Skip to main content

Friday 22 November 2024

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Feker

Qisada ciyaarta Jesta

1 September, 2024
Image
Jess
Sawirka: Christopher Furlong/Getty Images
Share

Marxaladihii kala duwanaa ee tadawurka ilbaxnimada Insaanka, ciyaartu qaababkeeda kala duwan waxa ay u jirtay siyaabo kala gadisan, dadka qaar na waxa ay ku dooddaan in ay ka cahdi iyo asal horraysay ilbaxnimada lafteeda, bil matal Yuhan Hutisiga, waxa uu ku adkaystay: ciyaartu in ay tahay mid ka mida tiirarka ilbaxnimada ilaa iyo haddana ay tabtii tahay. Si loogu tartamo ama loogu baashaalana waa in la isu yimaaddo waa se hadba ciddii fahmaysa xeerarkeeda kuna dhaqmaysa. 

Ciyaartu waqeed ma ahayn wax lagu madadaasho uun, ee dhanka kale na waxa ay lahayd dhinacyo iyo u jeeddooyin doora oo kale sida firfircooni gelinta maskaxda, iyo dhaqaajinta awooddeeda tamareed, waxaana tusaale ah, ciyaarta “Jesta “oo ah ciyaaraha ugu guunsan ee basharku yaqaan ilaa haddana ah ciyaar jirta oo barbar socota horumar kasta oo xaddaaradeed. Laga soo bilaabo ku ciyaarista marmarka, xubnaha dadka ilaa laga soo gaadhayo tartanka Computerka, Saxaarada leh godadka labada midab ee caddaanka iyo madawga ah iyo haddana xubnaha astaamaysan waxa ay had iyo jeeraale ahayd mid kulmisa gees ka gees. Waa xilliyo kala duwan oo aynnaan hadda wada saxayn. Maanta se haddii aad saxaaradda ula kacdo bari iyo galbeed, dalalka ugu horu marsan ama ugu dib dhacsan iyo xitaa kuwa go’doonka ah, dhaqanka ay doonaan ha haystaan e, qof kula ciyaara oo qudha ka soo heli maysid e sidoo kale waxa aad soo helaysaa dad ciyaarta kaga qayb qaadanaya fikirkooda iyo xamaasadda ay u hayaan. 

Maqaalkan, waxaynu isku dayeynaa in aynu kaga jawaabno qaar ka mid ah waydiimaha ku saabsan siraha ciyaarta” Jesta” iyo sababta ay u noqotay ciyaaraha ugu madadaallada, kakanaanta iyo dahsoonaanta badan idil ahaan. Inaga oo toosh ku ifinayna taariikhda Jesta, sidoo kale na dul istaagaynaa sheekooyinka ku xeeran soo if baxeedii iyo sababaha u rogay in ay noqoto ciyaaraha aadka u mudh baxay, sidoo kale waxa keenay in loogu yeedho “ciyaarta boqoradda”, iyo xidhiidhka ay la leedahay diblomaasiyadda iyo weydiinta ah ma xaqbaa in ay ciyaaraan cabqariyada iyo kuwa garaadka badan?

Khuraafaadka ku Gadaaman Soo Ifbaxeedii

Haddii aad u dhabbo gasho asalka Jesta, waxa aad la fajacaysaa inta sheeko ee loo tiiriyo asalkeeda, intooda badan sheekooyinkaas waxa curiyey dad saameyn ku lahaa sooyaalka aadamaha. Dhanka kale na, qisooyinka laga wariyo asalkeeda waxa ay xanbaarsanyihiin sheekabaralay ama waxa loo qaabeeyey hab suugeenaad oo ku dhisan khiyaali qurux badan kaas oo la la xidhiidhiyey dhaqan, goob iyo xilli gaara. 

