Skip to main content

Friday 17 May 2024

Siyaasad

Soodaanta Koonfureed: Halgamayaashii xorriyadda ha la iska xoreeyo

29 March, 2024
Image
Salva
South Sudan's president Salva Kiir Mayardit, October 25th 2017. (Albert Gonzalez Farran/AFP via Getty Images)
Share

Dadweynaha Soodaanta Koonfureed way u halgameen in ay ka xoroobaan Soodaan, balse madaxdooda oo luggoysay iyo kalaqaybsanaan qoomiyadeed ayaa wiiqaya qarannimo loo dhiso dalkan Afrika ugu da’da yar.

 

Caadi bay iska noqotay in la maqlo reer Soodaanta Koonfureed oo iska ciilkaanbinaya taariikhdii halganka xorriyadda, iyagoo mararka qaar ku soo bandhiga heeso loo adeegsan jiray in lagu weyneeyo geesinnimadooda korna loogu qaado mooraalka, mararka qaarna si jibbo leh uga sheekaynaya guutooyinkii ciidanka ee watey magacyada xawayaanka oo Af Jieng ah: Timsah (yaxaas), Jamus (lo’ gisi) ama Muor Muor (qudhaanjo). Waxa sidoo kale jira xasuuso shakhsiyadeed oo ku saabsan waqtiyo adkaa oo mixnad lahaa oo dadku soo moogeen, ama waxa lagu canbaareeyaa taariikho dhiigmiirad iyo xadgudub ah oo lagu qabey xukuumadihii Kharduum. Qaar kale waxay ka hadlaan dagaallo ay ku naafoobeen, iyo xilliyo ay geeridu sigtay. Qaar kale waxay kaydiyaan dhacdooyinka macaluulihii kala danbeeyay ee dagaalladu dhaleen ee 1988, 1998 iyo 2002 oo boqollaal kun oo qofi ay ku caydhoobeen kuna waxyeelloobeen gobollada Baxral Qasaal iyo Niilka Sare. Duqaymihii cirka ee ciidammada Soodaan ay u adeegsadeen diyaaradaha bambaanaynta ee Ruushku sanceeyay ayaa si gaar ah uga tegay dhacdooyin argagax leh oo haddii qofku uu mar uun la soo kulmay aanu weligii illaawayn.

Waxa sidoo kale xasuus-wadareedda ku baahsan diyaaradaha qummaatiga u kaca oo saaruukhyo ku soo ganaya dadweyne aad u gaajaysan oo saf ugu jira gargaar cunto ah oo lagu qaybinayo bakhaarrada raashinka ee Qarammada Midoobay, sawirkaas oo ah wax dhici jiray oo khasaare iyo halaag ka tegi jiray. Dhacdooyinkaa middood waxay qabsatay tuulada Bieh ee degaanka Niilka Sare ee Galbeed, bishii Febraayo 21, 2002, oo waxa la duqeeyay dadweyne aan waxba la noolayn oo caato ah, waxana laga dilay dad aad u badan, cid alla ciddii u soo joogtayna jug nafsadeed bay xasuusteeda kaga tagtay.

Kolkii madaxbannaanidii la qaatay sannaddii 2011, muraaqood iyo muxibbo ayaa lagu soo dhaweeyay ku sal leh in dadku filanayaan in marba haddii aaya-ka-talisku guulaystay haatan loo dhaqaaqi doono in nolosha wax weyni iska beddelaan oo la samaado. Laakiin dalkan cusubi wuxuu wajahay wax kasta oo hor oolli kari lahaa waddan madaxa la soo kacaya oo ka soo dooganaya khilaafyo jiitamayay muddo: kaabayaashii dhaqaalaha oo dhisme u baahan, kalaguur siyaasadeed, dibudhiska dhaqaalaha, sugidda amniga, kaalmaynta qaxootiga soo laabanaya, sugidda caddaaladda, iyo boogadhayga dhaawacii dagaalku ka tegay ee waxyeelay xidhiidhka beelaha kala duwan. Qiyaastii 20 sannadood dagaalka ka dib, Soodaanta Koonfureed si aad iyo aad ah bay ugu fashilantay qodobbadaas oo dhan, taas oo nabadayntii iyo sugiddii amnigaba ka dhigtay wax aan la hawaysan karin, cunfiga beelahana ka dhigtay wax si maalinle ah looga arko dalka oo dhan.

