Thursday 21 November 2024
Markii uu Cali Ileeye, uu isla madashan Geeska ku baahiyay sheekada gaaban ee “Keen hal shilin” baan u kuurgalay aniga oo kolkii aan akhriyay sheekada qabyo ka dareemay, dabadeed waxa igu dhalatay in aan raadiyo bal in Dayib Saalax intaa in ka badan ka dhiteeyey booqashadiisii uu Xamar ku yimid. Nasiib wanaag, waxa aan isla maalintaaba ka helay hormada siddeedaad ee buuggiisa “Xul ka mid ah Xasuusihii Xilliyada (ذكريات المواسم)” dhawr iyo toban bog oo uu kaga warramayo maalmo uu Muqdisho joogay iyo wixii uu la kulmay, kuwaas oo aan halkan hoose ku soo turjumay. Haddaba, akhriste, haddii aad isla turjumaaddan hoose ka dareento, in ay weli qabyo ku jirto si la mid ah tii Cali (hadda la soco sheekadaa hore ee Cali turjumay turjumaaddaydan hoose kuma jirto e) waan kula qabaa ladhkaas. Keli kuma tihid, xataa qoraallada kale ee qoraagan — siiba sheekadiisa ugu caansan ee ‘Xilligii Hayaanka Waqooyiga’— ayay dad ka muujiyeen dareenkaas qabyada oo kale, markaa, intii aan ka baadi goobay qabyadaas ma helin, haddii aad adigu hesho iga ayaan badnid, haddii kalena, “wax qayrkaa kula qabo, qasolkaa ku dhan.”
Turjumaanka: Ibraahim Iman
***
Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay marka laga reebo, beryahanba qofka ugu mudan waxa uu ahaa qof Soomaali ah oo la yidhaahdo, mudane Cabdiraxmaan Faarax, waa nin u qalma oo si kasta uga soo baxay, waxay ku habboonayd in uu Raysalwasaare ama Madaxweyne dawladda ka noqdo. Shirkii Wasaaradaha dibadda ee dalalka Islaamka ee Riyaad ka qabsoomayay intii uu socday ayaan xilligii nasashada wada sheekaysannay, waxaan ku idhi “Miyaysan la yaab ahayn inay jiraan Soomaali adiga oo kale ah, Soomaaliyana ayaandarradaas ku jirto?”
Isaga oo dhoollacaddaynaya ayuu i soo eegay, waanan ogaa warcelintii ay weydiintaydu lahayd, Soomaaliyana waa sida dalalkaas badan ee adduunka saddexaad, horta Suudaan kolka heerarka xumaanta loo eego waa ay ka sii xun tahay. Weydiimo yoolbaadh ah ayuu i su’aalay, si amankaag leh kolna murugo leh ayuu ii dhegaysanayay. Xilkii uu hayay waxa uu ahaa Xoghayaha Qaramada Midoobay ee Niyuu Yoog, xaaladda dhabta ah ee ay Soomaaliya ku sugnayd si wacan ayuu uga war qabay, haddana waxa foolkiisa laga dheehan karayey in uusan is lahayn xaalku sida uu hadda yahay ayaa uu ku danbeyn doonaa.
Mar kasta oo aan Soomaaliya booqdo murugo ayaan geli jiray, hayeeshee waxa aan yara raysanayay kolka aan ogaado inuu yahay dal xaalad ahaan Suudaan ka sii liita. Waagaas aan ku jirnay xilliyadii u danbaysay ee xukunkii Numayri, dawgii waa uu ka habaabay oo caydh buu ka ahaa aragti kasta oo dheef leh. Kuwii waddada burburka iyo basanbaaska ku hagay la iska ma qaban ee qaarkood weli sidii ayay wax u sii qarribayaan.
Balse, ugu yaraan, Numayri wax buu bilaabay, mudda ku filanna waa uu qaatay. Suudaan waxa ka jiray waxyaalo badan oo hagaagsanaa, guyaal badanna la geliyay, burburintooduna hawl badan u baahan tahay. Soomaaliyada jilicsanayd miyaa? Siyaad Barre, waxa uu xukunkiisa bilaabay isaga oo aan arrin hayn, tabtii nin ganacsi furtay isaga oo aan dhaqaale haysan.