Mar waxa loo tiiriyaa, ilaahii Masaarida ee “Taxoot”, Nabi Sulaymaan, curiyihii xuruufta Giriigga iyo laadhuuda “Amiidays” iyo sidoo kale Iskandarkii weynaa, iyo xitaa qaar ka mid ah Falaasafada sida Aristotle iyo Baytagoras. 

Taariikh yahankii reer Giriig ee Heyrodut na waxa uu xusay in Jesta loo halabuuray si loogu maaweeliyo askartii Giriiga intii lagu hawlanaa go’doominta darbiyadii Troj. Casriyadii dhexena waxa la sheegaa in asalkeedu ka soo jeedo Faaris, Kaldaanida iyo Aashuuriyada. In kasta oo badi xogahaasi yihiin qaar loo cuskado xaqiiqooyin sooyaal haddana, waxa ay isugu biyo shubtaan male ama khiyaali. Qaarkood na waxayba ku doodeen in Atlaantisku halabuureen Jesta, ama ilbaxninimo ka baxsan koonka!

Waxa se jirta sheekooyinkaasi wax ay ka midaysanyihiin, taas oo ah soo if baxa ciyaartani in ay tusaale u tahay dagaal macnawiya, kaas oo midba midka kale ku dedaalayo in uu ka libaysto. Bilmatal, sheekabaralay Hindi ah ayaa waxa ay tidhaa “Raafana oo ahayd gabadh u dhaxday boqorkii ‘Asuras’ ayaa halabuurtay Jesta, si ay odaygeeda ugu mashquuliso dagaal aanu dhiig ku daadanayn . 

Waxa kale oo jira aragtiyo asalka Jesta u celiya Shiinaha iyaga oo ku masaala in ciyaaraha Istaraatiijiga ahi la caynad yihiin jidka xariirta ee shiinaha. Taariikh ahaanna waxa ay u badantahay ciyaartii u horraysay ee jestu in ay ka bilaabmatay Hindiya, dabadeedna ay ku faafay dhulkii Faaris iyo shiinaha iyada oo u dhex raacday ganacsiga. Qisooyinka ugu caansann ee ku saabsan ciyaartanna waxa ka mid ah qiso tidhaa “Nin Hindiya u dhashay oo xikmad badnaa ayaa qarnigii lix iyo tobnaad ee taariikhda miilaadiga halabuuray dabadeed waxa uu u soo bandhigay boqorkii xukumayey kaas oo isna ku farxay  una ballan qaaday in uu siin doono waxa uu ka dalbado, ninkii xakiimka ahaa waxa uu dalbaday baa la yidhi xabbad qamadiya ama bariisa ( Labada siyoodba waa loo wariyaa  in uu u dul saaro godka ugu horreeya ee saxaarada ( Board squares ), dabadeed mar wal oo uu god saaro midh qamidaya ka ku xiga u labanlaabo qamadida ilaa ay wada buuxsamaan godadka saxaaradu. Dalabkaas u muuqda mid fudud, sida ay ku adkaysteen culimadii xisaabaadka ee boqortooyadu wuxu ahaa mid ay aad u adagtahay fulintiisu kaas oo ku kacaya Qamadi dabooli karta idil ahaan bedka ay hindiya ku fadhido iyo xitaa in ka sii badan, dabadeed boqorkii wuxu la dhaygagay Maskaxda ku jirtay xakiimka”. Bartaas baa loogu bixiyey “Shataruja” waxayna noqotay ciyaarta hormuudka, Isla waayadaas na agabka lagu ciyaaro waxa uu u muuq ekaa, qaybaha ciidamada ee ugu caansanaa berigaas sida fardaha, waranka, doomaha dagaalka, jananka iyo boqorka. 

Sidaas oo ay tahay, mawduuca asalnimada Jestu ilaa iyo maanta waa mid uu ka taaganyahay muran weyn. Taas oo daliil u ah in ay u soo taagnayd marxaladihii kala duwanaa ee tadawurka Ilmaxnimooyinka aadamaha. 