Soodaanta Koonfureed weli waxay la dabbaalanaysaa dagaallo ka dhex socda xukuumadda iyo kooxo badan oo mucaaradka hubaysan ah, kuwaas oo khayraadkii nuugay, horumarkii wiiqay, noloshii baabbi’iyay, welina dadka ku sii qasbaya in ay barakacaan. Taasina waxay demisay nalkii gobannimada.

Dagaalladan socdaa waxay ku sal leeyihiin gefafka siyaasadeed ee halgamayaashii xorriyaddu ay galeen kolkii lagu jiray dagaalkii weynaa ee Soodaan, oo dadka Soodaanta Koonfureed ay iyaga qudhoodu silic aan laga sheekayn karin isu geysteen, iyagoo inta badan ay taasi ku iman jirtay marka lala kala safto kooxaha dagaalsan ee ay kala horkacayaan halgamayaashii xorriyadda laftoodu oo ku kala qaybsan qoomiyado iyo ismaandhaafyo siyaasadeed oo gacankahadal isu beddelay. Qisooyinka barakacayaasha iyo qaxootiga soddomeeyada sannadood ku tabaalaysan Soodaanta waqooyi, Itoobbiya, Kiiniya iyo Yugaandha waxay ku soo baxeen warbixino saxaafadeed iyo buugag qalbitaabad ah, oo qaarkood ay qoreen dadkii ka samatabaxay mashaqada qudhoodu. Waxaas oo dhami waxay dunta bulsheed, muuqaalka dhaqameed iyo dabuubta taariikheed ee Soodaanta Koonfureed ka dhigayaan qiso ay ku urursan yihiin dhabaradaygga insaanka, cirweynida, dibudhacyada militari, hadafyada xorriyadeed ee madmadowga leh, higsiga mustaqbalka oo caad saaran yahay, iyo cunfi huursan, iyadoo xataa dadweynuhu ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen una beercaddaadeen, sidii ay u heli lahaayeen nabad.

Kolkii gobannimada la hantiyay, waa laga yaabaa in halgankii xoroobidda laga gaadhay hadafkiisii asaasiga ahaa—in dawlad madaxbannaan la yagleelo—laakiin taariikhdani waxay boogo muuqda kaga tagtay jidhadhka halgamayaashii iyo shacabkii caadiga ahaaba. Kolka ruugcaddaagii halganka ku dhaawacmay ay jidadka isugu soo baxaan si ay ugu dabbaaldegaan dharaaraha taariikhiga ah, tiradooda badan iyo dareenka adkaysiga ah ee ay ku suntan yihiin ayaa shucuurta kicinaya. Waxa kale oo muuqda in ay culays laxaad leh kaga tagtay muwaaddiniinta kolka la eego nololaha kala daatay, jugta nafsadeed iyo raasamaalkii bulshada oo beerdarroobay, iyo sidoo kale damiirka wadareed kolka la eego masuuliyadda ka saaran in dalkan da’da yar laga dhigo mid xasilloon, midaysan, badhaadhaysan bulsho ahaanna furfuran, oo ah waddanka ay dadweynaha Soodaanta Koonfureed fac-ka-fac ku soo taamayeen.

Siyaabo badan ayay taariikhda gobannimaddoonku u noqotay culays luqunta ka sudhan dalkan cusub. Ilaa haddana, reer Soodaanta Koonfureed taariikhdaa darteed ayay isu laynayaan ama way ku murmayaan iyagoo adeegsanaya madalaha doodaha, heesaha, sheekooyinka afka la isugu tebiyo, ama qoraalka oo noqda mid suugaamaysan oo qurxoon, maxaa yeelay waa tabta ay ula heshiiyaan ama ay isaga ridaan cullaabta xasuustaasi wadato. Su’aashuna waxay ka taagan tahay in ka-hadalka arrintaasi uu khafiifin karo dhaawaca iyo in uu hafeefin karo oo uga sii dari karo.

