu isagu ku nool yahay Muqdisho; waxaanan u shaqeeyaa UNESCO, halka uu isagu ka yahay shaqola'aan. Taasi waa sunnaha maalmaha, kuwaas oo uu Ilaahay dadka isu waydwaydaariyo, isagaana ah Cilmibadanaha Khibradbadanaha ah.

Waxa turjumay: Cali Ileeye

Qoraallada kale ee qoraaga