Jesta, Yurub iyo dunidii Islaamka

Jestu waxa ay ka soo bilaabmatay Hindiya iyada oo u gudubtay Faaris qarnigii todobaad, intaas ka dib waxa ay ku fidday caalamkii islaamiga ahaa, casrigaas ay gaadhayna waxa abuurmay dhaqan uguba oo lid ku ah ciyaaristeeda, kaas oo ay sabab u ahayd in taliskii waagaas uu gabi ahaan xaaraantimeeyay dheelista ciyaaraha lagu nasiibsado iyada oo laga dayayo dheef aan sharci ahayn. Waxyaabaha ay jesta laga ma maarmaanka u ah waxa ka mid ah dhaqan gelin xirfadeed. Dabadeed beryo danbe kor bay u baxday oo inta ay hiwaayad ka tagtay ayey noqotay xirfad, Khulafooyinkii Muslimiintuna waxa ay hawlgeliyeen macallimiin loo yaqaannay “Al-culiyaat” si loo la tartamo wax na looga barto, waayahaas na Jesta waxa loo adeegsan jiray in lagu tababaro ruuxda dagaalyahannada iyada oo aan la qubin dhiig. Caalamka Islaamka kolka la joogo agabka Jestu wuxuu ahaa astaan taas oo ay ugu wacnayd xaaraantimaynta sawirada iyo taalooyinka xaqiiqda ah. Haddaba, Galaangalkii Islaamiga ahaa ee Andalus wax uu door ka qaatay in ay ciyaartani ku faafto Koonfurta Yurub, halka galbeedka Yurub ay gaadhay ku dhawaad sannadkii 1000 ee taariikhda milaadiga. Casriyadii dhexe oo ay gaadhay yurub waa kolkii ay bilaabmatay quruxinta iyo qorqorista looxa Jesta iyo sidoo kale dib u qaabaynta xeerarka ay ku dhisantahay iyo xitaa magacyada agabka lagu dheelo. Xeerarkan hadda jira ayaa ka soo muuqday Itaaliya iyo Isbaanishka bilawgii qarnigii shan iyo tobnaad, isla waqtigaas ayeyna qorayaashu bilaabeen daabicista buugteeda. Horumarka daraasaadka Jesta na waxa saameyn ballaadhan ku yeeshay wax qabadyadii macallimiinta kala ah; Luis de Lucena iyo Ruy Lopez.

Sidee bay “ciyaarta boqoradu” ku noqotay ta ugu shacbiyadda badan caalamka?

Muddo aad u dheer, Jesta waxa lagu naanaysi jiray ‘Ciyaarta boqorada’, bilawgiina dheelisteedu waxa ay ku koobnayd inta awoodda haysa, laga na yaabaa in ay sababtu ahayd, xubinta ugu muhiimsan ciyaartan oo ah ‘Boqorka’ kaas oo gacan ku dhigistiisu ay tahay dhammaadka ciyaarta, diwaannada taariikhda na waxa ku xusan boqoradii yurub ciyaarta koobaad ee ay xiiseeyaan in ay ahayd tan, sida boqoradii Ingiriiska, Henarrigii koobaad, kii labaad iyo Rijaadhkii koobaad. Sidoo kale, Ifaankii afraad oo ahaa boqorkii Ruushka iyo Filib al-Finuus oo ahaa boqorkii tobnaad ee Isbayn iyo qaar kale. 

Casriyadii dhexe na haysashada looxa jestu waxa uu caddayn u ahaa hodantinimada iyo kaalinta qofka, xaalad taas la mid ah ayaa iyana ka jirtay caalamkii carabta iyo Islaamka, waxaana la sheegaa in qaar ka mid ah khulaafooyinkii Islaamku ku walfeen ciyaaristeeda sida Ma’muun iyo Haaruun al-Rashiid oo inta maalin la weydiiyey “Maxay tahay Jestu?” kaga jawaabay “Oo maxay tahay noloshu?