Sannado dhawr ah ayaan cilmibaadhis culuunta bulshada ah ka wadey Soodaanta Koonfureed, waxaanan dadka aan la kulmo wayddiin jiray sababta ay qisooyinkaas aadka ugu maran yihiin! Waxay had iyo goor ii sheegi jireen weedhaha carrabku ku batay ee ah: taariikhda oo la xusaa waa dawan ina xasuusinaya khaladaadkii la sameeyay, si looga digtoonaado in mar kale la galo. Waxay taariikhda uga hadlaan sidii oo ay qayb ka tahay seeska qaranka, iyagoo muujinaya qarashka ay ugu kacday in ay dalkooda hantaan, oo dabcan ah qarash aad u badan oo ay tahay in uu hoggaamiyayaasha xasuusiyo heerka ay muwaaddiniinta waddankani u soo silceen, iyo sababta ay u doonayaan in ay goostaan midhaha dhabta ah ee xorriyadda oo ah in ay helaan adeeg dadweyne iyo khayraadka qaranka oo si xaq ah loo qaybsado.

Tobannaan sannadood ayay reer Soodaanta Koonfureed la soo kacaakufayeen hagrasho, dulmi iyo cunfi kaga imanayay xukuumadda Soodaan ee Kharduum fadhigeedu yahay. Dabadeed erayada ay ka mid yihiin sinnaan, amni, karaamada dadka, waxbarasho tayo leh, daryeel caafimaad, tacabsoosaar cunto, kaabayaal dhaqaale, iyo xasillooni ayaa dadka reer Soodaanta Koonfureed dibnahooda saarsaarnaa dharaartii xorriyadda. Waa inta ugu yar ee ay ka filanayeen in ay uga aayi doonaan dalka ay xoreeyeen.

Hasayeeshee, xoog cusub laxaadna leh oo horumarka diiddan ayaa ku soo dul dhacay, kaas oo ah in halgamayaashii xorriyaddu ay is geliyeen dareen ah in ay xaq dhalan ah u leeyihiin shaqooyinka dawladda iyo khayraadka dadweynaha ka dhexeeya, iyagoo ku tiraabaya in ay nafahooda u soo hureen sidii dalka loo xorayn lahaa sidaa darteedna ay tahay in maanta loo abaalgudo. Sida uu William Blake ku daray gabaygiisa The Grey Monk, “Gacantii xadiidka ahayd ayaa kelitaliyaha madaxa ka bashaaqisay, dabadeed kursigiisii intay ku fadhiisatay iyadu noqotay kelitaliyaha cusub.”

Arrintan waxa laga arki karaa wax-isdaba-marinta lagu lunsado khayraadka dadweynaha ka dhexeeya iyo qaababka kale ee aafaynta, sida heshiisyada khiyaanadu ku jirto, liiska shaqaalaha dawladda ee fatahay, korodhka saayidka ah ee ku yimi safarrada caafimaadka ee debadda loo aadayo iyo lacagaha caddaanka ah ee dalalka qalaad la geysto. Warbixin ay soo saartay guddi Qarammada Midoobay ka tirsan, waxa lagu ogaaday in tan iyo 2016 la leexsaday ama si kale la isu daba mariyay “lacag fooqalcaqli ah oo gaadhaysa $36 milyan oo doolar.” “Waa muhiim in hoosta laga xarriiqo in intaasi tahay xaddigii aynu raadgurnay ee soo hellay, oo lagaba yaabo in khasaaruhu intaa ka badan yahay,” ayay tidhi Yasmin Sooka oo guddida madax u ahayd.  

Arrintan waxa si degdeg ah uga dhashay in ay dhaqaale ahaan kala tagaan halgamayaashii xorriyadda ee jagooyinka fiicfiican hantiyay iyo muwaaddiniintii caadiga ahaa, taas oo iyaduna abuurtay musuqmaasuq iyo khilaaf isku taxan oo argagax leh. Reer Soodaanta Koonfureed waa dad aan werwerin oo aan waaban, dulmigana aan u dulqaadan. Waxay maanta ku kaftamaan waddanka waa in laga xoreeyo halgamayaashii xorriyadda!

Dharaartii lagu dhawaaqay natiijada aftidii dadweyne ee madaxbannaanida, Jannaayo 2011, waxaan joogay caasimadda Soodaanta Koonfureed ee Jubba, oo lagu iclaamiyay in 98% dadweynuhu ay u codeeyeen in laga go’o Soodaan; maalintii calansaarkana waan imi Luulyo 09, 2011.

