Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Aragti

Ku-biiriista Soomaaliya ee Bulshada Afrikada Bari: Faa’iidada iyo Faa'idadarrada

7 February, 2024
Image
Somalia EAC
Qaar ka mid ah madaxda dalalka urur-goboleedka EAC oo si rasmi ah Soomaaliya ugu soo dhawaynaya madasha EAC. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goobjoog ahaa. December 15, 2023/EAC
Share

Soomaaliya waxay si rasmi ah ugu biirtay Bulshada Afrika Bari (East African Community) 24kii November 2023. War saxaafadeed ay soo saareen madaxda EAC ayay ku sheegeen in kadib markay warbixin ka dhagaysteen guddi Wasiirro ah, oo wadaxaajoodka loo xilsaaray, ay xeeriyeen in ay Soomaaliya u oggolaadaan in ay xubin buuxda ka noqoto Bulshada Bariga Afrika.

Koox khubaro ah oo ka socotay dalalka EAC ayaa booqasho xaqiiqo raadin ah ku tagay Soomaaliya intii u dhaxaysay 25 January ilaa 3 February, si ay u xaqiijiyaan in ay Soomaaliya buuxisay shuruudaha ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika. Kooxdu waxay dib u eegis ku sameeyeen siyaasadaha, istiraatijiyada, iyo qaab-dhismeedka hay'adaha sharciga ee Soomaaliya; iyo dhinacyada wada-shaqayn ee ay la leedahay dalalka EAC.Waxay kaloo qiimeeyeen istaraatiijiyadaha iyo qorshayaasha horumarineed ee Soomaaliya ee muhiimka u ah iskaashiga dalalka EAC, sida kaabayaasha, tamarta, waxbarashada iyo sayniska, nabadda iyo amniga, iyo iskaashiga caalamiga.

Qodobka 3 (3) ee heshiiska EAC ayaa qeexaya shuruudaha xubinnimada; oo ay ku jiraan Waafaqsanaanta mabaadi'da guud ee dowlad-wanaagga, dimuqraadiyadda, ku-dhaqanka sharciga, dhowrista xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda bulshada, u dhowaanshaha juqraafiyeed iyo isku-tiirsanaanta u dhaxaysa iyada iyo Dawladaha EAC.

Soomaaliya waxay noqonaysaa xubintii 8aad ee ku biirta EAC. Waxaa horay xubno uga ahaa wadamada Kiiniya, Tansaaniya, Burundi, Koongo, Ruwaanda, Yugaandha, Iyo Koonfurta Suudaan. 

Bulshada Bariga Afrika waxaa lagu aasaasay shirweyne ka dhacay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania sannadkii 2000. Ujeedka loo asaasay ayaa ahaa dhiirrigelinta ganacsiga dhexdooda ah iyo midaynta canshuuraha. Ujeedka ugu dambeeya ee EAC ayaa ah in ay lacagtooda iyo siyaasaddooda mideeyaan, sida Midowga Yurub.

Marka Soomaaliya laga reebo, EAC waxay hoy u tahay ku dhawaad 301.8 million. Baaxadda dhulku waa 5.4 million, wax so saarka guduhuna (Gross Domestic Product) waa 312.9 billion. Soomaaliya waxay noqonaysaa dalka shanaad ee ugu dadka badan, dhanka wax soo saarka gudaha iyo dakhliga qofkana waa mid ka mid ah kuwa ugu hooseeya.

Guddoomiyaha Shir-madaxeedka, H.E. Mayardit, ayaa loo xilsaaray in uu Soomaaliya kala heshiiyo xilliga la saxeexayo heshiiska ka mid noqoshada Soomaaliya ee EAC. Shirku waxa kale oo uu faray in lix (6) bilood gudahood ka dib marka la saxeexo heshiiska ku biirista, Soomaaliya looga baahan yahay in ay Xoghayaha Guud u dirto ansixinta heshiiska. Golaha Wasiirrada ee EAC ayaa sidoo kale la faray in ay soo diyaariyaan tubta ku biirista Soomaaliya ee EAC, ayna u soo gudbiyaan warbixinta horumarka laga gaaray Shir-madaxeedka soo socda.

 

Faa'iidooyinka

Ganacsiga xorta ah macnaheedu waa in aan la xaddidin sida badeecadaha, adeegyada iyo dadka waddan ka yimid ay ugu gudbi karaan dalal kale. Ku biirista Soomaaliya ee Bulshada Bariga Afrika waxay u leedahay faa’iidoo iyo khaasaro labadaba.