Muqdisho ayaad booqanaysaa, maxaa hawl ka sokaysa. Waxba ma yaallaan, dawlad iyo xukun toonna ma leh, ku arki maysid xitaa raadadkii kacaanka, Kharduum baa la qaatay oo magacyada qaar ay beddeleen, taallooyin ayay dhiseen, maamusna waa taageen, wax fara badan waa ay dumiyeen, wax yar ayayna hagaajiyeen. Astaamaha waddooyinka, wargaysyada, idaacadaha iyo telefeshinka ayaa kuu sheegaya inuu kacdoon ahaa, adiga ayayna ku jirtaa run iyo been kii aad u qaadaynaysid.
Halkan se waa Muqdisho oo waxba kama jiraan. Sawirrada hogaamiyuhu waa duugoobeen oo rifmeen, waana ay yar yihiin oo in aadan arkin ayaa laga yaabaa. Halkudhegyadu waa ay liitaaan oo waxa la moodaa sidii qaylo afka lagu dhegay iyo sidii ruux aan hadli karin oo raba inuu hadaaqo, taallooyinka iyo astaamaha bilicda leh ee inta badan talisyada kaacanka la socda ma ay lahayn, wuxuu ahaa kacaan jaadgooni ah, mana filayo in sooyaalka dunida ee iska dhan laga soo helayo kacdoon lagu dhidbay danayn la’aanta intaas le’eg.
Aroortii axadda kolkii aan soo toosay ayaan daawanayay, waxaanan dhegaysanayay gambaleelladeeda sida daallan isu garaacaya, sidii inay meel fog ka imanayaan ama la moodo ilbaxnimo hafanaysa oo sii heetinaysa. Dhisma burburay oo liiqliiqanaya, dheeheedii ka dhacay oo daaqadihiisii midabaysnaa daldalooshameen ayaan soo galay, inaan wax ogaado ayaa i carinaysay, waxa aan ugu tegay rag iyo dumar da’ weyn oo aan toban qof ka badnayn, af Laatiin ayayna ku ducaysanayeen, wejiyadooda ma kala sooci kartid, ma Soomaali baa, ma Itoobiyaan baa, mise waa Talyaani, mise waa intaas oo isku dhex darsamay, sida dhismayaasha, waddooyinka iyo sumadaha Kacaanka, inta ay isku wada milmeen ayay wax aan la aqoon ka soo baxeen.
Gegida Diyaaraha Muqdisho, waxa aad u malaynasaa inay go’aankoodii beddeleen oo faraha ka qaadeen. Isaga oo qabyo iyo dhammays midna aan ahayn ayay ka tageen, jidadkana waxa la moodayay inay ka soo hadheen magaalo xilli fog laga hayaamay. Dhirtu waa ay ku yarayd, waxase laga yaabaa inay mar beereen oo ay iska qallashay markii la waraabin waayay.
Gurigan aan hadda deganahay, waxa muuqata in kolkii la dhisay durbadiiba uu isku dhex daatay oo hal mar buu cusayb iyo duugba wada yahay, rinjiga marsan waa mid cusub, marada daahu ma aha duug, waase ay karkaran tahay, qaboojiyaal cusub ayaa ku dheganaa, ma aysan shaqaynayn.
Burbur dhammays ah oo foolxun ayuu ahaa, mid wanaagsan ayuu ahaa, ma odhan karaa? Waa sidii inaad daawanaysid loox uu aslay farshaxanyahankii Maraykanka ahaa ee jaajaannaa, Aandi Waarhool.
Dhab ahaan waa ay qurux badneyd, waanan jeclaaday iyada oo haddana waxaas aan soo xusay oo dhan la la qabo. Meel qurux badan ayay ku taallay, bad soo jiidasho leh ayayna lahayd, ciiddeedu waxa ay u dhalaalaysay sida dahabka. Waxa ay lahayd saro iyo dhismayaal aan ka madhnayn milgaha xeebta, waxaana ku taallay xaafadda uu Madaxwaynuhu deganaa. Badhtanka dhimashadaas oo dhan, haddana waxa ay noloshu ciidaminaysay, marmarka qaar, dufcooyin hor leh. Meel walbana waxaad ka arkaysaa dad salaad tukanaya, waddooyinka rag iyo dumar baa ku lugaynayay. Saxariirkii jiray ayay dumarka Soomaaliyeed qoortooda dheer ka taagayeen sidii inay ahaayeen boqorodo xilli hore ka sii jooga. Raggu iyaga oo cidna dan ka lahayn ayay iska soconayeen, waxaad u malaynasaa inaan kacdoon jirin, Siyaad Barrena joogin. Wakhti gaaban ayuu ismoodsiiskaasi maskaxdaada ku soo dhacayaa, tolow sidee ahaan lahayd haddii dadkan la siin lahaa kanshooyinka ay nolosha ku leeyihiin?