Labadaa munaasibadoodba, dabbaaldegyo ayaa magaalada ruxay. Halkudhegyo ay ka mid yihiin “Soodaanta Koonfureed 6 bilood ka dib way dhalan,” “Wax ay socotaba, xor baannu nahay maanta,” iyo “Macasalaama Soodaaneey!” ayaa lagu xardhay gooladaha iyo gidaarrada cidhifyadooda. Magaaladan, ay ku nool yihiin nus malyuunka badankoodu yahay saboolka qaxootiyada ka soo laabtay, dharaartaa nolol hor leh baa gashay. Taariikhda diiwaangashan ee reer Soodaanta Koonfureed laga ma soo helayo dhacdo sida tan isugu keentay dadka oo dhan. Midnimo weyn ayaa maalintaa la soo bandhigay. Muraaqood iyo ballanqaadyo culculus ayaa la isku dhaarsaday in Soodaanta Koonfureed noqon doonto badhaadhe laga sheekaysto, maaddaama uu khayraad ceegaago. Hasayeeshee, iyadoo midnimadaasi jirto, haddana maaddaama dalka ay ku wada nool yihiin qoomiyado kala duwan oo midiba gaarkeeda awoodda iyo khayraadka iyo gacanta sare ugu haliilayso, waxa iska caddayd in kala-qaybsanaantaa jinsiyadda ku dhisan ee bulshada ka dhex jirtaa ay u dhowdahay in ay furka tuurto.

Arrintaasi wax ay huursanaataba, aakhirkii waxay dagaal isu rogtay habeenkii Diseenbar 15, 2013, oo sannad iyo dhawr bilood uun laga joogo dharaartii xorriyadda.

Dagaalkan markii hore waxa dhalay loollankii siyaasadeed ee Madaxweyne Salfa Kiir iyo kuxigeenkiisii Riyaak Mashaar, kolkii danbe wuxuu khilaafkii yeeshay weji qabiil. Waxa iska hor yimi oo foodda is daray labada qoomiyadood ee dalka ugu waaweyn ee Dinkaha (Jieng) iyo Nuweerka (Naath), dabadeed wuxuu u xuubsiibtay dagaal sokeeye oo qolo-qolo ku dhisan, ayna ka dhasheen cunfi baahsan, gumaad, iyo barakaca malyuumaad qof. Dunidii oo dhan baa ka anfariirtay!

Dadkii reer Soodaanta Koonfureed ee miyirkooda qabey la may yaabbanayn in dagaal dhacay, waxay se dhabannahays ka qaadeen in dagaalku xajmiga iyo ba’naanta intaa le’eg yeelan doono. Dedaallo heer gobol iyo heer caalamba ah oo lagu rabey in nabad lagu dhaliyaa way dhicisoobeen, waddankiina waxa liqay meertooyin cunfi iyo xasilloonidarro ah. Waxa la odhan karaa cidhibxumooyinkii dagaalkaas laga dhaxlay ayaa ilaa maanta ah caqabadaha ugu daran ee waddanka ku hor gudban. Dhinacyadii dagaalka qaybta ka ahaa iyo kuwii siyaasad ahaan u loollamayay ee dagaalkaba huriyay waxay mar kasta ku sheegayeen “dagaal macnadarro ah,” dagaal wixii sababay uu halxidhaale ku yahay xataa ciddan is laynaysa. Su’aasha qof kasta maankiisa ku mudani waxay ahayd: sidee iyo sababma ayaa dal gebigiisuba ka dhashay halgan daba dheeraaday oo xorriyad uu ugu jiray oo naf iyo maalba u huray sidii uu uga adkaan lahaa cadawgiisii laxaadka weynaa, uu misana sidaa dhakhsaha ah ee shaamareerka leh laabta dhulka ugu dhuftay oo isu dumiyay. 

Jawaabta wayddiintaasi waxay ku dhex filiqsan tahay jidka dheer ee dawladnimada, qaabdhismeedka qoomiyadaha Soodaanta Koonfureed, iyo habdhaqannada shakhsiyaadka madaxda ah ee horkacayay xorriyaddii dabadeed talada qabsaday kolkii dagaalkii gobannimaddoonku dhammaaday. 