Taagantanna, ciyaarta jestu waa ciyaaraha ugu shacbiyadda badan caalamka taas oo laga yaabo in ay sabab u tahay waxyaabaha ay ka koobantahay iyo soo jiidashadeeda, taas oo waafaqsan doodda tababare Liin Jiriin ee ah:

  • Jestu waxa ay ku qotontaa xirfad badhax la’ oo ka duwan ciyaaraha lagu nasiibsado

  • Kuma xidhna, tabobar jidheed waxa ay se u baahantahay mid caqliyeed.

  • Ciyaaristeeda da’i kuma xidhna, cid walba na way dheeli kartaa.

  • Jestu waa sooyaal. Waxa aad dhugan kartaa tartannadii casriyada dhexe ama horyaalkii todobaadkii hore. 

  • Way fududahay barashadeedu, waxa se adag ku wacnaanteeda.

  • Waxa lagu tilmaamaa agabka bulsheed ee ugu weyn ee kulmiya asxaab badan ama leh fursad lagu samaysto asxaab cusub. 

Taariikh ahaan, ciyaartani in ay noqoto mid aad loogu tartamo casrigan, waxa loo celiyaa badhtamihii labaad ee qarnigii sagaal iyo tobnaad, tartankii koowaad ee horyaalka caalamiga ah ee Jesta na waxa la qabtay sannadkii 1866-kii. Xidhiidhka maamulka Jesta adduunka oo la asaasay 1946-kii ayaa la wareegay, wixii intaas ka danbeeyeyna waxa ay noqotay ciyaar si dhab ah loogu tartamo oo ay ka soo mudh baxeen cabqariyo miidhan, bilmatal: Mikhail Botfinik,Mikhail Tal, Bobi Fayshar, Garry Kaasparof. Dhanka kale, Barnaamija Jesta ee Koombiyuutarku waxa uu bilaabmay todobaatanadii qarnigii hore, tan iyo sagaashamaadkii na, ciyaartoydu waxa ay bilaabeen ku tiirsanaanta gorfaynaha aallada Koombiyuutarka si ay guul uga soo hooyaan tartannada. Sannadadii u danbeeyey na waxa aad u bullaalay oo shacbiyad yeeshay tartannada Jesta ee Internetka kuwaas oo ay ka qayb qaateen malaayiin qof oo jooga daafaha dunida.

Dibloomaasiyadda iyo Jesta

Ciyaarta Jesta had iyo gooraale, waxa lagu faruur xidhaa siyaasadda haddii ay noqoto macnaheeda ama astaamaheeda siyaasadeed ama in ay muddo dheer ahayd dheesha horjoogayaasha iyo siyaasiyiinta. In badanna waxa ayba rumaysanyihiin in ay door muhiima ka soo ciyaartay toobiyaha sooyaalka. Faylasuufkii reer Jarmal ee Fridirik Shillar na waxa laga hayaa in uu mar yidhi “Siyaasaddu waa sidii ciyaarta jesta oo lagu dheelayo xubno dhab ah”. Qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyayaashi Ciidamada ayaa iyana wax ka taabtay isku mid ahaanshaha iyo kala duwanaanta siyaasadda iyo Jesta, waxaana ka mid ah Napelione Bonaprate oo rumaysnaa taatikada Jestu in ay kor u qaaddo go’aan qaadashada loo baahanyey aminta si dhab ah loo dhaqaajinayo ciidamada. 