Wasaarad waa ay ka weynayd. Warfaafin, hidde iyo dhaqan iyo dalxiis ayay ka koobnayd, wasiir iyo ku xigeen, wakiilka wasaaradda iyo agaasime guud ayay lahayd, waxa iyana jiray agaasimayaal kale oo uu ku jiray agaasimaha guud ee Telefeshinka Qaranka, haddana wax telefeshin ahba ma aysan yagleelin, cidina arrintaas dan iyo heello kama aysan lahayn.
Mid qudha kama uusan soo warcelin taleefannadii, taararkii aan soo dirnay iyo dhambaaalladii toonna, kolkii aan ku wareernayna, waxay xeelad ii gaysay inaan la kaashado kaaliyihii dhaqanka ee saafaraddii Soomaaliya Baariis ku lahayd, nin wanaagsan oo Axmed Qoorow la yidhaahdo ayuu ahaa, waana uu ka biyodiidsanaa Wasaaraddii Arrimaha Debadda ee Xamar ku taallay, hase ahaatee, haddii aan toos u abbaari lahaa waa ay ogaan lahayd, lama na aanan yaabin maalintii aan ogaaday inuu iskaga tagay shaqadii uu Xukuumadda Soomaaliya u hayay oo uu Landhan magangalyo siyaasadeed ku degay, isla markaasna uu safiirkii iska casilay.
Soomaaliya waa ay liiqliiqanaysay oo gudo iyo dibadba waa ay ka burburaysay, kacaankuna sidii ayuu u doobyayey oo dabbaaldegyadiisii baas ayuu watay, oo guulo aan jirin ayuu isku maaweelinayay, wax labaatan ka badan ayuuna tabtaas ahaa.
Haddii aan waagaa fariid ahaan lahaa boodhkaan faraha ka tuman lahaa oo waxa aan raalli ku noqon lahaa qaniimada sida Axmed Qooroow yeelay oo kale, se waxa aan idhi Muqdisho ayaan u safrayaa, si kasta oo ay ahaato, waa ay iga go’nayd inaan garto dawlad maxay ah ayay tahay, dawladdan cajabta badan ee aan arrimaheeda isku hawlay. Saaxiibkay, Mastar Siin, ayaa iiga warramay dhibta aan Soomaaliya kala kulmayo, waxa uuna ogaa inaan dabin ku dhacay oo sidii garsooraha ayuu gambadh gaaban iigu fadhiyay, qarashkii haayadda ayaan ku bixiyay wax aan raad lahayn, yeelkadeede, tobannaan qof oo ila mid ah baan halkaas ka helay, waxay ahaayeen qaar ka mid ah shaqaalihii haayadda Qaramada Midoobay iyo xeeldheerayaashii kale ee Jaamacadda Carabta oo daba ordayay dhalanteedkii beenta ahaa ee Soomaaliya.
Cidina ima aysan sugayn kolkii aan gaadhay, diyaaradii aan ka degaba mid kale ayaan kaga sii wareegayey, garoonba ka kale ayuu ii sii dhiibayey. Xafiiskii Qaramada Midoobay ee horumarintu fadhiid buu ahaa, waxa aan dib ka ogaaday guddoomiyihii Holondiiska ahaa oo quus ka istaagay shaqo horumarineed oo Soomaaliya laga qabto, ciyaaraha Golofka iyo kalluumaysiga ayuu iskaga jeestay, dhulka ayuuna safar ku marayay, Soomaaliyana waa dhul jaadba jaad ah oo ninkii u baahan damashaadkeeda ka dhergayn.