Jawaabta badhkeed waxay taallaa waagii gobannimaddoonka. Kolkii lagu fashilmay in xisaabta lagu darsado dhismaha qoomiyadeed iyo khataraha ka dhalan kara, iyo in wax la iska wayddiiyo: haddii dadku ay maanta u midaysan yihiin dagaalka gobannimaddoonka, kolka la xoroobo sidaas ma sii ahaan doonaan. Gobannimo ayaa la iska raadiyay oo lagu dhadhabay iyada oo aan la qeexin oo laga doodin waxa Soodaanta Koonfureed, kolka ay xorawdo, ka dhigaya qaran, marka dawlad la isla dhaafo.

Badi dadkii ka qaybgalay dedaalkii xoraynta waxa ku weynayd dareenka tiiraanyada iyo wax-ka-tirsiga Soodaanta waqooyi; waxay is dareensiiyeen in ay dhibbane u yihiin dhiigmiirad qalaad oo soo taxnaa ilaa xilligii ka-ganacsigii addoomaha, waxayna rabeen in ay arrintaa saxaan. Hoggaankii gobannimaddoonka aadba ugu may weynayn masalada la xidhiidha waxa isku xidhi kara ee isku hayn kara beelaha qoomiyadaha u kala fadhiya, si ay u samaystaan qaran midaysan.

Qaraxaas gudeed ee weyn ee Soodaanta Koonfureed ka hillaacay waa natiijada tooska ah ee ka dhurawday waaqica siyaasadeed, ee ah in Soodaanta Koonfureed ay noqotay dal (country) ee aanay marna noqonin qaran (nation). Bacmadaa dadku aad u wada taageersanaa goonigoosadka, madaxdii gobannimaddoonku waxay u qaateen in midnimadaas dadka ka muuqataa ay weligeed iska jirayso, wax hawl iyo xil ahna la iska ma saarin sidii loo dejin lahaa barnaamishyo dadka ku beeraya dareenka wax-wada-lahaanshaha iyo in ay dhammaan muwaaddiniin ka yihiin dawlad-qarameedda dhalanaysa ee aanay waxba isugu ahayn dawlad-qoomiyadeedyada jiray.

Taa waxa sidoo kale dheer in xasilloonidarrada iyo fashilka Soodaanta Koonfureed loo aanayn karo qodob dhaqaale. Dhaqaalaha, oo aad ugu tiirsan dakhliga shidaalka ka soo xerooda, ayaa halgamayaashii xorriyadda ka dhigay tuug khayraadka boobta oo waddankii gacanta ku dhigtay iyada oo aanay haba yaraatee waxba ka gelin sida khayraadka waddan wax loogu daryeelka umaddiisa. Hoggaanka siyaasadda iyo ciidanku si weyn bay ugu guuldarraysteen in ay waddanka maamulaan oo ay daboolaan baahiyaha muwaaddiniinta, maxaa yeelay waxa aanba u meel ool siyaasado is haysta iyo karti dhanka haayadaha dawladda ah.

Gebagebadii, socdaalkii dheeraa ee Soodaanta Koonfureed soo gashay, laga soo bilaabo muraaqoodkii xorriyadda ilaa waaqican dawlad fashilantay, waxa ku jira qiso wax-ku-qaadasho mudan oo ku saabsan murugsanaanta iyo caqabadaha qarandhiska. Samafilashadii bilawga kolka laga yimaaddo, yididdiiladii waddanku ka qabey in nabadi dhalato oo la horumaro waxa afka dhulka u daray kala-qaybsanaan gudeed oo xididaysatay, yooyootanka siyaasiyiinta, musuqmaasuq iyo khilaafyo jiitama. Soodaanta Koonfureed weli caqabada hor teedsan ayay la baaxaadegaysaa, dhabbihii xasilloonida iyo badhaadhuhuna waa dheer oo dhib leh, taas oo waajib ka dhigaysa in la wada xaajoodo si wax looga qabto sababaha hoose ee silicaa dhigay. Maxaa yeelay seeska waddankan cusub lagu dhisay waa sar-ka-xaadis, dusha sare uun laga nabnabay.

 

Qoraalka waxa Af Soomaali u turjumay Cabdicasiis Guudcadde