Siyaasadda iyo Jestu na meelaha ay isaga eegihiin waxa ka mid ah, u fikiridda qaab Istaraatiiji ah, filashada rogaal celinta iyo xal u halista mushkiladaha kakan, taas oo ay dheertahay fikradda odhanaysa ku dhicista hal qalad in uu keeni karo cawaaqib aad u fog. Waxa kale, oo sugan in ciyaartan qarniyo badan loo adeegsanayey agab dibloomaasiyadeed, ilaa haddana la adeegsado oo ay door ku leedahay xidhiidhka dawladaha. Tusaale, sannadadii u danbeeyey waxa la qabtay tartanno iyo barnaamijiyo foolkan leh, sida mid hal ku dhigiisu ahaa “Jesta nabadda awgeed” kaas oo u jeedkiisu ahaa xoojinta nabadda iyo is fahanka u dhexeeya dawladaha.  Tartannada mudh baxay ee foolka dibloomisayadda ah leh na waxa ka mid ah: 

  • Tartankii Fisher iyo Spassky 1972: Tartanka waxa lagu tilmaamaa mid taariikhiya sababta oo ah waxa ku kulmay oo ku loollamaya, Bob Fisher oo ahaa hormuudka jesta ee Ameerika iyo dhigiisa Booris Spassky oo ahaa hormuudkii Soofiyeetiga. 

  • Kulankii Raykyafiik 1986: Waxa ay u gogol xaadhay dhammaadka dagaalkii qabooba, kulankan dhexdiisana waxa Jes u wada fadhiistay Madaxweynihii Maraykanka Roland Raygan iyo hoggaamiyihiii Soofiyeedka Mikhayiil Gorbajoof. Taasina waxa ay soo dhaweysay in la dumiyo dayrkii kala dhex yaallay labad dal, taas oo keentay heshiis taariikhi ah oo laga ga baaqsaday khatar dagaal nukliyeer ah.

  • Maraykanka iyo Iiraan 2013: Waxa uu ahaa tartan ka dhacay Internetka oo ay soo qaban qaabiyeen Midawga Jesta Ameerika iyo dhigooda Iiran, waxaana muuqatay awoodda iyo habka ciyaartani ku noqon karto biriish isku xidha labada dal oo si weyn ugu kala duwan dhinacyada aragtida iyo saqaafada. 

Haatan, horumarka Tignoolayjiyada iyo shacbiyadda ciyaartan oo korodhay, awgeed waxa suuragal ah Jestu in ay door muhiima ka ciyaarto dibloomaasiyadda oo ay noqoto jid lagu xoojiyo xidhiidhada iyo is waydaarsiga dhaqannada dalalka.

Jesta Iyo heerka garaadka qofka

Waxa jirta aaminaad baahday oo sheegaysa in ciyaaryahanada jestu ay yihiin qaar garaad badan, maangal ah oo ku wanaagsan culuunta xisaabta, taas baa Aabbo yaal badan oo jooga daafaha dunida ku dhalisay in ay ubadkooda kula dedaalaan barashada ciyaartan. Isku xidhista caqli badnaanta iyo ciryaartanina waa arrin lagu hayo goobaha daraasaadka. Waxaana laga duulaa waydiin sal ah oo odhanaysa: Iyamaa midka kale raadeeya, ma ciyaarta mise garaadka?

Si looga gun gaadho jawaabta weydiintan, Mac’hadka aqoonta Ingiriisku waxa uu sameeyey cilmi baadhis ballaadhan oo kor meertay afar kun oo carruura, iyada oo yoolku ahaa; wax ka ogaanshaha saameynta barashada Jestu ku leedahay xirfadaha Akadamiga ah, natiijadu na waxa ay ku soo biyo shubatay arrin yaab leh oo ah; in ciyaartani wax saameyn ah ku lahayn natiijooyinka akaademiga ah. Haddana ka gun gaadhistaas waxa ku meersanaa shaki sababta oo ah, waxbarashadu marna kama madhna galdaloollo manhaj. Tusaale, ahaan, badi, daraasaduha saameynta Jesta waxa ay is barbar dhigeen kooxa aan sinaba uvla xidhiidhin Jesta, sida aynu ognahay na suuragel ma aha in aynu isku qaadno labo majaal oo kala gadisan. Bilmatal, ku tabobarashada Muusikada oo aan wax raadeyn ah ku lahayn awoodaha aqooneed ee aan ahayn muusikada. 

