Wednesday 13 November 2024
Sidii caadada u ahayd, Soomaalilaan berri waxa albaabada loo furi doonaa goobaha codeynta ee doorashooyinka Soomaalilaan ee isku sidkan. Soomaalilaan iyada oo aan weli dunida ka helin ictiraaf isla markaasna ah dal aan lahayn dhaqaale buuran kuna taalla gobol xasarad u joog ah ayey ku guulaysatay in ay qabato doorashooyin kala duduwan oo ay majiirteen kormeerro caalami ah oo goob joog u ahaa. Doorashadan isku sidkan ee ay berri inaga xigto waa labo doorasho oo isa saaran se nuxur ahaan kala madaxbannaan. Dhanka Madaxtooyada kolka laga soo akhriyo waa doorashadii afraad ee Soomaalilaan si toos ah looga qabto waxaana ku tartami doona saddexda xisbi ee hadda haysta sharciyadda Xisbinimo, waa Kulmiye, Waddani iyo UCID oo ah isla saddexdii xisbi ee ku loolamay doorashadii qabsoontay 2017, waxa se mar walba muuqata hore na u jirtay in loolanka dhabta ah uu u dhexeeyo Kulmiye iyo Waddani.
Dhanka waaqica wax badan baa isbeddelay kuwaas oo aynu ku lafaguri doonno kuna faah faahin doonno maqaalka gudihiisa. Saaxadda tartanka oo toddobo sanno ka dib ah mid aad u xamaasad badan waxa hadda ku cusub waa toddobada urur ee ku soo biiray saaxadda iyaga oo higsigoodu yahay sidii ay uga mid noqon lahaayeen saddexda Xisbi ee soo socda, tirada muwaadiniinta u diyaarsan cod dhiibashada oo korodhay. Maqaalkan waxa uu saadaalin iyo gorfeyn ku sameynayaa doorashada loo ballansanyahay taas oo dhici doonta Arbacada foodda inagu soo haysa. Ugu horreyn waxa aynu is barbardhig iyo lafgur ku sameyn doonnaa saddexda Xisbi ee ku tartamaya Madaxtooyada oo kala ah Kulmiye oo uu ka sharraxanyahay Madaxweynaha hadda Muuse Biixi Cabdi, Waddani oo u taagan beddelka xukuumadda oo ah mucaaradka ugu tunka weyn oo uu murashax u yahay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro iyo ugu danbeyn UCID oo uu markii afraad ka sharraxanyahay Faysal Cali waraabe.
Madaxtooyada oo ah laanta fulinta doorashadan waxa ku loolami doona isla saddexdii murashax ee doorashadii dhacday 2017 oo la guddoon siiyey shahaadada murashaxnimada. Waa Kulmiye, Waddani iyo UCID, toddoba sanno ka dib saddexdan murashax waxa ay taaganyihiin garoonka kala xulashada. Waa se toddobo sano oo ay wax badan dhaceen xaaladda gudaha ee Soomaalilaanna aad isu beddeshay. Kulmiye oo murashixiisu u ruclaynayo in uu helo kalsoonida shacabka Soomaalilaan ka dib markii uu talada joogay shan sano oo dastuuri ah iyo labo sano oo aan dastuuri ahayn waa xisbiga labaad ee saddexda xisbi ugu da’weyn waana markii saddexaad ee uu u ordayo talo qabasho isaga oo muxaafid ahaa tan iyo 2010; waa muddo afar iyo toban sannadood ah. Kulmiye, xisbi ahaan, waxa uu soo maray marxalado kala duwan kuwaas oo saameyn kaga tagay qaab dhismeedkiisa iyo doorkiisa xisbinimo ama saameyntiisa siyaasadeed guud ahaan, isbeddelkan gudeed waxa uu la bilawday murashaxnimadii koowaad ee Muuse biixi, oo xisbigu si weyn ugu kala qaybsamay heer ay wasiiro door ahi iska casileen xukuumaddii Axmed Siilaanyo, wasiiradaas oo uu ugu tun weynaa guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji xasan, laakiin haddana kala qaybsanaantaasi wax weyn uma ay dhimin codad saleedkii xisbiga Kulmiye, waxaanu si weyn ugu guulaystay doorashadii dhacday. Mar kale waxa fiintu dhex miratay Maxamuud xaashi oo si weyn u dhisay Muuse biixi isla markaana rejo ka qabay in uu la wareego hoggaanka Kulmiye iyo xisbiga intiisa kale. Xaashi oo si ka duwan guddoomiye xirsi ku hadhay Kulmiye, wuxu in badan isku dayey in uu xisbiga hoggaanka u qabto si uu markiisa kursiga ugu gaadho se waxa uga dhaartay Madaxweyne Muuse Biixi waxaanu dibadda uga baxay Xisbiga.