Faa’iidooyinka waxaa ka mid ah in suuqa Soomaaliya uu noqdo mid tartan geli kara, macaamiishuna  heli karaan badeecado badan oo ay kala doortaan. Soomaaliya waxay ka faa’iidaysan kartaa aqoonta iyo xirfadaha shirkadaha maalgashiga la imaan doona, gaar ahaan teknoolojiyadda, taas oo dardar gelinaysa kobaca guud ee dhaqaalaha. Ganacstada Soomaalida oo hadda maalgashiyo badan ku leh qaar ka mid ah dalalka EAC ayaa fursad u heli doona in ay si xor ah u maalgashadaan dalalkaas.

Maadaama Soomaaliya ay ku taallo goob istaraatiiji ah oo u dhow marinnada iyo dekedaha muhiimka ah ee caalamiga ah, waxay fursad u helaysaa in ay badiso meelaha ay wax u dhoofiso ee ka baxsan waddamada Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC). Soomaaliya waxay kale oo ka shaqayn kartaa casriyaynta iyo ballaarinta badeecadaha ay la ganacsan karto xubnaha EAC, gaar ahaan beeraha iyo kalluumaysiga

 

Khasaaraha

In kasta oo Soomaaliya ay faa’iido ka heli karto ku biirista EAC, haddana waxay wajahaysaa caqabado waaweyn, taas oo ka dhigaysa dal aan la tartarmi karin dalalka kale ee EAC. Marka la barbardhigo dalalka kale ee EAC dhinacyada horumarka, Soomaaliya aad ayay uga hoosaysaa. Dakhliga guduhu aad ayuu u hooseeyaa, hay’adaha fulintu awood badan ma leh, kaabashayaasha dhaqaalaha oo liita, iyo Soomaaliya oo aan awood buuxda u lahayn ilaalinta xuduudaheeda, kuna tiirsan nabad-ilaaliyayaal dalal kale ka yimid.

Soomaaliya hadda ma laha awood wax-soo-saar oo weyn oo dhanka warshadaha ah, taas oo ay dheer tahay dalalka xubnaha ka ah EAC. Soomaaliya hadda way soo dhoofsataa badeecadaha asaasiga ah, waxaana haysta hoosudhac ganacsi oo lagu qiyaasay in uu yahay ku dhawaad ​​65% GDPga; hoosudhacan ayaa kordhi kara haddii qiimaha badeecadaha sida shidaalka iyo sarreenka ay kor u sii kacaan, sababo la xiriira dagaalka Ukraine. 

Hantida dabiiciga ah ee Soomaaliya waxa ka mid ah dhulka, webiyada, kaymaha, hantida macdanta, iyo khayraadka badda, balse wali ma horumarsana raasamaalka bini'aadmiga (Human Capital) ee loo baahnaa si looga faa’iidaysto khayraadkaas

Waxaa lagu qiyaasaa in 2,860 kilomitir (km) oo ka mid ah 21,830 km ee waddooyinka dalka ay yihiin laami (13%) - badankooduna ay xaaladdoodu liidato.

Ku dhawaad ​​70 boqolkiiba dadku waxay ku nool yihiin wax ka yar US$1.90 maalintii. Qiimaha Korontadu aad ayuu u sarreeyaa. In kasta oo ay Soomaaliya leedahay dhul badan oo beerashada ku habboon, haddana waxay aad ugu tiirsan tahay cunno ay bannaanka ka soo dhoofsato.

Soomaaliya waxay si xad dhaaf ah ugu tiirsan tahay xawaaladaha; 70.2% miisaaniyadda dawladduna waxa ay ka timaaddaa deeq-bixiyayaasha caalamiga ah, taas oo caqabad ku ah horumarka dhaqaale iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.

In kasta oo Soomaaliya ay qurbajoog badan ku leedahay qaar ka mid ah xubnaha EAC, haddana maaraynta dhaqdhaqaaqa isu-gudubka shaqaaluhu ma ahan mid Soomaaliya u diyaarsan tahay, gaar ahaan xirfad-yarida ba'an oo keenaysa in aysan Soomaaliya u diri karin shaqaale xirfad lah, laakiin dalalka kale ee EAC ay Soomaaliya u soo dirsan karaan shaqaale badan oo xirfad leh. Intaa waxaa dheer, 75 boqolkiiba dadka Soomaaliya waxay ka yar yihiin 30 jir mana haystaan ​​fursado shaqo, kolkaa isu-gudubka shaqaalaha EAC waxay sii yareen kartaa fursadaha shaqe oo awalba koobnaa.

 

 

 

 

Tixraacyo:

 

  1. (https://www.eac.int/press-releases/2977-east-african-community-continues-on-a-trajectory-of-expansion-as-summit-admits-somalia-into-the-bloc) 

  2. https://www.eac.int/overview-of-eac

  3. https://www.businessdailyafrica.com/bd/economy/what-somalia-s-entry-into-eac-means-for-the-region--4257998

  4. https://chimpreports.com/somalia-joins-east-african-community/

  5. https://www.eurasiareview.com/03062023-somalias-membership-to-east-african-community-eac-gradual-approach-is-best-after-institutional-reforms-analysis/