Si ka duwan taas, Majaladda ‘Intelligence’ ayaa samaysay baadhitaan koobsaday 19 daraasadood iyo 1700 oo ka qayb gale,  waxaana lagu xisabiyey guud ahaan xidhiidhka ka dhexeeya, xirfadaha ay leeyihiin ciyaaryahannada Jesta iyo afar awoodood oo aqoonta ah kuwaas oo kala ah; awoodda qofku u leeyahay xal u hellida mushkiladaha iyo la qabsiga mawqifyada cusub, Xawaaraha isku dubaridka xogta, Xirfadaha laga soo dhalaaliyo waayo aragnimada iyo xasuus lagu gorfeeyo ciyaarihii hore, taas oo macnaheedu yahay sida ay laga maarmaanka u tahay in ciyaaryahannadu daraaseeyaan una falaqeeyaan ciyaarihiii hore. Natiijaduna waxa ay noqotay in uu jiro xidhiidh adag oo ka dhexeeya xirfadda Jesta iyo dhammaan qiyaasaha awoodda aqoonta, taas oo macnaheedu noqonayo kol kasta oo uu ciyaaryahanku yahay mid garaad badan waxa kor u kacda awoodiisa xirfadeed ee Jesta.

Mar kale Majalladu waxa ay samaysay dib u eegis labaad oo ay isku barbar dhigayso ciyaaryahannada Jesta iyo inta kale, is barbar dhigaas oo ahaa; dhanka awoodaha aqooneed, waxa dhibco roonaaday dadka ciyaara Jesta gaar ahaan awoodaha aqoonta guud sida xawaaraha gudbinta, qorshaha iyo xasuusta. Ta se ay tahay in halkan lagu xuso ayaa ah: natiijada daraasaddani in ay ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay ku celcelinta waana cunsur asaas iyo lagama maarmaan u ah in guul laga keeno Jesta si la mid ah majaal kasta, iyada oo ay sidaa tahay, haddana ku celicelintu keligeed kuma filna gaadhista figta taas oo macnaheedu noqonayo; in tababarku keeno ku wanaagsanaan, taas oo iyana ku si xidhan heerka awooddeena aqooneed.

Xaqiiqooyin kale
  • Qaramada midoobay sannadkii 1966-kii waxa ay go’aamiyeen maalinta ciyaarta Jestu in ay noqoto 20 Julay.

  • Tirakoobyada Qaramada midoobay tirada ciyaaryahannada Jesta ee dunida waxa ay ku qadartay 600 Milyan, halka dadka dunida ku dhawaad boqolkiiba 70% mar ka mid ah noloshooda ay dheeleen ciyaartan.

  • Ciyaartan afarta geeddi ee u horreeya ka dib, waxa aad guuri kartaa 318 bilyan iyo 979 malyuun iyo 564 kun oo jeer, sida uu sheegay midawga ciyaarta Jesta ee Maraykanku na dheesha ugu dheer ee la dheeli karo waxa lagu soo af meeri karaa 5949 guuritaan. 

Waxa la odhan karaa waa dabiici in jiilasha soo korayaa iska sarraysiiyaan kuwii ka horreeyey iyaga oo ku tuhmaya dib u dhac dhanka aqoonta iyo waxqabadkooda ah, si kastaba, halabuurka Jestu waa guul sooca oo innagu hoggaaminaysa isu dhul dhigga jiilashii iyo quruumihii hore, waxa intaas dheer in ay ciyaartani ka dhex jirtay ilbaxnimooyin doora, xitaa haddii arrinku yahay mid sheekabaralay ah haddana taariikh ahaan waxa jiray shaqsiyaad caana oo jestu u ahayd ciyaarta ay doorbidaan. 

 

Taariikhayntan koobaan ee ciyaarta jesta waxaa laga soo turjumay halkan .