Wixii intaas ka danbeeyey Kulmiye waxa uu u muuqday mid sii luminaya deegamada uu cod ahaan ku tiirsanaa ee gaadhsiiyey guushii 2017-kii. Sida la bartay xisbi haddii uu lumiyo deegamada uu sida weyn ugu tiirsanyahay waxa marag ma doonto ah in uu soo ururayo jaaniska uu ku guulaysan karo. Dhanka kale, xisbiga Kulmiye iyo murashixiisu doorashadan waxa ay geli doonaan iyaga oo ay ku furan tahay xisaab hor leh oo ka dhalatay hoggaamintii Muuse biixi ee toddobadii sano ee u danbeeyey taas oo ay hadheeyeen kala qaybsanaan bulsho, dagaallo ay ku dhinteen boqollaal iyo Laascaanood oo ka baxday gacanta dawladda, dhaqaalaha iyo shillinka Soomaalilaan oo aad hoos ugu dhacay, xorriyadda iyo saxaafadda madaxa bannaan oo culays iyo xadhig kala kulmay xukuumadda iyo ugu danbeyn aqlabiyadda golaha iyo Maayirada gobolada oo laga ga guulaystay doorashadii isku sidkanayd ee dhacday May 2021. in kaste oo uu Kulmiye yahay xisbiga talada haya oo ay tahay in aan la dhayalsan awooddiisa, haddana habdhaqanka hoggaamineed ee Madaxweyne Muuse waa mid bixinaya fursad. Inta badan waxgaradka siyaasadda, dhaqanka, ganacsiga iyo aqoonta ayaa muddo dheer saluugsanaa hoggaamintiisa iyo dabcigiisa. Dadkaas badankoodu waxa ay doorashadan u arkaan fursad dalka lagaga badbaadin karo. Waxa uu gaadhay heer uu madaxweyne-ku-xigeenkiisii uu ka hor yimid kuna baaqay in la rido, markii ugu horreysay taariikhda Soomaalilaan. Ha se ahaato e, weli waxa uu codad muhiim ah ku haystaa deegaannada gobollada Saaxiil iyo Maroodijeex oo waxa ay u gooyaan ku xidhnaan doonto inta uu codad ka helo gobollada bariga oo aanu hadda saadaal wanaagsan ku haysan. Haddiii se uu farqiga codadka ee bariga isku soo dhaweeyo, taas oo ka dhigan in uu cod muhiim ah ka helo, waxa ay codadka galbeedka dhexe u noqon karaan kuwa uu ku saanyan karo guul suuragal ah.
Dhinaca kale Xisbiga Waddani oo ah Xisbiga ugu da’da yar isla markaas na kaalinta labaad galay doorashadii madaxtooyo ee hore, doorashadan waxa uu galayaa isaga oo hore u qaaday tallaabooyin uu dib isugu habeeyey ka dib guuldarradii uu kala kulmay doorashadii madaxtooyada ee hore. Waxa uuna ku dhaqaaqay istaraatiijiyad lid ku ah Xisbiga Kulmiye iyo jiho ka duwan tiisa. Markii koowaad taariikhda Xisbiyada Soomaalilaan, murashax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ku dhiirraday isaga oo bannaanka jooga in uu wareejiyo guddoomiyenimada Waddani kuna hadho Murashaxnimo keliya. Tallaabadan oo dad badani ku tilmaameen khamaar iyo qar iska xoornimo khilaafsan curfiga xisbiyada SL, waxay noqotay mid kor u qaadday taageerada Waddani taas oo ay u raacday in uu si weyn ugu guulaysto aqlabiyadda iyo guddoonka golaha xeerdajinta iyo badi Maayirada gobolada Soomaalilaan isaga oo garabsanaya Xisbiga UCID. Mar kale, Waddani isaga oo haya jidkaas waxa uu is bahaysi la galay ururka Kaah oo uu hoggaaminayo Maxamuud xaashi, waxa kale oo baaq ay soo saareen salaadiinta iyo waxgaradka qaar ka id ah gobolladaas bari ku barbar istaageen murashaxnimada Cabdiraxmaan Cirro taas oo loo turjumanayo in uu Waddani si buuxda gacanta ugu dhigay badi codadka gobolladaas.