Cid qudha kama aanan arag masuuliyiintii Wasaaradda Warfaafinta, Hiddaha iyo Dalxiiska. Wasiir ha sheegin, Wasiir-ku-xigeen, Wakiilkii wasaaradda iyo xataa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda toonna. Inta badan, Agaasimaha Faafinta ayaan ku soo beegmayay, isaguna arrimaha faafreebka ayuu qaabilsanaa, xoogaa aan meesha joogayna ma aanan kala saari karin wargeys iyo buug midna, wax aan la yaabo ayayna igu noqotay, masuuliyiintiina sidii nin deyn ku leh ayaan u goobayay, hase ahaatee, si kedis ah ayaan hal mar dhammaantood la wada kulmay, hadda waa mid mid, fududaa, weligood inay joogeen oo ay i sugayaan baad mooddaa, aniga ayaa indha la’aa ee wax kasta toos bay u muuqdeen.
Si diirran oo gacaltooyo leh ayaa la ii soo dhaweeyay, horta dhaqanka Soomaalida ayaa sidaas ah, waxa ii raacday inaan Suudaani ahaa, xidhiidh gaar ah ayaana ka dhaxeeya oo Soomaalidu hormuud bay u aragtaa, waa Carabta dacallada xigta oo dhalashadooda xujo ayay u baahan tahay, xilligii gumaysigana Ingiriisku ergo uu deeq waxbarasho siiyay ayuu Suudaan u soo diri jiray, sida kuliyaddii Goordan iyo jaamacadda Kharduum.
Madaxbannaanida ka dib na, Suudaantu aad ayay Soomaalida u taageertay, dhakhtarro, barayaal, farsamayaqaanno, garsoorayaal iyo kooxo beera falashada ku xeeldheer ayay u soo dirtay, sidaa awgeed, bulshada Soomaaliyeed ee gobta ahi abaalkaas ma aysan illaawin, inkasta oo ay waxyaalo kale wadaagaan, haddana muuqaalka wejigooda iyo sarxanyaha Suudaanta aad ayay isugu eg yihiin, muusigga iyo heesaha ayaana la mid ah, sida Suudaanta ayayna jecel yihin Axmed Musdafaa, Xuseen Caddiya, Kaabili iyo Baabili.
Agaasimihii guud ee wasaaradda oo tilmaan gooni ah ii lahaa ayaan maalin ku idhi, “Xafiisyadiina maxaad uga maqantihiin? Aroor walba xaggeed aaddaan?” Qaabkii cajiibka lahaa ee Soomaalida ayuu iigu warceliyay.
“Oo walaal adiga inaan xaalad dagaal ku jirno miyaadan ogayn? Dagaalka Ogaadeeniya ayaannu ku hawshannahay!”
“Idinku Wasaaradda Warfaafinta ayaad joogtaan e, maxaa dagaalka idinku hawlay?”
“Maxaa dhacay oo dagaalka Ogaadeeniya na ga reebay? War walaal dawladda oo dhan baa heegan la galiyay!”
” Hagaag, walaal, garannay inay ciidamo jiidda ka dirirayaan, ma khasab baa inay warfaafintu abaabusho gurmadka ciidanka?”
“Haa oo intaas hoggaanka dalku shirar joogta ah ayay ku jiraan”
Lama aan yaabin in ay dawladdu ku jabtay dagaalkii Ogaadeeniya, waxase jirtay arrin kale oo aan Soomaaliya kula yaabay. Talisyada Kelitaliska ah, sida lagu yaqaan, loollamo dibadda ah ayay oogaan, inta badanna dagaallo ayaa ka dhasha, bulshada ayayna ku guubaabiyaan in dhulkooda lagu soo duulay oo ay wax iska dhiciyaan, naftana u huraan si ay milgahooda u dhawrtaan, bulshoweyn ayaa dareenka wadaniyadda lagu kiciyaa, bannaanbaxyo ayaana la qabtaa, dalalkaas safaarahooda ayaa loo daataa, calamadana waa la gubaa, waana tab uu kacdoon kasta oo qab leh sameeyo, si gaabiska dawladda dalka iyo xaaladaha adag ee jira dadka looga qariyo, dalkoodana ugu miyirsadaan.