UCID waa Xisbiga ugu da’da weyn ee weli jooga saaxadda siyaasadda, tan iyo intii la asaasay waxa ku socday rifan iyo hoos u dhac ilaa uu gaadhay in uu doorashadii hore codadka la dhiibtay ka helo boqolkiiba afar. Sidaas awgeed doorashadan waxa uu ku galayaa quus iyo cago jiid, ugu danbeynna waxa la isku raacsanyahay in aanu xejinsan karin kaalintiisa oo uu saaxadda ka bixi doono. Sidaas awgeed Madaxtooyo ahaan iyo urur ahaan waxa la odorasayaa in uu geli doono kaalmaha ugu hooseeya.
Waddani iyo Kulmiye oo la sadaalinayo in ay sii xejisan karaan kaalintooda Xisbinimo, toddobada urur ee kale, waxa ugu soo dhaw in ay Xisbinimo u soo gudbaan Kaah, Hillaac iyo horseed. Labada urur ee danbe oo ay kala hoggaamiyaan Barafasoor Axmed Samater iyo Cabdillaahi Darawal waxa ay aad isugu taxalujiyeen in ay ka qayb galaan doorashada Madaxtooyada, waxa se damacooda khasaare u gaystay murankii siyaasasadeed ee dhaliyay inay Soomaalilaan gudaheeda dib uga dillaacdo jabhad hubaysan. Sidaas awgeed, isku hawlidda doorashada madaxtooyada waxa kaga baxay waqti aad u badan oo ay kor ugu qaadi lahaayeen jaaniskooda xisbinimo oo hadda hooseeya. Dhanka kale, ururka Kaah oo uu hoggaanka u hayo Maxamuud xaashi waa ururka ugu jaaniska sarreeya ee waqtiga ugu badan ku bixiyey sidii uu xisbi ugu gudbi lahaa. Waxa loo badinayaa in hal urur oo ka mid ah toddobada urur ee cusubi uu u soo gudbi doono xisbinimo, kaas oo beddelaya, sida la saadaalinayo, xisbiga UCID oo ay u badan tahay in uu saaxada siyaasadda ka baxo, ka dib in ka badan labaatan sannadood oo uu ahaa xisbiga saddexaad ee siyaasadda kaga qaybgala kaalin xoojin ah. Doorashadani, waxa hubaal ah in ay Soomaalilaan ka saarayso dalcad, waxa se ka dambeysa dhibaatooyin gaamuray oo ay tahay in la furdaamiyo, haddii ay tahay in Soomaalilaan lagu shubo dhiig cusub oo ay ku sii tamariso.
Ugu danbeyn doorashadani waa mid aad u muhiim ah oo ay tahay dhinacyada tartamayaa in ay muujiyaan masuuliyad, waa daarasho leh xamaasad marka laga eego duruufaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ay Soomaalilaan ku jirto. Ha se ahaato e waxa marag- ma-doon ah in ay Soomaalilaan lumisay jaanisyo lagaga gudbi lahaa dabaqadda siyaasadeed ee daxalaysatay isla markaana ku soo jirtay siyaasadda muddo labaatan sannadood ka badan kana qaybqaadatay dhibaatooyinka isbiirsaday ee ku gudban mustaqbalka dalkan. Caano daatayba dabadood la qabay e, waxa muhiima in imika laga shaqeeyo sidii wax looga beddeli lahaa Dastuurka. Si gaara waa in awoodaha isbaddeldoonku keliya waa in ayna ku kaftoomin beddelista xukuumadda oo qudha se waa inay u dhug yeeshaan waxa ay tahay in la beddelayo inuu la tacalluqo ha’aydaha dawladnimo; adkayntooda iyo dib u qaabayntooda lana suuragaliyo nidaam siyaasadeed oo aan lahayn calyo-ceshigii loo bartay labaatanka sannadood ee ay tiro kooban oo siyaasiyiiin ah uu soo celcelinayay hannaanka xisbiyadu.