Tawdarradan miyaa, iyadu waa mid amankaag leh oo iyada oo kale aan horay loo arag, intay dabka hulaaqisay ayay damisay, wixii la dilay iyo wixii la dhaawacay ee Soomaali ahaa cid isma ay weydiin, dhulkii Ogaadeeniya fara ugu ma jiro, Muqdishana sideedii ayay u silcaysaa, waxaad moodddaa inaan war iyo wacaal toona jirin, Aabbihii Kacaankuna dan iyo heello kama leh, Wasaaraddii Warfaafinta, tii Hiddaha iyo Dhaqankuna waa ay haawanayeen, ruux dhaqaaqa laguma ogayn.
Ma aqaan cidda bixisay “Geeska Afrika” iyada oo la ogsoon yahay in geesuhu madaxa ku kor yaallaan. Waxaad mooddaa in ay madaxii minjo u rogeen oo dushii hoos la mariyay… sidaas ayaa runta u dhaw. Dhib sidaas ah ma jirteen haddii gumaystuhu mid qudha ahaan lahaa, se saddex waaxood ayaa loo qaybiyay oo qaybta Waqooyiga ee Hargaysa dhacdo Ingiriis ayaa qaatay, qaybta Muqdisho dhacdana Talyaani ayaa qaatay, qaybtii Jabbuuti ku taallayna Faransiis ayaa qaatay.
Soomaaliya waxay ahayd sidii hilib boolli ah, oo inta waslado waaweyn loo googooyay ayaa loo farraqay deriska iyo danyarta. Kiiniya ayay qayb siiyeen, qayb kalena waxa uu Ingiriisku ugu abaalguday Minilik, Imbiraadoorkii Itoobbiya, maaddaama oo uu ka kaalmeeyay curyaamintii kacdoonkii Mahdiga ee Suudaan. Waxa uu ahaa [Minilik] xariif fahansan dheesha “Shilinka Siyaasadda”, waxa uuna ahaa Afrikaan ku daba tukada masaska reer Yurub. Waagaas uu Ingiriiska ku la heeshiiyay in uu ka gacan siiyo burburinta nidaamka xukun ee Suudaan, waxa uu dhanka kale, Xukuumadda Soodaan kula jiray heshiis ganacsi.
Sidaa si la mid ah, waxa uu gobol weyn ka soo qaaday Faransiiskii, se waa haddii uu oofiyo ballan-hoosaad ahaa in uu ka gacansiiyo in Faransiisku ka la wareegaan Ingiriiska Koonfurta Soodaan si ay halkaas saamayntooda isballaadhineed uga hirgeliyaan. Haddii ay taasi dhab ahaan dhacdo, waaba dhici gaadhaye, waxaa gebi ahaanba isbeddeli lahayd xaaladda Suudaan, oo waxa aynu maanta u goobjoogi lahayn dawlad dhacda Koonfurta Suudaan oo “Farankafuurnig” ah oo ku hadlaysa af Faransiis. Yaa se og! Laga yabee in ay Suudaan ka badbaadi lahayd nuxuus iyo uurkutaallooyin badan.
Jeer ay labadii quwadood ee Yurubiyaanku fool-ka-fool isaga horyimaaddaan Fashooda, oo Niilka dushiisa ah, indho buluug ahina si cadho leh indho kale oo buluug ah isu wajaheen, oo madaafiicda Yurubiyaanka ahi ku ruqaansatay madaafiic kale oo Yurubiyaan ah, dagaalkuna ku dhawaaday in uu qarxo, ayay istuseen aragti iyo si’arag, waxa uuna Faransiiskii ku qancay in uu dib-u-gurasho sameeyo; sidaana waxa ku tagtay qayb weyn oo ka mid ah Afrika oo gashay gacantii Ingiriiska.
Soomaaliya maxay ku arkeen? Dalku waa isku filnaa waagaas—badanka dadku waxa ay wada ahaayeen Xooladhaqato, se beerallaydu iyo ganacsadayaashu farakutiris bay ahaayeen. Mase ahayn Soomaaliya dhul-macdaneed loo dheraro sida Koongo. Ma lahayn dahab, fiddo, dhayman iyo baatrool toonna, iyo addoomo iyo dhul ballaadhan oo u dihin beerasho. Dadkeedu waxa ay ahaayeen, giddigood, muslimiin oo ma jirin waddo loo gu soo daba dhuunto olole diimayn. Haddaa maxay ka soo dooneen? Maxay sidaas kasmaxumada ah gobol gobol ugu jareen?
Waxa uu yidhi taariikhyahankii Ingiriiska ahaa, isaga oo si quudhsi leh arrinkaas uga warramaya:
“…Kol uu arrin halkaas marayay, waxaa soo afmeermay xurguftii ku dhex martay Ingiriiska iyo Faransiiska waddanka saboolka ah ee dhaca xeebta Badda Cas, iyo aaggaas bacaadka Soomaaliya ah. Waa laga baaqsaday in isafgaranwaagaas, oo eel sidaas u daran lagama taransan.”
Dhab ahaantii Soomaaliya waxa ay ahayd meel aan macne sidaas ah lahayn, dal aan lagu soo xisaabtami karin, iyo boosteejo iskaga taalla jid aan lagu hakan, oo ay quwadaha waaweyn ee Yurubtu xilliyada qaar isku la soo duldhici jireen kolka ay dheelayaan jesta eelkeeda lagu halaagsamo. Waxa ay ahayd fagaag madhan oo khariidadda iskaga yaal, oo laga fursan waayay in si uun laga yeelo. Gumaystaha Yurub wax kasta waxa uu u wajahayay sidii ey qaba raabbiyo, oo ku qaniinaya ku una ruugaya sabab la’aan.
Indheergarad Minilik si xeeldheer ayuu u dhugtay habka guumaystuhu u dheelayo, sida oo kale na awoodgab ma ahayn oo waa kii Talyaaniga dhuunta u galay ee u jebiyay si xinniinyataabad ah, waana tii ay raacday ceeb geyaysiiyay si ay iskaga dhaqaan in ay mar labaad soo noqdaan waagii Moosaliini oo ay qabsadaan Itoobbiya. Si libaaxnimo ah ayaa uu u ganay leeb, qayb libaaxna waa uu ku soo ceshaday leebkiisi.
Sidaas tabaalaysan ayay Soomaaliya ku maamulayeen illaa goor uu alle garanayo. Shacab sooyaalkiisu cimidh ka yahay qab, geesinnimo iyo halganno isdabayaal ah oo ilaa dura soo taxnaa, ayay badeen kalaqoqob iyo foolhabaab. Waxa ay ka hadaafeen bulsho ka la taalla oo qayba qaybta kale u hillowsan tahay in ay la midowdo, se taag iyo maarro toonna aan lahayn.
In 1960-kii laga dhabeeyo hanasho Madaxbannaani waxa ay u ekeyd mid u suurageli karta si mucjiso ah. Waxa ay u baahnayd hoggaamiyayaal aragtidheer oo garaad badan, oo isu soo ururiya baylahdeeda, soona celiya dareenkii is-ahaansho. Bilawgii hore waxaa muuqatay rejo weyn. Se maalin ayaa waxaa lagu waabaristay dalkii oo ay ku habsatay ayaandarradii Kacaankii Siyaad Barre.
Booqashadaydii labaad waxa uu nin wanaagsani ii tilmaamay albeerko yar oo ay lahayd marwo Talyaani ah oo gabawgu ku soo dhigay, oo ka mid ah midhadhkii ka sii hadhay Talyaanigii hulleelay. Dib baan ka ogaaday in lagu dhalay Soomaaliya, ku barbaartay sidoo kalena ku guursatay oo ku dhashay is la Soomaaliya. Talyaanidiina waa ka boqooleen meesha, ninkeediina waa ka dhintay, se waxa ay go’aansatay in ay ku sii nagaato magaaladii ay jeclaatay, wiilasheeda iyo gabdhaheeduna ka ma aysan dhantaalin rabitaankeedaas.
Haddii awoodi gacan iigu jirto, waxaaan fardadaha Dunida Carabeed u furi lahaa Talyaaniga iyo Giriigga—gaarahaana Giriigga. Yurubiyaankaas dhibic dabci gumaysidoon ahi ku ma jirto. Waxa aad ka helaysaa xaafadaha caadiga ah iyo suuqyada bulshaweynta, oo sidooda ayay yawmkooda dhacsadaan, oo ay geerashyada ka shaqeeyaan, dhismayaasha dhisaan oo ay gadaan subagga iyo saliid saytuunta.
Giriigga dayaxoodii waa hore ayuu dhacay oo dawladdoodii waxa ay duntay ka hor soo bixitaankii Masiix, oo intaa dabadeed cidna ma ay gumaysan mana aysan ku amartaaglayn qof. Talyaaniga se miyaa, gabbalkiisu waxa uu dumay waagii Pax Romana, haddii aannu u sii muddadheeraynno ka ma aysan dambayn casrigii hoggaamiyahoodii Musaliini ee waalnaa ee ku hadri jiray in uu soo celinayo waagii Qaysarrada iyo awooddoodii hoggaamineed. Talyaanigu, sida Giriigga oo kale, sida Carabta oo kale, ayay ka war keeneen waxa duullaanka iyo gumaysigu yahay, oo ay ku dambeeyeen xaalad u eg tii uu tibaaxay Xudayah Zabarqaani ee yidhi:
Ma tihid ruux u qalma sharaf iyo gobannimo midna,
Waqaaba waxa aad ahayd dhuuniraac dhalaal jecel.
Meel kasta oo ka mid ah dhulalka Carbeed ee aan Tayaani iyo Giriig ugu tago, waxaan ugu tagaa same iyo barwaaqo. Waxa ay ila tahay bayhoofka ay Soodaan wajahday, Madaxbannaanideedii ka dib, in uu ka dhashay maaddaama oo ay meesha ka baxeen labadaas cunsur. Waana laga yaabaa in ay taasi noqoto aydoolajiyad nidaam cusub oo la la gole yimaaddo, oo kornayl ciidan oo la dhacsan labadoodaasi uu abaabulo kacdoon uu halkudheggiisu yahay: Ku sooguryanoqodsiinta Talyaaniga iyo Giriigga Suudaan.
Eebbe ayaan ku mahadiyaa in taariikhdu ay qaadday dhabbo kale, oo waxa ay sinyooriitadaas Talyaaniga ahi aqbashay in ay noqoto mulkiilaha albeerko ku dhex taalla Muqdisho, halkii ay noqon lahayd marwada guddoomiye Roomaaniyan ah oo Suuriya ka taliya ama dalal kale oo Afrika ah. Waxa ay ii soortay, marti ahaan oo igu qaabbishay, Kuruushkeedii madoobaa, oo waa aan ka raystay baranbarooyinkii iyo jiirkii dhexroorayay hooteellada Jubba iyo Curubo.
Waxa aan meel yar oo aan dego ka helay labaatan qol oo ay badi u kiraysan yihiin sannadkan oo dhan shaqaale u adeega wakaaladaha Qaramada Midoobay iyo haya’daha ka socda Sanduuqa Carbeed. Waxa ay ahaayeen, sidayda oo kale, oo waa ay u soo hoyan jireen meeshan kana jarmaadi jireen iyaga oo qaba yididiilo ah in maalin uun ay Soomaaliya kacayso, mashaariic badanina ay qabsoonmayso, ilaha dabciiga ah la dheefsan doono, xamaasadda waddaniyadduna laabaha miran doonto, dawlad hagaagsanna la yagleeli doono. Waxa ay warbixinno u qoraan haayadahooda, iyaga oo ku sheegaya warbixinnahaas in fiirooyinkooda hormarineed ee ay ku saamalayleen baadhistooda ee ay ku lafagureen kulamada iyo shirarka ay isugu imaaddaan Niyuu Yook, Baariis, Rooma, Fiyeena iyo Janeefa; in hirgalintoodu ay suuragal ka tahay Soomaaliya. In xaaladdan adag ee ay Soomaaliya ku sugan tahay in wax laga qaban karo, oo la daawayn karo, oo garaaca wadnaheedu saxmayo, oo xummaddu degayso, bukaannimadana ka soo raynayso, amateedkuna u soo furmayo. Dhab ahaan, xaalada Soomaaliya waxa ay ahayd sidii cudur dhif ah oo la mid ah cudurrada ay dhakhaatiirto ku kedsoomaan, itaalkooda iyo garashadooda isugu geeyaan samatabixinta bukaanka; haddii ay ku guulaystay samatabixintana, waxa ay muquurandoonaan rayrayn iyo xasillooni ay naadir tahay in la helo, taas oo laga dheefo halkaraannimada. Malaha taas ayaa keentay in hey’adaha Qaramada Midoobay ugu soo daabbulaan khubarradood Soomaaliya—si aanay ugu soo daabbulin dalalka Dunida saddexaad. Aniguna iyaga uun baan la mid ahaa. Sida aan dib ka ogaaday, oo waxa inna carinayay sabab kale, waxa aannu dareensanayn danbi.
Waxa aan marinayay sheekada, in nin wanaagsani ii tilmaamay albeerko ay lee dahay marwo Talyaani ah, oo aan aqbalaad degganaasho ka helay. In aad gasho Croce Del Sud Muqdisho ku yaalla ka ma dhaco in aad gashay naadi Asiiniyaan Aristoqraaddi ah oo ku yaalla Landhan. Kedis waxaa igu noqotay in ninkaasi ahaa ahaa Soodaani— waa is la doonasho Ilaah. Anna waxa aan si kedis ah u lee yahay, in ragga wanaagsan iyo haweenka wanaagsan aanay weli ka dabargo’in ifkan goob kasta oo ay joogaan iyo wax kasta oo ay aaminsan yihiinba, is ma qariyaan. Bal male’awaal, haddii aad karto, sidii aan ugu farxay dhibrintaas iyo gobonnimadaas! Waa in yar oo ka mid ah barakooyinka aad la kulmayso kolka aad u ka la gooshayso adduunyada weyn, insaankuna hore u ma dareemo galladahaas Eebbe maaddaama oo uu la qabsaday.
Si lamafilaan ah ayuu amateedkii barbaarnimadu kuugu soo laabanayaa, oo aad wax kasta dhadhansanaysaa, waa sida ay qabaan qaar ka mid ah walaalladeenna wax naadiyaa e. Runtii, waa ay saxan yihiin. Miyaanay intaasuun ahayn dhallinyaranimadu? Miyaanay waayeelnimadu intaas oo aad waydo ahayn? Labiid waxa uu yidhi, isaga oo arrinkan carrabaabaya:
Waan ka daalay dherarka noloshan,
Iyo dadka warsanaya “waa sidee Labiid?”
Cimri dheer Eebbe ha ku siiyee, sidaas waxa aad u tidhi maaddaama oo aadan weligaa u safrin Muqdisho. Waxa uu qoraagii Ingiriiska ahaa ee Aldous Huxley yidhi:
” Haddii aanad weligaa tigidh u jaran Asiina, ma adigaa waxba arkayba.” Asiinadaas uu u jeedaa waa waagii ay Asiina ahayd Asiina ashqaraar leh. Aniguna waxa aan leeyahay: “Hadii aadan weli booqan Muqdisho, waxba ma aadan arag.”
Aad Muqdisho haddii aad ka daashay nolosha. Haddii ay noloshu kugu rartay badhaadhe aan micne kuu lahayn, aad Muqdisho. Haddii aad ka daashay wadista gaadhi qaali ah, xidhashada dhar bilcoon, iyo dul fadhiisiga miis ay ka buuxdo cuntooyin ka la duwan, aad Muqdisho, weliba maalmahan oo kale. Wax indhaha kuu fura waad arki, dheguhuna war ay weeleeyaan waa ay ku soo dhici. Noogis waa aad is dayn doontaan, dibna waxa aad u heli amateed iyo macaansi nololeed. Waxaan hubaa, in aad burburkaas is ku arki doontaan marwadaas Talyaaniga ah, haddii ay nooshahay, oo waxa aad ka helaysaa iyada oo si mudnaan iyo iskufilnaansho leh u maamulaysa Croce Del Sud. Waxa ay kugu soo dhawayn qol nadiif ah iyo sariir dhabarku qabanayo, waxa ay kugu soori cunto aadan ku dibbirayn.
Haddii aanan qaldanayn, waxa aan filayaa in aan kuu soo sheegay, in aad halkaas ku la kulmayso qabqablayaasha dagaalka gadhwadeenka ka ah kolka ay fiidka tahay iyo gooraha xabbadjoojinta lagu dhawaaqo. Waxa ay soo fadhiisan doonasn albeerkada maqaaxideeda, oo ay ku ag cabbi doonaan Kobajiino ama wax ka xooggan. Halkaas ayay ku kaftamaan oo isku xifaaleeyaan dabadeedna ay ku laabtaan dagaalladooda se iyagu ku ma dhimanayaan. Waxaase dagaalladaas ku dhex go’a waxmagalabsato isugu jirta rag, haween iyo ubad ka mid ah bulsho karameedda Soomaaliyeed.